Total Pageviews

Tuesday, 3 May 2016

Ayeeyo iyo Carruur Dab la qabadsiiyay

Dalka Faraniiska ayaan waxbarasho u joogay sannadkii 1989 markii afartameeyo Soomaali ah hayb loo soocay habeen madow, isla habeenkiina lagu dilay xeebta Jazeera ee magaalada Muqdisho. 

Dad ila soo xiriiray waxay igula taliyeen in aanan dalka ku soo laaban iyaga oo sabab uga dhigay dilkaas, dhacdadii Masjidka Shiikh Cali Suufi iyo 13 dhallinyaro ah oo aan qaar badan sheeko wadaag ahayn oo Godka NSS loo taxaabay. 

Afar Macallin oo waxabarasho aan u wada joognay Montpellier mid ka mid ahi wuxuu goostay in aanuu soo laaban.  Dhowr usbuuc ka dib aniga iyo saddexdii Macallin ee kale waxaan ka soo degnay Muqdisho.

Laga billaabo walaalkeey oo airporka iga soo qaaday, saaxiibbo badan oo aan berigaas magaalada ku lahaa iyo shaqaalaha saddex goob shaqo oo aan ka tirsanaa intaba aad ayaa loo hadal hayay dilka xeebta Jazeera ka dhacay.

Xad gudub weyn ayuu ahaa. Soomaaliduna sidaa ayay u arkayeen. Uga damqanayeen. Aakhirkiina ay ka mid ahayd sababaha ay u gilgisheen.

Ogaalka shacabku wuxuu ahaa mid koobaan, laakiin shucuurtu waxay ahayd mid nool.

Hadda, Muqdisho oo aan dhowr usbuuc ka maqnaa markii aan Axaddii ka soo degay ilaa iyo hadda waxaan is aragnay dad badan. Waxaan sugayay in qof haddii aanan ka maqal aan midka xiga ka maqli doono faahfaahinta ayeeyo Soomaaliyeed iyo saddex carruur ah oo meydkooda oo guban laga helay goob ka tirsan Shabeellaha Hoose. 

Iska daa’ in la ila maago, laakiin aniga ayaaba ku daba jiray baaritaanka sida ay wax u dhaceen, weydiimaha aan hor dhigay dad aan yareyna uma wada helin jawaabo waafi ah. 

Dadku isku si uma oga waxa dhacay. Cidda geysatay uma wada cadda. Barta uu ku dhacay fal-dembiyeedkaas arga-gaxa leh la iskuma waafaqsana. Qaar badani maba maqal.

Xataa waxaan waayay qof si lagu qanci karo oo aan shaki lahayn iigu caddeeya in dadkaas nolol lagu gubay oo ay sidaas ku dhinteen iyo in la dilay ka dibna meydkooda la gubay. Labaduba waa laba dembi oo culculus.

Ma ahan in aan leeyahay dadku ma kala jecla dilka ayeeyada iyo ilmaha. Haddana kama muuqan in ay ka gubanayaan iyo in ay ka murugeysan yihiin toona. Iskaba daa' in ay ka dhiidhiyaan. 

Dadkaasi ma ahan dad aan fahamsaneyn baaxadda xadgudubkan. Kuwooda aan dareen ka arkay waxay ahaayeen kuwa la yaabban in ay waxaasi dhaceen.

Waxay taasi i tustay sida dareenka dadweynuhu uu u kala duwan yahay 1989  iyo 2016.  Waxay ii muujineysaa sida dadka dhegtoodu ay ugu baratay xumaha iyo xadgudubka xuquuqda aadanaha. Sida ay ugu baratay maqalka waxyaabaha foosha xun ee dhacaya. Waxaa ii muuqatay awood darrada ay shacabku dareemayaan.

In ayeeyo iyo carruur la dilo ka dibna meydkooda la gubo amaba nolosha lagu gubo, waa wax inta ogaalkeyga ah aan dalka ka dhicin xataa markii uu dagaalka “sokeeye” marayay meesha ugu naceybka badan.

Dowladdu iyada ayaa mas’uul ka ah nabadgelyada muwaaddinka Soomaaliyeed. Ayada ayaa mas’uul ka ah baaritaanka waxa dhaca, dabaggalka dembiilaha iyo wargelinta bulshada.


Wasiirka Garsoorka waan ku bogaadinayaa in uu meel maxfal ah ku soo hadal qaaday caddaalad darrada ku dhacday ayeeyada iyo carruurteeda la dilay lana gubay. Intaasi iguma filna. 

Waxaan rajeynayaa in aan intaa looga harin faldembiyeedkaas culus.

Waxaan Ilaaheey uga baryayayaa ayeeyada in uu naxariista Janno ka waraabiyo. Ehelkeedana waxaan leeyahay samir iyo Imaan. Waalidka carruurtana waxaan leeyahay Ilaaheey ha idin siiyo samir iyo beddel wanaagsan. Adiguna aaamiin dheh.