Total Pageviews

Tuesday 19 April 2016

Nolol ama Geeri

Yaasiin oo dhexda ku jira ayaa ka nool
Shalay waxaan dayaarad ku dul maray badda Mediterranean ee u dhexeysa Yurub iyo Afrika. Muddo saacad ku dhowaad ah oo badda aan dul marayay inta u dhexeysa Port Said oo Masar ah iyo Antalya oo Turkiga ah waxaan in badan hoos u eegayay badda.

Waxaan si murugo leh u xusuustay dhallinyarada Soomaaliyeed ee baddaas ku dhinta ayaga oo raadinaya caddaalad, nabadgelyo, daryeel caafimaad iyo fursado waxbarasho iyo shaqo.

Waxaa ugu dambeeyay 400 oo dhallinyaro ah oo la sheegay in ay Soomaali u badan yihiin oo toddobaadkii hore intooda badan ay naf waayeen markii ay la degtay doon ay is lahaayeen aad Talyaaniga ku tagteen.

Axmed iyo Ayman oo sawirka ka muuqda waxau ku dhinteen shilka. Yaasiin oo dhexda ah ayaa ka nool wiilsha sawirka ka muuqda.

Bal eeg quruxdooda. Bal eeg qiimahooda. Bal eeg sharafta ka muuqata. Bal eeg rajada indhahooda saaran.

Bal ka feker sida da’yartaas loo gabay.

Cusmaan Obokor oo abti u ah wiilasha ayaa sawirka ka qaaday mar uu Qaahira ku booqday isaga ayaana sawirka soo dhigay Facebook. Allah ha u naxariisto saddexda iyo dhammaan inta kale ee shilkaa ku geeriyootay. Eheladoodana Samir iyo Imaan Allah ha ka siiyo. 

Qaxu intaa kuma joogsan doono ee Dhallainyarada rajo doonka ah ee hadda ka dib baddaas isku qaadi doontana waxaan Allah uga baryayaa in uu ka badbaadiyo halista.

Dhib ma dhaco aan xal lahayni. Fal ma dhaco aan mas'uuliyad lahayni.

Ummad sida ay u nooshahayna waxaa mas'uuliyaddeeda wax weyn ku leh hoggaamiyayaashooda, qaar hore iyo kuwa hadda.

Waxaan is weydiiyay ergooyinka hadda la xulayo ee soo dooranaya Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Xildhibaannada sannadkan gudihiisa dooran doona Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne ma la socdaan xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed? Haddii ay la socdaanse ma ka gubanayaan xaaladda dhallinyaradu ay ku sugan tahay?

Ma og yihiin in go’aanka ay gaarayaan iyo qofka ay codkooda siinayaan in uu saameyn toos ah ku leeyahay aayaha umadda Soomaaliyeed oo ay dhallinyaradu ugu horreyso?

Ma og yihiin in codka ay dhiibtaan uu macnihiisu dhallinyaro badan u ahaan karo Nolol ama Geeri?

No comments:

Post a Comment