Total Pageviews

Friday, 8 April 2016

Madasha Muqdisho iyo Muraadyada Miliqsan

Madasha. Waa sawir hore.
Waxaa socota qabanqaabada Madasha Madaxda Dowladaha Gobollada iyo Dowladda Federaalka. Horeyba wey u dhici jireen kulammadani. Intabadan Muqdisho ayay ka dhici jireen. Sidoo kale Garowe iyo Kismaayo waa lagu qabtay.

Laakiin middan hadda la qabanqaabinayaa wey ka duwan tahay, kana xasaasi san tahay. Cirka ayaa kicin doorasho oo billow ahi ku jiraa, inkasta oo aan wakhti ka harin xiligii roobabku in uu curto la sugayay.

Ajendaha ugu muhiimsan ee horyaalla waa doorashada 2016 iyo habka loo maamulayo.

Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in uu yahay murashax. Ugu yaraan nooma qarin rabitaankiisa. Ninkii igu aadaa bannaanka ha u soo baxo, ayuu na leeyahay. Madaxda kale ee weliba Sare wey aammusan yihiin. Waa dhici kartaa in ay la damac yihiin laakiin ay duruufahoodu ka duwan yihiin Madaxweynaha ama ay ka xeelad duwan yihiin.

Madaxda Dowladaha Gobolladu waa hoggaamiyayaal siyaasadeed oo mid waliba uu gacan saar la leeyahay Madax hadda xilka haysa (kuwa caddeystay iyo kuwa ay dhici karto in ay gamban yihiin) ama inta aan Dowladda ka tirsaneyn laakiin raba in ay iyagu beddelaan kuwa hadda talada haya.

Markaas in biyo hoostood ay iska arkaan Madaxda madasha fadhida, isla markaana ay isku tuhmaan isku-day ah in ay kala jiitaan awoodaha iyo hadba sida ayagu ay dantooda u arkaan waa dabiici. Waxaanse uga fadhinnaa in ay qaataan go’aammo lagu gaaray si daalacan, meelmar ah, xalaalna ah.

Laakiin, Madaxweyne Goboleedyadu waa in ay xariiftanka iyo xisaabtanka siyaasadda iyo iska jiridda Murashixiinta miiska fadhiya aanay geyeysiin in ay ku dhegaan mowqifyo aan hadhow meelmar noqon karin amaba Qarannimadeenna dakharro gaarsiinaya.

Halkan waxaan akhristaha iyo Madaxda madashaba kula wadaagayaa su'aalo dhowr ah oo aan ku cabbirayo aragtideyda. Waxaan ugu talo galay in ay dhaliso in qofku uu bal keligii ka fekero. Ila arko fursadda, haadaantana naga ilaaliyo. 

Ama sida aan jeclaan lahaa, aragtideyda mid ka wanaagsan ama kaamileysa uu meesha la yimaado.

Is weydii - Horta xaggeed ka Talisaa?


Markii ay Warlords ka arrimaneeyn dalka, ama aan iraahdee ay moodayeen in ay ayagu dalka ka Taliyaan, wuxuu ahaa xilli aad u xun. Waxay ahaayeen badankood madax qallafsan. Waxayse Warlords-ku lahaayeen xeer aan qornayn. Niman waxay ahaayeen inta badan taagtooda tallaabsada. Ma haysan ciidan shisheeye oo u dagaallama ama u damaanad qaada damac ay qaar kale u arki karaan sad bursi.

Qaabka ay doonto ha u dhacdo, Madaxweynayaasha Gobolladu waa niman la doortay. Way ka sharciyad wanaagsan yihiin Hoggaamiye Kooxeedyadii la koolkoolin jiray mana barbardhigayo. Xataa Madaxweynihii u dhaqma sidii Warlord lalama meel dhigi karo Warlord, ugu yaraan waa Super Warlord shati haysta.

Aan iftiinka tooshka hoos ugu sii dhoweeyo. Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ma jiro mid ka taliya degaannada uu sheeganayo. Qaarkood xataa ciidan shisheeye oo kumanyaal ah iyo ciidanka dowladda ayaa ku sugan Gobolka, welina waxay ka fadhiyaan qeybo yar oo weliba loo soo dhaco oo qarax iyo dil lala daba joogo.

Puntland ayaa ugu roon. Madaxdeeda iyo xaruumaheeda iyo inta badan magaalooyinkeeda iyadu amnigooda wey ku filan tahay.

Laakiin, Xarunta Puntland waa Garowe. Marka aad ka baxdo Degmada ugu dhow ee ku soo xigtaa waa Laas Caanood (LA).  Bartamaha Laas Caanood (Downtown LA) calanka ka babbanaya bal soo eeg. Puntland iska daaye ma ahan calanka Soomaaliya. Puntland wey baratay si ay xaqiiqadaas la deriska ah ay ula noolaato.

GalMudug weli waxaan ka sugeynaa in ay tagto oo xarunteeda ay degto kuna shaqeyso. Koofur Galbeed iyo Jubbaland iyaga waxaa ku yaalla xarumo looga duulo caasimadda iyo weliba dalalka deriska ah.

Dowlad Goboleed kasta waxaa jira qabaa’il iyo kooxo siyaasadeed oo ka gadoodsan oo ku nool kuna shaqeysta degaannada ay ayadu sheeganeyso. Tusaale waxaa iiga filan Khaatumo, Ahlu Sunna iyo Bakool Sare.

Waxa aan sawirayaa waa xaqiiqada dalka. Ma ahan wax aan ku eedeynayo Dowlad Goboleedyada iyo Madaxdooda midna. Sababta oo ah iyagu mas’uul kama wada aha, tab ay wax uga qabtaanna gacantooda kuma wada jirto. Qaarkoodna dhibka haystaa wuuba ka fac weyn yahay Dowlad Goboleedka.

Hadda waa laga yaabaa in kooxaha aan sheegay iyo kuwa la mid ah oo aan sidaa u caan bixin si uun loo muquunin karo ama loo duudsin karo. Laakiin ismuquunin iyo duudsi waxa keliya oo ay dallacsiin karaan colaadda, taas oo xalka sii fogeeyn karta.

Waxaa ka wanaagsan isu-garaabid, istixgelin iyo is-aqbalaad labada dhinacba ka timaadda. Waa hab dan u ah Soomaali. Ka raqiisan kana dhib yar isxaqiraadda iyo ismuquuninta. Aan dhiig ku daadaneyn. Waxa keliya oo ku dhiman karaa waa qab, qabkuna dhiig ma lahan.

Banaaddir, Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashada


Banaadir isagu buugga kuma yaal. Waa haddii la eego aragtida Madasha. Waxay ku doodaysaa in Baarlamaanka lagu qeybsaday qabiil. Banaadir-na  qabiil ma ahan ee waa Gobol. Sidaa darteed qeyb iyo cod midna ma lahan.

Waxaan Madasha la weydiin, haddii qabiil wax lagu qeybsaday, ayagu qabiilladee ay u yihiin Hoggaamiye dhaqameed? Miyaanay ayagu magac Gobol ku fadhin miiska?

Banaadir waxay tahay waxa Gobol yahay. Kama sarreyso, lagamana hoos dhigi karo. Taas macnaheedu ma ahan qabiil in qabiil leeyahay caasimadda. Qormo aan ku dhiibtay Aragtideyda Muqdisho halkan ayaad ka akhrin kartaa oo aan ku soo lifaaqay.

Haddii qabiil wax lagu qeybsado dadweynaha Banaadir waxay qeybtooda ku leeyihiin qabiilladooda. Haddii degaan wax lagu qeybsadana Gobol kasta cid ka wakiil ahi waa in ay miiska fadhidaa. Dabcan hal qof wakiil waa ka ahaan karaa dhowr Gobol.


Su’aasha kale ee ku dhimman Madaxweynayaasha Gobolladu waxay tahay,
Xildhibaannada Baarlamaan Goboleedkooda ma iyagaa u saxiixay waraaqda uu Baarlamaanka ku fariistay? Jawaabtu waa Maya. Kumana dhacaan in ay awooddaas weydiistaan in la siiyo.

Haddaba maxaa keenay in ay yiraahdaan Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu fariisanayaa waraaqo uu Madaxweyne Goboleed saxiixay? 

Dhanka kale, haddiise loo oggolaado in Madaxweyne Goboleedyadu ay Federaalka sidaa ugu tuntaan, maxaa ka hor istaagaya in ay dadweynaha Dowlad Goboleedka uu mid kastaa madaxda ka yahay in uu ku xadgudbo?

Su’aal kale. Miyaan Madashu ogeyn in awoodaha iyo mas’uuliyadaha dalku ay kala qeybsan yihiin?

Doorasho waxa la yiraahdo, qofkii aan aqoon iyo kii is moogeysiinayaba waa loo sheegayaa. Doorasho waxay leedahay xeerar iyo nidaam loo raaco, waxaana ka mid ah - Doorasho in uu maamulo Guddi Doorasho oo Madaxbannaan.

Guddiga doorashada ee hadda dhisan waan ogahay in dood laga qabo. Haddii ay lagama maarmaan tahay wax ha laga beddelo, haddii ay kallifto isaga dhan ha la kala diro oo sida lagu soo magacaabayo ha laga heshiiyo.

Laakiin dariiqad kale oo xalaal ah oo looga leexdaa ma jirto. Doorasho aan Guddi Doorasho maamuleyn ma ahan doorasho ee eraybixin kale ha loo helo.

Dardaaran


Madaxda Madasha waan salaamayaa. Waxaad tihiin Madaxdeyda. Waxaa iga xusuus ah  in aad annaga oo dhan na matashaan. Fadlan naga dhowra xasaasiyadaha goboleysiga, qabiilka iyo colaadda.

Xusuusnaada in aan Doon wada saaran nahay. Doonta waxaa la yiraahdaa Soomaaliya. Qof madax ah iyo mid aan ahayn, qof ma jiro qofka kale ka leh. Qof, gobol ama qabiil ay meel doog leh keligood geyn doontana ma jiraan. Doogga waan wada tegi doonnaa ee inta ka horreysa yaan doontu nala degin ama nala caarin.


Haadaanta kale waa Khatarta Burcadbadeeddana. Doonteennu wey muuq iyo magac dheer tahay. 

Soomaaliya dowladnimadeeda, nabadgelyadeeda, horumarkeeda iyo karaammadeeda waxaa lagula xisaabtamayaa marba Madaxda markaa mas’uulka ka ah. Taariikh loo aayo in aad ka tagtaan ayaad fursad u haysataan. Fursadda arka oo noogaa faa'iideeya.