Total Pageviews

Monday 25 April 2016

Eber Cod waa ka mid Musuqmaasuqa Doorashada

Musuqmaasuqa siyaasadda Soomaaliya waa mid baahsan wuxuuna ugu daran yahay xilliga doorashada Madaxweyne, ha noqdo Madaxweynaha Qaranka ama kuwa Gobollada qaarkood.

Hadda 2016 oo xilli doorasho noocyo kala duwan ah la gelayo, waxaan jecleystay in aan kula wadaago mid ka mid ah waxyaabaha aan ila habbooneyn ee aan kala kulmay doorashadii Madaxweynaha Federaalka ee aan isu taagay 2012. 

Ka dibna waxaan soo jeedin doonaa sida ay ila tahay in lagu sixi karo, si ay dood u furto, go’aanna looga qaato. Ujeeddadeyda kama dambeysta ah waa in la dhimo musuqmaasuqa doorashada.

Shuruudaha Murasha Madaxweynaha ee sannadkii 2012 waxaa ka mid ahayd in uu Murashax kastaa la yimaado ama ay la timaaddo saxiixa 20 Xildhibaan.

Waxaan ka mid ahaa dadkii ra’yigaa curintiisa saameeyaynta ku lahaa markii uu soo baxayna aad u taageersanaa.

Waxaan u arkayay in shuruuddani ay sahleyso in la aqoonsado in qofka isa soo taagayaa uu yahay mid taageero ka haysta tiro Xildhibaanno ah oo billow fiican noqon kara.

Ujeeddada labaad ee aan fikirkaa u qabay waxay ahayd in culeyska la yareeyo oo murashaxiintu ay noqdaan dad kooban.

Ujeeddo saddexaad waxay ahayd in murashaxa ay u fududaato in uu is qiyaaso inta aanuu Baarlamaanka soo hor istaagin. Haddii ay ku adkaato in uu helo saxiixa 20 Xildhibaan oo taageerta murashaxnimadiisa waxaa u cad in ay adag tahay in uu ka soo gudbo wareegga koowaad.

Ugu dambeyntii waxaa macnuhu ahaa in Xildhibaan kastaa uu aad uga fekero qofka uu soo gudbinayo oo ay la tahay in fursad loo siiyo in uu u tartamo Madaxtinnimada dalka. Taas oo keeni karta in uu wakhti la qaato murashaxa oo uu qiimeeyo maalinta codeynta ka hor asaga oo weliba barbardhigaya murashixiinta kale.

Waxaan u arkayay shuruud ay murashixiinta oo dhami u siman yihiin isla markaana howsha sahli lahayd.

Been la isla Oggol yahay


Si macnaha looga dilo, si musuqmaasuq loo jideeyo, si baayactan ay u noqoto doorashada Madaxweynaha Qaranku, waxaa la dejiyay in Xildhibaan kasta loo oggolaado in uu soo gudbin karo saddex murashax.

Macnuhu wuxuu yahay, inkasta oo Xildhibaanku hal cod leeyahay waxaa loo oggolaaday in uu soo gudbin karo magacyada Murashaxa uu dooranyo iyo laba uu uga dhigay in ay u qalmaan Madaxtinnimo laakiin aanuu cod siin doonin.

Si kale haddii aan u dhigo, meeshii murashixiinta lagu kala reebi lahaa kii heli kara codka 20 Xildhibaan iyo kan kale, waxay isu fasaxeen in Xildhibaan kastaa uu saddex murashax soo gudbiyo.

Taas waxaa macnaheedu yahay in qof aan hal cod heli doonin ay 20 Xildhibaan been u soo sheegaan oo ay u soo saxiixaan waraaq si uu u “buuxiyo” shuruudaha.

Murashixiin ay ka mid ahaayeen Maxamed Cabdullaahi Faramaajo, Yusuf-Garaad Cumar, Axmed Ismaaciil Samatar, Cabdiwaaxid Goonjeex, Maxamed Cabdiweli Sh. Yusuf, Cumar Salaad Cilmi, Maxamed Yaasiin, Cusmaan Faalko, Maxamed Cabdullaahi Oomaar iyo Zakariya Maxamuud Xaaji Cabdi dhammaanteen waxaan buuxinnay shuruudda oo waxaan la nimid saxiixa min 20 Xildhibaan oo na soo gudbiyay. Laakiin haddana midkeenna ma helin 20 cod, xataa ma sigin.

Markaa shuruuddaas dhab ahaan ma aynaan buuxin inkasta oo aan haysannay saxiixa 20 Xildhibaan.

Dabcan Xildhibaannada aan saxiixooda haysannay kuma ayan khasbaneyn in ay cod na siiyaan maaddaama uu mid kastaa u saxiixay saddex murashax. Laakiin shuruudda ayaan buuxin kari waayi lahayn, ama midkiiba ugu yaraan waxaa uu heli lahaa 20 cod oo saxiix uun aan ahayn ee ah 20 cod oo run ah.

Natiijadii waxay noqotay in lix murashax oo keliyihii ay si dhab u buuxiyeen shuruudaha.

Dabcan annaga waxaa naga sii darnaa, afar murashax oo midkiiba ay 20 Xildhibaan u soo saxiixeen in ay taageersan yihiin murashaxnimadooda, hase yeeshee midkoodna aanuu hal codna helin. Waa Cabdiraxmaan Maxamed C. Xaashi, Ibraahim Cali Xuseen, Maslax Maxamed Siyaad iyo Maxamed Axmed Saalax.

Hadda iyo Dan


Weli waxaa ila qumman in shuruudda ah in murashax kasta uu la yimaado saxiixa 20 Xildhibaan la soo celiyo sababaha aan soo sheegay awgood.

Laakiin maaddaama aan aragnay in ay suurta gal tahay in 20 Xildhibaan ay Murashax soo ansixiyeen, markii ay codeyn timidna uu murashaxii helay 0 cod, waxay ila tahay in aan cashar ka baranno.

Markaa waa in uu Xildhibaan kastaa lahaado hal saxiix sida uu u leeyahay hal cod.

Marka labaad maaddaama laba aqal la dhisayo oo tirada Xildhibaannada labada aqal oo wada jira ay dooran doonaan Madaxweyne, waxaa ila habboon in kor loo qaado tirada saxiixyada Xildhibaannada labada aqal ee looga baahan yahay Murashaxa. Waxaan ku talin lahaa in laga dhigo 25 saxiix. Waa shuruud adag, laakiin waxa loo tartamayo ayaa ah Xil Muhiim ah.


Haddii ay dhacdo in Xildhibaanka loo oggolaado in uu u saxiixo in ka badan hal murashax, waxay ila tahay in afarta sano ee soo socota tallaabada ay ku billaabaneyso ay tahay musuqmaasuq iyo been heshiis lagu yahay oo la jideeyay.

19 comments:

  1. Somalia ma aha meel ay dawlad nimo kasuuroobayso sababtuna waa labo arrimood


    1 dadka madaxada noqonaya oo ah dad sogalooti ah yacni reerahooda daganyihiin dibada


    2 iyo madaxdaas oo ah kuwo usooshaqa tagay caruurta ujoogta dibada




    Hada iyo hadan

    Ninki doonaya somalia nabdoon oo xal ah hakeeno caruurtiisa muqdisho
    Hagley skulada muqdisho iyo malcamadaha


    Lkn yuan wadaniyad been ah noosheegin hadhawna lacagta unusual yusun carurtiisa udirin kuwi ulacgta kuqatayna maalin wlabaa laqarxinayo



    Somalia waxa ay ubahanthy hogaamiye kudhashty kunaladhalay caruur dagan muqdisho oo oodhibki dhacaba siwalbaa usamynayo

    ReplyDelete
    Replies
    1. Masha allah walahi aad ayaad u asiibtay. Lakin waxaa nasiib daro ah dadka loso shaqo tagay oo waxba fahamsaneyn.

      Delete
  2. Waa aragti togan oo waaqici ah lakiin taa maqlaya waa dad iyo dal musuqa caadaystaye

    ReplyDelete
  3. Waa arin soo jeedin fcn waana soo dhaweynayaa yuusufow

    ReplyDelete
  4. Waa dood muhiim ah, waxey dan utahay murashaxa si eysan lacag bdn kaga qasaarin uusanna ulumin damac uu iska buuxshay.

    ReplyDelete
  5. Waa talo soojeedin muhiin ah waqtigeediina timid lkn wadan musuqu caado u yahay weye yuusufow

    ReplyDelete
  6. Dowladnimo maahan tan ilaa hada Aan raadineeyno kabsasho muddo ku dhow labaataney Sano iyo sixid la'aan waxyaalo badan ayaa geeysay in taasi maantay la'is hordhigo dalkoo hishiis ku ah hanaan fedarlisam ayaa la-layahay hanaan saxa kumeel gaarkani dalku dhex qotomo Dastuur Aan shaqo laga qabban hayaado maxakameed oo dastuuriya oo Aan Ladhisin iyo waliba hanaankii federal oo hishiiska lagu ahaa oo Aan waxbadan oo dhalaala lagu Darin ayaa afar sanoo kastaa kala wareeg hayadeed dhacaa xalku saan iyo si Aan ahayn ma dhaami waayey mise soo kabashada qaranimo Somalia ayaa Dib nus qarni ku dhow nagu qaadani doonta 2016 iyo 2022 isbadal hanaan federal oo saxa may muuqato walow meesheedii Aanu walito qotono
    Dan jire yuusuf garaad hanaanka iyo habka qoray 20 musharax iyo la'imaanshiyaha Goobta codbixinta ma-mid qeexaya Dastuurka ku meel gaarkaa miyaa mise mideey musharixiintu iyo qolyaha doorashudu ku hishiis yihiin miyaa Anagoo wada og xildhibaanku inuu leeyahay hal-cod iyo hal saxiix

    ReplyDelete
  7. Waa arin fiican waana soo dhawaynayaa

    ReplyDelete
  8. Waa wax jira oo muuqday taas waxaa havoon in lagu daro dhuruuda madaxqeynaha in caafimaad ahaan maskaxda laga haaro musharaxa xilka raba

    ReplyDelete
  9. Cidina daah kama saarno musuq kii ugu xumaa inu hareeyay dorashoyinka koley madaxwayne musuqaas kuso baxay umbaa so bixiye ilahay haka dhigo mid wadanka wax uqabto

    ReplyDelete
  10. Ma musuq maasuq mise wax kale soamli masuq maasuq joojin maayaan ee wax kale noo sheeg mudane

    ReplyDelete
  11. Waa arakti fiican lkn ilamaha ahan shuruudaha qaar iney xoogaa aysan meela badan taabaneynin.
    Tankale Qafii loo doortaa xilka madaxweynaha asagoo degan mugadisho'kubarbaaray'caruurutiisu degantahy isla markiiba wow guuraa
    Ugu yaraan Kenya ayuu geysanaa
    Marka taasi waxba soo kordhin meyso
    Ilaahey soomaaliya ha ugar gaaro.

    ReplyDelete
  12. Yusuf waa talo aad u wanagsan
    Lakin musuqmaasuqa ha la dhimo iyo ha lajoojiyo wey kala ficantahay.
    #hala joojiyo

    ReplyDelete
  13. Run ahaantii waa fikir muhiim ah hadii la howlgaliyo waxtar leh lkn macaquul maahan dhowr sababood awgeed,

    1 arrintaan waxaa hirgalin kara waa BFS mana samaynaayaan waayo waxtar oma lahan, si kale hadaan u sheego BFS 2da aqal waxay ka kooban yihiin 329 nin awalba wuxuu kasoo baxay maamul iyo reer labadaba dhaqaale ayaa oga baxay inuu xil kasoo helo.

    2 markii rayigaan iyo musharaxiinta joogta ee jaga doonka ah la isku qaymeeyo lid ayay isku noqonaayaa markii laga reebo hal arrin oo ah in murashax walba wuxuu heli lahaa uu face-ka 1aad ku ogaanaayo.

    Ugu danbayn way jiraan waxyaabo badan oo aan suuro galinayn in tilaabadaan la raaco markii loo fiirsho barlamaanka,
    Lakiin dal ahaan iyo dad ahaan sidaan ayaa quman waana kula qabaa fikirkaan.

    ReplyDelete
  14. Waa fikrad macquul ah Ampasadore

    ReplyDelete
  15. WAA FIKIR FIICAN LAAKIIN WAXAAN U ARKAA HALKA UU MUSUQU KABILAWDAY AMA LAALUUSHKU INUU YAHAY SAXEEX RAADIN
    TUSAALE HADAAN RABO INAAN MUSHARAX NOQDO SIDEEN SAXEEX KU HELAYAA?
    WAA IN AAN 20 XILDHIBAAN WAX SIIYAA QOF WALBA OO ORDAYA WAA SIDAAS OO KALE MARKAAS WAXAAN LEEYAHAY ARINKAASI WAA LAALUUSHKII OO LAXALAALAYNOYO
    HADII LASII ADKEEYO AMA LABADIYO TIRADA LACAGTII AYUUNBAA SIIBADANAYSA TUSAALE HALKAAN 20 WAX KASIINAYAY 50 AYAAN KASIINAYAA MARKAA JEEB YARE HAISKA JOOGE WEEYAAN DALKUNA GANACSI QOFLEEYAHAY AYUU NOQONAYAA

    ReplyDelete
  16. waxay ila tahay, in shuruudaha la adkeeeyo si 50ka murashax loo yareeyo marka koowaaad.

    waxan kaloo qabaaa in ragga tartamayo mid waliba la imaado 20 xildhibaaam saxiixood.

    waa inuusan heysan passapor wadan kale . haddii uu heystane waaa inuu ka tanaaasulaaa kahor doorashada.



    waa in hantidiisa la tirayaaa si uusan dalka uga shaqeysan, oo lagula xisaabtaaaa.

    wabilaabi towfiiq

    ReplyDelete