Hatshepsut Temple, Luxor. Photo by Yusuf-Garaad |
Waa 1997. Dalkeennu Dowlad ma laha. London ayaan ka duulay aniga oo safar
shaqo ku tegey Qaahira. Shir ayaa loogu qabtay kooxo Soomaaliyeed oo isugu jira
siyaasiyiin aan hubeysneyn iyo niman madax u ah jabhado dagaallama.
Shirka waxaa qabatay Jaamacadda Carabta. Dowlado daneynayana wey imaan jireen sida Ethiopia oo ay inta badan goobta shirka imaaneysay Danjiradda u fadhiday Qaahira.
Sidoo kale waxaa imaan jiray Soomaali aan markaas siyaasadda ku jirin. Dadka aan shirka qeyb ka ahayn laakiin halkaa imaan jiray ee aan isku barannay waxaa ka mid ah Shariif Xasan Shiikh Aden, oo ganacsade la igu baray.
Markii dambe shirka waxaa loo raray xero ciidan, si aan ajnebi, Soomaali kale iyo weriyayaal midna u soo dhex galin.
Sidoo kale waxaa imaan jiray Soomaali aan markaas siyaasadda ku jirin. Dadka aan shirka qeyb ka ahayn laakiin halkaa imaan jiray ee aan isku barannay waxaa ka mid ah Shariif Xasan Shiikh Aden, oo ganacsade la igu baray.
Markii dambe shirka waxaa loo raray xero ciidan, si aan ajnebi, Soomaali kale iyo weriyayaal midna u soo dhex galin.
Shirkani wuxuu noqday mid taariikhi ah oo saameyn weyn ku yeeshay
Soomaaliya. Sababta oo ah wuxuu sabab u noqday ama ugu yaraan uu soo deddejiyay
asaaska Dowlad Goboleedka Puntland.
Labada dhinac mid waxaa Hoggaaminayay Xuseen Caydiid, dhinaca kale
waxaa hoggaaminayay Shan mas’uul oo Madaxtinnimadu meerto u tahay. Waxay kala
ahaayeen Cali Mahdi Maxamed, Cabdullaahi Yusuf Axmed, Cusmaan Xasan Cali,
Cabdulqaadir Zope iyo General Aden Gabyow, ragga la socdayna waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil, Raajis iyo Cali-Marguus.
Cabdullaahi Yusuf Axmed oo Muqdisho u tagay in Dowlad ay isla
dhisaan General Caydiid, laakiin ay isku af garan waayeen awood qeybsiga, ayaa
mar labaad ka carooday talada ay soo jeediyeen dhinaca Xuseen Caydiid uu
horkacayay oo ay ka mid ahaayeen, Maxamed Qanyare Afrax, Cabdiraxmaan Axmed
Cali, Axmed Cumar Jees, Maxamed Nuur Caliyow, Cabdikariin Axmed Cali,
Xasan-Qalaad iyo rag kale oo badan.
Waxay labada dhinac ay isku afgaran waayeen midka la qaadanayo in
sida laba isbahaysi wax loo qeybsado iyo in qabiil wax lagu qeybsado.
Cabdullaahi Yusuf wuxuu goostay in uu ka qanco shirka isagana baxo.
Waxaa ra’yigaa ku wehliyay General Gabyow. Waxay u duuleen Garowe. Halkaas oo
shaqo badan ay geliyeen maamul u sameynta wixii markaas ka hor loo yaqaannay
Gobollada Woqooyi Bari, siyaasad ahaanna ay matali jireen Madaxda SSDF oo la soo raaciyay Gobollo iyo degaanno kale.
Sannadkii 1998 ayaa lagu dhawaaqay Puntland.
Haddii aad daneyneyso sida 1997 gaar ahaan shirka Qaahira ay
howshiisu u socotay waxaan isla qormadaan qeybteeda hoose ku soo bandhigay warbixin
aan ka soo diray Qaahira Isniin 17 November 1997 oo laga sii daayay BBC.
Isla maalintaas, ayaa weerar argagixiso oo ka dhacay Masar,
magaalada Uqsur lagu dilay in ka badan 70 ruux oo lixdameeyo ay yihiin
dalxiisayaal reer Galbeed ah. Uqsur (Luxor) waxay Qaahira u jirtaa 504 km oo
koofur ku began. Waxay dalxiisayaashu daawanayeen Qasriga Xatshebsut oo markii la
dhisay laga joogo in ka badan 3,400 oo sano.
Weriyayaashii aan wadatagnay Uqsur |
Intii aan qasriga deyraddiisa dhex wareegeynay ayay indhaheygu qabteen calaamad i soo jiidatay. Geed jirriddu ay ka soo hartay, oo ku dhex yaalla deyradda qasriga Xatshebsut ee la dhisay 3,400 oo sano ka hor. Geedka waxaa ku ag dheggan calaamad sheegeysa in laga keenay Punt. Sida aan taariikhda ku dhigtay Punt waxay Masaaridii hore u tiqiin xeebaha Soomaaliya ee xabagta, beeyada iyo waxyaabo kale oo iyaguna udgoon ay ka qaadan jireen.
Sidaa darteed waxaan Geedkii ka qaaday sawirka aan ku soo bandhigay meesha boggaan ugu sarreysa. Idaacadda BBC iyadana waan ka sheegay.
Warbixinta Wadahadalka Qaahira Isniin 17 Nov 1997
Wadahadallada kooxaha Soomaalida uga socda
magaaladan Qaahira ayaa soo gaaray qodobbo culculus oo la xiriira qaabka ay
yeelan doonto dowladda Soomaaliyeed ee mustaqbalku.
Labada dhinac ee wadahadalka ka qeyb
gelaya waxay la shir yimaadeen laba qaab oo isu eg laakiin kala duwan.
Golaha NSC oo uu hadda Hoggaamiyo Cusmaan
Xasan Cali "Caato" waxay soo bandhigeen in qaabka Dowladdu uu noqdo
Gole Madaxtooyo oo u kaltama jagada Madaxweynaha iyo Wasiirro.
Dhinaca uu hoggaamiyo Xuseen Caydiid iyagu
waxay soo bandhigeen in qaabku uu noqdo Gole Madaxtooyo oo leh Madaxweyne aan
ahayn meerto, Ra'iisal Wasaare iyo Wasiirro.
Ka dib markii ay labada dhinac isbarbar
dhigeen hindisayaashooda, waxay u saareen Guddi ka kooban lix xubnood oo
saddexba ay dhinac tahay. Dhinaca NSC waxaa ka socday Cali Mahdi Maxamed, Cabdullaahi
Yusuf Axmed iyo Maxamed Aden Zope. Dhinaca kale waxaa ka socday Axmed
Cumar-Jees, Maxamed Qanyare Afrax iyo Maxamed Faarax Jimcaale.
Dhowr fadhi oo uu qaatay ka dib Guddigu
talo ayuu soo jeediyay, markii laga doodayna waxaa la gaaray is af garad.
Ilo Xog Ogaal ahi waxay ii sheegeen in
lagu heshiiyay in qaabka Dowladdu uu noqdo Gole Madaxtooyo oo ay xubnihiisu
awood siman yihiin, Madaxweyne aan kaltan ahayn, Ra'iisal Wasaare iyo Wasiirro.
Intaas ka dib, Guddi ka kooban toban
xubnood ayaa loo saaray in uu soo diyaariyo awoodaha iyo waajibaadka xilalka
Golaha Madaxtooyada iyo Golaha Wasiirrada. Qodobbadii uu Guddigu soo jeediyeyna
intooda badan waa la isku waafaqay.
Qodobka ilaa shalay la isla meel dhigi
la’yahay waa tirada xubnaha Golaha Madaxtooyada.
In la isku afgarto qaabka Dowladeed
micnaheedu ma ahan in la isku afgartay waxyaabihii ugu adkaa ee khilaafku ka
taagnaa. Arrinta loo dheg taagayaa waa marka loo gudbo, waaba haddii loo
gudbee, magacyada shakhsiyaadka qabanaya xilalka waaweyn. Haba ugu sii
darnaadeen Madaxweynaha, Golaha Madaxtooyada iyo Ra’iisal Wasaaraha.
Marka la isku af garto magacyada dadka
xilalkaas qabanaya oo keliya ayaa qaab dhiskmeedka Dowladdu uu noqon karaa mid
jira. Haddii kale wuxuu ahaan doonaa Dowlad mala’awaal ah, oo waraaqaha ay ku
qoran tahay aan ka qiimo badneyn.
No comments:
Post a Comment