Total Pageviews

Tuesday 15 March 2016

Shabaab waa Halis hadda taagan

Bishii Juun ee 2015 ayay ahayd markii Madaxweynaha Uganda uu sheegay in Shabaab la jebiyay. Marar kale oo badan waxaan Madax Soomaaliyeed, AMISOM iyo Madax kale aan ka maqalnay Shabaab waa laga adkaaday iyo waa naf la caari.

Markaa ka dibna waxaa dhacay weerarro ay dad rayid ahi ay ku naf waayaan, qaar kale ay ku dhaawacmeen kuwa kalena ay sas ka qaadeen.  Weerarradaas mararka qaar ciidan Soomaaliyeed ama midka AMISOM ayayay waxyeello weyni ka soo gaartaa.

Shabaab uma dhammaan. Naf la caarina ma ahan. Waa ciidan habeen iyo maalin ku howlan qabanqaabada ama fulinta weerar qarxin, is qarxin ama nooc kale ah oo ciidammada amniga iyo shacabku ay isku mar ka warhelaan.

Qaraxyadoodu intii hore wey ka culus yihiin degaannada ay weerarka ku yihiinna waxaa u dambeeyay Garacad iyo degaanno ka tirsan Nugaal.

Khatar xalkeedu wuxuu ka billowdaa in horta la qirto oo laga run sheego.

Niyaddu waxay jeceshahay in afka uun laga sheego laguma helo. Shabaab si looga nabad galo xeel iyo xoog mid ay noqotaba waa in aqoonteeda, kartideeda, abaabulkeeda, ficilkeeda iyo u-wadajirkeeda lala yimaado.

No comments:

Post a Comment