Total Pageviews

Wednesday, 30 March 2016

Warbixinta Castro ee Soomaaliya iyo Ethiopia 1977

Shir ay 1977 yeesheen Hoggaamiyaha Cuba iyo Hoggaamiyaha Jarmal Bari ayay uga hadleen Soomaaliya iyo Ethiopia. Arkiifiyada Jarmalka ayaa 2005 dibadda soo dhigtay wixii lagu wada hadlay. Waxaan u tarjumay Soomaali.  Warbixinta aad halkan ka akhrin doonto waa hadalkii Fidel Castro oo keliya.


Waxaa fadhiga goob joog aha Jaallayaasha kala ah Hermann Axen, Werner Lambez, Paul Verner, Paul Markowski (oo ay wehliyaan Jaallayaasha kala ah Edgar Fries iyo Karlheinz Mobus oo u tarjumayay), Carlos Rafael Rodriguez, Osmany Cienfuegos, Raul Valdez Vivo, Jose Abrantes.

*****

Fidel Castro iyo Erich Honecker (Midig)
Goobtu waa Barliin-Bari. Waa maalin Axad ah. Abriil waa 3 1977. Waa Guriga Golaha Dhexe. Shir socday shan saacadood oo dhowdhow ayaa dhex maray Hoggaamiyaha Cuba, Fidel Castro oo markaa ka soo laabtay Geeska Afrika iyo Hoggaamiyaha Jarnalka Bari Erich Honecker. Marka lagu daro biririf dhexda ah, shirku wuxuu socday barqadii ilaa makhribkii. Wuxuu kulanku billowday barqadii 11:00 saac. 

Waxaan kuu soo gudbinayaa hadalladii ay is weydaarsadeen labada hoggaamiye oo la faafiyay marka laga reebo 16 bog ee ugu horreeya oo qarsoodi ah.

Warbixintu waxay leedahay, Jaalle Erich Honecker si diirran ayuu u soo dhoweeyay Jaalle Fidel Castro iyo Jaallayaasha reer Cuba ee ku wehliyay wadahadalka hoose ee lagu qabtay magaca Guddiga Dhexe. Wuxuu hadalkiisa ku furay:

Waan ku faraxsan nahay booqashadaada Jamhuriyadda Jarmalka Bari iyo fursadda aan isku weydaarsaneyno aragtida ku saabsan natiijada booqashaada dhowr dal oo Afrika iyo Carabta ah. Aniga oo ku hadlaya magaca Politburo [Guddiga Siyaasadda ee dalka ugu sarreeya] waxaan jeclahay in aan mar kale kuu caddeeyo in aan booqashadaada dalalkaas u aragno mid muhiim ah. Waxaan ku soo dhoweynayaa Jaalle Fidel Castro in uu hadalka qaato.


Warbixinta Fidel Castro

Inta aanan ka amba bixin Cadan, waxaan Hoggaanka PDRY [Yemen-ta Koofureed] isla garannay baahida in la sameeyo wax kasta oo suurta-gal ah si ay is af garad u gaaraan Soomaaliya iyo Ethiopia.

Si wanaagsan ayaa la iigu soo dhoweeyay Soomaaliya. Waxaan ka dalbaday in aanay sameyn isu soo bax. Siyaad Barre aad ayuu saaxiibtinnimo iigu muujiyay cashadeennii koowaad. Inta aanan imaan ayaan helay jawaabtiisa dhambaal aan anigu hore ugu diray oo ku saabsan xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia. Ergay ayaan hore ugu diray Soomaaliya, kaas oo wadahadal la yeeshay Madaxweyne ku Xigeenka Samatar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Suleymaan. Samatar isagu wuxuu u janjeeray Bidixda, halka uu Suleiman matalayay Midig. Wadahadalkii uu wakiilkeennu la qaatay waxay ahaayeen kuwo adag. 

Inta aanan PDRY ka soo tegin ayaan xog badan ka helay xaaladda Soomaaliya. Awoodda garabka Midig wey sii kordheysaa. Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu isku deyayaa in uu sameeyo wax kasta oo suurta-gal u ah si uu Soomaaliya ugu dhoweeyo Sucuudiga iyo dalalka Imberiyaalistaha ah. Samatar awooddiisu wey wiiqmeysaa. Waxa oo dhami waxay u muuqdaan in kooxaha Midigtu ay geeska geliyeen [Samatar] oo ay koone ku kuuseen.

Habeenkeyga koowaad waxaan rabay in aan fahmo Siyaad Barre iyo kacaanka Soomaaliya. Cashadii dusheeda kumeynaan yeelan wax wadahadal siyaasadeed ah oo nuxur leh. [Siad] Barre wuxuu ii fasiray heerarkuu soo maray kacaanka Soomaaliya. 

Subixii xigay waxaa naloo sameeyay barnaamij ballaaran oo booqasho ah. Waxaan nala geeyay goobo tiro badan. Waxaan tagnay xero ay Cuba dhistay oo malliishiya lagu tababbaro, Dugsi Beeraha, Iskuul carruurta reer guuraaga iwm. Saacado ayaa nala wareejinayay, inkasta oo aynaan weli yeelan wadahadal Siyaasadeed, dibadbax weyn oo Garoonka kubbadda cagta ka dhacayana aan tegeyno duhurnimada. Waxaan fahmay in ay doonayaan  in ay ka baaqsadaan in aan yeelanno wadahadal noocaas ah bannaanbaxa ka hor. 

Dibadbixii wuxuu billowday aniga iyo Siad Barre oo aan weli wax wadahadal gaar ah yeelan, tan darteed aad ayaan u feejignaa. Siad Barre [hadalka uu jeediyay] wuxuu ahaa kibraan aan hakaneyn. Malahaa wuxuu rabay in uu na baqdingeliyo.

Khudbadda aan ka jeediyay kulankii dadweynaha waxaan ka hadlay siyaasadda Imberiyaaliistaha ee Bariga Dhexe, kaalinta dib u socodka ah ee Saudi Arabia iyo ficillada quwadaha kale ee dib u socodka ah. Sidaa ayaan yeelay aniga oo og in waddanka uu ka jiro janjeer weyn oo daneynaya in xiriir dhow lala yeesho dalalkaas. Waxaan ka hadlay halganka PLO [Ururka Xoreynta Falastiin], Kacaanka Ethiopia iyo Kacaanka Libya. Iyo Algeria-da horusocodka ah ee la doonayo in la faquuqo. Mozqmbique ayaan ka hadlay, markaas ayaan gunaanadkii keliya uga hadlay sida Imberialistuhu uu u doonayo in uu dib u celiyo horukaca Soomaaliya. Siyaad Barre wuxuu i horkeenay ka qeyb galayaasha dibadbaxa dadweyne isaga oo aan oran kelmad siyaasad ah.

Inta aan kulanka dadweyne dhicin, waxay sii cayaareen hal qeyb [45 daqiiqo] oo kubbadda cagta ah. Lama oga in cayaartu ay ahayd wax lagu soo daray dibadbaxa iyo in arrintu ay taa cagsigeed tahay. Khudbaddeydu waxay ka soo horjeedday damaca garabka Midig waxayna taageeertay garabka Bidix. Waxaan aragnay in ku dhowaad dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ay sabciyeen, marka laga reebo Suleymaan iyo dadkiisa. Samatar aad ayuu u qancay, xataa Siyaad Barre wuxuu u muuqday in uu qancay. Si kastaba ha ahaatee, kulanka si toos ah loogama sii deyn Radio ama TV.

Habeenkaas ayaan billownay in aan ka hadalno dhibaatooyin cayiman annaga oo joogna meesha aan deggan ahay. Aniga wey ii muuqatay in ay tahay in aan taxaddarno, waayo wey iska caddeyd in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu meesha ku rakibay qalab na basaasa. Isla habeenkaas ayaa aakhirkii Siyaad Barre uu ka hadlay Ethiopia. Wuxuu Ethiopia la meel dhigay Boqortooyadii Tsar wuxuuna yiri Ethiopia waa Gumeysiga keliya ee soo haray. Mahadi ha ka gaarto xikmaddii Lenin, Boqortooyadii Tsar meesha wey ka baxday, laakiin Ethiopia wey ka jirtaa.

Muddo hadda wakhti laga joogo ayuu [Siyaad Barre] u soo jeediyay Ethiopianka in ay labada dal sameystaan nidaam Federaal ah oo ka dhexeeya amaba ay midoobaan. Ethiopia markaas kama aanay jawaabin, ase hadda iyada ayaaba soo jeedineysa xalkaas.
Isaga oo ay ku qanacsanaan aad ahi ay ka muuqato ayuu fasiray sida uu isugu dayay in uu Ethiopia xal la gaaro.


Fursadda waxaan uga faa’iideystay in aan Siad Barre u sheego in aan berri subax aadayo Ethiopia. Waxaan weydiiyay in uu diyaar u yahay in uu la kulmo Mengistu [Hoggaamiyaha Ethiopia]. Wuu aqbalay.

Castro iyo Mengistu

Fidel Castro iyo Mengistu Haile Mariam

Subixii xigay waxaan u duulay Ethiopia. Waxaan ku sii heshiinnay in aan la ii sameyn soo dhoweyn weyn, maaddaama markaas ay weli ku jireen dagaal sokeeye. 

Rasaas ayaa mar kasta dhacaysay. Mengistu wuxuu i geeyay meeshii ahaan jirtay qasriga Imberiyaaliyadda. Isla bartaas ayaa wadaxaajoodku ku billowday. Xogtii aan awalba haystay ayaa ii rumowday. Maalintii xigtay ayaan sii wadnay wadaxaajoodkeennii. Dabcan waxay ahayd in aan aad isu ilaalinno xagga amniga. Ethiopian-ku waxay keeneen Qayb dhan oo ciidan ah, aniguna Guuto ciidanka Cuba ah ayaan la imid. Maalinta aan nimid waxaa suuqa ku jiray war ah in uu afgembi dhacayo. Ma dhicin.

Waxaa ii soo baxday in Kacaan run ahi uu ka socdo Ethiopia. Dalkaan oo ay ka talin jirtay Boqortooyo guun ah, waxaa hadda dhulka loo qeybinayaa dad reer miyi ah. Qof kasta oo beeraleey ah waxaa la siiyay 10 hektar. Magaalooyinka qudhooda waxaa ka socday isbeddel. Muwaaddin kasta waxaa loo qoondeeyay in uu lahaan karo ugu badnaan hal guri. Dhulal ayaa loo diyaariyay in laga hirgeliyo guriyeyn.

Hayaan baaxad leh ayaa isaguna jira. Caasimadda, dad 500,000 gaaraya ayaa si dhakhsa ah loo abaabuli karaa. Bishii Febraayo, wafdigeennii sahanka ahaa, ka dib markii uu booqday qeybaha ciidanka, waxaa u soo baxday in boqollaalkii Jeneraal, laba ma ahane inta kale laga saaro ciidanka. Saraakiisha iyo saraakiil xigeenku waxay la wareegeen Hoggaanka dalka. Hadda, Hoggaanku wuxuu ka fekerayaa in uu unko Xisbi. Waxaa jira dagaal dabaqadeed oo aan naxariis lahayn oo looga soo horjeedo dhulgoosiga dalka ka jira. Awoodaha Burjuwaasiyiinta yaryar ayaa is abaabulaya ayaga oo Kacaanka ka dhan ah. Dhaqdhaqaaq xooggan oo goosad doon ah ayaa ka jira Eritrea. Sudan halis ayaa ka soo fool leh. Soomaaliya waxay sheeganeysaa dhulka Ethiopia 50%. Isku dhac soohdimaha ah ayaa carrigaan ka jiray 500 oo sano.

Mengistu wuxuu iigu muuqday Hoggaamiye afgaaban, aad u fiirsada, daacadna ah oo ka warqaba awoodda shacabka. Waa qof caaqil ah oo xikmaddiisa muujiyay 3-dii Febraayo. Kooxaha Midigtu waxay doonayeen in ay cagta mariyaan Bidixda 3-da Febraayo. Hordhac waxaa u ahaa khudbad xamaasadeysan oo uu jeediyay Madaxweynaha Ethiopia asaga oo ku doodaya waddaniyad. Mengistu wuu fashiliyay shirqoolkaas. Saacad ka hor ayuu shir isugu yeeray Golaha Kacaanka, markaas ayuu xiray hoggaamiyayaashii Midigta wuuna toogtay. Go’aan aad u mhiim ah ayaa ka dhacay Ethiopia 3-dii Febraayo.
Siyaasadda dalka oo dhan ayaa is beddeshay. Waxayna taasi u suurta-gelisay in ay qaadaan tallaabooyin markaa ka hor ahaa wax aan dhici karin. Awal waxa keliya oo suurta-gal ahaa in si dadban loo taageero xoogagga Bidixda, hadda waxaan xoogaggaas u taageeri karnaa sida aan doonno. 


Waxaan weydiiyay Mengistu in uu diyaar u yahay in uu Siyaad Barre kula kulmo Cadan. Waan isku af garannay. 

Markii aan dhammaysannay wadahadalka waxaan u duulay Cadan.


Siyaad Barre Vs Mengistu Haile Mariam

Siyaad Barre wuxuu Cadan yimid isla subaxaas. Mengistu ma soo degin ilaa galabnimadii. Waxaan wadahadal la qaatay Siyaad Barre markaas ayuu soo bandhigay tabashadiisa. Wuxuu igu yiri, haddii uu Mengistu yahay kacaan dhab ah waa in uu yeelaa sidii Lenin, waana in uu ka kacaa dhulkeyga. Siyaad Barre wuxuu qaatay mowqif adag. 

Waxaan weydiiyay in ay la tahay in aan Ethiopia kacaan dhab ahi ka dhicin iyo in Mengistu aanuu ahayn Hoggaamiya Bidixda ah oo run ah. Wuxuu igu yiri Ethiopia kacaan kama dhicin. Markii aan Muqdisho joogayna wuxuu i tusay khariidad muujineysa Ethiopia barkeed oo lagu daray Soomaaliya.

Markii aan Siyaad Barre la hadlay ka dib waxaan Mengistu u sheegay sida uu Siyaad u dhaqmayo. Waxaan weydiistay in uu is dejiyo. Durba waxaan ka xumaaday in aan Mengistu ku casuumay Cadan iyada oo xaaladda waddankiisu ay cakiran tahay, haddana xaaladdan kacsan ay tahay in uu dhegeysto Soomaaliya oo dhul ku sheeganeysa.

Mar uu iiga jawaabayay su’aal aan ka weydiiyay xaaladda ciidanka Ethiopia, Mengistu wuxuu ii sheegay in weli ay dhibaato ka taagan tahay laakiin aanay hadda isaga la ahayn in ay jirto khatar weyn oo afgembi.

Markii shirku billowday, durba Siyaad Barre ayaa hadalka la booday. Siyaad Barre waa Jeneraal wax ku soo bartay gumeysi hoostiis. Kacaanka Soomaaliya waxaa hoggaamiya Jeneraallo dhammaantood ku awood badan yeeshay xilliyadii gumeysiga. Aragti ayaan ka qaatay Siyaad Barre, waa nin cunsuri ah. Cunsurinnimada ayaa ah waxa ugu muhiimsan ee ku jira. Hantiwadaaggu waa qolof kore oo uu huwan yahay oo ujeeddadu ay tahay in uu indhaha soo jiito. Wuxuu hub ka helay waddammo hantiwadaag ah. Siyaasaddiisa hantiwadaagguna waa mid shacabka loo sheegayo. Xisbigu waxa keliya oo uu u jiraa in uu isaga awooddiisa shakhsiga ah taageero.

Xaalkiisu waa isku-dhaf silloon. Waa isku darka rag militeri ah oo soo maray Iskuulka gumeystaha iyo muuqaal bulsho. Hantiwadaagga wax ka mid ah ayaa soo jiitay, laakiin guud ahaan waxaa weli dalka ka jira kala sarreyn iyo caddaalad darro. Fikradihiisa ugu waaweyni waa waddaniyad cunsuriyeysan, ma ahan Hantiwadaag.

Bartilmaameedkiisu waa siyaasad noocii hore ah. Hadallo macaan oo saaxiibtinnimo. Siyaad Barre wuxuu u hadlaa sida nin caaqil ah, [ase] waa hadal uun. Wuu ka duwan yahay Hoggaamiyaal siyaasadeed oo badan oo aan aqaan; [Madaxweynaha Masar Anwar] Sadat, [Madaxweynaha Algeria Houari] Boumedienne, [Madaxweynaha Mozambique Samora] Machel, [Madaxweynaha Angola Agostinho] Neto iyo qaar kale oo badan waxay leeyihiin shakhsiyad adag. Wey ku dhegeysan karaan ayaga oo aan meel ku dhegin. Hadalna waa lala wadaagi karaa. 

Siyaad Barre wuxuu runtii isu haystaa in uu yahay ninka dadka ugu Xikmadda Sarreeya. Ilaa iyo hadda wax waliba si sahlan ayay ugu qabsoomeen. Talyaani iyo Ingiriis ayaa ka dhigay Jeneraal. Kacaankii (afgembigii) wuxuu ku hirgalay daqiiqad gudaheed ayada oo aan xabbad la ridin. Wuxuu gashaday weji hantiwadaag. Wuxuu kaalmo dhaqaale iyo hub ka helay Midowga Soofiyeeti. Istaraatiijiyad ahaan waddankiisu waa muhiim. Waana sumcad jecel yahay. Barre waa is cajabiyay, weliba si aad ah. 

Hadalheyntiisa Hantiwadaaggu ma ahan wax la dhegeysan karo. Waa Hantiwaagga ugu weyn. Toban eray ma dhihi karo isaga oo aan ereyga Hantiwadaag xusin.

Isaga oo noocaas u hadlaya ayuu billaabay in uu Mengistu la hadlo shirka gudihiisa. Wuxuu ku billaabay in uu bixiyo cashar ku saabsan Ethiopia. Wuxuu weydiistay Mengistu in uu yeelo sidii Lenin: In uu ka tanaasulo Imbaraadooriyadda Ethiopia. 

Mengistu wuu degganaa; wuxuu sheegay in Ethiopia ay diyaar u tahay dooneysana in ay xal hesho. Wuxuu sheegay in looga baahan yahay labada dhinac tallaabooyinkii ugu horreeyay ee la taaban karo si loo gaaro isu soo dhowaasho.

Siyaad Barre si cir-ka-soo-dhac ah ayuu u jawaabay. Wuxuu sheegay in uu ku hungoobay Mengistu oo u dhaqmaya isla sidii ay u dhaqmayeen Boqorrada Ethiopia. Hoggaamiyayaasha Kacdoonka Ethiopia waxay u fekerayaan sidii Haile Selassie. 

Shirku wuxuu billowday 11-kii habeennimo, xalna ma soo muuqdo.

[Madaxweyne ku Xigeenka Cuba] Carlos Rafael Rodriguez ayaa markaa soo jeediyay in la dhiso Guddi ka kooban Ethiopia, Soomaaliya iyo PDRY [Yemen-ta Koofureed] loona xilsaaro in ay soo helaan si xal lagu gaari karo. Intii kale oo dhami Guddiga ayay nagu dareen annaga oo aan dooneyn.

Siad Barre wuxuu sii watay ficilkiisii ninka xikmadda badan ah. Ee ah Hantiwadaagga weyn. Ee Marxist weyn ah. 

Haddana waxaa la yaab leh in uu u hadlayo sidii in uu yahay hal xubin oo ka tirsan “hoggaan wadaag ah” oo ka haysta idin Guddiga Siyaasadda ugu sarreeya, iyo baahida in uu wax kasta iyaga kala tashado. 

Biririf
Biririf yar oo uu wafdigiisa kula soo tashaday ka dib, wuxuu soo jeediyay wadahadal toos ah oo dhex mara isaga iyo Mengistu.

Mengistu, oo dareensan in meesha lagu caayay, kana aammin baxay Siad Barre intii u hadalkii hore jeedinayay, wuu aqbalay [in uu wadahadal toos ah la yeesho Siyaad Barre] laakiin hadda ma ahan. Marka hore waa in la xalliyaa arrinta ku saabsan Guddiga.

Shirku wuxuu noo socday ilaa 3.15 habeennimo [Abbaaraha xilliga Addinka hore ee salaadda subax]. Siyaad Barre wuxuu diyaarsaday qoraal heshiis ah oo uu ku aqbalayo Guddiga laakiin fareysa in ujeeddada ugu weyn ee Guddigu ay tahay in uu xalliyo su’aalaha taagan ee soohdinta Soomaaliya iyo Ethiopia. Markaa Guddigu halkaa ayuu howshiisa ka billaabayaa. Maxay tahay in ay Ethiopianku uga jawaabaan soo jeedintaas daandaansiga ah?

Intii birirfta lagu jiray waxaan la hadlay Mengistu oo aan qarsan diidmadiisa Siad Barre. Waxaan isagana la hadlay Siyaad Barre oo aan weydiiyay in ay ka dhab tahay in uu xal doonayo. Wuxuu yiri jawaabtaas Mengistu ayaa laga rabaa. Wuxuu sii watay hadalladiisii Kacaanka. Wuxuu sheegay sida ay tahay in kuwa uu ka dhab yahay Hantiwadaaggu, Kacaanyahannada runta ah ay inta aamminsan Marx in aanay xaqiiqada iska indha tirin. Wuxuu yiri Mengistu runtii waa nin adadag, nin qaaday tallaabooyin culculus; Maxaa ka hortaagan in uu sidaas oo kale go’aan u qaato, oo halkan ku gaaro sida loo xallinayo arrintan?


Mowqifka Fidel Castro
Halkaa marka ay mareyso, waxaa i soo wajahday su'aal adag oo ah in aan hadlo oo aan caddeeyo aragtideyda mowqifka Siyaad Barre iyo in aan uurka ku haysto. Waxaan goostay in aan hadlo, sababahan awgood:

1. Aamusnaan waxaa macnaheedu noqon karaa in aan ku raacsan ahay Soomaaliya mowqifka waddaniyadda cunsuriga ah iyo natiijada ka dhalan karta. Waxaa kale oo macnaheedu noqonayaa taageero aan siinayo kooxaha Midigta ee Soomaaliya.

2. Siyaad Barre in aanan u jawaabin waxaa macnaheedu noqonayaa in kaalmo kasta oo dalalka Hantiwadaaggu ay siiyaan Ethiopia, sideey doonto ha u yaraatee, in Siyaad Barre u fasiri doono ballanfur [Soomaaliya lagu sameeyay].

3. Xaalad noocee ah ayay u abuureysaa PDRY [Yemen-ta Koofureed] oo mar dhow ku taageeri rabta Ethiopia taangiyo, baabuur waaweyn iyo madaafiicda goobta iyada oo la kaashaneysa Soofiyeetiga?

Inahaas waxaa dheer, Siyaad Barre ma ahayn keliya in uu hadallo qadaf ah ku geystay goobta. Si dadban ayuu u hanjabay. Wuxuu mar yiri, ma jiro qof og meesha arrintaani ay saldhigan karto.

Intaas darteed waan hadlay. Waxaan sheegay in Siyaad Barre uu rumeysan yahay in aan Ethiopia kacaan dhab ahi ka dhalan. Waxaan fasiray in dhacdooyinkii Febraayo 3 ay si buuxda uga jawaabayaan su’aashaas. Waxaanan sheegay in Mengistu uu yahay Hoggaamiye Kacaan.
Waxaan ku daray in aan ka aamminsan nahay dhacdooyinkii Febraayo 3 in ay ahaayeen kala guur. Waxaan sheegay in Mengistu yahay Hoggaamiyaha isbeddel qoto dheer. 

Waxaan caddeeyay in aynaan ku raaci karin Siyaad Barre mowqifkiisa. Waxaan iri mowqifka Siyaad Barre wuxuu halis ku yahay Kacaanka Soomaaliya. Wuxuu halis geliyay Kacaanka Ethiopia. Taasina waxay dhashay khatar ah in PDRY [Yemen-ta Koofureed] ay go'doonto. Gaar ahaan waxaan culeyska saaray in mowqifka Siyaad Barre uu gacansiinayo dadaalka garabka midig ee Soomaaliya lafteeda ee ka dhanka ah Hantiwadaagga, ayna ku doonayaan in ay Soomaaliya u gacan geliyaan Sucuudiga iyo Imbiriyaaliyadda.

Waxaan sheegay in siyaasadahaasi ay wiiqayaan xiriirka Soomaaliya ay la leedahay waddammada Hantiwadaagga ah ayna horseedi doonto burburka Kacaanka Soomaaliya. 

Waxaan u baaqay dareenka Siyaad Barre iyo dhamaanba Hoggaanka Soomaaliya in ay qaataan mas’uuliyad taariikhi ah. Waxaan sheegay in aanay ila ahayn in arrintaani ay horseedi doonto dagaal dhexmara Soomaaliya iyo Ethiopia. Laakiin in aan taa ka cabsi qabo, maaddaama dagaal uu noqon doono wax aad u culus, ayaan iri. Ma rumeysni in ay jiraan dad dagaal ka dhex oogi doona shucuubta.

Sidaa saraaxiga ah markii aan u hadlay, Siyaad Barre ayaa durbadiiba hadalka qaatay. Wuxuu sheegay in aanuu marnaba dagaal dooneyn, maaddaama uu hantiwadaag iyo kacaan yahayna inuusan marnaba dariiqaas mari doonin. Haddii xeyndaabka Hantiwadaaggu uu doonayo in uu Soomaaliya iska gooyo, taasi waa howl u taalla [dalalka] Hantiwadaagga. 

Siyaad Barre in aan shirkaan keeno culeys ayaan ku saaray, laakiin Mengistu kuma soo khasbin. 

Markaas, waxaan xusay in aan taageersanaa kulan Madaxeedka Siyaad Barre iyo Mengistu, laakiin kamaan hadal aflagaaddada uu Siyaad Barre u geystay Mengistu. Waxaan sheegay in aan Cuba damacsaneyn in ay iska goyso  Kacaanka Soomaaliya, taa lidkeed, waan taageernay.

Shirkii intaa aan ka marnay wuxuu ku dhammaaday natiijo la’aan.


Gunaanadka Warbixinta Fidel Castro

Hadda haddii aan kaalmo siinno Ethiopia, Siyaad Barre xaq uma laha in uu nagu eedeeyo in aan ku ballan furnay iwm. Si cad ayaan ugu sheegay in Ethiopia uu Kacaan ka dhashay ay tahayna in aan taakuleyno.

Si kastaba ha ahaatee, kulammadii aan Siyaad Barre la qaatay waxaan ka dhadhansaday in uu si uga didsan yahay Midowga Soofiyeeti. Wuxuu dhibsanayay in Soofiyeetigu keeni waayay biraha dayactirka iyo cagafyo iyo in shidaalku soo daahay, inkasta oo marar badan la ballan qaaday. 

Danjiraha Midowga Soofiyeet [ee Muqdisho] ayaa noo fasiray sida ay wax yihiin. Soomaalidu waxay mar kasta beddelayeen ra’yigooda ku saabsan waxa ay u baahan yihiin ee ay codsanayaan, taas oo dabcan daah keentay. Intaa waxaa dheer, nasiib darro in markab haan ah oo shidaal u siday Soomaaliya uu badda ku degay intii uu Soomaaliya u socday.

Intii aan Siyaad Barre warkaa u sheegayay wuxuu yiri Soofiyeetku waa beenaaleyaal. Wuxuu yiri arrintaani ma ahan wax ka socda Politburo [Guddiga Siyaasadda ee Soofiyeetiga ugu sarreeya] ee waa cuuryaamin ay wadaan maamulayaashu. 

Ku kacsanaantiisa iyo dhaliishiisa Soofiyeetiga marar kale ayaan dareemay. Wuxuu sheegay in dalkiisa ay biyo la’aani ka jirto, in lo’du ay bakhtineyso, moosku aanuu wakhtigiisa ku bislaaneyn, waxaas oo dhanna ay u sabab yihiin in bamamkii biyaha soo tuuri lahaa ee Soofiyeetigu keenay aanay shaqeyneyn.

Dhaqankaas Siyaad Barre awgiis, waxaan arkaa  halis weyn. Taas ayaana u sabab ah in aan idiinkugu warramo sida dhabta ah ee aan wax u arko aniga oo aan hadalka maldihin.

Waxaan goostay in aragtideyda si saraaxiya aan idiinkagala doodo. Waddammada Hantiwadaagga ah waxaa soo food saartay dhibaato. Haddii ay caawiyaan Ethiopia waxay waayayaan saaxiibtinnimada Siyaad Barre. Haddii aan la caawinna Kacaanka Ethiopia wuu dhimanayaa. Waa taas arrinta ugu muhiimsan waxan oo dhan.


Dhammaad

F.G. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan akhristayaasha, faafiyayaasha iyo inta ka faallootay. Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa saaxiibbada intaba isku daray oo akhriyay, faafiyay, kana faallooday.

Xigasho: Archiv der Parteien und Massenorganisationen der ehemaligen DDR im Bundesarchiv. Waxaa soo helay Christian F. Ostermann. Tarjumada Jarmal ka dhigay Ingiriis David Welch waxaana mar kale ka hubiyay Ostermann. Yusuf-Garaad ayaa Soomaali u rogay. Waxaa fiifisay Wilson Center.