Total Pageviews

Wednesday 16 March 2016

Oraahda Voltaire

Maanta baraheyga saxaafadda bulshada qaarkood waxaan ku soo bandhigay oraah uu leeyahay Voltaire oo ah qoraa, taariikhyahan iyo filasoof Faransiis ah oo noolaa 1694 - 1778.

Dad badan ayaa aragtidaas ka dhiibtay ra'yigooda. Qaar kalena waxay i weydiisteen in aan u jilciyo.

Voltaire wuxuu yiri: Dhakhaatiirtu waa dad qora daawooyin ay wax yar ka yaqaannaan, si ay uga bogsiiyaan cudurro ay wax ka sii yar ka yaqaannaan, oo haya aadanaha oo aanay waxba ka aqoon. 

Halkan waxaan isku dayayaa in aan xilligaas u soo dhoweeyo midka aan hadda joogno. Waxaan rabaa in aan isku dayo in aragtida Voltaire aan ku jimeeyo Soomaaliyada maanta.

Dhakhaatiirta dawada aanay wax badan ka aqoon qoraya ku beddel Dowladaha Soomaaliya gargaara. 

Dawadana ku beddel hannaanka siyaasadeed, ajendayaasha iyo jadwalka ay u dejiyeen.

Aadanahana la daweynayo iyada oo aan waxba laga aqoonna ku beddel Soomaaliya.

Maxaa kuu soo baxay? Ma kula tahay in ay is keenayaan oraahda Voltaire iyo marxaladda aan hadda mareyno?

No comments:

Post a Comment