Total Pageviews

Friday, 30 March 2018

Kaaliyaheyga Berbera - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Kow iyo Tobnaad

Xafiiska Berbera waxaan uga baahday qof ila shaqeeya. Shuruudaha kaalinta shaqo ma badnayn. Waxay ahaayeen in uu qofku haysto ugu yaraan shahaaddo Dugsi Sare, ku hadlo qori karana Soomaali iyo Ingiriis, isla markaasna uu adeegsan yaqaan Computer.  

Haddii aanuu aqoon adeegsiga computer-ka waa in uu yaqaan sida teeb wax loogu qoro, dhakhsana u baran karo computer. Waxaa kale oo looga baahnaa in uu dadweyne isu soo baxay la hadli karo, isla markaasna farsamada ku wanaagsan yahay oo mishiinka filimka daara sahal lagu bari karo. Hadduu gaari wadi yaqaan ruqsadna u haysto ka sii wanaagsan.

Waxaan filayay wiil ama gabar dhallinyaro ah oo reer Berbera ah in uu fursaddaa ka faa’iideysan doono.

Dad dhowr ah markii aan weydiiyay qof shuruudahaas ka bixi kara oo Berbera jooga waxaa la ii sheegay nin Jaamici ah oo howshan gudan kara.

Waa nin ka soo baxay Kulliyadda Macallimiinta Lafoole. Dagaalka ka hor wuxuu ahaa Macallin Dugsi Sare. Af Ingiriiskiisu aad buu u wanaagsan yahay. Waa nin mas’uul ah oo wax kala garanaya.

Hargeysa markii laga qaxay ma hubo in uu ku go’doomay iyo in uu isagu doorbiday in uu joogo.  Waxaase la ii sheegay in Sarkaal uu xiriir kala dhaxeeyay uu magangeliyay oo uu gurigiisa ku hayay.  Sababta uu hadda Berbera ugu sugan yahay waxaa la ii sheegay in ay tahay in uu sarkaalkii halkan keenay si uu u socdo, hawa u qaato oo uu uga raysto guriga uu dhex fadhiyay muddo sannad ka badan.

Xafiiska ayaan ugu yeeray.  Waa nin la ayni ah Macallimiinteydii Dugsiga Sare. Markiiba shaki igama gelin in aan shaqaaleyno.  Tijaabo kooban ka dib Xafiiska ayuu ku soo biiray.

Aqoontiisa ka sokow, macallinkani waa nin sannad ka badan ku jiray magangelin u dhiganta nooc xabsi guri oo kale ah.

Neecaw wanaagsan, qorrax, socod iyo xorriyad midna ma haysan. Arrintaasi waxay u saameysay jir ahaan iyo sidaan is iri maskax ahaanba siiba xagga kalsoonida.

Taasi waxay ra’yi iga siisay sida ay u nool yihiin Ragga tirada yar ee aan ka qaxin Hargeysa.

Ruqsad

Waxaan goostay in aan Muqdisho u geeyo tababbar shaqada uu qaban doono, barashada Madaxda hey’adda iyo weliba bal in uu ku soo yara nasto oo jawigan colaadda iyo cabsida ah uu ayaan ka soo nasto.

Markaan goostay in aan ku dhaqaaqo tallaabadan ayaan ka warhelay in aanan oggolaasho la’aanteed aanan Muqdisho geyn karin muwaaddinkan Soomaaliyeed.

Waxaa la ii sheegay in loo baahan yahay oggolaashaha Taliyaha Militeriga.

Ma jirin amar qoraal ah ama sharci sidaa dalbaya. Haddii aan Taliyuhu idinka warqabin waxaa dhici karta, ayaa la igu yiri, in ciidanka Airporka joogaa uu Macallinka u diido in uu safro.  Waa marka ay ugu yar tahay. Haddii kale waxaaba dhici karta in ciidanku kaxeysto.

Macallinka aan shaqaaleysiiyay waxaan weydiiyay in uu wax ka qabo in aan magaciisa hor dhigo Taliyaha militeriga oo aan u sheego in uu Muqdisho u tegayo tababbar.

Wuxuu ii sheegay in isaga iyo Taliyaha militerigu ay is yaqaannaan. Carruurtiisa ayaan Macallin u ahaan jiray inta aan dagaalku qarxin 1988, ayuu yiri.

Si aan ugu tegi karo ayaan jirin, laakiin haddii aad adigu i hor geyn karto, waan hubaa in aanuu maya i odhan doonin, ayuu raaciyay.

Ma xusuusto labada midda aan yeelnay laakiin Taliyaha waan ka soo helnay oggolaashaha in Macallinka aan isu raacno Muqdisho.

Tababbarkii wuu qaatay. Madaxda iyo shaqaalaha hey’addaba waa ay is barteen.  Qaraabo badan ayuu la kulmay. Saaxiibbo ayuu la caweeyay.

Walaalkii ayaa ahaa Madaxa ama ka mid ah Madaxda ugu sarreysa Wakaaladda Batroolka, fadhigiisuna wuxuu ahaa Muqdisho.

Markii uu Muqdisho ayaan joogay, Macallinkii wuu is beddelay muuqaal ahaan iyo niyad ahaanba.

Baqdin waxaan ka qabay in uu diido in uu ku laabto Berbera.  Taas oo aniga ii abuuri lahayd dhib in aan ku laabto Berbera.

Nasiib wanaag diyaar ayuu u ahaa in uu shaqadiisa billaabo. Berbera ayaan ku soo wada laabannay halkaas oo aan wadajir uga howlgalnay.


Macallinkaas ila shaqeeyay magaciisu waa Farxaan Mooge.

Thursday, 29 March 2018

Togdheer - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Tobnaad

Saddex annaga oo ah ayaan ka amba baxnay Berbera. Peter* oo Swiss u dhashay iyo Patrick oo Belgium ah ayaan wada soconnaa. Qorshaheennu waa in aan caawa u hoyanno Burco. Shiikh ayaan sii mari doonnaa.

Burco marka aan tagno waxaan xog wareysan doonnaa in waddada Oodweyne ay nabad tahay oo gaari lagu tegi karo. Haddii aan loo qaateen ka helno jawaab haa ah, waxaan damacsan nahay in aan Madaxa ICRC weydiisanno oggolaasho aan ku tagno Oodweyne.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee dhaulka aan ku safarno meel ka baxsan Gobolka Awdal.  Waxaan baqdin weyn ka qabnay miinada lidka baabuurka ee waddada la geliyo.

Cabsi iguma yareyn. Wuxuu ahaa safar aan aad u dheereyn laakiin welwel badan. Ilaaheey Burco wuxuu na nabad geeyay goor galab-gaab ah.

Fiidkii war waxaa naga daba yimid ah in Qoyta oo galabta aan soo marnay lagu gubay baabuur militeri oo in yar naga dambeeyay oo isaguna jihada Burco u soo socday.

Waxaan u fahamnay in aan galabta sigannay.  Waxaase nooga baqdin badneyd soo laabadka sida aan waddadaas ku mari doonno.

Burco

Burco waxay ahayd magaalo aad u burbursan.  Waddooyinkeeda toos toosan ee dhaadheer ee cidlada ah waxaa la iigu sheegay in ay miino dhex filiqsan tahay. Waxaa kale oo la ii sheegay in hub kale oo aan weli qarxin uu meelaha qaar yaallo ama ku aasan yahay. Sidaa darteed kuma dhex wareegi karin magaalada.

Aniga oo aan laamiga ka leexan ayaan waddooyinka dhaadheer aan ka soo qooraansanayay baabuurkeyga dhexdiisa. Meelaha qaar waxaan taagnaa in door ah bal in aan dad uga jeedo xaafadaha dhexdooda.

Waxaa jiray meelo aad u kooban oo haddana teel teel ah oo ciidan, hey'ad dowladeed ama makhaayad iyo laba ah oo dhammaantood si teel teel ah ku soo jeeda waddada laamiga ah.  Halkaas ayaa ahayd meesha yar ee astaan nololeed aan ku arkay.  Inta yare ee magaalada jooga waxay badankood degganaayeen waddada dhanka Caynaba ka timid haddii aad ku joogto oo aad hore u sii dhaafto waddada Shiikh ka timid xaafadda yare ee dhanka midig kaa qabaneysa ee Isgaarsiintii hore ee magaalada iyo hey’ado Dowladeed ay ku yaalleen.

Marka aan fursad u helay in aan magaalada gudaha u galo waxay ahayd mar aan raashin ku qeybineynay meel magaalada ka mid ah oo aan sii marnay waddo hore loo sahmiyay in la mari karo.  Sawir aanan illoobeyn oo indho xumo ah ayaan galabtaas kala kulmay goobta oo markii gabbalku sii dhacayo aan joojinnay howsha.

Saboolnimada aan Rabbaani ahayn ee ay colaaddu dadkaas badday ayaa i damaqday.

Xagga dadka magaalada jooga waxaad moodeysay in ay dhaanto Hargeysa. Beryahaas waxaa Radio Muqdisho laga sheegi jiray in dadkii ka qaxay Hargeysa iyo Burco ay billaabeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii. Ma ogi dadka aad u tirada yaraa ee aan arkay in ay ahaayeen dad ka soo laabtay xeryaha Qaxootiga ee daanta kale ee soohdinta Ethiopia ku yaalla.  

Waxaad ka qiyaas qaadan karnaa dadka aan ku aragnay Burco in ay ahaayeen dad qiyaasteyda ka tiro yar dadka aan kula kulannay Tuulada yar ee Beer.

Xogta waddada Odweyne ee aan helnay waxay ahayd in aan gawaaridu mari karin oo ay miineysan tahay.

Xaaladda waxaa uga sii daray ciidan ka goostay Burco iyo ciidan laga daba-diray oo daryaanka hubka ay isla dhacayaan oo sii fogaanaya aan maqleynay habeenkii koowaad ee aan Burco nimid.

Badiyaa ciidan qabiil isku bahaystay oo doonaya in ay ku biiraan Jabhadda USC ayaa beryahaa dhowr jeer ka goostay ciidanka Xoogga Dalka.

Hargeysa guuto dhan oo Taangiya ah ayaa intoodii badnayd ka goosatay.

Burco iyo meelo kalena ciidammo ayaa mid mid iyo koox kooxba uga goostay.

Beer

Subixii xigay waxaan aadnay tuulada Beer oo Burco Bari uga beegan laamigana aan ka fogeyn.

Tuuladaas waxaa ku sugnaa dad badan oo qaarkood la yiri waxay ka soo laabteen xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee ku yaallay Ethiopia.

Tuuladu dad ahaan aad ayay u cammirnayd.  Qaadkeeda dad ka badan ayaa joogay.  Qiyaasteyda dadka aan Burco ku aragnay waxaa ka badnaa dadka ku sugnaa Beer.

Waxaa kale oo dadka Beer aan ugu tagnay aan ku arkay cabsi la’aan in ay nooga warramaan dagaalka ay tuuladu aragtay. Tuulada ayaa nala dhex marsiiyay oo nala tusay xabbad weyn oo nooc gantaal u eg ah oo aan weli qarxin oo meel bacaad ah dhex taalla.

Waxay nooga warrameen oo kale xaaladda aadminnimada ee meesha ka jirta.

Burco ayaan markii dambe ku laabannay.

Fool-ka-fool

Maalintii dambe waxaan billownay safar aan dib ugu laabanayno waddada Shiikh.  Waxaan istaagnay Qoyta oo aan Shaah ka cabnay. Waa tuuladii lagu qarxiyay baabuurka ciidanka.

Ka dibna raggii meesha fadhiyay markii aan is wareysannay waxaan si xushmad leh uga codsannay in tuulada dadka ku sugan ay isu soo baxaan si aan uga warranno socdaalkeenna.

Dad badan ayaa markiiba isu soo baxay meel waddada dhinaceeda ah.  Halkaas ayaan ugu warbixinnay hey’adda Laanqeyrta Cas howlha ay ka waddo degaanka.  Waxaan u sheegnay in joogitaankeennu uu ku xiran yahay oggolaashada Dowladda ka sokow, in shacabku uu raalli ka yahay howsha aan ka wadno degaankooda.

Waxaan u sheegnay haddii ay cabasho ama diidmo jirto in aan diyaar u nahay in ka dhegeysanno. Waxaan ka codsannay in ay na nabad geliyaan, howsheena ay gacan nagu siiyaan inta karaankooda ah.

Ballanqaad ayaan helnay.

Markii ay dadkii sii kala tegayaan ayaa nin ii yimid oo igu yiri ma kula faqi karaa? Haa ayaan ku iri. Garabka ayuu i qabtay oo dhinac iila baxay.  Wuxuu yiri waxa aad ka hadleyso waan garanayaa. Gaarigii ciidanka halkaan lagu gubay ayaad ka hadleysaa.

Waxaan kuu sheegayaa, ayuu yiri, in aynaan idinka duullaan idinku ahayn. Waan idin naqaan markii aad galab dhoweyd halkaan mareyseenna waan idin arkaynay.  Gaariga la gubayna wax badan idinkama dambeyn.  Ragga gaariga gubay waad soo ag marteen waxna idiinmay yeelin.  Idinka oo aan baqdin naga qabin howshiinna wata.  

Hadal cad ayuu igula hadlay. Xataa umaan baahanayn in aan weydiiyo cidda uu metelo.  Waan u mahadceliyay, kana dhaqaaqay.

Halkaas ayaan safarkeennii ka sii wadannay. Ilaa aan Berbera u hoyannay isla maalintaas.

-----------------------------------------------

*Safarkaasi wuxuu ahaa kii ugu dambeeyay ee aan wadagalnay Peter.  Sabti 6 – dii Oktoobar 1990 ayaa Peter lagu dilay inta u dhexeysa Darar-weyne iyo Hargeysa.

Wednesday, 28 March 2018

Awdal - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Sagaalaad

Goor subax ah ayaan ka baxnay Borame. Dhowr ICRC ah ayaan nahay waxaase na wehliya dhowr oday oo reer reer Awdal ah.

Waxaan sii marnay Qolujeed.  Waxaan soo xusuustay in markii maqalka Qolujeed iyo Xariirad iigu horreysay aan ka maqlay walaalkeey oo ka tirsanaa militeriga oo xilligii 1977 tegey degaankaas.

Qolujeed dadkii aan kula kulannay waxaa ka mid ahaa laba nin oo oo aan Soomaali moodayay hase yeeshee ku wada hadlaya af aan garan waayay. Waxaa la ii sheegay in uu yahay af Cafari.

Waxaan u gudubnay Boon.  Waa magaalo eg kuwa laga daawado aflaamta lo’leyda Mareykanka (Cowboys).   Degaanka ay dhacdo, sida ay u taal iyo marka aad soo gasho in qof waliba uu ku soo eegayo. Ma hubo in sababtu ay ahayd Alard oo u dhashay Swiss oo na wehliyay. Hilib biyo lagu kariyay oo middiyo waaweyn oo daab leh lagu cunayo ayaa nala siiyay.

Halkaas ayaan dadkii isu soo baxay kala hadalnay howsha Laanqeyrta iyo Bisha Cas.  Qol weyn dhexdiisa ayaan ugu shiday filim howlaha Laanqeyrta Cas ka hadlaya oo su’aalo iyo jawaabo ay daba yaalleen.

Waxaan xusuustaa in dad macluul ah oo filimka ay ka daawadeen uu markii dambe qof i weydiiyay dalka ay u dhasheen.  Markii aan u sheegay wuxuu yiri dadka dalkaas ayaa Soomaalida ka liita ee iyaga u geeya gargaarka.

Markii ay howlaheennii noo dhammaadeen ayaan dadka qaarkii weydiinnay xog hoose. Waddada Xaliimaale ayaan rabnay in aan ogaanno in ay miino leedahay iyo in kale. Waxay noo sheegeen in aanay miino lahayn.  Sababta waxay ku sheegeen in toddobaadkii hore uu maray baabuur booliisku leeyahay.

In hla baabuur maray daliil uma noqon karto in aan waddadu lahayn miino. In miino la dhigaana uma baahna toddobaad. Waxayse ahayd xogta keliya ee dhab ah ee ay na siin kareen.

Waddada Xaliimaale ayaan marnay annaga oo cabsi qabna.  Waxayse ka sii darnayd markii aan tagnay Xaliimaale.  Meeshii aan sugeynay in ay baqdintu naga harto maaddaama aan ka soo gudubnay waddadii miinada looga baqayay, waxaan la kulannay cabsi hor leh.

Markii dhowr guri aan hooddi niri cid noo jawaabtana aan weynay. ayaan bannaanka cod kore uga dhawaaqnay bal in qof jooga Xaliimaale uu jiro iyo in kale. Xaliimaale dhammaanteed waa cidla’. 

Qof keliya waan ka weynay.  Astaan wanaagsan ma ahayn.

Annaga oo yaabban ayaan u gudubnay Weeraar.  Halkaas ayaan ayaan hoyannay oo aan habeenkaas kula sheekeysannay dadka tuulada, filimna aan ku wada daawannay. 
Waxaan ku arkay nin ii sheegay in aan Jaamacadda wada dhigannay ahaase Kulliyadda Jiyolajiya. Markii aan weydiiyay waxa uu Weeraar ka qabanayo, wuxuu ii sheegay in Buuraha Gobolkaan laga helo macaadin aad u qaali ah.  Dhagxaan yaryar oo qiimahoodu sarreeyo ayaa halkan laga guraa ayuu yiri oo aan Djibouti u iibgeeynayaa.

Berigaas waxaan arkay dhowr nin oo magaalooyin kala duwan aan kula kulmay oo sita dhagxaan aan badneyn oo uu qurux badan ama dhalaalaya. Waa dhagxaan uu qiyaastii mid waliba la eg yahay caagga biyaha laga cabbo furkiisa.  Waxay ku sheegayeen in dhagaxaasi uu goynayo qiimo weyn haddii la geeyo Djibouti.

Soo laabdkii waxaan soo marnay waddo kale. Degaannada aan soo marnay waxaa ka mid ah Ruqi iyo Beysaarre inta aynaan iman Baki oo ahayd xarunta Gobolka Awdal.  Ka dibna waxaan ku laabannay Borame.

Degaannada aan marnay waxay u badnaayeen dhul dhagax ah oo waddadu aanay wanaagsanayn.  Baabuurku masaafo dheer ma gaari karo maanta oo dhan marka uu socdo.  Mararka qaar waxay nagu kalliftay in aan u daaddegno togagga waaweyn oo ayaga bacaad ah oo halkaas aan wakhti dhan ku socono.

Degaannadaas aan marnay oo dhan waa laga dareensanaa colaadda gobolka ka taagan iyo jiilaalka.

Maalin ka din waxaan ku laabtay Berbera. Alar oo safarkaas aan wada galnay wuxuu u dhashay Switzerland. Wuxuu mar dambe noqday Madaxa Socdaalka dalkiisa. London ayaan ku wada casheynay oo aan uga sheekeysannay xusuustii Awdal.

Qaybta soo socota ee Taxanah waxaan uga hadli doonaa safar dhulka ah oo annaga oo saddex ah aan u kala soconnay Berber, Shiikh, Qoyta iyo Burco sannadkii 1990. 

Sunday, 25 March 2018

Borame - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Siddeedaad


Muqdisho intii aan joogay waan maqli jiray colaadda iyo dhibaatiinyinka kale ee ka jira Hargeysa iyo Burco. Marmarna waxaan maqli jiray dhib ka jira Berbera.

Marka laga soo tago saddexdaa magaalo ee jiho ahaan isugu beegan sida ku dhowaad xaglaha Saddex-xagal xagla-siman, ma fileyn in aan arki doono dhib kale oo weyn oo woqooyi ka jira oo colaaddu ay u sabab tahay.

Qiyaastaasi sax ayay noqon weyday markii aan tegey Borame iyo nawaaxigiisa.

Dhowr jeer ayaan Awdal tegey sannadihii 1989 iyo 1990.  Markii aan tagay xaaladdeedu ma wanaagsaneyn.  Marnabana kama soo reyn muddadaas.

Garoon dayaaradeed oo aan laami la saarin ayaan ka soo nabad degnay.  Dadkii hey’adda u shaqeynayay ee na soo doonay iyo kuwii dayaaradda raaci lahaa ayaan ugu nimid garoonka.  Nin Soomaali ah oo waxaa halkaa taagan ay shaqadiisu tahay in mar kasta oo ay dayaarad soo degeyso ama ay kaceyso uu ku rooro dhabbaha dayaaradaha ilaa dhanka ugu dambeeya si uu xoolaha iyo dadkaba uga fogeeyo ugana ilaaliyo ilaa ay dayaaraddu soo degto ama ay kacdo.

Markii aan Borame gudaha u galay ee aan arkay tirada badan ee dadka magaalada ku sugan iyo sida ay u cammiran tahay waxaan moodayay magaalo caadi ah. Markii iigu dambeysay Borame 1987 ee aan wada soconnay Beatrix, hadda ayayba igala dad badan tahay.

Wakhti badan iguma qaadan in aan fahmo in ay magaaladu ku jirto xaalad aad u xun oo gobolka Awdal intiisa badani uu la wadaago.

Adduunyo-Gaddoon

Borame waxaa ku goobtay colaad laba jiho ka haysata, dad ku soo jabay oo ka soo qaxay magaalooyin kale siiba Hargeysa iyo Gebiley, Qaxooti ka yimid Ethiopia oo xeryo magaalada bannaankeeda ah ku sugan iyo jilaal adag oo daba dheeraaday.

Colaaddu waxay ka socotaa laba jiho.  SNM waxay badiyaa ka soo weerartaa dhinaca Bari.  Beel kale oo inta badan ay xulufo ahaan jireen reer Borame, Goblka Awdlana ay wada yaallaan, ayay dhowr jeer isku laayeen dhinaca woqooyi taas oo markii dambe keentay in ay kala qaxaan labada beelood. Isku dhaca labadan beelood, Borame waxay markaas ku eedeyneysaa saameyn SNM.

Waxaa intaa dheer Qaxooti aad u fara badan. Waxaa Borame dul deggan Qaxooti reer Ethiopia ah oo inta aan arkay aan ahayn Soomaalida Ethiopia.  Aroortii waxay u foofaan buuraha iyo meelo kaleba si ay u soo jejibiyaan dhir ay xaabo ahaan u shitaan qaarna ay magaalda u iibgeeyaan. Hadde waa subax kasta.

Taasi waxay xaalufisay dhirtii.

Sidii in aan intaasi dhib ugu filneyn, waxaa ugu darsamay jiilaal aad u kulul. 

Akhristaha aan ka warqabinow, inkasta oo degaanka Borame xoolo laga dhaqdo haddana waa degaan qodaal ama beeraleey ah.

Magaalada Borame culeyska saaran waxaa ka mid ah mid uga yimid ehel iyo qaraabo.  Magaalda waxaa ku soo biiray barakacayaal ka soo qaxay Hargeysa iyo magaalooyin kale oo dagaalku dhulka dhigay.  Ma ahan keliya dad asal ahaan ka soo jeeday Borame oo u soo gurya-noqday.  Laakiin rayid badan oo degganaa Hargeysa, markii dagaalka fool-ka-foolka ahi uu ka billowday dad badani waxay u qaxeen magaalada weyn ee ugu dhow - Borame. 

Oday reer Borama ah ayaa soo koobay xaaladda Awdal ay ku jirtay xilligaas.  Wuxuu ka mid ahaa rag aan baabuur isla raacnay oo safar dhulka ah aan gobolka Awdal intiisa badan ku marnay. Borame gudaheeda sida looga dareemayo si ka culus ayaan intaba indhaheenna ugu soo aragnay colaadda, qaxootiga iyo jiilaalka.

Odagu wuxuu qabay oo ka dhab ahayd in adduunku dhammaan rabo oo adduunya gaddoonkii la soo gaaray.

Da’diisa isaga oo cuskanaya wuxuu yiri:  Intaas aan jiray weligeey ma arag waxan oo colaad ah, Qaxooti wax walba diiranaya, iyo jiilaal sidan u adag oo haddana wada socda!  Waxani waa adduunyo-gaddoon.


Duullaan

Aniga oo galab la sheekeysanaya akhyaar reer Borame ah ayaa waxaa korkeenna isdaba joog uga dhacay qori aad u culus oo weligeey aanan maqal shanqartiisa argaggaxna wata.  Raggii aan wadajoognay markiiba way dhaqaaqeen iyaga oo wejiyadoodu ay durba isbeddeleen.  Mid ii warramay iyo laba is wareysatay ma jirin.

Waxay u dhigantay marka hadda Muqdisho meel aad joogto uu qarax ka dhaco dareenka ay dadku muujiyaan.

Inta badbaadda iswareysigu waa dambeyn doonaa laakiin qacda hore waa nin walbow naftaa.

War maxaa dhacay? Ayaan ku celceliyay.  Baabuurkii u horreeyay ayaa dhaqaaqay iyada oo qof ii jawaabay aanuu jirin.

Anigu waxaan u qaatay in la isa soo galay oo uu magaalada dagaal ka dhex socdo.

Nin ayaa hadal kala dhimman oo aan isku toosneyn igula hadlay waxaanan ka fahmay in isbitaalka ay raggii wada qabteen xataa ilaaladii guriga qaarkood.  Isbitaalka ayaan aniguna aaday.

Sannadaha badan ee aan dhex marayay dagaalka sokeeye ee Soomaaliya weligeey ma arag goob dhiillo dagaal oo intaa le’egi ay taallo. Waan arkay goob ka murugo badan, laakiin ma arag goob ka walaac, qiiro iyo xamaasad badan.  Baabuur weyn oo dhiig leh ayaa laga dejiyanayaa dhaawac qaarkii taahayo iyo meyd. 

Hooyada barooraneysa, tan la aammusinayo, gabadha laga hortaagan yahay in ay indhaheeda saarto muuqaal la is leeyahay qalbigeedu ma xammili karo...  Baroorta iyo catowga haweenka iyo waxa is qabsatay qeylada ka baxaysa ragga oo qaarkii uu amar bixinayo, ini ay dayac tilmaamayso, kuwo kale ay wax saxayaan, mid kale ila qabo leeyahay iyo waxyaabo la hal maala.

Ma ahayn muuqaal indhaha iyo dhegaha toona u roon.

Waxaa isaguna meesha taagan baabuur weyn oo kacsan oo u diyaar ah in uu dhaqaaqo oo rag qaylinayaa ay ag taagan yihiin. Waxaan moodayay in ay dhaawac kale doonayaan. Waxayse ahayd marka keliya ee aan abidkeey isa soo taagay goob dagaal laga abaabulayo.

Dhallinyaro ayaa markiiba gaariga ku boodday.  Qaarkood waxay sitaan qoryo.  Kuwo kalena waa gacna maran yihiin oo waa sacabbooleey.  Gaarigii koowaad waa dhaqaaqay, kii labaadna wuu sii buuxsamayay marka aan ka tegey.

Meesha dhaawaca laga keenay oo aan magaalada ka fogeyn ayay u socdaan. SNM ayaa soo weerartay Goraya-Cawl oo in badan ka sokeysa Gebileey.

Qoriga la riday waxaa markii dambe la ii sheegay in uu ahaa qoriga Ruushku u sameystay lidka dayaaradaha ee dhumcdiisu ay tahay 37 mm ee Soomaalidu ay ugu yeerto dhexroorka dumcdiisa oo tiro Talyaani ah, Trenta Sette. Rabbi mahaddii waxay ahayd markii iigu horreysay iiguna dambeysay ee qorigaas shanaqatriisa aan maqlo.

Waa baaq ay magaaladu isla taqaan in marka la maqlo Trenta Sette la isugu soo baxo barxadda Isbitaalka hortiisa ah. Waa saddex midkood – waa dhaawac la keenay, ama waa qeylo-dhaan gurmad-doon ah. Haddii kale waa sida galabta oo kale oo labaduba ay isla socdaan.

Mobile-foon ma jiro, haddana wararka ka imaanaya jiidda dagaalku si joogta ah ayay isaga soo daba dhacayeen.  Magaalada oo dhanna waxay la mid ahayd in ay dagaalka ku jirto.

Sheekada aan maqli jiray waxay ahayd in ay Dowladdu hubeyso reer Borame si ay ula dagaallamaan SNM. Muuqaalka aan anigu galabtaas arkay wuxuu ahaa mid inta markaas ah aan ka dareemi karay in reer Awdal ay ahaayeen dad ku jira dagaal ku-qabatay ah oo aanay xataa beel ahaan ugu abaabulneyn.

Habeenkaas waxaan Borame gudaheeda ku arkay gaari kuwa dagaalka ah oo cilladeysan.  Nin makaanik ah ayaa habeenkaa ku dhafray oo ku shaqeynayay iftiinka tiriig ama mataramakis u shidnaa.

Isbitaalku ma ahayn meel la isku wareysan karo.

Markii aan ka soo laabannay ayaan nin weydiiyay dhallinyarada dagaalka u socday qaarkood qori ma sidan ee maxay u aadeen goobta?  Wuxuu ii sheegay ragga qoryaha sita marka mid la dilo in qorigiisa la siin doono mid sacabbooleey ah.

Nin aan Borame ku saaxiibnay oo aan hore uga doodi jirnay dagaalka ayaan is aragnay.  Ra’yiga aan kula doodi jiray ayaa ahaa in ay hubaal tahay in xal loo heli karo dagaalka kala dhexeeya SNM.  Waxaan ka eegayay in labada dhinac ay in badan oo fac-ka-fac ah is dhaleen, degaan wadaag ay yihiin iyo SNM oo ciidanka Dowladda dagaal kula jirta in ay danteedu ku jirto in aanay is leyn reer Awdal.

Wuxuu hadda ka hor ii qiray in la is dhalay, oo hooyadii ay tahay beelaha taageera SNM.  Inanta uu isagu dhaleyna uu qabo nin isaga reer abtigiis ah.

Laakiin saaxiibkeey wuu iga diidi jiray sida aan arrinta u dhigayo. Isaga oo dooddiisu ay mar walba ahayd reer Awdal duullaan kuma aha SNM ee difaac ayay uga jiraan.  SNM haddii aan dani ugu jirin in ay nala dagaallamaan heshiis kale uma baahna ee duullaanka uun ha naga daayeen.  Annagu dhulna kuma haysanno, wax kalena uguma soconno.

Galabtaas wuu ila hadlay isaga oo isku dayaya in uu ra’yigeygii u quus-gooyo.  Wuxuu igu yiri waad arkeysaa.  Ma innaga ayaa duullaan ku ah degaan SNM mise iyaga nagu soo duulay?

Carada wejigiisa ka muuqatay iyo garaaca wadnihiisu xowliga uu ku socday oo neetfiisa laga dareemi karay ma ahayn kuwo saamaxaya in dood deggan lala geli karo.

Hadalka uu yirina waxaa uu inta markaas ah u markhaati furayay xaaladda aan dhex taagneyn.  Waan ka gaabsaday oo Doodda lama sii wadin.