Total Pageviews

Tuesday, 30 December 2014

Caqligu ha Taliyo


Gobollada Dhexe maxay Dowlad u dhisan kari la’yihiin? Degmooyinka iyo siyaasiyiinta hor boodayaa maxay guul u yaqaannaan? Dantoodu ma in ay helaan baa waxa ay doonayaan? Mise dantoodu waxay ku jirtaa in ay is-hor taagaan waxa ay kuwa kale doonayaan?

Waa mowduuca aan jecel ahay in aan halkan ku qaadaa dhigo. Si ay noogu fududaato, waxaa habboon qolyaha is haya in mid kastaa uu is weydiiyo ujeeddadiisu waxa ay tahay. Ma adigaa wax doonaya? Mise cid wax isu rabta ayaad is-hor taageysaa?

Erayadeydu waxay ku socdaan labada degmo ee Dhuusa Marreeb iyo Cadaado. Waxaa hore loo go’aamiyay in shirka lagu dhisayo Dowlad Goboleedka lagu qabto Cadaado. Waxaa arrintaa diiddan Dhuusa Marreeb. Sabab? Waa baqdin ay ka qabto in caasimadda Gobollada Dhexe, oo ay iyadu dooneyso, laga dhigo meel aan Dhuusa Marreeb ahayn. Laakiin Dhuusa Marreeb uma ololeyn caasimadda sidii ay ku heli lahayd ee waxay ku dhawaaqday in uu shirku ka dhacayo Dhuusa Marreeb.

Haddii ay Dhuusa Marreeb si uun ay ugu guuleysato in ay Cadaado iska hor taagto in shirka ay marti geliso, is nacayb ka dhasha ka sokow, haddana macnaheedu ma ahan in Dhuusa Marreeb ay si ootomaatik ah u noqoneyso caasimadda.

Waxaan soo xusuustay nin telefoon ku dalbanaya Pizza (raashin muufada la bah ah) oo la iiga sheekeeyay. Wuxuu ka billaabay doofaar ha iiga darin, kalluun ha iiga darin, basal ma rabo iwm. Wuxuu tiriryay tax dheer oo ah waxyaabaha ay tahay in aan lagu darin. Liiskaasi wuxuu ka dheeraa waxa uu rabo in lagu daro. Sow ugama sahlaneyn in caqligu uu taliyo oo uu sheegto mid ama laba waxyaabood oo uu rabo in lagu daro.

Dhuusa Marreeb iyada oo aan waxba is-hor taagin, cadaawadna aan abuuran, ha raadsato waxa ay iyadu dooneyso. Uma qabo in ay dooneyso marti gelinta shirka - saa hore ayaa loo go’aansadaye. Waxay dooneysaa waa in ay noqoto caasimadda Dowlad Goboleedka.

Wey mudan tahay, sababo badan oo loogu dooran karaana wey jiraan. Oo ay ka mid tahay in caasimadda labada Gobol ee isku biiraya middood ay qeybsan tahay. Midda kalena ay tahay Dhuusa Marreeb. Taas waxaa ku taageersan degaanno kale oo badan oo Gobolka ah. Waa xarunta Gobolka waana mid ka mid ah labada fariisimood ee ay ugu badnaayeen militeriga Soomaaliya markii ay ahaayeen cudud Afrika ka tilmaaman. Ha ka faa’iideysato, hana muujiso soo dhoweyn, dulqaad iyo in ay dadku u sinnaan karaan magaalada, haddiiba ay caasimad u wada noqoto. Dhuusa Marreeb soo jiidasho wax ha ku doonato ee diidmo yaanay wax ku radin.


Cadaado waa magaalo si wanaagsan u dhisantay intii uu burburku jiray. Waana goob la go’aansaday in shirka lagu qabto. Cadaado iyaduna waxay u baahan tahay in ay fahamto in aan marti gelinta shirka loo diiddaneyn loona diidi karin. Laakiin tuhunku uu yahay in ay dooneyso in ay adeegsato fikradda ganacsiga ee ah - Mid gado midna lacag la’aan ku qaado. 

Markaa ha is caddeyso Cadaado haddii ujeeddadeedu ay tahay in ay caasimad noqoto. Oo ay xaq u leedahay. Haddii ay ujeeddadeedu ku eg tahay marti-gelinta shirkana, sidaa ha caddeyso.

Waxyaabaha xalka noqon kara waxaa ka mid ah, in ceeriinka wax lagu qeybsado. Hore waa loogu heshiiyay meesha uu shirku ka dhacayo waana Cadaado. Taas ha la aqbalo. Ka hor inta aan Cadaado la teginna ha laga heshiiyo meesha ay caasimaddu noqoneyso. Haddii taasi aanay suurta gal ahayn, waa in ugu yaraan lagu heshiiyaa sida Caasimadda lagu go’aansanayo, cidda go’aansaneysa, goorta iyo goobta lagu go’aansanayo iyo weliba magaalooyinka tartanka ku jira.

Ma garanayo waxa labada magaalo ay dooddan isugu koobayaan marka min Wabxo oo Hiiraan Saaran, Ceel Dheer iyo Hobyo oo xeebta Badweynta India ku yaal ilaa Caabbud Waaq oo ku dhow soohdinta Ethiopia iyo min Guri Ceel ilaa Gaalkacyo ay qeyb ka noqonayaan go’aanka meesha caasimad noqoneysa.

Ugu dambeyn, taladeydu waxay ku kooban tahay - yaan la is lug jiidin, yaanna la is tijaabin ee ha la is aqbalo, waxna ha la isu quuro si la isu kaashado.

Tuesday, 16 December 2014

Mahadcelin 30,000



Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibbadeyda Saxaafadda Bulshada oo tiradooda guud ay kor u dhaaftay 50,000. Gaar ahaan saaxiibbadeyda Facebook oo maanta tiradoodu ay gaartay 30,000 bartan oo keliya.

Waxaan idiin kaga mahadcelinayaa akhriska qoraalldeyda, ka faalleyntooda iyo wax ku biirnta ku dhisan cilmiga, aqoonta, waayo aragnimada iyo madaddaalada.

Waxaa kale oo aan idiinkaga mahacelinayaa wararka iyo macluumaadka aad ku soo bandhigtaan barihiinna oo wargelin, wacdi, aqoon kororsi, talo soo jeedin, ka fekersiin iyo madaddaalaba isugu jira.

Waxaan u mahadcelinayaa dadka barteyda ku taxan oo dhallinyarada u badan wiilal iyo gabdhaba. Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa aqoon yahannada ka faallooda qormooyinkeyga si aan wax uga kororsanno.
 
Waxaan gaar ahaan u mahad celinayaa Xildhibaannada, Diplomaasiyiinta, weriyayaasha, fannaaniinta iyo mas’uuliyiinta kale ee badan ee sida joogtada ah ugu xiran taladana uga dhiibta barteyda.

Wasiirrada, Xildhibaannada, Danjirayaasha, Sraakiisha Ciidanka, aqoonyahanna, dhallinyarada nooc walba leh ee bartaan  ra’yigooda ku dhiibta ayaan u wada mahadcelinayaa, waxaanna ku dhiirri gelinayaa kuwa kale eek u xiran laakiin aan talo dhiiban in ay ayaguna talo nagu biiriyaan.

Sunday, 14 December 2014

Lama-Tebaan


Nin saaxiibkeey ah ayaa wuxuu qabaa aragtida ah in gudaha iyo dibadaha dalka toona aan laga raadin qof aan hore loo maqlin. 

Sabab wuxuu ka dhigayaa in uusan jirin qof wax qaban kara oo aan hore loo maqal.

Wuxuu yiraahdaa, Soomaaaliya oo dhowr iyo labaatan sano xaalad adag ku jirtay, haba sii kala darnaatee, qofka wax uu qabtaye iska daaye aan la maqal wax uu isku dayay, hanti uu xalka doonistiisa ku bixiyay aan la hayn, talo uu keenay aan la arag, wax uu ka digay aanay jirin, ilama aha in hadda la raadiyo oo xal laga doono.

Si kale haddii loo dhigo wuxuu ku leeyahay, qof aan Soomaaliya hore uga fekerin, hadda kama fekersiin kartid.

Taasi meesha kama saareyso dad dhowrsan, khibrad iyo aqoon leh, damiir leh oo aan xatooyo aqoon ee xalaal quuteyaal ah, isla markaana aan qabyaalad ku dhaqmin oo aan la maqal in ay jiraan. Way dhici kartaa in ay dadkaasi yihiin kuwo waddani ah laakiin aan karti ama fursad u lahayn in ay dibadda u soo baxaan sababtu ha noqoto duruufta dhaqaale, midda amni ama wax kale oo aammusiyay.

Nuxurka doodda saaxiibkeey wuxuu ku qotomaa in ay tahay waajib in qof kasta oo wax isku falayaa uu dalka nabadeyntiisa iyo dib u dhiskiisa ka qeyb qaato, hadba kaalinta asaga ama ayada uga bannaan.
Xataa haddii aanuu raalli ka ahayn sida ay wax u socdaan, qofku waa in uu isku dayaa sida asaga la habboon in uu hirgeliyo.

Adiga maxay kula tahay?

Thursday, 11 December 2014

Dhallinyaradu maxay ku riyootaa?



Hadaf in la gaaro waxaa ka horreeya hammi. Si kale haddii aan u dhigo, in aad ku riyooto ayaa ka horreysa in aad wax ku dhaqaaqdo. Haddii riyadu ay tahay mid bulsho oo ummad dhami ay isku wax ku wada riyootana waa hammiga ummaddaas.

Qoraa Talyaani ah ayaa ku tilmaamay in dhallinyarada Talyaanigu ay ku riyoodaan 5 E ama shan waxyaabood oo xarafka 'E' ka billowda, shantubana ay ku saabsan yihiin Yurub.


Waa Euro oo ah lacagta Midogwa Yurub, Email, Erasmus oo ah deeq waxbarasho oo dal kale oo Yurub ah lagu tago, Easy Jet oo ah dayaarad raqiis ah oo Yurub isaga gooshta iyo English oo ah afka Ingiriiska.

Waxaan markaa is weydiiyay – Tolow dhallinyarada Soomaalidu maxay ku riyootaa?

Ma jirtaa riyo ay ka mideysan yihiin?

Sawirrada waxaa ka muuqda dhallinyaro aan magaalada Muqdisho ku kulannay 2012 ka dib markii aan ku martiqaaday in aan kala warqaadanno. Iyaga iyo kuwa la midka ah ayaan ku martiqaadayaa in ay su'aasheyda uga jawaabaan isla boggaan qeybtiisa hoose.

Wednesday, 10 December 2014

Marxuumka ehelkiisa ma la wargeliyay?

Marka qof la dilo ama uu iskiis u geeriyoodo, dadka ugu horreeya ee ay tahay in ay ogaadaan waa qoyskiisa; waalid, xaas ama say, carruur hadduu dhalay iyo walaalo.

Markaas ka dib ayaa saxaafadda lagu faafiyaa.

Hadda adiga oo Facebook iska dhex mushaaxaya ayaa waxaa kaa soo hor baxaya Innaa Lillaahi…waxay hadda naftu deysay… iyo waxaa hadda la ii soo sheegay geerida saaxiibkeey …

Qaar ka sii daranna marka qarax dhaco ayay meydka iyo dhaawaca sawiraan, isla markiiba waxay sawirradaas ku soo bandhigaan saxaafadda.

Bal qiyaas Marxuumka qoyskiisu inta magaalo, dal ama qaaradood ee ay ku kala firisanaan karaan. Ma rabi lahayd aabbahaa oo in naftu ay deysay aan weli laguu soo sheegin in aad Facebook ku aragto? Ama walaalkaa ama Xaaskaaga?

Waxaa habboon in la qaddariyo ehelka Marxuumka dhintay. Aniga waxaa ila habboon in aan isla saacadda uu qofku dhinto aan hore lagu soo qorin saxaafadda, haddaan qoysku sidaa dooran.

Qofka tacsida ku diraya saxaafaddu ma ahan weriye war la cararaya oo wakhtigu ku dhacayo. Wax diidaya ma jiraan in uu hal maalin sugo ama uu aaska ka dib uu tacsida ku gudbiyo saxaafadda.

Inta aadan tacsi ama sawir soo dhigin Baraha Saxaafadda Bulshada, su'aasha ay tahay in aad is weydiisaa waa cinwaanka qormadaan: Marxuumka ehelkiisa ma la wargeliyay?