Dherigii
Fara Badiyaa waa hee?
Inqaasta Yusuf-Garaad
Ammaanka waxaa fashiliyay ma ahan oo keliya aqoon la'aan ammaan ama dayacaad xilkiisa oo ah waxa lagu eedeeyay Wasiir Guuleed, oo isagu si geesinnimo leh xilkiisa isaga casilay. Haddaba si loo sugo amniga waxaa ila habboonaatay in aan aniga talo igu
baaqan.
Markaa aniga oo ku halqabsanaya Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Shiikh oo aan taageersan ahay, ayay ila tahay in la is weydiiyo tallaabooyinkii Ammaanka
ee la qaaday tan iyo 2012 oo dhan in dib loo eego. Ammaanka ma uga raayeen mise
waa uga dareen.
Qaar aan ka warqabo waxaa ka mid ah beddelaaddii Taliyayaasha
Ciidanka oo dhan, Abbaanduulihii militeriga iyo Taliyaha Waaxda Dembi Baarista Booliiska (CID). Waxaa kale oo ka mid ah Generaal-ladii tobaneeyada ahaa ee laga
fariisiyay Nabad Sugidda. Waxaa ka mid ah ciidankii iyo saraakiishii howlgabka
laga dhigay.
Intaas oo dhan marka laga soo tago waxaa jira caqabad taagan oo
Ammaanka gelineysa jahawareer iyo mid aanay sahlanayn in la sugo gaar ahaan
Muqdisho.
Silsiladda Amarka
Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha waad kala saarteen taas oo
aan sahlayn howsha. Waxaad Magacowdeen Guddoomiyayaal Gobol oo aad sheegteen in
ammaanka ay ayagu mas’uul ka yihiin. Bal si deggan u fiiri. Taliyaha Nabad
Sugidda iyo kan Booliiska ee Gobolka immisa nin ayaa xukuma oo ay warbixintooda
siiyaan? Ka sokow in ay iyagu wada shaqeyn yeeshaan.
Waxay tahay in ay u warbixiyaan Taliyayaashooda oo iyaguna u
warbixiya Wasiirka Aminga iyo Madaxweynaha oo ah Taliyaha Guud ee Ciidammada. Waxaa
kale oo ay hoos tegayaan Guddoomiyaha Gobolka oo isagu hoos taga Wasiirka
Arrimaha Gudaha.
Intaas oo dhanna waxaa dheer militeriga oo isagu xudduudaha
Soomaaliya aan ilaalin ee ka dagaallama gudaha dalka, oo hoos taga Wasaaradda
Gaashaandhigga.
Waad fahmi kartaa, iigana xog roon tahay in habkaasi dhalinayo
iska-daba-noqod maamul oo aan loo baahnayn. Waxaa kale oo uu keeni karaa iska daba
shaqeyn maaddaama aan intaas oo Madax ahi isu wada laab xaarnayn sida aan
ognahay.
Iskaba daa dalka oo dhan ee Ammaanka Muqdisho yaa ka mas’uul ah? Haddii
su’aashaas la idin weydiiyo ma hubo in aad adiga iyo Madaxweynaha midkiinna hal
magac uga jawaabi karo. Haddii gooni gooni la idiin weydiiyana ma hubo in aad
isku jawaab ka bixin lahaydeen.
Ma Duqa Magaalada oo hoos taga Wasiirka Gudaha ayaa ka mas’uul ah? Hadday
saas tahayse Wasiirka Amnigu muxuu mas’uul ka yahay? Mise Taliyayaasha Nabad
Sugidda iyo Booliiska iyo Militeriga? Ma Wasiirka Aminga mise Wasiirka Difaaca?
Mise Madaxweynaha oo ah Guddoomiyaha Guddiga Amniga Qaranka?
Ma is weydiiseen intaas oo dad ah oo barbarro siman u wada shaqeynaya
ama isugu warbixinaya in loo baahan yahay in ay Amniga faraha la wada galaan?
Haddii dhib kale aanuu ka imaan yaa go’aanka qaadanaya? Meeqa mas’uul ayaa
tashanaya inta aan tallaabo la qaadin? Xaaladda ay tahay in wax laga qabtaase
ma sugeysaa inta madaxdaasi ay iska daba yaacayaan oo cid go’aan gaarta ay sugayaan?
Daryeelka Ciidanka
Tan kale, Ilaahay ka baqa oo xabbadda ha isaga dhigina askari
aydnaan mushaar u hayn. Idinkuba mushaar la’aan kuma shaqeysaan. Markaa
xaqiijiya askarta aad adeegsaneysaan ee weliba naftooda miiska soo saaraya
in aad mushaarkooda mudnaan ka siisan cid kasta oo kale oo aad idinku ku jirtaan.
Mushaarka waxaa xiga daryeel caaafimaad, siiba marka dhaawac uu
yimaado. Askari kasta oo dagaal gelayaa waa in uu hasytaa sanduuqa gargaarka
deg degga ah. Waxaa kale oo ay u baahan yihiin in dhammaantood la baro
gargaarka deg degga ah si ay isu badbaadiyaan, oo dhiig baxa u joojin karoodaan ama u dhimi karaan, neefmarka u furi karaan, ama ugu yaraan ay uga baaqsan
karaan in ay uga daraan xaaladda askariga dhaawaca ah. Marka aan arkay qaabka
ay dhaawaca u qaadaan, waxaa macnaheedu yahay in ay leeyihiin “war ha nala baro
sida ay tahay in dhaawac loo qaado”.
Midda kale waa in ay helaan qalabka dagaalka ee xabbadda gaashaanka
u ah. Waxaa ka mid ah koofiyad bir ah, Qaar-hore gashiga xabbadda celiya,
baabuur aan xabbaddu karin oo lagu daadgureeyo iyo qalabka la' isticmaalka ah.
Ugu dambeyntii waa in marka xabbadu dhacayso amaba ay ku dhacdo
aanuu askarigu ka welwelin agoonta uu ka tegi doono iyo hooyadood daryeelkooda. Markii
ay shaqada ku gaboobaanna waa in ay og yihiin waxa ay mudanayaan.
Ciidan qaab beeleed u dhisan
Marba gobolka la joogo beelaha deggan ayaa ugu badan ciidanka
halkaas ka howlgala. Waaba haddii cid kale tarraxdo e. Intaas oo dhan waxaa dheer oo ka sii darin sida Militeriga
Soomaaliya ee hadda jira uu hal beel ugu badan yahay, beeshaas oo uga badan
ciidanka afarta beelood ee kale oo la isku daray. Taas oo aan ogahay sida ay ku timid, laakiin
ay iga dhaadhici la’dahay sababta loo sixi la’yahay. Waa sida aan warka ku helay, haddii aan khaldan ahay, ha loo caddeeyo inta sidaas aamminsan. Khasab ma aha in
ciidankaas dadaalka badan shaqada laga fariisiyo. Laakiin maxaa diiday tusaale ahaan in ciidanka
Puntland, oo ah mid ilaa iyo xad taabba galay kuna guuuleystay in ay Shabaab
uga adkaadaan Buuraha Galgala, oo iyaguna u badan mid ka mid ah shanta beelood
in la isku dhafo iyaga iyo ciidanka Muqdisho?
Sidoo kale, maxaa diidaya in garaaddahooda dib loo eego? Maxaa
keenay in Taliyaha Ciidammada Puntland uu ahaado Sarreeye Guud, halka Taliyaha
Miliyeriga Soomaaliya uu yahay Sarreeye Guuto oo laba derejo ka hooseeya
Taliyaha Puntland. Marka ay dhacdo in ay labadoodu kulmaan kee salaanta
qaadanaya? Ma xeerka militeriga ayaad dib u qoreysaan?
Saameynta Siyaasadda
Ugu dambeyntii Ammaanku waa siyaasad. Iyada oo aan siyaasadda la
isku khilaafsan yahayna ammaanka si buuxda looma sugi karo.
Dagaalka sokeeye ama isku dhacyada ka jira Shabeellada Hoose, Shabeellada
Dhexe, Jubbada Hoose, Gedo, Hiiraan, Galdguduud, Mudug iyo Sool iyo weliba
khilaafka siyaasadeed ee Baydhaba, Puntland iyo Muqdisho intuba saameyn ayay ku
leeyihiin ammaanka.
AMISOM
Inta aan ka warqabno, AMISOM waa ciidanka ugu xoogga badan ee dalka
ku sugan. Kaalintoodu in ay tahay taakulo iyo in ay tahay hagid ma kala cad
tahay? Inta Ammaanka ka shaqeysa oo dhanse ma u cad tahay?
Midda kale, Ciidammada Ethiopia iyo Kenya, waxaa la socda ciidammo
dalalkooda ay ku soo tababbareen oo dadka qaar ay tuhun ka qabaan waxa ka
dhexeeya.
Maamul Goboleedyada
Waxaa ammaanka saameyn ku leh, Maamul Goboleedyada is dhinac yaacaya
ee ka xawaare dheereeyay siyaasadda Dowladda Federaalka qaarkoodna ay ku daaban yihiin Dowlad ama Dowlado shisheeye. Waxaan hadda ka hor
aragnay Maamul Goboleedyo ay Dowladdu caddeysatay in ay diiddan tahay qaabka ay
u dhismayaan. Haddana meelo kale ayaa loo soo maray oo laga fara maroojiyay Dowladda, afkeedana laga keenay in ay aqbalsan tahay. Arrimahaas oo dhami ma ahan kuwo
ammaanka u gargaaraya ama sahlaya.
Maroodiga indhaha laga qarsanayo
Haddii la yiri ammaanka waxaa lala kaashanaynaa Ethiopia, Kenya iyo
Djibouti, maxaan uga tala galnaa Somaliland? Hargeysa miyeysan saameyn ku
lahayn ammaanka Soomaaliya? Tani kama jawaabeyso in Soomaaliland ay tahay
Jamhuriyad madax bannaan iyo in kale? Laakiin waa tallaabo runta ku dhisan in
arrintaas laga sameeyo iskaashi heer farsamo ah. Malahaa Wadahadallada labada
dhinac ee mar mar Istanbul lagu qabto ayaa ajendahooda lagu dari karaa.
FG