Maanta waxaan Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda midba mar shir
ugula yeeshay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Carlo Campanile iyo
Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, Mohammed Ahmed Othman Al
Hammadi.
Danjirayaasha waxaan kala hadlay xiriirka soo jireenka ah ee
Soomaaliya ay la leedahay Talyaaniga tan gobonimadii iyo Imaaraadka Carabta tan
iyo xilligii Shiikh Zayed.
Labadan Danjire iyo Danjiraha Jarmalka u qaabbilsan Soomaaliya Jutta
Frasch oo aan goobjoog ka ahaa kulan uu Ra’iisal Wasaaruhu kula yeeshay
Madaxtooyada markii dambena aan qado-shaqo kula yeeshay mid ka mid ah
Hoteellada Muqdisho ayaan ka wadahadalnay qodobbo dhowr ah oo waxtar u leh
xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Talyaaniga, Imaaraadka Carabta iyo Jarmalka.
Qodobbada aan Saddexda Danjire kala hadlay waxaa ka mid ah
isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, soo dhoweynta shacabka iyo
saameeynta uu isbeddelkaasi ku yeelan karo dalka haddii uu taageero la taaban
karo ka helo dalalka aan saaxiibka nahay.
Waxaan xusay in Dowladda cusub ay ka go’an tahay in ay la
dagaasho musuqmaasuqa, taas oo
faa’iidooyikeeda kale ka sokow, aan rajeyneyno in ay dhiirri geliso in dalalka
aan saaxiibka nahay sida Jarmalka, Talyaaniga iyo Xubnaha Midowga Yurub iyo
Imaaraadka Carabtu ay sii kordhiyaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin
Soomaaliya.
Waxaan xusay in maaddaama ay dhallinyaradu tahay tirada ugu badan ee
bulshadeenna ay lagama maarmaan tahay shaqo abuur ka sokow in aan damacsan nahay in aan kor u qaadno tirada fursadaha deeqaha waxbarasho ee ay u tartami karaan. Danjiryaashu si guud ayay u soo dhoweeyeen
codsigaas. Su'aalo soo baxay ka dibna, waxaan xusay in ay Dowladdu ay ku shaqeyneyso in ardayda la siinayo deeqaha Waxbarasho ay ahaan doonaan kuwa ugu wanaagsan xagga natiijada imtixaanaadka.
Hore ayaan Wasiirka Waxbarashada uga wadahadalnay in aan wadajir u goobno fursado waxbarasho kuwaas oo dabcan haddii la helo noqon doona kuwa ay Wasaaradda Waxbarashadu maamusho.
Tababbarka Howlwadeennada Wasaaradda ayaa ahayd mowduuc aan kala
hadlay Danjirayaashu in ay Macaahiddoodu Diblomaasiyaddu ay tababbarro u fidiyaan shaqaalaha Wasaaradda.
Qodob kale oo Danjirayaasha aan la socodsiiyay ayaaa ahaa in aan xoojineyno Waaxda Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda si ay Danjirayaasha Ajnebiga ah iyo wufuudda ugu fududeyso xiriirkooda laamaha Dowladda iyo dalka oo dhan.
Waxaan u sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu, iyada oo la kaashaneysa Wasaaradda Warfaafinta iyo laamaha kale ee Dowladda ay ballanqaadeyso in Dadweynaha Soomaaliyeed lala socodsiiyo Dowlad kasta oo taageero waxtar leh u fidisa ummadda Soomaaliyeed iyo Dowladdeeda.
Kulammada ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa
goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibadda,
Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimayaasha Yurub iyo Dalalka Carabta.
Saddexda Danjire waxaan mid kasta ka wadahadalnay xiriirka
labadeenna dal.
Talyaaniga
Danjire Campanile waxaan uga mahadcelin iskaashiga ay Dowladda
Talyaanigu la leedahay Soomaaliya.
Waxaan ka wadahadalnay deeqaha Talyaanigu bixiyo ee soo mara Qarammada
Midoobay iyo doorka ay Dowladda Soomaaliya ku lahaan karto hagiddooda iyo qiimeyntooda.
Waxaan ka wadahadalnay qabaqanqaabada Booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya uu ku
tegi doono dalka Talyaaniga mustaqbalka dhow.
Waxaan xusuusiyay Danjiraha Talyaaniga sida ay Soomaaliya uga faa'iideysatay mshaariicda uu Talyaanigu ka fuliyay Soomaaliya oo ay ka mid tahay waddada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe. Waxaanna Danjiraha u sheegay in maaddaama ay Soomaaliya ka soo kabaneyso colaad ay hadda baahi weyn u qabto mashaariic horumarineed.
Waxaa uu Danjiruhu si kaftan ah wax iiga weydiiyay in uu maqlay in aan
Talyaaniga wax ku bartay waxaanna uga warramay waxbarashadii aan ku qaatay
magaalada Sienna ee dalka Talyaaniga.
Waxaan u sheegay in aan Dowladda Talyaaniga abaal uga hayo deeqda
waxbarasho ee ay aniga iyo kumanyaal Soomaali ah u fidisay taas oo aan xusay in
aan maanta aad ugu baahi qabno.
Imaaraadka Carabta – UAE
Danjire Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi waxaan uga mahadceliyay
sidii wacnayd ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo aan ka mid ahaa loogu soo dhoweeyay Abu
Dhabi, fadhiyadii aan la yeelannay Madaxda dalka iyo ballanqaadkii waxqabad ee
ay sameeyeen.
Waxaan si gaar ah uga mahadceliyay Barnaamijka deeq ururinta ee
Jimcihii ka dhacay Imaaraadka Carabta ee dalka oo dhan looga ururiyay deeq
samafal ah oo loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu asiibtay.
Danjiraha waxaan isla qirnay in ay Dowladda Soomaaliya tahay
Dowladda Sharciga ah ee dalka oo dhan matasha isla markaasna ay iyadu tahay iridda
sharciga ah ee laga soo galo dalka.
Waxaan intaa u raaciyay in Dowladdu ay soo dhoweyneyso horumarinta gobol
kasta oo dalka ka mid ah, welibana ay u fududeyneyso Dowladdii dalka ka
fulineysa mashruuc horumarineed, iyada oo la dhowrayo Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya isla markaasna laga fogaanayo fal kasta oo taas wax u dhimi kara.
Jarmalka
Danjiraha Jarmalka uga wakiilka ah Soomaaliya, Jutta Frasch, ayaan
ka qeyb galay kulan uu Ra’iisal Wasaaruhu kula yeeshay Xafiiskiisa. Ka dibna waxaan la qaatay qado-shaqo.
Danjiraha waxaan isla soo qaadnay sidii aan u xoojin lahayn xiriirka
ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka isla markaasna aan isu weydaarsan lahayn
booqashooyin Madax Sare oo labada dhinac ah.
Qadada waxaan uga dul sheekeysannay xiriirka Soomaaliya ay la
leedahay Caalamka iyo sida aan u aragno in dalalka aan jaarka nahay uu isku
xiran yahay amnigeenna iyo horumarkeennu.