Waxaa maalmahaan socda olole lagu dalbayo in ay Dowladdu u istaagto
dhallinyaro Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalal shisheeye, taas oo loo arko, ahna waajib Dowladda
saaran.
Maaddaama uu ololuhu sii xoogeysanayo, mararka qaarkoodna ay ka
hadlayaan
dhinacyo aan ahayn xog ogaal buuxa, ayaan goostay in aan soo
bandhigo xogta hadda suurta-galka ah in aan la wadaago dadweynaha. Waa dadaal
ay waddo Dowladda Soomaaliya laakiin aan weli la soo geba gebeyn.
Waxaan shacabka ku wargelinayaa in aan billownay xiriirro dhowr ah
oo ku saabsan dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalalka Ethiopia, Seychelles iyo India.
Ethiopia madaxdeeda ayaan la soo qaadnay mowduucan dhowaan markii
aan booqannay Addis Ababa.
Seychelles Wasiiru Dowlaheeda Arrimaha Dibadda ayaan wada qaadannay mid
ka mid ah shan shir doceed oo aan gooni gooni ula yeeshay Wasiirro Arrimo
Dibadeed isla halkii maalin ee shirka London uu socday.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles arrinta ugu weyn ee uu
ila soo qaaday waxay ahayd nabadgelyada badda noo dhexeysa iyo
wadashaqeynteenna mustaqbalka. Ka dib
markii aan uga warramay isbeddelka dalka ka dhacay, Aniguna arrinta ugu weyn ee
aan ku soo qaaday waxay ahayd Maxaabbiis Soomaali ah oo ku xiran Seychelles.
India, Safaaradda Soomaaliyeed ee New Delhi iyo Xeer
Ilaalinta Qaranku waxay qabteen Qareen u dooda mid kasta oo ka mid ah Maxaabbiista
Soomaaliyeed ee ku jira xabsi ku yaalla Mumbai.
Safaaradda Soomaaliya waxaa kale oo ay u asteysay mid ka mid ah Diblomaasiyiinteedu
in uu tago Mumbai oo 1400 km u jirta New Delhi mar kasta oo Maxkamad la soo
taagayo mid ka mid ah boqol iyo dheeraadka Maxaabbiista Soomaaliyeed ah.
Waxay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu si joogta ah u heshaa Warbixinno
kala gooni ah oo Qareenka Hindiga ah iyo Diblomaasiga Soomaaliga ahi ay u soo
diraan hadba dacwaddu meesha ay mareyso ayaga oo isla markaana talo bixinaya
tallaabada nala gudboon.
Maanta (Talaada) oo u dambeysay waxaan mowduucan fadhi ka yeelannay
Wasiirka Garsoorka iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda taasoo ahayd markii
labaad isla toddobaadkan, ka horna waxaan wadajir ula kulmay Agaasimaha Aasiya
iyo Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Waxaa arrinta Maxaabbiista ku xiran India
isla maanta ka wadahadlay Agaasimaha Aasiya iyo Danjiraha Soomaaliya ee New
Delhi.
Berrina waxaa jira dhowr kulan oo Muqdisho iyo New Delhi loo
ballansan yahay mowduucan.
Waxaa diyaar ah oo labada dal ee Soomaaliya iyo India ay isku af
garteen inkasta oo aan weli la saxiixan heshiis mabda’ ahaan Maxaabbiista la
isu celinayo.
Laba ka mid ah Dowladaha Saddexda ah ee aan xusay Ethiopia,
Seychelles iyo India waxaan isla meel dhignay in maxaabbiista Soomaaliyeed ee
dalalkooda ku xiran lagu soo wareejiyo gacanta Dowladda Soomaaliya. Dalka kale waxaa noo billowday xiriir aan ku
rajo weyn nahay in aan ka miro dhalin doonno mar dhow.
Runtii dadaalka socda ee ku wajahan in Maxaabbiista dibadda ku xiran
oo dhami ay gacanteenna soo galaan, ma ahan howlo saxaafadda lagu soo wada
bandhigi karo maaddaama aanay soo geba-geboobin.
Hore waxaan ula kulmay wakiil ka socda Guddiga Caalamiga ah ee
Laanqeyrta Cas oo aan weydiistay in ay nala wadaagaan Maxbuus kasta oo
Soomaaliyeed ee ay ka warhayaan in uu ku jiro xabsi shisheeye.
Shalay oo u dambeysay waxaan farriin ka helay saddexda Dowladood
middood, farriintaas oo ah mid yididdiilo hor leh I gelisay. Howshani hadba heerka ay mareyso ee in la
sheego aanay wax u dhimi karin furdaaminta iyo marka ay geba-gebo tahay waan la
wadaagi doonnaa dadweynaha Soomaaliyeed.
Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf uga
mahadcelinayaa in uu fagaaraha caleema-saarka ee Cadaado uu ku ballanqaaday in
uu bixin doono kharashka dayaaradda haddii dhallinyarada Soomaaliyeed ee India
ku xiran loo soo celinayo Soomaaliya.
Waa go'aanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda kale ee dalku ay isla qaateen in ay muhiimad weyn ahaato sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee xabsiyada dalka dibaddiisa ku jira dib loogu soo celin lahaa gacanta Dowladdooda.
Waxaan hadda ku dabajirnaa Soomaali ku xiran Uganda, Sudan, Libya iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin dalal ku yaalla Afrikada Koofureed.
Waa go'aanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda kale ee dalku ay isla qaateen in ay muhiimad weyn ahaato sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee xabsiyada dalka dibaddiisa ku jira dib loogu soo celin lahaa gacanta Dowladdooda.
Waxaan hadda ku dabajirnaa Soomaali ku xiran Uganda, Sudan, Libya iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin dalal ku yaalla Afrikada Koofureed.
Waxaan dhallinyarada
Soomaaliyeed ee ku hammin kara ugu baaqayaa in ay ka feejignaadaan ka
qeybqaadashada burcad badeed ama fal dambiyeed kale oo ay xabsi ku mudan karaan
nooc kasta oo uu yahay. Taas macnaheedu
ma ahan in aan ku tilmaamayo in dhallinyarada ku xiran Ethiopia, Seychelles iyo
India ay yihiin dembiilayaal maaddaama arrintaasi ay u taallo Maxkamadaha.