Total Pageviews

Saturday, 30 July 2016

Yam Yam yeen "Soomaali baan Ahay"

Cabdulqaaddir Xersi Yam Yam oo ahaa hal-abuur iyo mufakir, Allah ha u naxariistee wuxuu tiriyay hees la yiraahdo Soomaali baan ahay oo xikmad weyn xambaarsan ka sokow faanka iyo gooddiga Soomaalinnimo ee badankeen aan jecel nahay.

Waxay tilmaameysaa sifooyin aad u sarreeya oo ay Soomaalidu leedahay, aniguse aan is iri Soomaalidu ma wada laha sifooyinkaas wanwanaagsan ee waa sida uu Yam Yam nala jeclaan lahaa.

Erayada Yam Yam ee tilmaamaya iska caabbinta, dhiifoonaanta iyo faan kale oo badan waan iska qaadan karaa oo Soomaali badan wey leeyihiin sifahaas.

Xagga qabka wuxuu leeyahay “Sida dunida qaarkeed, Sandulleynta ma oggoli, ninna kabaha uma sido”.

Dinaca iska caabbinta “Nin i sigay ma nabad galo, Nin i sugayna (Sugnaan) maba jiro”.

Feejignaanta iyo haddana ka fiirsiga wuxuu leeyahay “Dabayshaan la socod ahay, Salfudeydna uma kaco”.

Xagga Abaalka wuxuu leeyahay "Saaxiib nin aan nahay, Cadowlgeyga lama simo Soomaali baan ahay".

Laakiin marka uu caddaaladda ka hadlayo wey isu key qaban waayeen muuqaalka uu bixinayo iyo dhaqanka Soomaali inta aan ka aqaan. Wuxuu yiri  “Sinnaantaan la magac ahay, San-ku-neefle ma oggoli in uu iga sarreyn karo”.

Dabcan marka aad leedahay cid iga sarreysaa ma jirto, haddii aan hadalka si kale u dhigno waa in aad qiran tahay in aan la kala sarreyn. Eeg, Yam Yam inta aanuu noo sheegin in aanuu oggoleyn in laga sarreyn karo, wuxuu noo sheegay in uu aamminsan yahay sinnaanta Aadanaha.

Intaas haddii aad qirto, macnaheedu waxaa uu yahay in aanad adiguna cidna ka sarreyn.

Meesha aan anigu doodda gelinayo waxay tahay marka Soomaalida qaar la liido qaarna la sara mariyo sida wax qeybsiga siyaasadda ka muuqata, sida bulshada dhexdeeda ka muuqata xagga sheekooyin-dhaqameedka iyo guurka, ma waxaan dhihi karnaa Soomaalinnimadu waa mid aamminsan ama ku saleysan sinnaan?

Waa Maya.

Sida aan qabo, quursiga iyo liidka ku saleysan heybta ee Soomaalida dhexdeeda lagama gudbi karo keligeed, haddii aan bulshadeennu joojin quursi iyo faquuq Aadane oo dhan. Waxaan ula jeedaa ajnebiga isir ama qowmiyad darteed haddii aan qaarkood u quursanno, oo aan isu qabno in aan ka sarreyno, macnaheedu waa in aan aamminsan nahay in aadanuhu uu kala sarreeyo isir ahaan. Markaasna waxay soo geleysaa dhexdeenna.

Waxaa igala habboon in aan ubadkeenna ku barbaarinno, annaguna aan tusaale u noqono in bani’aadamka aan qof qof ugu qiimeeyno fikirkiisa iyo falkiisa.  Qof qof waxaan ula jeeda in qof kasta oo qaangaar ah uu keligiis mas’uul ka yahay fikirkiisa iyo falkiisa, ayna kala madax bannaan yihiin qof kale oo kasta, xataa waalidkii dhalay iyo kuwa uu isagu dhalay.

Yam Yam Ilaahow u naxariiso oo Ilaahow ajar ka sii guuvaavada iyo wax-u-sheegga Umadda Soomaaliyeed oo uu muddo dheer waday iyo khataraha uu u qaatay Soomaalinnimada.

Wednesday, 27 July 2016

Hillary, Haweenka iyo Hoggaanka

Hillary Clinton

Xisbiga Dimuqraaddiga ee dalka Mareykanku wuxuu sameeyay taariikh. Wuxuu xalay u doortay Hilary Clinton in ay noqoto murashaxa xisbiga ee doorashada Madaxweynaha Mareykanka ee 2016. Waa markii abid dalka Mareykanka ugu horreysay oo uu Xisbi Siyaasadeed oo weyni uu hoggaamiye haween ah u doorto Murashixiisa Madaxweynaha Mareykanka.

Xisbigu wuxuu hore u sameeyay taariikh markii hadda ka hor uu mrashax u doortay nin madow, waa Madaxweynaha hadda xilligiisu sii dhammaanayo Barack Obama.

Hilary Clinton, waxaa hadda sugaysa doorashada dhabta ah ee shacabka Mareykanka oo dhami uu cod ka dhiiban doono bisha November, markaas oo ay la tartami doonto murashaxa Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump.

Haddii Clinton la doorto waxay noqon doontaa taariikh oo waxay noqon markii ugu horreysay ee haween uu Madaxweyne ka noqdo dalka Mareykanka. 

Caalamka kuma cusba Haween Madaxweyne ama Ra’iisal Wasaare noqda, laakiin haddii Clinton la doorto waxay noqoneysaa markii ugu horreysay ee ciidanka adduunka ugu culus ay Taliyihiisa Guud noqoto qof haween ahi. Sidoo kalena ay Madax ka ahaato dalka dunida ugu dhaqaalaha badan.

Waxaa kale oo ay noqon doontaa markii ugu horreysay ee Madaxweyne hore uu Aqalka Cad dib ugu soo laabto isaga oo ah Sayga Koowaad.

Haweenka Adduunka

Markii doorashooyin ugu horreysay dunida, iskaba daa haween in loo oggolaado in la doorto, ee iyagaaba loo diiday in ay codkooda dhiibtaan oo ay musrashixiin niman wada ah ay kala doortaan.

Waddammada qaar ayaa billaabay in ay shuruudo ku xiraan haweenku in ay codkooda dhiiban karaan. Qaarkood waxay sharci ka dhigeen in haweenka aan la qabin oo keliyihi ay codeyn karaan. Qaar kale waxay shuruud ka dhigeen heerka aqoonta muwaaddinka haweenka ah. Taas oo si ay xaq ugu yeelato in ay codeyso lagu xiray shuruud heer aqooneed. Waddamada qaar waxay doorbideen in hooyada ilmo dhashay oo keliya loo oggolaado in ay cod yeelato.

Dalka Australia ayaa ugu horreeyay dal xor ah oo haweenka dalka oo dhan u oggolaada in ay codkooda dhiiban karaan sannadkii 1903. Australia waxay gobannimo ka qaadatay Ingiriiska sannadkii 1901.

Sannadkaa intii ka dambeysay waddammo badan oo adduunka ah ayaa haweenka u oggolaaday in ay codeyn karaan, qaar kalena waxayba u gudbeen in haweenku ay murashax noqon karaan.

Dalal badan oo adduunka ah ayay haween Madax ka noqdeen ama ay hadda ka yihiin. Waxay isugu jiraan Boqorado, Madaxweynayaal iyo Ra’iisal Wasaarayaal.

Dalal ah Asia, kuwa Afrikaan ah, qaar Yurub iyo Ameerikada Koofureed ah, Australia, New Zealand iyo Israel intaba haween ayaa madax ka noqday. Qaarkood waxay caan ku noqdeen wax qabadkooda ama amar adeygooda iyo dagaallo militeri oo soo maray oo ay ay ku guuleysteen.

Haweenka Dunida Muslimka

Dalalka Muslimka ee aan ahayn Carab ama Afrikaan waxaa ka soo baxay Hoggaamiyayaal haween ah oo noqday Madaxa Qaranka ama Madaxa Xukuumadda.

Indonesiya oo ah dalka ugu dad badan waddamada Islaamka ah waxaa Madaxweyne ka noqotay Megawati Sukarnoputri. Pakistan oo ah dalka labaad ee ugu Muslim badan waxaa Ra’iisal Wasaare laba jeer ka noqotay Benazir Bhutto. Khaleda Zia iyo Shiikh Xasiina ayaa middiiba ay laba jeer Ra’iisal Wasaare ka noqotay Bangladesh.  Turkey waxaa Ra’iisal Wasaare ka noqotay Tansu Çiller.

Madaxweynaha Mauritius, Ameenah Gurib
Inkasta oo dalkeeda Muslimiinta looga tiro badan yahay, Ameenah Gurib, oo iyadu Muslim ah waxay hadda Madaxweyne ka tahay waddanka Jaziiradda ah ee Mauritius.

Ameenah Gurib, siyaasadda ka sokow, waa Saynisyahan, waxay PhDr ka qaadatay UK, waxayna sameysaa cilmi baaris xagga Sayniska ah, gaar ahaan Kimisteriga iyo Bayoolojiga oo ay ka soo saartay qoraallo badan oo la daabacay.

Waxay si cilmi ah u baartaa daawa iyo nafaqo waxa ay leeyihiin dhirta dalkeeda ka baxda.

Haweenka Soomaaliya

Soomaaliya oo markii ay xornimada qaadatay dadkii shaqeynayay ay qaarkood weli shaqeeyaan, waxaa la dhihi karaa Dowladnimadu wey ku cusub tahay.

Siyaasiyaddii haween ugu horreeyay oo doorasho furan si buuxda isugu soo taagtay, wacdara ka dhigtay, welina laga sheekeeyo waxay ahayd Xaawa Cawaale Abtiddoon (Xaawa-Yareey), oo u tartantay kusri Baarlamaanka Jamhuriyadda Soomaaliya oo ahaa magaalada Ceel-Buur.

Faadumo Axmed Caalin (Cureeji) iyo Faadumo Cumar Xaashi ayaa ka mid ahaa haweenka Xilalka waaweyn ka hayay Xukuumadihii Kacaanka. Inta burburku dhacay Dowladihii dhismayna waxaa dhowr jeer Wasiir noqotay Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye.

Jagadii siyaasadeed ee ugu sarreysay oo haween ka qabto Dowlad Soomaaliyeed waxay ahayd 2012 markii ay Fowzia Yusuf Xaaji Aden noqotay Ra’iisal Wasaare ku xigeen muddo hal sano ah.

Inkasta oo ay haweenka iyo ragga Soomaaliya ay is tiro le’eg yihiin, dagaallada iyo tahriibka awgood lagaba yaabo in ay haweenku badan yihiin, haddana waxaa 2016 lagu heshiiyay in Baarlamaanka soo socda kuraastiisa ay 30% kaliya ku fariisan doonaan Xildhibaanno haween ah. Markii 2012 la soo dhisayay Baarlamaanka hadda jira, Salaaddiinta beelaha Soomaaliyeed qaarkood wey diideen in ay gabdho ku soo daraan Xildhibaannada beeshooda ka soo gelaya Baarlamaanka. Salaaddiinta gabdhaha boobay ama ugu yaraan oggolaaday in gabdhaha laga boobo kuraasta, ma jirin cid tallaabo ka qaadday ama ku diidday liiska ay soo gudbiyeen. Gabdhaha siyaasadda daneynayana codkooda oo mideysan xuquuqdooda kuma soo dhacsan.

Isla salaaddiintii gabdhaha hore u diiday, oo hadda 2016 fursad u helay in ay Gobolladooda ku soo xulaan Xildhibaannada, waxay u muuqataa in ay adkaan doonto in siduu yahay loo fuliyo heshiiskii la galay ee saamiga ay haweenku ku yeelanayaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Tuesday, 26 July 2016

Qaraxa Maanta ka dhacay Muqdisho

Qarax Maanta
Dad saaka guryahooda nabad uga soo toosay, dagaal aan aadin ee u soo baxay in ay carruurtooda quud xalaal ah u soo qaraabtaan ayaa subaxnimo hore naftooda la gooyay. Waxaa dilay lana dhintay nin aanay garaneyn, isaguna aan aqoon.

In ka badan 10 ruux oo rayid u badan ayaa ku dhintay qarax maanta lagu qaaday waddo hor marta Gegida Dayaaradaha ee Aden-Cadde oo ay adeegsadaan shacab badan oo nolol maalmoodkooda raacanaya. Allah ha u naxariisto.

Qaar kale wey ku naafoobeen.

Wax digniin ahi kama horreyn qaraxa. Sidaa darteed qof kasta oo Muqdisho jooga wuu ku dhiman kari lahaa haddii uu bartaas joogi lahaa. Si kale haddii aan u dhigo ma jirto cid looga aabba yeelayay in uu ku dhinto qaraxa.

Dadka la dilay Carruurtoodii maanta geeri ayaa gashay oo meyd-ka waalidkood ayaa u yaalla. Wey agoontoobeen ama ay rajoobeen. Waa dhib iyo murugo ay la noolaan doonaan muddo dheer waaba haddii ay badbaadaane.

Rabbi ha u sakhiro dhibka soo gaaray.

Qoysaskooda ka sokow, dadka la dilay waa cudud ka luntay Soomaaliya, waana dhiilo wiiqi karta Soomaalinnimada.

In dad la dilo, qaar kale dhaawac lagu naafeeyo, in kale lagu rido sas maskaxdooda wax u dhima, welibana ay yihiin dad aan waxba galabsan, daafacna aan haysan iyo in dhisme la burburiyo xal kuma imaanayo, qof libin ku gaarayaana ma jiro.

Ummaddaan Soomaaliyeed ee dhibka badan soo martay, welina dhib kale uu haysto, waxay geesinnimo ku jirtaa qofkii qof badbaadiya, qofkii cudur iyo gaajo ka badbaadiya, horumar la tiigsada, wacyi gelin la barbar taagan, horseeda in uu dadku is nabad geliyo, is caawiyo welibana uu iskaashado.

Ilaahow Soomaali u gargaar.

Saturday, 23 July 2016

Koomadii ma ka soo baxday? Mise...

Falku wuxuu ka dhacay Garoonka Koonis
Waxaan dhegeystay weraysi laga qaaday dhibbane la miyir beelay dhib uu sarkaal booliis ahi gaarsiiyay.

Dhibbanuhu wuxuu weriyaha u sheegay in uu “Kooma” galay, Su’aashii xigtay ayaa igu dhalisay in aan si kooban khibrad ula wadaago walaalheyga Soomaaliyeed ee aan isku xirfadda nahay. Su’aasha iyo jawaabteedu waxay u dheceen qaab u dhow sidan:

Hadda koomadii ma ka soo baxday mise weli waa ku jidhaa?

Koomadii waan ka soo baxay. Qof kooma ku jira miyaa hadli lahaa?

Waxaan halkaa ka arargnaa in aan su’aashu munaasab ahayn. Kooma qofka ku jira waa qof dhaawac ka gaaray maskaxda awgiis densan oo la moodo in uu hurdo. Lagana kicin karin xataa haddii loo adeegsado wax qof caafimaad qaba oo hurda xanunjin lahaa.

Qof xaaladdaas ku jira marka horeba ma hadleen. In aad qof kula hadlaya weydiiso in uu kooma ku jiro waa maxay jawaabta aad ka fili karto oo aan ahayn Anigu kooma kuma jiro? Jawaabtaas oo awalba aad ogeyd maxaan ahayn oo ay keeni kartaa? Waa fal-ma-dhacdo in aad maqasho jawaab ah “haa kooma ayaan weli ku jiraa, goor aan soo naaxi doonana ma ogi.” 

Marka aan is weydiiyay waxa keenay su’aashan, saddex sababood ayay ila dhaafi weyday:
  1. In ay tahay hafyo. 
  2. In aan weriyuhu aad uga fiirsan su’aasha, kana fekerin waxa ay jawaabtu noqon karto.
  3. Iyo in aan weriyuhu aqoon kooma (coma) waxa ay tahay.

Khaldkan iyo qaar la mid ahi waa ay ka dhacaan saxaafadda Soomaalida qaarkeed. Laakiin kan waxaan u soo qaatay in uu yahay tusaale fiican oo aan hubo in weriye kasta uu jeclaan lahaa in aan khalad la mid ahi asaga ama ayada ka dhicin. Sidee marka uga baaqsan kartaa khaladdaadka noocaas ah ayaan isku dayayaa in aan uga jawaabo sadarrada soo socda.

Joogtee ardaynimadaada

Weriye kasta waxaa la soo gudboonaada mowduucyo aad u fara badan aadna u kala duwan. Mar kastana waxaa laga rabaa in uu si aqoon ku saleysan uga hadlo mowduuc kasta oo uu soo hadal qaado. Waa in uu mowduuca uu ka hadlayo ka yaqaan in ka badan inta uu ka aqoon karo qofka aan asagu ku takhasusin mowduuca ama aan ka shaqeyn.

Taasi ma ahan wax sahlan. Si uu u lahaado aqoon ka sarreysa tan dadka intiisa badan, weriyuhu waa in uu wax badan akhristaa. Waa in akhriskiisu uu joogto ahaadaa. Waa in uu ka qeyb galaa muxaadarooyinka. Waa in uu dhegeystaa saxaafad aqoon u kordhineysa. Waa in uu la sheekeystaa dad uu aqoon ka korosan karo. Waa in uu su’aalo is weydiiyaa oo goobaa jawaabahooda. Waana in uu su’aalo weydiiyaa dadka u saaxiibka ah aqoonta.

Aqoo qof yaqaan

Intaas oo dhan haddii uu weriyuhu sameeyo, haddana ma wada aqoon karo mowduuc kasta. Markaa waxaa looga baahan yahay in uu diyaar garowgiisu uu intaa ka badan yahay. Inkasta oo wararka intooda badan la sii ogyahay inta aanay dhicin oo la qorsheyn karo waxna laga sii baran karo, haddana wararka qaar waa sida weerar argagixiso. Ma taqaannid goorta uu dhici doono iyo meesha uu ka dhici doono. Warkuna waa sida gurmadka weerarka arga-gixiso daba yaal oo waa in aad isla marka uu ku soo gaaro aad wax ka qortaa.

Markaa suurta gal ma ahan in mowduuc kasta  oo warka soo gala uu weriyuhu u leeyahay aqoon ka badan aqoonta dadka badankiis, lahaana aqoontaas inta aan warku soo dhicin. 

Laakiin weriyaha waxaa u furan in uu isla markaas si deg deg ah u baaro mowduuca si uu u fahmo. Baaritaankaasi wuxuu noqon karaa mid internetka ah, mid buugaag, wargeysyo, maqal ama muuqaal ah. Wuxuuna noqon karaa mid markaas wax laga weydiiyo dadka yaqaan mowduuca.

Waxaa la yiraahdaa weriyuhu ma aqoon karo mowduuc kasta, laakiin mowduuc kasta waa in uu yaqaan qof aqoon gaar ah u leh.

Ha fasirin wax aadan fahmin

Weriyuhu wax aanuu fahamsaneyn ma ahan in uu isku dayo in uu dadka u fasiro. Mana ahan in uu wax aanuu fahamsaneyn is moodsiiyo in uu fahamsan yahay. Xataa kelmad aanuu hubin macnaheeda ma ahan in weriye adeegsado.

Ceeb ma ahan. Waxa aadan fahmin weydii weriyaha kula shaqeeya. Haddii intiinna isla shaqeysa midkiinna uu fahmi waayo ama aad isku khilaaftaan fahamka, la kaasho qof idinka baxsan.

Waxaa iyaguna jira farsamooyin looga dabaasho haddii ay dhacdo qofka aad wareysaneynaysaa haddii isaga oo aan fasirin uu adeegsado eray ama aragti aadan adigu fikir buuxa ka haysan. Waxaan rajeynayaa in aan qormo kale ka diyaariyo mustaqbalka, haddii Rabbi idmo.

Tuesday, 19 July 2016

Cayaaraha Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir


July 2016
Sport waxaa loo qabtaa si loo dhiirri geliyo isdhexgalka bulshada. Waxaa shaqo loogu abuuraa cayaartooyda, macallimiinta iyo tababbarayaasha, Madaxda iyo maamulayaasha iyo inta kale ee shaqooyinkooda ama ganacsigoodu uu toos ugu xiran yahay cayaaraha. Waxaa laga soo saaraa lacag. Waxaa shacabka looga dhigaa madaddaalo ay xiiseeyaan oo farxaddooda ka qeyb qaadata. Wuxuu wax ka taraa caafimaadka inta cayaarta iyo inta ku madaddaasha.

Dalka UK hadda waxaa Jaamacadaha qaarkood ay shahaadda Master ku bixiyaan Ganacsiga Kubbadda Cagta iyo maamulka Sportiga - Sport Management and the Business of Football (MSc).

Tartammada cayaaraha dalkeenna ugu xiisaha iyo xamaasadda badnaa waa kuwa Gobollada.

Waxaa ka soo bixi jiray cayaartooy awood leh oo hufan. Inta badan kubadda cagta waxaa ugu adkaa cayaartooyda Jubbada Hoose iyo Shabeellada Dhexe oo iyadu lahayd naadi heerka koowaad ah. Kubbadda Laliska waxaa ugu wanaagsanaa Togdheer iyo Goballada Dhexe oo ay u cayaari jireen militeri badan oo fariismo ku leh. Kubbadda Koleyga Woqooyi Galbeed iyo Hiiraan waxay dhigi jireen wacdaro. Maalinta ay cayaarayaan waxay taageerayaashoodu ugu sawaxan badnaayeen marmarna ay is fara saari jireen Togdheer iyo Baay. Banaadir inta badan cayaaraha oo dhan waxaa mid walba u safan jirtay koox culus.

Tusaale ayaan intaa u soo qaatay laakiin waan hubaa Gobol kasta taageerayaashiisi berigaas in ay xusuusan yihiin cayaar ay wacdaro ka muujiyeen oo aanan hadda halkan ku xusin. Waxaan ka dalbayaa in ay iga raalli ahaadaan.

Cayaaraha marka la qabto waxay naadiyada heerka koowaad u fiirsan jireen si taxaddar leh waxayna ka xulan jireen inta ugu fiican in ay ku biiraan naadiyada heerka koowaad.

July 2016
Halkaas ayaa lagu sii dhisi jiray jirkooda, lagu soofeeyn jiray farsamadooda, lagu kordhin jiray carbiskooda, sare loogu qaadi jiray adkeysigooda iyo kalsoonidooda cayaaryahannimo, laguna kobcin jiray hammigooda guulaha ay tahay in ay soo hooyaan. Markaa ka dibna, intooda karti iyo farsamo cayaareed ay gaarsiiso waxay ku biiri jireen Kooxda Qaranka ee noocooda cayaareed si ay fagaarayaasha adduunka ugu soo saftaan oo ay u matalaan Soomaaliya. In badan markii galab walba aan tababbarka kala qeyb galayay Kooxda Kubbadda Koleyga ee Batroolka waxay igu fogeeyeen in aan si rasmi ah u safto tartammada habeenkii ka dhici jiray Garoonka 21-ka Oktoobar, anigana culeys iga haystay shaqooyin kale dartood samir uma yeelan oo waan isaga tegey.

Siddeetamaadkii kooxda kubbada koleyga ee Qaranka Soomaaliya waxay qaadday cayaaraha Jaamacadda Carabta kuwa Afrikana waxaan galnay kaalinta labaad.

Maaddaama dalkeenna ay wax waliba is beddeleen Qaran-dunkii ka dib, ma kula habboon tahay in Cayaaraha Gobollada lagu beddelo cayaaraha Gobolka Banaadir iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka? Mise waxaad qabtaa in lagu adkeysto in ay ku sii socdaan cayaaraha Gobollada? Mise in labadaba la isku barbar wado?

Sunday, 17 July 2016

Guddiga Doorashada

Waxaan u habalyeynayaa Cumar Cabdulle oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada. Cumar waa garyaqaan mar noqday Garsoore Maxkamadeed ka hor kala-roorkii, muddo dheer wuxuu la soo shaqeeyay Hey’adaha Bulshada Rayidka ah, hadda inta aanuu ka mid noqon Guddiga Doorashada wuxuu ahaa La-Taliyaha Sharciga ee Madaxweynaha.

Sidoo kale waxaan u hambalyeynayaa Deeqa Yaasiin oo loo doortay Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga doorashada. Deeqa waa aqoonyahan waxayna shaqo wanaagsan u soo qabatay bulshada rayidka ah iyo Xuquuqda Aadanaha siiba Xuquuqda Haweenka. Waa Xiddig kor u socota lehna xiriirro badan oo Soomaali iyo ajnebi leh.

Labada mas’uulba waan ku kalsoon ahay in ay leeyihiin khibrad iyo karti ay uga soo dhalaalaan howsha loo xilsaaray.

Cumar, Deeqa iyo dhammaanba Xubnaha Guddiga Doorashada oo aan hubo in ay jiraan xubno badan oo aqoon iyo khibarad sare leh waxaan dhammaantood Rabbi uga baryayaa in uu u suurto geliyo una sahlo in ay howshooda u gutaan si cabsi iyo eex la’aan ah, dhexdhexaadnimo ah, daalacan oo ka shidaal qaadaneysa karti iyo hufnaan.

Guddiga doorashada waxaa lagu magacaabay Wareegto, laakiin Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka iyaga ayaa iska dhex doortay.

Sida aan ka soo xigtay Barta Internetka ee Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed, SONNA, Xubnaha Guddiga doorashadu waa:

1. Cumar Maxamed Cabdulle
2. Mustaqiim Wayd
3. Maxamed Kaynaan
4. Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel)
5. Nafisa Geeddi Santuur
6. Maxamed Cali Diiriye
7. Cabdiraxmaan Sheekh Mucaawiye
8. Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf
9. Saciido Maxamed Musciid
10. Aweys Abuukar Sokorow
11. Sahra Cabdi Xuseen Jaamac
12. Burhaan Cilmi Xirsi
13. Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayib
14. Cabdulllaahi Cali Aadan Garoon
15. Salaad Cali Ibraahim Catoos
16. Aadan Cabdinaasir Maxamed
17. Cabdullaahi Salaad Yarow
18. Yaasiin Cabdi Jaamac
19. Axmed Maxamed Saciid
20. Fardowsa Maxamed Ducaale
21. Aamina Cabdullaahi Dheeroow
22. Raaxo Maxamed Janaqow

Tuesday, 12 July 2016

Maxkamadda Hague oo bad ka xukuntay Shiinaha

Waa go'aan ku saabsan degaan aad uga fog Soomaaliya. Laakiin maadaamada Maxkamadda Hague ay taallo dacwad Soomaaliya ay gudbisay, waa ay ila mudan tahay in aan u dhug yeelanno go'aankan.

Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ee Qarammada Midoobay ee fadhigeedu yahay Hague, waaxdeeda Garsoorka ayaa soohdin badeed muran ka taagnaa oo ay China sheeganeyso u xukuntay dalka Philippines.

Waa marin badeed uu bedkiisu yahay 3.5m kiilomiitir oo laba jibbaaran oo dhaca Badda Shiinaha Koofureed.

Degaan badeedkaa oo ay China sheeganeyso waxaa kula muransan oo iyaguna sheeganaya Vietnam, Taiwan, Malaysia, Brunei, Philippines iyo Japan.

Shiinuhu waxaa uu sheegashadiisa ku saleynayaa Jaziirado degaankaas ku yaalla oo uu isagu ku dhex yaalla oo uu ku doodayo in ay yihiin Jaziirado oo haddii sidaa la aqbalo markaas saameyn ku yeelanaya halka ay soohdintu ahaaneyso.

Laakiin Maxkamaddu waxaa ay u aragtay in ay yihiin jamallo ee aanay ahayn Jaziirado.

Ka sokow in ay arrintani tahay waxyaabaha muhiimka ah ee dunida ka dhacaya, oo saameynaya dalalkaa deriska ah iyo kuwa danaha amni iyo kuwa dhaqaale kale sida Mareykanka iyo Garsoorka caalamiga ah, haddana waxaad is weydiin kartaa sababta aan kuugu soo gudbiyay in aad af-Soomaali ku akhriso?

Saddex sababood dartood ayaan jecleystay in aan kula wadaago faahfaahintan.

Waa marka horee dacwadda waxaa Maxkamadda u gudbisay Philippine, laakiin Dowladda China waa ay diidday in ay ka qeyb qaadato dacwadda, Maxkamaddana uma soo bandhigin dood. Dacwadda waxaa la qaaday iyada oo China ay ka maqan tahay fadhiga.

Marka labaad China waa ay diidday go’aanka Maxkamadda, waxayna ku tilmaantay waxba kama jiraan.

Marka saddexaad, Dawcadda waxaa Philippines ku matalayay Paul Reichler oo ah Madaxa Qareennada u doodaya Soomaaliya ee diyaariyay dacwad badeedda Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya ee taalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaalada Hague oo furmeysa Isniin 19-ka bisha September 2016.