Total Pageviews

Wednesday, 17 July 2019

Sababta Dacwadda Soomaaliya ee Soohdinta Badda iyo Nuxurka Diidmada Kenya

Bisha September 2019 waxaa loo ballansan yahay dhegeysiga dacwadda soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Ballantu waa Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ICJ, oo ku taalla magaalada Hague. Soomaaliya ayaa dacwadda u gudbisay Maxkamadda. Kenya waxay berigaas ku doodday in aan Maxkamaddu soo faragashan labada dal oo ay iyagu wadahadal ku dhammeystaan arrintooda.
Bishii September ee 2016 ayay Maxkamaddu afar maalmood dhegeysaneysay Kenya oo fasireysa sababta ay tahay in Maxkamaddu aanay qaadin dacwadda iyo Soomaaliya oo sababeyneysa waxa aan labada dal uga fursaneyn Garsoorka Maxkamadda.
Aniga oo ku magacaaban Danjiraha Soomaaliya ee Qarammada Midoobay ayaan ka mid ahaa Ergada Soomaaliya ee goobjoogga ahaa. Halkaan waxaan kuugu soo koobay afar qormo oo ay Soomaaliya iyo Kenya ay isugu jawaabayaan oo aan berigaas diyaariyay. Waxay kuu sahli karaan fahamka billowga dacwadda.
Afarta Qormaba isla boggan ayaad ka heleysaa. Cinwaanka kasta oo aad dul istaagto dhag ayaad siin kartaa si aad u akhrisato qormada oo faahfaahsan.

Qormada Koowaad


Maxkamadda Caddaaladda oo dhegeysatay Kenya

http://yusuf-garaad.blogspot.com/2016/09/maxkamadda-caddaaladda-oo-dhegeysatay.html

Kenya waxay ku eedeysay Soomaaliya in ay qaadatay Istaraateejiyad ay isku-diidsiineyso Is-afgaradkii la saxiixatay Kenya. Mar waxay Soomaaliya ku doodday ayay tiri in aan Wasiirkaa saxiixay aanuu haysan Is-afgaradku aanuu u haysan oggolaasho. Taas waxaa beenisay ayay tiri in la helay warqad lagu siiyay oggolaasho. Mar kale Soomaaliya waxay ku doodday ayay tiri in Baarlamaanku uu waxba kama jiraan ka soo qaaday Is-Afrgaradka. Taas waxaan haynaa ayay tiri Kenya dooddii baarlamaanka ka dhacday oo dhan oo la qoray kelmad kasta oo maalintaas laga yiri Baarlamaanka. Kuma jirto doodda wax muujinaya in waxa ku qoran Is-Afgaradku ay yihiin khalad.

Qormada Labaad

Jawaabta Koowaad ee Soomaaliya


Tuesday, 20 September 2016


http://yusuf-garaad.blogspot.com/2016/09/jawaabta-koowaad-ee-soomaaliya.html
Paul Reichler wuxuu sheegay in heshiiskan oo ay diyaarisay Norway ay marka hore kala hadashay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, ka dibna ay Soomaaliya codsatay in cinwaanka wax laga beddelo. Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenku wuxuu email uu u diray Danjiraha Norway uga mahadceliyay in ay qabatay howl uu yiri waxay ahayd in aan annagu qabsanno. Waxaa la soo bandhigay email uu diray Ra'iisal Wasaare-ku-xigeenku.

Qormada Saddexaad

Weedha ugu dambeysa diidmada Kenya ee Hague

http://yusuf-garaad.blogspot.com/2016/09/weedha-ugu-dambeysa-diidmada-kenya-ee.html

Payam Akhavan oo u doodayay Kenya wuxuu yiri Qareennada Soomaaliya wax badan ayay ka hadleen ayuu yiri, laakiin waxay ka meermeereen in ay ka jawaabaan su’aasha ugu muhiimsan ee Maxkamadda hortaalla.  Is-Af-Garadka (MoU) ay Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen 2009 macno ma xambaarsan yahay mise maya?

Si macnaha MoU-da loo fahmo, khasab ma ahan ayuu yiri in lagu takhususo Qaanuunka Heshiisyada. Wuxuu si gooniya u daba galay Prof. Pellet oo Talaadadii u dooday Soomaaliya. Wuxuu ku tilmaamay in uu doonayo in macnaha MoU-du ay leedahay uu keliya ku soo koobo cinwaankeeda. 


Garyaqaanka Kenya, Githu Muigai wuxuu Guddoomiyaha Maxkamadda iyo xubnaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda uu u soo jeediyay codsi ay Kenya qabto:



Jamhruiyadda Kenya waxay si sharaf leh ay Maxkamaddu uga codsaneysaa in ay ku dhawaaqdo in kiiska Soomaaliya ay soo gudbisay ee Kenya ka dhanka ah uu yahay mid aan Maxkamaddaan khuseyn, aanay aqbaleyn oo uu yahay waxba-kama-jiraan.

Qormada Afraad

Wakiilka Soomaaliya: ICJ ha Diiddo diidmada Kenya


http://yusuf-garaad.blogspot.com/2016/09/wakiilka-soomaaliya-icj-ha-diiddo.html
Waxaa hadalka furay Prof. Pellet asaga oo ka jawaabaya Qareennada Kenya sida ay u fasireen MoU caanka noqotay ee 2009 ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya.

Prof. Pellet wuxuu ku tilmaamay in qareennada Kenya ay MoU 2009 ka yeersiinayaan wax aan ku qorneyn. Waana xadgudub ay Maxkamadda ku sameyneyaan, ayuu yiri, in ay isku dayaan in qoraal hor yaalla uga sheegaan wax aan ku qornayn.


Paul Reichler ayaa sheegay hadalladii uu isagu Maxkamadda ka jeediyay wareeggii koowaad in ay Qareennada Kenya hadda aqbaleen ama ugu yaraan aanay dood ka hor imaaneysa aanay bixin sidaa darteedna looga talo geli karo in sidooda ay u aqbaleen.



Wuxuu taxay toban qodob oo qaanuuniyan muhiim ah oo uu sheegay in uu ku jeediyay jawaabtiisii wareegga koowaad. Taas oo Kenya ay fursad u heysatay in ay riddiso markii ay sameyneysay soo jeedinteedii wareegga labaad. Mid ka mid ah tobankaa qodob oo ay diideen ma jiro.

Mona Sharman oo iyaduna dood dheer jeedisay ayaa ugu dambeyn soo jeedisay codsiga Soomaaliya ee ugu dambeeya.


Waxay Maxkamadda ICJ ka codsatay in ay diiddo diidmada hordhaca ah ee Kenya oo ay furto dacwadda Soomaaliya ay soo gudbisay ee ka dhanka ah Kenya.

Tuesday, 16 July 2019

The War - Guulahayagii Cajiibka ahaa ee Afrikada Bari

Waa majalad soo baxday 28 March 1941. Waa bartamihii dagaalka labaad ee Adduunka. Oo socday 1939 ilaa iyo 1945. Majaladda oo qoreysay wararka jiidaha dafaalka oo qaarad kasta ka socday waxaa magaceeda la yiraa The WAR.
Dusha kore sida aad aragteen waxaa ku sawiran goob dagaal oo xeeb ah waxaana ku qoran erayada ah - Empire Troops Recapture Berbera.

Waxaa ku hoos qoran:
Saacadihii muggdiga ahaa ee arooryadii March 16, Maraakiibta Dagaalka ee Britain iyo kuwa ciidanka qaada ayaa sanqar la’aan ku sulaaxay xeebta Biritish Somaliland [dhulka Soomaaliyeed ee Britishka], oo toddoba bilood ay haysteen Talyaanigu.

Marka ay tahay Eber Saac [saacaddii ay ahayd in weerarla qaado] ayay maraakiibta dagaalku billaabeen duqeyn. Ka dibna labada ciidan oo mid yahay Hindi xul ah, midka kalena uu ka kooban yahay Soomaali iyo Carabta Cadan ayaa u daatay xeebta Galbeed iyo tan Bari ee magaalada.

Farshaxankayagu wuxuu sawirkan ku muujiyay mid ka mid ah u daadashadii xeebta oo dusha ay ka daafacayaan madaafiicda maraakiibta ciidanka badda iyo dayaaradaha Ciidanka Cirka ee Boqortooyadu.
Raacdareebkii Talyaaniga dhakhso ayaa loo dul maray.

Warbixinta Gudaha Majaladda oo cinwaakeedu waa:

Guulahayagii Cajiibka ahaa ee Afrikada Bari


Waa ay muuqatay toddobaadkii hore in Imbaraaddooriyadda Mussolini ee Afrikada Bari aanay sii jiri kari doonin.

Dib u qabsashada Britain ee Berbera, caasimadda Maxmiyadda Ingiriisku uu ku leeyahay dhulka Soomaalida, oo aan si ku meel gaar ah uga baxnay bishii August ee kal hore, jiiddii dagaal ee saddex iyo tobnaad ayaa ku furantay Talyaaniga Geeska Afrika.

Howlgalka Berbera waxaa gebigiis loo qorsheeya si ah sirta loogu qarin og yahay, waxaana loo fuliyay sidii loogu talo galay iyada oo aan waxba iska beddelin.

Qorshaha difaac ee Talyaaniga waa la ogaa maaddaama ay dayaaradahayagu ay soo sawireen fadhiisimmadooda oo dhan.

Laba bar ayaa badda laga soo daatay oo xeebta loo dhaadhacay. Dhinaca bari waxaa ka soo daatay Soomaali iyo Yemen si gaar ah Cadan loogu diyaariyey.

Dhinaca Galbeedna waxaa kaga yimid Hindi xul ah oo ay kaalinayaan Injineerro iyo madaafiicda goobtu.

Si ay ugu gogol xaaraan in ciidanka Soomaalidu uu ka soo dego meel laba mayl bari ka xigta dekedda ayay Maraakiibtu duqeyn ku hareeyeen Talyaaniga. 

Ciidanku markii ay yimaadeen waxay arkeen in Talyaaniga badankiis oo magaalada ka baxay. Laakiin uu ka tegey qaar badan oo ay khasab noqotay in aan xoog cagta ku marinno.

Boobayaal culus iyo madaafiicda goobta ayaa lagu tilmaansaday ciidanka Soomaalida iyo Carabta ah ee magaalada qabanaya. 

Laakiin Talyaanigu markiiba waa ay faaruqiyeen barahooda iyo qoryahooda maaddama maraakiibtu ay duqyeen oo ay yool ka dhigteen.

Dhinaca kale, Dagaalka Galbeed ee Hindidu isaguna horumar ayuu sameeyay. Dhimashadoodu waa ay yarayd. In ka badan 100 askari ayaa la qabtay.

Dadkii Berbera degganaa waxay la soo baxeen oo ay la soo rooreen calammada Britain ee Union Jacks iyo Somaliland, kuwaas oo ay ka qariyeen Talyaaniga iyaga oo kalsooni ku filnayay in Ingiriisku uu soo laaban doono.

Bishii August ee kal hore, Radio Roma wuxuu ku dhawaaqay: Talyaaniga inuu Britain ka qaaday Jowharad ka mid ah Taajka Boqortooyada.

Toddobaadkii hore, isla idaacaddii ayaa qirtay hadal u dhigma in Jawharaddii la soo celiyay.

Abyssinia

Gudaha Abyssinia (Ethiopia), ciidanka Boqortooyada Britishka, waddaniyiinta Ethiopia iyo ciidanka Congo ee Biljamku horkacayo ayaa dhinac walba ku soo siqiyay.

Ciidanka Koofur Afrika marka ay qabsadeen Jigjiga, waxay Talyaaniga joogay dhulka Soomaaliyeed ee Britain ka hor istaageen in uu dib ugu gurto Ethiopia.

Ciidammada Talyaaniga, Talyaaniga degey Ethiopia iyo saraakiishoodaba arga-gax baahsan ayaa la soo dersay.

Ayaga oo hirar ah oo haweenkoodii iyo carruurtoodii wata ayay ku qulqulayeen Addis Ababa, waxaana ku raad joogay ciidammada qabaa’ilka ah ee Haile Selassie.

Dhinaca woqooyiga, waa Eritrea, horumarkeennu gaabis ayuu ahaa.

Lix uxbuuc oo qorsheyn ah ka dib ayaan subaxnimadii 16 March weerar ku qaadnay baraha difaaca ee aadka loo adkeeyay ee magaalada Karen.

Ciidankeenna oo xooggiisu ka imaanayay Galbeed iyo Koofur – Galbeed waxay qabsadeen laba barood oo joog sare leh oo ku soo gowriira magaalada.

Ciidammada Hindiga ayaa qabsaday fiiq difaac adkaa oo afar iyo bar mayl Koofur Galbeed ka xiga magaalada. Waxay bartaa ku qabteen 400 askari.

Buur dusha sallax ku leh oo afar mayl u jirta magaalada ayaa iyadana 200 oo askari lagu qabtay.

Dhanka woqooyi ciidammada Britishka iyo kuwa Faransiiska ayaa ku sii fidayay silsiladda dusha fiiqan ee ku beegan waddada Karen.

Gudaha magaalada iyo baraha hareeraheeda laga diyaariyay waxaa ku sugnaa qiyaastii 30,000 oo ciidammada Talyaaniga ah, kuwaas oo aad nooga badnaa.

F. G.
Majaladda The WAR waxaa muddo hadda laga joogo dhowr iyo toban sano ii hibeeyay saaxiib-shaqo oo aan berigaas wada shaqeyneynay.

Qormada waxaan uga dan leeyahay in dhallinyarada aan taariikhdaas la socon ay madaxooda su'aalo ku dhaliso, una noqoto tilmaan si ay u goobaan taariikhda ka maqan ayna u buuxiyaan meelaha bannaan. 

Thursday, 4 July 2019

Qanyare - Qaybta Afraad (Uguna Dambeysa)

Dayniile 2006

Xarunta Maxamed Qanyare ku lahaa Dayniile ayaa 2006 waxaa isugu yimid Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho ee hubka ugu badan haystay.

Qaarkood waxay noqdeen Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo markaas fadhigeedu ahaa Baydhaba. Wasiirnimada waa oggol yihiin laakiin haddana waa nooc mucaarad ah. Marna ma tegin Jowhar oo ahayd fadhiga Madaxweynaha iyo Dowladda inta aan loo guurin Baydhaba.

Waxay Dayniile uga dhawaaqeen Isbahaysigii Argagixisa la dirirka. Waxaa ku bahoobay ku dhowaad dhammaan Hoggaamiye Kooxeedyadii Hubeysnaa. Iyo rag hub iyo ciidan badan lahaa laakiin markaas ka hor ganacsi uun lagu yaqaannay.

Maxamed - Dheere oo Jowhar joogay wuxuu maalintaas ku tilmaamay in dagaalku uu u dhexeeyo laba beelood.

Habeennimadii ayuu ra’yigiisa beddelay oo uu BBC u sheegay in dagaalku yahay arga-gixiso la dirir, isaguna uu qeyb ka yahay isbahaysiga maanta looga dhawaaqay Dayniile.

Fiidkii ayaan Qanyare telefoonka kula sheekeystay. Waxaan weydiiyay bal in uu i siiyo xog ka badan inta idaacadda laga sii daayay.

Qanyare wuxuu yiri dalka waxaa jooga saddex nin oo ajnabi ah oo Alqaacidda ah oo dembiyo soo galay laguna raadjoogo. Wadaaddada Maxkamadaha Shareecada iyo qaar kale ayaa marti geliyay oo dalka ku soo dhoweeyay haddana haya.

Annagu dadkaas ayaan soo qabqabaneynaa, ayuu yiri, kuwa daafacayana waan la dagaallameynaa.

Waxaan weydiiyay waxa ka jira in ay qandaraas ahaan uga qaateen Dowlad kale. Wuxuu yiri qandaraas waan qaadannay annaga ayayna dantu nooga jirtaa in aan nimankaas ka saarno dalkeenna ama lagu dilo.

Maaddaama ay wadaaddadu aad u hubeysan yihiin, maalgelinna lala daba joogo, waxaan Qanyare weydiiyay waxa dhacaya in dagaalka shacabka lagu kor dagaallamayaa uu daba dheeraado amaba isbahaysigiisa laga adkaado oo ay soo qaban waayaan saddexda nin.

Wuxuu yiri in laga adkaado Maxkamadaha oo nimanka ajnabiga ah la soo qabto ama la dilo waa suurta gal. In ay Maxkamaduhu naga adkaadaan iyaduna waa dhici kartaa. Laakiin mid ayaan kuu sheegayaa, ayuu raaciyay.

Nimankaan sinnaba laguma deyn doono. Haddii ay Maxkamaduhu naga adkaadaan, waxaa Qandaraaskayaga mid ka weyn soo qaadan doona niman naga hub culus. Waxaad arki doontaa Taangi Ethiopian ah oo Nambar Afar dhex taagan, ayuu yiti Qanyare.

Waxaa hubaal ah in uu Qanyare habeenkaas iga xog ogaalsanaa ama uu iga fiiro dheeraa ama labadaba.

Geeridiisa ka dib ayaan daawaday filim looga hadlayo dagaallada Afghanistaan iyo Soomaaliya.

Mohamed Qanyare wuxuuu sannado ahaa nin Mareykanka u jooga Muqdisho, sida uu sheegayo suxufi mareykan ah oo sameeyay Barnaamijka Telefishin oo uu u bixiyay Dirty Wars.

Civic Bakery, wuxuu Qanyare ku tilmaamey in ay tabihiisu ahaayeen xad ka bax, laakiin uu Mareykanku ku adkeystay in uu muhiim u yahay ololahooda dilka ah.

Qanyare oo wejigiisa bar la qariyay ayaa filimka ka soo muuqday. Af Ingiriis ayuu ku hadlayaa.

“…Marka aad cadaw la dagaallameyso, wax kastaa waa kuu bannaan yihiin. Ma aha in aad fursad lumiso.”

Waa ayo dadka Mareykanku doonayay in aad gacan ka siiso raadintooda?

Qanyare: Ma doonayo in aan ka hadlo.

Miyaa Mareykanku kuu ballanqaaday in uu maalgeliyo wax howlgal ah?

Qanyare: Taas lafteeda ma doonayo in aan wax jawaab ah ka bixiyo.

Mareykan dartiis dad ma u bartilmaameedsatay?

Qanyare: Haa waan xirnay. Ka dibna suaalo ku jarribnay siina deynay [haddii aanay dembi lahayn]. Taas ayay shaqadeennu tahay.

Haddii uu Mareykanku dilo dad aan dembi gelin, maxay ahayd natiijadu?

Qanyare: Mareykan wuu yaqaan dagaal. Waa ay ku takhasuseen. Dagaal wey iga yaqaannaan. Sidaa darteed, marka ay maalgeliyaan dagaal, wey yaqaannaan sida [dagaal] loo maalgeliyo, uma baahna cid u sheegta. [Iyagu] waa macallimiin. Waa Macaallimiin Sare.

Maxamed Qanyare iyo dhammaan hoggaamiye Kooxeedyadii Isbahaystay waa lagu jjebiyay dagaalkii 2006 dhex maray iyaga iyo Maxaakiimta Shareecada. Isagu wuxuu u baxsaday Jowhar oo uu uga sii gudbay Ceel Buur. Laakiin Maxkamaduhu halkaana waa ay ku weerareen. Ugu dambeyn wuxuu tegey Magaalada Baydhaba oo ahayd fadhiga Dowladda, halkaas oo lagu soo dhoweeyay.

Muqdisho 2019
Qanyare xataa maalmihii nolosha ugu dambeysay isaga oo aad u xanuunsan ayuu haddana kaftan isku dayayay.

Ramadaankii ayaan habeen soo salaamay Qanyare. Aniga oo shaar yar  gashan ayaan u tegey isaga oo fadhiya. Xildhibaan aan wada soconnay ayaa u sheegay qofka aan ahay. Isaga oo codkiisa kor u qaadaya ayuu Xildhibaanku ku celceliyay magaceyga. Malahayga wuxuu is lahaa maqalkiisa iyo xusuustiisuba ma wanaagsana.

Hadalkiisu aad ayuu u hooseeyay. Laakiin intuu eegay Xildhibaanka, ka dibna aad ii soo eegay, oo i salaamay, ayuu yiri:

“Yusuf–Garaad waxaa lagula dardaarmay yaan la duqoobin”.

Jawigii murugada ahaa , mar keliya ayuu u beddelay jawi kaftan iyo qosol ah.

Waxaan soo xusuustay beri ay rag tolkiisa ahi damceen in ay Qanyare ka beddelaan Hoggaanka siyaasadeed ee reerka. Waxay magacaabeen nin Qareen ah oo ku tilmaaman aqoon iyo odaytinnimo. Dagaal aan lagu aqoon.

Maalintii dambe ayaan Qanyare isku aragnay caasimad dibadda ah. Iyada oo rag kale la fadhiyo ayaan ku soo biiray.  Isaga oo aan wali qummaati ii salaamin ayuu markiiba igu yiri – Aryaa, adeerkaa maad wax u sheegtid!

Waan garan waayay dhinac uu igala hadlayo. Waxaan ku iri adeerkaay?

Wadaadkaan ay lug gooyhaayaan maad wax u sheegtid.

Waxaan la yaabay sida uu Qanyare ku ogaaday dhalyada dhow laakiin dadban ee igala dhaxeysay Qareenka.

Qanyare wuxuu adeegsan jiray xuuraansi, dagaal iyo siyaasadba. Wuxuu Wasiir ka noqday Dowladdii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, middii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo tii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed.

Dagaallo badan oo isagu jira kuwo uu isagu wax ka abaabulay oo uu hormuud ka yahay iyo kuwo isaga lagu beegsaday ayuu ka badbaaday.

Labada Hoggaamiye ee ciidanka badnaa, hubka culusna haystay, Cali iyo Caydiid ayuu midba mar isku qaaday.

Laakiin dagaalkii Maxkamadaha Shareecada ayaa noqday kii ugu dambeeyay dagaalladii cuslaa ee uu qeyb ka noqday.

Dagaalladaas oo dhan wuu ka badbaaday.

Ugu dabeyn wuxuu si nabad ah ugu dul geeriyooday sariir dhex taalla isbitaal.

Allah ha u naxariisto Maxamed Qanyare Afrax.

Sidoo kale Allah ha u naxariisto dhammaan dadka aan magacooda ku xusay Afarta Qeybood ee Qormadaan.


DHAMMAAD