Dayniile
2006
Xarunta Maxamed Qanyare ku lahaa Dayniile ayaa 2006 waxaa isugu
yimid Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho ee hubka ugu badan haystay.
Qaarkood waxay noqdeen Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo
markaas fadhigeedu ahaa Baydhaba. Wasiirnimada waa oggol yihiin laakiin haddana
waa nooc mucaarad ah. Marna ma tegin Jowhar oo ahayd fadhiga Madaxweynaha iyo
Dowladda inta aan loo guurin Baydhaba.
Waxay Dayniile uga dhawaaqeen Isbahaysigii Argagixisa la dirirka.
Waxaa ku bahoobay ku dhowaad dhammaan Hoggaamiye Kooxeedyadii Hubeysnaa. Iyo
rag hub iyo ciidan badan lahaa laakiin markaas ka hor ganacsi uun lagu
yaqaannay.
Maxamed - Dheere oo Jowhar joogay wuxuu maalintaas ku tilmaamay in
dagaalku uu u dhexeeyo laba beelood.
Habeennimadii ayuu ra’yigiisa beddelay oo uu BBC u sheegay in
dagaalku yahay arga-gixiso la dirir, isaguna uu qeyb ka yahay isbahaysiga
maanta looga dhawaaqay Dayniile.
Fiidkii ayaan Qanyare telefoonka kula sheekeystay. Waxaan weydiiyay
bal in uu i siiyo xog ka badan inta idaacadda laga sii daayay.
Qanyare wuxuu yiri dalka waxaa jooga saddex nin oo ajnabi ah oo
Alqaacidda ah oo dembiyo soo galay laguna raadjoogo. Wadaaddada Maxkamadaha
Shareecada iyo qaar kale ayaa marti geliyay oo dalka ku soo dhoweeyay haddana
haya.
Annagu dadkaas ayaan soo qabqabaneynaa, ayuu yiri, kuwa daafacayana
waan la dagaallameynaa.
Waxaan weydiiyay waxa ka jira in ay qandaraas ahaan uga qaateen
Dowlad kale. Wuxuu yiri qandaraas waan qaadannay annaga ayayna dantu nooga
jirtaa in aan nimankaas ka saarno dalkeenna ama lagu dilo.
Maaddaama ay wadaaddadu aad u hubeysan yihiin, maalgelinna lala daba
joogo, waxaan Qanyare weydiiyay waxa dhacaya in dagaalka shacabka lagu kor
dagaallamayaa uu daba dheeraado amaba isbahaysigiisa laga adkaado oo ay soo
qaban waayaan saddexda nin.
Wuxuu yiri in laga adkaado Maxkamadaha oo nimanka ajnabiga ah la soo
qabto ama la dilo waa suurta gal. In ay Maxkamaduhu naga adkaadaan iyaduna waa
dhici kartaa. Laakiin mid ayaan kuu sheegayaa, ayuu raaciyay.
Nimankaan sinnaba laguma deyn doono. Haddii ay Maxkamaduhu naga
adkaadaan, waxaa Qandaraaskayaga mid ka weyn soo qaadan doona niman naga hub
culus. Waxaad arki doontaa Taangi Ethiopian ah oo Nambar Afar dhex taagan, ayuu
yiti Qanyare.
Waxaa hubaal ah in uu Qanyare habeenkaas iga xog ogaalsanaa ama uu
iga fiiro dheeraa ama labadaba.
Geeridiisa ka dib ayaan daawaday filim looga hadlayo dagaallada
Afghanistaan iyo Soomaaliya.
Mohamed Qanyare wuxuuu sannado ahaa nin Mareykanka u jooga Muqdisho,
sida uu sheegayo suxufi mareykan ah oo sameeyay Barnaamijka Telefishin oo uu u
bixiyay Dirty Wars.
Civic Bakery, wuxuu Qanyare ku tilmaamey in ay tabihiisu ahaayeen
xad ka bax, laakiin uu Mareykanku ku adkeystay in uu muhiim u yahay ololahooda
dilka ah.
Qanyare oo wejigiisa bar la qariyay ayaa filimka ka soo muuqday. Af
Ingiriis ayuu ku hadlayaa.
“…Marka aad cadaw la
dagaallameyso, wax kastaa waa kuu bannaan yihiin. Ma aha in aad fursad lumiso.”
Waa ayo dadka Mareykanku doonayay in aad gacan ka siiso raadintooda?
Qanyare: Ma doonayo in aan ka
hadlo.
Miyaa Mareykanku kuu ballanqaaday in uu maalgeliyo wax howlgal ah?
Qanyare: Taas lafteeda ma
doonayo in aan wax jawaab ah ka bixiyo.
Mareykan dartiis dad ma u bartilmaameedsatay?
Qanyare: Haa waan xirnay. Ka
dibna suaalo ku jarribnay siina deynay [haddii aanay dembi lahayn]. Taas ayay
shaqadeennu tahay.
Haddii uu Mareykanku dilo dad aan dembi gelin, maxay ahayd
natiijadu?
Qanyare: Mareykan wuu yaqaan
dagaal. Waa ay ku takhasuseen. Dagaal wey iga yaqaannaan. Sidaa darteed, marka
ay maalgeliyaan dagaal, wey yaqaannaan sida [dagaal] loo maalgeliyo, uma baahna
cid u sheegta. [Iyagu] waa macallimiin. Waa Macaallimiin Sare.
Maxamed Qanyare iyo dhammaan hoggaamiye Kooxeedyadii Isbahaystay waa
lagu jjebiyay dagaalkii 2006 dhex maray iyaga iyo Maxaakiimta Shareecada. Isagu
wuxuu u baxsaday Jowhar oo uu uga sii gudbay Ceel Buur. Laakiin Maxkamaduhu
halkaana waa ay ku weerareen. Ugu dambeyn wuxuu tegey Magaalada Baydhaba oo
ahayd fadhiga Dowladda, halkaas oo lagu soo dhoweeyay.
Muqdisho 2019
Qanyare xataa maalmihii nolosha ugu dambeysay isaga oo aad u
xanuunsan ayuu haddana kaftan isku dayayay.
Ramadaankii ayaan habeen soo salaamay Qanyare. Aniga oo shaar
yar gashan ayaan u tegey isaga oo
fadhiya. Xildhibaan aan wada soconnay ayaa u sheegay qofka aan ahay. Isaga oo
codkiisa kor u qaadaya ayuu Xildhibaanku ku celceliyay magaceyga. Malahayga
wuxuu is lahaa maqalkiisa iyo xusuustiisuba ma wanaagsana.
Hadalkiisu aad ayuu u hooseeyay. Laakiin intuu eegay Xildhibaanka,
ka dibna aad ii soo eegay, oo i salaamay, ayuu yiri:
“Yusuf–Garaad waxaa lagula dardaarmay yaan la duqoobin”.
Jawigii murugada ahaa , mar keliya ayuu u beddelay jawi kaftan iyo
qosol ah.
Waxaan soo xusuustay beri ay rag tolkiisa ahi damceen in ay Qanyare
ka beddelaan Hoggaanka siyaasadeed ee reerka. Waxay magacaabeen nin Qareen ah
oo ku tilmaaman aqoon iyo odaytinnimo. Dagaal aan lagu aqoon.
Maalintii dambe ayaan Qanyare isku aragnay caasimad dibadda ah.
Iyada oo rag kale la fadhiyo ayaan ku soo biiray. Isaga oo aan wali qummaati ii salaamin ayuu
markiiba igu yiri – Aryaa, adeerkaa maad wax u sheegtid!
Waan garan waayay dhinac uu igala hadlayo. Waxaan ku iri adeerkaay?
Wadaadkaan ay lug gooyhaayaan maad wax u sheegtid.
Waxaan la yaabay sida uu Qanyare ku ogaaday dhalyada dhow laakiin
dadban ee igala dhaxeysay Qareenka.
Qanyare wuxuu adeegsan jiray xuuraansi, dagaal iyo siyaasadba. Wuxuu
Wasiir ka noqday Dowladdii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, middii Madaxweyne Cabdiqaasim
Salaad Xasan iyo tii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed.
Dagaallo badan oo isagu jira kuwo uu isagu wax ka abaabulay oo uu
hormuud ka yahay iyo kuwo isaga lagu beegsaday ayuu ka badbaaday.
Labada Hoggaamiye ee ciidanka badnaa, hubka culusna haystay, Cali
iyo Caydiid ayuu midba mar isku qaaday.
Laakiin dagaalkii Maxkamadaha Shareecada ayaa noqday kii ugu
dambeeyay dagaalladii cuslaa ee uu qeyb ka noqday.
Dagaalladaas oo dhan wuu ka badbaaday.
Ugu dabeyn wuxuu si nabad ah ugu dul geeriyooday sariir dhex taalla
isbitaal.
Allah ha u naxariisto Maxamed Qanyare Afrax.
Sidoo kale Allah ha u naxariisto dhammaan dadka aan magacooda ku
xusay Afarta Qeybood ee Qormadaan.
DHAMMAAD
This comment has been removed by the author.
ReplyDeleteAaaad u mahadsanthy yuusuf garad cumar nin waxbadan og( ninkii lagala dardaarmay ha doqoobin) masha allh. Allh ku xifdiyo
ReplyDeleteAllh u naxariisto marxuumka
4 qormo waan lasocoday dhamaan qormooyinka waxaan ka waayay mar gurigiisa weerar lagu qaaday lana dilay xaaskiisa oo uur leh, iyo ilaalo guriga ku jirtay, ma aqaano dhacdadaasi aida ay u dhacday aniga oo xiligaasi aad u da'yaraa waxaan jeclaan laha inaad nala wadaagto intaas xog iyo waayo joog ka ahayd sidoo kale inaad warbxin aad ka samayao ninkii lagu eedeeyay falkaas ama la kulankaagi ifka xalan, warayai kooban oo aad qaaday kuma aadan koobin wax badan xilogaasi oo aysan jirin baraha bulshada ama beel wax badan lagu fah faahiyo, joohi taankaada dhacooyinka waa inoo muhiim inaan ogaano siiba aniga waa ii muhiim inaan helo waxii yaraanta igu dhaafay ee aad hayso waa mid aan kaa fulayo wixiii dhacay 1991 ilaa maanta siiba aas aaskii maxkamadaha iyo safarkaagi muqdisho, wiliba ninkaasi oo aan filayo inaad qaraabo dhaw ahaydeen
ReplyDeletemahad sanid
Mahadsanid mudane waa xusuus ku leh qofkii wax kala soxday marxalasahaas qaarkood faa'iido taariikh iyo afba isugi jirta. Qanyare allaha u naxariisto kolley anigu waan ka heli jiray hadaladiisa kaftankaa iyo maw qifyadiisa Qatar.
ReplyDeleteYusuf niyhow aad baad u mahadsantahay warbixintaan aad noo soo gudbisay
ReplyDeleteAllah caqliga hakuu siyaadsho waxan u riyaaqay sidaad su'aalihi aad weydiisay u xasuusatid oo weli maskaxdada ku jiraa. allah qanyaro naxariisti janno haka waraabiyo
Mahadsanid Mudane Yuusuf Garaad Allah ha u naxariisto Halyeey Qaran Maxamed Qanyare Afrax wuxu aha Siyaasi rugcadaa ah Haldoor Geesi ah o runta sheega
ReplyDeleteMahadsanid mudane garaad 4tii qaybood ee taxanaha ahaa waxaan ka faa'iday waxbadan oo inaan ogaado wakhti iga qaadan lahayd eebe ha u raxmado qanyare iyo intii kaleba aamiin aamiin.
ReplyDeleteRun ahaanti Hadalka Taangi N4 ayaa aad isoo Jiitay Oday Wax badan og lkn aan kaga hoos Qaadin ayuu ahaa
ReplyDeleteala ha. unaxaristo qanyare
ReplyDeleteAllaha unaxariisto qabrigiisane Allaha uwaasiciyo insha Allah
ReplyDeleteMasha allah, waan ku mahad celinaa musalsslkaan xiissha badnaa ee ku saabsan taarikh siyaasadeedka Marxuum Halyeey Maxamed Qanyare waan aqristay afarta qeybood inkastoo adeerkey uu ahaa wax badana aan kala socday noloshiisii siyaasadeed iyo mida noloshiisa qaaska ah.
ReplyDeleteAllaha u raxmado
Taariikh badan ayaan ka faa'iiday qoraaladaan. Mahadsanid Yusuf Garaad.
ReplyDelete