Maxamed Qanyare oo toddobaadkan ku geeriyooday Muqdisho, waxaa
taariikhdiisa soddomeeyadii sano ee u dambeeyay laga dhex akhrisan karaa in badan taariikhda Soomaaliya.
Waayo dhacdooyin aad u badan oo xag amni iyo xag
siyaasadeed u badan oo dalka ka dhacay ayuu qeyb muuqata ka ahaa.
Allah ha u naxariisto, Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ahaa hoggaamiye kaalin muuqata ku leh halgan isugu jira siyaasad iyo dagaal oo marba waji lahaa.
Halganka dadka qaar waxay u arkayeen in ujeeddadiisu ay tahay dhac
hanti guud iyo mid gaar ahba iyo sadbursi-doon xagga siyaasadda ah. Qaar kale
iyagu waxay u arkayeen xaq u dirir iyo iska caabbin qabaa’il, wadaaddo,
Dowladda iyo xataa quwado shisheeye.
Waa arrimaha aad mooddo Soomaalidu in ay u bislaatay in iyada oo aan
laga wadahadal wixii dhacay oo dhan oo aan si dhab ah looga heshiin in haddana
la wada noolaado, lana wada lahaado hal Dowlad.
Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ahaa nin karmeed inta badan cadkiisa
goosta af iyo addin mid ay noqotaba, mararka qaarna yaqaan tanaasul iyo in uu
ka leexdo waddada aan libinteedu u muuqan.
Sidoo kale wuxuu ahaa codkar, hadal yaqaan ah, marka uu doonana maad
badan.
Wuxuu ahaa Hoggaamiye isabahaysiga uu ka mid yahay iyo midka uu
lidka ku yahay labaduba ay fiiro gaar ah siiyaan hadalladiisa iyo
tallaabooyinka uu qaadayo.
Qormo dheer ayaan Qanyare ka diyaariyay noloshiisa inta aan ka
aqaan.
Waxaan is iri dhallinyaro iyo dad waaweyn oo hadda siyaasadda ku
jira iyo qaar daneynaya ayaa laga yaabaa in ay tilmaan u noqoto oo dhacdooyinka
badan oo halkan aan si kooban ugu xusayo ay kuwa ay daneynayaan ku sameeyaan
baaritaan cilmi ah ama ay dadka goob joogga ahaa ay ka wareystaan.
Markaa Qormadani waxay u horreysaa dhowr aan maalmaha soo socda u soo daabici doono isdaba joog, haddii Rabbi idmo.
Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ku dhashay baadiyaha Ceel Buur. Isaga oo
kuray ah ayuu magaalo tegey. Booliiska ayuu ka mid noqday. Hantiile ayuu ku
noqday Kenya iyo Gobolka Afrikada Bari. Ka dibna wuxuu u dallacay Hoggaamiye
Siyaasadeed oo xukuma koox hubeysan.
Wuxuu noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Hoggaamiyaha USC. Wuxuuna qeyb
ka ahaa waliba hormuud ah dagaallo badan oo dalka ka dhacay iyo sidoo kale
heshiisyo lagu demiyay dagaallo.
Waxaa magaciisa iigu horreysay 1989, markaas oo Soomaali badan la
qabqabtay oo laga tarxiilay dalka Kenya.
Inta uu howlgalkaasi socday ayaa aniga oo gashiin ah laba jeer
markiiba dhowr maalmood aan joogay Nairobi.
Waxay ahayd arrin aad u taabatay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed,
isla markaasna aad looga dareensanaa Kenya.
Waxaan ku maqlay Qanyare oo ahaa Ganacsade weyn oo hanti ku leh
Kenya iyo dalal kale oo Gobolka ah in uu ka mid ahaa dadka laga soo saaray
Kenya.
Intii ka dambeysay, Maxamed Qanyare isaga oo ka mid ah
hoggaamiyayaasha ka qeyb galaya shir ama dano kale u socda ayaan in badan marba
caasimad isku aragnay, aan telefoonka ku wareystay ama aan ku sheekeysannay, in
bandanna fool-ka-fool ayaan u wada shaahnay.
New
York 1992
Mar kale, wuxuu Qanyare magaciisu soo galay raadaarkeyga, markii ay
dagaalladu ka billowdeen Muqdisho 1990. Wuxuu ahaa Hoggaamiyihii ay Jabhadda
USC markii ay laba u kala jabtay Madax ka noqday dhinaca ay is diiddanaayeen
General Caydiid.
Qanyare iyo Cusmaan-Caato waxay ahaayeen labada mas’uul ee iyaga oo
wakiillo ka ah Mudane Cali Mahdi iyo General Caydiid heshiiska xabbad joojinta
dagaalkii afar biloodlaha ee Muqdisho kala qeybiyay ku soo saxiixay Xarunta
Qarammada Midoobay ee New York.
Wuxuu ahaa dagaalka ay ku burbureen dhismayaashii waaweynaa ee
Farasmagaaluhu. Dad badan ayaa ku geeriyooday, qaar kale wuu ku naafoobay, in
badanina waa ay ku barakacday.
Addis
Ababa
Horraantii sagaashanaadkii, Mudane Maxamed
Xaaji Ibraahim Cigaal, inta aan loo dooran Madaxweynaha Somaliland ayuu Addis
Ababa kaga qeyb galay shir weyn oo loo qabtay Hoggaamiye Kooxeedyadii
Soomaalida ee berigaas jiray oo dhan.
Cigaal wuxuu hoggaaminayey ergo la yiri waa
korjoogto oo ka socotay Somaliland.
Magacyadii ugu waaweynaa siyaasaddii
berigaa jirtay ayaa dhammaantood fadhiyay.
Maxamed Qanyare Afrax markuu halka qaatay
wuxuu la hadlay ka hadlay lana hadlay Cigaal.
Oktoobar1969 markii la dilay Madaxweynihii
Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ka dibna uu militerigu xukunka
xoog kula wareegay, ayuu xusay in Cigaal uu ahaa Ra’iisal Wasaare Baarlamaanka
ka haysta kalsooni.
Hadda oo militerigii awoodda dalka hayay
iyagana xoog looga qaaday Xukunka, wuxuu Qanyare ku tilmaamay in ninka keliya
ee ugu dhow ee sheegan kara sharciyad awoodeed uu yahay Maxamed Xaaji Ibraahim
Cigaal.
Sidaa darteed wuxuu Maxamed Xaaji Ibraahim
Cigaal u soo jeediyay in uu isagu dalka Madax ka noqdo.
Hoggaamiye kooxeedyada, Qanyare wuxuu ka mid ahaa kuwooda aad u
tirada yar ee aan Ethiopia ka shidaal iyo hub qaadan ama marka ay xaaladdu
calowdo aan iyada isku halleyn.
Qanyare wuxuu ahaa nin baaddiya ku dhashay laakiin reer magaal ah,
leh caqli sare oo la isku dabbaro, siyaasad lagu furfuro, marka loo baahdana
lagu qabbiro. Wuxuu ahaa nin dhiirran Soomaalida dhexdeeda iyo marka ajnebi
lala macaammilayo labadaba. Wuxuu ahaa nin hadalkiisu cad yahay, cod karna ah.
Sidaa darteed wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta ay weriyayaasha
siyaasaddu ugu jecel yihiin in ay wareystaan ama uu ka aqbalo in uu dood kala
qeyb galo.
Qaybta Labaad waxaan ku soo qaadan doonaa qaar ka mid ah
wareysiyadii uu siiyay BBC iyo doodihii uu ka qeyb galay Allah ha u naxariistee
Mudane Maxamed Qanyare Afrax.
Mahadsanid Mudane Yuusuf Garaad waa Qormo muhiim ah , qaybaha kale ban ka sugna insha Allah. Maxamed Qanyare Afrax Halyeey Qaran bu aha Alle ha u naxariisto
ReplyDeleteAllaha u naxariisto Maxamed Qanyare, aqoon umalihi laakiin codkiisa iyo muuqaalkiisa iguma yara, waxaan joogay xamar oonan geesna uga bixin wixii xabad leysku ridaayey, alxamdulilaah Alle waa iga badbaadshay jir ahaan iyo muuqaal ahaanba.
ReplyDeleteLaakiin waxaan ku xasuustaa in uu hoggaamiye kooxeedyadii muqdisho ka tirsanaa moray iyo ciidanka qalabka sida ka tirsanaajiray qeybta saadkana uu heysan jiray.
Waxaan ka loo ku maqlay in magaciisa saxda ah uusan aheyn Maxamed laakiin layiraado Daahir, dhibaato soo martay awgeedna uu iskaga bedelay magaca anigoon sii fahfaahin.
Waa inta aan ka maqlay.
Allaha nacafiyo.
Mudane Yuusuf Garaad Adigo mahadsan hadee Macquul tahay Wareesida aad Soo Gudbee ayago Maqal ah Soo gali Mahadsanid Mudane
ReplyDeleteWaa qormo wanaagsan oo ay ka muuqato xil kasnimo iyo aqoon
ReplyDeleteWaa taariikh muhiim ah oo mudane in laxusso
ReplyDeleteQofka hadi uu dhinto inta wanaaga ah uu lahaa kaligeeda hala sheego miyaa
ReplyDeleteWaxa uu ahaa halyeey soobaxay ee Allaha uraxmado.
ReplyDeletealle haunaxariisto cusmaan caato isagana nala wadaag xogtiisa
ReplyDeleteMudane
ReplyDeleteYusuf aad ayaa ugu mahadsantahay taariikhaha aad nalawadaagto ee waxtarka leh.
Mahadsanid yussuf-garaad fadlan aqoontiisa iyo jaamacadii uu kabaxay noosoo raaci waayoo mohamed qanyare waxuu ahaa siyaasi aragti fog go'aan adag shisheeyaha neceb gaarahaan Ethiopia...
ReplyDeleteFadlan hadii ay suurtagal tahay nala wadaag aqoontiisa inta ay gaarsanayd iyo jaamacadii uu kabaxay AUN mohamed qanyare afrah halyaygii soomaaliyeed
ReplyDeletewaxaan ka maqli jiray xitaa wareysiyo uu siinjiray Focus on Africa iyo Network Africa. Aad baa ugu mahadsantahay sida aad marwaliba noola wadaageysid taariikhda Madaxda ama dadka bulshada door kulahaa. Cimriga Allah kuu barakeeyo waxaad tahay keyd Soomaalida ku faanto.
ReplyDeleteWell done Yusuf Garaad ,
ReplyDeleteWad ku mahadsantahy taarikhda marxumkq aad nala wadaagtay inta harsan waxan ka codsaneena inaad kuso darto maqal iyo muuqaal waxa aad ka hayso si aynu keedka xasuusta Halyeeyada somaliyeed ugashano .
ReplyDeleteAllah u naxaristo hogaamiye sare ayuu aha xaqiiqdi
ReplyDeleteYuusif mahadsanid waxaanse la yaabanahay hebaladii caanka ahaa ee koonfurta ilaa jubooyinka Ku dul dagaalami jiray shacabka korkiisa ee malayinta somaliyed soo cunay soo barakiciyay ragii aynu 20kii ee aad. BBC da madaxda Ka aheed Malin la arko dhibkooda maqli jirnay hadaynu kuligood maamuus iyo aas qaran loo sameeyo waa su'aale wixi nagu dhacay iyo dhibka maanta na hysta ragii lahaa saw maha kuwaan u ducaynayno ilowsho dhawina shalay bay ahayd markaan lahayn ilaahow kuwaan Naga qabo soomaali waata In aynu Dal iyo dawlad cadaalad ah helnana waa sugaynaa bakhtigana aynu qalano mindiyahana qarsano saasna aynu umad Ku ahaano.
ReplyDeleteqormo wanaagsan
ReplyDeletekeliya waxaynu ognahay in ninkaasi dhib badan geystay wanaag badana uu sameeyay lkn camalkiisa ilaahay ayaa ka abaalinaya
ReplyDeleteIlaa hadda khibrad uu leeyahay nomad shegin oo aaanan ahayn inuu aha horjooge jabhad lehne hanti uu kudaadiyo dhiiga ummada.
ReplyDeleteYusuf waad mahadsantahy waa qormo kooban.
ReplyDeleteMahadsanid Mudane
ReplyDeleteAllah unaxariisto maxamed qanyare afrax waxa uu ahaa halyaay soonaaliyeef
ReplyDeletewaxaa uu ka mid aha Dagaal oo gayaashii Somaliya waxan ku arkey Baidoa markii Maxaakiimtii Ka so ceyrisay Xamar ilaa Jowhay Oday Qanyare isagoo Wata labo gaari ayuu anaga soo galay Dhanka tiyeglow waxa Baidoa loga diray Ciidan ka so badbaadiya Midowgii Maxaakiimti sidaa ayaa lagu keeney Baidoa
ReplyDeletewaxa door fcn ka qaatey in la Martigeliyo Dr Abdalla Derow Odayga Qanyare
Maxamed Qanyare nin karmeed af-tahan ah, siyaasi siyaasadu dhanka ay xigto yaqaana in uu ahaa muran kama taagnayn Allaha u naxariisto.
ReplyDeleteAllah unaxariisto halyeey qaran bu ahaa intaan ne kama aqoonin thanks yusuf G
ReplyDeleteRuntii waa ogaa weligeyba inuu nin culus ahaa. Asxaabta markaan sheekeysaneyno inaan Qanyare amaano waa iska ilaali jiray si qabiil ayaad ku taageeree la ii dhihin. Laakiin sida saxda ah waxey eheed in xaqiisa la siiyo iyaduu qabiil loo fiirineyn. Waxaan ku faraxsanahay inaan Yusuf Garaad ka maqlo waxaan dhihi lahaa.
ReplyDelete"Anniga oo gashii ah.." Erayga "Gashiin" macnihiisa waa maxay Yuusuf Garaadow?
ReplyDelete