|
Sarreeye Guud Samatar |
Allah ha u naxariisto General Maxamed Cali Samatar wuxuu ahaa oday
Soomaaliyeed oo in badan dalka u soo shaqeeyay. Wuxuu ahaa sarkaalka keliya ee gaaray derejada
ugu sarreeysa taariikha ciidanka Soomaaliya oo noqday Sarreeye Guud ama Lieutenant General. Wuxuuna ahaa
siyaasi, xilligii uu Militerigu dalka ka talinayay wixii dhacay ee san
ammaantooda wax ku leh, wixii la dhimayna ay adag tahay in eeddooda laga beri
yeelo.
Genereal Samatar waxaa uu ka mid ahaa Saraakiishii ugu horreysay ee
Ciidanka Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa dufacadii labaad ee saraakiil Soomaaliyeed ee
abid ka qalin jebiyay akademi ciidan. Waxay akadamiga ku taal dalka
Talyaaniga isku mar ka qalin jebiyeen oo ay Xiddiglayaal wada noqdeen rag ay ka
mid ahaayeen Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo General Maxamed Faarax Caydiid.
Kacaankii Oktoobar 1969
Samatar waxaa uu ahaa sarkaal ciidanka ku kooban ilaa la soo gaaray 1969, markaas oo uu ka mid noqday 25 sarkaal oo u tashaday Dowladda in ay Xoog ugala wareegaan talada dalka. Wey u hirgashay. Waxaa hoggaaminayay General Maxamed Siyaad Barre.
Dadka qaar waxay saraakiishaas u yaqaannaan in ay ahaayeen
waddaniyiin dalka ka badbaadiyay siyaasiyiin qabiili, laaluush qaatayaal ah oo dhaqankooda siyaasadeed aanuu dadka iyo dalka horumar gaarsiineyn. Qaar kalena waxay u arkaan in ay ahaayeen askar xeryahooda ku ekaan waayay, ku xad
gudubtay Dastuurkii Dimuqraaddiga ahaa ee dalka u yaallay, ka dibna laalay markii ay
xoog talada kula wareegeen.
Ma rabo in aan dooddaas u galo hadda, qormadeyduna mowduucaas kuma
saabsana. Labada midka aad u taqaanba General Samatar wuxuu ka mid ahaa
Saraakiisha Kacaanka curisay. Waxay awooddiisu kor u sii kacday markii 1972 la
toogtay Saraakiil Sare oo ka mid ahaa 25-ka Golaha Sare ee Kacaanka.
Waxaa General Samatar lagu tiriyaa ragga xagga siyaasadda ugu
awoodda badanaa intii uu militerigu dalka ka talinayay. Rasmi ahaan wuxuu ahaa
ninka labaad ee ku soo xiga Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Mar wuxuu ahaa
Madaxweyne ku xigeen iyo Wasiirka Gaashaandhigga marna Wasiirka Koowaad oo ah
Ra’iisal Wasaare.
Markii la dhisay Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, XHKS, oo
ahaa Xisbiga keliya ee dalka ka jira kana taliya, wuxuu ka mid ahaa shanta
nin ee ugu sarreeya ee Guddiga Siyaasadda loo yiqiin oo sawirradoodu ay ku dhegganaayeen
Goobaha la isugu yimaado iyo weliba xafiisyada Dowladda qaarkood.
|
Samatar oo la taagan Margaret Tatcher |
Arrimahaas ayaa u sabab ah in dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba General Samatar looga talo geli jiray nin u dhigma Hoggaamiyaha dalka.
Dagaalkii 1977
General Samatar wuxuu ahaa Wasiirka Difaaca 1977 markii ay
Soomaaliya qaadday Duullaankii militeri ee ugu weynaa ee abid ay dowlad
Soomaaliyeed qaaddo. Waa marka la eego xagga abaabulka, tirada iyo tayada tababbar
ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, mooraalka ciidanka, hubka, Istaraatiijiyada militeri ee la
adeegsaday iyo gacan-sarreyntoodii saqiirtay ee ay goobaha dagaalka ka muujiyeen.
Duullaanka waxay ujeeddadiisu ahayd in ay Soomaaliya xoog kula
wareegto Gobolka Soomaalida Ethiopia oo ah Gobol aad u ballaaran. Inkasta oo
militerigu marka uu duulay uu aad u dhex galay gudaha Ethiopia, haddana dagaalku
wuxuu ahaa mid fashil ku dhammaaday sababo siyaasadeed iyo qaar
diblomaasiyadeed awgood. Labadii quwadood ee adduunka ugu waaweynaa berigaas labaduba wey ka soo horjeedeeen weerarka Soomaaliya. Waa Mareykanka oo Madaxweyne Carter uu si cad u sheegay mowqifkiisa iyo Midowgii Soofiyeeti oo isagu Ethiopia keenay kumanyaal Cuba u dhashay si ay uga difaacaan weerarrada xawaaraha ku socday ee Soomaaliya.
Dad badani waxay u tirayaan in jabkii Soomaaliya ee 1977 iyo
wixii ka dhashay ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee burburkii Qaranka Soomaaliyeed.
Fool-ka-Fool
General Samatar anigu si shakhsi ah uma aqoon. Marka laga reebo
khudbadihiisa aan goobjoog u ahaa iyo kuwa aan warbaahinta ka dhegeystayna kama warqabo sida uu u fekeri jiray.
Waxaanse fursad u helay in aan dhowr jeer la safro, dhegeysto isaga oo dad la
kaftamaya, su’aalana aan weydiiyo.
Mar uu dalkeenna booqasho ku yimid Bettino Craxi oo markaa ahaa
Ra’iisal Wasaaraha Talyaanigu wuxuu booqday Muqdisho, Kismaayo iyo Hargeysa.
Kismaayo waxaa geeyay Madaxweyne Siyaad, Hargeysa-na General Samatar.
Waxaan ka mid ahaa weriyaal ka socday Warbaahinta Qaranka oo ku
biiray soddameeyo weriye oo ajnebi ah oo la socday wafdiga Craxi.
Saddex dayaaradood ayaan Muqdisho uga baxnay. Anigu waxaan la socday
tan labaad oo weriyayaal iyo ciidan sidday. Waxay na dhigtay Berbera ka dibna
kolonyo baabuur ah oo si waalan u xawaareyneysa ayaa na geysay madaarka
Hargeysa oo markii aan sii istaagnayba ay soo caga dhigatay dayaaraddii nagu
dejisay Berbera. Bal maxaa Berbera naloo geeyay haddii dayaaradda na sidday oo
faaruq ah iyo annaga oo baabuur ku joogna aan Hargeysa u wada soconno?
Sababta ma aqaan, ilaa iyo haddana ma helin cid ii fasirta.
Laakiin waxaa iyaduna markiiba soo degtay dayaaraddii ay
fuushanaayeen Craxi iyo Samatar. Waxaa soo dhoweeyay General Gaanni oo ka
dibna wafdiga u horkacay Xerada Qaxootiga Gannad oo la buux dhaaftay Qaxooti
Ethiopia ka yimid oo ay ka mid yihiin Soomaali iyo Oromo.
|
Siyaad iyo Craxi |
General Samatar. Annaga oo saaran dayaarad aan isla maalintiiba uga
soo laabannay Hargeysa ayay weriyayaashii Talyaaniga ahaa ee la socday Craxi ay
su’aalo ku boobeen. Waxaan duubay su’aalahoodii iyo Jawaabihiisa. Ka dibna,
waxaan ka qaaday wareysi ii khaas ah. Waxay ahayd markii iigu horreysay ee aan
wareystay General Samatar, waxaase mashquul badan i geliyay sida aan u kala
reebi lahaa codkiisa iyo guuxa dayaaradda.
Safarkaas waxaa socday afartameeyo weriye, waxaa jiray kala orod, is
garbin iyo degdegsiiyo badan. Hadalka Samatar wuu yaraa. Marka uu hadlana wuxuu
ku hadlayay Talyaani.
Marka aan General Samatar in badan dhegeystay isaga oo madax
iyo shaqaalaba la sheekesanaya waxay ahayd safar isaga oo Wasiirka Koowaad ah
aan u raacay Kormeer uu ku sameynayay Warshadda Dharka ee Balcad oo soo saari
jirtay lebbiska ciidanka iyo ardayda Dugsiyada. Iyo Warshadda Sonkorta,
Barafuunka iyo Khamriga ee Jowhar iyo weliba beeraheeda Qasabka oo ku fadhiya
dhul aad u baaxad weyn. Waxaa loo marti ahaa Wasiirka Warshadaha, Xuseen
Cabdulle Calasow.
Safaraddaas ka dib, waxaan dareemay sifooyin aan ku maqli jiray
General Samatar. Wuxuu ahaa nin gaaban,
cad oo leh cod aad u culus.
Wuxuu ahaa nin urursan, anshax militeri ka muuqdo. Nin deggan oo aan
war badneyn, marka uu hadlana macna sameeya. Wuxuu ahaa nin heybad leh.
Taas ayaana ugu wacan in markii uu dalka Mareykanka u qaxay ay Madax
badan oo Soomaaliyeed oo Washington u tegtay shaqo ama dano kale ay gurigiisa
ku booqdaan.
Inkasta oo dhanka kalena ay sannado badan ku socotay dacwad isaga la
xiriirineysa dagaalladii 1988 ka dhacay Hargeysa, Burco iyo degaanno kaleba ee
u dhexeeyay Jabhaddii SNM iyo Militerigii dalka ka arriminayay.
Waxaan muran ku jirin in Samatar uu astaan u yahay in qofka isku kalsoon, dadaalna la yimaada uu wax weyn qabsan karo isaga oo aan adeer iyo qabiil garab qabta aan isku halleyn.
Balwad
Mar ay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafintu u sheegteen in ay shaqo
badan yihiin oo ay yihiin dad Kacaan ah, oo markaa gunnooyin iyo u roonaasho
kale ay sidaa ku dalbeen, Samatar waxaa laga weriyay in uu la kaftamay. Waan
ogahay ayuu yiri in aad shaqo badan tihiin, laakiin waxaanan kala garan karin
in ay idinka tahay Kacaannimo iyo in ay idinka tahay balwad oo kale in aad u
jeceshihiin heesidda, caweyska cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka, Raadiye-ka-hadalka iyo
shaashad-ka-muuqashada.
Allah ha u naxariisto Maxamed Cami Samatar, qoyskiisa, ehelkiisa iyo saaxiibbadiisna samir iyo Iimaan ha ka siiyo.
F. G.
Qormadani waxay ku kooban tahay waxa aan ka arkay General Samatar wakhtiyo aan badneyn oo aan goobjoog u ahaa iyo taariikh guud oo aad u kooban oo aan muran ku jirin. Ma ahan taariikh nololeedkiisa mana ahan qiimeyn shaqadiisii iyo noloshiisii.