Caawa waa habeenkii ugu horreyay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah la
taago. Waxay ahayd magaalada Hargeysa 26-ka June 1960.
Halgamayaashii suurta geliyay ee dhidibbada u aasay neecawda
xornimada ee aan maanta haysanno Allah ha ka abaalmariyo.
2017 waxaa habboon in aynaan annaga oo keliyihi isu muuqan ee aan
eegno horumarka ay dalalka asaaggeen ah oo qaarkood ay naga xorriyad dambeeyeen
ay ku tallaabsadeen.
Qof kasta isaga oo aan cid iska dhicineyn, cidna aan u sheegeyn, keligiis ha isu weydiiyo in uu ku qanacsan yahay xuquuqda iyo adeegga uu ka helo Qaranka
Soomaaliyeed marka uu isbarbardhigo muwaaddinka dal asaaggeen ah.
Markaa ha is weydiiyo waxa ka hor taagaan in uu la xuquuq ahaado oo uu helo adeeg la siman kuwa uu helo muwaaddinka dal kasta oo horumar ku tallaabsaday.
Qodku ha is weydiiyo in sida aan u nool nahay ay tahay tabta ugu fiican ee ubadkeenna u suurta
gelin karta in uu la jaanqaado asaaggiis kulana tartamo fursadaha caalamka.
Inteenna maanta joogta shacab iyo siiba Madaxda aan ka mid ahay ayay mas’uuliyadi ka
saaran tahay in aan taabba gelinno midnimo mirodhal ah oo la isaga raalli
yahay.
Asaaggeen heerka uu caalamka ka marayo waan aragnaa ee aan higsanno
welibana waan karnaaye aan ka dheereyno.
Xornimada, Midnimada iyo Aayaha Ubadkeennu waa kuwo is khuseeya oo uu xiriir toos ahi ka dhexeeyo.