Total Pageviews

Monday, 30 November 2015

Adiga iyo Danta Guud

Dadka is dhex yaacaya Soomaaliya dan la’aan ma wada aha. Qof waliba wuxuu ku howlan yahay wax uu u arko in ay isaga dan u yihiin. Waxay noqon karaan dan laga fushado Xafiisyada Dowladda, kuwa gancsiga, hey'adaha caalamiga iyo kuwa Soomaalida iwm.

Dadku uma wada adeegaan danta guud. Falalka shakhsi kasta iyo danta guud waxaa ka dhexeyn kara saddex xiriir midkood oo uu falku ku sifoobi karo.

  • Fal danta guud wax ku biirinaya. 
  • Mid aan waxba ku biirineyn hase yeeshee aan waxba u dhimeyn. 
  • Mid wiiqaya ama toos uga hor imaanaya danta guud.


Is weydii waxa aad ku howlan tahay xiriirka ay la leeyihiin danta guud. Hana isu qiil sameyn ee fadlan inta ay goori goor tahay ka joogso haddii falkaagu uu ka hor imaanayo danta guud.

Sunday, 29 November 2015

Tifatirka Wararka Gaalkacyood

Warbaahinta Qaranka - Radio Muqdisho, SNTV iyo Barta Internetka intaba waxaan mar kasta uga fadhinnaa in ay soo gudbiyaan warar na khuseeya, sugan, dheellitiran oo aan xag jirin.

Wararkaas xilliga loogu baahi badan yahay waa marka ay ku saabsan yihiin colaad.

Puntland iyo GalMudug wey u siman yihiin warbaaahinta Qaranka, iyaduna waa in ay taa xaqiijisaa.

Qiil ma ahan in labada dhinac midkood la heli kari waayay ama uu aqbali diiday in uu warramo. Warbaahinta Qaranka waxaa la gudboon in ay ogaato mowqifka dhinaca maqan soona bandhigto ama ay ku matasho su’aalaha ay weydiineyso dhinaca hadal oggol.

Haddii haba yaraatee la aqoon waayo mowqifka dhinaca maqan, isagana la waayo iyada oo dhab loo raadiyay ama uu diido ugu yaraan waa in sidaa la sheegaa.

Tifatirka

Tifatirka wararka noocaan ahi wuxuu u baahan yahay hufnaan, maskax furan, feejignaan, xog ogaalnimo, dhexdhexaadnimo, go’aan qaadasho iyo ku dhicid.

War kasta oo qof mas’uul ahi sii daayo ma ahan in sidiisa loo qaato. Waa in Tafitiruhu uu go’aan ka qaato warka uu mas’uulku dow u leeyahay in loo sii daayo iyo midka kale.

Tusaale ahaan, Madaxweynaha GalMudug ayuu Radio Muqdisho ka soo xigtay in uu ka warramay mowqifka GalMudug iyo weliba eedeyn uu u jeediyay Puntland. Wax ku jaban ma jiraan in intaas la sheego oo isaga laga soo xigto. Wuxuu warkaasi xalaal ahaanayaa haddii isla markaas ama saacadaha daba jooga Puntland la siiyo fursad taas u dhiganta.

Warbixin dheer oo Barta Internetka Radio Muqdisho uu ka qoray hadal uu jeediyay Madaxweynaha GalMudug oo aan u arkay warbixin aan qoraalkeeda farsamo ahaan si wanaagsan loo dhuujin ayaa waxaa ka mid ahaa erayada aan halkan hoose sidoodii ugu soo min guuriyay.

"Madaxweynaha [GalMudug] ayaa wax lalayaabo ku tilmaamay sida xushmo darrada ah ee Puntiland ay ula dhaqantay R/wasaare Cumar C/rashiid."

Siddeed iyo tobankaa eray waxay igu dhaliyeen su’aalo dhowr ah oo aan is leeyahay haddii Radio Muqdisho uu is weydiin lahaa nooma soo bandhigeen erayadaas.

Madaxweynaha GalMudug sow labada dhinac oo is haya midkood ma aha? Maxaa kallifay in isaga laga soo xigto war ku saabsan wadahadal dhex maray dhinaca ay isaga is hayaan oo ah Puntland iyo Ra’iisal Wasaaraha Federaalka?

Miyaan Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnaha Wafdigiisa ka maqalnay in Puntland ay si xushmad darro ah ula dhaqantay? Xataa haddii ay dhacday in Puntland ay si xushmad darro ah ula dhaqantay wafdiga Ra’iisal Wasaaraha, yeey tahay in aan ka maqalno ama ay soo weriyaan? 

Miyaan wafdiga la weydiin karin? Miyaan weriyayaasha goobjoogga ah la weydiin karin?

Miyaa Puntland wax laga weydiiyay sida ay u dheceen wadahadalladii Cadaado? Miyaa la weydiiyay in Ra’iisal Wasaaraha lagu xushmad darreeyay Cadaado iyo in kale?

Difaaca Radio Muqdisho

Dadka qaar waxay ku doodi karaan hadalka uu mas’uul kastaa sii daayo oo dhan ha la soo gudbiyo si aan u akhrinno mowqifka mas’uulka, aragtidiisa, mas’uuliyaddiisa iyo qofka uu yahay.

Taas waa marka ocd ama muuqaal laga duubay shir saxaafadeed ama khudbad la sii deynayo sidaasna loogu sheego dhegeystayaasha.

Laakiin marka ay idaacaddu war qoreyso wey ka duwan tahay. Tifatir ayaa noqonaya lama huraan.

Mas’uuliyad iyo aqoon waa in ay kaashadaan warbaahinta Qaranka iyo Warbaahin kasta, siiba xilliga colaadaha.

F. G. Wararka Radio Muqdisho si guud umaan qiimeyn. Waxa keliya oo aan ka faallooday hal war oo iga soo hor baxay. 

Saturday, 28 November 2015

Astaan la'aanta Asteysan

Xarumaha Dowladda, Hoteellada iyo waddooyinka Muqdisho waxaan ku arkaa baabuur aan summad lahayn oo u badan baabuurta afarta shaag uu mid waliba iskiis u dhaqaaqo 4x4.

Baabuurta noocaas ah waxaa la iigu macneeyay in qaar badan ay Dowladdu leedahay, siiba hey’adaha amniga iyo madaxda. Waxay doonayaan in aan la garan oo aan la bartilmaameedsan iyo in aan laga feejignaan. Baabuurtaas qaarkood waa dulbannaan. waxanaa fuushan ciidan dhar askareed lebbisan oo sita qoryo muuqda.

Arrintaasi waxay igu dhalisay su’aalo iyo feker badan. Waxaan is weydiiyay arrintani ujeeddadii laga lahaa ma fulineysaa oo hadda ma qarsoon yihiin baabuurtaasi? Maxay arrintani u dhimi kartaa kalsoonida shacabka? Mise jirtaa si sidaan ka habboon oo ujeeddada loo gaari karo?

Su'aalahaas iyo jawaabahaooda ayaan kor uga fekerayaa si aad u akhrisato, u deristo, u rogrogto, talana aad ugu darsato.

Waa marka horee baabuur summad la’aan magaalada dhex mari kara waa la garan karaa in ay Dowladdu leedahay.

Marka labaad, dalku isaga oo luudaya ayuu si aad u socod gaaban wuxuu uga sii baxayaa fowdo iyo Dowlad la’aan. Xilliga aan ka gudbeyno baabuurtu ma lahayn astaan maaddaama aanay jirin hey’ad bixisa iyo mid daba gal ku sameysa. Hadda in baabuur summad la’aan ah lagu arko magaalada caasimadda ah, waxay dadka ka indhasaabi kartaa horumarka gaabiska ah ee socda.

Midda kale summad la’aantu waxay keeni kartaa wixii loogu talo galay cagsigeed. Haddii baabuurta kale oo dhan ay leeyihiin summad, midkii aan summad lahayn waxay summad la’aantu ku noqoneysaa astaan u gaar ah oo lagu garto.

Dhibka kale ee imaan kara wuxuu yahay in haddii aan gaariga astaanta lahayn uu  galo khalad xagga dembiyada waddooyinka ah sida haddii uu qof ama gaari kale uu wax yeelo in aan la aqoon si loo daba galo. Haddii ay adeegsadaan qoryaha ay ku raran yihiinna waa mid ka sii daran.

Waxaan is leeyahay waa la heli karaa hab kaas ka ammaan iyo asturaad badan haddii maskaxda laga shaqeysiiyo.

Marka hore waa in hey'adaha amnigu ay dejiyaan baabuurka summad la'aan in uu socdo loo oggol yahay, sababta iyo cidda awood u leh in ay baabuur aan astaan lahayn waddada ku sii deyso.

Shaki badan iigama jiro in ay taasi soo koobi lahayd tirada baabuurta aan summadda lahayn ee waddada saaran. Ka dibna waxaa loo baahan yahay in xal loo helo summad la'aanta.

Waxay noqon kartaa in gaawaarida howlaha xasaasiga ah ee amni ku jira iyo kuwa kale ee hadda socda summad la’aantu ay adeegsadaan summado kala duwan oo loo beddelo si ku soo bood ah oo aan ku saleysneyn kaltan la odorosi karo. Summadahaasina waa in ay ahaadaan kuwa hey’adaha amniga keliya u diiwaan gashan.

Arrintaasi waxay marin habaabin kartaa qofkii raba in uu asteysto baabuurta. Dhanka kalena waxay sahleysaa in haddii loo baahdo hey’adaha amniga dhexdoodu ay soo qaban karaan baabuurkii wadihiisa ama ciidanka saarani ay geystaan fal dembiyeed.

Ma ahan arrintani mid aan ugu talo galay in lagu xannibo askarta, saraakiisha iyo mudanayaasha amniga ka shaqeyeeya. Waa mid ay ujeeddadiisu tahay in amniga laga shaqeeyo, bulshadu ay kalsooni hesho, qofka amniga ka shaqeynayaana uu sharciga ula sinnaado bulshada inteeda kale. 

Monday, 23 November 2015

Gaalkacyo ma tebi doontaa Mowtada?

Gaalkacyo waxaa iigu dambeysay 1996. Waxaan dhowr cisho joogay oo aan degganaa Hotel ku yaalla dhinaca woqooyi ee Gaalkacyo, si wanaagsan ayaana laiigu soo dhoweeyay. Waxaan dood u qabtay oo meel isugu keenay wakiillada afar jabhadood oo magaalada taageerayaal ku lahaa. Waxay wakiilladu kala ahaayeen Xaarin, Xabeeb, Cabdullaahi Carrab-buro iyo Axmed Diiriye Alloore.

Maalintaas magaalada waa la wada joogay. Waxaa heshiis lagu wada ahaa in aan la isku dhex dgaalin oo la is nabad geliyo. Waxaa odayaasha guud ee nabadda magaalada ahaa oo kor ka hayay Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Maxamed Faarax Caydiid.  Heshiis labadooda iyo Cali Ismaaciil Cabdi ay wada saxiixdeen ayaa magaalada lagu degganaa. Welibana ma jirin ciidammo shisheeye iyo Dowlad Dhexe oo Soomaaliyeed oo la kaashado ama la isula noqdo.

Maanta Gaalkacyo waxaa ka taliya Madaxweynayaal aan ahayn Madaxweynaha Soomaaliya. Laba Madaxweyne ayay magaaladu u qeybsan tahay. Waa Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas iyo Madaxweynaha GalMudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Haddii maanta la isku dilo Gaalkacyo, waa fashilka labada Madaxweyne. Waxaana la tebi doonaa Cabdullaahi Yusuf iyo Maxamed Faarax Caydiid. Nin maqan in la tebo, waa nin jooga liidnaantiisa. Haddii ay ku guuleystaan in ay nabad dhex dhegaan shacabka Gaalkacyo ma noqon doonto keliya in ay waajibkooda guteen, laakiin waxay u noqon doontaa abaal looga hayo.

Waxaa kale oo mas’uuliyadda in colaadda la soo afjaro ay u taallaa qof kasta oo wax ku tari kara nabadda degaankaas. Colaad haddii ay sii socoto waxay salfan doontaa dad badan oo maanta nool. Xanuunka geeriduna wuxuu gaari doonaa ehel aad uga sii badan inta dhimata. Maanta ayay dabaqabasho leedahay. 

Inta dhimatay ee aan magacooda soo qaaday Allah ha u wada Naxariisyo.

Wednesday, 18 November 2015

Saaxiibkey Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka

Allah ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, in badan ayaan war isla qorsheynay, isla qornay oo isla qaabeeynay.  Aad ayay ii dhibeysaa in aan maanta qalinka u qaado in aan wax ka qoro Cawke aniga oo adeegsanaya fal tagto ah sida wuxuu ahaa…

Xaqiiqadu  waxay tahay Axmed in uu ahaa nin mihnaddiisa ku sameeyay magac aad u weyn, magaca ugu weyn ee laga sameyn karo. In uu ahaa nin qoys unkay oo barbaariyay, nin saaxiibbo badan kasbaday nin dad badani ay aqoon guud ka kororsadeen nus qarnigii uu saxaafadda ka shaqeynayay inta badanna uu kaalin hormuud ah uga jiray. Markaa waxaan u arkaa nin xusuusta laga qabi karaa ay tahay mid isugu jirta, wanaag, farxad, ku dayasho xagga horumarka shakhsigu ka gaari karo shaqadiisa iyo in Ilaaheey looga mahadnaqo in uu Soomaali ka dhaliyay.

Axmed waxaan isku barannay goob shaqo, waa Radio Muqdisho horraantii siddeetamaadkii, isaga oo magaciisa iyo sumcadda uu bulshada ku dhex lahaa ay cirkaa mareyaan. Waxaan berigaa jeclaa in aan baaritaan ka dib diyaariyo qormooyin ku saabsan dhacdooyika markaa taagan ee xiriirka caalamiga, difaaca iyo bulshada, kuwaas oo ahaa sida aan Raadiyaha ku soo galay.

Maalin ay ii diyaarsanayd qormo wanaagsan oo aan ugu talo galay Bandhigga Raadiyaha laakiin uu codku iga xirnaa ayaan Cawke ka codsaday in uu tebiyo. Waxaan aad ula yaabay sida ay dadku u wada xiiseeyeen warbixintii. Intii ka dambeysayna waxaan doorbidi jiray in uu Cawke akhriyo warbixinnada aan diyaarin jiray marka aan Raadiyaha ku cusbaa markaana waxa aan sheegayo la fahmayay laakiin aan cidina magceyga aqoon.

Telefishinka Qaranka markii la furay, in yar ka dib ayuu ku biiray oo Barnaamijyo ku yeeshay. Wuxuu ka mid noqday weriyayaasha tirada yar ee ka wada shaqeeya Raadiyaha iyo Telefishinka sida Maxamed Cumar Haydara, Axmed Cabdinur, Axmed Siciid Cige, Shukri Maxamuud Afrax iyo Sacdiya Cabdullaahi Salaad oo markii dambe ay Cawke is guursadeen isuna dhaleen Xasan iyo Zakariye oo isagu hadda Barnaamij Telefishin sii daaya. 

Berigii dambe waxaa uu noqday Af Hayeenka Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Taas Axmed wax badan ayuu ka bartay. Waa marka koowaade Hoggaamiyihii dalka ka talinayay muddada dheer, khibradda badnaa, aadna loo eedeyn jiray run iyo beenba, ayuu la shaqeeyay, la noqday wehel, fursadna u helay in uu u kuurgalo qofka uu yahay. Waxaa uu ka bartay sida loola kulmo Boqorrada Carbeed iyo Madaxda Afrikaanka iyo sida qasriyada iyo Madaxtooyada dalalkaasi ay u kala dhismo, dhar iyo dhaqan duwan yihiin.

Waxaa kale oo ay isbarteen Madaxdii iyo intii kale ee ka ag dhoweyd. Marar badan Cawke wuxuu soo qaadan jiray sheekooyin uu ka maqlay Xuseen Kulmiye Afrax.

Wuxuu ka bartay koofiyadcastii ay baabuurta siiblaha ah ku wada safri jireen, sida daqiiqadaha ugu yar raashin kulul loogu cuno. Khibraddaas oo markii dambe uu uga faa’iideystay Bush House in isaga oo wakhtigu ciriiri ku yahay uu haddana soo qadeyn karo shaqadiisana gudan karo.

Markii ay qabtu dhacday oo uu u qaxay Kenya ka dibna Uganda, waxaan ku xiriiri jirnay telefoonka. Waxaan mar kale isugu nimid London oo aan ka wada shaqeynay BBC. Waxaan safar shaqo ku wada marnay magaalooyin badan oo Bariga iyo Geeska Afrika ah.

Raadiye iyo Telefishin

Saxaafadda gaar ahaan raadiye iyo telefishin, siiba marka ay tebin toos ah yihiin, waxay ku qotomaan qorsheyn fara badan oo biyo kama dhibcaan ah, diyaar garow maskax ku saleysan, xowli howsha lagu qabto, gooreyn warbixin kasta xilliga la tebinayo iyo inta ilbiriqsi ama daqiiqadood ee laga dhigayo si loo helo xog iyo xilli isku sargo’an. Waxaa kale oo muhiim ah tebidda wixii harsan iyo odoroska wax kasta oo dhici kara oo aan qorshaha hadda ku jirin sida haddii ay dhacdo in waxa lagu talo galay ay waxba ka qabsoomi waayaan iyo waxa gudboon, suurta galna noqon kara in laga yeelo.

Sidaa darteed shaqada Raadiye iyo Telefishin waa howlwadareed oo qof keliyihi ma qaban karo. Weriye kastaa wuxuu kaalin ku leeyahay dheriga la wada karinayo oo ah barnaamijka la soo saarayo - war, waxbarasho iyo mid bulsho midka uu ahaadaba.

Qorshahaas oo laga yaabo in dhowr maalmood ama ka badan ay koox dhami ka soo shaqeyneysay waxaa dili kara ama nooleyn kara waa tebiyaha oo ah qofka farriinta qaadaya ee dhegeystaha ugu gelaya gurigiisa, xafiiskiisa, makhaayadda, ama la raacaya baaburka si uu farriinta ugu gudbiyo.

Haddii aad koox kubbadda cagta ka soo qaaddo, tababbar kasta oo la siiyo iyo quwad kasta oo ay kooxdu leedahay waxay isugu biyo shubaneysaa gool dhaliyaha oo ay tahay in uu ka tarjumo. Tebiyuhu wuxuu u dhigmaa Gool dhaliyaha.

Axmed Xasan Cawke kaalinta uu ugu wanaagsanaa oo Ilaah hibada u siiyay oo cid ku gaarta aanan anigu ilaa hadda arag, waa kaalinta tebinta. Sababtaas ayaa ka dhigtay in uu mar kasta lafdhabar u ahaado marba kooxda ay Barnaaij wada diyaarinayaan.

Dhanka kale, maaddaama ay Saxaafadda inteeda badani ay tahay howlwadareed, waxay u baahan tahay dulqaad, dad afgarad, furfurnaan iyo dabeecad wanaagsan.

Axmed intaas iyo ka badanba wuu lahaa. Waxaa u dheereyd in uu ahaa nin maad badan oo iyada oo shaqo adag lagu jiro haddana dadka ka qoslin kara oo illowsiin kara daalka iyo werwerka.

Hibo Allah

Axmed Xasan Cawke, wuxuu ahaa shakhsi khibrad aad u dheer u leh nolosha iyo warfaafinta. Wuxuuna ahaa nin Ilaaheey heybad u siiyay waxa loo yaqaan mikrofoonka. Hadduu yahay mid Raadiye, mid Telefishin iyo midka fagaarayaasha la isugu soo baxo.

Hibadaasi waxay isugu jirtay waa marka koowaade in aanay maskaxdiisa iyo qalbigiisa meel ku lahayn waxa loo yaqaan qajilaaad ama fal-ka-nax. Cid kasta oo lala hadlayo wuxuu Allah garansiin jiray sida wax looga dhaadhiciyo ama ugu yaraan intaa uu hadlayo ayuu maskaxda ka qabsan jiray.

Wuxuu lahaa cod u gaar ah, oo ku wanaagsan dhegeysiga, isaguna si wanaagsan ugu tababbartay hadba sida loo rog rogo, kor in loo qaado iyo in hoos loo dhigo, in la boobsiiyo iyo in si tartiib ah loo yiraahdo, in la sii cusleeyo iyo in la khafiifiyo. Aammus marka loo baahan yahay si ay dadku u fahmaan, ugana yara fekeraan waxa aad u sheegtay iyo inta ilbiriqsi ee uu noqonayo aammuskaasi. Codkaas ma ahan keliya in inta af Soomaaliga ku hadasha ee barnaamijyadiisa ku taxani ay qiran yihiin. Waxaa qiray dad aan af Soomaaliba ku hadal. Waa farsamayaqaannada gabdhaha iyo wiilasha leh ee Ingiriis iyo dhalashooyin kale isugu jira ee ka shaqeeya istuudiyayaasha BBC.

Taas ayaa keentay in uu Axmed ka duwanaado weriyayaasha badankood oo iyagu dhinac uun ku kooban ama u badan. Axmed wuxuu ahaa nin isku si ugu wanaagsan barnaamijyada wararka, kuwa cayaaraha, waxbarashada iyo dunida madaddaalada.

Hibada kale ee Ilaaheey Axmed siiyay oo sidoo kale uu ku darsaday dadaalka iyo baaritaanka, waa in uu ahaa nin aqoon fiican u leh afka, dhaqanka iyo degaannada Soomaalida. Wuxuu aad u xiiseyn jiray af guriga degaannada kala duwan ee Soomaalida.

Dabeecad-wanaag

Xagga shakhsiyadda, Axmed wuxuu ahaa nin aan calool-ku-qaad iyo uurxumo aqoon. Haddii aad is qabataan wuxuu ahaan jiray nin durba ka soo noqda carada. Marka ay dhacdo in uu soo laaban waayana, waxaad hubtay in marka aad adigu ka dalabto is afgarad in aad ugu tegeyso isfaham iyo heshiis dhab ah.

Wuxuu ahaa nin dhug leh oo asaga oo aan muujin lagana dareemin, haddana si aad ah ula socda dadka hareerihiisa ah ee ay wada shaqeynayaan sida ay iyagu isula macaamilyaan. Midka howsha hagranaya, kan cinaadka wada, midka xanta hoose gudbinaya, midka qof hadal u dusinaya, midka aan la isku hallayn karin, kan caga jiidaya, midka isbeen farriimaya iyo kuwa la midka ah (ikm).

Sidoo kale wuxuu la socday midka kaalintiisa gacan ku siiya, kan dadaalka badan, kan khatar ka diga amaba ka xalliya, midka khalad ka saxa, midka si hagar la’aan ah howsha ula fuliya ikm.

Xagga howl karnimada, sannadihii aan London ka wada shaqeynay, Axmed waxaa ka muuqday firfircooni aad u badan iyo ku kalsoonaan shaqadiisa.

Wuxuu ahaa nin xarrago jecel oo si wanaagsan u lebbista, ilaaliya muuqaalka timihiisa iyo garka iyo shaaribka uu caanka ku ahaa.

Axmed wixii aan isla soo marnay, waxa aan kala kororsannay, howlaha aan isla qabannay, inta aan isla safarnay, inta aan kaftannay inta aan aan wax u soo joognay, ma ahan kuwo aan qormo iyo laba ku soo koobi karo.

Axmed wuxuu ahaa nin salaadda ku fiican. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa naxariista Janno in uu siiyo. Qof kasta oo codkiisu gaarayna waxaan ka codsanayaa in haddii ay wax ka tabanayaan ay cafiyaan, una duceeyaan.


Muqdisho

Dad badan ayaa shalay iyo xalay iiga tacsiyadeeyay geerida Axmed Xasan Cawke iyaga oo ka fekeraya in aan wada shaqeyn jirnay saaxiibna aan ahayn. Nin ka tirsan madaxda Sportigu wuxuu xalay ii sheegay in iyaga oo dhowr ah ay isu yimaadeen oo ay Ilaaheey u baryeen. Cayaaraha Gobollada ayuu noo raaci jiray ayuu yiri.

Wasiir hooyadii dhimatay oo aan tacsi ugu tegey, waxay Xildhibaanna ag fadhiyay u sheegeen Wasiirka in uu anigana iiga tacsiyeeyo geerida Cawke.

Shalay markii aan warkan naxdinta leh maqlay, qoraal aad u kooban ayaan dhigay Facebook. In ka yar 14 saacadood, waxaa ducada Cawke soo qoray 2794  waxaana share gareeyay 432.

Waxaase i taabatay markii xalay meel isbaaro baabuurta ka gudbeysa la baaro oo mugdi ah uu soo istaagay baabuur aan la socday. Askarigii noo yimid ayaa wadaha ku amray in uu nalka gudaha shido. Askariga oo wadaha soo ag istaagay ayaa markii uu i aqooday uu baabuurka la soo wareegay oo dhankeyga yimid. Intuu i salaamay ayuu yiri Cawke Allah ha u naxariisto adigana samir iyo iimaan. 

Monday, 16 November 2015

Annaga iyo Ayaga


Waxyaabaha adduunka ka dhacayaa ma ahan madow iyo caddaan keliya. Ma ahan muslin iyo kiristaan keliya. Ma ahan annaga iyo iyaga keliya. Wax kastaa ma ahan khalad iyo sax keliya.

Caalamka waxa ka dhacayana ma ahan kuwo la is wada barbardhigi karo. Marxaladaha, xaaladaha, jilayaasha iyo sababta la isu hayo ayaa kala duwan.

Marka aan ka reebo Soomaaliya oo aan u soo joogay xadgudubyo aad u culus oo murugo igu reebay,  caalamka kale oo aan aad ugu safray meelaha aan booqday waxaa iigu calool xuma badnaa saddex goobood. Saddexda oo aan xadgudubyada ka dhacay aanay isku baaxad ahayn, waxa keliya oo ay wadaagaan waa in dad rayid ah lagu dilay ama bahdil iyo gumaad la isugu daray.

Ghana


Waxay ahayd magaalada Cape Coast ee dalka Ghana oo 150 km galbeed ka xigta caasimadda Accra. Horena u ahaan jirtay caasimadda Ghana. Waxay ku taal Badweynta Atlaantigga. Waxaan tegey 1998 meel dadka madow markii la addoonsan jiray lagu ururin jiray iyaga oo qool bir ah oo sida silsilad u taxan uu midba meel qoorta kula jiro. Kuna qabbiran dabar bir ah haddana is wada haysta. Waxaa halkaa lagu hayn jiray intii ay sugayeen maraakiib loogu dhoofiyo qaaradda Ameerika si beero loogu fasho loona lahaado. Maaddaama ay isku wada xiran yihiin oo aan kaadida iyo qashinka kale la fogeyn karin qof waliba meeshiisa ayuu ku kaadinayaa markaas ayaa loo sameeyay jeex yar oo sida durdur ah oo dhammaantood soo dhex mara inta aanuu badda ku darin kaadida.

Dadkaas waxaa laga dhigtay hanti qof leeyahay, oo uu iibin karo, xaq aan u lahayn in ay guursadaan, markhaatina aan gelin. Inkasta oo aan tirakoob sugan laga hayn, haddana Afrikaanka qaaraddeenna laga dhoofiyay ee la geeyay Ameerika si loo addoonsado waxaa lagu qiyaasaa celcelis ahaan 10 milyan oo ruux.

Aakhirkii William Wilberforce ayuu ahaa Xildhibaankii dhowr iyo toban sano waday olole uu doonayo in lagu mamnuuco addoonsiga dadka. Inkasta oo Baarlamaanka Ingiriiska lagu jebiyay, haddana kamuu harin wuxuuna 25-kii March 1807 ku guuleystay in gebi ahaanba dhulalka Ingiriisku gumeysto oo markaas uu Mareykanku ka mid ahaa laga mamnuuco addoonsiga. Wilberforce madow ma ahayn, muslinna ma ahayn. Isaga waxaa waday dareen aadminnimo oo cuskan diin Kiristaan.

Rwanda

Lafo dad
Goobta labaad waxay ahayd Rwanda oo aan socdaal ku tegey 1995 sannad gudihiis markii uu Gumaad ka dhacay. Rwanda waxaa lagu dilay qiyaastii 800,000 oo ruux 100 maalmood gudahood. 

Xafiisyada qaar aan booqday waxaa ka soo urayay dhiig dad. Waddooyinkana waxaa lagu iibinayay kabaha iyo dharka dadkii la dilay. Dadkii aan la macaamilay ee aan wax ka iibsaday ama iigu adeegayay dayaaradda, hoteelka, makhaayadaha iyo tagaasida ma arag mid ii dhoolla caddeeyay ama cid kale u dhoolla caddeynaya. Qosol warkiiba daa. Dhulka aniga oo ku safraya waxaan gaaray ilaa soohdinta dalka Jamhuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo.

Kaniisadaha Rwanda waxaa lagu eedeeyay in ay gumaadka sababtiisa ay ku lug lahaayeen. Waxaana dad badan lagu dilay Kaniisado dhexdood ama agtood.

Kigali intii aan joogay waxaan booqday Masjidka magaalada ugu weyn. Masjidkaasi wuxuu caan ku ahaa in dadka wax leynayay oo ahaa Hutu xagjir ah iyo muslimiinta Hutu ah ay isku dagaaleen ka dib markii xagjirku uu soo weeraray muslimiin Tutsi ah iyo qaar aan Muslim ahaynba oo Masjidka soo magan galay. Muslimiintu waxay dagaal u galeen in ay daafacaan dadka u maganta ah. Waxay doorbideen in ay dilaan kuwa qowmiyaddooda ah ee gardarrada wada si ay u badbaadiyaan dad qowmiyad kale ah.

Berigaas aan tegey Rwanda bil kasta dad badan ayaa Ashahaadada qirayay oo muslimayay. Taasna dad dilid kuma imaan ee waxay ku timid dad badbaadin. Waxaa dadka soo jiitay badbaadinta ay muslimiintu badbaadiyeen dad la xasuuqi lahaa.

Safarkeygii koowaad 10 sano ka dib, waa sannadkii 2004 ayaan ku laabtay Rwanda. Waxaan tegey runtii dal aad u soo kabtay xag amni, dhaqaale iyo horumar.

Mareykanka

New York, goobta loo bixiyay Ground Zero ayaan tegey 2002. Sidoo kale waxay ahayd sannad gudihiis markii laba daarood oo middiiba 100 dabaq kor u dhaafay oo ah xafiisyo ay dadkii ku jiray la soo dumeen kuna habsadeen dadkii hoos ama aga joogay ka dib markii laba dayaaradood oo rakaab ah oo ay ka buuxaan dad isugu jira carruur, waayeel, dumar iyo ragba  iyo dad diinteey doonaan haysta middiiba mid lagu qarxiyay sidii gantaal. 

In ka badan 2,600 oo ruux ayaa ku geeryooday buqcad yar oo ah halkii ay daaruhu ka dhisnaayeen. God ka qodmay ayaan soo kor istaagay.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii halkaa ku geeriyooday ehelkooda ayaa goobta keenay kab, shaar, koofi, jaakad, surwaal, boorso ama shey kale oo uu lahaa qofka dhintay. Waxay markaa ku dhejiyeen meel uun ka mid ah derbiyada aaggaas ah. Waxaa kale oo lagu dhejiyay sawirrada dadka dhintay qaarkood iyo qaarkood iyaga oo la jooga carruurtooda, waalidkood ama qof ay is qabeen. Waxaa kale oo derbiyadaa lagu dhejiyay farriimo ay ehelku ku murugo baxayaan ayaga oo u qoraya qofka ka dhintay. Waa lagu jecel yahay, Kuma Illoobi doono iyo Mahadsanid ayaa ka mid ahaa erayada. Dad badan oo goobta taagan murugo ayaa wejiyadooda ka muuqatay. Qaarkood caro ayaa u wehlisay.

Saddexdaas goobood midkoodna midab iyo diin uguma murugoon ee waxaan ugu muragooday aadamnimo.

Dunida Muslimka

Haddii aan dunida muslimka u soo laabto, Muslimiin badan oo adduunka ah waxaa lagu hayaa xadgudubyo aan la soo koobi karin oo dil, dhac, barakicin iyo bahdil kale isugu jira. Qaar waxaa ku haya dowlado aanay isku diin ahayn sida Israel weerarrada iyo bahdilka ay ku hayso Falastiiniyiinta. 

Muslimiinta qaar dhibka ugu badan wuxuu uga yimaadaa muslimiin kale. Ha noqdeen Madax keli talisnimo iyo naxariis la’aan isku darsaday. Ama ha noqdeen mucaarad hubeysan amaba kooxo xagjir ah oo inta badan dadka ay dilaan ay yihiin muslimiin kale.

Muslimiintaas qaar badan oo ka mid ahi waxay u qaxaan waddammada reer galbeedka maaddaama aan dalal kale oo muslimiin ah oo qaarkood uu qani yahay aanay soo dhoweyn qaxootiga.

Tusaale waxaa kuugu filan Suuriya oo ku taal bilaad Shaam, Bariga Dhexe ah, dalal Islaam ahi ay ku hareereysan yihiin, qaar ay carab yihiin. Qaxootiga Suuriya waxaa deggenaasho laga siinayaa Yurub, Mareykan ilaa Canada. Inkasta oo dalalka deriska la ah qaarkood uu aqbalay Qaxootiga Suuriya, haddana dalalka Khaliijka adigu is weydii. 

Faransiiska

Weerarka ka dhacay France ma aha kii adduunka ugu horreeya ee noociisa ah. Mana aha kii ugu darnaa. Laakiin waa mid lagu laayay dad badan oo rayid ah. Waa mid dhib u abuuri kara muslimiinta ugu badan Yurubta galbeed oo ah kuwa ku nool Farnsiiska. Waa mid dhib badan oo shaki iyo cadaawad leh u abuuraya muslimiinta Galbeedka ku nool oo dhan iyo weliba kuwa u taga socdaal caafimaad, qaraabo salaan ama waxbarasho iwm. Waa mid dadka aan Islaamka aqoon fahamsiin kara khalad ah in diinta Islaamku ay raalli ka tahay in rayid dariiq iskamaraya la laayo. Sidaas darteedna ay tahay in muslim oo dhan cadow loo arko ugu yaraan la iska jiro haddii kalena la iska dhiciyo oo lagala hormaro.

Dareen aadminnimo ka sokow in Muslimiintu ay weerarkaas cambaareyso waa mid keeni karta in dadka Faransiiska iyo caalamka kale ee aan muslimka ahayni ay fahmaan in aan diinta Islaamku ahayn diin arga-gixiso. Sidaa darteedna aan muslimiintu isku waafaqsanayn kana sinneyn weerar argagixiso.

Muslimiinta cambaareysay weerarka Paris waxaa ka mid ah Muftiga al Azhar, Dowladda Dalka adduunka ugu muslimka badan Indonesia, Dowladaha Soomaaliya, Iran, Sucuudiga, Qatar iyo dowlado kale oo badan oo Muslim ah.

Taas macnaheedu ma ahan Dowladda Faransiisku xad gudub weligeed kuma sameyn dad ama dowlad muslim ah. Taas macnaheedu ma ahan weerarka Paris ka dhacay in uu ka mudan yahay kuwa sida joogtada ah uga dhaca magaalooyinka Falastiin iyo goobaha kale ee muslimiintu ay ku caddiban yihiin.

Waxaa habboon in la cambaareeyo ama ugu yaraan laga murugoodo weerar kasta oo dad rayid ah oo aan Maxkamad caaddil ihi xukumin lagu dilo. Mana habboona in marka dad ehelkoodii la laayay ay murugoonayaan lagu mashquulo dood aan aad loogu meel dayin oo u muuqan karta in raalli laga yahay in dad rayid ah oo dariiq iska maraya la laayo. Haddii dalal kale iyo goobo kale ay sidaasi ka dhacdo waa in iyagana la cambaareeyaa marka ay dhacdo.

Annaga Soomaali ahaan Faransiisku wax badan nama tarin waa la dhihi karaa. Laakiin ugu yaraan xusuuso berigii Koofurta dalkeenna siiba Baay gaajada loogu dhimanayay 1992. Faransiisku wuxuu sameeyay tallaabo kolleey aniga i damaqday. Iskuullada Faransiiska ayaa loo sheegay in carruur iyaga oo kale ahi ay baahi u dhimanayaan. Waxaa markaa laga codsaday in arday waliba uu bariis ceeriin ah  uu iskuulka keeno. Ka dibna inta la isu geeyay ayaa 9,000 oo tan oo bariis ah loo dhoofiyay Soomaaliya. Xamaaliyaalkii bariiska Faransiisku soo dhiibay ka dejiyay dekedda macmalka ah ee Ceel Macaan ee dhabarka ku soo qaaday biyahana kula soo lugeeyay waxaa ka mid ahaa Wasiir Faransiis ah Bernard Kouchner.

Markii dagaalkii Muqdisho ee January 1991 uu aad u qaraaraaday hey'adaha samafalka oo dhan wey ka baxeen caasimadda iyo koofurta oo dhan marka laga reebo MSF.

Ciraaq

Tusaale ahaan weerarrada ka dhanka ah waddan ay dadkiisu muslim u badan yihiin oo si gardarro ah loogu duulay waxaa waayadan dambe ugu caansan weerarkii horraantii 2003 lagu qaaday Ciraaq. Waxaa hormuud ka ahaa weerarkaas labada Dowladood ee Mareykanka iyo Britain.

Dowladda sida ugu adag isu hortaagtay, ku hanjabtay in ay diidmada qayaxan ee Veto ay saari doonto marka la keeno Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ilaa xadna carqaladeysay qorshaha weerarka waxay ahayd Dowladda Faransiiska.

Dhanka kale, magaalada London oo ka mid ahayd caasimadaha looga duulay Ciraaq, waxaa haddana ka dhacayay bannaanbaxyadii ugu waaweynaa ee dagaalkaas looga soo horjeeday. Waxaa kale oo London ay aragtay iscasilaado heerar kala duwan ah dagaalka awgiis. Dadka waxaa sameynayay muslim ma wada ahayn xataa barkood ma ahayn. Dad ayaa u bannaanbaxay, u dhafray, shaqooyinkoodii uga tagey si aan Ciraaq loo weerarin. Dadkaas qaar badan oo ka mid ahi waxay hadda weli u daba taagan yihiin Ra’iisal Wasaarihii berigaas Tony Blair in dembi dagaal lagu soo oogo.

Sax ma tahay in dadkaas loo dilo in Dowladdoodu ay dagaalkii Ciraaq, oo ay ayaguba diiddanaayeen, ay ka qeyb qaadatay? Sax ma tahay in loogu aaro Ciraaqi ku dhintay duqeyntii Mareykanka iyo Ingiriiska? Mase tahay sax in loo dilo in aanay muslim ahayn? 

Maskaxda qofku waxaa wanaagsan in ay u furan tahay in ay su’aalo badan is weydiiso, jawaabtuna ay ku timaado u fiirsasho madax furan iyo baaris xaqiiqa raadis ah oo qota dheer si uu qofku u gaaro faham buuxa.

Haddii aad dib u milicsato William Wilberforce oo wakhtigiisa iyo inta uu awood leeyahay isugu geeyay in la mamnuuco addoonsiga dadka, kuwaas oo dad madow ahaa, marka aad eegto muslimiinta Hutu ee Hutu xagjir ah ka hor istaagay in ay laayaan Tutsi-ga muslimka u maganta ah, marka aad eegto milyan-ka ruux ee isugu soo baxay in Ciraaq laga badbaadiyo weerar, marka aad eegto Kelitaliye Muslim ah oo dadka muslimiinta ee dalkiisa leynaya qaarna barakicinaya, marka aad aragto dalal muslim ah oo qani ah oo aan oggoloeyn in dalkoodu qaxooti aqbalo, marka aad aragto dalalka Galbeedka oo soo dhoweynaya qaxooti ay qaar badani Muslim yihiin siinayana xorriyad ka badan midda ay dalalkooda ku haysteen, waxaad arkeysaa in aan wax waliba caddaan iyo madow, muslim iyo gaal annaga iyo iyaga aanay wada ahayn.

Waxaa kugu dhalanaya su'aalo u baahan jawaab ka culus annaga iyo iyaga. Fiirso, feker oo fahamkaaga kobci.

Ugu dambeyn waxaa muhiim ah in qofka bani'aadamka ah oo Ilaahay sharfay ay ugu yaraan naftiisu kaa magan gasho.

Saturday, 14 November 2015

Wadatashi, ka hor Shirkii London ee 2012




Mas’uul sare oo British ah ayaa horraantii bishii January ee 2012 aniga iyo saddex khabiir oo ajnebi ah nagu martiqaaday Xafiiskiisa oo ku yaal bartamaha London. Waxaa uu su’aalo fara badan naga weydiiyay marxaladdii ay markaas mareysay Soomaaliya iyo waxyaabaha la saadaalin karay oo wakhtiyo kala duwan leh ayna ugu dheereyd waxa dhici kara 10 – ka sano ee socda.

Su’aalaha waxaa ka mid ahayd mid ku saabsan aragtida aan ka qabnay in Kenya ay militerigeeda u dirto Soomaaliya si uu ula dagaallamo al Shabaab.

Kulankaas oo ahaa mid aad muhiim u ah, ka hor inta aan UK marti-gelin shirkii London ee Soomaaliya oo uu ra’yigiisa lahaa Ra’iisal Wasaare David Cameron, afarteenna ruux ee su’aalaha la weydiinayay waxaan lahayn khibrad wadareed isugu jirta dhinacyada Soomaaliya, xiriirka caalamiga ah, falanqeynta  dhacdooyinka, odoroska, ka hortagga xagjirnimada iyo la dagaallanka argagixsada.  Mararka qaar aragtideennu wey isu dhoweyd mararka qaarna wey kala fogeyd.

Waxaan jecleystay in aan kula wadaago jawaabtii aan ka bixiyay su’aasha ku saabsan ciidanka Kenya in ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya.

Anigu kuma talinayo in Kenya ay ciidankeeda u dirto Soomaaliya. Kenya uma roona in ay Soomaaliya u tagto dagaal ay la gasho al Shabaab. Waayo? Shabaab hadda la joogo Kenya lama dirirsana. Sababtu ma aha Jacayl iyo naxariis ay Kenya u hayso. Laakiin Shabaab ayaan dooneyn in ay Kenya ka dagaallanto.

KDF oo madaafiicda goobta ku garaacaya Shabaab
Iyada oo ka faa’iideysanaysa musuqmaasuq iyo habab kale ayay Shabaab ka dhex adeegataa Kenya. Dhaawaca Shabaab qaarkiis ayaa la sheegaa in daweyn loo geeyo Kenya. Waxayna Kenya marin u tahay lacago, saanad iyo dad u socda Shabaabka Soomaaliya ama ka yimid.

In ay Kenya ilaa hadda ka nabad gashay Shabaab macnaheedu ma aha in ay Shabaab tabar u la’dahay in Kenya ay weerarto. Sababta ay Kenya u nabad gashay waxay tahay Shabaab oo aan dooneyn in ay isku soo jeediso indhaha hey’adaha amniga iyo kuwa socdaalka ee Kenya.

Kenya haddii ay Shabaab ku weerarto Soomaaliya, Shabaab waxay weerari doontaa Kenya. Khibradna uma laha Kenya in ay isaga daafacdo weerarrada argagixiso ee Shabaab sida ay Soomaalidu ugu babac dhigto. Si kale haddii loo yiraahdana weerar Shabaab ay ku qaaddo Kenya wuxuu noqon kari doonaa mid ka khasaare iyo xanuun badan mid ay ka geysato Soomaaliya.

Weerarro ay Shabaab ka geysato gudaha Kenya waxay dhaawici doonaan dalxiiska siiba kan xeebaha. Caasimadda in ay dakharro waaweyn u geysatana waa suurta gal iyo weliba meelo kale oo muhiim ah.

Amniga marka ay Kenya xoojisana, waxay saameyn ku yeelan kartaa Soomaalida Kenya oo qaarkood ay yihiin Kenyan, khasabna ay noqon doonto in ay dareemaan faquuq.

Arrimahaas oo dhan waxay dhaawici kari doonaan ganacsiga labada dal ka dhexeeya, isu socodka iyo weliba xiriirka labada dowladood.

Isaga oo kooban ra’yigeygu wuxuu ahaa Kenya si kale ha uga qeyb qaadato la dagaallanka Shabaab, laakiin yaanay ciidankeeda u dirin dagaal ay ka galaan Soomaaliya gudaheeda.

Taladaas waxaan dhiibay ka hor weerarkii iyo qabsashadii Shabaab ee Westgate, weerarradii Gaarisa iyo goobo kale oo Gobollada Woqooyi Bari ee Kenya ka tirsan, goobo ku yaal xeebaha Kenya iyo gaar ahaan waxa ka socda Mombasa.

Carwo Westgate, Nairobi oo Shabaab weeraray
Waa ka hor inta aan Soomaali joogta Kenya la raafin ee lagu xareyn Garoonka Kasaraani.

Waa ka hor inta aan hadalku ka taagtaagmin labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya inta aanuu haddana soo yara dabcin.

Waa ka hor inta Kenya aanay go’aansan in ay u baahan tahay in ay derbi ka dhisto soohdinta ay la leedahay Soomaaliya si ay isaga daafacdo khatar dhab ah ama la ismoodsiiyay oo uga imaan karta Soomaaliya.

Waa ka hor inta aan ciidanka Kenya hal askari looga dilin gudaha Soomaaliya. Waana ka hor inta aan dad badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood uu shacab yahay ayaga oo dalkooda jooga aanay ku dhiman gacanta ciidanka Kenya.

Waa ka hor inta aan labada dowladood iska dacweyn Hague iyo New York muran soohdinta badda awgiis.

Weli waxaan qabaa in Soomaaliya iyo Kenya ay isu baahan yihiin. In ay u baahan yihiin in ay iska kaashadaan dhinacyo badan oo ay amniga iyo socdaalku ka mid yahiin si ay deris wanaag ugu wada noolaadaan.

Haddana waa in ay ka feejignaadaan waxa shaki ku dhalin kara shucuubta labada dal iyo wixii shaki jiray sii xoojin kara.