Saturday, 30 January 2016

Aqal Sare xilligiis Lama Joogo


Saddex sababood dartood waxay iigu muuqataa in aan la joogin xilligii la dhisi lahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Qaabka la go’aansaday in loo dhiso Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu lid ku yahay Midnimada Soomaaliya, wuxuu garabmarsan yahay Dasuurka Dalka, wuxuuna horseedi karaa xasillooni darro siyaasaadeed.


Somaliland Dowlad Goboleed ma aha

Aqalka Sare waxaa qorshuhu ahaa in la dhiso marka ay dhammaystirmaan dhismaha Dowlad Goboleedyadu.  Xataa midda Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo aan weli dhalan haddii lagu daro, Dowlad Goboleedyadu waxay ka dhismeen oo keliya Gobollada Koofureed ee magaca Qarammada Midoobay uu Talyaanigu ku gaarsiiyay xornimada.

Waxaa ka maqan Gobollada Woqooyi oo Ingiriisku gumeysan jiray ee Hargeysa ay caasimadda u tahay.

Khaatumo oo Gobolladaas ka tirsan laakiin Midnimo doon ah, waxay ku dhawaaqday Dowlad Goboleed ah qaab aan aad uga duwaneyn sida kuwa Koofurta qaarkood ay ku billowdeen. Haddana Federaalku ma aqoonsana kana mid ma ahayn Madasha Wadatashiga, kamana mid ahaan doonto Dowladaha Xubnaha ka ah Soomaaliya ee kuraasta qeybsanaya.

Somaliland inteeda kalena awalba diyaar uma ahayn in ay qeyb ka ahaato Baarlamaanka Soomaaliya, marka laga tago mas'uuliyiin ayagu iskood midnimo doon u ah.

Markaa Somaliland oo dhan waxaa laga soo qaaday in ay la miisaan tahay hal Dowlad Goboleed oo ka mid ah Shanta Koofurta. Taas waxaan u arkaa in ay meel ka dhac ku tahay Soomaalida woqooyi oo dhan. Waxayna sii fogeyneysaa Midnimada Soomaaliya, haddiiba rajo laga qabi lahaa in maalin uun la is afgarto.

Dastuurka yaan la reed marin 

Sida ay madashu u qoondeysay in kuraasta Aqalka Sare loo qeybsado waxay khilaafsan tahay Dastuurka.

Dastuurku wuxuu qorayaa in loo baahan yahay in ay Dowlad Goboleedyadu ay ku yeeshaan Aqalka Sare kuraas is tiro le'eg. Laakiin hadda markii si siman loo qeybsaday ayaa lix kursi oo soo hartay loo bixiyay qaab aan loo hayn qiil Dastuuri ah oo looga haro.

Dastuurku waxaa uu qabaa in murashixiinta u tartamaya Xubinnimada Aqalka Sare ay ka yimaadaan dhammaan 18 - ka Gobol ee dalka, taas oo hadda go'aanka soo baxay uu baal maray. 

Midda kale, Dowlad Goboleedyada hadda jira ma ahan kuwa la hubiyay in ay buuxiyeen shuruudaha Dowlad Goboleed lamana yaqaan soohdimahoodu meesha ay dhacaan.

Xamar lama Xaqiri karo

Gobolka Banaadir oo ka kooban 17 Degmo, cod kuma laha Aqalka Sare!

Haa, waa dhab oo hal kursi kuma laha.

Taasi ma ahan wax maangal ah. Dadka qaar u qaba in ay si aqoon iyo waayo aragnimo leh u hadlayaan laakiin aan ogeyn in wax aan isku nooc ahayn aan la isbarbardhigi karin ayaa ku dooda caasimadda Mareykanku, Washington, kursi kuma laha Aqalka Sare ee Mareykanka, Muqdisho-na waxba kama duwana.

Marka laga soo tago taariikhda Washington Kursi ugu yeelan weyday Aqalka Sare, wakiilkeeda Aqalka Hoose-na aanuu u lahayn xuquuq cod oo la siman inta kale, Washington iyo Muqdisho tirada dadkoodu kala badan, dalalka ay caasimadaha u yihiinna kala dad badan. Muqdisho laba jeer ayay ka dad badan tahay Washington.

Midda kale waxaan isu dhigmin saamiga ay dadka Washington ka yihiin tirada guud ee Mareykanka oo ah 318 milyan iyo saamiga ay Muqdisho ka tahay tirada aan la hubin ee qiyaas ahaan u dhexeysa 10 ilaa 15 milyan oo Soomaali ah.

Dadka Washington waxay tirada guud e dadka Mareykanka ka yihiin 0.21%. Laakiin Muqdisho waxaa ku nool, inkasta oo aanay muran la’aan ahayn, in ka badan 10% tirada guud ee dadka Soomaaliya.

Federaalku hadduu isku dayo in uu xuquuqda Muqdisho iska indha tiro, ma hubo in uu iska indha tiri karo dakhliga canshuurta Muqdisho ka soo gala.

Markaa inta la soo saarayo xeerka laga seexday ee qeexaya maqaamka Caasimadda, waxaan qabaa in aan lagu xad gudbin xuquuqda dadka Muqdisho deggan.

Gunaanad

Saddexdaas qodob oo aan kor ku sheegay, waxay muujinayaan in qaabka la doonayo in loo dhiso Aqalka Sare ee lagu go’aamiyay Madasha Wadatashigu uu halis ku yahay midnimada Soomaaliya, xad gudub ku yahay Dastuurka uuna horseedi karo qalalaase siyaasadeed.

Sidaa darteed waxaan qabaa in dib loo dhigo dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. 

Wednesday, 27 January 2016

Baarlamaanka: Anna waa i kan

Baarlamaanka ayaa maanta soo saaray baaq ku wajahan Madasha wadatashiga ee nidaamka doorashada 2016.

Baaqa Baarlamaanku wuxuu u muuqdaa in uu sii biirinayo cadaadiska lagu hayo Madaxda Madasha fadhida oo looga dalbayo in ay gaaraan go’aan ay isaga raalli yihiin.

Haddana baaqu wuxuu ka digayaa go’aanka la qaadanayaa in: 
  • Aanuu wax u dhimin Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.
  • Horseedin Xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni oo colaad horseedi karta.
  • La waafajiyo Dastuurka ayada oo la marayo hey’adaha Dastuuriga ah ee ay khuseyso.

Hallkan waxaan kugula wadaagayaa macnaha iiga baxay saddexda qodob ee digniinta ah.

Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.

Laba macne ayaa iiga muuqda.

In aan la qaadan go’aan jujuub ah oo keeni kara in Dowlad Goboleedyada qaarkood ay ka niyad jabaan ka mid ahaanshaha Dowladda Soomaaliya oo markaas ayaga oo aan afka ka dhihin ay billaabaan ama sii kordhiyaan in ay u dhaqmaan si aan u daneyneyn wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

Midda labaad ee iiga muuqata waxay tahay in aan Aqalka Sare ee Baarlamaanka lagu koobin Dowlad Goboleedyada hadda jira ee la aqoonsan yahay iyo midda ku foolaneysa Webiga Shabeelle jiinkiisa. Waxay taasi la mid tahay in Somaliland la siiyo shahaaddo caddeyneysa in aanay dalkan xuquuq ku lahayn oo laga tashaday.

Xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni oo colaad horseedi karta.

Arrintani waxay iila ekaatay in loola jeedo in haddii Madashu ay isku daydo in ay sadbursi aan maangal ahayn ay dalka ka hirgeliso, in ay taasi horseed u noqon karto qalalaase siyaasadeed iyo/ama mid amni.

Tusaale waxaa u soo qaadanayaa laba:

Waxa dhici kara haddii laga boodo 4.5 iyada oo aan tirkoob la sameyn, isla markaana aan la is qancin ee ay dhacdo in Baarlamaanka ay qabaa’ilku ku kala bataan.

Haddii shacabka faraha badan ee magaalada Muqdisho loo diido Aqalka Sare ee Baarlamaanka in ay wakiil ama wakiillo ay ku lahaadaan.

In la waafajiyo Dastuurka ayada oo la marayo hey’adaha Dastuuriga ah ee ay khuseyso.

Qodobkan Baarlamaanku wuxuu na xusuusinayaa in uu isagu yahay hey’adda keliya oo sharci dejin karta wakhtigiisana ay weli uga harsan tahay dhowr bilood. Sidaa darteed wuxuu Dowladaha Gobollada iyo Madaxda Laamaha kale ee Federaalka uu uga digayaa in aanay isku deyin in ay shaqada Baarlamaanka la wareegaan. Wuxuu xusuusinayaa in go'aanka Madashu aanuu sharci noqon karin ilaa Xildhibaannada Baarlamaanku ay ku tufaan.

Anigu sidaas ayaan u fahmay ee adiga maxaa kaaga baxay?

Tuesday, 26 January 2016

Gobdon, Allah ha u Naxariisto

1971 qalabkaan ayaa wax lagu qori jiray. 
Waa xafiiskii aan ku lahaa Madaxtooyada Soomaaliya.
Cabdi Xaaji Gobdon oo xalay ku geeriyooday Muqdisho, Allaha u naxariistee wuxuu ahaa Macallin sannadihii kontomaadkii inta aanuu ku biirin Radio Muqdisho billowgii lixdanaadkii.

Cabdi Xaaji Gobdon wuxuu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta markii aan anigu ku biiray Radio Muqdisho horraantii siddeetanaadkii. Waxaan ka dib ka warhelay in uu dabayaaqadii kontonaadkii Macallin ka noqday Dugsiga Leegada, ka dibna Golweyn, inta aanuu horraantii lixdamaadkii ku biirin Radio Muqdisho. Horraantii lixdanaadkii iyo mar kale dabayaaqadii lixdaamaadkii wuxuu ka shaqeeyay Laanta Af Soomaaliga ee Radio Moscow.

Waxaan xusuustaa yaraanteydii aflaam Ruushku dhigi jiray oo af Soomaali ku codeysnaa in qaarkood codka ku duubani uu ahaa kan Cabdi Xaaji Gobdon.

Waan ogaa inta aanuu noqon Agaasime Guud in uu ahaa weriyaha Gaarka ah ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Warfaafinta ka dib waxaa uu noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga.

Cabdi Xaaji Gobdon, Allah ha u naxariistee, wuxuu ahaa weriye cod hallaasi ah leh, aadna u af Soomaali wanaagsan. Markii aan ahaa arday soo koraya isaga iyo Yaasin Xaaji Ismaaciil Jirde waxay ka mid ahaayeen weriyayaal aan ka kororsado eryada af Soomaaliga ah gaar ahaan kuwa siyaasadda, dhaqaalaha iyo militeriga.

Gobdon shakhsiyaddiisa waxaan bartay ka dib markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya. Waxaan u arkay in uu yahay nin Dowlad ku nool ah, dadkana aan iskala weyneyn siiba dhallinyarada.

Waxaa kale oo aan u arkay nin ku kalsoon mihnaddiisa, xoog furan, jecel in aqoonta laga dhaxlo oo uu u gudbiyo jiilka isaga ka da’da yar. Isaguna ma ahayn nin ay da’du ka hor istaagto aqoon kororsiga siiba xagga la qabsiga teknoolojiga cusub. Wuxuu adeegsan jiray talefoonka caaqilka ah iyo iPad wuxuuna qoraal iyo sawirro ku soo bandhigi jiray saxaafadda bulshada.

Gobdon wuxuu ka mid ahaa mas'uuliyiintii badbaadiyay keydka cajaladaha ee Radio Muqdisho sannadihii faraha badnaa ee laba ama ka badan kooxood ama dowladood ay ka dagaallamayeen Muqdisho.

Cabdi Xaaji Gobdoon wuxuu qoray buug ku saabsan aabbihiis iyo culummo kale oo Soomaaliyeed.

Wuxuu la soo shaqeeyay Dowlad kasta oo dalka ka curatay xataa xilliga burburka marna wuxuu ahaa la Taliye ama Af hayeen Madaxweyne, Ra’iisal Wasaare ama Wasaaradda Warfaafinta.

2002 waxaan Djibouti uga wadaqeybgalnay 3 usbuuc oo la isu keenay qorayaal, weriyayaal, abwaanno iyo xeel dheerayaal cilmi afeedka yaqaan. Waxaan dadkaas ka mid ahaa Hadraawi, Gaarriye, Aw Jaamac Cumar Ciise, Cabdiqeys, Yamyam, Idaajaa, Xasan Cilmi, Ismaaciil Dugsiiye, Riiraash, Cabdi Xaaji Gobdoon, Axmed Cali Askar, Axmed Xasan Cawke, Siciid Faarax Yare, Cali Seenyo iyo aqoonyahanno badan oo reer Djibouti ah. Waxaan halkaa ka soo saarnay qaamuus ay ku kooban yihiin eraybixinta ay warbaahintu u baahan tahay si ay wararka ugu adeegsato. Qaar badan oo mid ah khubaradaasi wey dhinteen ee Allah ha u naxariisto.

Howlihii ugu dambeeyay ee aan Gobdon ka wadashaqeynay waxaa ka mid ahaa xeerka saxaafadda oo aan talo bixin ku lahayn. Iyo qaban qaabada xuska maalinta Afka Soomaaliga 2015 iyo talo ka bixinta howlaha ay tahay in la qabto si afka loo horumariyo iyo cidda ay tahay in ay qabato. Howshaas waxaan galnay ka dib markii ay Madaxtooyadu na weydiisatay in koox kale oo aqoonyahanno ah aan kala shaqeyno.

Cabdi wuxuu ugu weynaa dhowr walaalo ah oo Jaamiciyiin u badan oo ka shaqeeya Warfaafinta Qaranka, Radio iyo TV. Aabbahoodna sidoo kale wuxuu ka tirsanaa idaacadda oo uu wacdi diini ah ka jeedin jiray. Sidaa darteed wuxuu ka soo jeedaa qoys diineed, isaguna waxaa uu ahaa nin aan ku tilmaami karo Suufi ku dhow Ahlu Sunna wal Jameeca.

Saaka aroortii markii geeridiisa la ii sheegay, waxaan goostay in aan soo bandhigo sawirro dhowr ah oo aan ka soo guuriyay bartiisa Facebook, oo aan is leeyahay waxay ra’yi ka bixin karaan taariikhdiisa.

Sawirrada waxaa la socda fasiraadda uu qaarkood Gobdon ka bixiyay oo sidii uu isagu u qoray ah oo aan soo minguuriyay marka laga reebo saxitaan ama habayn aad u yar oo aan ku sameeyay. Fasiraadda farta waaweyn ee tan le'eg waxaa qoray Cabdi Xaaji Gobdon. Fasiraadda farta yaryar ee sawirka ku hoos taallana aniga ayaa qoray.

Cabdi Xaaji Gobdon marka taariikhdiisa laga hadlo, waxaa laga dheehan karaa taariikhda warbaahinta Soomaaliya iyo heerarka ay soo martay iyo weliba heerarka uu soo maray Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.










Waa xaafiis aan ku lahaa Madaxtooyadda Soomaaliya, waana waqtigii aan ahaa waryihii gaarka ah ee Madaxweeyne Maxamed Siyad Barre. Taariikhdu waa 1974.










Waa Madaxweyne Maxamed Siyad Barre iyo Gudoomiyihii Ururka Dhalinyarada aduunka ee nabada jecel iyo aniga oo wakhtigaas ahaa waryaha gaarka ah ee Jaalle Siyaad Barre. Taariikhdu waa 1975.










Waqtigaan waxaan wareeysi ka qaadaayay Madaxweyne Maxamed Siyad Barre oo uu wehliyo xoghayihii guud ee Midoowga Afrika. Sawirkaan waxa uu ahaa 1976 goobtuna waa Addis Ababa.

















Sawirkaan waa shirkii Madaxweeynayaasha Dowladaha Islaamka ee lagu qabtay Xaramka. Taariikhdu waa 1978.









Waa xarunta VOA ee dalka USA. Waqtigaan waxaan ka codsanaayay madaxda VOA in la sameeyo Laanta Af Soomaaliga ee VOA, aniga oo xiligaas ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta. Taariikhdu waa1983.










Waa WAR-SIDE (Journal) ka soo bixi jiray magaalda QUBRUS magaciisana la yiraahdo 
(الا ثنين ) ama AL ITHNENYN waxuuna iga wareysanayay asaaskii TVgii qaranka ee hawada galay 1983.










Waxaan Mar dhaw bulshada Soomaliyeed u soo gudbin doonaa Buug aan ka qoray Aabbaheey Xaaji Maxamed Gobdon iyo qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee Aabbe ay saaxibbada dhaw ahaayeen sida: Sh. Macallin Nuur, Sh. Mukhtaar Sh. Maxamed Cali Maye, Sh. Maxamed Cali Maye, Shiikh Cali Cusmaan Naalleeye iyo Culimo kale oo bulshada Soomaaliyeed ku weyn. Bugga waxaa lagu magacaabaa Agoonkii Cabsida Alle Dugsaday. Qormadiisii Labaad (Second Edition).











Waxaa sharaf inoo ah in aan Magaalada Muqdisho ku soo dhaweyno Madaxweynaha Dalka JABUUTI Walaalkeen Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Hiildoonka Afka Hooyo iyo Xasilloonida Dalkeenna.


Gobdon waa kan bidix safka hore




Gobdon waxaa lagu tirayaa in uu aad ugu dhowaa Madaxweynaha.











Gobdon oo adeegsanaya iPad.






Gobdon oo cayaaraya Kubbadda Miiska
















Lugabaxsi iyo neecowsi xeebta Liido

Friday, 22 January 2016

Liido iyo Madashu isu keey qaban la'

Madaxda Dowlad Goboleedka iyo Madaxda Qaranku waa in ay runta dalka iyo xaaladda shacabka Soomaaliyeed uu ku sugan yahay ay fahmaan, dareemaan, una dhaqmaan si ka tarjumeysa xaaladdeenna.

In Shabaab ay weerar joogta ah ku hayso shacabka, bil kasta aan la taahno murugo haddiiba aan ka badbaadno weerarka, in ciidammadeennu ay xag daryeel, tababbar, iyo qalab intaba ay wax badani ka dhimman yihiin, haddana lagu mashquulo kulammo aan dastuurka meel uga oollin oo marba magaalo lagu ballammo natiijo xaaladda wax ka qabatana aanay ka soo bixin wey isu keey qaban la’ yihiin.

2016 waxa ay tahay in la qabto madal iyo safarro uma baahna ee Dastuurka ayay ku qoran tahay. Haddii la qaban diiday Dastuurkana la reed mari rabo, in 7 bilood aan doorasho xalaal ah lagu abaabuli karin waa wax u cad maskax kasta oo fayow iyo af kasta oo runta yaqaan kuna dhiiran kara.

Qoyska saddex walaala ah oo Jaamacad dhigta xalay looga dilay Liido oo ay u shaah tageen, bal maxaa ka khuseeya muranka Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha kale ee tirada badan ku dhex maraya madasha "wadatashiga"?

Ilaaheey ha laga yaabo. 

Ummaddaan waa laga shaqeystaa. Madaxda aan sheegay mid kasta oo ka mid ah oo aan ka faa’idin dhaqaale iyo martabad xilka uu hayo anigu ma aqaan. Aayar ugu fiirso nin kasta oo hadda xil haya. Bal qiyaas sida uu maanta u nool yahay, sida loola dhaqmo, awooddiisa iyo inta aanuu xilka qaban meesha uu joogay iyo sida uu u noolaa.

Madaxdu sida ay uga shaqeystaan si le’eg ama ka badan waa in ay ugu adeegaan ummadda.

Wax kasta oo naga qarsoon Ilaaheey ayaa daalacanaya, mas’uul kastana kula xisaabtami doona xilka uu hayo iyo waxa ay ahayd in uu qabto ee uu hareer maray iyo sababta uu saa u yeelay. 

Friday, 15 January 2016

Cidna ha ku halleyn Soomaaliya



Ma dooneysaa in Soomaaliya ay gaarto nabadgelyo buuxda? Mise rabtaa in Soomaaliya ay ku tallaabsato horumar loo aayo? 

Waxaan rajeynayaa in labada su'aalood mid kasta aad Haa uga jawaabtay. 

Is weydii marka - Maxaa ila gudboon?

Soomaaliya in ay nabadgelyo buuxda hesho ayna ku tallaabsato horumar loo aayo kuma xirna siyaasadda oo keliya. Laakiin haddana bulshadu keligeed ma xaqiijin karto nabad iyo horumar waara haddii aan la helin siyaasiyiin horusocod ah oo wadashaqeyn kara iyo nidaam siyaasadeed oo xaqiijin kara himiladeenna.

Shirka Kismaayo, soo xulidda xildhibaannada, doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha, xulidda Ra’iisal Wasaare iyo dhismaha Gole Wasiirro cusub ayaa dhammaantood la filayaa in ay sannadkan 2016 gudihiisa qabsoomaan.

Qof kasta oo Soomaali ah oo qaangaar ah oo kara, mas'uuliyad ayaa ka saaran in uu saameyn wanaagsan ku yeesho isbeddelka si  aan hore ugu tallaabsanno. Qofkii talo wanaagsan siin kara mas’uul go’aanka wax ku leh, qofkii xaqiijin kara in xildhibaanka beeshiisa ama degmadiisa matalayaa uu noqdo qof karti leh una qalma mas’uuliyadda la saarayo, qofkii saameyn ku yeelan kara doorashada iyo xulidda mas’uuliyiinta kale, qofkii taageeri kara murashax uu si wanaaagsan u hubiyay in uu yahay qofka marxaladdan ugu habboon in uu qabto xilka uu u taagan yahay, qof kastaa si uun ayuu saameyn ugu yeelan karaa waxa socda. Haddii uu sameyntaas la seexdana waa uu gabay mas’uuliyadda dalka ka saaran.

Sidoo kale, qofkii aqoon, khibrad ama karti leh waxaan kula talinayaa in uu u istaago hadba xilka ay kula habboon tahay in uu hollin karo, horumarka ugu badanna ka sameyn karo. Qofkaasi haddii uu yahay dadka dibadda ku nool waxaan kula talinayaa in uu u bareero, mana fududa ee ogow, in uu u soo wareego dalka. Ama ugu yaraan in uu u soo diyaar garoobo inta uu xilka hayo in ka badan in uu dalka joogo, haddii uu xilka waayana in uu dalka joogo mar walbana uu qeyb ka ahaado isbeddel horusocod ah inta karaankiisa ah. Dabcan waa haddii duruufta shakhsigu ay taa u saamaxeyso.

Haddii aad u aragto siyaasadda Soomaaliya mid wasakheysan, weyna tahay in badan oo ka mid ihi, ogow in loo baahan yahay dad u istaaga oo u bareera in ay ka dhigaan mid nadiif ah.

Qofkii gurigiisu wasakheysan yahay hotel waa ku hoyan karaa. Laakiin aakhirka in uu nadiifiyo ayay tegeysaa. Gacantiisa ha ku nadiifiyo ama lacag ha u qoondeeyo si uu shaqaale uga adeejiyo gacantooda ku nadiifiya.

Waxqabadka waxaa ka mid noqon kara in qof aqoon, khibrad iyo hufnaan leh laakiin iskala weyn siyaasadda Soomaaliya ama quus ka jooga, lagu dhiirri geliyo in uu ka qeyb qaato isbeddelka dalka ka socda.

Qaar badan oo ka mid ah Madaxda iyo howlwadeennada maanta heer Qaran iyo heer Gobol wey ku yar yihiin waaya aragnimada maamulka iyo siyaasadda Soomaaliya. Qaar badan waa dhallinyaro aqoon leh ase aan haysan waaya arag ay talo wadaag yihiin. Qaar kale waa dad aan xiiseyn jirin ama aan dhug u lahayn Dowladnimada ka hor inta aan xil loo magacaabin. Qaarna khibrad wey leeyihiin laakiin khibraddoodu wey ka yara duwan tahay tan maamulka iyo Dowladnimada. Waa khibrad mucaaradnimo habqan ah oo af ama addin ah.

Dhinaca kale Keydkii maamulka ee hey’adaha gacan laguma heyo; mid gubtay, ku la bililqeystay iyo qaar lumay.

Sidaa darteed Madaxdii iyo howlwadeennadii maamuli jiray Soomaaliya waa dad khibraddooda aad loogu baahan yahay in ay talo ka bixyaan waxyaabaha qaar maanta taagan oo u baahan in lala kaashado soo jireenka.

Waan ogahay qaar badan oo ka mid ah khubarada aan tilmaamayo in ay dalka joogaan oo cid talo weydiisaana aanay jirin, ka-warqab iyo daryeelna aanay haysan. Waxaa kale oo aan ogahay in hawladeennada iyo Madaxda Dowladda qaarkood ay colaadiyaan qofka khibradda leh, sababo kala duwan awgood. Waxaanse leeyahay ma ahan dadka khibradda lihi sidii marti in ay sugaan in kaalin laga siiyo in ay dalkooda wax u qabtaan ama ay ku gaabsadaan dhaliil. Waa in ay diriqsadaan kaalinta uga aaddan nabadeynta iyo horumarinta dalka. Waxyaabaha saacidayana waxaa ka mid ah in qaar badan oo ka mid ah aan loo arki karin in ay khatar ku yihiin kursiga uu fadhiyo mas’uulka ay la talinayaan.

2016 fursad ayaa la jirsiin karaa. Waa sannad doorasho. Xilligaan doorashada la filayo ayay Madaxdu ugu dhega nugushahay. Madaxda joogta Madaxweyne ka billow, Guddoomiye Baarlamaan, Ra'iisal Wasaare iyo mudanayaasha labada Gole iyo inta aad uga tirada badan ee dooneysa in ay ayagu xilalkaas qabtaan dhammaantood wey dhega nugul yihiin ugu yaraan inta doorashada ka horreysa. Haddii dadka ayaga oo kale adduunka kale aad looga qaddariyo ee Qaranka u soo shaqeeyay ay doonayaan in ay talo iyo xuquuqba dalka ku yeeshaan waa in ay hadda dhaqdhaqaaq iyo abaabul billaabaan.

Dalka yaan sida cayaar kubadda cagta ah loo daawan loogana sheekeyn uun. Qof kastaa waa in uu ka qeyb qaato isbeddelka, waxqabad la taaban karana uu la yimaado si Soomaaliya looga dhigo Soomaaliyada aan dooneyno; Soomaaliya nabdoon oo horumarsan.

Abwaan hore ayaa yiri “Waar hooy ceelka nala qoda mar baa lagu qaboobiye”

Hadda oo qormada aad wada akhrisay fadlan dhowr daqiiqo keligaa ka feker.

Sow kulama gudboona in aad ka qeyb qaadato nabadeynta iyo horumarinta Soomaaliya?

Haddii ay jawaabtu Haa tahay adiga oo aan cid kale ku halleyn, cidna marti uga noqon, kana daahin, fadlan ku dhaqaaq wixii kula gudboon.

Tuesday, 12 January 2016

4.5 yaan loo beddelin 4.0

Beelaha Soomaalida ee loo bixiyay 0.5 waxay degaan dalka oo dhan.
Yaa ii sheegi kara Dowlad Goboleed ay Madax ka yihiin ama xataa ku Xigeen?

Iskaba daa Dowlad Goboleed. Yaa ii sheegi kara Gobol ka tirsan Dowlad Goboleed oo ay Madax ka yihii? Hoos uga sii deg, anigu hadda ma xusuusto Degmo ay ka yihiin Guddoomiye Degmo.

Taas waxay ku tuseysaa in ay dadka wax qeybsanayaa ay yihiin afarta beel ee hubeysan.

Sannadkii 2012 ayaa khudbad aan ka jeediyay Baarlamaanka oo shuruudaheeda ay ka mid ahayd in u dhiganta daqiiqadii $500 in aan bixiyo, waanan bixiyay, waxaan ku daray su’aal ah “Min Beled Weyne ilaa Kismaayo beesha loo yaqaan Jareer Weyne ayaa daadsan. Beesha Soomaaliyeed oo sheegan karta in ay ka badan tahay beesha intaas deggan anigu ma garanayo”.

Su’aashaasi weli wey ii taagan tahay.

Ugu dambeyntii waxaan rajeynayaa in 4.5 haddii Degmooyin aan la tirokoobin looga guuro, in aan 4.5 isu beddelin 4.0. Haddii ay dhacdo in dadkii awalba dulmanaa laga qaato nus xuquuqda ay hadda haystaan waxaa mas'uuliyaddeeda qaadan doona ciddii sidaas go'aamisa.

Aayaha Soomaaliya mise Aayaha Koofurta?

Soomaaliland yaa uga wakiil ah ama ku matalaya madasha Kismaayo?

Haddii ay Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya ee Kismaayo ku shiraya oo kulligood reer Koofureed ah ay keligood fadhigaas ku gooyaan saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka iyo habka loo soo xulayo Xildhibaannada 2016, maxay uga duwan tahay in iyaga oo aan afka ka dhihin ay haddana muujinayaan in Somaliland iyo siyaasiyiinta ka soo jeedaa aanay talada dalka wax ku lahayn?

Sow taas macnaheedu ma noqon karo Somaliland waa dal gooni ah? Sow falkoodu ma noqonayo billowga aqoonsiga Jamhuriyadda "aan jaarka nahay ee" Somaliland?

Miyaan laga baqeyn in Soomaalida woqooyi ee Midnimo-doonka ah uu ku dhasho dareenka ah nin laga tashayadow tasho?

Miyeysan caqliyadda noocaan ahi markhaati u noqoneyn eedeyntii Dr. Cali Khaliif Galaydh (masawirka) uu ka jeediyay Cadaado 2015 ee ahayd in kala go’a dalka laga wado Koofur?

In khalad la timaamo, haadaanta laga digo, caddaalad darradana farta lagu fiiqo macnaheedu ma ahan in la jabo in la jecel yahay.

Madasha Kismaayo waxaan u rajeynayaa in ay ku dhammaato is afgarad ayna ka soo baxdo soo jeedin nidaamka siyaasadeed ee dalka hore u marin karta marxaladdan xasaasiga ah ee Kala-guurka ama Kororsiga. Taariikhduna weyn qormeysaa.

F. G.
Sawirka Cali Khaliif waxaa uu ka tarjumayaa in aan soo xigtay hadalkii uu ka jeediyay Cadaado 2015.