Tuesday, 12 January 2016

4.5 yaan loo beddelin 4.0

Beelaha Soomaalida ee loo bixiyay 0.5 waxay degaan dalka oo dhan.
Yaa ii sheegi kara Dowlad Goboleed ay Madax ka yihiin ama xataa ku Xigeen?

Iskaba daa Dowlad Goboleed. Yaa ii sheegi kara Gobol ka tirsan Dowlad Goboleed oo ay Madax ka yihii? Hoos uga sii deg, anigu hadda ma xusuusto Degmo ay ka yihiin Guddoomiye Degmo.

Taas waxay ku tuseysaa in ay dadka wax qeybsanayaa ay yihiin afarta beel ee hubeysan.

Sannadkii 2012 ayaa khudbad aan ka jeediyay Baarlamaanka oo shuruudaheeda ay ka mid ahayd in u dhiganta daqiiqadii $500 in aan bixiyo, waanan bixiyay, waxaan ku daray su’aal ah “Min Beled Weyne ilaa Kismaayo beesha loo yaqaan Jareer Weyne ayaa daadsan. Beesha Soomaaliyeed oo sheegan karta in ay ka badan tahay beesha intaas deggan anigu ma garanayo”.

Su’aashaasi weli wey ii taagan tahay.

Ugu dambeyntii waxaan rajeynayaa in 4.5 haddii Degmooyin aan la tirokoobin looga guuro, in aan 4.5 isu beddelin 4.0. Haddii ay dhacdo in dadkii awalba dulmanaa laga qaato nus xuquuqda ay hadda haystaan waxaa mas'uuliyaddeeda qaadan doona ciddii sidaas go'aamisa.

28 comments:

  1. Yusuf Garad aad baad u mahadsan tahay xiligaas ayaan Anna sidaas oo kale ugu cabiray maaansadan

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by the author.

      Delete
    2. This comment has been removed by the author.

      Delete
    3. Farah, maansada waan kaa sugayaa adiga oo mahadsan.

      Delete
  2. Allow sahal umuuraha eebe ha tuso soomaali cadaalada , inkastoo aan kaba shakisanahay in taladu madaxda kismaayo ku kulmaya ka go'do , iyo inkale

    ReplyDelete
  3. Yusuf Garaad qatarta aad ka digeyso wey jirtaa lkn walaal 0.5 beelaha la yiraahdo kaliya ma dulmana. Degmo kasta ama gobol kasta waxaa awoodeeda heysta hal beel ayadoo ay jiraan beelo badan oo la dega beeshaas xukunka heysata. Marka soo lama dhihi karo waxaad buun buunineysaa beelaha (0.5) ayadoo ay jiraan dad badan oo la mid ah xaga ka qadsanaanta awooda.

    Su'aal: Inta aad ogtahay beelahaa 0.5ka dowladihii Soomaaliya soo maray 90aad kii ka hor maxay mansab ka qabteen?.Ma jiraam degmooyin ama gobollo ay madax ka ahaayeen? Waa hadii aad wax igu dhaanto.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Ma waxad kuso gaba gabeen rabtaa, dowladihi kacanki iyo kuwi ka horeyay waxba kuma laheyn hadana wadadinaya lasi maraya?
      Fikir ka duwan ayan qabaa midaas, dadka si siman wax ha u qeybsadeen iyadoon laga firinin xilalki dowladihi hore iyo dagaalada 1990 ka dambeyay.

      Delete
    2. Ninka labaad ee waddanka ugu awoodda badan ayaa ka tirsanaa beelaha hadda loo bixiyay 0.5, halkaas ayaadna ka garan kartaa in ay sidan ka wood badnaayeen. Laakiin mar kasta dulmi wuu jiray.

      Delete
    3. dowladihii hore iyo midaan maanta way kala duwan yihiin midaas kacaan kaligii taliye ah ayaa waday oo xaqa umada uu ka galay ayaa asagana meesha ka saaray laakin mida maanta taagan waa federal hadana dhulkii aan lahayn baa la haystaa lagana sheegaya

      Delete
  4. Kismaayo raga isugu takey khayr masoo wadaan. Soomaali Allaha garan siiyo in ay garato danahooda

    ReplyDelete
  5. Kismaayo raga isugu takey khayr masoo wadaan. Soomaali Allaha garan siiyo in ay garato danahooda

    ReplyDelete
  6. Waad mahadsantahay, yusuf garad, siyaasada kajirta somalia iyo qaabka aad moodo in wax loo qaybinayaa , waa qof dhaawac ah ee dhiigu kadaadanayo hadana laga hor istaagay , albaabkii hospital ka laga galilahaa , si kale hadaan u dhigo , labbo qof ee wada socotay hadana inta cunto loo keenay mid kami , ihi yiri isug anugu aan cuno cuntadee, xaqa alaha natuso , aduunkuna waa 4bari

    ReplyDelete
  7. wax ka xun 4.5 majiraan ... in dagmo layiraahdana kuma imanayso in laga dagayo xaqa minority .. sida heshisku aha waxay ahayd in dadka laga tirida badan yahay iyo haweenka lasiiyo tirada hada ay leeyihiin ee ay ku leeyihin xubnaha barlamanka .. wixii so hara in qofkast oo barlamanka imanaya laga so dorto dagmo oo uusan ujogin qabil mesha ee uu ujooga dagmadas sodoratay maslaxadeedana uu kashaqeeyo ...

    ReplyDelete
  8. Was qormo xabaarsan miisaan siyaasadeed qofkii damiirkiisu noolushay ka xanuunsan karo
    Degmo miyaan ahay bulsho siyaasadeed leh hanaan maamul tiro cayiman bulshadaas
    Ma garanayo dadka hada Degmada ku doodaya dhulka ay joogaan
    Dulmi loo bareero miyaa looga jeeda ma fahnin aniga
    Ma amaanayo 4.5 lakiin waxaan filaayay in caqligu raadinayo wax ka roon

    ReplyDelete
  9. Yusuf Garad, salaan kadib, Dadka inta ugu badan ma abaarayaan mowduuca aad soo dhigtay guntiisa, lkn anigu aan ka hadlo, nin daacad baan kuu aqaan mar walbana garab istaaga Dadka lagu sheego in laga tirada badan walow aan tirikoob xalaal ah la sameyn, waligey ma arag nin masuul ah oo garabsiinaya beelahaasi, Beesha jareerweyne waligeed cadaalad kama helin Wadanka Soomaaliya laga soo bilaabo xiligii aan qaadanay xurnimada ilaa iyo hadda waxaa intaasi u sii dheer, dhac, dil iyo afduubba oo loo geysto, xaqii ay Dowladda dhexe ku lahayd ma heystaan, calool xumo ayaa wadanka taalla, Shaqaalaha Rayidka Dowladda Dhexe waxay gaarayaan 6 kun shaqaale uma maleynayo inay heystaan 100 shaqaale, Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaraddaha waxay kor u dhaafayaan 400 boqol hal agaasime ma laha, Agaasimayaasha Guud waxay gaarayaan 30 hal Agaasime ma laha, Safiirada waxay gaarayaan 40 hal safiir ma laha, Gudoomiyayaal fara badan ayaa jira Dalka malaha 2 Gudoomiye Degmo, Wadanka waxaa ka howlgala Hay'ado international iyo local ah ma jirto hay'ad ay maamulaan, Dadka nuucaas ah haddana ma helaan waxbarasho, caafimaad iyo nolol iyadoo ay taasi kuu sii dheer tahay in mararka qaar ay la kulmaan Xarig aan cadaalad ahayn. 100% Muslim ayay Soomaalidu sheegtaan haddana cadaalad daradaasi ayaa lagu dhaqmayaa, Allow Aduunyo aragnayee Aaqiro hanaga fidneen. Allow Soomaaliya Cadaalad ma taale Cadaalad noo keen, Allow Dadka Soomaaliyeed Cadaalada tusi, Allow Dadka Soomaaliyeed Xaqeenii nooga sahal, Allow yusuf Garad madaxweyne nooga dhig, Allow culumada Soomaaliyeed runta ka yeersii, Allow quluubta Dadka Soomaaliyeed midey.

    ReplyDelete
  10. Hal Gobol oo Jareer leeyahay oo eey sooc ku yihiin ama ubadan yihiin iisheeg? adigoon idhihin waa dagaan Gobolkaas kaliya.Gobollo eey ku badan yihiin waa jiraan laakiin Gobol aan looga badneyn majiro Jareer.Gobolada eey Jareertu dagaan oo eey ku badan yihiin waxaa kamida Hiiraan,Sh.Dhexe,Banaadir,Sh.Hoose,J.Dhexe,J.Hoose,Bay,Bakool.Gedo
    Bal ufiirso markaas adigoon Caddaaladda katageyn Jareerta daggan Goboladaas aan soo sheegay Mid Mid Adigoo ufiirinaya Iyaga iyo Beelaha lagu sheego 4.0 yaa badan? 9ka Gobol ee kale madagaan,
    G.Gaduud,Mudug,Nugaal,Bari,Sanaag,Sool,Togdheer,W.Galbeed,Awdal.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Xasan, aan taada kuu raaco. Waa looga badan yahay inta aad sheegtay ee ay degaan, waa sida aad u dhigtaye. Laakiin su'aal. Ma jiraa hal qabiil oo intaas oo dhan la dega oo uga badan Jareer Weyne? Mise Soomaalida kale oo dhan ayaad isku dareysaa. Jawaabtu waxay tahay in anuu jirin. Markaa kuma lihi Somaalida kale oo dhan ha la qeyb ekeysteen. Kuma lihi hal qabiil oo ka mid ah ha la ekeysteen. Kuma lihi barkood ha heleen. Waxaan ku leeyahay barkood ay la qeybsadaan qabaa'ilka kale ee 0.5 yaan laga qaadan ayaan ku leeyahay inta qof iyo cod laga gaarayo. Haddii aad dood macna sameysa oo aad ku diiddan tahay aad soo qori weydo, waxaan u qaadanayaa in aad ku qanacday teyda.

      Delete
    2. qabiilka soomaaliyeed ee jareerweyn, magaranayo gobol ay kaga badanyihiin gobolka ay johwar magaalo madaxda u tahay ee hadeer laga dhisayo maamul goboleedka iyo sida gobolka Hiiraan. gobollada kalana waxay u qubanyihiin sida soomalida kale isu dhexqubantahay.
      mana qabo in ay tusaale ama wax loo cuskado ama marmarsiinyo looga dhigan karo in xisaab-qeybsigan 4 iyo bar ee gurracan ee qarannimo iyo is haysashada bulshada, dawladnimada, dhisidda umad wadaniyad iyo wadaag umadnimo oo dhanwalba ah iyo qarannimadaba hortaagan hor istaagi kara inuu yahay.
      yuusufoow adiguna waad garaneysa intii caqli lehna waa garaneysaa, yeynaan wax more technical ah iyo sidee xubno loo qeybsadaa iyo waxaas ku mashquulin.
      ma qarannimaa ladhisi karaa iyo dawladnimo qarniga 21aad lajaanqaada iyada oo la cuskanayo 4 iyo bar?.
      fadlan adigoo fikir siyaasi ah ama olole siyaasadeed kabadhax la' taa iiga jawaab yuusuf. waa codsi!

      Delete
    3. Suleiman, 4.5 ma ahan hab wanaagsan oo Qaran lagu dhaqo, kumana dhisna caddaalad. Dastuurkeennana wey ku qoran tahay in loo gudbo qof iyo cod sida caalamka Dimuqraaddiga ah. Taas ayaan doonayaa. Waxaan ila wanaagsaneyn in hab kale dhexda lagala soo baxo oo aan isaguna caddaalad ku dhisneyn. Welibana si gooniya ay ugu dulmanaan doonaan beelaha aan hubeysneyn.

      Delete
  11. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  12. Yusu Garaad, gabadh taada ma siin lahayd nin u dhashay 0.5?

    Su'aashan oo kale hadda ka hor ayaan hooyaday weydiiyay: hooyo, ka warran gabadh ciddaas ah haddaan keeno? Hooyo, waan ku dayrin lahaa ayay tidhi iyadoo si deggan u leh(!) SubxaanaLLaah. Ilaahow hooyaday u danbi dhaaf.

    Dadka aad u doodaydisid, uma dulmana siyaasiyan kaliya. Xitaa bulsho ahaan ayay dulmanyihii.

    Ilaa haddana ma arag wax muuqda oo ay ku salaysantahay: aqoon, hanti ama diin. Malaha waa nabadda ay jeclyihiin.

    Waan qiyaasayaa, inay su'aashaydu ku danaqday, lkn waa xaqiiqa jirta. Saasaynu ka cabannaa cunsuriyad markaynu la noolnahay ummad aan af iyo diin midna nala wadaagin! Hooyaday Yurub bay igula nooshahay, cusuriyaddana way dhadhamisay, lkn waxba mayna ka faa'iidin.

    Wxn kaa codsan lahaa, inaad mowduucan cunsuriyadda ah, diintana ka fog ee aan dhihi karo waa apartheid qarsoon u qaadatid qalinka, maadaama aad saamayn badan ku leedahay bulshada.

    La soco, dhaqan kasta oo xun, sida gudniinka fircooniga ah iyo qabyaaladda waxaa lagu suulin karaa wacyi galin.

    Labadaas dhaqan ee xunxun dadku wuu ka soo bislaanayaa, lkn kan ma garanayo sababta aynu kan uga aamusannhay.

    Ilaahay xaqa ha ina wada garansiiyo.

    ReplyDelete
  13. Baroorta orgiga ka weyn, sax cadaalada hadii laga hadlo dadkaas waa dulman yihiin waxay xaqa u lahaayeen maysan helin ilaa xornimadii aan ka qaaadanay lkin 4.5 in lagu sii nagaado xaq kuma helayaan laga yabaa haday deegaanadooda loo fiiriyo inay wax ku helaan wxaan oran lahaa yaan lagu awr kacsan 0.5 baa la dulminayaa hadii laga gudbo awood weybisagan na ragaadiyey, wax loo olaleeyana ma ahan in lagu sii nagaado. Hab deegaan wax dhexda laga soo dusiyey ma ahab waa waxii lagu heshiiyey Dastuurkana noogu qorantahay in la fuliyo qodabadii Garowe1,2 marka sabab aan dib wadanka loogu celiyo hab aan xalaal ahayn ma muuqato balse qofkii dantiisa ka arki waayo dadaalkaste wuu ku bixinayaa in aan laga gudbin habkaaas sida hada ayba siyaaasiin badan u olaleenaya uguna horeeya Madaxweynaha jamhuurida fadaralka Somalia mudane Xassan Sheikh Maxmud isagoona aan la gaban fikirkiisa.

    ReplyDelete
  14. Yusuf Garaad, su'aasha aan ku waydiiyay aan saxo: wxn u jeedaa beelaha la yaso ee loogu yeedho nasab-dhimanka, ma wada beesha 0.5 oo idil ee waa qayb ka mid ah.

    ReplyDelete
  15. Runtii dadka qaar taariikhda ma hayaan wayoo beesha jareerwayne qayb mug leh ayay ka qaateen dawladahi hore waxaa ka mid ahaa AUN Mowliid macane maxamud waziirka sportiga iyo dhalinyarada ayuu soo qabtay MP prof Mohamed Omar Dalha waa nin from kacaanii ilaa iyo haatan howsha wada beela kale sheega haatan gudoomiyaga dagmada jowhar iyo dagmooyin kale ayay hayaaan anigi 4.5 iyo 7.5 intaba ma taagersani cadaalad iyo sinaan ayan jecelahay lakin dhabta ka abara mowduca .... Mahadsanidiin

    ReplyDelete
  16. yuusuf walaal waan kuu mahad celinayaa,fursadahaan,aad qaanadaada,noogu ogolaatay,inta aragtidooda soo bandhigtayna waan u mahadcelinayaa,,runtii soomaali ahaan,anigu waxaan aaminsanaa,wax naga maqan oo aqoontooda la waayay,in baaba soomaali salka ku hayo,laakiin waxaan hada si buuxda u fahmay in xaajadu ka duwan tahay,,tusaale walaal ila qiimee,,mujtamac isku hayb ah nooc kasta oo bulshada ahna laga helo,,oo isku raacay,,in turubka nooca deegaan siyaad bare loo badalo,si kuraas ay ku fariisan jireen,beelo awalba nuglaa oo walaalahooda,,waa cajiib,,mujtamaca laga waayay,inay fahmaan xaqdaradaas,ma keeni karaan xasilooni siyaasadeed,,imisa ayayse ku qaadan kartaa inuu kalsooni walaalnimo,is cafis,ku gaaro,,walaahi aad iyo aad waxaa wax laga xumaado ah,in soomaaliya,,maanta loo qabanayo shir looga hadlayo,,deegaan awr ku kacsi ah,,war soomaaliyeey maya maya,aan ku qaylino maya,,,,,,

    ReplyDelete
  17. Yusuf Garaad waad mahadsantahay, waa wax u baahan wacyi gallin si aan Ummadeenu caddaalad iyo sinaan ugu wada noolaadan.
    Hoos wxaa ku lifaaqan mawduuc la xadhiidha Qabiilka iyo Qaranka, http://dhoorre.blogspot.com.tr/

    ReplyDelete
  18. Yusuf Garaad waad mahadsantahay, waa wax u baahan wacyi gallin si aan Ummadeenu caddaalad iyo sinaan ugu wada noolaadan.
    Hoos wxaa ku lifaaqan mawduuc la xadhiidha Qabiilka iyo Qaranka, http://dhoorre.blogspot.com.tr/

    ReplyDelete