Si wanaagsan ayaan Online ugu daawaday Doodwadaag uu fahamkeygu
yahay in uu ahaa barnaamijka ay NISA ku tilmaantay lif hore ayaa laqanyo
kiciya.
Barnaamijka marka aan qiimeeyo aniga oo weliba ku eegaya il cillad
raadis ah, wuxuu yeelan karaa laba dhaliil. Cilladahaasi waxay yihiin in
Barnaamijka lagu marti qaaday laba Xildhibaan oo isku ra’yi ah inta badan, marka
ay kala ra’yi duwan yihiinna aad isugu ra’yi dhow.
Waxay ahayd in mid uun la soo fariisiyo oo ay dadku s’uaalo
weydiiyaan. Waxaase ka sii qurux badnayd in la keeno laba xildhibaan oo kala
aragti iyo mowqif duwan si ay dood u noqoto oo dhinac kasta arrinta looga eego.
Dhaliisha labaad waxay ahayd in Barnaamijku uu si dadban u dhiirri
gelinayay in ay dhallinyaradu kacaan oo dagaal ama ugu yaraan ay farasaar ku
dhaqaaqaan.
Khaladdaadkaas waxaa xallin karay soo saaraha iyo Tifatiraha
Barnaamijka ama midkood. Ma ugu talo galeen in aanay sixin mise wey ka hoos
baxday? Taa anigu kama jawaabi karo.
SI kastaba ha ahaatee, anigu ma arko sida ay xal u noqoneyso in la
xiro weriyayaasha iyo in ciidan lagu dalbado in ay xiraan xafiiska Muqdisho ee
TV-ga Universal.
Casharro dhowr ah ayaa laga baran karaa xarigga Cawil iyo
Cabdullaahi, isku deyga u qiil dayidda xarigga iyo weliba sii deyntooda.
Casharka Laamaha Dowladda
Saxaafaddu waa xor marka ay sharciga u hoggaansan tahay. Wasaaradda
Warfaafintu waa hey’adda Dowladda u qaabbilsan Warbaahin oo dhan. Laamaha kale
ee Dowladda oo dhan waa in ay iyadu ka xigsataa weriyayaasha. Taas macnaheedu
ma ahan in weriyayaasha laga deynayo u hoggaansanaanta sharciga. Laakiin waa in
ay iyadu taas xaqiijisaa. Waa in ay ruqsadda bixiso, digniin bixiso, ganaax soo
rogto, wadashaqeynta ka goosato, shatiga la noqoto iwm.
Haddii ay u taag weydana iyada oo sharciga mareysa sida Xeer
Ilaalinta iyo Maxkamadaha waa in ay la kaashataa ciidanka oo ay habboon tahay
in ay ahaadaan booliiska. Marka la arko Nabadsugid iyo weriyayaal qoorta iskula
jira, su’aashu waxay noqoneysaa – miyaan Dowladdu lahayn hey’ad Warbaahinta u
qaabbilsan oo rayid ah?
Tan kale, tallaabadani waxay lid ku tahay kalsoonida ay saxaafaddu ku qabi karto dalka. Saxaafadda shisheeye iyo midda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ka shaqeysaa kuma soo dhiirran kari doonto in ay dalka u soo guuraan ama ay ka dhistaan Istuudiyayaal waaweyn.
Ogowna, sharikad kasta oo dooneysa in ay dalka soo degto dadka ugu horreeya ee ay dalka ka wareysato waxaa ka mid ah weriayayaasha iyo diiblomaasiyiinta.
Ugu dambeyn Xuquuqda Muwaaddinka Soomaaliyeed ma ahan in lagu xadgudbo, oo marka la dhibsadoba la xiro iyada oo aan sharciga la eegin. Ayaan ka dibna la sii daayo.
Saxaafad xor ah, mar kasta wey ka careysiisaa Dowladaha, laakiin qaanuun ayay ku dhisan tahay oo daafac.
Ugu dambeyn Xuquuqda Muwaaddinka Soomaaliyeed ma ahan in lagu xadgudbo, oo marka la dhibsadoba la xiro iyada oo aan sharciga la eegin. Ayaan ka dibna la sii daayo.
Saxaafad xor ah, mar kasta wey ka careysiisaa Dowladaha, laakiin qaanuun ayay ku dhisan tahay oo daafac.
Casharka Saxaafadda
Inkasta oo aanay marinkeeda ahayn, oo la rabay in Warfaafintu ay
shaqadaas qabsato, haddana NISA waxay soo jeedisay eedeymo culculus oo ku
wajahan Saxaafadda guud ahaanba. NISA caddeyn ma soo raacin, laakiin
weriyayaasha qaarkood iyo idaacadaha iyo baraha Internetka qaarkood dadka ka
shaqeeya ama la macaamilay iyo weliba dadweynaha qaarkiis wey og yihiin in ay saxaafadda
ku jiraan qaar ku dhaqma si aan waafaqsaneyn anshaxa saxaafadda.
Bahda saxaafadda, waxaa la gudboon in ay fahmaan in inkasta oo weli
ay sharci darro iyo xad gudubyo ka jiraan dalkeenna, in haddana uu dalku ku sii
luudayo dhinaca sharciga. Marka waa in ay isbeddelkaas la jaanqaadaan.
Taas macnaheedu ma ahan in ay ka gaabsadaan khaladdaadka Dowladda ama cid kale ay ka galeyso dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waa in ay ka hadlaan
welibana ay tooshka ku ifiyaan ciddii xad gudub wadda. Laakiin taas waa in ay
sameeyaan iyaga oo xaqiijinaya in barnaamijkoodu uu dheelli tiran yahay,
ujeeddada Barnaamijkuna ay tahay in wax la saxo ee aanay ahayn in qof ama
hey’ad lagula diriro ama looga aargoosto.
Taas ulama jeedo in eedeynta NISA ay sax tahay. Laakiin waa in saxaafddu ay isa saxdaa, si mar kasta oo la qabto ay u noqoto in laga gardaran yahay.
Taas ulama jeedo in eedeynta NISA ay sax tahay. Laakiin waa in saxaafddu ay isa saxdaa, si mar kasta oo la qabto ay u noqoto in laga gardaran yahay.
Casharka Inta caddaaladda jecel
Dad badan oo ka qeyliyay xarigga labada weriye waxaan ku dhiirri
gelinayaa in mar kasta oo muwaaddin la xiro, ay u kuur galaan isla markaana ay
ka qeyb qaataan in muwaaddinka xuquuqdiisa la sugo lana marsiiyo waxa uu
sharcigu qabo.
Intii qof sharci darro ku xiran laga aammusi lahaa, waxaan ka door
bidi lahaa in laga qeyliyo qof kasta oo xariggiisa uu shaki ku jiro in uu
sharciga waafaqsan yahay. Waayo Dowladdu haddii ay qiil sharci ah u haysato
xarigga, qeylo waxba kama dhibeyso.
Dhaliisha koowaad waa sax (hal aragti ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka Universal). Laakiin kicin dadweyne ma dhicin ee xaqiiqda ayaa laga hadlay oo ah in dalku uu u gacan galay dowladda Itoobiya iyo Keenya oo dhoodhoobaya maamul goboleedyo, ciidamadooduna aysan ka amarqaadanin taliska AMISOM ama madaxtooyada, siyaasadda gudahana ku haya faragalin ba'an.
ReplyDeleteAragtida Abdulla waa sax mudane yousuf, dhaliisha 2aad macno ma samaynayso, maxaa yeelay iriga kicin in lagu eedeeyo xildhbaan ayada nafteeda ayaan waafaqsanayn sharciga.
Delete