Saturday, 14 November 2015

Wadatashi, ka hor Shirkii London ee 2012




Mas’uul sare oo British ah ayaa horraantii bishii January ee 2012 aniga iyo saddex khabiir oo ajnebi ah nagu martiqaaday Xafiiskiisa oo ku yaal bartamaha London. Waxaa uu su’aalo fara badan naga weydiiyay marxaladdii ay markaas mareysay Soomaaliya iyo waxyaabaha la saadaalin karay oo wakhtiyo kala duwan leh ayna ugu dheereyd waxa dhici kara 10 – ka sano ee socda.

Su’aalaha waxaa ka mid ahayd mid ku saabsan aragtida aan ka qabnay in Kenya ay militerigeeda u dirto Soomaaliya si uu ula dagaallamo al Shabaab.

Kulankaas oo ahaa mid aad muhiim u ah, ka hor inta aan UK marti-gelin shirkii London ee Soomaaliya oo uu ra’yigiisa lahaa Ra’iisal Wasaare David Cameron, afarteenna ruux ee su’aalaha la weydiinayay waxaan lahayn khibrad wadareed isugu jirta dhinacyada Soomaaliya, xiriirka caalamiga ah, falanqeynta  dhacdooyinka, odoroska, ka hortagga xagjirnimada iyo la dagaallanka argagixsada.  Mararka qaar aragtideennu wey isu dhoweyd mararka qaarna wey kala fogeyd.

Waxaan jecleystay in aan kula wadaago jawaabtii aan ka bixiyay su’aasha ku saabsan ciidanka Kenya in ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya.

Anigu kuma talinayo in Kenya ay ciidankeeda u dirto Soomaaliya. Kenya uma roona in ay Soomaaliya u tagto dagaal ay la gasho al Shabaab. Waayo? Shabaab hadda la joogo Kenya lama dirirsana. Sababtu ma aha Jacayl iyo naxariis ay Kenya u hayso. Laakiin Shabaab ayaan dooneyn in ay Kenya ka dagaallanto.

KDF oo madaafiicda goobta ku garaacaya Shabaab
Iyada oo ka faa’iideysanaysa musuqmaasuq iyo habab kale ayay Shabaab ka dhex adeegataa Kenya. Dhaawaca Shabaab qaarkiis ayaa la sheegaa in daweyn loo geeyo Kenya. Waxayna Kenya marin u tahay lacago, saanad iyo dad u socda Shabaabka Soomaaliya ama ka yimid.

In ay Kenya ilaa hadda ka nabad gashay Shabaab macnaheedu ma aha in ay Shabaab tabar u la’dahay in Kenya ay weerarto. Sababta ay Kenya u nabad gashay waxay tahay Shabaab oo aan dooneyn in ay isku soo jeediso indhaha hey’adaha amniga iyo kuwa socdaalka ee Kenya.

Kenya haddii ay Shabaab ku weerarto Soomaaliya, Shabaab waxay weerari doontaa Kenya. Khibradna uma laha Kenya in ay isaga daafacdo weerarrada argagixiso ee Shabaab sida ay Soomaalidu ugu babac dhigto. Si kale haddii loo yiraahdana weerar Shabaab ay ku qaaddo Kenya wuxuu noqon kari doonaa mid ka khasaare iyo xanuun badan mid ay ka geysato Soomaaliya.

Weerarro ay Shabaab ka geysato gudaha Kenya waxay dhaawici doonaan dalxiiska siiba kan xeebaha. Caasimadda in ay dakharro waaweyn u geysatana waa suurta gal iyo weliba meelo kale oo muhiim ah.

Amniga marka ay Kenya xoojisana, waxay saameyn ku yeelan kartaa Soomaalida Kenya oo qaarkood ay yihiin Kenyan, khasabna ay noqon doonto in ay dareemaan faquuq.

Arrimahaas oo dhan waxay dhaawici kari doonaan ganacsiga labada dal ka dhexeeya, isu socodka iyo weliba xiriirka labada dowladood.

Isaga oo kooban ra’yigeygu wuxuu ahaa Kenya si kale ha uga qeyb qaadato la dagaallanka Shabaab, laakiin yaanay ciidankeeda u dirin dagaal ay ka galaan Soomaaliya gudaheeda.

Taladaas waxaan dhiibay ka hor weerarkii iyo qabsashadii Shabaab ee Westgate, weerarradii Gaarisa iyo goobo kale oo Gobollada Woqooyi Bari ee Kenya ka tirsan, goobo ku yaal xeebaha Kenya iyo gaar ahaan waxa ka socda Mombasa.

Carwo Westgate, Nairobi oo Shabaab weeraray
Waa ka hor inta aan Soomaali joogta Kenya la raafin ee lagu xareyn Garoonka Kasaraani.

Waa ka hor inta aan hadalku ka taagtaagmin labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya inta aanuu haddana soo yara dabcin.

Waa ka hor inta Kenya aanay go’aansan in ay u baahan tahay in ay derbi ka dhisto soohdinta ay la leedahay Soomaaliya si ay isaga daafacdo khatar dhab ah ama la ismoodsiiyay oo uga imaan karta Soomaaliya.

Waa ka hor inta aan ciidanka Kenya hal askari looga dilin gudaha Soomaaliya. Waana ka hor inta aan dad badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood uu shacab yahay ayaga oo dalkooda jooga aanay ku dhiman gacanta ciidanka Kenya.

Waa ka hor inta aan labada dowladood iska dacweyn Hague iyo New York muran soohdinta badda awgiis.

Weli waxaan qabaa in Soomaaliya iyo Kenya ay isu baahan yihiin. In ay u baahan yihiin in ay iska kaashadaan dhinacyo badan oo ay amniga iyo socdaalku ka mid yahiin si ay deris wanaag ugu wada noolaadaan.

Haddana waa in ay ka feejignaadaan waxa shaki ku dhalin kara shucuubta labada dal iyo wixii shaki jiray sii xoojin kara.

8 comments:

  1. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  2. Run ahantii ma garanayo mid aan amaano , ma taladii aad dhiibtay 2012 mise sida kooban ee urursan kadibna naqshadeysan eed usoo gudbisay. Mahadsanid mudane ummaduhu weey abaal gudaan haba soo daaho mar marka qaarna wey abaal dhacaan nasiib darro oo dambiilihi looga digayey ayeey rumeystan waa markii wacyigoodu hooseeyo waxaanse ku xasuusin laha Samir Samir iyo Samir waa aakhiru Zaman Nabigu (CSW) noogasii digay inuu iman doono Saman Ninka Aaminka ah khaa'in loogu yeero Khaa'inkana Amiin loogu yeero waxana Zamankasi Caan ku yahay Dadka Cid walbaa ineey hadasho oo la dhegeeysto . Mahadsanid

    ReplyDelete
  3. Mudane taladaada waa talo toosan, aniga waxan qabaa Kenya inay dulleysatay dadka iyo dowlada Soomaaliyeed. Ku xad gudubka xuduuda dalka, duqeymaha joogtada ah ee goobaha rayidka sida ceelasha waa dhaqan ay caado ka dhigatay Kenya.Dal ku galka Kenya ma ahan mid u sahlan Soomaalida tusaale ahaan. Waxaan la yaabanahay waxa Dowlada Soomaaliyeed u diidan iney si dhab ah ula meel dhigto Dowlada Kenya cabashooyinka ay qabaan dadka Soomaaliyeed

    ReplyDelete
  4. Run ahantii ma garanayo mid aan amaano , ma taladii aad dhiibtay 2012 mise sida kooban ee urursan kadibna naqshadeysan eed usoo gudbisay. Mahadsanid mudane ummaduhu weey abaal gudaan haba soo daaho mar marka qaarna wey abaal dhacaan nasiib darro oo dambiilihi looga digayey ayeey rumeystan waa markii wacyigoodu hooseeyo waxaanse ku xasuusin laha Samir Samir iyo Samir waa aakhiru Zaman Nabigu (CSW) noogasii digay inuu iman doono Saman Ninka Aaminka ah khaa'in loogu yeero Khaa'inkana Amiin loogu yeero waxana Zamankasi Caan ku yahay Dadka Cid walbaa ineey hadasho oo la dhegeeysto . Mahadsanid

    ReplyDelete
  5. yusuf adiga marka aan aqriyey qoraladaada waxan ka fahmey inaad wax walba aad shegto, lakin aysan dadku fahmin inta fahan tanah ay wayan qaab ay uga jawaban
    tusaale ahaan fikirkan aad dhibtey 2012 hada inad so qadatoh maxa keney waxan qiyasa yaa qeylodhanta socotah hada ayaa ugu wacan oo waliba aad rabtoh inaad kajawabtoh lakin aad qab mas,uul uga jawabeysoh ogow nah talo waxey faraka baxdaa markii wadan uu damcoh wadan kale waxa dhaxal u ah,, hadalwalba oo aad wanaajisaa guux aad uga soo hor jedoh kama marna
    marka guuxa cadeeh oo ha qarin sida shacabka ama abwaanada mahad sanid waa fikirkeyga

    ReplyDelete
  6. Nin talo la waydiiyo waad runtii. Laakiin soomaali inay kaa faaidaysato laga waa.

    ReplyDelete
  7. Anuu Hal mid baan ogahay in Wixi 1990s ki ka dambeeyey qof kii la amaanayona qabiil lagu amaano Ama koox, qof kii la caayayona qabiil lagu caayo Ama koox.
    Waxan ka wada kan ku amaanaya isku qabiil ba tihiin Ama isku koox, kan ku caayayana kala qabiil ba tihiin Ama kala koox.
    Waxan sugayaa xiligii qof ku amaan ta Qalbiyada dad aysan isku Hayb iyo koox ahayn kala soo bixi lahaa!.

    ReplyDelete
  8. Anigu Yusufoow Hadaan Fiiriyey Hab Dhaqanka Siyaasadeed Ee Wadamada Deriska Marka Laga Reebo Djibouti Oo Walaalaheen Ah Ma Qabo Inay Aqoonsanyihiin Dawladda Soomaaliya Mana Doonayaan In Soomaali Cagaha Eda Dib Danbe Isugu Taagto Waxaase Taas Ka Dhoohan Inta Badan Madaxdeena,Xukuumad & Baarlamaan Oo Intooda Badani Tamashle & Wadiiqo Ay Dunida Kale Danahooda Gaarka Ah Ugu Sii Maraan Marka Laga Reebo Shirar & Sominaarro Aan Inta Badan Dalka Faa,iido Weyni Ugu Jirin

    ReplyDelete