Monday, 21 December 2015

Afar iyo Bar

Bole, Addis Ababa
Bishii Sebtember 1999 ayay ahayd markii Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo xilka hayay dhowr bilood uun, uu ka istaagay magaalada New York shirka Golaha Guud ee QM (Qaramada Midoobay). Wuxuu ku dhawaaqay in Djibouti ay fidineyso gogol Soomaalidu ay dib ugu heshiiso ugana tashato aayaheeda.

Ogow markaas Soomaaliya ma laha Dowlad, xataa mid lagu muransan yahay ma jirto.

Ethiopia isla goobta ayay markiiba ka sheegtay in ay taageersan tahay shirka ay Djibouti u qabaneyso Soomaalida. Shirka Golaha Guud ee QM ee 1999 waxaa Ethiopia matalayay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Seyoum Mesfin. Khudbaddii uu akhriyay Wasiirku wuxuu ku sheegay in Ethiopia ay taageersan tahay Shirka Soomaalida ee ay Djibouti ay ku dhawaaqday.

Kulammo badan oo aan diblomaasiyiin iyo hoggaamiyayaal siyaasadeed kula yeeshay Addis Ababa iyo Djibouti waxaa iiga soo baxay in Djibouti shirka ay dooneysay in ay u qabato Soomaalida aanay kala tashan kana wargelin Ethiopia ka hor ku dhawaaqiddiisa.

Ethiopia waa dal muhiim ah oo la deris ah Soomaaliya iyo Djibouti labadaba. Waana dal hadday noqon lahayd galaangalka Afrika iyo haddii ay noqon lahayd isa saameynta siyaasadeed iyo tan amni ee kala dhaxaysa Soomaaliya iyo Djibouti, ay taageeradeeda shirku aad muhiim u tahay.

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu u socdaalay Addis Ababa. Wuxuu codsaday in ay Ra’iisal Wasaaraha isku arkaan gegida dayaaradaha. Markii ay ku kulmeen garoonka Bole ee Addis Ababa, ayuu Madaxweynaha Djibouti wuxuu Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia guddoonsiiyay gal ay ku jirto faahfaahinta Shirka ay Djibouti damacsan tahay in ay ku qabato Carta. Madaxweyne Ismaaciil wuxuu weydiistay Ra’iisal Wasaare Meles in uu soo derso qorshaha Djibouti ee shirka, wuxuuna ka codsaday in Ethiopia ay Djibouti ku taageerto shirka iyo natiijada ka soo baxda.

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi, isaga oo aan akhrin ayuu aqbalay in uu shuruud la’aan ku taageero shirka ay Djibouti u qabaneyso Soomaalida, iyo wax kasta oo ay Soomaaliya ku taageereyso.

Warkaan waxaan marka hore ka helay ilo sare oo Ethiopian ah, maalmo ka dibna xeyndaabyo Djibouti ah ayaa la iiga qiray xogta aan Addis Ababa ka soo helay.

Inkasta oo aanan dhinaca Ethiopia ka maqal, waxay ilo reer Djibouti ahi ii sheegeen in kulanka Bole uu Ra’iisal Wasaare Zenawi ku codsaday in aan la duudsin dadka qaar.

Berigaas ciidammada Ethiopia waxay ku sugnaayeen degaanno ka tirsan Gobolka Baay oo ayaga oo gacan siinaya malliishiya degaanka ah, ka saaray ciidammada Caydiid oo xoog ku haystay degaanka.

Geelle wuxuu halkaa Zenawi ugu ballan qaaday in si siman ay wax u heli doonaan qabaa'ilku.

Taas waxaan u haystaa in ay ahayd markii ugu horreysay ee ay hoggaamiyayaasha Gobolku ay ku heshiiyeen in Soomaalida si siman wax loogu qeybiyo isla markaana ay Djibouti meel marisay. 

Waxaan anigu u macnaystay curashada 4.5 in heer Qaran wax loogu qeybsado in ay ka timid kulanka labada hoggaamiye ee Bole. Inkasta oo ra’yiga 4.5 markaa ka hor laga dhawaajiyay la iskuna dayey in la hirgeliyo haddana wuxuu ku koobnaa hoggaamiye kooxeedyo gadoodsan iyo aqoonyahanno aan awood fulineed lahayn.

Laga soo billaabo Baarlamaankii lagu dhisay Carta 2000, lagu xijiyo kii lagu dhisay Kenya 2004 oo haddana lagu kabay mid kale shirkii Djibouti 2009 iyo Baaralamaanka hadda jira ee lagu dhisay Muqdisho 2012 dhammaantood waxay ku salaysan yihiin afar qabiil oo kuraasta u qeybsaday si siman iyo qabaa’il la isu geeyay oo la siiyay kala bar kuraasta afarta qabiil mid kasta oo ka mid ahi uu qaatay.

Maaddaama maalmahaan ay dhinacyada qaar ka dhawaajiyeen in ay rabaan in laga guuro 4.5, dhinacya kalena ay ku dheggan yihiin waxaa igu dhashay su'aalo badan. Marka aan ka fekerayo jawaabaha su'aalaha igu dhashay, waxaan rabaa in aan kor u fekero si aad ii maqasho oo fikir aan isugu darsanno. Maanta waxaan dhiraandhiriyey halka lagu go'aamiyey in si siman wax loo qeybsado. Qormooyin kale ayaa xigi doona.

Nidaamka 4.5 oo dadku ay inta badan ay af Ingiriis ku sheegaan waxaa uu ka mid noqday sharciyada aan qorneyn ee Soomaaliya looga dhaqmo. Maxaa laga faa’iday? Muxuu cillado leeyahay? Ma la joogaa xilli ay tahay in laga gudbo? Ma naqaan nidaam ka fiican oo aan ku beddelno? Ma la diyaariyay meel looga guuro?

Su’aalahaas iyo qaar kale waxaan ku eegi doonaa qormooyinkeyga soo socda, haddii Allah idmo.

67 comments:

  1. Fadlan aragtidaada ama faalladaada halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Md. yusuf Garaad waa mahadsantahay ka dib markii aan arkay qorlaakaaga nidaamka 4.5 ma aha nindaam fiican waagii hore na dadka oo dhan laga qaygalin ee hawshas waxaa wata dad dano siyaasad leh oo awrka ku kacsanayey, maanta waxaa jirta in dadku ay donayaa in wax lagu qaysado nidaamka degaanka oo dadku ay u u arkaan in degaan wax lagu qaybsado ay muhiim tahaywaana waxa aan laga maar-mayn degaanku waxaa ka soo baxay in ay tahay wax la isku halaynkaro( cilada uu leeyhay waxaa ka mid qofka lagu soo doortay nidaamka 4.5 nin ka nixi maayo wuxuu qaadayna lacag ama laaluul taaso umada soomaliyeed maanta dib udhigtay

      Delete
    2. Marka hore aad baad u mahadsantahay yuusuf. 1)4.5 maxaa laga faa'iiday? Hadiiba nidaamkan(4.5) faa'iido leeyahay waxey noqoneysaa faa'iidadiisu a)in dadku laqabsaday: micnaha maadaama muddo lagu soo dhaqmayay, dadku waxey u heystaan inuu yahay hab marka uu maqlo in wax lagu qeybiyay uuna su'aal kale keenin ee ay sax lanoqoto. B)waxa kaloo faa'iidadiisu tahay inuu kahowlyaryahay marka layiraahdo wax hallagu dhiso taasoo micnaheedu yahay inuuna process aheyn. C)ugu dambeyn waxaa habkan kutilmaami karaa,inkastoo statistical base jirin, in sawir ahaan habkan u dhaw yahay dheelitirka sida ay umuuqdaan qabaa'ilka soomaalidu kakoobantahay. 2)MAXAA CILLADO AH? a)Dowladnimada,oo micnaheeda saxda ah yahay in dadka loo adeego, ayuu kadhigayaa sida hanti dhaxal ah oo markasta ay qasabtahay in la dhowro miizaan qabiil. B)beelaha qaar oo aan sidiisaba ku qanacsaneyn sida kuwo laga dhigay 0.5ka. C)iyo isaga oon kufadhiyin xaqiiq cilmi ah oo tilmaameysa in soomaalidu sidan isula egtahay tiro ahaan.

      Delete
  2. Waad ku mahadsantahay xogta qarsoon ee Bole Airport. 4.5 - Afar dhibic shan, waxaa ka wanaagsanaan laheed 5 beelood oo siman balse haddii laga guuro saamigaas, 0.5 kuwa hadda loogu yeero oon u arko iney qalad tahay, waxay heli doonaan wax kayar inteey hadda heystaan, sababtoo ah majirto wax damaanad qaada oo ey heystaan. Sidaasi darteed haafkooda haiska qaataan intii xalkale imaan doono. Haddii laga guuro ee deegaan loo guuro dalkoodhan nabad ma ahan, qeybta shabaabka iyo somaliland doorasho kama dhici karto. Maamul goboleedyaduna ma doonayaan iney doorasho deegaan hirgaliyaan, waxay jeclaan lahaayeen, ineey iyagu sooqortaan cidda heer federal umataleysa.

    ReplyDelete
  3. Somalida 80% diinta wey ilaalisa mahe kuma dhaqanto 4.5 macnahedu waa nasab mahid illahow so hadey somali aamiin

    ReplyDelete
  4. Somalida 80% diinta wey ilaalisa mahe kuma dhaqanto 4.5 macnahedu waa nasab mahid illahow so hadey somali aamiin

    ReplyDelete
  5. Asc yuusuf garaad waa laga guuri karaa sxb hadii lahelo dib u hishiisin dhab ah ay somali ledahay iyo leadership dalka iyo dadka dacad u ah umadan kala carareyso iyo kena 4.5 qashinka lagu darayaa

    ReplyDelete
  6. Nidaamka gobolada iyo degmooyinka oo sad bursi ku dhisan, qabaa'ilka qaar loo badiyay qaarna lagu yareeyay, ayaa keenay in 4.5 wax lagu qaybsado.

    Asalka burburka somaliya ayaaba ahaa cadaalad daro dhacday 30-kii sano ee dawlada la ahaa. Ma ogi in kii dheeraad helay iyo kiu intii uu xaqa u lahaa waayay ay gaareen/gaari karaan, in cadaaladu kaligeed xal waara keeni karto!


    ReplyDelete
  7. Yusuf waad mahadsan tahay,waa qormo xiiso leh, 4.5 anynu ku wareernay saw Bole Airport ayuu ka bilowday. Aniga waxay ila tahay labada hogaamiye mar labaad ha ku kulmeen Bole Airport, hanna la yimaadeen wax lagu bedelo 4.5.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Taasi waligeed dhici mayso. Mid labada ka mid ah dhimay!

      Delete
    2. Taasi waligeed dhici mayso. Mid labada ka mid ah dhimay!

      Delete
  8. Yusuf waa arin wanaagsan lakiin waxay isweydiintu tahay Maxaa faaido ugu jira kuwa ku dhegan in 4.5 la haysto maxaa faaido ah oo ugu jira 1°? Tankale anigu aragtideeyda 4.5 waa wax Qaldan ee tan kaliya ee Somalia ay dib ugu soo noqonkarto waa in Gobolada laga soo doorto Xildhibaanada.sida tii 1960 iyo destuurka oo sida ugu dhaqsiyaha Badan lagu dhameeystiro ama la haysto kii 60kii. Cadaalad Cadaalad Cadaalad Ayaa Maqan Soomaaliya!

    ReplyDelete
  9. Wa gaweeto .runahanti mar xalada lagu jiro wa mid aan wali laga gudbin 4'5 waxaysa ila tahay markii dalka amni fican lo helo in laga gudbi dono maxa yelay dhulka intisa badan lagama so codayn karo sababo amno darteed

    ReplyDelete
  10. Mahadsanid Yusuf waa qormo kulansatay xog iyo xasuus. Dhanka kale iyo waydiimahaaga 4.5 waa wada cilad iyo cadaalad daro soocan waxayna ila tahay haa oo waa lajoogaa markii laga gudbi lahaa taasi waa mid, tan kale waxay tahay waxa looga gudbayo oo ah nidaam deegaan oo cadaaladda iyo xaqsiinta laxeeriyo. kumasii jiri karno tusmayntii Gelle iyo Melles, waamarkaynu yeelan lahayn nidaam inaga inaka yimid oo dimuqraadi ah ama wax lawadaaga.

    ReplyDelete
  11. Runtii waxbadan ayaa naga wadaagtat sxb, aad ayaa ugu mahadsantahay 100%. Yuusufoow, hal mid ayaa kugu darsan lahaa, taariikhdii Soomaaliya ama soomaalida waa baaba'aysaa, dadkii aqoonta ulahaana qaar dhintay iyo qaar da' noqday ayay noqdeen ee maa qortid taariikda Soomaaliya haday ahaan lahayd dadka, beri iyo badba IWM.

    ReplyDelete
  12. Burhan Ali.

    Mahadsanid Yuusuf. Anigu waxaan nidaamka 4.5 ee soomaalidu ku dhaqanto u arkaa sixir aan sixir-furyo loo hayn.

    ReplyDelete
  13. Marka Hore aad baan kaaga mahad celinayaa sida aad noogu faa'iideysay. Maan ogeyn qormadaada ka hor mesha laga keenay 4.5. Inkastoo ha la Iska guuro aney talo aheyn, waxaan qabaa in aan sahan dirno oo geedi loo Tabaabusheeysto. Balse yaa sahminaya? Makuwii keenay mise kuweey wax u meeriyaan? Mise qolo horloo inoo Dow ah. Yusufow bal mar u kuur gal odoyaasha qormna ka keen hadey suurto galtahay.
    Intii aqrisay codsigaa ila gudboya hadey faaido noogu Jirto ka aqristo ahaan.

    ReplyDelete
  14. Maxuu fa.iido noleeyahay ama qasaro 4.5 hadan falaqeyno wax faaida nomalahan waxeyna sii siyadineysa liidida madinka lamana jogo gortii deegameysi lagu qeybsan lahay barlamnka madama aan deegamda qaar eysan gacanta dowlada ku jirin iyo deegama qaara oo mamulada kajira eysan ogoleyen dowlada faderalka waxey igulaa ha boon tahay in qaab qabiil loqeybsado aydoo qabiil bar ah eysan jirin somalidu waa shanqabiil ee shanta qabiil wax halgu qeybsado qabiilka hada .5 laleeyahay waa qabilka ugu dhulka weyn uguna tirada badan somalida

    ReplyDelete
  15. Asc, 4.5, Waa Qabyaalad shaar loo Xiray! Waa Jabhadihii iyo Hogaamiye kooxeed yadii oo lugu sii Abaal mariyey Dambiyadii ay Geysteen!
    Waana Taariikh Madow oo Dib u qormeysa.

    Su'aal miyaa ku jirta in Qabyaalad laga guuro?
    Ma shaki baa ku Jira in ay Qabyaaladdu tahay Nidaam la isku dhaqo kan ugu liita?
    Ma fahmi Karo Qof ahaan Yuusufow waxa aad su'aalahaaga, Jawaab ugu weydey!.

    ReplyDelete
  16. Asc, 4.5, Waa Qabyaalad shaar loo Xiray! Waa Jabhadihii iyo Hogaamiye kooxeed yadii oo lugu sii Abaal mariyey Dambiyadii ay Geysteen!
    Waana Taariikh Madow oo Dib u qormeysa.

    Su'aal miyaa ku jirta in Qabyaalad laga guuro?
    Ma shaki baa ku Jira in ay Qabyaaladdu tahay Nidaam la isku dhaqo kan ugu liita?
    Ma fahmi Karo Qof ahaan Yuusufow waxa aad su'aalahaaga, Jawaab ugu weydey!.

    ReplyDelete
  17. Mahadsanid Mudane Yusuf, Hannaanka 4.5 marka laga yimaado koley waa qorshe aan marxalad adag kaga soo gudubney, tijaabibey kuna soo dhaqanay waqti nagu filan. Cilado badan ayuu yeeshay oo kala qaybsanaan bulsho iyo hoggaan xumi ah. Waxaa bulshadii hoggaan u noqday dad aan u qalmin iney wax hoggaamiyaan waxaana caawinay hanaankaan 4.5-ka oo xaq siibaya oday dhaqameed aan awood kadamysa iyo mid ka sareysaa jirinba. Hadda wey qurxoobtahay inaan ka guuro balse meel aan la sahmin in loo guuro iyana waa kasii xanuun badan tahay taas. Hannaanka deegaanku waa ka duwanyahay kan 4.5 waana kan hadda la dooran karo sey ila tahay, habkani wuxuu baahin karaa awooda shacabku u leeyihiin xulista iyo doorashada waa hannaan isaga laftiisu ka fiirsashi iyo faaqidid u baahan.

    ReplyDelete
  18. Waa arin fiican oo ubaahan in laga hadlo. Runtii waxay ila tahay in looga bixi karo misna looga gaari karo horumar halka maanta la joogo. In la sameeyo arin iloowsiinayo ereyga qabiilka la nambareeyey ee ah 4.5-ka. Waan wada garanaynaa af somaliga wax lagu dhaho qabiil waa qabiil.Afka english-kana waa tribbelism, laakin waa afkii latin-ka ayaa loo nambareeyey dadkega somaalida ahna way usii xiiso qabaan, markaa goortii ay gartaan oo ay fahmaan bey dooran doonaan in kooxeysi iyo qabiileyso iyo goboleysi inTuba aanu kujirin horuMark dalka iyo dalinyarta.

    ReplyDelete
  19. Yuusuf qormadaada eel bay u raran tahay oo u liicdaa markaa sidaa daraadeed bal garba siman kadhig rayiga markaasaa laguula wadaadi karaa tallada. bal dib u milicso qoraakaaga oo aan kasoo qaaday intaan yar."Nidaamka 4.5 oo dadku ay inta badan ay af Ingiriis ku sheegaan waxaa uu ka mid noqday sharciyada aan qorneyn ee Soomaaliya looga dhaqmo. Maxaa laga faa’iday? Muxuu cillado leeyahay? Ma la joogaa xilli ay tahay in laga gudbo? Ma naqaan nidaam ka fiican oo aan ku beddelno? Ma la diyaariyay meel looga guuro?"
    Waxaad ku bedeshaa. Ma waan la helli karayn nidaam ka wanaagsan???

    ReplyDelete
  20. S/C Yuusuf , waxa aan arkaa 4.5 waa shirqool iyo dhib soomaali loogu tala galay , fadlan hadalka soo socda aad u dhuux .. labadeena gacmood (calaacasha) waxa ku yaala 18 iyo 81 , hadii aad isku dartid waa magacyadda ilaahay (81+18=99) hadii aad kala jartid waa cimrigii uu nabi muxammad -slcwm- ku geeriyooday (81 - 18=63) haddaba hadii aad isu qaybisid maxaa kasoo baxaya ??!! 4,5

    waa maxay micnaha aan halkaas kala soo bixi karnaa ? si aan u fahano waa in aan magacyadda ilaahay dib ugu noqonaa , magaca 18 waa الرزاق Al-Razaaq , goboladii soomaalya markii ugu dambeesay waxa ay ahaayeen 18 ...
    dhanka kale magaca ku beegan numbarka 81 waa المنتقم Al-Muntaqim oo micnehedu yahay aar goosi ?!!

    waxa aan u maleenayaa in 4.5 loo bedelo 5 dan baa ku jirta sabab waxa aan uga dhigayaa : shantii soomaalya - magaca ilaahay ee 5 waa القدوس oo ah barako iyo daahir nimo - salaadu waa 5 - cilmiga nambaradda waxa la yidhaahdaa waa ilaalin iyo balance ama miisanka oo siman daliilna waxa looga dhigaa faraha - waa nambar lagu wada simanyahay oo aan cid lagu yaseen - waa nambar aan laba u qaybsamin oo hadii 2 israacdo 2 kalena is raacdo kan shanaad meesha uu raaco ayaa badan . ilaahay ayaa wax og

    ReplyDelete
  21. 4.5 iyo habka deegaanku midna cadaalad maaha sababtoo ah habka 4.5 dad baa nus laga dhigay waana qalad habka deegaanku cadaalad maaha sababtoo ah dawladii keligii taliye siyad bare degmooyinka uu magacaabay waxaa loogu talo galay in adeegyada bulshada la baahiyo Lkn degmooyinkaa looguma talo galin in xildhibaano laga soo doorto tusaale dadka beeralayda ah shabeelada hoose ku nool ayaa ka dad badan dadka ku nool gobolka Bari oo inta badan xeeb iyo banaan ah Lkn degmooyin ahaan waxaa badan gobolka Bari xalkuna waa in tirokoob sax ah Dalka laga sameeyaa gobol walba tirada dadkee ku nool lagu jaangooyaa tirada xildhibaanada ka soo bixi kara

    ReplyDelete
  22. Yusuf Nidaamka Afar iyo Bar waa nidaam qaldan oo dadka barka la isugu geeyey waxaa ku jira qaar aan laga tiro badneyn oo ay ka mid yihiin Jareerweyne, in aysan hub qaadan ayaan Bar-ka badday.
    Dadka haatan leh Degmo wax ha lagu qeysado si siman, waa cadaalad darro labaad, waayo degmooyinka dadka degani ma sinna, waa ay kala tiro badan yihiin.
    Sida saxda ah waa in tirada guud ee dadka Soomaaliyeed loo qeybiyo 275 xildhibaan, kaddibna degmo walba ay heshaan inta xildhibaan ee ay tirada dadka ah ee ku nool ay xaqa ugu yeelato.

    ReplyDelete
  23. Haa, waa laga gudbi karaa 4.5 haddii Soomaalidu ay diyaar u tahay ama hesho cid ku hoggaamisa inay meel iska saarto laba arimood oo is huwan. Labadaas arimood waa kuwa aan u aanaynayo inay markii horeba sabab u ahaayeen nidaamkan kheyrka daran ee 4.5 iyo kan ay mataanaha yihiin ee federalism ka. Labadaas arimood soomaalidu waa soo martay xilliyo ay iska yareysay oo gaarsiisay heer la xukumi karo. Labadaas arimood waa qabyaaladda iyo ku xidhnaanshaha shisheeyaha cadowga ah. Xilliyadii ay Soomaalidu tijaabisay inay xumadda qabyaaladda yarayn karto danguud wax ka qabsan karto waxaan ka xusi karaa:
    1. Xilligii Axmed Gurey
    2. Halgankii Daraawiishta
    3. Kacdoonkii SYL
    4. Kacaankii barakaysnaa/aan barakays nayn
    5. Kacaamadii urur diimeedyada
    6. Xilligii maxaakimta
    Soomaalidu hadday rabto haddaba inay is furdaamiso haka tashato sidii qabyaaladda oo khafiifin lahaa, cadowga shisheeye isagaa markaa iska hulleelaya.

    ReplyDelete
  24. Waxaan qaba lama joogo xiligii laga guuri lahaa maxaa yelaay sababta lo sameyay ma dhamaan dadku ma codeyn karaan hada hadii la yirahdo waxaa wax lagu qeybinaya degmo waxey la mid noqoneysaa tii jubbland Iyo koonfurgalbeed ee degmooyiin dadkii laha ma ehee dad kale lo qoray qolyaha logu yeero o.5 kana inta ay heystaan wey wayii donaan sido kale laba beelood òo ka mid ah kuwa hada afarta buuxda ka mid ah iyagana waxey la mid noqonayan 0.5 ka sida dirta iyo digiil iyo mirifle oo awooda waxaa isku qabsan doona kuwa waxey heysten wayay iyo kuwa wax dheeraad ah helaay anigu waxey igula qumaan tahay in nuska la buxsho inta quf iyo cod ay ka noqoneysa hadii kale is jiid jiid cusub aya noo bilamaayo

    ReplyDelete
  25. Yuusuf. Arrinta si caddaalad ah, markaad ku cabirtid baad Soomaali oo dhan ka helaysaa fikir isu dheelitiran. Balse ma aqaan haddaad dad gaar ah, la hadlaysid.

    ReplyDelete
  26. Yuusuf. Arrinta si caddaalad ah, markaad ku cabirtid baad Soomaali oo dhan ka helaysaa fikir isu dheelitiran. Balse ma aqaan haddaad dad gaar ah, la hadlaysid.

    ReplyDelete
  27. Waan Ku salaamey sxb Yuusuf, marka xiga 4.5-Ku waa Ka horeeyey shirkii Carts, waxaa keeney wadaado Ku noolaa dalka dibadiisa waliba Soomaaliya can Ka ahaa, island markaana Ka mid noqdey beelaha .5-Ka lagu qanciyey kasoo jeedey!!
    Isagu qaadashada fikirka waxaa kala weynaa in xal LA help.

    Taasi waa mid cadeyn Ku filana waan hayaa xiliga loo baahdo, laakiin ninja doonaya in xiligan lava gudbo Aad buu waqtiga isaga dhuminayaa.

    Sababtuna waxay tahay. Beelaha .5-Ka lagu qanciyey, waxay degaan dhul ballaaran oo misana hodon ah, haddana federaalku dhul in at leeyihiin umma ogola...!!

    Haddii LA yiraahdo, 4.5-Ka halagu qeyb-sadp, maanta wey Ka soon horjeedaan, waayo shaley awooda hubka ayaa lagu caburiyey, maantana iyagaa Dadka caburin doona haddaan wax lava bedelin soda ay wax u socdaan.

    Waxaa kale oo taagan su'aal kale oo aan weli LA is-weydiin soda baarlamaankii 550 Xildhibaan ahaa ee 2009-Ka uu ansixiyey waxaa jira in dalka lagu dhaqo shareecada islaamka wali qodobkaas waa taagan yahay cod wax iska weydiisey ma jirto maalintuu banaanka soon baxo wax badan oo LA qarinaayo ayaa soon burqandoona...!

    Anniga waxaan Ku talinayaa,

    1-In dastuurkan jacburka gebi ahaan LA iska tuuro isla markaana la qaato dastuurkii 60-ka.

    Sababtoo ah, wuxuu xalinayaa wax badan oo Ummadda Soomaaliyeed halis ugu jirto Berri, Badd iyo Hawadda.

    2-Qodobka labaad wuxuu Ku adkeyn lahaa inta LA iska joojiyo dhismo beeleedyadan faraha badan ee hantida iyo waqtiga lagu luminayo so Qaranka loo badbaadiyo waa in Ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliya dhismahooda LA add-keeyaa, isla markaana waajibaadkooda wadanigga ah faraha loogeliyaa lagana saaro ciidamadda Ajnabiga ah ee dalka ski hagaasinaya.

    3- Haddaan labadaa arrimood awooda LA saarin, doorasho LA sugo iska daayee taladda dalka ayaa mustaqbalka Madaxa loorogi, haddii loo baahdo waan idiin soon bandhigayaa.

    Waayo, maxaad doorasho Ku geleysaa dalkuba waa lagula leeyahaye, hal maamul oo diida doorashada, wuxuu awood siinayaa ciidamada ajnabiga ah ee jooga.

    Addiga Yuusuf ahaan, waxba waqti ha isaga lumin qormadan sababtoo ah, annigaa wax badan baarayey oo xitaa codadd, muuqaallo iyo qoraallo badan Ka keydiyey, haddii madaxweynuhu uu tallada kaa doonayo xaqiiqadda dhabta ah waa intaas.

    Sannafka u Harry labadaas qodob fulintooda awooda ha saaro soomaali wey u aayi arimahaasi, isagana wuu u aayi.

    Mahadsanid.

    By; Maxamed All-man Minnesota, USA.

    ReplyDelete
  28. F.g;- iga raali ahaada ereyada qaarkeed waxaa IGA Haley erred, waayo. Mobile Ayaan khadka ugu jirey, laakiin waxaan u maleynayaa in LA fahmi doono.

    ReplyDelete
  29. 4.5 in ay fool xumo iyo caddaalad darro tahay somalidu badan keedu way qirsan tahay qaab kii looga guuri lahaana waxay u baahan tahay diyaarin iyo geesi nimo anigu waxaan qabaa inta xaal si noqonayo in deegaan wax lagu qaybsado oo gobol kastaaba dhawr xubnood la siiyo xubnahaasna loo qaybiyo dadka gobolka daga reer kay doonaan ha noqdeen eh kollay markaas waxaa imaanasa xanuun ay soomalidu aad uga baqdo oo ah reer hebel baa u badan baarlamaanka ! deegaanada ay wax ka degaan dadka nuska la siin jirayna waa in si hufan wax looga siiyaa oo aan la odhan idinka waa la idinka xoog badan yahay
    mahadsanid qoraa yuusuf iyo asxaabtaba

    ReplyDelete
  30. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  31. Somalia ma ahan dad tashan kara hadday tashadaana maahan kuwa wax wanaagsan meel isla dhigi kara. 4.5 si looga gudbo waxaa ila haboon in 5 qabiil oo buuxda wax lagu qaybsado oo siman awoododuna isla egtahay. Waxa kaloo laga dhawaajiyay habdeegan in wax lagu qaybsado. Deegan waxaa kajira muran xoog leh oo la iskuma waa faqsana meelaha qaar cidda sida rasmiga ah u leh taasina mushkila hor leh ayay abuuri kartaa.
    Nabadeeey.

    ReplyDelete
  32. Kud u guur oo qanjo u guur waa 4.5 nidaam kaasi somali markii ay meel ka guurto ayaa meel kale aka loo galiyaan markii dagala diidday so keena aya ka soo gudubtay 4.5 ayaa ku xigtay imika faderal ayaa ku xiga waa wax aynu aqoon u lahayn somali iyadoo tashato mooyee wax kale ma jiro

    ReplyDelete
  33. asc marka hore iga gudoon salaan sare mudane yusuf garaad marka xigta hadaan ka dhiibto fikradayda dhoor suaal oo aad soo dhex dhigtay bahweynta somaliyeed ee ah 4.5 insha allahu inta karaan kayga ah waxaan jeclahay fikrad aan ku dhisnayn qabyaalad inaan ooga jawaabo
    suaasha koowaad oo ah maxaa laga faaiidey ? waxaan qabaa in aan wax aan bur bur iyo is naceeb iyo kala fogaansho aan laga faaidin suaasha labaad oo daba socoto suaashii hore oo ah muxuu cilad leeyahay ? runtii cilada badan ayuu leeyahay ciladahaas oo ka mid ah in somali laka qaad qaado oo laga yeelo qoomiyad kala duwan oo iskutimid halka aan ka nahay hal qoomiyad oo hal diin iyo hal dhaqan ah leh intaas hadaan ooga gudbo suaasha 3 aad mala joogaa xili laga gudbo ? maya lama joogo xiligii laga gudbi lahaa suaasha 4 aad maya meel loo guuro lama hayo inta laga dhisaayo ciidan qaran oo aad u xoogan ciidan kaasoo isku dhaf ah qabaailada somaliyeed ee walaalaha ah balse hada waxaa loo kala xiran yahay 4.5 taasoo ahayd in somali lagu kala dillo balse waxaa uu wadan kaan u baahan yahay muwaadiniin mideyso dad kaas la kala gooyay ee walaalaha ah run ahaantii waxaan leeyahay mar walbaa somali ha midowdo qof walboo somali ah na waa qof ahlu diin ah waa inuu ilaahay u laabtaa marka labaad na uu u istaagaa siduu wadan kiisa u dhisan lahaa oo looga gudbi lahaa qabyaaladan na aafeysay ilaahay waxaan ooga baryayaa dhamaan somalida inuu quluubtooda isku soo dumo mahadsanid walaalkeen mudane yuusuf garaad

    ReplyDelete
  34. Mahadsanid Yusuf. Nidia ka 4.5 sidaan u arko waa xalka kaliya ee hadda Somalia kuhaboon duruufaha hadda jira owgeed waxaa kamid ah.
    Somaliya oo wali qabiilka ku xeertanta xaga sare ee Dowladda iyo xagga hoose ee shacabka beled iyo badiyo intaba.
    Iyada oo aaney wali cadeyn waxa lagu sheegay federal! Ma qabiilkii oo magaca laga bedelaybaa?, ma aas aas ama gogol xaar dowlado cusub ee caalamka kusoo biirayaa?, mase dalalka dariska ah baa leh oo gobolo cusub u yihiin?.
    Midda ugu danbeyso oo ah deegaan oo lafteeda kusoo biyo shubaneyso qabiilada qaar iney deegaan sheegtaan halka kuwa kalene la sheeg aan oo markaas sababi karta isjiid jiid cusub oo hor leh.
    Sikastaba Somaliya ilama ah wax kale oo dhaamo habka qabiilka ama 4.5 hadda lajoogo ineysan jirin.

    ReplyDelete
  35. al ustath yusuf anigu 4.5 hal macno ayaan ka fahmay macnahaasna waxaan rabaa in aan tusaale u soo qaato. tusaale 4ninbaa meel dagan nin walbaahina qoyskiisu wuxuu ka kooban yahay 8 qof nimankaas afarta ah waxaa la dago laba nin oo small family ah calaa nin qoyskiisuna ka kaaban yahay 2 qof haddii la isku geeyo labadaas nin family population koodana uu ka kooban yahay 4 qof, ok labadaa nin iyo afartii kale waxay qaybsadeen lacag $100 si cadaalad ah haddii loo qaybsho waa in 4ta nin ee large family population ka ahi ay qaataan min $20 halka kuwa familkoodu uu yaryahayna ay qaadanayaan min $10 isku gayna labadoodu ay kuhelayaan $20. sida darteed, usthat yusuf haddii barnaamijkaan 4.5 uu ku yimi qiyaas lagu sameeyey family population ka somalia xaqiiqatan waxaan aaminsanahay in haddii xitaa one man one vote la yiraahdo ay suurta gasho xitaa in 0.5ku uu jiraayo. lakin haddii 4.5ku uu ku yimi markii hore beelo hubaysan iyo kuwa aan hubaysnayn ee uusan ku imaanin familo kala dad badan waa other issue. kiliya mida aan aaminsanahay in looga gudbi karana waa hal qof iyo hal cod. tusale haddii layiraahdo dagmooyin iyo gobolo halagu soo xulo hadda xubnaha baarlamaanka sababtii 0.5ku ku yimidna ay ahayd dulmi iyo kaa xoog badni, isla hadaba dagmooyinkii iyo goboladii waa la isku dulmaa cidii wax dhici jirtay uumbaana dhici. lakin haddii la yiraahdo qof walba iyo codki qolo walbaahi ayada ayaa ku qanci doonta halka wadanka ay ka joogto.

    ReplyDelete
  36. 4.5 iyo midka kale aan ugu magac daray sad bursi (waa 4.5 oo dadban runti ) somali hadey cadaalad rabto si siman wax haloo qeybsado inta laga garayo qof iyo codkii

    ReplyDelete
  37. Waxaad I xasuusisay heestii xasan ganey ee aheyd.. Cudurka kaa gala fardaha hadii laga gubo dameer dawada lama gaarayo... Maxaa Somali iyo 4.5 Kala galay iyo federal

    ReplyDelete
  38. Waxaad I xasuusisay heestii xasan ganey ee aheyd.. Cudurka kaa gala fardaha hadii laga gubo dameer dawada lama gaarayo... Maxaa Somali iyo 4.5 Kala galay iyo federal

    ReplyDelete
  39. Yusuf Garaad waad ku mahadsantahay marwalba sida doodaha wax ku oolka ah aad noola wadaagtid.Su'aalahaas aad qabtid iyo kasii badanba waa kuwo aan kula wadaago balse hoggaan siyaasadeedka soomaaliyeed suaalahaas ma is waydiiyaan.Waxaan qabaa dad badanna aan kaga aragti duwanahay in 0.5 qabiilada lagu kulmiyay waqtigan la joogo ay danu ugu jirto oo haddiiba ay duudsi tahay qaababka duudsiga ugu yar ay tahay.Waxa ay ila tahay maadaama qabiilo hubaysan aysan ahayn inay ka dhigantahay qoondo la siiyay(quota). dhinaca deegaan in wax lagu qaybsado waxaan qabaa in aysan waxa kasoo bixi karaa wada caddaalad ahayn:
    1-gobollada iyo degmooyinku isma wada dad la'eega
    2-qabiilada 0.5 qoondadooda cidna ma dammaanad qaadayso oo waxaa laga yaabaa inay halkii qoondada haweenku martay maraan.
    3- unugga waxqaybsigu wuxuu ahaanayaa tirada qabiilka heer dagmo iyo heer gobolba.
    4-hirgalintiisu uma fududa sida u ololayntiisa oo waxaa ka dhalanaya isqab qabsi beelaha wada daggan ah oo laga yaabo inuu dagaal gacan ka hadal ah isu baddalo.
    5- qodobka 4aad wuxuu saamayn ku yeelan doonaa waqtiga iyo kharashka ku baxaya meel marinta deegaan wax ku qaybsiga.
    Dhanka kale habka 4.5 wuxuu qodobo la wadaagaa kan deegaanka :
    1-Qabiiladda tira koob cidna kama hayso in si siman wax loo siiyo iyo in loo kala baddiyo labaduba waxay ku sallaysanyihiin qiyaas.
    2-Qoondo ayuu siinayaa qaviilada lagu sheegay in laga tiro badanyahay.
    3- dhaqan galintiisu way ka fududahay habka deegaanka
    4- hab dimuqraadi ah maaha oo tira yarbaa awoodda gacanta ku haya.
    xalku wuxuu ila yahay:
    1- In laga gudbo maan-ku-dhegga ah in marwalba wixii jooga la dhaliilo iyadoo aan la dhiraandhirin faa'iidado/la'aantiisa.
    2- In marwalba tirada lagu darsado lana hubiyo in habka loo guurayaa ka faaiido badanyahay kana dhibyarhay kan laga guuraayo.
    3- In xaaladda lagu jiro wax lagu saleeyo oo aan waaqica dalku marayo laga boodin.
    4- In dhibaatooyinka rubuc qarniga soo jiitamayay inaan fadhi iyo labo midna lagu xallin karin uu siyaasigeenu garoowsado balse loo baahanyahay in lakabyadu sida ay u kala mudanyihiin loo kala hormariyo qaarkoodna dib loo riixo si waqti danbe xal looga gaadho.
    5-In dastuurka la qabyo tiro laguna dhaqmo .
    N.B. Mushkiladu maaha habka wax lagu doorto ee waa siyaasad qabiileedka sadbursigu ku daabacanyahay oo hab kasta ka dhigaysa mid shaqo gab ah.

    ReplyDelete
    Replies
    1. si waafi ah oo wax badan laga fahmi karo ayaad u qodobaysay ugana hadashay mawduucan. runtii hadii laga guuro nidaamkan 4.5 sida qudha ee loo guuri karo imikana dadku ay carab-baabayaan waa in degmooyin lagu saleeyo hab doorashada Soomaaliya, taasina waxa ugu muhiimsan ee ay u baahan tahay sidaan qabo waxa weeye tiro-koob sugan oo laga hayo degmooyinka dalka. matalan waxaa dhici karta in gobolka Hargeysa uu ka dad bato 4 gobol oo ku yaala soomaaliya markaas xaq wuxuu u yeelanayaa in uu ka kuraas bato afartaas gobol isku darkooda, taasina suura gal kama aha siyaasiyiinta soomaaliya hor boodaysaa in ay ogolaadaan...

      Delete
  40. Waa mahadsantahay Yusuf Aniga Aragti Ahaan Waxan Qaba 4.5 Iyo Federalism ka Labadaba Wy Yihiin Aalad Ey Sameeyeen Dowladaha Dariska Iyo Kuwa kale Calamka ah oo Diidan Somalia In Ey Dib Isu Taagto . Waana Dabin Naloo dhigay oo aan Ku dhacnay . Waxa la Arkay marki Somalida Dagalki Qabilka ka gudbeyso oo ey kasoo Daashay marka CD gi lee Si kale Hadana Naloosoo dhex dhigay waa Qabiilki Oo dadban . 4.5 wa Xaqiraad Aan Xaqirnay Dad walal Muhiim Ah DIIN IYO DALKA Nalawadaago . Shekasta Oo Cadalad daro lagudhiso Burburba u dambeeya

    ReplyDelete
  41. Acs Wrx Wbr mudane Suxufi YG Marka Hore salaan Gobeed, Salaan Ka Gadaal Run Ahantii Aad Baan U Dhuuxay Qormadan Micnaha Weyn xambaarsan Eed Bogaada Kusoo Lifaaqday. Waa Mid Loo Baahanyahay In Laga Heli Fahan Mideysan Oo Laga Simanyahay. Systemkan 4.5 Runtii In Kastoon Taageersaneyn Shaqisi Ahantey Hadana Waxaan U Arkaa In Ay Waqti Xaadirkan Xal U tahay Isku Keenista Qarankii Burburay Ee Soomaaliyeed. balse Waxaa kasii Ficneyed In Awooda Lagu Kala Qeybsado Gobol Gobol! Thank You Very Munch!

    ReplyDelete
  42. Asc ww dhamaantiina..
    4.5 waa nidaam fudud in wax lagu qeybiyo in kastoo .5 aan cadaalad aheyn. Hadii lahelo in deegaanku lasaxo oo sida aduunka ku dhaqmo lagu saleeyo tiradda dadka deegaanka dagan waa cadaalad ka fiican tan hada jirta.
    Laakin sida hada taagan hadii la dhaho deegaan halaga dhigo waa dulmi.
    Tusaale ahaan, gobolka Nuugaal wuxuu ka koobanyahay 5 degmo. Laakin shacabka degan waxaa ka badan degmadda Qoryoley keligeed.
    Marka in si siman wax loogu qeybiyo Nuugaal i Shabeelaha Hose waa dulmi.
    In degmooyinka tiro lagu saleeyo howl adag ayey u baahantahay. Hadeer lagama gaaro. Waayo tirakoob sax ah ayaa la rabaa.
    Marka hadeer waxaa fudud 4.5 duruufaha jira dartood.

    ReplyDelete
  43. Asc ww dhamaantiina..
    4.5 waa nidaam fudud in wax lagu qeybiyo in kastoo .5 aan cadaalad aheyn. Hadii lahelo in deegaanku lasaxo oo sida aduunka ku dhaqmo lagu saleeyo tiradda dadka deegaanka dagan waa cadaalad ka fiican tan hada jirta.
    Laakin sida hada taagan hadii la dhaho deegaan halaga dhigo waa dulmi.
    Tusaale ahaan, gobolka Nuugaal wuxuu ka koobanyahay 5 degmo. Laakin shacabka degan waxaa ka badan degmadda Qoryoley keligeed.
    Marka in si siman wax loogu qeybiyo Nuugaal i Shabeelaha Hose waa dulmi.
    In degmooyinka tiro lagu saleeyo howl adag ayey u baahantahay. Hadeer lagama gaaro. Waayo tirakoob sax ah ayaa la rabaa.
    Marka hadeer waxaa fudud 4.5 duruufaha jira dartood.

    ReplyDelete
  44. wn ku slmy marka hore kadib aniga waxay ilatahay nidaamkan 4.5 waa qaab guumaysi looguna tala galay in soomaalida qaar kamida horta la ogolaysiiyo inay half ama nus yihiin dee inta kalana waa loo soo socdaa markay kuwan aqbalaaan isuna qaataan inay nuskaa yihiin waxaa ku soo xiga habkale oo hadana qabiil kale lagu duudsiyo sheekaduna waxay umuuqataa tii 3da dibi waad salaamantihiin

    ReplyDelete
  45. Aniga waxay ila tahay in sideedii gobol loo laabto loona magacaabo guddi heer qaran ah inaan qabiilna la duudsiin xaqiisa inta laga gaarayo qof iyo cod

    ReplyDelete
  46. Mahadsanid yusuf sida aad u sharaxday xog ogaal nimadda ku aaday axa aad ka ogtahay halka ay naga soo gashay nidamka wax qeybsi ee 4.5 sida muqatwna waa fahar ka yimid wadamada dariska ah intaa kadib hadii aan u gudbo ra,yigayga gaarka ah ilama wanagsana nidamka 4.5 haddana maanta lama gudbi karo waayo sida muuqata nooma diyarsaana halkii.looga gudbi lahaa oo umaddu isku afgaratay dhanka kale nimadka kale ee la soo hadal qaday ee ah gobolaysi waxaan u arkaa in ay abuuri karto qilaaf hor leh waayo nidamka markii horaba lagu doortay gobolada iyo degmooyinka dalka maahayn mid ku salaysneed qaab lagu saleeyo ama lagu xusho oo leh shuruudi hadij ay magaladasi buuxiso ay u qalanto gobol ama degmo sida tirada dadka ku nool adeegyada bulshada ee laga helikaro ee waxa lagu magacabay wareegto madaxweyne oo ku salaysan ninjclaysi iyo qabyalad taas ayaan suurta galinayn maanta in lqgu saleeyo qaab dagaan ilaa la isu dheeli tiro qaabka gobolda iyo degmoyinka loo doortay

    ReplyDelete
  47. 4.5 iyo Federal System? ??

    Mudane Yusuf Marka hore waad ku mahadsantahay Qoraalkaada.

    Waxaan layaabanahay dalka in layiraahda waa Dowlad Federal ah iyo 4.5 baan qaadaneynaa waa laba arrimood oo iska soo horjeeda.

    Dalka halagu celiya Dowlad Dhexe oo xoogle ama yaanan laga gabane toos ha loo raaca Dastuurka Federalka ah.

    Baqtiga ma cunee maraqiisa baan cabnaa ayaa socota.

    Uma maleynaaya in lahaayo aqli uu ku sii shaqeeye 4.5 maxaa yeelay maamul gobaleedka ayaaba nooc faderalism ah ku sameysmay.

    Shacabka yaanan lawareerin.

    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  48. Yusuf waa ku mahadsantahay tallo-wadaagaan balaaran(symposium ) ee xal-doonka ah.
    Kama doodayo sida uu ku yimid nidaamkan 4.5ka ah, balse jawaabo gaagaaban ayaan doonayaa in aan ka bixiyo labbo su'aallood oo aad u madashay in aad wax ka qori-doonto: 1) malagaaray xilligii laga guuri lahaa nidaamka 4.5? iyo 2) maxaa laga faa'iiday nidaamkan?
    Maxaa laga faa'iiday 4.5? waxaan qabaa in 4.5ka wax muhiim ah laga faa'iiday. 1) qaran ayaa lagu yagleelay 4.5ka iyadoon nidaam kale aan la lahayn. 2) Cidna ama qabiilna kama uusan tagin, wixii qaldamayna waxaa loo dhaafay in la saxo mustaqbalka.
    3) Halka sixitaanka laga bilaabayo ayuu inoo noqday, dhamaan qaladaadka jirra, ma hubbo in uu laga gudbi doono nidaamkan qabiilka xitaa haddii xisbiyo siyaasadeed yimaadaan.
    Ma lagaaray xilligii laga gudbi lahaa? maya ayaan qabaa, waayo?
    Gobolada iyo degmooyinka dalkana lama tagi karro, sidda loogu kala badan yahayna lama yaqaano, dadka qaarna waxay qabaan in 18/8 gobol la isticmaalo.
    Haddaba si loogaaro doorasho xor ah ama mid degaan waa in labbo sanno loogu daraa dawladda iyo baarlamaanka hadda jira si looga fogaado meel cidla ah lagu soo dhaco (physical power vacuum)

    ReplyDelete
  49. Yusuf Garaad adigoo mahadsan walaal aniga waxay ila tahay aragtiday in nidaankan looga guuri karo labo midkood: (1) ayadoo gebi ahaanba laga guuro nidaamka dadka kala qaybinaya ee 4.5 iyo kan hadda la hadal hayo ee degmooyinka ku salaysan oo loo guuro nidaamka adduunka oo dhami ku dhaqmo ee ah (One Man One Vote) ama qof iyo cod oo ciddii sidaa lagu doortana looga dambeeyo xilka uu helay qofkii wax ku waayana isagoo raalli ah uu dadkiisa dhinac ka raaco. (2) in dadka Soomaalida ah oo dhan madax kow loo tiriyo dalka oo dhan gees ka gees ayadoo aan laga xishoonayn ee qof walba la weydiinayo qabiilkiisa ayadoo aan laga been sheegeynin oo goob-joogayaal caalami ah oo dhex dhexaad ahi ay markhaati ka yihiin marka lays tirinayo ama marka layd dooranayo 2daba sidaana lagu ogaado sida loo kala badan yahay ama loo kala yaryahay xukunkana sidaa lagu qaybsado. Waayoo haddaba 4ta qabiil ee layiri si isla eg wax haloo siiyo islama eka, waxaba laga yaabaa in afartaa qabiil qaarkood ka yar yihiin kuwa 0.5ka hadda lagu khasbay, aniguba waxa aan dareemayaa in aan ku dulmanahay 4ta la'isla ekaysiiyey oo waxaan isleeyahay reer hebel qabiilkaagaa ka badan, dadka kalena sidaasoo kale ayey cid waliba u fakaraysaa, markaa xalku aniga wuxuu iila muuqdaa 2daa arrimood ee aan soo sheegay midkood oo aan isleeyahay 2duba cadaaladda way uga dhowyihiin nidaamka hadda lagu dhaqmo ee loo yaqaan afar iyo bar (4.5). Haddii hadda laga guuro nidaamka 4.5ka oo loo guuro gobol iyo degmo, dadka hadda 0.5ka wax helaa way ku qadayaan nidaamka gobolaysia, waayoo inkastoo aanan hubin arrinkaa haddana waxan isleeyahay ma jiro gobol ay u badan yihiin oo ay kasoo gelayaan sida qabiillada kale oo waxay ku kala firirsan yihiin Soomaaliya oo dhan sidaas ayaana loo xaqiray maadaama aaney lahayn xoog muuqda oo hal meel kasoo wada jeeda gobollo gaar ah aaney haysan iyo maleeshiyaad hubaysan oo dadku uga baqaan toona

    ReplyDelete
  50. Mahadsanid Yusuf waa qormo wanaagsan oo aad xiligeedii ku soo beegtay..
    Aniga waxaan ra'yi ahaan qabaa in kow mushkilada Somaaliya aan anaga ka mas'uul nahay, dhibka aan qabnana uusan kaliya aheyn Nidaamka 4.5 ama Federal iyo dastuur... Hadii uusan caqligeena na haginna, waxa na hagaya caloosheena..
    Shirkii Carte baan ka maqlay nidaamka 4.5, markii iigu horeysay.. Marka aniga waxaan qabaa in lagu bedelo nidaamka 4.5 nidaamka ah 5 oo wax la simo...

    Mida kale, waa inaan 3 quwadood ee Soomaaliya la degi la'dahay si waafi ah looga hadlaa, lana jiheeyaa si aan isu af garano...
    1- In la sameeyaa golaha odayaasha qabiilada oo loo dhan yahay, qabiilkastana uu wakiil ka yahay qofkooda ugu sareeya ee ay isku raacsan yohiin..
    2- Golaha culumo owdiinka oo ay ku jiraan dhamaan inta sheegata magac diimeed ee la yaqaano ayna ku jiraan dhammaan kuwa ka bilowdo Al.. al..
    3- Golaha siyaasiyinta iyo aqoonyahanada oo iyagana ay ku jiraan inta rabto hogaan iyo mansab siyaasadeed

    waxaan qabaa in hadii sidaas loo kala saaro laguna heshiiyo aan xal ahaan ka gudbi karno waxa naga dhex guuxaya ee been,qabyaalad iyo in jeclaysi ah..


    ReplyDelete
  51. Mahadsanid qoramadaadan xiisaha badan kuwa kalana waan sugeyna.

    ReplyDelete
  52. Asc dhamaan 4.5 waxaa ka horeysey 2.15 oo jabuuti wax looga qaybsado.
    yusuf tariikhda si fiican gadaal ugu noqo mar ayaan la odhon jirey wadanka jabouti XEEBTA SOMALIYEED EE FRANSIISKA si gumaysigu uga cadhadho kacdoonkii xornimi doonka ee maxamud xarbi hogaamineyey iyo xormimadii labdii gobol ee somaliya wuxuu bedeley magacii wuxuuna ka dhigey xeebta ciisaha iyo cafarta ee fransiiska si uu meesha somalinimada ugu saaro.
    Waxaan ugu jeedaa markii jabuti xornimada qaadatey gumesigu si uu reer jabuuti u kala qaybiyo barlamaanka jabuuti waxaa loo qaybsadaa cafar, carab iyo somali loo sii kala qaybiyo ciise iyo somalida kale oo wax yar ku leh ilaa iyo hadda dhibkana reer jabuuti wuu haystaa oo qomiyad iyo qabiil baa wax lugu qaybsadaa ISMACIIL DHIBKII REER JABUUTI BUU SOMALI U SOO DHOOFEY haddii aad xasuusato hal reer baa diidey in wax lugu qaybsado berigaas 4.5 waana og tahey inta badan somali raali bay ka ahayeen.

    ReplyDelete
  53. Mar 2baad ayaa la beddelay magacii Xeebta Somalieed ee Fansiisku Gumeysto oo markii loo bixiyey dhulka Ciisaha iyo Cafarta ayaa waxaa mar kale usoo baxday Faransiiska dhibtii uu markii horeba ka cararayey oo ahayd "Soomaaligu" in ay weli halkeedii taagan tahay oo CIISUHU uu yahay Qabiil Soomali ah oo aan waxba laga macaashin magacii la beddelay kol haddii uu halkiisii taagan yahay asagoo weliba markan wata macagii qabiilkiisa oo mutuxan. Markaas ayaa haddana mar kale la beddelay magacii oo loo bixiyey magaca hadda loo yaqaano oo ah Jabuuti kaasi oo markii hore ahaa oo keliya magaca magaalo madaxda gobolka Xeebta Soomaaliyeed ee Faransiisku gumeysto. Hayeeshee anigu taa waxba kama qabo oo magacii la doono haloo bixiyo kol haddii dhulkii meeshiisii ku yaallo dadkii Soomaaliyeedna degan yihiin oo aaney qowmiyad kale qaadan dhulkeennii

    ReplyDelete
  54. Yusuf Garaad waad ku mahadsan tahay xogta aad markasta nala wadaagto, mida ke waxaan qabaa arimahaan soo socda:-
    1- 4.5 Talo soo jeedinteeda cidii rabtaba ha lahaatee waxaa la qaatay iyada oo laga cararayo gobol iyo deegaan wax ku qeybsiga, taasoo loo arkay inaysan cadaalad aheyn, sababtuna waxay tahay Sonalia markii 1960 -kii xornimada qaadatay waxay ka koobneyd (Waqooyi iyo Koofur)8 Gobol iyo 36 degmo, markii dawladii Kacaanka burburtayna waxey aheyd 18 gobol iyo 92 Degmo, Goboladda iyo degmooyinka la sameeyey xoriyadii kadib ilaa 1990 cadaalad looma arko sidaa ayaana keentay 4.5, Sidoo kale waxaan aaminsanahay 4.5 inaysan cadaalad ahayn.

    2- Systemka Gobolada iyo degmooyinka oo ku dhisan cadaalad darada loogama noqon karo 4.5 iyadana cadaalad daradda ah.

    3- 4.5 iyo qaabka deegaanka midii wax lagu xulaba sida haatan xaalka Somalia yahay dan kuma jirto kumana gaareyno dawladnimo shaqeynaysa, qofkii meel tagaa siduu rabo ayuu yeelaa dalka iyo dadkana wax uma qabto sidaa daraadeed resource-ga yar ee dalka aan u jiheyno inaan Ciidan amaanka dalka Somalia suga sameysano iyo inaan dastuur dhamaystiran oo aan isku qasneyn helno, dalkana Tirakoob sax ah,axsaab, Diiwaanvelin iyo doorasho one man one vote ah laga hirgeliyaa marka Somalia mid ah amni ah, dastuur leh marka lagaaro..

    Inta ka horeysa sidaa shimbirayahaw heesa

    ReplyDelete
  55. Yusuf Garaad waad ku mahadsan tahay xogta aad markasta nala wadaagto, mida ke waxaan qabaa arimahaan soo socda:-
    1- 4.5 Talo soo jeedinteeda cidii rabtaba ha lahaatee waxaa la qaatay iyada oo laga cararayo gobol iyo deegaan wax ku qeybsiga, taasoo loo arkay inaysan cadaalad aheyn, sababtuna waxay tahay Sonalia markii 1960 -kii xornimada qaadatay waxay ka koobneyd (Waqooyi iyo Koofur)8 Gobol iyo 36 degmo, markii dawladii Kacaanka burburtayna waxey aheyd 18 gobol iyo 92 Degmo, Goboladda iyo degmooyinka la sameeyey xoriyadii kadib ilaa 1990 cadaalad looma arko sidaa ayaana keentay 4.5, Sidoo kale waxaan aaminsanahay 4.5 inaysan cadaalad ahayn.

    2- Systemka Gobolada iyo degmooyinka oo ku dhisan cadaalad darada loogama noqon karo 4.5 iyadana cadaalad daradda ah.

    3- 4.5 iyo qaabka deegaanka midii wax lagu xulaba sida haatan xaalka Somalia yahay dan kuma jirto kumana gaareyno dawladnimo shaqeynaysa, qofkii meel tagaa siduu rabo ayuu yeelaa dalka iyo dadkana wax uma qabto sidaa daraadeed resource-ga yar ee dalka aan u jiheyno inaan Ciidan amaanka dalka Somalia suga sameysano iyo inaan dastuur dhamaystiran oo aan isku qasneyn helno, dalkana Tirakoob sax ah,axsaab, Diiwaanvelin iyo doorasho one man one vote ah laga hirgeliyaa marka Somalia mid ah amni ah, dastuur leh marka lagaaro..

    Inta ka horeysa sidaa shimbirayahaw heesa

    ReplyDelete
  56. md. Yusuf qormadaan iyo tii ka danbaysaba waan aqriyay runtii wax badan oo anan ogayn baa iga soo baxay mahadsanid

    ReplyDelete
  57. anigu waxaan rumaysanahay in maanta aanay suurta gal ahay nidaam dagmo labo sabab kow : maanta kudhawaad kalabar soomaaliya dawladu kama taliso sida soomaaliland iyo dulka alshabaab ay haystaan labo : maanta soomaaliya malahan awood lagu xakameeyo dadka doonaya in ay wax badsadaan waxaaba lagayaabaa in arinkaan ay keento dagaal sokeeyi sida halkaan anaa leh iyo malihide anaa leh hadaba hadayna suurtagal ahayn maxaa suurta gal ah xigan lajooga ani ahaan waxaa ila wanaagsan in laga taqaluso xeerka 4.5 oo looguuru wax kawanaagsan sida in wax lagu qaybsado tiro isku mid ah waxaa jira beello aad ubalaaran lkn xaqooda la lonsaday sida jareer weyne oo kale iyo walibe kuwa kale wax na lagu qabsado tira isku mid ah sida 5, 6, 7, 8, marba sidii xal lamoodo lkn 4.5 marna xal maaha waa xumaan cad oo aan ku hayno kuwo nalamid ah oo nagu diin oo nagu dhaqan ah ayna jirin wax na lagu kasooco haybta mooyee

    ReplyDelete
  58. taadakale waxaan u arkaa in xeerka dagmadu uu yahay qiyaano cusub tusaale:gobolada nugaal mudug iyo galgaduud waxay ka koobanyihiin 15 dagmo halka gobalka shabeelada hoose uu yahay 7 dagmo lkn xaiiqdu waxa ay tahay in gobalka shabeelada hoose uu kadadbadanyahay sidexdaa gobal lkn uu la xaq ikaanayo hal gobal iyo wax yar taasina waa qiyaano cusub

    ReplyDelete
  59. anigu waxaan rumaysanahay in maanta aanay suurta gal ahay nidaam dagmo labo sabab kow : maanta kudhawaad kalabar soomaaliya dawladu kama taliso sida soomaaliland iyo dulka alshabaab ay haystaan labo : maanta soomaaliya malahan awood lagu xakameeyo dadka doonaya in ay wax badsadaan waxaaba lagayaabaa in arinkaan ay keento dagaal sokeeyi sida halkaan anaa leh iyo malihide anaa leh hadaba hadayna suurtagal ahayn maxaa suurta gal ah xigan lajooga ani ahaan waxaa ila wanaagsan in laga taqaluso xeerka 4.5 oo looguuru wax kawanaagsan sida in wax lagu qaybsado tiro isku mid ah waxaa jira beello aad ubalaaran lkn xaqooda la lonsaday sida jareer weyne oo kale iyo walibe kuwa kale wax na lagu qabsado tira isku mid ah sida 5, 6, 7, 8, marba sidii xal lamoodo lkn 4.5 marna xal maaha waa xumaan cad oo aan ku hayno kuwo nalamid ah oo nagu diin oo nagu dhaqan ah ayna jirin wax na lagu kasooco haybta mooye

    ReplyDelete
  60. Uma malaynayo in uujiro Nidaam 4.5 uga Cadaalad dhow Dadka lasiiyey Badhka (.5) Haddii Looguuro Nidaamkale Waxa aan Filayaa in dadkaas Xaqooda la duudsiyayo .Balse Nidaamka Qofkasta Codkisa (1Man 1Vote) inuu Noqonkaro Nidaamka Keliya Ee dadku kuwada Qancikaraan , Int Nidaamkaas Lagagaadhayo waxa aan jeclahay in Kuraasta 4.5 Lagu qaybsado

    ReplyDelete