Saturday, 9 January 2016

Min 4.5 ilaa Qof iyo Cod

Haddii loo fekero anigu maxaan helayaa, ama reerkeygu muxuu helayaa waa mid aan isku dan la ahaan karin. Waxaa ka habboon in la garto in danta shakhsiga ah iyo danta reerku sida keliya ee xalaasha ah ee ay ku jiri karaan ay tahay in ay qeyb ka ahaadaan danta guud ama aanay ka hor imaan.

Si aan u garanno jihada ay tahay in aan uga  dhaqaaqno meesha aan hadda joogno waa in aan isla garaannaa meesha aan ka nimid iyo sida aan halkan ku soo gaarnay.

Dowladnimada Soomaaliya ee aan maanta haysannaa waa mid curdun ah oo weli aan tallaabada isla helin. Waxay dhalatay ka dib markii 10 sano 1991 – 2000 aan ahayn Dowlad la’aan.

Waxaa na kala geeyay dagaal sokeeye oo ujeeddo-badan ah, mararka qaarna uu ajnebi ka qeyb qaatay welina uu ku lug leeyahay. Marar badan ayaa koox diineed, qabiil ama qabaa’il isgaashaan buureystay oo dagaal ku lug leh waxaan anigu weydiiyay sababta ay hubka u qaateen. Jawaabta ugu badan oo igu soo noqnoqotay waxay ahayd in ay ka dagaallamayaan caddaalad darro.

Dagaalka sokeeye xabbaddiisii inta badan wey istaagtay laakiin dadkii lagu laayay, hantidii lagu kala dhacay, cuqdadadihii uu reebay weli si buuxda oo heer Qaran ah looma turxaan bixin. Is aamminaad buuxda oo gees ka gees Soomaaliya oo dhan la helay iyo mid loo dhan yahay oo Dowladda la siiyay ma jirto.

Xataa Dastuurka uu dalku ku dhisan yahay ee ku meel gaarka ah waxaa uu ku saleysan yahay kala shaki iyo is aamminaad la’aan haddana la rabo in la wada shaqeeyo. Bal eeg awoodaha Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha. Bal eeg awoodaha Federaalka iyo waxa uu Dastuurku u yaqaan Dowladaha xubnaha ka ah Soomaaliya, laakiin dadku ugu yeero Dowlad Goboleedyo. Bal eeg xilalka Hoggaamiyayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Soomaaliya ay la baxeen waa Madaxweyne, oo eeg jagooyinka Wasiirrada ee heer Gobol iyo Guddoomiyayaasha Baarlamaannada.  Bal eeg salaan qaadashada calammo aan la aqoon ay ka daba babbanayaan Madaxda Gobollada ee isbooqanaya, muusig loo garaacayo, oo salaanta ka qaadanaya ciidanka dowladda xubinta ka ah dowladda Soomaaliya. Bal eeg nidaamka 4.5 ee xilalka siyaasadda lagu qeybsanayo.

Waxaas oo dhan ma ahan in ay yihiin habka Dowladnimo ugu wanaagsan adduunka, mana ahan in ay yihiin habka ugu habboon Soomaaliya in lagu dhaqo. Waxay ahayd habka keliya ee la isku af garan karay in wax lagu billaabo bal si marka hore talo iyo Dowlad wadaag loo noqdo oo dalka la isugu soo celiyo.

Inkasta oo aad is dhihi karto Dowladnimada Soomaaliya tan iyo Carta 2000, marba marka ka dambeysa kor ayay u sii socotaa, haddana weli lama hayo dal Soomaaliyeed oo mideysan, lamana hayo Dowladnimo si buuxda u hanaqaadday oo dalka oo dhan gacanta ku haysa ama ka shaqeysa.

Waxaa hore loogu heshiiyay oo la qoray habka looga gudbayo nidaamka 4.5 oo ah in dastuurka afti la geliyo doorashaduna ay noqoto qof iyo cod. 

Dowladda Federaalka oo iyada ay mas’uuliyaddeedu ahayd in ay labadaas qodob meelmariso waxay la soo taagan tahay doorasho qof iyo cod ah ma awoodno in aan qabanno.

Maaddaama aan la hayn doorasho qof iyo cod ah ayaa waxaa la soo jeediyay hab ka duwan kan hadda Baarlamaanka lagu soo xulo. Iyaga oo sabab uga dhigaya in ay tahay in laga gudbo nidaamka 4.5 oo ay dad badani ku dulman yihiin, ayay dhinacyada qaar soo jeediyeen in degaan lagu soo xulo Xildhibaannada Baarlamaanka. Dadka qaar ayaa iyaguna diiddan in 4.5 laga guuro.

Degaanku ka wanaagsan Hayb

Ra’yiga ah in degmo wax lagu qeybiyo aan qiyaasno waxa uu soo kordhin karo ama uu u dhimi karo xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.

Waa run in degaan ka wanaagsan yahay qabiil. Nidaamka degaan ku saleysan waa mid ka sarreeya kan haybta. Waa mid siyaasadda heer Qaran iyo midda heer degaan isku xiraya oo Xildhibaan kasta ku xiriirinaya degaan ay tahay in uu ka warqabo baahidiisa, rabitaankiisa iyo aragtidiisa.

Waa mid haddii ay xaaladdu caadi tahay oo aan Somaliland gooni isu taaggeedu aanuu jiri lahayn la dhihi kari lahaa dalka oo dhan ayay koobeysaa oo isu keeneysaa, laakiin hadda Somaliland degaannadeeda intooda badan lagama fulin karo howshaan.

Degaan mise Beel gashan shaar Degaan?

Su’aal muhiim ah waxay tahay, marka la soo jeedinayo in 4.5 laga guuro runtu ma tahay in degaan lagu fekerayo? Mise qabiil ayaa lagu fekerayaa, si degaan ah wax loogu doonayo? Oo sida qabiilka ay ugu badan karaan kuraasta Baarlamaanku ayaa la eegayaa oo ay tahay ujeeddada oo dhami?

Haddii aad u fiirsato Madaxda dooneysa degaan waa kuwo u haysta in degaan ahaan ay qabiilladooda ugu badanayaan kuraasta ay hadda Baarlamaanka ku leeyihiin oo ay u arkaan in ay ku dulman yihiin.

Madaxda diiddan haddii aad eegtana waxaad arkeysaa in ay yihiin kuwo u arka in Degmooyin haddii la aado ay dhimi doonto tirada kuraasta uu reerkoodu ku leeyahay Baarlamaanka.

Haddii ay arrintu sidaa tahay, ma dhihi karnaa in Soomaaliya loo fekerayo? Mise waa mid leh reerkeyga sidan ayaa u roon iyo mid kale oo leh aniga reerkeyga sidani uma roona?

Markaa waa qabiilka meesha laga qiyaas qaadanayo ee ma ahan degaan.

Si kale haddii loo dhaho waa reerihii dagaallamay, Dowladdoodii dumiyay, sida keliya ee ay heshiis ku noqdeen si Dowlad ay u yeeshaanna ay tahay in ay si siman u qeybsadaan kuraasta Baarlamaanka iyo kuwa Wasiirrada oo hadda uu qaarkood leeyahay maya ee annaga ayaa badsaneyna oo idinka degmooyin badan.

Muqdisho Vs Hargeysa

Sida cad tirada dadku degmo iyo degaan kuma xirna. Haddii Degmo lagu saleeyo kuraasta Baarlamaanka,  waa wax khilaafsan mabda’a Dimuqraaddiyadda ee ah in ay dadka intii isla tira le’egba ay kuraas isu dhiganta ka helaan Baarlamaanka. Waayo Degmooyinka lama tiro koobin, ismana tiro le’eka dadka degmooyinka ku nool.

Degmooyinkeennu waa kuwo la sameeyay berigii xorriyadda la qaatay qaar kale oo bandanna uu Taliskii militerigu ku daray, kuwaas oo aan ka tarjumeyn tirada dadka ku nool degaan kasta hadda oo la joogo 2016. Magaalooyin badan oo ka dad badan Degmooyinka qaarkood ayaa sameysmay kuwaas oo aan degmooyin ahayn, Degmooyin hore u jireyna hoos ayay u dhaceen saami ahaan marka loo eego kororka tirada dadka Soomaaliya.

Waxaan tusaale u soo qaadanayaa magaalada Hargeysa oo iyadu aan raalli ka ahayn in ay qeyb ka ahaato Baarlamaan Soomaaliya, laakiin kolley ay dad Xamar jooga ama imaan doonaa ay ku qeyb qaadan doonaan.

Nidaamka Degmooyinka haddii la raaco waxaa la rabaa in Hargeysa la yiraahdo waa Degmo oo waxay heleysaa 3 kursi ama 3 Xildhibaan ayaa ka soo baxaya.

Laakiin dhinaca kale waxaa la rabaa in la yiraahdo Muqdisho waa 16 Degmo oo waxaa ka soo baxaya 48 Xildhibaan.

Caddaalad darrada ay Somaliland sheegtay in ay ka goosatay iyo middaan hadda la rabo in la jideeyo tee weyn weyn?

Jannaale iyo tuulooyinkeeda oo ka badan tuulooyinka Gobollada qaarkood ku yaalla oo dhan, dadweynaha faraha badan ee ku nool wuxuu codkoodu noqonayaa 0, kuwo aan hal kursi ku lahayn Baarlamaanka. Sababtu maxay tahay? Hadde Jannaale Degmo ma ahan.

Misaanka Beelaha

Dhinaca kale, in Degmooyin lagu saleeyo awood qeybsigu waxay horseedi kartaa in kuraasta ay qabaa’ilka qaarkood ku leeyihiin Baarlamaanku ay kororto. Ogow tirada guud ee kuraasta Baarlamaanka lama kordhinayo, sidaa darteed qofka hoos u soo xisaabtamay ee ku fekeraya in ay kuraasi ugu kordheyso nidaamka degmooyinka ha is weydiiyo xaggee ka imaaneysaa kuraastaasi?

Waa kuraas qabaa’il kale ay hadda ku fadhiyaan oo laga qaadan rabo iyada oo aan tirokoob, codeyn iyo doorasho xalaal ahi dhicin.

Markaa si kale haddii loo dhigo waxay noqoneysaa nidaamka hadda jira ee shaqeynaya aan beddelno. Aan ku beddelno mid noo kala badiya kuraasta Baarlamaanka. Aan ku beddelno mid in uu shaqeynayo aan la hubin. Waa tijaabo hor leh aan galno.

4.5 waxay noqon doontaa 4.0

Beelaha sida gaarka ah ay tirada kuraastoodu 0 ama tiro u dhow ay noqon doonto waa Beelaha awalba dulmanaa ee 0.5 saamigooda laga dhigay. Bal hadda qiyaas meeqa Degmo ayay Guddoomiye ka yihiin dadka 0.5 loo bixiyay?

Waa mid aad arki doonto in afarta qabiil ee waaweyn uu Baarlamaanku ku koobnaado maaddaama dadka aan hubeysneyn ee lagu xaqiray caasimadda, indhaha caalamka iyo saxaafadda hortooda aan cidina u hadli doonin marka kuraas qeybsashada lala tago Gobollada iyo degmooyinka ay beelaha hubeysan malliishiyadoodu ilaalineyso.

Caddaalad ma tahay Baarlamaan aan 0.5 ku jirin iyo Gole Wasiirro aanay xubin ka ahayn in dalku u baahan yahay?

Tan kale, waxaan maqlaa iyada oo la leeyahay Degmo waliba wey is yaqaannaan qabaa’ilka wada deggani. Waa run oo dhowr iyo tobanka qabiil ee Hiiraan deggani wey is yaqaannaan, laakiin ma isu yaqaannaan sida ay u kala tiro badan yihiin? Ma isla oggol yihiin beelaha ay tahay in ay kuraas helaan iyo kuwa ay tahay in la qadiyo? Kuwa kuraasta helaya ma la isla oggol yahay inta kursi ee ay helayaan? Isqabqabsi hor leh ayaa billaaban kara.

Laba qabiil oo hadda kuraas ay tiradoodu is le’eg tahay ama ay iska daba dhowdahay ayaa noqon doona in mid uu kan kale aad uga badsado kuraasta Baarlamaanka. Kaba darane waxay dhali doontaa in laba beelood oo hadda min hal Wasiir ku leh Golaha Wasiirrada ay noqon doonto in beeli ay weydo Wasiir, meesha ay beesha hadda la simani ay ka heli doonto laba ama saddex Wasiir.

Waa mid abuuraya in Degmooyinka Somaliland badankood aan dad laga soo xuli kari doonin oo markaa Xildhibaannada Baarlamaanku ay noqon doonaan qaar Degmo laga soo “doortay” oo markaa iskala weyn Xildhibaanno la soo xulay oo Baarlamaanka la fadhiya. Macnuhu kala sarreyn ama kala mudnaan Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa soo bixi karta.

Nidaamka Degmooyinku waa mid horseedi kara in kuraasta Baarlamaanka ay beeluhu u kala badsadaan si aan sharci ku saleysneyn, horena aan loogu heshiin.

In beeluhu ay kala badsadaan kuraasta Baarlamaanka iyada oo aan waliba ku saleysnayn tirada dadku waxay horseedi kartaa qalalaase soo gala Dowladnimada Soomaaliya iyo is aamminaad la’aanta oo sii kororta.

Haddiiba ay dhacdo in Degaan wax lagu qeybsado waa in la helaa damaanad ah in saamiga ay Baarlamaanka ku leeyihiin beelaha aan hubeyneyn ee 0.5 in aanuu hoos u dhici doonin.

Gunaanad

Ugu dambeyntii talada Degmooyinku haddii ay hirgasho waxay sii fogeyn doontaa xilliga doorasho qof iyo cod ah la qaban lahaa. Waayo dadka ku fadhin doona inta badan kuraasta Baarlamaanka iyo inta badan kuraasta Golaha Wasiirradu ma rabi doonaan in laga buriyo sadbursiga ay heleen.

Qof iyo cod ma yaqaan degmo iyo tuulo iyo qabiil, mana yaqaan 0.5. Ma yaqaan qof hubeysan iyo mid aan hubeysneyn ee wuxuu kuraasta u badinayaa meesha ay tirada dadku ku badan tahay. 

Meesha aan ka nimid waa dagaal sokeeye iyo 10 sano oo Dowlad la’aan ah. Meesha aan joogno oo ah dolwadnimo waxaan ku soo gaarnay nidaamka foosha xun asii noo shaqeeyay ee aan hadda heysanno oo ah kan 4.5. Jihada ay tahay in aan uga dhaqaaqno oo hore loogu heshiiyay Dastuurkana ku qoran waa qof iyo cod.

Inta aan taas ka gaareyno waa in aan doonta la gilgilin, socodkeeda gaaban aan hore ugu sii siqnaa jihada ay naga jirto doorasho qof iyo cod ah.

Go’aan kasta oo la qaato waa in lagu jimeeyaa cabbirka ah in aanuu xasilloonida wax u dhimi karin, Dowladnimada aanuu dhaawici karin amaba nafta yar ee ku jirta ka saari karin.

Afeef
Inta aan ka warqabo Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Koofur Galbeed waxaa ay isku af garteen in Degmooyin lagu qeybsado kuraasta Baarlamaanka.

90 comments:

  1. Adiga oo ku mahadsan in aad akhrisay qormada, aan kaa codsado in aad aragtidaada halkan igula wadaagto.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Yusuf Garaad marka ugu horeysa aad ayaan kaaga mahadinayaa qormada xiisaha iyo nuxurka waxa ka jira soamaliya iyo waxa kadhalanka kara xambaarsan, horta Soomaali ma is waydiisay 4.5 meesha uu uga yimid iyo macnaha ka dambaysay, aan ka jawaabee waxaa sal u ahaa maanta soomaaliya inay is xaqiraan waa jabuuti oo fikir qaybsigan qaldan ugu soo dhiibtay dad siyaasiyiin isku sheegayay, hadaan usoo dhaadhaco nuxurka ra'yigayga waxaa jira qabaail dadka soomaaliyeed ka mid ah oo tiro ahaan ka yar qabiilada kale ee soomaalida laakiinse aaminsan in ay haystaan dhul balaaran sidaa darteedna ay noqotay inay u ololeeyaan degmo ahaan in wax lagu qaybsado si ay kuraas badan ugu yeeshaan barlamaanka soomaaliya iyagoo isla markaana kayar tiro ahaan qabiilada kale hadii sidaas ay dhacdo waxaa imaanaya in qabiiladii farah badnaa iyo kuwii lagu qariyay 0.5 ka ay kacdoon sameeyaan oo meeshaas ay ka bilabato dagaal sokeeye oo hor leh, oo aanan dhamaad lahaandoonin, anigu waxaan ku talin lahaa inanaanan la eegin imisa degmo ayaa jirta ee la eego dagmadee ugu dad badan markaana la yiraahdo waxa ay ku xirantahay tirada dadka dagan degmada kuraasta ka imaandoonta.. markaas waxay dhabarjab ku noqonaysaa dadkii islahaa degmo maran ayaad wax ku helidoontaan.
      waan ka baxay
      waad mahadsantihiin

      Delete
    2. Maqla.. Maqla.. Maskaxdu ha shaqayso. Meel aan wax jirin, yaan laga raadin.

      Xal kasta oo la gaaro oo aan tanaasul kujirin, danta dadka iyo dalku ku jirin, waa uun shimbirayahow heesa oo kale.
      Waa in aynnu iimaansannaa kuna talogalnaa inaynnu nahay shacab in la xukumo diyaar u
      ah. Halka lagu qamaamay siyaasadda iyo kursiga, aan dib ugu laabanno hawlaha lagama maarmaanka ah sida la soo bixidda khayraadka waddanka iwm. Degmo, 4.5 iyo doorasho hal cod ah iyo qof ah oo la sameeyo oo uu iimaanku naga maqan yahay, waxba ma soo kordhinayaan aan halaag kale ahayn.

      Maanta waxaa jirta fursad aannu uga hadalno mustaqbalka dalka, laakiin dhawaan waxaa dhici karta fursaddaas inaynnu helin oo nalaga faramaroojiyo.

      Waxa dadka madaxa isku galinaya ee loo kala tartamayo waa Ethiopia oo aad faraha ugula jirta siyaasadda iyo amniga Soomaaliya, waxaannu codsanaynaa inay pressure-ka ka dayso ama ka yarayso madaxda Soomaalida si ay go'aan caafimaad qaba u gaaraan.

      Delete
    3. Ass. Alaikum waxaan kaaga mahadcelinayaa fikirkaaga oo aan aamin sanahay inuu yahay mid aad Adiga ruuxaaga aad ku difaacaysid kuraasta beelaha aad aaminsantahay inay wax kaga nusqaamayaan hadii deegaan wax lagu qaybsado.
      Tan labaad Yusuf Garaad ma is weydiisay inay horay u jireen beelo ku dulmanaa nidaamka 4.5ka tusaale ahaan beel kamida beelaha soomaaliyeed ayaa baarlamaankii 60kii oo ka koobnaa125 xubnood ayey waxa ay ku laheyd 14 xildhibaan maanta oo uu yahay 275na waxa ay ku leedahay inkayar 14 aaminsanaydna in mar uun loo gudbi doono halqof iyo halcod Yusuf ma waxaad leedahay maadaama la gaariwaayey halcod iyo halqof beeshaas 15 sano kadib hakusii jirto cadaalad daradii 4.5 ka maadaama ay beelaha qaarkood ay u soo sabreen muda 15sano beelaha hada aaminsan in saamigooda hoos u dhacaayo waxaan leeyahay hortiin ayuu saamiqaybsiga beelo hoos ugu dhacay ee ku sabra inta laga gaarayo halqof iyo halcod.
      Midakale Yusuf taariikhda dib u raac 0.5na ha isku wada qabanine reer xamar magaalada Muqdishu meeqa kursi ayey ku lahaayeen hada waxaa sheegtay labadegmo oo u shiganta 6 xildhibaane Yusuf waxaanku leeyahay waxaa tahay aqoonyahan ee dadna ha aqirin dadkalena ha dhuminin.
      Waxaan rajaynayaa inaad maqaalkaygaan aad ugu yaraan wax iga tiraahdo waana ka raaligwlinayaa Adiga iyo Aqristayaashaba hadii aad carab dalableh idin soogaaray.

      Delete
    4. Ass. Alaikum waxaan kaaga mahadcelinayaa fikirkaaga oo aan aamin sanahay inuu yahay mid aad Adiga ruuxaaga aad ku difaacaysid kuraasta beelaha aad aaminsantahay inay wax kaga nusqaamayaan hadii deegaan wax lagu qaybsado.
      Tan labaad Yusuf Garaad ma is weydiisay inay horay u jireen beelo ku dulmanaa nidaamka 4.5ka tusaale ahaan beel kamida beelaha soomaaliyeed ayaa baarlamaankii 60kii oo ka koobnaa125 xubnood ayey waxa ay ku laheyd 14 xildhibaan maanta oo uu yahay 275na waxa ay ku leedahay inkayar 14 aaminsanaydna in mar uun loo gudbi doono halqof iyo halcod Yusuf ma waxaad leedahay maadaama la gaariwaayey halcod iyo halqof beeshaas 15 sano kadib hakusii jirto cadaalad daradii 4.5 ka maadaama ay beelaha qaarkood ay u soo sabreen muda 15sano beelaha hada aaminsan in saamigooda hoos u dhacaayo waxaan leeyahay hortiin ayuu saamiqaybsiga beelo hoos ugu dhacay ee ku sabra inta laga gaarayo halqof iyo halcod.
      Midakale Yusuf taariikhda dib u raac 0.5na ha isku wada qabanine reer xamar magaalada Muqdishu meeqa kursi ayey ku lahaayeen hada waxaa sheegtay labadegmo oo u shiganta 6 xildhibaane Yusuf waxaanku leeyahay waxaa tahay aqoonyahan ee dadna ha aqirin dadkalena ha dhuminin.
      Waxaan rajaynayaa inaad maqaalkaygaan aad ugu yaraan wax iga tiraahdo waana ka raaligwlinayaa Adiga iyo Aqristayaashaba hadii aad carab dalableh idin soogaaray.

      Delete
    5. Ass. Alaikum waxaan kaaga mahadcelinayaa fikirkaaga oo aan aamin sanahay inuu yahay mid aad Adiga ruuxaaga aad ku difaacaysid kuraasta beelaha aad aaminsantahay inay wax kaga nusqaamayaan hadii deegaan wax lagu qaybsado.
      Tan labaad Yusuf Garaad ma is weydiisay inay horay u jireen beelo ku dulmanaa nidaamka 4.5ka tusaale ahaan beel kamida beelaha soomaaliyeed ayaa baarlamaankii 60kii oo ka koobnaa125 xubnood ayey waxa ay ku laheyd 14 xildhibaan maanta oo uu yahay 275na waxa ay ku leedahay inkayar 14 aaminsanaydna in mar uun loo gudbi doono halqof iyo halcod Yusuf ma waxaad leedahay maadaama la gaariwaayey halcod iyo halqof beeshaas 15 sano kadib hakusii jirto cadaalad daradii 4.5 ka maadaama ay beelaha qaarkood ay u soo sabreen muda 15sano beelaha hada aaminsan in saamigooda hoos u dhacaayo waxaan leeyahay hortiin ayuu saamiqaybsiga beelo hoos ugu dhacay ee ku sabra inta laga gaarayo halqof iyo halcod.
      Midakale Yusuf taariikhda dib u raac 0.5na ha isku wada qabanine reer xamar magaalada Muqdishu meeqa kursi ayey ku lahaayeen hada waxaa sheegtay labadegmo oo u shiganta 6 xildhibaane Yusuf waxaanku leeyahay waxaa tahay aqoonyahan ee dadna ha aqirin dadkalena ha dhuminin.
      Waxaan rajaynayaa inaad maqaalkaygaan aad ugu yaraan wax iga tiraahdo waana ka raaligwlinayaa Adiga iyo Aqristayaashaba hadii aad carab dalableh idin soogaaray.

      Delete
  2. Qoraalkaada Eebbe ayaa I maqlayo waa mid danaha iyo horumarka Soomaaliyeed ka shaqeynayo kana hortagayo eex, bur-bur iyo isir naceyb. Haddaba aniga waxaan qabaa in Baarlamaanka sidiisa lagu wado (4.5), oo aan ku gaarnaa qof iyo codkii.

    ReplyDelete
  3. Waxaan yusufo aaminsanahay in aan afarta sano nagu soo aadan in Nidaamka 4.5 aan la badalin oon Qalqal kale la abuurin hadii Wax la saxayo Halaga dhigo 5.0 Si siman Wax haloo qaybsado inta laga gaarayo One Person One Vote Lkn Nidaamkaan Degmooyin ka waxay Dulmi kale oo labaad ku tahay Dadka lagu sheegay balse aan aheen 0.5 marka xalka waxaan u aragnaa Waa One Vote one Person yaan Nidaam kale oo qalqal galin kara Dalka yaan la abuurin

    ReplyDelete
  4. Run ahaanti waa qormo xiiso badan oo aqiiqo aan cadiifad iyo laab la kac ka fog, Waxa ila haboon in 5 laga wada dhigo waxa dhan 2020 kana aan si Wanaagsan oo xalaala uga wada gudubno qof iyo cod Mahadsanid sida aad qiimaha badan aad waxbadan noogu iftiimisay.

    ReplyDelete
  5. magaceygu waa iyaad bilow kunool sweden anigu ra'yigeygu horene waan usheegey meelkale arinnta looga hadlayo masuuro galeyso in laga gudbo 4.5. weli lama gaarin xiligii laga gudbi lahaa tan degmo markii loo fiiriyo xaalada hada soomali kujirto waxaa uwanaagsan kan horey loogu heshiiyey ee 4.5 maadama asagaba aan fiicneyn laakiin xaalka ugu wanaagaan soomaaliya kaas ayuu kujiraa saa adigana kadhawaajisey dad badan ayaa meesha xaqooda laga qaadanayaa.

    ReplyDelete
  6. Aragtideydu waxey tahay in habka degaanku yahay midka ugu saxan haddi aan laheli karin hal qof iyo hal cod, sababtoo ah waa wax aan uga gudbin karno beelnimada nadaashatay, waana gar hadii tusaale ahaan ay jirto beel degaanka ugu badan dagta in ay hesho kuraasta ugu badan ee baarlabaanka, hadii marka ay jiraan beelo kukala teel teel ah degmooyin kala duwan waa in saami gaar ah loo sameeyo oo meel loo dhigo.

    ReplyDelete
  7. Yusuf, waa runtaa waan kuugu raacsanahy. Hdaan tusaale u soo qaato nafsadeyda waxaan ku dhashay oo ku koray magaalada Waajid ee gobolka Bakool. Hadii la yiraahdo degmo ahaana wax ha loo qeybsado la iima ogola sababtoo ah qabiil ahaan waa la iga badanayahay. Mid kale oo aan ku dhalana wuxuu ku galayaa qabiil ahaan. Maxay degmo ku qeybsi kordhisay hadaan kii ku dhashay waxba ku heleyn?
    Mahadsanid

    ReplyDelete
  8. Deegaan ku soo xuliddu waa qabaa'illadii oo si toos ah madaxa la isugu gelinayo, markaa waxaa dhaanta qaabkaa iska khaldan laakiin xal ka u ah ee ay heshiiska ku yihiin beelihii dagaallamay oo weli hubaysan

    ReplyDelete
  9. Deegaan ku soo xuliddu waa qabaa'illadii oo si toos ah madaxa la isugu gelinayo, markaa waxaa dhaanta qaabkaa iska khaldan laakiin xal ka u ah ee ay heshiiska ku yihiin beelihii dagaallamay oo weli hubaysan

    ReplyDelete
  10. Yusuf an ku saxo Koonfur Galbeed iyo Gel-Mudug ayaa ah 4.5 Jubaland iyo Puntland waxay donayaan Degmo markaa afarta maamul gobol waxay u kala qaybsan yihiin 2 vs 2

    ReplyDelete
    Replies
    1. Galmudug iyo banaadir waxay kubiireen dadka raba Nidaamka Degmooyinka way katanaasuleen Nidaamka 4.5.

      Delete
  11. Mahadsanid Yusuf Garad. waa Maxamed Muuse oo jooga Bosaso. waa qormo xiisa leh waa sidaan u aqaanay Yuusuf oo gahayr aan ku bartay weriyanimaadiisiina an u qirayo xirfad iyo geesinimo hada oo uu siyaasada galayna daacadnimo uu uga hadlo si maangal ah. wacyigelinta uu gudbiyaa waxay tusaysaa bisayl. aragtidan waa tan Inta badan soomaalida. suuragal maaha degmo aan la tirin in wax lagu qaybsadaa lagu heshiin maayo dad hadda la dhacsan ayaa qaylin doona. ha
    la daayo dalka soo kabanaya yaan lun lagu ridin iyo noqosho.noolow Yuusuf

    ReplyDelete
  12. Yusuf Garaad marka ugu horeysa aad ayaan kaaga mahadinayaa qormada xiisaha iyo nuxurka waxa ka jira soamaliya iyo waxa kadhalanka kara xambaarsan, horta Soomaali ma is waydiisay 4.5 meesha uu uga yimid iyo macnaha ka dambaysay, aan ka jawaabee waxaa sal u ahaa maanta soomaaliya inay is xaqiraan waa jabuuti oo fikir qaybsigan qaldan ugu soo dhiibtay dad siyaasiyiin isku sheegayay, hadaan usoo dhaadhaco nuxurka ra'yigayga waxaa jira qabaail dadka soomaaliyeed ka mid ah oo tiro ahaan ka yar qabiilada kale ee soomaalida laakiinse aaminsan in ay haystaan dhul balaaran sidaa darteedna ay noqotay inay u ololeeyaan degmo ahaan in wax lagu qaybsado si ay kuraas badan ugu yeeshaan barlamaanka soomaaliya iyagoo isla markaana kayar tiro ahaan qabiilada kale hadii sidaas ay dhacdo waxaa imaanaya in qabiiladii farah badnaa iyo kuwii lagu qariyay 0.5 ka ay kacdoon sameeyaan oo meeshaas ay ka bilabato dagaal sokeeye oo hor leh, oo aanan dhamaad lahaandoonin, anigu waxaan ku talin lahaa inanaanan la eegin imisa degmo ayaa jirta ee la eego dagmadee ugu dad badan markaana la yiraahdo waxa ay ku xirantahay tirada dadka dagan degmada kuraasta ka imaandoonta.. markaas waxay dhabarjab ku noqonaysaa dadkii islahaa degmo maran ayaad wax ku helidoontaan.
    waan ka baxay
    waad mahadsantihiin

    ReplyDelete
  13. Waxa wax laga naxo ah In yuusuf oo aan u aqaannay nin aqoon iyo wadaniyad ba leh waloow shaqadii weriyrnimada ee BBC ee soomaalidu kubaratay uu shaqsiyan qabyaalad iyo buunbuunin carta iyo qabqablayaashii ay isku haybta ahaayeen buunbuuniya uu ahaa.

    Waxaan haddana weli ku hamweynaa in damiirkaagu yuusuf intaa ka roonyahay xagga unixidda danaha wadaniga ah.
    Ma iyada oo tallaabo horusocod ah oo degmooyin in wax lagu soo xulo laheli karo baad leedahay nidaamka xaqdarradda Ah ee dawladnimada iyo damiirkaba ku qallafsan ee 4.5 loogu yeedho ku dhaggantahay.ood weliba udoodeysaa, innagoo weliba soomali ahaan is garaneyna oo keliya aan garanayo waxa waxaa kugu kellifayaa uu keliya qabyaalad yahay iyo reerkayaga waxbaa kaga si noqonaya.
    Waa ayaan darro yuusufoow waana kugu ceeb waxaasi,.dadku hore hausocdo adiga iyo cidkale oo qabyaalad iyo dib usocod Ahna loo joojinmaayo.
    Mahadsanid qoraalkaaga yuusuf

    ReplyDelete
    Replies
    1. Deegaan waxaa wax lagu qeybsan Karaa marka dadka la tiriyo oo degmo kasta loo qoondeeeyo saamiga xildhibaannada ay yeelanayso iyadoo la eegaayo tirada dadka kunool (population size) maxaa yeelay isku Saami ma qaadan karaan degmo kudhowaad 1 malyan Ku nooshahay sida Hargaysa iyo degmo ay ku nooshahay 5,000 oo keliya. Saas darteed, marka tirokaob la sameeyo waxaa dhici doonta degmo 10 xildhibaan yeelanayso iyo mid 2 xildhibaan ay kusoo aadi doonto , hadba siday noqoto tirada dadka deggan.

      Dadka leh deegaan halagu qeybsado Soomaalinimo jaceyl kama aha ee xilligaan waxay rabaan in la simo degmooyinka oo dhan iyadoon loo fiirinin tirada dadka deggan, kadibna ay sadbursi kuraasta ku badsadaan.
      Maalinta dalku dago oo la is tiriyo ayaa cod lagu kala bixi doonaa. Kahor waa in lagu socdaa wax la isku raacsanyahay. Waxaan qabaa 4.5 halaga dhigo 5 beel, ha aqbalaan kuwa iska dhigaaya dad soomalinimo raadinaaya.

      Delete
  14. yusuf garaad waxaan aniga iga yaabiyey hargeisa waa dagmo o 3 xildhibaan ayey xaq u heleysa halka mugdishu ka tahey 48 xildhibaan,iyaado waliba tirkoobki ugu danbeyey ee qiyaasta ah gobolka hargeisa u noqdey 1.2 million.halka gobolka banaadirna lagu qiyaasey 1.6 million.o waxey aheyd in hargeisa yeelato 42 xildhibaan haddi xamarba 48 qaadatey marka tirakoobka la fiiriyo.

    ReplyDelete
    Replies
    1. waa runtaa lks trio koobku waxa uu leeyahay waqoyi galbeed oo ku jirto barbare; hargeisa;gabileey;wajaale iyo i.w.m waxaa lagu qiyaasay 1.2 M Mogadishuie 1.6 ogaawne trio koobkaa qeyli badan baa ka daba yeertay waanse kugu raacsanahay ineey cadaalad daro tii ugu xumeeyd ebid ineey noqoneeyso hadii Shangani iyo Hargeisa la simo. Mahadsanid

      Delete
  15. Yusuf. wa qoromo fican.mahadsanid. cabsida mesha ay ka jirto wa qaybsiga barlamaanka ee mahan wasirada. aan ku saxo.
    wayo wasirka karti iyo shaqo wanag aya laguso xulin ee manoqonayso awood qaybsi beleed. barlamaanka oo kaliya ayay arintu sanatbatsa gadii hab deegaan la qaato. dadka tirada yar ama 0.5 waa dadka ugu badan somalida. waxay degaan dhammaan gobolada somalia. waxay u bahan yihin dawlada somalia oo qorshe iyo siyasad cad ka qadata habki loo hubin laha inay xuquuqdooda matalaad helaan. wa arin farsomo. qabyaalad iyo beelo dawlad lagu dhisayo uma fiicna waqtigan somalia. way kaso gudubtay. wa inay helaan matalaad rasmi ah oo shacab. hab deegan wuxu dhiri galinayaa doorosho hal qof iyo hal cod. dhammaan dadka sommalia dega way helayaan xisabtooda, wa hadi xil wayn la iska saaro oo loo dhiso guddiyo iyo commision si hugan u fuliya una arintan oo heer qaran ah.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waa runtaa oo hadda lagama dhawaajin qeybsiga Golaha Wasiirrada, laakiin wuxuu ku hoos qarsoo yahay midka hadda lagu muransan yahay ee Baarlamaanka. Tirada kursi ee aad ku yeelaneyso Golaha Wasiirradu waxay u dhigantaa saamiga aad ku leedahay Baarlamaanka. Hadda qabaa'ilku waxay Golaha Wasiirrada ku qeybsadaan 4.5 mararka qaarna 5. Sababta oo ah Baarlamaanka ayay isku kuraas le'eg yihiin. Haddii saamiga kuraasta Baarlamaanku uu isbeddelo, waxaa khasab ah in kuraasta Golaha Wasiirrada la waafajiyo saamiga cusub.

      Delete
    2. Mudane Yuusuf Garaad,

      Maqaalladaada waxaan ku jeclaaday waa isku dheellitiranyihiin. Caadifadna kuma saleysna. Waxaanse la yaabay kuwa oranaya 4.5 waa faquuq iyo sinnaansho la'aan ee haddana degmooyin maran ku sadbursanaaya ee raba inay xaqooda duudsiiyaan dadyow deggan tuulooyin ka dad badan degmooyinka ay ku faanayaan...Kuwaas caqligoodu wuxuu tusi waayay in baaxadda dhulka aan wax lagu qeybsanin ee tirada dadka la qiimeynayo. Waxay fahmi waayeen in degmooyinka balballaaran sida Hargaysa, Baydhabo, iyo Kismaayo aysan la saami noqon karin kuwa aadka u dad yar. Ma waxaa loo ciilqabaa dulmigii iyo sadbursigii qaranka inaga burburiyay.

      Delete
  16. Nidaamka Degmooyinka ayaa ugu fiican maanta, iyadoo dadka majorityga ah ugu badanayaan xukunka dadka minorityga ahna xaqooda ladhowrayo.

    xildhibaanka daaroodka ah yuu matalayaa ma daaroodka Gaarisa joga mise bosaso mise jigjiga, xildhibaanka hawiyaha ah yuu matalayaa ma hawiyaha Jowhar mise xamar mise cadaado.

    Xildhibaanada in dagmooyin lagasoo doorto ayaa ugu fiican sababta oo ah wuxuu matali karaa dagmaduu kasoo jeedo wuxuu kashaqeenkaraa nabadooda caafimadkoda wax barashadooda iyo hormarkooda oo dhan. Xildho ma matali karo qabiil waayo qabiilkusu wuxuu dagaa meelkasta oo soomaaliya ah.

    Yaanan ceeb aan jirin looyeelin in Nidaamka Degmooyinka la isku soofoorto.

    Mida kale xiligii 2012 kii ayaa lagu balamay in aanan mardanbe 4.5 lagu soonoqon, oo loogudbo qof iyo Cod lkn hada taas madhacayso sida ay sheegtay dowlada Somalia, lkn hadana madhacayso in Nidaamkii 4.5 lagu noqdo, hala xishoodo balantuna waa muhiim in ladhowro.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Soomaaliya qabiilka majority-ga iyo kan minority-ga ah ma kala cadda, waayo tirakoob sax ah ma jiro... Daaroodka Gaarisa jooga, Hawiyaha Wajeer jooga, iyo Digil/Miriflaha Mandheera jooga intaba kama tirsana dadka jamhuuriyadda deggan ee wax qeybsanaya. Marka xisaabtaba kuma jiraan. Waxaa kaloo kaa qaldan baaxadda dhulka laguma cabbiri karo tira-badnida dadka. Waxaa jira dhul ballaaran oo aad u dad yar, iyo dhul yar oo aad u dad badan.

      Nidaamka degmooyinka ceebihiisa qoraalka ayuu ku cadyahay, haddaad akhrisay... Wuxuu horseedayaa caddaalodarro iyo sadbursi iyo wax kala badsi aan ku dhisneyn tirada dadka (population size).

      Delete
  17. aniga waxay ila tahay in 4.5 laga yar guuro oo 5 loo guuro si hal qof iyo codkiisa loogu si gudbo.. hadii si kale wax loo yiraah waxay u ekaanesaa waan socon weeynee aan bal orodno..Yusuf adna fikirkaagu waa sida kaliya ee lagu meel gaari karo.

    ReplyDelete
  18. Hadii degmo wax laku qeybsanayo, waa in loo noqdaaa 8dii gobol ee soomaaliya ka biloowaday.

    ReplyDelete
  19. Anigu waxan qabaa in jihada loo socda aysan dowladnimo jirin ee uun la doonayo in la baabi.yo fusadihii dalkan lagu badbaadin lahaa. Sida hasa wax usocdan kama tarjumayso Somalia somalibaa leh

    ReplyDelete
  20. Degmooyinka maanta jira barigii la samaynayay looma samaynin in xildhibaan laga soo doorto waxa loo sameeyay in adeegyada bulshada lagu baahiyo Lkn hadii la doonayo in xalka Somalia waa doorashadu noqotaa qof iyo codkii sida aduunyada horumartay

    ReplyDelete
  21. Mahada sanidiin
    Koofur galbeed bes ma diidine Galmudug iyo Barlamaan kuba waa diideen Degmooyinka

    ReplyDelete
  22. Anigu intii ugu danbaysay qoraalka yuusuf baan tix raacayaa. Wuxuu tilmaamay haddii degmo wax lagu xulo in hal qof hal cod aan horay loo gaarayn waayo qolyahan kuraasta dheeriga ah ku helay degmooyinka ayaan rabin in aan kuraastaas lagala noqon. Haddaba suaashu waxay tahay kuwan iminka 4.5 ka kuraasta dheeriga ah ku haystaa miyey ogalaanayaan hal qof hal cod loo gudbo.
    Aniga haddaba waxay ila tahay fool kululaysadii Salaad Cali Jeelle in lagu dhufto dawladan hadda 4.5 ka ku fadhida taas oo noqon karta degmo wax halagu qaybsado. Taas ayaa ku khasbi karta qolyaha iminka meesha jooga inay hir geliyaan hal qof hal cod si darooga loogu baandhaysto.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Abdurazak, hadda kuwa sad bursiga haystaa ma ahan aqlabiyadda Baarlamaanka oo waa la cod eg yahay. Laakiin haddii qabaa'ilka hadda ay kuraastoodu isla tor le'eg tahay qaarna la dhimo kuwo kalena loo kordhiyo, markaa waxay noqonayaan cod aan la jebin karin.

      Delete
    2. This comment has been removed by the author.

      Delete
    3. Yusuf waxa meesha isugu jiibinaya waa adiga iyo inta 4.5 rabta.
      Soomaliya degmooyin isu tegey oo gobolo noqdey bay ka kooban tahay.

      Marka ninkii degaan in wax lagu qsybsada diidan, ma oromaa oo meel Soomaaliyaa madago miyaa, mise wax uusan xaq ulaheyn buu raadinayaa.

      Adeer Wadanku waa degmooyin iyo gobolo ee tass baa wsx halagu qaybsado.
      Bay iyo Bakool-nuskeed wax aysan xaq u lahayn inaan lasiineyn bay ogyihiin, haii degmo wax lagu qaybsado.

      Delete
    4. Haddaad ula jeeddo reer Koonfur Galbeed,ogow waxay majority ka yihiin Bay, Bakool, Shabeellaha Hoose, iyo Jubbada Dhexe, iyo Gedo barkeed. Waana dad Soomaaliyeed oo aan xaqooda lagu duudsiin karin degmooyin saxaro ah oo dhowr boqol ay joogto, halka deegaannadooda ay ka mid yihiin deegaannada aadka u cammiran. Marka, wali waxaad ku dhaggantihiin ood sadbursi ku rabtaan dhulka iska maran oo aanay cidi joogin. War miyeydaan ku cibro-qaadaneynin in sadbursi iyo dulmi uu yahay waxa dalka burburiyay ee Siyaad Barre loogu wada kacay? War ma qaran baan raadinnaa mise reerkeenna wax ha badsado? War caddaalad baa ina wada deeqdee, maa laga waantoobo sadbursiga degmada lagu soo gabbanayo?

      Delete
  23. Waa qormo dhab ka hadal ah, sida aad xustay labada dhinac ee is haya xal umadeed iyo mid Soomaaliyeed ma wadaan, lakin aniga Hal wado ama talo ayaa ii muuqata oo cadaalad uga dhaw 4.5, xal waarana aan ahayn, talada aan hayo waxay tahay hadii 0.5 laga dhigo hal buuxa oo wax qaybsiga lagu saleeyo 5 halka ay markii hore ahayd 4.5, oo dawlada 2016 lagu soo dhiso 5 kan badali doonta ay noqoto qof iyo cod madax ku timid soo dariiq la qaadan karo maahan, walaalaha haafka laga dhigayna lala simo kuwa halka qaatay.

    ReplyDelete
  24. 1-Dastuurka Federal ka ee qabyada ahaa Afti looma qaadin. Qofka Somaliyeed ma soo dooran karo xildhibaankii u matali lahaa dawladda.3-Trikoob lama samayn 4-Dalka Soomaaliya xuduudhiisa lama yaqaan (Dawladda Fed ahi ma sugi karto), Hayadihii Dawliga ahaa ee burburayna dalka weli ugama dhismin (Wasaaradihii. 5-Maamul Beeleedyada samaysmay iyo kuwa samaysmi doona sharciga ay ku dhismeen cid taqaan ma jirto waxaan kaloo a aqoon sharci ahaan Dastuurka qabyda ah, iyo kuwa maamul beeleedyadu inay is waafaqsan yihiin, iyo xuduudaha maamul beeleedyada oo aan cayinnayn!. Intaasoo arrimood oo aan xal loo helin DOORASHO in lagaba hadlaa waa Waali Cas!...Haddaan usoo noqdo arrinta 4.5 illaa qof iyo cod mahan arin waqti badan la isaga dhumiyo ...macno badan ma samaynayso Degmo/Deegaan iyo Qabiil..waayo labada jeerba xildhibaanka waxaa keenaya Isim/Qabill madaxeed...dadka ku doodayo degmo hallagu soo xulo waa og yihiin inaan degaada dadka deggani codaynin oo Isimka beeesha/beelaha degmadaas deegani soo xukayaan xildhibaanka waxba kama duwana xulashada ....Arrinta Soomaalidu (Dadweynaha) u baahan tahay maanta mahan qaabkee wax u dooranaa, ee waxaa weeye Qof noocee ah ayaan dooranaa...arrintan ayaa ah arrrinta loo baahan yahay in Soomaalidu ka doodo..Waa In Aan Dooranaa (4.5 ama degmo) Xildibaan Xor ka ah IGAD. Gen Gabre, IGAD, AMISOM, Alshabaab, Alalsheeikh, Damul Jadiid...Xildibaan Xor ah ayaa Dooran kara Madaxweyne Xor , oo hogaamia Ummad Soomaaliyeed oo leh Dawlad Xor ah...intaas taasi meesha maqan tahay macno badan ma samaynayso nooca doorashada iyo sheeko xariirta Federalka iyo Maamul Beeleedyadan Lagu wareersahay Soomaaliya Si aysan u xorroobin...

    ReplyDelete
  25. Walaahi aadbaan uladhacay qoraalkan kaw dhweh lkn waxaanba layaabay Yuusufow hadlaka aad ku gaban gabeysay ee ah in Maamul goboleedyadu iskuraaceen habka dagmooyinka marka lagareebo KG adigana kugulamayaabayee odayaasha ayaan kulayaabanahay

    Ka imaw aniga hal faa iido ayaan ka arkaa nidaamka dagmooyinka wuu ka quruxbadanyahay 4.5ka oo caalamku marka uu maqlo wuu fahmikaraa

    ReplyDelete
  26. Mudane Yusuf Garaad waad ku mahadsantahay qoraalka saliimka ah ee meealaha badan taabanaayo. Waxaan xasuustay habka ay dowlada dalka India ay usoo doortaan baarlamaanka Aqalka hoose ee ( Lok Sabha).

    Wadarta guuud xildhibaanada Aqalka hoose waa 552.

    Hadaba habraacooda dimoraadiyada ku dhisan maxaytahay?
    Waa tirakoobka guud ee dalkooda
    Tusaala ahaan Gobalka UP uttar Prasesh wuxuu ku leeyahay kuraasta baarlamaanka 80 kursi. Halka Gobalka MIZORAM ee ka midka ah gobalada waquuyiga ku yaala uu ku leeyahay xildhibaanada 1 Kursi.

    Hadaba isweydii cadaaladaas maxaa keenay waa aqoon ku dhisan tira koob iyo qof iyo cod kiisa.

    Fikirkeyga
    Waxay ilatahay dowlada hada jirta ee soomaaliya wey ka gaabisay barnaamijyadi dalka uu ku gaari lahaa qof iyo cod 4sanno ee ay jirtay , waxayna ku mashquushay wax aanan dan ogu jirin shacabka soomaaliyeed. Marka ma aha in marba cajalad horleh/software nalagu shuba. Shacabka yaanan dagaal horleh lagalin ee xalkale hala raadiya dastuurka inoo qorana aqriya.

    Mahadsanidiin

    ReplyDelete
  27. Yusuf, aniga oo garowsan in aad qoraalkan si qoto dheer oo xaqiiqada ku saleysan ugu faahfaahisay Caddaalad darada ka iman karta Deegaan Qabiil huwan. Waxan qabaa in ay weli fursaddu jirto in Dadka Soomaaliyeed ka doodaad sidii kale ee lagu xalili karo Waxyeeloyinka 4.5 ku hayo qaranimadena oo aan hubo in waxa Dowladdu ka hana qaadi weydayba in uu yahay. Tusaale, haddii lagu heshiin karo in 4.5 lagu ekeeyo Baarlamanka iyo Wasiiradda ee Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidanka iyo Diblomaasiyinta in aan 4.5 oo nuxurkiisu yahay qabyaalad aan lagu xulin.

    ReplyDelete
  28. yusuf garaad mid an kaa saxo. hdii la dhaho dagmo sidaan is leeyahy beesha ad ksoo jeedo baa weyneyso kuraas waa hdii si sax dagmo lgu qeybiyo. blse koonfur galbeed ma ahn in dagmo ay u diidayso in ay yar yihiin deeganada ay dagaan blse midaas waa been iyo dulmi guracan. hdii taarikhda dib u raacdo beelaha hda jubaland isku sheegayo wxay dawladii hore ku keentay abaarti daba dheer wxay qaxooti ku ahayeen mida kle atla juba iyo bas juba wxaa laysku dhihijiray dhulkii digil iyo mirifle blse markii dawladii heel qabiil lgu riday blse loo arki jiray kolkii hore kacaan umadi wada leedahay wxaa layla so dajiyay walal abaar ku dhufatay gobolkaisa blse nasiib daro wn soo dhaweyn. dawladii hore wxay sameysay in ay ksoo dooran jiray dadka qaxootiga ku yimid blse dawlad jcl awagii cidana kma hdlin blse nasiib daro dhul ay sal iyo rad ku laheyn bay sheegteen taasna xaq ma ahan wli waa jug meshada joog. hdii taladu tahay wn kaa hub badanahy ilama tar tami kartid ogaaaw hub waa wx lsoo gato. mida kle eeg inta dawladii burburtay qabiilkaada iyo darood wxy dhulbalaarsi ku sameyn dhulkii digil&mirifle blse wli waa nasiib daro in an la arag dulmiga halka uu ka imaaday. AFEEFO## dulmiga wxaa hurmuud ka ah hawiye iyo darood qasatn puntland oo qabyaalad shar u raadinaya.

    ReplyDelete
    Replies
    1. doqonyohow yuusuf beesha uu ka dhashay waa beelaha heli doona kuraasta hada ay haystaan,tusaale dalka ma taqaanide,matabaan oo kalya sadex kursi ayay leedahay,beesha yuusuf ayaana keligeed degan iska dhaaf magaalooyinka kale ee ay degan yihiin ama lala degan yahay,sida dhuusa mareeb iyo xarar dheere,,marka beesha yuusuf hada baarlamaankaan sadex xildhibaan oo kaliya ayay ku leeyihiin,,walaahi waxaa cajiib ah caadifadaan doqonimada ku dheehan tahay,, ee idinka reebtay asaagiin ,oo aydnaan hadana xitaa la xishoonayn,yuusuf hadii uu qabyaalad fiirinaa taas deegamada ayaa beeshiisa dan ugu jirtaa laakiin waa muwaadin ka xanuunsaday, qaabka sedbursiga welibana ku darso kuraasta muqdisho wax bay ka helayaan ,marka fadlan ilaah ayaa feexdaan idinka daaweyn kara ,inta qabiilku madax maray,,FG waxaan idiinla hadlayaa soomalinimo walaahi aniga iyo yuusuf qabiil iyo aqoon shaqsi midna ma wadaagno,,ee waxaan ku jecleystay, soomaalinimada,,,ALLAAH YAFSHIIK,,,,,,

      Delete
    2. Walaal,
      arrinta ku saabsan in abaarihii dad badan koonfurta loo soo raray waa jirtaa, oo maantana ay sheeganayaan deegaamadii lagu soo dhoweeyay. Waxaan kaloo la inkiri karin sadbursiga Jubbaland ku sameysay qabaa'il badan oo reer jubbooyinka ah oo ay ugu horreeyaan reer Koonfur Galbeed, Gaaljecel, Sheekhaal, Jareerweyne, iyo kuwa kaloo badan... Waxaa laga warqabaa sida beelo gaar ah oo qaarkood aan jubbooyinka u dhalan ay u sadbursadeen baarlamaan goboleedka Jubbaland. Ma kuwaasaa lagu aamini karaa baarlamaan qaran? Dulmiga jubbooyinka ka socda mar unbuu dillaaci doonaa.

      Delete
  29. asc yuusuf aad iyo aad ayaan kaaga mahad celinayaa dareenka soomaalinimo,ee aad bulshadaada,xitaa outline,ama qish ahaan u siisay,halka reerka lagu furayo,sida aad sheegtay beelihii awalba nuska laga dhigay,marka laga reebo reer baraawe,anigu ma ogi beel kale oo degno soo xasilin karta,tan labaad,digil iyo mirifle,ma keeni doonaan,score u dhaw kii ay kula simanaayeen,,hadii ay dadaalaan waxay keeni karaan,kala badh,dir qudheeda nusqaan baa galaysa,oo ma wada xasilin doonaan 61,tusaale kale beesha gaal jecel,oo ka bilaabata,galbeedka beledweyne-degtana ilaa jubada hoose qooqaani ilaa xuduuda, hal degmo ma soo heli doonaan,marka laga reebo magaalooyin hiiraan oo hal hal kursi ka soo helaan,gugundhabaha kale waxba ma dhaamaan,waa la mid,ujeedeen,ama ciise mudulood ,hal kursi meel ay kasoo helayaan ma jirto,xitaa share magaalo,ay ka yihiin,,marka yuusuf walaal anigoo soomaalinimo,u hadlaya,waliba aan ka dhalan beelahaan lagu dulmi doono qaabkaan, hadana waxaan u arkaa,,in dharaar cad la doonayo,,sed bursi iyo in dad soomaaliyeed marti laga dhigo,,soomaaliyana meeshaas lagu hayo,without representation,,dadkaas oo waliba ah dadkii dulmanaa,,,,waana kugu taageersanahay,fikirkaas damqashada leh,,,,

    ReplyDelete
    Replies
    1. Qabaa'ilka diiddan degmo wax halagu qeybsado oo ay Digil/Mirifle ugu horreeyaan way ku saxanyihiin baan qabaa arrintaas, sababtoo ah gobollada Koonfureed ee beelahaas deganyihiin waa kuwa ugu dadka badan. Tusaale, waxaan kuu sheegi karaa ilaa 5 degmo oo middiiba dadkeedu 100,000 ka badanyihiin sida Baydhabo, Afgooye,Wanlaweyn, Buur Hakaba, Baardheere, Qansaxdheere, iwm (waa qiyaasta QM). Marka degmooyinkaas dadka badan lalama simi kuwa aad u dad yar oo 20,000 ama ka yar ay deganyihiin.

      Delete
  30. Waa fikir sax ah oo cagliga ku dhisan dib Yaan loo noqon inta laga gaaraayo Hal qof iyo Hal cod xalaal ah! Afeeftaada galmudug maadan magacaabin oo weey ogolaatay xaqdarada waan ka xumahay galmudug oo cadaalad daradii somalia ka dhiidhisay iyadoo sidaan ka xoog yar maanta oo xaalka wacanyahay waa ineey xaqa iyo cadaalada jidka lagu gaarayo. Taageeran

    ReplyDelete
  31. Yusuf Garaad qoraladiisa aad baan u xiseeya sababto ah waa qoraalo xiisad leh (sensational). Yusuf waa mahadsan tahay , qabaa'ilo badan baad aragtidooda kala duwan soo ban-dhigtay. Inkastoo aragtiyo badan oo kale aadan soo hadal qaadin . Ugu dambeeyn adiga Yusuf Garaad ah waxaa kula quman in lagu sii jiro 4.5 . Aniga waxaa ila quman in laga baxo 4.5 . Enough is enough . Lix iyo toban sanno baan ku soo dhaqmeenay 4.5 . 4.5 xaq ma aheen ee wuxuu ahaa xal . The only Reference ama Bar-tilmameed kaliya ee jira waxaa loo soo qaadan kara degmooyinki gumeeystaha nooga tagay 1954-1960 iyo general elections kii barlamaanki 1960 , barlamanki 1964 iyo barlamankii u dambeyay ee 1968. Qabaa'ilo Somaliyeed oo waa-weyn baa ku dulmanaa 4.5 laakin KA-TANAASULAY xaqoodi (Concession) oo aqbalay 4.5 si ku-meel-gaar ah oo xal u arkay 4.5 . Qabaa'iladaas tanaasulay waxay helen wax in-badan ka yar intey heli jireen . For example waxaa jiray hal reer oo ku lahaa barlamaanka 20 mudane 1968 . Maantana leh 12 . Waxaa jira kuwo aan hal mudane laheeyn 1968 maantana leh 5 mudane . Xaq ma aha ee waa xal . Dadka laga tirada badan yahay waa in la siiya nominated parliament representatives madaama aysan degmooyin aysan cod ka heli karin . Sidoo kale Somaliland oo dhan waa in la siiya 1/3 saddex meelood hal meel kuraasta barlamanka Somalia sideey ahaan jirtay 1960-1968.

    ReplyDelete
  32. Yusuf Garaad qoraladiisa aad baan u xiseeya sababto ah waa qoraalo xiisad leh (sensational). Yusuf waa mahadsan tahay , qabaa'ilo badan baad aragtidooda kala duwan soo ban-dhigtay. Inkastoo aragtiyo badan oo kale aadan soo hadal qaadin . Ugu dambeeyn adiga Yusuf Garaad ah waxaa kula quman in lagu sii jiro 4.5 . Aniga waxaa ila quman in laga baxo 4.5 . Enough is enough . Lix iyo toban sanno baan ku soo dhaqmeenay 4.5 . 4.5 xaq ma aheen ee wuxuu ahaa xal . The only Reference ama Bar-tilmameed kaliya ee jira waxaa loo soo qaadan kara degmooyinki gumeeystaha nooga tagay 1954-1960 iyo general elections kii barlamaanki 1960 , barlamanki 1964 iyo barlamankii u dambeyay ee 1968. Qabaa'ilo Somaliyeed oo waa-weyn baa ku dulmanaa 4.5 laakin KA-TANAASULAY xaqoodi (Concession) oo aqbalay 4.5 si ku-meel-gaar ah oo xal u arkay 4.5 . Qabaa'iladaas tanaasulay waxay helen wax in-badan ka yar intey heli jireen . For example waxaa jiray hal reer oo ku lahaa barlamaanka 20 mudane 1968 . Maantana leh 12 . Waxaa jira kuwo aan hal mudane laheeyn 1968 maantana leh 5 mudane . Xaq ma aha ee waa xal . Dadka laga tirada badan yahay waa in la siiya nominated parliament representatives madaama aysan degmooyin aysan cod ka heli karin . Sidoo kale Somaliland oo dhan waa in la siiya 1/3 saddex meelood hal meel kuraasta barlamanka Somalia sideey ahaan jirtay 1960-1968.

    ReplyDelete
  33. Yusuf Ma garanayo sida ay kaaga hoos baxday, waxaa la doonayo in laga guuro waa qabyaalada wax lagu qeybsanayo, waxaana loo guuraya nidaam xisbiyo siyaasadeed oo siyaasiyiinta isku fikirka ah ay isku raacayaan mabadi'da ay aminsan yihiin iney dowladnimada ku maamukayaan,shacabkuna wuxuu kala taageeri doona fikradahaas. Demoqaradiyada waxey ku saleysan tahay doorasho degaan, degaana waa dad,siyaasada xisbiyaduna waxey ku saleysan yihiin fikir. Dimoqaraadiyadu kuma dhisna kuraas loo qoondeeyo dad gaara dad tiro yar ku dulman. Dulmiga iyo cadaaladdarida waxaa looga bixi karaa nidaam dowladnimo oo hogaamintiisu iyo sharciyadiisu wanaagsan tahay. Degmadu waa tilaabo loogu dhowaanayo dadka oo lagu tixgelinayo inta badan dadka dega degmooyinka. Dadka laga tirada badan yahay waxey mudan yihiin in la ixtiraamo xuquuqdooda, laakiin macno ma sameyneyso iney ka muuqdaan golayaasha dowladda. Sidaad ogtahay xulashada 0.5 ama 1.00 midna kama turjumayo wax ka qabadka dhibaatooyinka haysta dadka lagu metalayo. Aniga waxaan aaminsanahay qofka wanaagsan wuxuu mateli karaa dadka oo dhan iyadoon la fiirin laan gaabnimo ama laan dheerinimo. Sida aad fahamtey qabiilku meel walba oo la aado Soomaalida waa ka soo gelayaa, wayna fududaaneysa mustaqbalka in dhaqankaas wax badan iskala bedelaan jilaalka isbedelaya. Mudane Yusuf waxaan soo marnay dimoqaraadiyad, hantiwadaag,maxaakiim Islamiya, intaas oo dhan kama aysan marneyn qabiilku, laakin mudane hadda qiil ha kadhigin ku dhaqankeeda musuqeeda oo cidlo loogala soo cararey dadka. Haddii la waayey qof iyo cod yaan kuraasta lagawada buuxin Xamar, waana taas mida degmado uga roontahay 4.5. Marka nidaamka degaanka wax lagu soo xusho ayaa waxaa imanaya in wixii ka qaldan la toosiyo oo degaan walba laga sameeyo tirokoob iyo xuduudaha doorashooyinka. 4.5 toban sano waxba waa ku keeni weyney ee bal aan tijaabino nidaamka degmo. Soomaaliya meesha hadda ay joogto meel ka liidata ma tegeyso, wax isbedela oo muuqda oo dadku ay ku diirsadeen ma jiro,mana laga sugayo hogaan ku soo dhismay 4.5 oo dadku aysan ku lahayn matalaad toosa. Ma qabo inaad moog tahay intaan kuu sheegay laakiin siyaasadaada ay u jaleecda in la tixgeliyo dadka laan gaabka lagu tiriyo, taasna ma xalin karto 4.5 ama degmo. Ku dhaqanka qabiilka oo dowladnimada laga xoreeyo ayaa waxtar weyn u ah dhowrista xuquuda dadka dulman.

    ReplyDelete
  34. Degaan wax ha lagu qaybsado? Sidee loogu qaybsanayaa? 92da degmo ee dalka sidee kuraasta loogu qaybinayaa madaama aysan isla dad-ekayn? Tusaale ahaan, Baran iyo Afgooye ma isku kuraas ayaa la siinayaa? Doonta ayaan la gilgilin inta qof iyo cod laga gaarayo

    ReplyDelete
  35. Degaan wax ha lagu qaybsado? Sidee loogu qaybsanayaa? 92da degmo ee dalka sidee kuraasta loogu qaybinayaa madaama aysan isla dad-ekayn? Tusaale ahaan, Baran iyo Afgooye ma isku kuraas ayaa la siinayaa? Doonta ayaan la gilgilin inta qof iyo cod laga gaarayo

    ReplyDelete
  36. Yuusuf Doorasho Deegaan waxaad noo tusaalesay in xiligan eesan ku haboonen tusaalooyinkaadi waxa ka mid ahaa reer Somaliland Hargaysa iyo Xamar, marka hadii doorashada hab deegaan aan caddaalad daradas darteed 4.5 ugu sii jirno bal doorashada xigtaana deegaan siduu ku hir galaa ileen Somaliland gooni isku taag ee sheegataa dhulkodana lama tagi karee,Su,ashas waa mid aan jeclaan lahaa jawabteda qormadaadana kama helin jawabtas,, mida kale fakirkayga maqaalkaaga ku saabsan waxaan aamin sanahay in xiligan la joogo doorasho deegaan oo xalaal ah in eesan dhaci karin marka Somaliland laga soo tago ankee waayo Maamul Gobolledyada jira dhexdooda ayaa lagu dhex dulman yahay doorashada deegaankana way fara galinayan mana jirto awood Dowlad dhexe oo laga wada danbeeyo

    ReplyDelete
  37. Yuusuf Doorasho Deegaan waxaad noo tusaalesay in xiligan eesan ku haboonen tusaalooyinkaadi waxa ka mid ahaa reer Somaliland Hargaysa iyo Xamar, marka hadii doorashada hab deegaan aan caddaalad daradas darteed 4.5 ugu sii jirno bal doorashada xigtaana deegaan siduu ku hir galaa ileen Somaliland gooni isku taag ee sheegataa dhulkodana lama tagi karee,Su,ashas waa mid aan jeclaan lahaa jawabteda qormadaadana kama helin jawabtas,, mida kale fakirkayga maqaalkaaga ku saabsan waxaan aamin sanahay in xiligan la joogo doorasho deegaan oo xalaal ah in eesan dhaci karin marka Somaliland laga soo tago ankee waayo Maamul Gobolledyada jira dhexdooda ayaa lagu dhex dulman yahay doorashada deegaankana way fara galinayan mana jirto awood Dowlad dhexe oo laga wada danbeeyo

    ReplyDelete
  38. Yusuf Garaad waan kugu aqaanay xigmadda, imana kesinnin gunaanadka dooddaada aad ku salaysay in horta dalka la samatabixiyo

    Dadka kaa soo horjeeda wxn waydiin lahaa 3 su'aalood:

    1. Soomaaliya inay cagaheeda ku istaagto cadogeedu ma oggola kuna farximaayo. Midda cadow u sahashay dantiisa, ilaa haddana hortaagan inay Soomaaliya karaamadeedii oo uu buuxda la soo noqototo. Marka la arko masuul daarood ah(Axmed-Madoobe)oo roog cas loogu fidiyay magaalo Hawiye(Cadaado) iyo marka masuul Hawiye(Xassan Sh. M.) roog cas loogu fidiyo, waa saansaan ninkii waxgarad ahi ku diirsado, cadowga ummadduna aad uga naxo, waayo hadday gacmaha is qabsadaan(soomaali oo idil) cidna karaamo iyo nabadilaalin ugama baahnid, ee taas ma fahnsantahay?

    2. Su'aasha koobaad haddaad fahantay, oo aad aqbashay, inaan nabad iyo horumar waara lagu gaadhi karin qori caariddii -mid shisheeye iyo mid sokeeye midkoodna- ma oggoshahay, in la kala horraysiiyo shaxda, ileen adoon horta wayso qabin salaad ma anaxdee? Yacni in horta ay horrayso in ammaanka la sugo oo nabad buuxda la soo dabbaalo ma fahansantahay inay shardi u tahay tallaabada 2aad ee ah caddaalad wax u qaybsiga?

    3. Haddii labada qodob ee koro la helo, ma fahansantahay, inaysan muhiim ahayn cidda ku xukuntaa ama aysan macno badan u samaynayn dadweynaha? 5 nin oo aabo wada dhalay haddii laga soo doorto inay ka taliyaan Hargeysa, Xamar, Garoowe, Kismaayo, Baydhabo cidna wac u kordhin mayso, wax yeelimayso haddii la helo labada qodob ee kore: 1. Nabad 2. Caddaalad. Ani shaxdayda horumarku waa sidan: 1. Nabad(ma aha xoog, waa in gacmaha la is qabsado).
    2. Horumar(caafimaad, ganacsi, waxbarasho iwm).
    3. Caddaalad( maamul-wanaag iyo awoodqaybsi xalaal ah.

    Ninkii taas aan garannin ama diiddaniba masjidka ciyaarta ha ka daayo.

    ReplyDelete
  39. (Higgaad iyo qalindaar xasid)
    Yusuf Garaad waan kugu aqaanay xigmadda, imana *kedinnin gunaanadka dooddaada aad ku salaysay in horta dalka la samatabixiyo

    Dadka kaa soo horjeeda wxn waydiin lahaa 3 su'aalood:

    1. Soomaaliya inay cagaheeda ku istaagto cadogeedu ma oggola kuna farximaayo. Midda *cadowgeeda u sahashay dantiisa, ilaa haddana hortaagan inay Soomaaliya karaamadeedii oo uu buuxda la soo noqototo *waa qabyaaladda.

    Marka la arko masuul daarood ah(Axmed-Madoobe)oo roog cas loogu fidiyay magaalo Hawiye(Cadaado) iyo marka masuul Hawiye(Xassan Sh. M.) roog cas loogu *fidinayo magaalo Daarood(Boosaaso), waa saansaan ninkii waxgarad ahi ku diirsado, cadowga ummadduna aad uga naxo, waayo hadday gacmaha is qabsadaan(soomaali oo idil), cidna karaamo iyo nabadilaalin ugama baahnid, ee taas ma fahnsantahay?

    2. Su'aasha koobaad haddaad fahantay, oo aad aqbashay, inaan nabad iyo horumar waara lagu gaadhi karin qori caariddii -mid shisheeye iyo mid sokeeye midkoodna- ma oggoshahay, in la kala horraysiiyo shaxda, ileen adoon horta wayso qabin salaad ma anaxdee? Yacni in horta ay horrayso in ammaanka la sugo oo nabad buuxda la soo dabbaalo ma fahansantahay inay shardi u tahay tallaabada 2aad ee ah caddaalad wax u qaybsiga?

    3. Haddii labada qodob ee koro la helo, ma fahansantahay, inaysan muhiim ahayn cidda ku xukuntaa ama aysan macno badan u samaynayn dadweynaha? In 5 nin oo hal aabo wada dhalay haddii *loo soo doorto inay ka taliyaan Hargeysa, Xamar, Garoowe, Kismaayo, Baydhabo cidna *wax u kordhin mayso, *waxna yeelimayso haddii la helo labada qodob ee kore: 1. Nabad 2. Caddaalad. Ani shaxdayda horumarku waa sidan: 1. Nabad(ma aha xoog, waa in gacmaha la is qabsado).
    2. Horumar(caafimaad, ganacsi, waxbarasho iwm).
    3. Caddaalad( maamul-wanaag iyo awoodqaybsi xalaal ah.

    Haddaad heli kartid inaad si xor, nabad iyo kalsooni ku ugu
    tagid: dalxiis, waxbarasho, qaraabosalaan, ganacsi, degaan, guurdoon, magaalo kasta oo walaalahaa oo soomaali ah leeyihiin(Jabuuti, DiriDawa, Hargaysa, Burco, Bosaso, Gaalkacyo, Jigjiga, XAMAR, Beledwayne, Baydhabo, Kismaayo, Gaarrisa... sii wad, maxay 4.5 kaala maqantahay calamkii ka taaganse muxuu culays kugu hayn karaa, haddaadan marti ku ahayn?

    Ninkii taas aan garannin ama diiddaniba masjidka ciyaarta ha ka daayo.

    "Haani gun bay ka tolantaa". Tiirakii ayaanu taagnaye, innagoon wali derbiga ebyin yaynaan jiingadaha la soo yaacin. Is dejiya. Xusuustana:

    1. Kadibna 2. Kadibna 3.

    ReplyDelete
  40. Afeef: wxn akhristayaasha iyo Garaadkaba ka raalli galinayaa, qalindaarkayga badan. Wxn wax ku qoraa tekefo-fariid(smartphone) fartu yaryartahay, waanan boobsiiyaa.

    Ogaysiis: Soomaali Maxamed oo idil,I LOVE YOU all. Jacaylkayguna kuma salaysna dareen ama qalbiwanaag kaliya. Wuxuu ku salaysanyahay caqli iyo xaqiiqo:
    1. Wxd ka wada tirsantihiin qoysakayga(abti, ilma-abti, dumaashi, ilmo-habreed, seeddi, hooyo.. sii wad).
    2. Idinkama maarmo, la'aantiin kaligay wax ma noqon karo. "Far kaliyaa fool ma dhaqdo".

    1991 wxn Xamar ka qaxnay annagoo ah 12 qoys oo ka kooban 4.5. Ilaahay ha ina tuso inagoo dib isugu soo noqoay oo 4.5 ku wada nool magaalo walba si kal iyo laab ah.

    Scw

    ReplyDelete
  41. Yusuf garaad aad yaad u mahadasntahay
    run ahaanti wax badana yaa ka qaldan dadka , waxaana mooda ineysan xaqiiqada fahamsanayn meesha aan joogno iyo meesha aan u socono.

    Waxaan aaminsanahay qof iyo cod, waa in dadka la qiimeeyo tiradooda ee aan la eegin degmooyin maran wy adkaandoonta xaqiiqadii in lahelo wadada saxda ah sababtoo ah kala sheki iyo damaanadqaad la aan sida cadaalada ah ee loo codeynkaro.

    mahadsanid

    ReplyDelete
  42. Ma ogtihin in nidaamka hadda jira in loo arko xal? bal ka waran hadii maanta la yiraahdo Degaan wax ha lagu qeybsado ma is leedahay dadka laga tirada badan yahay in ay degmooyinka ay wax ka degan yihiin ay ka soo geli doonaan? mise kuwa qoryaha ku heystaa Degmada ay ku nool yihiin dadka laga tirada badan yahay ogow degmo walbaa Qolaaa ka ah Minority? ka fekera taas bal

    ReplyDelete
  43. waa illaah mahadii mar hadii aan haysano dawladnima aynaan maanta shaki gali niyeyn madax qaranka sharciyadooda, doodihii ugu badnaa ilaa 2000 iyo 2015 waxay ku salaysnaayeen somalia federal system iyo central system doodaaasi waxay soo af jarantay 2015 oo waa la isla qaatay federal system, hada labadii qolo ee kala taageeraysay ayaa waxay doodii u rogeen 4.5 vs degmooyin. waxaan qabaa in ay murankani uu soo afjarmi doonto 2016 badeecadii iibsami karta ayaa la beecgeryaa 4.5 ma aha mid soomaali ka iibsameysa 2016 qolada ku doodaysa hadii aan lasoo celin Waxbaa khal khal baa dhacaya waxaan oran lahaa (there is nothing to fear but the fear it's self) soomali horay ha u socoto waxaan wadanka kaliya oo caalamka aan ku noolnahay baarlamaankiisa lagu soo doorto 4.5 ugu yaraan aan caalamka la jaan qaadno oo aan degma hoos ka qabyaaladaysa korna ka dimoqradiyeysan aan keeno

    ReplyDelete
  44. Hadalku waa cad yahay Soomaaliya waxey rabtaa cod iyo qof

    ReplyDelete
  45. Waa sida ugu wanaagsan Soomaali guul ku gaari karto Cod iyo Qof

    Kaligii Duul

    ReplyDelete
  46. Waa maqaal falsafadaysan oo aragtidiisu u caddahay.
    Yusuf maqaalkaaga waxaad xoogga ku saareysay 0.5 ka dadka saamiga ku hela lkn hadda saan la soconno qeybtooda bannaankaaba loogu saaray ee malaha waxaad u hadleysay qolyo kale oo qarsoon.
    Aragtidaada anigoo kasoo horjeeda sxb dhanka aad taageertay lama yaabin sababtoo ah burburkii ayaa na baray cabbir cusub oo dadka la saaro.
    Aniga waxaa ila quman tillaabo ka xumayd ma jirin in aab ku heshiinno reer hebel waa nus ee aan horay u dhaqaaqno
    Mahadsanid sxb qoraalladaada iyo falsafaddaaduba way i cajabiyaan xittaa haddii aan kasoo horjeedo.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Hussein, saaxiib marka hore waad ku mahadsan tahay in aan akhrisay iguna bogaadisay qormada. Tan labaad, qolo dahsoon iyo mid kale toona uma hadlayo mana daafacyo. Laakiin aan is weydiinno Soomaaliya maxaa u dan ah annaga oo aan reero iyo degaanno ka fekerin. Haddii 4.5 ay caddaalad darro ahayd, waana qiranahay in ay dad badni ku dulman yihiin qiyaasteyda, aan u guurno mid caddaalad ah horena loogu heshiiyay oo la dhaho qof iyo cod. Yeynaan aadin midkii shalay dulmanaha ahaa in uu xoogaa badsado oo ka qaato kuwo dulmanayaal noqonaya. Markaa waxba lama sixin. Xalna ma noqoneyso.

      Delete
  47. marka hore yuusuf garaad wqaad mahadsantahay. waa qormo xiisabadan ka turjumaysa rugcadaanimada shakhsiga qoray dad badan oo an kala fahmin waxa la isku hayana intani ku filan.
    waxaan qabaa in halkii 4.5 ahayd loo bafdilo 5 beelood taasna lugu sugo hal cod iyo hal qof. sheekadan socotana waxaa raba oo keenay beelo is leh wax badsada waa beelo la yaqaan lkn nasiib daro waxay heleen maanta fursad in beelihii kale soomaaliyeedna ay qaar ku raaceen. ma cadaaladbaa marka meel 500 qof ku noolyihiin dagmo tahay meel 500000 qofna ay tuulo tahay.

    ReplyDelete
  48. yusuf garaad

    adoo aqoonyahana isma lahayn 4.5 baad difaaacidoonta.
    4.5 laga doodi maayo sababtoo ah waa wax khalad ah.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Ma daafacayo 4.5 ee wax ka daran ayaan ka digayaa. Sida ku qoran Dastuurka in 4.5 laga gudbo oo looga gudbo qof iyo cod ayaan doonayaa.

      Delete
  49. yusuf garaad

    kolba haddii dad la dulminayo waxaa fiican laangaabka in la dulmiyo.4.5 waxaa ku dulman beesha laandheeraha,haddii laandheerahu kacdoon sameeyaan laangaabka waa la cirib tiraa,
    laakiin haddii laangaabku kacdoon sameeyaan dadku waa kala haraa.4.5 macnaheedu waxaa weeye beelaha laangabka ha laga sifeeyo dalka.4.5 teeda kale waa khalad,ninka ku dhaganna waa laangaab is og inuu sadbursi helay.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Dimuqraaddiyad laan dheer iyo mid gaaban toona ma laha. Hal muwaaddin waxaa uu ku xuquuq yahay muwaddin kale oo kasta. Ninkii tiro was ku doonaya waa in uu oggolaadaa oo sugaa in Degmo waliba tirada ay tahay ay ku qaadato kuraas u dhiganta saamiga ay ka tahay Soomaaliya. Ijn aan kala fikir nahayna aan isku aqbalno, anigu ma taageeri karo dulmi hor leh oo la jideynayo. Midka jirana waxaa lagu sixi karaa qof iyo cod.

      Delete
    2. waa noocaan oo kale kuwa raba inay sadbursi ku helaan degmooyin bug ah oo aanay cidi joogin. Marka uu leeyahay laan dheer ma isagaa dadka tiriyay? mise dhul lama degaan ah ayuu xisaabsanayaa? Wallee maalinta la is tiriyo waa la ogaan doonaa cidda laan gaabka ah ee faan dhalanteed ah meesha ku haysa?

      Delete
  50. yusuf garaad

    qodobkaasi waa khalad. demoqaraadiyada waxaa awooda leh laandheeraha. minoratigu xuquuq ayay leeyihiin. 4.5 somalia waxaa uu u horseedayaa minority rule oo kallifi karta dhibaato iyo dhiig hor leh oo daata.
    teeda kale 4.5 waa wax khalada umana baahna in laga doodo.
    waxu mar haday khalad yihiin sharciyada rabaaniga iyo xikmada biniaadamkaa laga tusaale qaataa si loo saxo.

    ReplyDelete
  51. Awoowe ujeedkagu waxa weeye yaan laga tagin 4.5 oo iyadaa ii roon iyo ceeben aad ceebaynaysid qaabka deeganka warkaagu yuusuf waa cadyahay lakin waxan kuu sheegaya wadan qarnigan aan joogno ku dhisan 4.5 ama 100.9 in uusan jirin hadana waxan uusan ku sii jiri kari. For sure. Kanax ama ha ka nixin somaliya mar ay u gudubtaba deegan way u gudbin . Marka aad ka haslaysid hargaysa oo u doodaysid xaqooda maxad uga hadli wayday bosaso ileen magala ahana kama yara dad ahana kama dad yara walow ay dad bosaso jooga ay aaminsanyihin in ay dulmanyihin oo hadiiba qaab qabiil wax loo qaybasanayo wax loo qaybsado somali iyo daarod taa micnaheeda oo ah daarodka mahane inta kale ee somaliyed in ay isku yihin hal qabiil oo walalo ah marka miyeysan xaq ahayn hadiiba aad cid cadiifad u muujinaysid aad dadkas dulman aad u muujisid oo aad ku qancisid insha allahu one man vote buu noqon dalka ee samra inta laga gaarayo .mida muqdisho soo ma ogid muqdisho in ay tahay casimada wadanka damcan qorshe gooniya baa laga soo saaraya 16 dagmo hadii ay diidan dadka dagan muqdisho in lala share gareyo kurasta magaladas damcan waxay noqonayan 3 kursi oo kaliya casimadana waxay noqonaysa hargaysa ama magaladii kale oo kldiyaar u ah in ay dowladu u madaxbananato maamulkeda iyo kuraas qaybinteda....

    ReplyDelete
    Replies
    1. Sxb Ceeb iyo ammaan midnka kuma saabsana qormadeydu. Waxay ku saabsan tahay maxaa heshiis lagu yahay oo lagu soo socday tan iyo 2000? 4.5. Maxaa lagu ballansanaa oo Dastuurka ku qoran? Qof iyo Cod. Ma la heli karaa? Maya sida Dowladdu na leedahay. Haddii la waayay maxaa la yeelaa? Labada talo oo la soo jeediyay 4.5 ha lagu socdo iyo Degmooyin aan la tiro koobin si is le'eg kuraas ha loo siiyo, ayaa la soo jeediyay. Aniguna waxaan lafa guray labada mid walba waxa uu la imaan karo anigu oo tusaalooyin muuqda soo qaatay. Waa cabbirka uu fikirkeygu i siiyay. Igu raac ama fikir kale keen. Ujeeddadeyduna macneyn kaagama baahna oo anigaaba sheegay.

      Delete
  52. shicibka jubbaland,puntland iyo khaatumo waa hadleen mana ogola 4.5 oo ah nidaam khalada taariikhda caalamkana aan lagu arag. 4.5 haday ka tanaasuli waydo dowlada federalku ka talin mayso deegaanada kor ku xusun. dowladu deeganaanadaas badooda,barigooda kama talin doonta dadka dagana ma canshuuri doonta. hadday dowladu rabto inay awoodeeda ku baahiso dalka ha iska ilowdo 4.5 haddii kale UN biil ha ka sugaan waligood.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Sxb doodda dhan kale ha u qaadin. Mowduucaan waxaa ka wadahadlay Puntland, GalMudug, Koofur Galbeed iyo Jubbaland. Marka laga reebo Koofur Galbeed inta kale waxay waafaqsan tahay Degmooyin aan la tiro koobin in lagu qeybsado kuraasta Baarlamaanka. Aniguna awood aan isku hortaago ma lihi laakiin dulmiga ka imaan kara ayaan tilmaamay. Mana lihi 4.5 waa wax wanaagsan. Laakiin waxaan tilmaamay in wixii hore loogu heshiiyay oo noogu qoran Dastuurka oo ah Qof iyo Cod loo gudbo. Ilaa taas laga gaarayana aan nidaam hor leh oo si gaar ah ugu daran qabaa'ilka aan hubeysneyn aan meesha la soo gelin. Degaannada aad gorodda isu gelisay marka aan eego, waxaa igala habboon in aad si guud ugu fekertid Soomaali oo dhan maxaa u dan ah oo dadka isku wadi kara?

      Delete
    2. Markii iigu war dambeysay Galmudug iyo Koonfur Galbeed isku feker ayey ahaayeen. Midda kale, Hiiraan/Shabeella Dhexe iyagana dadka matalaya way la qabeen.

      Horta waxaa isweydiin mudan: sidee maamul goboleedyo aan la soo dooranin uga awood bateen baarlamaanka federaalka ee loo wada dhan yahay?

      Delete
  53. Waa kumahadsantahay yuusuf qormadaada xiisaha badan oo aad waqtiga badan gelisay
    Laakin aniga waxaan qabaa in koraasta soomaaliya lagu qaybsado si cadaalad ah meesha 4.5 laleeyahay ay noqoto 5 beelood kadibna ay si cadaad ah wax uqaybsadaan.

    ReplyDelete
  54. Yusuf Garaad, walaal marka hore waan kaaga mahad naqayaa fikradda caafimaadka qabta ee aad doodan cilmiyeysan kusoo bandhigtay iyo sida aad ugu jawaabtey dadka jirran ee halkan adiga kugu maagayaba oo halkii ay ra’yigooda ka dhiiban lahaayeen Mustaqbalka dalka iyo waxa laga hadlayoba oo aney fahmin laakiin uun ay uga dheggan tahay Yusuf Garaad iyo fikirkiisa muxuu dadka ugusoo gudbiyey oo uu runta uga hadlayaa. Yuusufow sida aan hubo in aad xog ogaal u tahay adigu, dadka hadda wata barnaamijkan cusub ee la rabo in qabiilkii shaar deegaan loo geliyo ayadoo aan dadka la tirin waa isla dadkii markii horena keenay fikradda 4.5 ayagoo ka cararayey in dad-tirsi wax lagu qaybsado waayoo waxay ogaayeen in laga badan yahay xagga dadka, markaas ayey dadkii Soomaaliyeed oo dhibaatadu soo daashatey oo doonayey in si uun xal loo gaaro ay ka ogolaadeen fikraddaa dulmiga ku dhisnayd laakiin xal kumeel gaar ah loo arkayey inta xal waara oo caddaalad ah laga gaarayo oo qof iyo cod ah, ayaguna waxay halkaa kalasoo dhex baxeen in ay la sinmaan qabaa'il aaney xitaa nuskood dhamayn tiro ahaan. Hadda oo ay is yiraahdeen waxa lagaarey waqtigii runta la isu sheegi lahaa oo tiro wax lagu qaybsan lahaa ayey ayagoo mar kale og in laga tiro badan yahay oo aaney tiro ku heleynin inta ay hadda haystaan iyo wax u dhow toona oo ay ka yaraan doonaan dadka ay hadda sida xaq darrada ah uga haystaan xaqooda ayey waxay mar kale ku fekereen fikrad tii hore kasii liidata marka loo eego xagga caddaaladda oo ah karog oo labo saar, bal markanna kuday qabiilkii oo magac kale loo yeelay ayagoo adeegsadey formuladan 4.5-4.5=0 = Deegaan aan dadka la tirin. Bal u fiirso dadka hadda wata fikradda deeganka in wax lagu qaysado isla markaana aan ogolayn in dadka degmadaa ku nool la tiriyo waa reer Puntland ama aan iraahdo waa DAAROOD waxba yaanan ka war wareegine. Dadkii markii hore keenay 4.5-kuna isla ayaga eyey ahaayeen. Aan isweydiinee Percentage-ka Qabiilka Daaroodku imisa ayey ka noqonayaan Population-ka Soomaaliya? waxay aniga ila tahay in aaney ka badneyn 10% ma dood baad ka qabtaan taa? haa dhaha, aniguna waxaban isleeyahay waabad uga badisay intii ay ahaayeen. OK, ogolaada in dadka la tiriyo oo weliba sidaan horeba u sheegay qabiil loo tiriyo oo qof walba qabiilkiisa la weydiiyo si aad xaqiinnaa oo sax ah u heshaan oo aan laydiin dulmin idinkoo dadka ka badan idinkana aaney cidi dulum idinkaga tirsan ama idinkugu eedayn idinkoon dembi lahayn, markaana ciddii dadku doortaani ha xukunto dalka iyo deegaankaba Baarlamaankana hasoo galaan adayoo lays yaqaanno degmo walbana cidda kunool la yaqaanno iyo weliba qabiilka ay tahay. Ogaadana waqtigii beenta iyo khayaanaduba wuu dhammaaday oo waqtiga iyo waayaha ayaa soo afjaray oo haddeer kadib idiin shaqeyn mayso ee iska illooba taa oo runta usoo dhaadhaca dadkana runta iyo caddaaladda wax kula qaybsada dalka waa lawada leeyahaye

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waa kuwee dadka laga Tira badanyahay? Goormaadsee tirokoobtay adigu? Mise waxaad run beentii dhowaan dawladu soo saartay?

      Delete
  55. A. W. W. Yuusuf. Karaali noqo. Erayada. Xumaanta. Iyo naceybka xanbaarsan. Ee. Kaaga imaanaya. Dadka qaar. Sida. Ninka. Labaxay suleeman jama. Hada kahorbaa. Nin laweydiiyay. Su. Aal. Waxaalayiri maxaa idiinbaxa. wuxuu yiri. Dadbaa noobaxa. Qoraalka. Aad kasoo diyaarisay. Dhanka Siyaasada. Soomaaliya. Aadbaan. Ugahelay. It. Is. What it is. Ha ujoojin. From. Denver. Colorado. U. S A. Thanks

    ReplyDelete
  56. Dastuurka saan ku ogaa 4.5 mandate ayuu lahaa oo ah xilli cayiman oo Lagu qeexay marka laga gudbo ku meelgaarka. Yusuf Garaad anigu dhibaato ka imaan karta in hab deegaan wax Lagu qaybsado iima muuqato. Degmooyinka waxaa magacowday dowlad sharciya oo dalka oo dhan ka talisa qabiil iyo dullinimona ka sarreysa. Mujtamaca somalia ten iyo 1991kii waa labanlaabmay,dabcan degmooyinka waa la kordhin doonaa marka referendum la qaado.
    Teeda kale yusuf Garaad Iska jira dastuurka aad xiganayso sabtoo ah waxaa jira mid faalso ah oo xamar Lagu qoray laguna faafiyay internetka. Fadlan midka saxda ah ka soo xigo websiteka unta.

    ReplyDelete
  57. Yusuf Garaad waxaad ku soo celcelisay mar hadii deegaan loo gudbo in dadka laga tiroda badanyahay aysan xildhibaano heleyn.
    Taasi wa khalad Sababtoo ah xildhibaano waliba deegaankooda matala baahidoodana kala tashadaan ayay helayaan. Xildhibaanada .5ka hada waa magac u yaal codkooda la gato. Dalka dowlad ayaa ka galinaysa dowladaasaana dadka amaankooda sugi doonta, sidaas ayay dadka laga badanyahay oga xoroobi karaan qabiilada hubaysan, wa dowladnimo horsocod iyo cadaalad. Sxb yusuf waxaad u egtahay nin raba inuu wax dulmiyo asagoo ku raadgadanaya dadka .5ka. 4.5 danta laga lahaa waxay ahayd in lagu soo celiyo dowladnimo soomaaliyeed. Dad baa xuquuqdoodii laalay oo u tanaasulay danta qaranka si loo soo celiyo sharaftii soomaliyeed. Inaad dadka dadaalkaas soo sameeyay tiraahdo waa dulmi raadis waxaan u arkaa gef aad u weyn.

    ReplyDelete
  58. Anigu shaqsiyan waan taageersanahay nidaamka degmooyinka in wax lagu qaybsado waayo marka la yidhaahdo Hargeisa 3 xildhibaan ha qaadato Muqdishona 48 waxaa halkaa ka cadaanaysa cadaalad darada umada Somaliland uga baxeen Somalia daliilna waanu u helaynaa qawlkayaga ah cadaalad ayaanu waynay.

    Siyaad Barre waxa uu degmooyin badan u magacaabay degaanada reerkiisu degaan si maantoo kale u qaataan saamiga ugu badan.

    Maanta cida nidaamka taageersani waa beeshii Siyaad Barre waana cadaalad daradii kacaankii October oo shaadh kale soo gashtay waana kii ay beelaha hubaysan ee koonfur joogaa isku dili lahaayeen markay baarlamaanka kala badsadaan cidaasina madaxwaynaha qaadato.
    Duo polygii Somalia Prof. Samatar ku sheegay waxay isu badalaysaa Monopoly.
    Beelaha aan hubaysnayn iyaga xaqooda iyo dulmigoodu waa ka somaliyi ka hagaagi la'dahay, intii yarayd ee quursiga ahayd ee marka hore la siiyay ayuunbaa inay meeshaba ka baxdaa u badantahay.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mujtamaca xamar iyo hargaysa aad bay ukala badnaayeen dowladii u dambaysay. Isbadalo siyaasadeed oo dhacay ayaa kalliftay inay sara u kacaan mujtamaca gobolada sida bosaso, kismaayo iyo hargaysa. Dabcan 16ka degmo ee xamar xiligii la magacaabay xaqiiqday ka turjumayeen oo waxay ahayd caadimad ay somali ku idishahay.

      Delete
  59. Taas layskuma diidana lkn hada kama turjumayso Boosaaso ayaad ila hoos ordaysaa Burco iska daaye Borama ayaa ka wayn adoon dal marin ha xukumin magaaladaada.

    Markaa calaa likuli xaal aniga dantaydu waxa weeye in Xamar hesho 48 xildhibaan Hargeisana 3 saddex waayo kolayba ragbaa u shaqo tagayee inay noqdaan dad aan saamayn lahayn lana maqal codkooda

    ReplyDelete
  60. Mudane Yusuf Garad haddii aan isku afgaranay 4.5 in ay xal ku meelgaar ah ahayd, qof iyo codna meesha loo socdo ee lagu heshiiyey ahayd, maxaa dammanad ah ee aan haysannaa in Madaxweyne Xasan uusan waqti kororsi uga jeedin ku dhegenaanta qaabkii uu yaqaanay ee lagu soo doortay? Kawaran haddii 2020 lagaaro iyadoo aan weli 4.5 laga maarmin, qof iyo codna aan la diyaarin. Waayo haddii maamulka hadda jira daacad ka yahay raadinta qaran leh dastuur afti loo qaaday oo dadka iyo dalku ku kalsoonyahay, maxakamad dastuuri ah oo xadgudubka madaxda iyo maamullada meel saarta waqtigii 4 sano ahaa ee maamulka loo dhiibay ayey ku sameyn lahaa.
    Haddii aan qiimeeyo xaaladda hadda lagusuganyahay waxaan u arkaa in:
    1. in aan deegaan aan la tirokoobin wax lagu qaybsan waayo caddaalad soo kordhinmaayo.
    2. in odaydgaqameed danbe aan muqdisho la isugu yeerin si aan lacag iyo baqdingelin codkooda loogu gadan.
    3. in 4.5 xildhibaanada matalaya ay soo xulaan madax dhaqameedka iyo dadweynahooda iyagoo magaalooyinkooda iyo tuulooyinkooda jooga (haddii ay suurogaltahay amni ahaan).
    4. in madaxda saddexsa gole ee hadda jira laga saxiixo in aysan isi soo sharrixi doonin maadaama ay yoolkii iyo halkii laga filayey (dastuur dhammeystiran, maamuldhammeystiran, dal mideysan iyo qof iyo cod) ay dalka gaarsiin kari waayeen.
    Sidaas haddii layeelo waxaan is leeyahay qof bilsoomay beri kuma dariwaayo oo danka guud in loo hiillinayo ayaan u arkayaa haddiise kud ka guur oo qanjo u guur ama qanja ka baq oo kud la joog uu xaalku yahay laba daneyste dantood dantay maaha!!
    mahadsanidiin soomaalya ha noolaato

    ReplyDelete
  61. Mudane Yusuf Garad haddii aan isku afgaranay 4.5 in ay xal ku meelgaar ah ahayd, qof iyo codna meesha loo socdo ee lagu heshiiyey ahayd, maxaa dammanad ah ee aan haysannaa in Madaxweyne Xasan uusan waqti kororsi uga jeedin ku dhegenaanta qaabkii uu yaqaanay ee lagu soo doortay? Kawaran haddii 2020 lagaaro iyadoo aan weli 4.5 laga maarmin, qof iyo codna aan la diyaarin. Waayo haddii maamulka hadda jira daacad ka yahay raadinta qaran leh dastuur afti loo qaaday oo dadka iyo dalku ku kalsoonyahay, maxakamad dastuuri ah oo xadgudubka madaxda iyo maamullada meel saarta waqtigii 4 sano ahaa ee maamulka loo dhiibay ayey ku sameyn lahaa.
    Haddii aan qiimeeyo xaaladda hadda lagusuganyahay waxaan u arkaa in:
    1. in aan deegaan aan la tirokoobin wax lagu qaybsan waayo caddaalad soo kordhinmaayo.
    2. in odaydgaqameed danbe aan muqdisho la isugu yeerin si aan lacag iyo baqdingelin codkooda loogu gadan.
    3. in 4.5 xildhibaanada matalaya ay soo xulaan madax dhaqameedka iyo dadweynahooda iyagoo magaalooyinkooda iyo tuulooyinkooda jooga (haddii ay suurogaltahay amni ahaan).
    4. in madaxda saddexsa gole ee hadda jira laga saxiixo in aysan isi soo sharrixi doonin maadaama ay yoolkii iyo halkii laga filayey (dastuur dhammeystiran, maamuldhammeystiran, dal mideysan iyo qof iyo cod) ay dalka gaarsiin kari waayeen.
    Sidaas haddii layeelo waxaan is leeyahay qof bilsoomay beri kuma dariwaayo oo danka guud in loo hiillinayo ayaan u arkayaa haddiise kud ka guur oo qanjo u guur ama qanja ka baq oo kud la joog uu xaalku yahay laba daneyste dantood dantay maaha!!
    mahadsanidiin soomaalya ha noolaato

    ReplyDelete