Wednesday, 10 February 2016

Qabyaalad-diid mise Qabiil-u-dood

Qormadan akhri haddii aad tahay qof maskax furan, fikirkiisa xor u ah, awoodna aad u leedahay in waxa ay hadda kula tahay aad wax ka beddeli karto haddii lagu soo hor dhigo dood maangal ah oo xisaab kugu taabsiisa xaqiiqada.

Waxaan rabaa in aan si deggan isula dhiraandhirinno buuqa ku furan nidaamka 4.5. Buuqaasi waa qabyaalad diid, caddaalad doon ah oo u daneynaya danta guud iyo Soomaalinnimada ama waa buuq dadka wadaa ay doonayaan qabyaalad horseedi karta sadbursi oo ay iyaga wax ugu kordhayaan lana hubin in ay shaqeyn karto.

Waxaan rabaa in aan isla cabbirno arrinkaas.

Anigu waxaan qabaa nidaamka 4.5 in aanuu ahayn caddaalad, sidaa darteedna ay tahay in looga gudbo nidaam caddaalad ku dhisan oo ay dadku u siman yihiin oo ah qof iyo cod. Waa sida Dastuurku qabo laakiin dowladda hadda jirtaa ay ka dhabeyn kari weyday.

Waxaa soo baxay dad diiddan 4.5 waa nidaam qabiili ah ee aan uga guurno qaab degaan. Taas waxaa macnaheedu yahay degmooyin aan dadkooda la tirin si siman kuraasta ha loogu qeybsado.

Dadka qaar waxay u qabaan 4.5 dadka diiddani in ay yihiin dad qabiil diid ah, qaar kalena waxay u qabaan in ay iyagu wadaan qabyaalad weliba caddaalad darro ku saleysan taas oo ah reerkeygu waa in uu ka kuraas badnaadaa reeraha kale.

Labada midda ay tahay sidee lagu garan karaa? Halbeeg lagu kala ogaado ma la heli karaa?

Jawaabtu waa ay sahlan tahay. Waxaa lagu ogaan karaa in la hubiyo qofka diiddan 4.5 in reerkiisu uu ka kuraas badnaanayo reeraha ay hadda isku kuraasta yihiin haddii degmo la aado iyo in kale.

Anigu siyaasiga aan reerkiisa kuraastu u badaneyn haddii 4.5 laga guuro, haddana diida 4.5 ayaan u arkaa in uu yahay mid qabyaalad-diid ah. Midka ay reerkiisa kuraastu ugu badaneyso diidmada 4.5 waxaan u arkaa qof u doodaya xaq uu u arko in uu reerkiisa ka maqan yahay.

Siyaasigii doorbidaa xor ayuu u yahay in uu beeshiisa xuquuqdeeda u raadiyo. Laakiin waxaan jeclaan lahaa laba in uu sameeyo. Marka hore in aanuu iska dhigin qof qabyaalad-diid ah ee uu sheegto in uu qabiilkiisa xaq u raaadinayo. Marka labaad in uu danta guud ka fekero oo is weydiiyo hal su'aal: Sideen u aqbalsiin doonaa qabaa’ilka aan damacsan ahay in aan ka kuraas bato aniga oo aan tirokoob ku helin? 

Aqbalaadda qabaa'ilka aan wax u kordheyn waa muhiim si aanay wadajirkeenna iyo Dowladnimadeennu u wiiqmin.

75 comments:

  1. Yuusuf wax cusub maadan soo kordhinin.Qaabkii ay Soomaalidu ukala qaybsanayd ayaad dhinac xoojisay.Tusaale Soomaalidu qaar baa aaminsan in iyagu degmooyin badan deganyihiin,qaar waxay aaminsan yihiin in qabaailada kale ay ka badan yihiin oo hadii la istiriyo iyaga xildhibaano dheeraad ah helayaan,qaar kale ayaa aaminsan in degmooyin badan aysan daganayn laakiin hadii qabiil lagu qaybsado ay dadka kale la sinaanayaan.Markaa adigu waxaad ku amaanan tahay inaad badheedhahaaga cadaysay oo aad dhinacyadii siyaasada isku hayay dhinac xoojisay.Cilmi nafsigu wuxuu sheegaa markaa aad doonayso inaad dhib xaliso waa inaadan dhibka banaanka ka noqotaa oo aadan ku dhex milman ama aadan la tacaadufoonin si aad dhibkii u xaliso.Waad iga raali ahaanaysaa hadii aad fikirkaygan qoonsato

    ReplyDelete
    Replies
    1. Sxb ma lahaa cilmi nafsiga aad sheegtay ayaad uurkeyga ku ogaatay, laakiin uma maleynayo anigu dhinacyada badan ee aad taabatay midka saxda ila ah in aan sheegay. Ogowna haddii degmo la aado aniga qabiilka la ii sheegay in aan qeybteyda ka doonto wey ugu badineysaa ee hoos uma dhici doono. Marka sxb aniga in aad i qiyaasto in aad ku mashquusho waxaa igala macno badan in aad ku mashquusho waxa uu xalku noqon karo oo talo aad xor u tahay aad soo bandhigto.

      Delete
    2. Sxb kuma qiyaasin ee qoraalkaaga dib u fiiri,Arigtida aad soo bandhigtay waxaad ku waafaq santahay oo aad kala mid tahay siyaasiyiin iyo qayb kamid ah bulshada Soomaaliyeed,arin in la duro mudana ma aha.Boga waxaad ku qorotay inaad tahay public figure hadana qoraalo afkaaro xambaarsan bulshada la wadaaga ,marka hadalka ah ha igu mashquulin ma aha mid meesha kujira siyaasi adiga oo kale ahna laga filan karo.Dooda ah Soomaalida ma 4.5 mise deegaan bay wax ku qaybsataa waa dood siyaasadeed oo ubaahan xal siyaasadeed waxaana suuragala ah in xalkaas uusan cadaalad noqon.Lafi sideey ujabtay uma kabanto.Dooda ah cadaaladu waxay kujirtaa in la istiriyo oo qof iyo cod doorasho lagu galo waxaan u arkaa inay tahay un dhibka ina haysta xal uwaynaye aynu dib udhigano sababtoo ah dhibka soomaali maanta haysta waa istuhun iyo kala aamin- bixid,su'aashu waxaa weeye soomaali yaa tirin doona oo dhihi doona sidan ayaad ukala badan tihiin? Dad is aaminsan oo wax heshiis ku ah ayaa istiriya oo is aamina.

      Delete
    3. Ninyahow Dhanaan la maagac baxay waxaa iiga kaa muuqda in aadan ra'yi meesha ku heynin sabatoo ah, arinta meesha taalaahi ma aadan sheegin sida aad u aragto xalkeeda.

      Yuusufna wuu kaa saxan yahay marka uu leeyahay ha igu mashquulin, sababtoo ah public debate ama doodaha arimaha ummada marka laga hadlaayo waxaa mamnuuc ah in aad qof ku weerarto ra'yigiisa.

      waxyaabaha iskuulka la'igu baray anigoo dhigta dugsiga dhexe dalka Norway waxaa ka mid ah in ey mamnuuc tahay marka la doodaayo wax loogu yeero argument against the person. Qofna lagu ma eedeeyn karo arinta in uu xalkeeda meel iska taagay. Laakiin waxa lagu eedeyn karaa in meesha uu arinta ka taagan yahay ee khaldan tahay markaasna waa in cadeeyn ama dood muujineysa khaladka rayiga qofkaas meesha la soo dhigaa.

      Waxaan Yuusuf dhihi lahaa waad ku mahadsan tahay in aad moowqif qaadatay oo meel aad sax u aragtay shaagtay. Qofkii ra'yiga Yuusuf iyo inta la qabtaa la khaldan yihiin ha sheegeen waxa iyaga la saxan iyagoo aan Yuusuf iyo cid kaleba ku eedeyn in ey mowqif cad iska taageen arinta. Midna yaan la iloobin! Weligeed ceeb ma ahan in qofku yiraahdo sidaas ayaa ila saxan.In aad ra'yi leedahay waa raganimo. Hadii lagaa codbato ama ey muuqato in lagaa saxan yahay hadii aad aqbali weydo waa doqonnimo.
      Hadii aan u imaado arintan dooda. 4.5 waa xal ee xaq ma ahan! Waa nidaam aan ku soo dhaqannay mudo dheer. Hadii ey tahay in laga guuro waa in wax xaq iyo cadaalad ah looga guraa taas oo ah in dadka la tiriyaa deegaan walbana uu helaa tiro xildhibaano la ey dadka deegaankaas ku nool. Midna ha la ogaado cidii ku fekereyso in qabaa'il xidhibaanadoodu baarlamaanka fadhiyaan ayaa kuraasta idiin kaaga kici doono iyadoo aa loo xaqiijin in laga tiro badan yahay. misana xal u aragto. ha ogaadeen in taasi eysan suurtogal aheyn. Mdaxda Puntland iyo kuwa ku doodaayo in deegaan wax lagu qeybsado waxaan kula talin lahaa in ey ka shaqeeyaan in dowlada federaalka ah ey lug gooyada ka daayaan eyna ka sheqeeyaan in dalkan doorasho afti dadweyne ah ka dhacdo dadkana la tiriyo ka hor sanaa 2020. Hadii kale waxaa ka cabsi qabaa in sanada 2020 sidan oo kale 4.5 iyo degaan leysku qabsan doono.

      Delete
  2. 4.5 waxaa ku meereysanayo qof aan degan lahayn oo rabbo inuu adeegsado laaluush kadibna noqdo Xildhiban aan degaan iyo shacbi la,haynaa. Oo ah Musuqmaasuq, been abuure, laaluush Qaate. Waa hagaaga. Saas darteed waan diidnay ninkii rabo 4.5 isaga ayey jirtaa inta Degaan rabtana dowlad gaar ah oo somalia ayey sameysan iyadoo Buuq jirin.
    Abdi nassir sarinley

    ReplyDelete
  3. Marka hore waa ku salaamey Yusuf. Doodaan aad soo ban dhigtey hadaan aniga u soo daadago 4.5 si kastaba ha ku timaado lakiin waa nidaam aad u xun sxb, waxaase ka sii xun hadii la waayo cod iyo qof mesha kale ee fakadka loo yahey oo ah degmooyin in wax lagu qeynsado, maanta degmooyinka jira waa tii ay ka tagtey dawladii bur burtey ayadana ka sii liita 4.5 hadii cadalad laraadinaayo waayo waxaad ogtahey degmoojin dadka ku nool ay ku soo sadex jibaarmaan tuulooyin maanta jira in aysan waxba heleyn, Marka inta laga helayo qof iyo codkiisa xumaanba xumaan ayeey ka daratahey ayadaas halgu dhaqmo ALLANA waxaan ka baryenaa nabag aan ku qaarno qof iyo codkiisa si looga baxo cadaalad darada.

    ReplyDelete
  4. Mahadsanid Yusuf Garaad waxaa Qanaaco ku filan qormadaada iyo sida aad u
    taxliilisay ku-Mahadsanid kolka kale "Inngu" Faroole iyo kuwo la feker ahba waxaa noola garami kara Hoggaamiyaha Reer koofureeda Nabadoon-Guud Xasan Xaad.

    ReplyDelete
  5. Qofka raba in uu helo kuraas dheeri ah ha is weydiiyo mesha aay ka imaaneyso ileen 275 wax lagu dari maayo taas waxey daliil u tahay in la rabo xaq dad kale ani isma lihi xasan ayaa cidiisa kuraas yar heli donta hadii degan wax lagu qeysado marka dad ha ilaaliyo xaqooqdooda inta yar aay heystaan hadii laga qado maxeey ka imaan kara

    ReplyDelete
  6. Somalidu hadii ay xal raadineyso waa in lahelaa nidaamka axbaabta badan oo shacabku xizbigii ay rabaan ay doortaan. ...tan kale intii laga gaaraa doorasho qof iyo cod ah somalidu qabiil dhaafi meysee waxà Kaliya ee leyskusii maamuli karo ama wax lagu qeybsan karo waa 4.5 ayaadaas ayaana xal udhaw maadaama Somali aysan kujirin qabiil ogol in qabiil kale kabato

    ReplyDelete
  7. Mahadsanid Yusuf Garaad waxaa Qanaaco ku filan qormadaada iyo sida aad u
    taxliilisay ku-Mahadsanid kolka kale "Inngu" Faroole iyo kuwo la feker ahba waxaa noola garami kara Hoggaamiyaha Reer koofureeda Nabadoon-Guud Xasan Xaad.

    ReplyDelete
  8. Yuusuf waan ku salaamay.
    Waa run siyaasiga Soomaaliga ah, heer Qaran iyo mid Gobolba, gedigood ma aha dad waaqiciga xisaabta ku darsada. Hortii horeba waxaa qiyaali ahayd in lala soo boodo 2016ka waxaa la qaban doonaa Doorsho xor ah.
    SIda aad xustay, ma jiro tirakoob guud oo dalka laga qaaday. Waxaa kale oo jirin tirakoob guud oo codbixiyaha Soomaaliya lagu tirakoobay aqoonsiga codbixintana lagu siiyey. Iyana ma jirto in degmooyinka Gobolada lagu jaangooyey inta xildhibaan ee ku meteli doonta Golaha Shacabka.

    Waxa kaliya oo ilaa hadda Soomaaliyi ku heshiiday waxay ahayd in qabiil wax lagu qaybsado(4.5). Iyada oo aan ogsoonnahay sida taasi xaq-duudsi u tahay ayey haddana tahay tan kaliya ee Soomaali meel iskugu timid ay wada gudoonsatay. Waxaa kaliya oo looga gudbi karaa waxa weeye nidaam dastuuri ah oo dhaqangala, aftina lagu meelmariyo.Dabeeto la ansaxiyey sharci jaangooynaya tirada axsaabta siyaasadda dalka iyo shuruudahooda. Kolkaasna la sameeyo tirokoob dadweeyne oo aan laalaab ku jirin. Yaa fulinkara howlahaas?
    Waxay ila tahay in Dowlada soosocta iyo Balamaanka u hawlgalaan sidii inkaaniyaadka Doorasho madaxbannaan, hal-qof iyo hal-cod, dalka looga dhaqangelinlahaa.

    Iskusoo xoori: 4.5 iyo degaan yaa cadaalada u dhow, iyadoo xisaabta lagu darsanayo waqtigan adag ee dalku ku jiro? Jawaabta kooban waxa weeye nidaamka qabiilka ee 4.5

    ReplyDelete
  9. waa okay laakiinse maxaa lagu xalinayaa dadka deegaankoodee dadkale xoog ku haystaan hadii la diido 4.5 waxaan u arkaa dagaal cusub in uu bilaami doono

    ReplyDelete
  10. Nidaamka 4.5 inta aad ka sheegtay kugu raacsanahay iyo sida looga bixi karo oo qof iyo codkii ah somaliya oo dhana cadaalad utahay oo kii deegan iyo reer badan kala cadeyneeso .
    Mafahmi karo kuwa kugu maagi doono qormo xalaaleedkan oo fikir saliim ah iyo cadaaladdoonka ah ujeedkooda waa kuwa damaca siyaasiyiinta ayagoo ka fiirsan qaatey waxaana ubadan somalida maanta nuuc walbo hala haadaane .

    ReplyDelete
  11. Saxdu waa tiro koob iyo qof iyo codkii, taasina sidan ognahay wey dhici weysay, wixii kasoo haraa mid caddaalad ah kuma jiro lkn mid waa lagu heshiin karaa sidii horaba 4.5 loogu heshiiyay si saxda loogu gaaro.
    Su'aasheyduse waxay tahay Deegaanka hadda suuqa ku jira ee leh degmo walba 2 mudane ha lagasoo doorto dadka ku qanacsan suaashaan ha iiga jawaabeen: haddii waxa aad caddaaladda u aragtaan la raaco XAMAR waxay heleysaa 34 xildhibaan hargeysana 2 xildhibaan, haye hadda in sidan dowlad soomaaliyeed lagu dhiso maku qanacsantahay? mahadsanid
    F.G kootooyinka gaarka loo qoondeeyay waan ka reebay.

    ReplyDelete
  12. Uguhorayn,waan kaaga mahadcelin sida aad u qeexday in hab qarranimo kujirta, qofku ufakaro.
    Xaqiiqdii qabiikaagu sad bursi hahelo, halka ay ina dhigtay iyo qiimo darrida aynu dunida kuleenahay , qofkastaa wuu kadheregsan yahay; haddana waxaad moodaa in aynu dabada hayno wadadaa aakhiro iyo adduunba ina seejisay. Anigu waxay ilatahay in aynaanba weli u bislaan in aynu si maskax furan wixii dan inoogu jirto iyo wixii aan inoogu jirin aan uga doodno.
    Mahadsanidin

    ReplyDelete
  13. Uguhorayn,waan kaaga mahadcelin sida aad u qeexday in hab qarranimo kujirta, qofku ufakaro.
    Xaqiiqdii qabiikaagu sad bursi hahelo, halka ay ina dhigtay iyo qiimo darrida aynu dunida kuleenahay , qofkastaa wuu kadheregsan yahay; haddana waxaad moodaa in aynu dabada hayno wadadaa aakhiro iyo adduunba ina seejisay. Anigu waxay ilatahay in aynaanba weli u bislaan in aynu si maskax furan wixii dan inoogu jirto iyo wixii aan inoogu jirin aan uga doodno.
    Mahadsanidin

    ReplyDelete
  14. Asalaama caleykum wa raxmatullaahi wabarakaatahu
    Doodaan 4.5 in lagu qeybsado kuraasta Baarlamaanka iyo in Wax lagu qeybsado Degmooyin 2-duba sharciyan waa qalad intii lagu murmaayo wax qaldana xalku waa cagta cad oo tin laga raadiyay Soomaali-na waxey kujireysaa isqaqabsi waayo siyaasi kastaahiba waxoow doonayaa in qabiilkiisu helo kuraas badan hadii taasi dhacdana waa cawaaqib xumo.
    Xalku waxuu ila jiraa nidaamka Xisbiyada badan nidaamkan hadii loogudbo marka hore waa jiri doonaa isqaqabsi balse ugu dabeyntii hogaamiye yaasha xisbiyadu dooni maayaan in degmo dad badan o u codeeyay joogaan in degmo kale oo dad yari joogaan lasimanaato saami qeybsiga baarlamaanka xitaa hadii laqabiileeyo nidaamkaa xisbiyada waxaa imaaneyso xukufeysi xisbiyeed kaas oo meesha sidegan uga saari karo caadifadan xun ee qabiilka dadkana waxaa sahlanaaneyso in si xur ah oo kabaxsan saaxada siyaasada qof waliba dego gobolkii uu u arko inoow kunoolaan karo. Intii kasokeyso waxii lagu murmaahi waa ijiid aan kujiidee

    ReplyDelete
  15. Marka hore waan kusalaamay yuusuf
    Marka xigta hadaan doodan ka qeyb qaato aniga waxay ila tahay in arintan diidmada 4.5 inay fiican tahay hadaan lagu dabaqeyn caadifad qabyaaladiid iyo sad bursi taas oo aad moodo inay meesha ka maqneyn
    Soomaaliduna waxay lixdameeyadii ku heestay
    Waan dhuuman dhabarkaa muuqda iska dhaafa
    Dhagax iyo dab layskuma dhuftee kala dhowra
    Waa runta siyaasiga udoodaya 4.5 hala baabi'iyo waa kan u arka in reerkiisu ka kuraas badanayo kuwo kale sidaa darteed doodiisu qiimo badan malahan .
    Waxay ila tahay inta tirakoob sax ah la helayo in sida ay hada tahay loo daayo sababtoo ah waxaa degmo ah meel dad yari kunool yahay waxaana tuulo ah meel dad badan ku nool yahay waa nidaam dowladii hore cadaalad daro ay ku sameysay
    Dadka loogu yeero .5 hada ayey ka xaquuq badan yihiin hadii degmo la aado

    ReplyDelete
  16. Yusuf Garaad oow waad kumahadsan tahay qormadan
    waxaan isku deyeyyaa in aan uga jawaabo sida sax iila muuqata qofkastaa oo Soomaaliyeedna uu wixiisa si xaq ah uhelo ama hadegmooyinbato ama hadegmooyin yaraadee
    waxay ilatahay in laga guuro 4.5 xaqdaradiisa oo looguuro degmo
    sidee qofkastaa xaqiisa ugu heli karaa habdegmo?
    Jawaab waxaan u arkaa in aanladhihin degmooy degmo matahay ee latirakoobo dadka degen degmada iyo deegaankeedab
    in aan lasimin degmo 1000 qoys kunooshahay iyo degmo 10,000 kunooshahay
    kuraasta xildhibaanada waa in lagusaleeyaa dad ee aan lagu salayn dhul ama magac
    waxaan filayaa in aan nina xaqiisu ciilayn hadii saa wax lookala qaato
    mahadsanid

    ReplyDelete
  17. Yusuf walaal aad baan kaaga mahad celinahayaa qaabka aad dood qoraaleedka noogu furtay.Anigu waxaan qabaa inta tidhaahda degmooyin wax ha lagu qeeybsado ,welibo degmooyinkii ay ka tagtay doowladii Milateriga aheeyd ee ay ciidamada qalabka sida hogaaminayeen oon welibo aaminsanahay in uu aabaah Garaad cumar allah ha siiyo naxariistiise in ay aheeyd mid cadaalad daro wax u qeeybisayah,sida goboladii iyo degmooyinkii cusbaa ee ay magacawday,ogoow jabhadihiina waxaa ay uga hor yimaadeen doowladii kacaanka waxaa ay ahaayeen caadalad daro sida ay qabeen somali badan hormuudna waxaa u ahaa Puntland,Somaliland iyo USC.Maanta ree puntland cadaalad daradii ay ka tageen yeeysan dhihin waa cadaalad ,hana istaageen meesha Beelihii ku bahoobay xiligaa USC qaarkood iyo Somaliland qeeybteeda midnimada rabtaahi ee ah In sida kacaankii uu wax u qeeybiyey in ay aheeyd CADAALAD DARO.waxaan qabaa sida haboona in ay tahay inta loo sii dhawaanahayo cadaalada ee QOF IYO COD in xisbiyo kooban laga hirgaliyo wadanka si ay ugu tartamaan golaha hoose iyo sare.

    ReplyDelete
  18. Yusuf sxb waa mahadsanthy
    Aniga fikirkega waxey ila tahay nidaamka 4.5 waaa xaaraam oo dadkii lakala sara marinayo dadkina cuqdad kala dhex dhigi karta waaaba kala dhex dhigtee lkn arinta mesha taal ayaaa ah , maxaa kaloo badali kara nidaamkaan aan muddo noor sanno ah kusoo jirnay laga bilaabo 2001-2016 hadaan qaldaneen?
    Waxaaa ku riyooneynay inaa gaari doono qof iyo codkiis sidii xukuumada maanta jirtaa eey balan qaaday lkn ma muuqato iney sameyn karaan , sidaa darteed aniga waxaan qabaaa in 4.5 kii lagu wada socday lagu sii meel gaaro inta laga gaarayo qof iyo codkiisa , maxaa yeelay haddi la dhaho degmo halagu soo xulo dhibaata hor leh ayaa dhaceysa iyo dagaal sokeeye inuu mar kale wadanka ka qarxo marka ayadoo la fiirinaayo danta dalka iyo dadka in leesku tana sulo oo nidaamkii hore lagu soo xulo
    وبا الله توفيق
    والسلام عليكم

    ReplyDelete
  19. Aragtidayda 4.5 cadli ma ahaan taas waa lawada ogsonyahay dowladuna way ku fashilantay marka qaarka raba 4.5 iyo dowlada oo wada socda mid walba dan ayaa ugu jirta in 4.5 uu sii jiro dowladu waxay isledahay marlabaad ayaad kuso noqon kartaa hadii 4.5 lasii isticmaalo qabaa ilada rabana waxay is leeyihiin degaan hadii wax lagu qaybsado amaad waydaan kuraasta hada aad haysataan.kuwa raba deegaan iyaga way saxanyihiin oo dastuurka ayay kuqornayd in dadka lagaarsiiyo qof iyo cod taas macnaheedu waa deegaaan marka dhankaas laga fiiriyo iyaga sharciga ayay kutaaganyihiin waana sida wanaagsan in deegaan wax lagu soo doorto sababtoo ah degaan waa ( waxaan ku huraynin horaa lo qabtaa ) marka qolyaha raba deegaanka waxaa u weheliya taas inay isleeyihiiin 4.5 waad kudulmantihiin ayna rabaan in ay cadaalad helaaan.lkn aniga sida aab xalka u arko ayaa ah in la raaco wixii lagu heshiiyo lana fuliyo markaas waxaa dhibyaranaysa in lafahmo waxa laqsaday iyo waxa in laqabto ay tahay inta constitution ka la dhinac marayo xal ma imaanayo lkn hadii rabo in wax uun hagaagan waa in la dhowraa sharciyada wadanka uyala qof walbana Aqligiisa ku maamuline ay jirto instruction to follow which is the constitution.aniga intaas ayaan kuso gaba gabaynayaa fikirkayga.

    ReplyDelete
  20. Aragtidayda 4.5 cadli ma ahaan taas waa lawada ogsonyahay dowladuna way ku fashilantay marka qaarka raba 4.5 iyo dowlada oo wada socda mid walba dan ayaa ugu jirta in 4.5 uu sii jiro dowladu waxay isledahay marlabaad ayaad kuso noqon kartaa hadii 4.5 lasii isticmaalo qabaa ilada rabana waxay is leeyihiin degaan hadii wax lagu qaybsado amaad waydaan kuraasta hada aad haysataan.kuwa raba deegaan iyaga way saxanyihiin oo dastuurka ayay kuqornayd in dadka lagaarsiiyo qof iyo cod taas macnaheedu waa deegaaan marka dhankaas laga fiiriyo iyaga sharciga ayay kutaaganyihiin waana sida wanaagsan in deegaan wax lagu soo doorto sababtoo ah degaan waa ( waxaan ku huraynin horaa lo qabtaa ) marka qolyaha raba deegaanka waxaa u weheliya taas inay isleeyihiiin 4.5 waad kudulmantihiin ayna rabaan in ay cadaalad helaaan.lkn aniga sida aab xalka u arko ayaa ah in la raaco wixii lagu heshiiyo lana fuliyo markaas waxaa dhibyaranaysa in lafahmo waxa laqsaday iyo waxa in laqabto ay tahay inta constitution ka la dhinac marayo xal ma imaanayo lkn hadii rabo in wax uun hagaagan waa in la dhowraa sharciyada wadanka uyala qof walbana Aqligiisa ku maamuline ay jirto instruction to follow which is the constitution.aniga intaas ayaan kuso gaba gabaynayaa fikirkayga.

    ReplyDelete
  21. waa arin in la is weydiiyo ay muhiim tahay,waxaan xilli aan sii fogeyn warbaahinta ka arkayay,nin maqaam sare ka gaaray,dawladihii soomaaliya oo ku hadaaqaya,beesheeyda waxaa dani ugu jirtaa,nidaamka,deegaan ee la hadal hayay,,runtii aad baan uga naxay,,waayo,caqliga fiyow,wuu garanayaa wadada furan in ay tahay,meesha hada la joogo,in ay tahay kaabadii hal qof iyo hal cod looga talaabsan lahaa,fursad kale ma jirto,waa hadii la dhayayo,boogihii,dagaalka sokeeye,iyo aamin daradii soomaalidu ka qaaday dawlad,runtii magac ma lihi,waxan ahay qof caadi ah beesheyda waxaa dani ugu jirtaa qaab deegaan,,oo dabcan,4.5 waxay kaga lib badanayaan,hab deegaan,,laakiin kuraasta ay soo helayaan waxaan ogahay in ay ka soo dafayaan beelo soomaali oo aan ayagu wax goolal ah ku soo dhalinayn,habkaas,,marka muraayadii sidaas ayay isaga weynayaan,,hadaba qof damiir leh oo soomaaliya ma yeeli karo, qaabkaas,,waayo waxaad cayaaraysaa,dheel maangaabnimo ku dheehantahy,walaalkaa waayay kuraastiisii,,koley duco ka sugi meysid,,tan kale,waxa aad u socoto xalaal ma ahan,oo waxaad wiiqeysaa habkii dib u heshiisiinta,marka qof kasta oo soomaali ah waa in uu xil qaad noqdaa,waxa uu taageerayana ay ahaadaan,sed qaybsi isu soo dhawaansho,ee aanu u dhaqmin sida nimanka hada aan soo sheegay,,oo aad u jeedid in ay weli u heelan yihiin,,xaq daro,iyo kala qoqob,,dadkaan masaakiintaa,ee gaarigu la rogmaday,,,

    ReplyDelete
    Replies
    1. ma jeli in aan faafaahin badan galo ,se waxaan hoos ugu degayaa in aan fikirkayga ka dhiibto aragtidaas uu aqoonyahan yuusuf garaad soo bandhigay ,waxaan qabaa in labad arimoodba aanay xaq iyo cadaalad ahayn ,hase yeeshee 4.5 lagaga soo gudbay xaalad eber ah oo aan wax lagu wadahadlaaba aysan jirin ,laguna soo gaadhay hada meesha la marayo,waxaana fiican in loo hayaamo dimoqraadiyad one man one fote iyo nidaamka axsaabta ,waxaana qabaa in ay xaalado badan ay ka horeeyaa sida tira koonka ,kala xadaynta maamul goboleedyada ,hubka dhigista ,xeerka doorashooyinka .iyo samaynta axsaabta ,inta la gaadhayo lagu sii dhaqmo 4.5 sabata oo ah hadii aan la dhamays tirin arimaha aan kor ku soo sheegay oo meel kale la haab haabto waxay noqonaysaa kud ka guur oo qanjo u guur ,waxaase haboon in kud looga guuro caafimaad.
      sudaa daraadeed waa isk mid labaduba hada waxaase fiican wixii lagu soo socday in looga guuro dimoqraadiyad

      Delete
  22. Qofka manta u ololenaayo dorasho ku saleysan degaan ma ahan qof ka run shegey xalada dhabta ee Somaliyaa, waan wada ognahay in aysan jirin tira koob degaan, gobolo ama degaan qaar ey kujiraan gacan argagixiso, qaarna ay shegteen in ay somalia ka go'een waana tan kentey in manta surta gal eheen in la qabto dorasho ku saleysan degaan. kuwa iska indha tirayaan caqabadaas rabaana in ay nagu qanciyaan dorasho degaan yaa cadalad kujirtaa maka war qabaan marxaladu uu dalka kujiro? ma ogyihiin in Somalida badankooda qaaban inta laga garayo dorasho hal cod ay ku kalson yihiin nidamka 4.5 una arkaan mid caadalada udhow? hadey cadaalad radinayaan mexey kudideen nidamnka loo batey oo ay dad badan uu arkaan macqul?

    ReplyDelete
  23. asc waxan isleeyahay xiligan adag hadii la rabo in baarlamaan bla yegleelo wax dhaama inaysan jirin 4.5 waxaase wanaagsan in soomaali ogaato horta yaa doonaya xiligaan in deegaan wax lagu qaybsado waa hal qolo oo dagan w\bari soomaaliya degan soomaalida kale oo dhana waxay doonayaan in marxaladaan hada taagan wax lagu dhiso nidaamka 4.5 marka soomaalaay laba gobol rag horjooge u ah iyo soomaalida inteeda kale yaa la raacaa

    ReplyDelete
  24. Yusuf, anigu waxa aan inta badan ka fakaraa sidee lagu xallili karaa daanada weyn ee hanaankan 4.5 ku yeeshay dowladnimaddena. Haddii aan si kale u iraahdo, dhib weyn uma arko in Golaha Shacbiga iyo Golaha Wasiiradda lagu qeybsado hanaanka 4.5. Laakiin waxaa dhibtu tahay saameynta weyn ee uu ku yeesho habka maamulka Dowladda sida Shaqaaleynta I.W.M.
    Waxaa iiga sii daran in baabi'inta uu baabi'iyay Hanaankii dallacaadii Ciidamada iyo Diblomaasiyinta.
    Waxan soo jeedin ayaa haddii laga maarmi waayay in la xakameeyo.

    ReplyDelete
  25. Waxaa iga xasuusin ah 4.5 in wax noo gudhisanyihiin maantay cadaalad darro ha ba lagutilmaamo, marka su aasheydu waxa ay tahay qofkee damaanad qaadi kara in doorasho wof iyo cod ah waqtigaan lajoogo ay cadaalad horseedeyso, oo xaalku sida uu hada yahay ay waxkabedeleyso, hadaan iskaga jawaabo su aasheyda waa cidna, waxaa tusaale u ah in maantay aan kahadlayno dastuur qabyo ah iyo xeer hoosaad anakoo 50sano kabadan xoriyad haysaney waamaxay sababtu?
    Hadaan gunasnadka hadalka usoo laabto .
    Midka diidan 4,5 waxaa kaharasho badan midka ogol. Maxaayeelay xaalka dalkukujiro maantay iyo duruufaha nuguxeeran ma ahan kuwo ubaahan jahawareer iyo owr iskukacsi ee waakuwo mudan siwadajir ah in loowajaho.

    ReplyDelete
  26. wad mahadsantahay yusuf
    ani ahan waxay ilatahay
    dadku labada umbay uqaybsaman
    muhimaduna waxa weye mushkilad 4,5 inuugu filan
    hadi layira halaga guuro waa in loogura nin waloow codkaa
    lakin degmo midna ay ba ba tahay mida ay kumankun kunool yihin isku xaq halaga dhigo
    ayaduba waa cadalad daro

    ReplyDelete
  27. Horta nidaamkan 4.5ku waa nidaamka suurta galiyay in somaliyi isugu timaado madal lagaga arin sanayo mustaqbalka dhow iyo ka durugsanba ee yaan laqawadin.
    Hab wax uqaybsiga dagmooyinku wuu ka xunyahay ama ka cadaalad daranyahay 4.5ka, oo dagmooyinkani ma aha kuwo lagu unkay si cadaalada ee kacaankii ayaa beelo gaaro ugu hilbo qaaday.
    marhadii 4.5 lagu soo jiray mudo dheer halagu soo af meero ilaa laga tagayo sanduuqa codbixinta oo aan filayo in beelo badani ku qaboobi doonaan.

    ReplyDelete
  28. Waa yusuf iyo fikirkiisa laakin marna ma xusin umada waxa ay ku heshiiso in la fuliyo oo ahayd in 4.5 aan lagu soo noqon....meel kale buu wajiga noo saarayaa

    ReplyDelete
    Replies
    1. Saaxiibka aan magaciisa sheeginow haddii aad u fiirsato waan sheegay qodobkaas. Ballantu waxay ahayd oo lagu heshiiyay in laga guuro 4.5 oo loo gudbo doorasho qof iyo cod ah. Hadda taas lama hayo oo Dowladda ayaa fulin kari weyday.

      Markaa waxay mareysaa, maxaa la yeelaa. Wixii lagu ballamay haddii ay fuli kari waayeen ma ahan in loo guuro Degmooyin oo aan hore loogu heshiin ayaan ku leeyahay. Waxaan qabaa midka shaqeynaya soona shaqeeyay ilaa 2000 aan joogno ilaa wixii lagu heshiiyay laga hirgelinayo.

      Delete
  29. Horta nidaamkan 4.5ku waa nidaamka suurta galiyay in somaliyi isugu timaado madal lagaga arin sanayo mustaqbalka dhow iyo ka durugsanba ee yaan laqawadin.
    Hab wax uqaybsiga dagmooyinku wuu ka xunyahay ama ka cadaalad daranyahay 4.5ka, oo dagmooyinkani ma aha kuwo lagu unkay si cadaalada ee kacaankii ayaa beelo gaaro ugu hilbo qaaday.
    marhadii 4.5 lagu soo jiray mudo dheer halagu soo af meero ilaa laga tagayo sanduuqa codbixinta oo aan filayo in beelo badani ku qaboobi doonaan.

    ReplyDelete
  30. Marka hore waad mahadsantahay YG, aragtideyda 4,5 waa XAL xiligan la joogo, laakiin XAQ ma ahan. Wuxuu xal ku yahay xilagan waxaa weeye in uusan jirin amni wax lagu soo dooran karo oo dadku inta codkooda dhiibtaan ay ku soo dooran karaan qofka ay rabaan, inaan loo diyaar garoobin in la is doorto ayaa kow ka ah, tusaale dadka diiwaan gelin iyo aqoonsi ayay u baahan yihiin, qof aan AQOONSI ID-Card laheyn sidee wax u dooran karaa? YAAB! Soomaalida maxaa ka si ah? Dowlada hada jirtaa waxay sameysay dib u dhac weyn oo xagga doorashada ah taasna waxaa sabab u ah wadanka oo aysan ka wada talin iyo lagaba yaabee inaysan daacad ka aheyn dowlada iyo saaxiibadeed. Su aashuse waxay tahay hadaan weynay sidaan rabnay maxaan sameynaa bedelkeeda, soomaalidu waxay ku maah maahdaa sidaad rabtay hadaad weydo sidaad kabadin weydo ayaa layeelaa. Jamuuriyada Soomaaliya meelo hada laga qaban karo doorasho waxaa ka jira Somaliland, Puntland iyo meelo kale oo badan. Somaaliland iyada hada xaga noo dhig, Puntland sanad kahor ayay aheyd markii doorashadii localka aheyd ka dhici weyday xilligi gudoomiye Cabdiraxmaan Faroole xilka baneynayay oo uu xilka sanad jirsaday kula wareegay gudoomiye Cabdiweli Gaas, marka sidey ku dhici kartaa in doorasho ay ka dhiman tahay 5 bilood shacabku qofkii meteli laha u soo doortaan? Meeshaas waxaa ka muuqata inaysan jirin hogaamiye-yaal daacad ah. Ufiirso walaal dadku hada waxay heystaan qaacido ay wax ku cabirtaan waa 4.5 marka hadadan heyn wax aad ugu bedesho sow ma fiicna inaad u deyso tabta ay xilalkooda cabirtaan. Aan ka wada shaqeyno sidii Soomaaliya QARAN jira markale u noqon laheyd, qabiilka qaabka soomaalidu hada u isticmaasho waa qaab aan dunida casriga ah iyo ilbaxnimada la jaanqaadi karin.

    ReplyDelete
  31. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Yusuf Garaad , Salaan ka dib, aad baan u akhriyaa ulana socdaa fekerkaaga, iyo qoraaladaada, aad rabtid in waxugu sheegtid, ama ku saxdid ummada.Runta markaan sheego, Qof wax badan og in aad tahay.

      Waxaa tiri

      "
      Anigu siyaasiga aan reerkiisa kuraastu u badaneyn haddii 4.5 laga guuro, haddana diida 4.5 ayaan u arkaa in uu yahay mid qabyaalad-diid ah. Midka ay reerkiisa kuraastu ugu badaneyso diidmada 4.5 waxaan u arkaa qof u doodaya xaq uu u arko in uu reerkiisa ka maqan yahay."

      Iyada oo ay dhici karto in fekerkaasi mid sax noqon kara oo saad u sheegtay ah, hadana ma dhici kartaa qof diidan 4.5, marka laga dudbona, ay u badaneeyso kuraasta reerkiisa, in reerkiisa keliya u rabina, uu cadaalad rabo? Ma dhici kartaa Siyaasi, hogaamiye, in uu wax cadaalad u ah soomaali udooni, iyo waxaasi ay noqon karto, MID U WANAAGSAN reerkiisa, amaba aan u WANAAGSANEEYN? oo isla markaa soomali u dan ah.

      Macnaha qof 4.5 diidan, Reerkiisa marka laga tago u fiican, hadana dhanka reerkiisa u rabine, dhanka Somali u raba?

      4.5 waa cadaalad daro, Degmo hadii looga guurana kaba daran, waa hadii aan dadka la tirin, ooma dheeli tirna.

      Waxaan qabaa, la feker ahay Abdiweli Yuulka, Wasiirkii kowaaad ee hore, fekerka ah, dadkoo aan la tirin, ba la qaban karaayey doorasho sida Afghanistan/Iraq, Iyadoo sanduuq yada meelo kasta SOMALIA ay ka suurtoowdo la dhigi, farta qof walba khadka loo gelin, Shaqaalo badan la qori, oo election commission ah, Un, iyo hayado Caalami ah la geeyn goob kasta, hal maalin loo dhaaqo doorasho, iyadoo la dooran Xisbi, Xisbiyada marka hore lakala shaandheeyn, xisbigii percentaga, ama tiro la go'aamiyo buuxin waaya, waa hari,oo la reebi, ama mid kale ku biirin, laba round, ama sadex round, baa wadanka dhan laga dhigi doorasho, xisbi kasta inta percentage helo, barlamaanka ka heli, kan majority, over 50%, baa madaxweynaha dooran. markaa waaa la qaban karaayey doorasho, waa hadii la rabo, Qofka kusoo baxaana legitimacy weyn buu lahaan lahaa.

      Ka waran?

      Delete
  32. Punt land ma deegaan bay ku dhisan tahay oo wax ku qabsatay? Xil dhibanku dad buu matala sida daraded garowe oo degmo ah iyo janaale-shabelaha hoose- iyako kala bulsho badan Tiro ahaan in janaale ay waydo xildhiban siday noqonaysaa, cadaalad mise sedbursi?

    ReplyDelete
    Replies
    1. Aqoon darida waa cadowga Nafta iyo Ummada. Marka aad Garoowe iyo Janaale isla sintid maanta waxay cadaynaysaa aqoon darida dadka Koonfurta Soomaaliya degta. Marka degmooyinka laga hadlo Boosaaso oo ah magaalada sadexaad ee Soomaaliya ugu weyn (oo ku xigta Muqdisho iyo Hargeysa) in ay hal degmo wax ku qaadato oo ma cadaalad baa. Dhulka Puntland oo ah sadex meeloodow hal meel bedka Soomaaliya (212, 000 km2) dadka ku nool in ay la xildhibaano noqdaan Saylac barkeed (Ciise Madoobe) ma cadaalad-baa?

      Delete
  33. Punt land ma deegaan bay ku dhisan tahay oo wax ku qabsatay? Xil dhibanku dad buu matala sida daraded garowe oo degmo ah iyo janaale-shabelaha hoose- iyako kala bulsho badan Tiro ahaan in janaale ay waydo xildhiban siday noqonaysaa, cadaalad mise sedbursi?

    ReplyDelete
    Replies
    1. Fadlan bal Puntland imow inta aadan aqoondaridaaba iyo maangaabnimadaada aadan banaanka soo dhigin.

      Delete
    2. waa cajiib in qof walbo ka hadlo fikirkiisa in aad ku tilmamtit aqoon yari ama maangab, adigo cidna af lagadeynin maka dhiban kartaa fikirkaada qabka ugu macqulsan oo dhibka hada tagan lagu xalin karo? FG: Aqoonyanhaka waa qofka sii ilbaxnimo kujirto uga dhadhacsiyo firkiisa dadka asago caytamin.

      Delete
    3. Puntland america kuma taalo waanan kaaga aqoon badanahay ee qof aan garanayn buu hadalkaasi ku wacnaan lahaa. Qabiil bay wax ku qaybsatay wax ka duwana wax halagu qaybsado way socon wayday. Puntland maxaa reer kaliya madaxweynaha siiyay oo ka hortaagan dhulbahante oo degaan balaaran ku fadhiya, cali saleebaan iyo biciidyahan.

      Delete
    4. Puntland america kuma taalo waanan kaaga aqoon badanahay ee qof aan garanayn buu hadalkaasi ku wacnaan lahaa. Qabiil bay wax ku qaybsatay wax ka duwana wax halagu qaybsado way socon wayday. Puntland maxaa reer kaliya madaxweynaha siiyay oo ka hortaagan dhulbahante oo degaan balaaran ku fadhiya, cali saleebaan iyo biciidyahan.

      Delete
    5. Haddii aad aqoon u leedahay Puntland waxaad ogaan lahayd in Madaxweyne Dhulbahante u dhashay uu soo maray, Mudaen Axmed Cabdi Xaashi. Waxaad kale oo aqoon lahayd in jagooyinka sar sare ay isu dheelitiran yihiin qabaa'ilka dega Puntland. Dhulbahante waa qabiilka keliya ee Puntland hadda ku leh Madaxweyne kuxigeen, 6 wasiir iyo 17 xildhibaan.

      Fikirku meel kama maro maanka ama caqliga, aqoon daraduna waa marka aad ka hadashid waxa aadan aqoon oo weliba aad iska dhigtid inaad aqoon u leedahay. Aqoon daradu waa ka duwan tahay il-duufka.

      Puntland dhulkeedu waa 212, 510 km2 oo u dhiganta 1/3 dhulka Soomaaliya. Waxaa ku yaalaha Magaalooyin aad u waaweyn sida Boosaaso, Gaalkacyo, Laascaanood, Garoowe, Qardho, Laanqoray, Baran, Dhahar, Buurtinle, Galdogob, Jiriiban iyo Dangoroyo. Waxaa ku yaal magaalooyin yar sida Baargaal, Qandala, Caluula, Iskushuban Bandar Bayla, Buraan, Eyl, iyo kuwo kale oo badan.

      Insha Allah Illaahey Caza Wajala ha inagu gaarsiiyo tirakoob sax ah oo loo dhan yahay, si Illaahey inooga saaro dhibta.

      Delete
  34. Asc ana fikirkeyga hadaan ku darsado wexey ila tahay. Nimanka u doodaya 4.5 iyo kuwa u doodaya deegaan in labaduba ay u ololeynayaan nidaam ku saleysan cadaalad dark. Nidaamka 4.5 isaga waan aragnay cadaalad meel na kasoo gelin, oo waxaa laga yaabaa in waxyaabaha aan ladegi la'nahay ay kow ka tahay sababtoo ah Alle ma taageero mana garab galo dulmi. Taasi waa mid. Tan kale raga u doodaya deegaan iyaguna wax kale uma cararayaan ilaa dulmi maahee ama waa qabiilkii oo dadban, maxaa yeelay gobol walba waa lagaranayaa cida ugu badan teeda kale ma jiro qabiil kaligii meel degan oo waxaa la dhihi karaa wexey u cararayaan in qabaa'ilama iyaga tiro ahaan ka yar ee la degan ayey rabtaan iney boolean oo ay dhahaan waxba naguma lihidiin sidii ay horay uga dhacday deegaano ay somalidu degenyihiin. Marka aniga waxaan qabaa labadaa mid aan ahayn oo ah 5, waa qbiilkee kan sheegan karaa inuu ka badan yahay Jareer weyney qaar baa laga yaabaa iney ku doodaan somali ma'aha kkkkk. Wasalmu caleykum

    ReplyDelete
  35. Asc ana fikirkeyga hadaan ku darsado wexey ila tahay. Nimanka u doodaya 4.5 iyo kuwa u doodaya deegaan in labaduba ay u ololeynayaan nidaam ku saleysan cadaalad dark. Nidaamka 4.5 isaga waan aragnay cadaalad meel na kasoo gelin, oo waxaa laga yaabaa in waxyaabaha aan ladegi la'nahay ay kow ka tahay sababtoo ah Alle ma taageero mana garab galo dulmi. Taasi waa mid. Tan kale raga u doodaya deegaan iyaguna wax kale uma cararayaan ilaa dulmi maahee ama waa qabiilkii oo dadban, maxaa yeelay gobol walba waa lagaranayaa cida ugu badan teeda kale ma jiro qabiil kaligii meel degan oo waxaa la dhihi karaa wexey u cararayaan in qabaa'ilama iyaga tiro ahaan ka yar ee la degan ayey rabtaan iney boolean oo ay dhahaan waxba naguma lihidiin sidii ay horay uga dhacday deegaano ay somalidu degenyihiin. Marka aniga waxaan qabaa labadaa mid aan ahayn oo ah 5, waa qbiilkee kan sheegan karaa inuu ka badan yahay Jareer weyney qaar baa laga yaabaa iney ku doodaan somali ma'aha kkkkk. Wasalmu caleykum

    ReplyDelete
  36. Yuusuf waxaad u duurxulaysaa waa reer Puntland. Yuusuf markhaanti baad ka tahay in ay diideen 4.5 shirkii Carta, Jibuuti ee 2000 oo lagu khasbay, haddana ay diideen 4.5 sannadkii 2004 oo lagu khasbay, oo haddana ay diideen 4.5 sannadkii 2011/2012 oo mar sadexaad lagu khasbay, laakiin maanta waxay soo istaageen qaadan mayno 4.5. Doodoodu ma aha qabiil-diid iyo qabiil-doon, oo Puntland waa qabiil, ee doodoodu waa qof walba iyo qabiil walba wuxuu xaq u leeyihiin ha la siiyo, wayna qirsan yihiin in xaq ka maqan ay doonayaan, waxayna matalayaan inta xaqu kaga maqan yahay 4.5-ka, waxayna mudici ku yihiin inta xaq darada haysata. Haddii xaqa buuxa la waayona maantana, waxay diyaar u yihiin wax xaqa ugu dhow in la raadsho oo la qaato, laakiin 4.5 laga guuro. Xaqu maanta waa in lababa la tixgeliyaa oo ah "sida loo kala dad badan yahay" iyo "sida loo kala dhul weyn yahay (midna yaan laga tegin)". Doodoodu waxay tahay labada in midna aysan ku khasaarayn "dad iyo dhul" laakiin waa in la helaa meel uun laga qiyaas qaato oo Soomaali oo dhami u cadaalad fali karta. Tusaale Puntland in xaqdaro dheeri ah aysan raadinayn waxaaa kuu cadaynaya in Muqdisho oo ahayd 16 degmo 1991, wax weyn oo ku kordhayna aysan haatan jirin, oo 23 dagaal ku soo jirtey, oo Soomaali oo dhamina wada degenaayeen oo wada dhisteen maantana hal qabiil degan yahay ay reer Puntland raali ka yihiin in qabiilka xooga ku haysaa uu 16 degmo ku sad qaato, Boosaaso oo ahayd hal degmo 1991, laakiin 25 sanno nabad ahayd oo dhismeysey oo UN-ku sheegeen in ay 2500% korortay dhul ahaan iyo dad ahaan oo maantana ah magaalada sadexaad ee Soomaaliya ugu weyn (ka dib Muqdisho iyo Hargeysa), ah halkeedii degmo ee 1991 ay ku sad qaadato.

    ReplyDelete
  37. Yuusuf, Soomaalidu waxay tiraahdaa "Fiqi bahdii kama janno tago". Qabiili baad tahay, weligaana waad ahayd. Metelaada (representation) Baarlaamanku ma aha wax caadifad iyo "dad walaalo ah" baan nahaye aan isu tanaasulo weligeed ku jiri karta. Xaqiiqdu waxay tahay 4.5-ka Hawiye ayaa dantiisa ku ilaashanaya, Darood-na xaq daro buu u arkaa. Ma aha in tirada ay ku leeyihiin baarlamaanka wax ka badan ay raadinayaan ee tirada dad la iska soo dhoobdhoobay oo Xamar laga qoro bay diidan yihiin, marka dadkaasi haddii ay deegaan leeyihiin ha ka soo galaan Baarlamaanka. Hadii Ciise Madoobe 8 (sideed) xubnood xaq u leeyihiin, ha ka soo galaan deegaanka ay degan yihiin.

    ReplyDelete
  38. 4.5 iyo nidaamka degmo ee la damacsan yahay midkoodna dowladnimo maaha ee hogaankeenu han yaraa

    ReplyDelete
  39. 4.5 iyo nidaamka degmo ee la damacsan yahay midkoodna dowladnimo maaha ee hogaankeenu han yaraa

    ReplyDelete
  40. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  41. Walal Yusuf waad Kuhadsantahay Qormadaada. Aniga waxay ilatahay in Marnaba Guul Guul(Win-Win) aysan imaan doonin marka lafiiriyo sida qabiilada ay wax uqaybsandoonan waa labada Hanaan mid kamid ah laqaato(4.5/Degmo), Waxaan dhihi lahaa Siyaa siyiinta Allah Hakabaqaan oo wadaninimo ha uxuubsiibtaan xaalada wadankana ha kubaraarugaan.#SaadanbaadGaran.

    ReplyDelete
  42. 4.5 iyo Iyo maamul guboleed waa waxa somalia lagu qasay oo lagu mashquuliyay maalinti somalidu fahanto alle hana gaarsiiyo.

    ReplyDelete
  43. Jamhuriyadda Somaliland wax ka barta, waxa aan ku talin lahaa in dadka la diiwan ageliyo, qof walbana codkiisa helo. Sida loo kal abadsanayaa ha ku xidhnaato sida goboladu u kala dad badan yihiin. Waan ogahay in ay Somalia hal oo qudha ka dhacday doorasho noocan oo kale ahi (1967) se waa mid la samayn karo.

    ReplyDelete
  44. Marka laga hadlayo nadamka 4.5 runti waqtiyadi dhambe wadankeena wax ka socday nadamkan 4.5 in wax lagu qeebsado si nadamkan lagu gaaro xalka sax ah ee soomaalia wax ku qabsan karto waa run 4.5 waa qaab qabiiled kaliya ha ka eegin in uu qabiil yahay wax ka eegta 4.5 muxu ka badalay siyaasada soomaalia iyo dadka soomaaliyeed runti waan wada ognahay nidamkan wuxu qabtay walibo dadka soomaaliyeed ay ku ahaayen dad ku qanacsan nidamkan wayo ma jirin wax isqabqabsi ah marka laga reebo walaalah waqoyi.......Aniga waxaan is leeyahay raa'igayga 4.5 ilaa soomaali oo dhan isaga imaanayso dadkan fahman wax ka maqan waa laga gudbi kara nadamkan lakiin muhiim ma ahan in si boobsiis ah loo yirahdo wadanka waa in waji cusub oo doorasho uu gala wax imaanayo dibaato aad u weyn runti wax roon in dadka wax ay fahmeen muddo lagu wado kadib wax awood loo yeelana in nidamkan dadkina nacan waxna laga badalo ee haddan badal dalka manta wuxu ku jira marxalad aad u qariban runti marka laga hadlo dhanka Amniga wax kalo ka jiro fargalin siyaasadeed oo international ah waa in wadankan waqti faro badan dadkisa ay galiyan sida xalka naqan karo aniga waxaan qaba 4.5 in soomaalia hadda ay u bahan tahay si ay u dhicin dibaato dhambe oo ku sabsan nidam cusub oo dadka u bahan yihiin inay ku fahman dibaato iyo dil iyo isqabqabsi joogto ah wax roon in dadkan iyo dalkan muddo la fiiriyo ama ay isticmalan nimadkan 4.5.........4.5 waa qabiil laakin u jeedad ma ahan in qabiil wax lagu qeebsado ee u jeedad waa sidee dalkan iyo dadkan lagu kala badbadiya loona samata bixiya dalkan coladaha dileen loo gayn laha nabad iyo xasilooni....


    Mahadsanidiin waa bashiir Ulusow Fikirkisa gaaban

    ReplyDelete
  45. Yusud Garaad aad ayaa u mahadsantahay. runtii waana fiicantahay in qofka Soomaaliga ah uu fekerkiisa u madax banaanaado oo cidda uu taageereeyo iyo cidda uu mucaaradeyo waxa uu ku taageerayo iyo waxa uu ku mucaaradayo ay kala cadyihiin. Siyaasi waa kii Qarankeena shalay dumiyay oo in caruurteenii shalay waxbarashada lagac la'aanta ah haaysatay waxbarasho la'aan dhigay, midnimmadii ummadda Soomaaliyeed kadhaxeysayna baabbi'iyay oo in ummaddu isnacdo kataliyay. Kuwa hadda joogo ee siyaasiyiinta ahna runtii kuwa aan kasoo sheekeeyay waxbo kama duwano oo horummar dal, dad iyo diin kama talinayaan balse nin walba si uu siyaasadda ugu sii dhex jiro ayuu dadaalkeeda wadaa, cidda uu taageerada ka helayo oo beesha uu kadhashay ahna waa in uu juhdi badan geliyo sidii uu ku qancin lahaa maaddaamma ay ayagu saacidaan. Waxaa nasiib darro ah in dantii guud, walaaltinimmadii iyo horummarkii dalka, dadka iyo diintiiba meesha ka baxeen is burbursigaas siyaasadeed owgeed! Ma taageerayo in 4.5 wax lagu qeybsado oo in ummadda Soomaaliyeed sinnaanteedii iyo midnimadeedii dib loo soo celiyo ayaan rabaa, waxaan rabaa in laga baxo nidaamka 4.5ka oo loo gudbo in dadka la gaarsiiyo qof iyo cod caddaalad kudhisan balse iyo qorshe cad oo looga gudbo aysan jirin ma qabo in waxkale wax lagu qeybsado xilligaan kala guurka ah. qofka in deegaan wax lagu qeysado doonayo waxaan u arkaa in uu yahay qof sadbuursi wado ama dantiisa kadhex arkay runtii waana kasoo horjeedaa sababta aan uga soo horjeedo ayaa waxaytahay in anigu aan kudhashay magaalada b/weyne ee gobolka hiiraan. Hiiraan wuxuu kamidyahay 8dii gobol ee soomaaliya ay ka koobneyd xilligii xornimmada la qaadanayay, markii gobollada dalka la kordhinayay ee 18ka gobol laga dhigayay gobolka hiiraan waxna laguma kordhin waxna lagama jarin marka ninkii xilligaas gobolkii uu haaysaatay 2 ama 3 gobol looga dhigay maanta kayeelimaayo deegaan wax halagu qeybsado. in isbadel caddaalad kudhisan ee horummarka ummadda si wadajir ah looga fekerayo aan halkeena joogno. Waa mahadsantihiin Ibrahim Elmi

    ReplyDelete
  46. anigoo soo gaabinayo nidaamka 4.5 waa nidaam ay somalida ku dhaqantahay hadiise larabo in laga tago waxa kaliya oo looga gudbi karo waa doorasho qof iyo cod ah hadii lawaayo 4.5 unbaan dhax joogayna

    ReplyDelete
  47. Anigu labadaba waan kasoo horjeedaa waa kan koobaade 4.5 inkastoo kuraas siman qabaalida badankoodu helayaan marka laga reebo qabaa ilka la dulmay ee .5-ka lasiyay hadana qofku ku Iman maayo kartidiisa, waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisa ee wuxuu ku imanayaa o xil qaran loogu dhiibayaa qabiil hebel ma tahay taasina waxay kaso horjeedaa horumar iyo deganaansho Soomaaliya ku talaabsato.

    Kan kale ee degmooyinka Hadaan u imaado isna kuma fadhiyo halbeega dunida inteeda kale caanka ka ah ee ah sida gobolada iyo degmooyin-ku u kala dad badan yihiin ay u kala kuraas bataan ee waxa uu ku dhisanyahay yaa magaca degmo wata tusaale ahaan Boosaaso oo ay kunool yihiin qiyaasti dad dhan 800,000 iyo degmada shangaani oo ay kunool yihiin qiyaastii dad dhan 5,000 oo qof labaduba waxay helayaan kuraas isku mida taasina waa wax cadaalada aad uga fog.

    Hadaba waxay Ila tahay xalku waa hal qof hal cod, nasiib daro taas filan mayno doorashada soo socota.

    Waxaan kusoo gunaanadaya xaalku wuxuu taagan yahay waa laba daran mid dooro marka waxaan ku talin lahaa nidaamka 4.5 oo muddo lagu soo dhaqmayay in lagu sii socdo inta laga gaadhayo badel waara oo ku dhisan cilmi, caqliga iyo cadaalad.

    Waad Mahadsantihin.

    ReplyDelete
  48. Yusuf Garaad ugu horrayn waad ku mahadsabtahay sida aad doodaha wax ku ool ka ah noola wadaagtid. Waxaan qabaa anigu in si intaa ka qota dheer u dhiraandhirinno labada qodob inagoo eegayna nid walba wanaag iyo dhaliil wuxuu leeyahay. Haddaan qodibka 4.5 ku horreeyo waa lagu qaadan karaa :
    1- Fulintiisu way sahlantahay
    2- waqtiga iyo lacagta ku baxaysa labaduba ka yar tan ku baxaysa qodobka kale.
    3- Wuxuu qoondo (quota) siinayaa dumarka iyo qabiillada laga tirada badanyahay ama aan hubaysnayn. Qodobkan danbe oo ay dad badani dhaliil ka dhigaan anigu aragtidaa waan kaga duwanahay oo waxaan u arkaa inuu wanaag yahay narka la tix galinaayo marxaladda waddanku marayo.
    Waxaa lagu dhaliili karaa:
    1- Waa nidaam aan dimuqraadi ahayn oo aan kartida iyo hal abuurnimada mudnaanta siinayn.
    2- wuxuu dhidibada u adkaynayaa kala qaybsanaanta heerka siyaasadeed oo wuxuu horseedi karaa is xulufaysi qabyaalad ku dhisan taasoo meesha ka saaraysa unkidda axzaab siyaasadeed oo karti leh.
    Qodobka degmooyinka inkasta oo aan la tijaabin wali ilaa haddana aysan caddayn haddiba la isku afgarto qaabka loo meelmarin doono, wanaagga ama dhaliisha uu yeelan doono waxaa qayb wayn ka qaadan doono hadba sida xubnaha lagu soo xuli doono ; si kale hadaan u dhigo ma dadka degmooyinkaa ku noolbaa soo dooranaaya mise kaaba qabiillada siyaasiyiinta ku sidkanbaa ku ishaa falatayn doonaa? . Haddii dadku soo dooranayaan wuxuu ku ku wanaagsanaan doonaa:
    1-waa bilow dimuqraadiyadeed oo kaalin siinaya codka shacabka.
    2-wuxuu sidoo kale mudnaan siinayaa kartida iyo hal abuurnimada.
    waxaa lagu dhaliili karaa:
    1- Inuu waqti iyo maaliyad badan u baahanyahay si loo meel mariyo.
    2-in la qabyaaladayn karo taasoo isu rogi karta gacan ka hadal lagana yaabo inay qoondada dumarka iyo beelaha aan hubaysnayn meesha ka saarto.
    haddiise kaaba qabiilku soo xulaayo xubnaha , 4.5 ayay kasii liidataa oo waxaan dhaliil ahayn uma hayo.

    ReplyDelete
  49. Somalia manta ma jiro reer Bada korkeeda ku nool...Reer waliba degaan buu degan yahay, haduu jiro reer caawa ka soo toosey reer kale gurigood, waxaa u furan; in la jecsimo oo degankiisa Ab iyo Isir lagu yaqaan loo celiyo. Waxaan xusuustaa markii xukunkii Migiste la ridey, Amaxaaradii beeraha Godey cudbiga ka beeran jirtey waxaa lagu raaray Basas waxaana la geeyey Amaharia ama Federal Land(Addis Ababa). Marka qiil noqon meyso tiro koob iyo Hobyo iyo Cadaado yaa shacab baden, Hobyo hadeey degmo noqon karin, umaleeyn mayo in Italian administeration, Somali Civil admin, military admin aay degmo ka dhigi lahayeen. ,

    ReplyDelete
  50. Baarlamaan sharciyan ma matalo geedaha iyo dhagaxa ee dadbuu matalaa, sidaa daraadeed tiro koob sharciya oo lagu wada qanacsan yahay wa in la sameeyo si cadaalad markaa dadku ugu vote gareeyaan, degmo walbana ay wax ku goosato tirakoobka soo baxay iyo dadka ku nool tiradooda si xildhibaanku u matalo dad ka ku nool degaankaas ee tiradaas oo cod bixiye laga diiwaan galiyay. Laba waa in inta aan nidaam degmo loo dhaadhicin uu jiraa xeerkii qaran ee nidaaminayay degmooyinka iyo xeerkii diiwaan galinta oo ay ka horayso tirakoob sugan oo laga hirgaliyo dalka. Sidaa daraadeed waa iska riyo maalmeed aan deegaan wax ku qaybsano iyo cadaalad daradii taliskii kali taliska ahaa dhaxalkiisii oo dib loogu noqonayo, taasina waa qof go'ay iyo roob galbeed oo aan soo noqonayn in loo laabto haday dhacaysana shalayba lagama dirireen, ee cid kasta oo qorshahaasi ka guuxayaa waa inay ka toosaan hurdada iyo qarawga. Ugu danbayntii way dhamaatay kaygana lihi kaagana kula lihi iyo afkaartii dadka isku dishay 26 kii sano ee la soo dhaafay, mana dhici doonto in dagaal sokeeye dalku ku laabto ee aqlabiyada ayaa shaqayn doonta iyado aan laga tagayn soomaalinimada.

    ReplyDelete
  51. Baarlamaan sharciyan ma matalo geedaha iyo dhagaxa ee dadbuu matalaa, sidaa daraadeed tiro koob sharciya oo lagu wada qanacsan yahay wa in la sameeyo si cadaalad markaa dadku ugu vote gareeyaan, degmo walbana ay wax ku goosato tirakoobka soo baxay iyo dadka ku nool tiradooda si xildhibaanku u matalo dad ka ku nool degaankaas ee tiradaas oo cod bixiye laga diiwaan galiyay. Laba waa in inta aan nidaam degmo loo dhaadhicin uu jiraa xeerkii qaran ee nidaaminayay degmooyinka iyo xeerkii diiwaan galinta oo ay ka horayso tirakoob sugan oo laga hirgaliyo dalka. Sidaa daraadeed waa iska riyo maalmeed aan deegaan wax ku qaybsano iyo cadaalad daradii taliskii kali taliska ahaa dhaxalkiisii oo dib loogu noqonayo, taasina waa qof go'ay iyo roob galbeed oo aan soo noqonayn in loo laabto haday dhacaysana shalayba lagama dirireen, ee cid kasta oo qorshahaasi ka guuxayaa waa inay ka toosaan hurdada iyo qarawga. Ugu danbayntii way dhamaatay kaygana lihi kaagana kula lihi iyo afkaartii dadka isku dishay 26 kii sano ee la soo dhaafay, mana dhici doonto in dagaal sokeeye dalku ku laabto ee aqlabiyada ayaa shaqayn doonta iyado aan laga tagayn soomaalinimada.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Taliskii Keliga Taliyaha ahaa haddii uu cid u eexday, wuxuu u eexday Hawiye. Siyaad Barre Puntland waxba uma kordhin, ee bal iska eeg. Puntland (ama Majeerteeniya iyo Mudug 1960) waxay ka koobnayd 15 degmo oo 10 degmo oo ka mid ah ay reer Puntland deganaayeen (Bosaso, Qardho, Isku Shuban, Bandar Bayla, Caluula, Eyl, Garoowe, Baargaal, Gaalkacyo iyo Jiriiban)

      Fadlan walaal cuqdiga iska saar oo dalkaaga soo baro.

      Tirakoob waa la wada sugayaa Insha Allah, Illaahey ha inoo fududeeyo si looga baxo xanuunka reer Muqdisho haya.

      Delete
  52. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  53. Waxay ila tahay, haddii degmo kuqeybsi qolo diiday oo qoladdii kalena diiday 4.5. Arinta 5.0 halagu qeybiyo. Koley xoog soomaaliyi isku muquunin waday. Haddana ragbaa raba in ay xeelad aad loola fahamsan yahay waxku muquuniyaan. Ragbaa goob xun weligii gebogebo fariista!

    ReplyDelete
  54. Wan ku salamay yusuf waana kuu mahad celinayaa masuul ka dib jumca wacan ayan oranayaa asxaabta fikirada wadaagaysa 2000 ilaa hada ayaa laguso jiray in wax lagu qeybsado habka aan anigu u aqaan mid takoor oo ah 4.5 wax saxan ama somali ku haboona maahan waayo somalidu waa inan ader,ina abti iwm oo meel kalama jiraan inkastoo uu yahay hal xaaran ahi nirig xalaala ma dhasho hadana bilow ama isku day ayuu noo ahaa waana wax aan xal ahaan u qaadanaye xaq maaha 2000 iyo wixi ka dambeeyaba meelna inan ka guurno meelkalana degno ayaa hormuudka dadka soomaliyed ku balameen hasa yeeshee somalida ayaa tiraa ma taako ayan guurnaa mise tabar waxaana la qaatay in tabar la guuro meeshi ay nagu sintana degno halka yoolka noo ahaytna wa (one man one vote ) ama qof iyo codkiisa asagoo qofkuu rabo ama uu ku qanco siinaya kama mid ahayn guuxa ayaamahan siyaasada hareeyay oo ah deegan sababaha aysan suurgal u ahayna waxaan ka xusi karaa
    1.dalku si guud xur uma aha
    2.tira koob lagu kalsonan karo lama sameyn
    3. Hadii xitaa la qaato amaan iyo facilities kalaba looma heli karo
    4.waa fikirkaygee wuxuu sababi karaa xasilooni daro siyaasaded sad bursi iyo is aamini waa hor leh marka tala ahaan kan oo an kaga jeedo 4.5 ayaan naqaan ayaantana kusoo awr kacsanaye ilaa aan ka gaarayno qof iyo cod aan iska kutubsano inkastoo uuna noo qaadmin hadanu nahay soomaali

    ReplyDelete
  55. Salaamu calaykum Yuusuf Garaad iyo soomaalida kale. Reer Puntland aan ahay hadana waxaan aamin sanahay 4.5 xal uma aha somali iyo degmo wax in lagu qaybsado. 4.5 waa waxa soomaali ay u socon la dahay, tan degmana ma ila ahan macquul oo dadkii soomaaliyed cudur qabiil ayaa ku dhacay saas awgeed qabiilo ayaa xaqdaro sheegan doona hadii degmo lagu qaybsado kuraasta.
    Puntaland markii doorashadii hore dhaceysay waa la isku qabsaday in xisbi ama qabiil lagu xulo, balantii lagalay oo aheyd in xisbiyo la sameeyo waay dhici wayday taasina waa wax soomalida madaxdeeda ay ka siman yihiin. Markasta waxay ka hor mariyaan maslaxadooda tan umada guud siday ugu soo noqon lahaayen kursiga. Dawlada dhexena saas ayey rabtaa in wixii danteeda ay ka hor mariso tan umada guud.
    Fekeraykayga Puntland cabashadeeda yaa loo riixin sad buursi inay rabaan, laakiin cabashadooda loo arko mid xoojineysa in soomali 4.5 waxii ka danbeeya 2020 la iskugu iman mar danbe ayna noqoto insha alah qof iyo cod 2020 waxii ka danbeeya.
    Yuusuf garad aragtidaada waad ku mahadsan tahay. Alaha xaqa na tuso Soomaali waa dad waalalo ah oo hal meel kasoo wada jeeda haday tahay luuqad, dhaqan, diinta ama qawmiyad ka soo wada jeeda.

    ReplyDelete
  56. Xalka wuxuu ku jiraa madaxweynenimada wareegto hahaha dhigo. Taas ayaa qancinaysa dhamaan inta isku haysa siyaasada. 2020 hadii la gaaro xitaa, u malaynmaayo in annual ku gaari doono jawi dhaliya istirin sida: 1) hal maamul oo ka arimiya wadanka oo idil 2) colaada soomaali dhex martay oo dishay is aaminkii, 3) Awoodo shissheeeye oo soomaaliya ku hardamaya, soomaalidana sii Kala Geeta 4) wadaniyadnimo oo inagu yar. FG: markaad eegto Tiro koobyada wadamo ay ka jiraan nidaam dowli sida Kenya iyo Nigeria, hadaad faaqidaad ku samayso kama marna ku shubasho tirada si hal qeybsiga siyaasada qolooyin ay ugu badato, qolooyina hoos loogu dhigo.

    ReplyDelete
  57. Dooda Mesha taalaa Waa waxyaabaha umada larabo in lagu qaldo.
    1. Daatuurka ayaa qaba in laga gudbo 4.5 Lakiin suashu waxay tahay yaa yiri dagmooyin qabiilaysan wax halogu qaybiyo?? Sow meshaas Kama dhalan karto 4.5 jajaban Oo Aan qaab loo aqriyo jirin balse qabiilada Qaar Dan modaan??
    2. Qabiil diiid mise qabiil doon. Qof reerkiisa udoodaya inuu wax badan helo Hadana is modsiya inuu Somali udoodaya. Waxaa mudan in laisfahansiyo dadku wax way wada arkaan.
    3. Is aamid darrida shacabka dhex taalla Ee marar badan laso qaaday. Horta shacabka Waa is aaminsanyihiin Ee waxaa is qaban la' Waa xisaabta siyaasiyinta danahooda wata Hadana doonaya Inay dadka Ku harowsadaan tariikh madoow Ee lasoo Maray.
    3. Mida ah dad Ayaan degaan lahayn cid Aan degaan lahayn majirto Ee Kala Fahma degaan Iyo qaabka Ay dagmooyin ka u samraanyihiin Oo dood badan laga qabo. Hadii adiga aad u heesato Marka degmo wax lagu qaybsado wax badan helayso umada kale wa Inaad si qaboow wax ugu shegtaa maaha Inaad dadka ka badantahay ama ka awood badantahay. CID AAN DEGAAN LAHAY MAHIRTO.
    4. Yaa qaybibaya degaanka? Waa suaal taagan sow ma dhacayso Wixii Kismaayo ka dhacay Oo kale ? Sow Axmad Madoobe ma qaybin doono Waxa jubaland kusoo aada Gaasna Buntland? Galeyrd Iyo Buhoodle Waa dad degaan leh Hadana cadaalad heli mayaan. Umada Waxaan u cuntami Karin yaan sanka laga galin. WAXA SOMALI UWADA DAN AH AAN KA FAKIRNO.

    ReplyDelete
  58. Waayahayee waligeed ma waxaa lagu jirayaa 4.5 qofkii dhahana halaga gudbo ma waxaa la leeyahay waa qabiil doon iyo kuraas baa saas ugu badaneeso. Hadii Puntland ay degmooyiin kaliya in wax lagu soo doorto ay rabto oo 4.5 ay u argaysay in ay kuraas badan ku heleen, maxay ilaa iyo 2000kii ay ugu tanaasulaayeen nidaamka 4.5.

    Meeshaan ma ahan yaa wax helaya ee waxaa la soo gaaray waqtigii laga gudbi lahaa 4.5 maadaama ku meel gaarki laga gudbay.

    ReplyDelete
  59. @ Yusuf

    Aqalka sare Maraykankaba Gobolada ayaa si siman loogu qaybshaa Marka Aqalka sare anigu qaabka loo qaybiyay Wxaan U arkaa wax caadi ah balse
    Aqalka hoose ee lagu muransaan yahy Runtii 4.5 waa qaacido aan xallaal ahayn oo duruufi sababty in la qaato si maalmo laagu moodo Kuwa raba wali 4.5 inay qaacido la joogtayo runtii kuwaasi waa waxaan suuroobi karin bay waddaan waxaana qabaa qaacidooyin kale oo macno wnagasn caddaaladana uga dhow ayaa jira, walow aysan qudhoodu 100% cadaalad noqon karin. Anigu wxn qabaa degmaysi amase gbolayso ma la awaal ku dhisan ayaa dhaanta qaacida 9 gobol wax ka yar 2 gbol la simaysa...

    ReplyDelete
  60. Qolada reer Puntland waxay uga dhegan tahay wax aan soconeyn oo ah in Gobol iyo Degmo aan dadkeeda la tirin ay sad bursi ku helaan sidii waxay dadka kale ka caqli badan yihiin, xataa dadkooda halkan commentska kusoo qoraya arrintaa way ka siman yihiin mana ka xishoonayaan, weliba waxay qabaan cudur la yiraahdo qab weyni aan la aqoon waxa ay ku salaysan tahay oo waxay u hadlayaan sidii waxay dadka intiisa kale waxay doonaan u yeerin karaan haddii aan tooda layeelinna in ay cirka soo duminayaan. War walaayaaalow waqtigaa waa laga soo gudbey oo wuu dhintay mana soo noolaanayo ee udiyaar garooba in aad dadka Soomaaliyeed si sax ah wax ula qaybsataan oo yaanu hungurigu meel baas idinka ridin haddii kale iga rumaysta waxa imaan doonta maalin aan dheerayn oo aad inta hadda laydiin ogolyahay wax aad uga yar aad u baryo tagtaan oo aad xaqiinna runta ah aad weydaan.

    Markaa waa iga talo'e inta ay goori goor tahay is daba qabta oo runta isu sheega oo wax aan soconayn dadka hakula meeraysanina, weliba waxan idiin sheegayaa runta ay dadka intiisa badani idinkala meer meerayaan oo ah in aad dadka ugu yartihiin haddan ugu fitno iyo makri badan tihiin laakin waxadnaan weli fahmin in uu dhammaaday waqtigii beenta iyo khayaanada wax aadan xaq u lahayn lagu heli jirey. Taasi way dhammaatay, dadkiina waxay fahmeen xaqiiqadu sida ay tahay, waxayna kasoo taagan yihiin in mar dambe xaqooda been been iyo khayaano lagaga qaato. Nidaamka 4.5 dadbaa xaqoodii wax ka yar ku helay intii yarayd ee markii horeba ay ku dulmanaayeen ayaad dooneysaan in aad duudsisaan oo intii hore ee aad xaaraanta ku hesheen aad ku darsataan taasina ma dhacayso ee waa iga talee intiinna ku fara adayga yeydaan waayine sheekada aad waddaani soconmaysee. Haddii aad taladayda diidaan bal waa yahaye inoo wada sheekada waa halkey idinla gaartee. Hadda Sheekadu waxay taagan tahay Puntland vs the rest of the Somali Nation

    ReplyDelete