Monday, 28 March 2016

Shir Xasaasi ah - Siyaad Barre Vs Mengistu Haile Mariam

Madaxweynaha Yement-ta Koofureed Salem Rubai Ali
& Madaxweynaha Cuba Fidel Castro. Cadan.  
Waa Qeybta Saddexaad ee taxanaha Warbixin qarsoodi ah oo uu Hoggaamiyihii Cuba, Fidel Castro oo soo maray Afrikada Bari iyo dalal Carbeed uu Berlin ku siiyay Hoggaamiyihii Jarmalka Bari, Erich Honecker 3-dii Abriil 1977. Qormadii tan ka horreysay waxaan ku soo bandhigay wixii uu kala kulmay Addis Ababa iyo kulankiisii Mengistu. Qormadii ka sii horreysayna waxay ku saabsanayd aragtidii Castro ee socdaalkiisii Muqdisho iyo kulankii uu la qaatay Siyaad Barre. Fadlan qormada koowaad iyo tan labaad akhri ka hor inta aadan u gudbin middan saddexaad. 

Fidel Castro wuxuu labada Hoggaamiye ku soo qanciyay in ay ku kulmaan Cadan, Yemen. Qormadani waxay ku saabsan tahay kulanka labada Hoggaamiye.

Warbixintiisii ayuu Fidel Castro halkii ka sii wadaa, wuxuu yiri:

Siyaad Barre wuxuu Cadan yimid isla subaxaas. Mengistu ma soo degin ilaa galabnimadii. Waxaan wadahadal la qaatay Siyaad Barre markaas ayuu soo bandhigay tabashadiisa. Wuxuu igu yiri, haddii uu Mengistu yahay kacaan dhab ah waa in uu yeelaa sidii Lenin, waana in uu ka kacaa dhulkeyga. Siyaad Barre wuxuu qaatay mowqif adag. 

Waxaan weydiiyay in ay la tahay in aan Ethiopia kacaan dhab ahi ka dhicin iyo in Mengistu aanuu ahayn Hoggaamiya Bidixda ah oo run ah. Wuxuu igu yiri Ethiopia kacaan kama dhicin. Markii aan Muqdisho joogayna wuxuu i tusay khariidad muujineysa Ethiopia barkeed oo lagu daray Soomaaliya.

Markii aan Siyaad Barre la hadlay ka dib waxaan Mengistu u sheegay sida uu Siyaad u dhaqmayo. Waxaan weydiistay in uu is dejiyo. Durba waxaan ka xumaaday in aan Mengistu ku casuumay Cadan iyada oo xaaladda waddankiisu ay cakiran tahay, haddana xaaladdan kacsan ay tahay in uu dhegeysto Soomaaliya oo dhul ku sheeganeysa.

Mar uu iiga jawaabayay su’aal aan ka weydiiyay xaaladda ciidanka Ethiopia, Mengistu wuxuu ii sheegay in weli ay dhibaato ka taagan tahay laakiin aanay hadda isaga la ahayn in ay jirto khatar weyn oo afgembi.

Markii shirku billowday, durba Siyaad Barre ayaa hadalka la booday. Siyaad Barre waa Jeneraal wax ku soo bartay gumeysi hoostiis. Kacaanka Soomaaliya waxaa hoggaamiya Jeneraallo dhammaantood ku awood badan yeeshay xilliyadii gumeysiga. 

Aragti ayaan ka qaatay Siyaad Barre, waa nin cunsuri ah. Cunsurinnimada ayaa ah waxa ugu muhiimsan ee ku jira. Hantiwadaaggu waa qolof kore oo uu huwan yahay oo ujeeddadu ay tahay in uu indhaha soo jiito. Wuxuu hub ka helay waddammo hantiwadaag ah. Siyaasaddiisa hantiwadaagguna waa mid shacabka loo sheegayo. Xisbigu waxa keliya oo uu u jiraa in uu isaga awooddiisa shakhsiga ah taageero.

Xaalkiisu waa isku-dhaf silloon. Waa isku darka rag militeri ah oo soo maray Iskuulka gumeystaha iyo muuqaal bulsho. Hantiwadaagga wax ka mid ah ayaa soo jiitay, laakiin guud ahaan waxaa weli dalka ka jira kala sarreyn iyo caddaalad darro. Fikradihiisa ugu waaweyni waa waddaniyad cunsuriyeysan, ma ahan Hantiwadaag.

Bartilmaameedkiisu waa siyaasad noocii hore ah. Hadallo macaan oo saaxiibtinnimo. Siyaad Barre wuxuu u hadlaa sida nin caaqil ah, [ase] waa hadal uun. Wuu ka duwan yahay Hoggaamiyaal siyaasadeed oo badan oo aan aqaan; [Madaxweynaha Masar Anwar] Sadat, [Madaxweynaha Algeria Houari] Boumedienne, [Madaxweynaha Mozambique Samora] Machel, [Madaxweynaha Angola Agostinho] Neto iyo qaar kale oo badan waxay leeyihiin shakhsiyad adag. Wey ku dhegeysan karaan ayaga oo aan meel ku dhegin. Hadalna waa lala wadaagi karaa. 

Siyaad Barre wuxuu runtii isu haystaa in uu yahay ninka dadka ugu Xikmadda Sarreeya. Ilaa iyo hadda wax waliba si sahlan ayay ugu qabsoomeen. Talyaani iyo Ingiriis ayaa ka dhigay Jeneraal. Kacaankii (afgembigii) wuxuu ku hirgalay daqiiqad gudaheed ayada oo aan xabbad la ridin. Wuxuu gashaday weji hantiwadaag. Wuxuu kaalmo dhaqaale iyo hub ka helay Midowga Soofiyeeti. Istaraatiijiyad ahaan waddankiisu waa muhiim. Waana sumcad jecel yahay. Barre waa is cajabiyay, weliba si aad ah. 

Hadalheyntiisa Hantiwadaaggu ma ahan wax la dhegeysan karo. Waa Hantiwaagga ugu weyn. Toban eray ma dhihi karo isaga oo aan ereyga Hantiwadaag xusin.

Isaga oo noocaas u hadlaya ayuu billaabay in uu Mengistu la hadlo shirka gudihiisa. Wuxuu ku billaabay in uu bixiyo cashar ku saabsan Ethiopia. Wuxuu weydiistay Mengistu in uu yeelo sidii Lenin: In uu ka tanaasulo Imbaraadooriyadda Ethiopia. 

Mengistu wuu degganaa; wuxuu sheegay in Ethiopia ay diyaar u tahay dooneysana in ay xal hesho. Wuxuu sheegay in looga baahan yahay labada dhinac tallaabooyinkii ugu horreeyay ee la taaban karo si loo gaaro isu soo dhowaasho.

Siyaad Barre si cir-ka-soo-dhac ah ayuu u jawaabay. Wuxuu sheegay in uu ku hungoobay Mengistu oo u dhaqmaya isla sidii ay u dhaqmayeen Boqorrada Ethiopia. Hoggaamiyayaasha Kacdoonka Ethiopia waxay u fekerayaan sidii Haile Selassie. 

Shirku wuxuu billowday 11-kii habeennimo, xalna ma soo muuqdo.

[Madaxweyne ku Xigeenka Cuba] Carlos Rafael Rodriguez ayaa markaa soo jeediyay in la dhiso Guddi ka kooban Ethiopia, Soomaaliya iyo PDRY [Yemen-ta Koofureed] loona xilsaaro in ay soo helaan si xal lagu gaari karo. Intii kale oo dhami Guddiga ayay nagu dareen annaga oo aan dooneyn.

Siad Barre wuxuu sii watay ficilkiisii ninka xikmadda badan ah. Ee ah Hantiwadaagga weyn. Ee Marxist weyn ah. 

Haddana waxaa la yaab leh in uu u hadlayo sidii in uu yahay hal xubin oo ka tirsan “hoggaan wadaag ah” oo ka haysta idin Guddiga Siyaasadda ugu sarreeya, iyo baahida in uu wax kasta iyaga kala tashado. 

Biririf

Biririf yar oo uu wafdigiisa kula soo tashaday ka dib, wuxuu [Siad Barre] soo jeediyay wadahadal toos ah oo dhex mara isaga iyo Mengistu.

Mengistu, oo dareensan in meesha lagu caayay, kana aammin baxay Siad Barre intii u hadalkii hore jeedinayay, wuu aqbalay [in uu wadahadal toos ah la yeesho Siyaad Barre] laakiin hadda ma ahan. Marka hore waa in la xalliyaa arrinta ku saabsan Guddiga.

Shirku wuxuu noo socday ilaa 3.15 habeennimo [Abbaaraha xilliga Addinka hore ee salaadda subax]. Siyaad Barre wuxuu diyaarsaday qoraal heshiis ah oo uu ku aqbalayo Guddiga laakiin faraya in ujeeddada ugu weyn ee Guddigu ay tahay in uu xalliyo su’aalaha taagan ee soohdinta Soomaaliya iyo Ethiopia. Markaa Guddigu halkaa ayuu howshiisa ka billaabayaa. Maxay tahay in ay Ethiopianku uga jawaabaan soo jeedintaas daandaansiga ah?

Intii birirfta lagu jiray waxaan la hadlay Mengistu oo aan qarsan diidmadiisa Siad Barre. Waxaan isagana la hadlay Siyaad Barre oo aan weydiiyay in ay ka dhab tahay in uu xal doonayo. Wuxuu yiri jawaabtaas Mengistu ayaa laga rabaa. Wuxuu sii watay hadalladiisii Kacaanka. Wuxuu sheegay sida ay tahay in kuwa uu ka dhab yahay Hantiwadaaggu, Kacaanyahannada runta ah ay inta aamminsan Marx in aanay xaqiiqada iska indha tirin. Wuxuu yiri Mengistu runtii waa nin adadag, nin qaaday tallaabooyin culculus; Maxaa ka hortaagan in uu sidaas oo kale go’aan u qaato, oo halkan ku gaaro sida loo xallinayo arrintan?

Mowqifka Fidel Castro

Halkaa marka ay mareyso, waxaa i soo wajahday su'aal adag oo ah in aan hadlo oo aan caddeeyo aragtideyda mowqifka Siyaad Barre iyo in aan uurka ku haysto. Waxaan goostay in aan hadlo, sababahan awgood:

1. Aamusnaan waxaa macnaheedu noqon karaa in aan ku raacsan ahay Soomaaliya mowqifka waddaniyadda cunsuriga ah iyo natiijada ka dhalan karta. Waxaa kale oo macnaheedu noqonayaa taageero aan siinayo kooxaha Midigta ee Soomaaliya.

2. Siyaad Barre in aanan u jawaabin waxaa macnaheedu noqonayaa in kaalmo kasta oo dalalka Hantiwadaaggu ay siiyaan Ethiopia, sideey doonto ha u yaraatee, in Siyaad Barre u fasiri doono ballanfur [Soomaaliya lagu sameeyay].

3. Xaalad noocee ah ayay u abuureysaa PDRY [Yemen-ta Koofureed] oo mar dhow ku taageeri rabta Ethiopia taangiyo, baabuur waaweyn iyo madaafiicda goobta iyada oo la kaashaneysa Soofiyeetiga?

Inahaas waxaa dheer, Siyaad Barre ma ahayn keliya in uu hadallo qadaf ah ku geystay goobta. Si dadban ayuu u hanjabay. Wuxuu mar yiri, ma jiro qof og meesha arrintaani ay saldhigan karto.

Intaas darteed waan hadlay. Waxaan sheegay in Siyaad Barre uu rumeysan yahay in aan Ethiopia kacaan dhab ahi ka dhalan. Waxaan fasiray in dhacdooyinkii Febraayo 3 ay si buuxda uga jawaabayaan su’aashaas. Waxaanan sheegay in Mengistu uu yahay Hoggaamiye Kacaan.

Waxaan ku daray in aan ka aamminsan nahay dhacdooyinkii Febraayo 3 in ay ahaayeen kala guur. Waxaan sheegay in Mengistu yahay Hoggaamiyaha isbeddel qoto dheer. 

Waxaan caddeeyay in aynaan ku raaci karin Siyaad Barre mowqifkiisa. Waxaan iri mowqifka Siyaad Barre wuxuu halis ku yahay Kacaanka Soomaaliya. Wuxuu halis geliyay Kacaanka Ethiopia. Taasina waxay dhashay khatar ah in PDRY [Yemen-ta Koofureed] ay go'doonto. Gaar ahaan waxaan culeyska saaray in mowqifka Siyaad Barre uu gacansiinayo dadaalka garabka midig ee Soomaaliya lafteeda ee ka dhanka ah Hantiwadaagga, ayna ku doonayaan in ay Soomaaliya u gacan geliyaan Sucuudiga iyo Imbiriyaaliyadda.

Waxaan sheegay in siyaasadahaasi ay wiiqayaan xiriirka Soomaaliya ay la leedahay waddammada Hantiwadaagga ah ayna horseedi doonto burburka Kacaanka Soomaaliya. 

Waxaan u baaqay dareenka Siyaad Barre iyo dhamaanba Hoggaanka Soomaaliya in ay qaataan mas’uuliyad taariikhi ah. Waxaan sheegay in aanay ila ahayn in arrintaani ay horseedi doonto dagaal dhexmara Soomaaliya iyo Ethiopia. Laakiin in aan taa ka cabsi qabo, maaddaama dagaal uu noqon doono wax aad u culus, ayaan iri. Ma rumeysni in ay jiraan dad dagaal ka dhex oogi doona shucuubta.

Sidaa saraaxiga ah markii aan u hadlay, Siyaad Barre ayaa durbadiiba hadalka qaatay. Wuxuu sheegay in aanuu marnaba dagaal dooneyn, maaddaama uu hantiwadaag iyo kacaan yahayna inuusan marnaba dariiqaas mari doonin. Haddii xeyndaabka Hantiwadaaggu uu doonayo in uu Soomaaliya iska gooyo, taasi waa howl u taalla [dalalka] Hantiwadaagga. 

Siyaad Barre in aan shirkaan keeno culeys ayaan ku saaray, laakiin Mengistu kuma soo khasbin. 

Markaas, waxaan xusay in aan taageersanaa kulan Madaxeedka Siyaad Barre iyo Mengistu, laakiin kamaan hadal aflagaaddada uu Siyaad Barre u geystay Mengistu. Waxaan sheegay in aan Cuba damacsaneyn in ay iska goyso  Kacaanka Soomaaliya, taa lidkeed, waan taageernay.


Shirkii intaa aan ka marnay wuxuu ku dhammaaday natiijo la’aan.

Xigasho: Archiv der Parteien und Massenorganisationen der ehemaligen DDR im Bundesarchiv. Waxaa soo helay Christian F. Ostermann. Tarjumada Jarmal ka dhigay Ingiriis David Welch waxaana mar kale ka hubiyay Ostermann. Yusuf-Garaad ayaa Soomaali u rogay. Waxaa fiifisay Wilson Center.

No comments:

Post a Comment