Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, waan ku
bogaadinayaa in uu ka qeyb qaato is fahamsiinta Dowlad Goboleedka GalMudug iyo
Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo uu labadaba xiriirro kala duwan la leeyahay,
ka dib markii ay iska horimaadyo kadhaceen beelo wada dega gudaha Ethiopia
meel aan ka fogeyn soohdinta labada dal.
Waxaan filayaa Axmed in uu ku dhashay GalMudug, wakhti noloshiisa ka
mid ahna ku qaatay dhanka kale ee soohdinta.
Sidoo kale labada Dowlad degaan ee labada dhinac ee soohdinta waan
soo dhoweynayaa in ay si farsamo ah is faham uga gaaraan colaadda soohdinta ee
soo noqnoqotay.
Waan soo dhoweynayaa wax kasta oo isdil iyo colaad lagu baajinayo,
sahlina kara Soomaalida soohdinta degta aaggaas oo ka mid ah meelaha Gobolka
Geeska Afrika ugu horumarka liidata.
Waxaa wadahadalka Jigjiga uu ku soo beegmay iyada oo dhowaan uu
magaalada Nairobi ka dhacay shir dhex maray mas’uuliyiin iyo akhyaar kale oo
Soomaaliyeed oo magac beeleed ku socda iyo Dowladda Kenya.
Xaalad in laga hadlo u baahan ayay isla soo qaadeen.
Midda xusuusta u baahan, oo qormadan igu kalliftay waxay tahay in ay
Madaxweynayaasha iyo dowladaha Gobollada Soomaaliya iyo Madaxda qabaa’ilku ay u
baahan yihiin in aan mugdi ka gelin waa in aanay iyagu mas’uul ka ahayn laba
arrimood: Soohdimaha dalka iyo xiriirka dibadda ee Soomaaliya ay la leedahay
Dowlad kale. Ha ahaatee Dowlad deris ah ama mid fog. Ha ahaato Dowlad saaxiib
ah ama mid aan ahayn. Waa mas’uuliyad Dowladda Federaalka u taal.
Halis weyn ayaa ka soo socota haddii la caadeysto wixii dhici jiray
berigii aan dowlad la’aanta ahayn ama lagu jiray ku meel gaarka.
Soohdimaha dalku waa soohdimaha caalamiga ah ee Jamhuriyadda
Federaalka ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka la deriska ah. Sharciga Soomaaliya
iyo kan caalamkana waxaa soohdimahaas mas’uul ka ah Jamhuriyadda Federaalka ee
Soomaaliya. Madaxweyne Goboleed iyo beel Soomaaliyeed midna mas’uul kama ahan.
Soohdimaha dalka waxaa qaabbilsan Wasaaradda Difaaca iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, xiriirka Dowladaha iyo Ururrada Caalamiga ahna waxaa qaabbilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Howsha waa la kala leeyahay. Si aan Qarannimadeennu u wiiqmin waxaan u baahan nahay in aan dhammaanteen hey'adahaas uga dambeyno mas'uuliyaddooda, kulana xisaabtanno.
Thanks for sharing, nice post! Post really provice useful information!
ReplyDeleteAn Thái Sơn chia sẻ trẻ sơ sinh nằm nôi điện có tốt không hay võng điện có tốt không và giải đáp cục điện đưa võng giá bao nhiêu cũng như mua máy đưa võng ở tphcm địa chỉ ở đâu uy tín.