Tuesday, 14 March 2017

Doodihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed - Qeybta Shanaad

Dr. Cusmaan Aden Cabdulle, oo ahaa Agaasimaha Bankiga Dhiigga, oo annaga oo arday ah Jaamacadda nagula hadlay ayaa nooga warramay dhibka Bankiga ka haysta keydka dhiigga. Wuxuu nooga warramay xaaladda bukaanka iyo dhaawaca u baahan dhiigga. Isla markasna si baaq ah oo talo weydiin iyo codsi isugu jirta ayuu noola hadlay.

Aniga oo ah Guddoomiyaha ardayda Kulliyadaha Gahayr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaan dhegeysanayay hadalka Agaasimaha, mana ogeyn in aan ka mid noqon doono shaqaalaha Bankiga Dhiigga ee uu Dr. Cusmaan Agaasimaha u yahay.

Gocasho


Aniga iyo saaxiibbo kale oo ardayda ka mid ah waxaa macna weyn noo sameeyay eray uu yiri Agaasimuhu.  Dhiiggu waa daawo aan warshad lagu sameyn karin, ayuu nagu yiri. Weedhaas dib ayaan u soo goconnay.

Arrintii ayaan ardeyda la dhex marnay.  Ka dib markii ay is qoreen liis arday ah oo u diyaar ah in ay dhiig ugu deeqaan walaalo aanay garaneyn oo xanuunsan ama hadda ka dib dhaawacmi doona ama la qali doono, ayaan xafiiskiisa ugu tagnay oo soo wargelinnay Agaasimaha.  Markaas waxaa Gahayr noogu yimid kalkaaliyaal caafimaad oo Bankiga ka tirsan oo qalabkoodu u dhan yahay.

Intaasi markii ay noo qabsoontay ka dib ayaan annaga oo saddex ah oo labada kale ay yihiin dhakhaatiir hadda waaweyn laakiin berigaa ahaa arday Kulliyadda Caafimaadku waxaan ku heshiinnay in aan wacyi gelin u sameyno bulshada. Waxaan goosannay in aan ka billowno dhallinyaro yaryar oo aan hadda looga baahneyn in ay dhiig bixiyaan – waa ardayda Dugsiyada Sare. Ujeeddadu waxay ahayd in ay weynaadaan iyaga oo aan dhiig ku-deeqidda cuqdad ka qabin oo markaa ay noqdaan dhiig-bixiyayaal.

Isku daygii howshaas oo aan qorsheynay in aan ka billowno Dugsiga Sare ee Banaadir nooguma hirgelin sidii aan jecleyn.

Markaa ayaan dhowr barnaamij oo wacyi gelin ah anigu ka abaabulay Radio Muqdisho oo marna aan dhakhaatiir ku marti qaaday marna aqoonyahanno kale iyo weliba shacab caadi ah bal waxa ay ka aamminsan yihiin in ay ku deeqaan dhiig.

Aakhirkiina waxay noqotay shaqadeeda in aan bankiga Dhiigga u qaabbilsanaado dhanka Xiriirka Dadweynaha iyo wacyi gelinta.

Halkaas oo la igu siiyay baabuurkii ugu horreeyay oo aniga igu magacaaban laakiin ay Dowladdu leedahay - Gaadiidka Dowladda oo loo soo gaabin jiray G. D. Waxay ahayd FIAT 127.

Markii dadka ka baqaya dhiig ku deeqiddu ay iga badiyeen doodda ah in qofka dhiig bixiyaa uu ka dhaxlo wareer iyo madax xanuun joogta ah iyo daciifnimo, waxay noqotay in aan anigu dhiig ku deeqo.

Wax dhib ah ma dareemin markii aan dhiigga ku deeqay, inkasta oo miisaankeygu uu ahaa mid soo jiitay muran ay kalkaaliyayaasha caafimaadku iga geliyeen in aan dhiig ku deeqi karo iyo in kale.

Dhiig ku-Deeqayaal


Shakhsiyaadka aan xusuusto ee dhiigga sida joogtada ah ugu deeqi jiray waxaan soo qaadanayaa dhowr magac oo ka mid ah.  Shakhsiyaadkaas qaarkood waxay dhiig ku deeqeen iafartameeyo jeer, qaarkoodna weyba ka badnaayeen.

Waa Dhakhtar Cusmaan Aden Cabdille, oo mararka qaar isaga oo aan dhammaysan saddexda bilood ee ay tahay in qofku uu sugo inta aanuu mar kale dhiig ku deeqin isku dayi jiray in uu dhiig bixiyo. Kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaa marmar iska hor taagi jiray haddii ay ogaadaan in aan saddex bilood u dhammaan.  Waxaa kallifayay baahida dhiig ee indhihiisa uu ku arkayo, aadminnimada ku jirta iyo mas'uuliyadda uu dareemayo in isagu uu u xil saaran yahay keydka dhiigga.

General Cabdinuur Yusuf oo ka tirsanaa booliiska iyo maamulka Sportiga isla markaasna ahaa Guddoomiye ku Xigeenka Ururka Bisha Cas ayaa isaguna ka mid ahaa dhiig ddeqayaasha heellan. Si joogta ah ayuu mudda dheer u bixinayay dhiig.

Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Duqa Magaalada Muqdisho isaguna wuxuu joogta u bixin jiray dhiigga.

Dadka qaar waxay bixin jireen dhiigga Plasma oo ay si joogta ah ugu baahan yihiin carruurta Hemophiliac ah.  Ku deeqidda Plasma waa howl ka culus dhiig mar qura la bixiyo oo inta qofka laga qaado dhiig ka badan inta uu awoodo in uu ku deeqo ayaa la geeyaa sheybaarka oo laga soocaa Plasma. Markaas ayaa unugyada cas iyo unugyada cad ee Dhiigga iyo walaxda loo yaqaan Platelets oo ah dhiig-xinjireeyaha la kala soocaa lagalana haraa inta loo baahan yahay. Ka dibna dib ayaa loogu shubaa qofkii ku deeqay. Inta dhiigga la kala soocayo, qofka ku deeqay waxaa suran faleebbo ku shubaysa milan ku sima inta dhiigga lagu soo celinayo.

Dadka Plasma ku deeqi jiray waxay xusuusteydu ii sheegeysaa in uu ka mid ahaa Cali Ugaas Cabdulle.

Dhiigga nooca ugu yare ee dadka Soomaalida laga helo waa nooca loo yaqaan 0 Rh- ama loo soo gaabiyo 0 Rh -.

Haddii qof dhiiggiisu yahay 0 Rh – oo jooga Soomaaliya uu dhiig baxo ama xanuun ama qalliin dartiis uu ugu baahdo dhiig waa ay adag tahay in dhiiggaas dhakhso loo helo haddii marka hore aanuu keydka ku jirin.

Mararka qaarkoodna waxaa dhacaysa in haddii muddo aad u kooban dhiigga lagu heli waayo aanuu bukaanku dhinto ama gaaro xaalad aanuu ka soo kaban karin.

Prof. Shahiid
Sidaa darteed Bankiga dhiiggu wuxuu diyaariyay liiska mutaddawiciin nooca dhiiggoodu uu yahay 0 -, oo mar kasta oo dhiig noocaas ah loogu baahdo si emergency ah, diyaar u ah in ay dhiig ku deeqaan.

Liiska oo aan u maleynayo in uu ahaa tiro ka yar toban mutaddawac, waxaan ka xusuustaa Prof. Shahiid oo lagu dilay qaraxii Hotel Shaamo isaga oo ka qeyb gelaya qalin jebinta arday uu dhakhtarnimo u tababbaray.  Isaga iyo macallimiin kale iyo dhakhaatiirtii ay wax bareen waaliddiin iyo madax munaasabadda ka qeyb gashay ayaa la qarxiyay.  Waxaa dilay wiil aanay aqoon isaguna aan iyaga aqoon, kana warqabin sida ay dadkaasi muhiim ugu yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Allah ha u naxariisto Dr. Shahiid waxaa dhiiggiisa daadiyay nin aan aqoon, aan hubana in isagu uu dhiiggiisa u shubi lahaa haddii uu wiilkaasi xanuunsan yahay oo uu dhiig u baahdo si uu naftiisa u badbaadiyo.

Dr. Cabdi Faarax Taano
Waxaa kale oo aan liiskaas ka xusuustaa Dr. Cabdi Faarax Taano. 

Saaxiibkeey Cabdi Faarax Taano oo aan Jaamacadda isku xilli ahayn, ahaana Guddoomiyaha Ardeyda Kulliyadda Daawada, beri dambe ayaan isaga oo dhakhtar ah aniguna aan ka tegey Bankiga dhiigga aan raadiyay, soo helay oo aan weydiistay dhiiggiisa in uu iigu deeqo.  Wuxuu i weydiiyay cidda iga xanuunsan.  Waxaan u sheegay qofka aan u doonayay taas oo waxoogaa kaftan ah na dhex dhigtay. Waxaan dhiig u doonayay maxbuus Ethiopian ah oo dalkeenna ku xirnaa oo waayeel ah oo xanuunsanaa.

Caymis


Beri dambe waxaa la gartay in dadka ugu badan ee dhiig u baahdaa ay yihiin dadka ku dhaawacma shilalka waddooyinka. Taas waxaa macnaheedu yahay in shil kasta uu ku lug leeyahay ugu yaraan wadaha hal gaari. Haddii ay yihiin laba ama ka badan baabuur oo isku dhacayna ay tirada wadayaashu intaas ka badan tahay.

Si dhaawaca shilalka dhiig loogu helo waxaa is afgarad sameeyay Wasaaradda Gaadiidka iyo Bankiga Dhiigga. Waxaa la gartay in qofka doonaya in uu qaato Shahaaddada Wadidda Gaadiidka in shuruudaha ku xiran in uu buuxiyo ay ka mid noqoto in uu ugu yaraan hal mar ku deeqo dhiig.

Rayi kala duwan ayaa laga qabay arrintaas laakiin waxay xal u noqotay in yar oo ka mid ah baahida dhiigga ee ay qabeen Isbitaallada dalku.

F. G. 
Taxanaha Doodaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ilaa iyo hadda waxaan daabacay shan, welina waan sii wadi doonaa insha Allah.  Shantaba waxaad ka heleysaa isla boggan.

Doodihii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed - Qeybta Koowaad
Waa dood toddobaad ka socotay Xarunta Jaamacadda oo looga hadlay Qabiilka iyo Qaranka.

Doodihii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed - Qeybta Labaad

Cabdirisaaq Maxamuud Abuukar ayay ku saabsan tahay oo ardayda kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin diiwaangelinta ilmaha.

Doodihii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed - Qeybta Saddexaad
Axmed Maxamuud Faarax oo wax laga weydiiyay biyo la'aan ka taagnayd degaanno uu Buuhoodle ka mid yahay ayay ku saabsan tahay qormadani.

Doodihii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed - Qeybta Afraad
Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo ka hadlay waddaniyadda, Maxamed Shiikh Cusmaan Meykaal oo ka hadlay dhaqaalaha iyo Cusmaan Jaamac oo ka hadlay kheyraadka badda siiba Kalluunka ayaad uga bogan kartaa qorman.

No comments:

Post a Comment