Laba shir oo caalami ah oo midkiiba maalin yahay oo ku saabsan
Soomaaliya ayaa shalay iyo maanta lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee
Muqdisho.
Shirka shalay qabsoomay wuxuu ku saabsanaa amniga.
Shirka maanta dhacay wuxuu ku saabsan yahay horumarinta Dowladnimada
iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo weliba isla xisaabtan mid walba goonidiisa loola
xisaabtamayo Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha aan saaxiibka nahay iyo ururrada
caalamiga ah ee nagala shaqeeya horumarinta dalka.
Waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad- Goboleedyada Soomaaliya
dhammaantood iyo Duqa Caasimadda.
Heer Federaal, Golaha Wasiirrada intooda badan ayaa ka jeediyay
hadallo ku saabsan waxa qabsoomay iyo qorshaha hadda yaalla waxaa kale oo ka
qeyb galay mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka.
Guddiga Doorashooyinka Madax Bannaan ayaa iyaguna soo bandhigay
qorshahooda doorashada iyo caqabadaha loo baahan yahay in laga wareejiyo
dhabbaha doorashada.
Dowladaha aan saaxiibka nahay oo qaarkood wufuud sare oo
casimadahooda ka yimid ay ka soo qeyb galeen waxaa kuwa kale matalayay
Danjirayaashooda.
Shirarkani waxay daba joogeen Shirkii London ee ee sannadkan horraantiisii waxa ka qabsoomay in la qiimeeyo.
Is af garad iyo wuxuu ku dhammaaday in shirka kan xiga aan qorshe laga hadal ee laga hadlo waxa qabsoomay.
No comments:
Post a Comment