Mar uu Qanyare Wasiir ka ahaa Dowlad aan la aqoonsaneyn ayay
Baydhaba ku qabteen in ka badan 20 ajnabi ah ayaga oo ku eedeynaya in ay si
sharci darro ah dalka ku soo galeen oo aanay haysan dal-ku-gal ama visa.
Maxamed Qanyare ayay BBC weydiisay sababta ay u xireen dadka
samafalka u yimid dalka. Wuxuu bixiyay jawaab xujo ah.
Wuxuu yiri ka warran haddii aan London ka soo dego oo marka visa la
i weydiiyo aan iraahdo, Dadka derbi jiifta London ayaan gargaar u wadaaye iga
wareeg!
Qanyare wuxuu ahaa hoggaamiyayaasha yar ee Soomaalida ee marka uu
ajnabi la macaamilayo aan qofka Soomaaliga ah ee goobjoogga ahi aanuu yaxyax
dareemin. Wuxuu yaqaannay afka iyo sheekada ajnebiga siiba galbeedka.
Kaaraan
ilaa Meddiina
Waxaan xusuustaa maalin aan Xamar ka dhoofeynay aniga iyo weriye
reer Yurub u dhalatay oo labadeennuba ah Suxufiyiin BBC. Inya aynaan u bixin
mid ka mid ah shan Airport oo ku yaallay Xamar oo ay ka taliyaan shan
Hoggaamiye Kooxeed oo is diiddan mid walibana uu iskiis u qaado “canshuur”,
ayaan helnay war dhiillo leh, idaacadahana xiisa u leh.
Habeenkaas ayaa badda gudaheeda lagu dilay niman ka yimid dhinaca
Kaaraan oo doon ku gooshaya una socday Meddiina.
Inta aynaan dhoofin ayaan sii marnay Qanyare. Waxaa naloo sheegay in
uu hurdo. Laakiin waxaan wiilasha ka codsaday in ay kiciyaan una sheegaan in
aan sugayo.
Markii aan Qanyare wax ka weydiinnay arrinkaas wuxuu kooxdiisa u
ekeysiiyay masaakiin. Wuxuu yiri ma haysanno wax qalab ah oo aan ku ogaanno
cidda habeennimo mugdi ah badda ku guureyneysa.
Markii gabadha weriyaha ahi ay uga mahadcelisay in uu hurdo nooga
soo toosay, Qanyare wuxuu ku yiri uma baahnid in aad ii mahadceliso. Sababta oo ah ninka aad la socoto wuxuu ka
tirsan yahay dadka aan siyaasadda ku matalo oo aad adinku u taqaannaan
constituency. Marka kama celin karo iridda.
Shirkii
Boosaaso
Doodadaha uu caanka ku ahaa waxaa ka mid ah dooddii 1997 ay wada
galeen Cumar Macallin oo ahaa diblomaasi ka mid ah lixdii Danjire ee Soomaliya
ay yeelatay ee ugu horreeyay loona diray Washington, ka dibna siyaasi noqday,
Mudane Silaanyo oo markaas ahaa Siyaasi Somaliland iyo Madaxii hore ee SNM,
Mudane Cabdullaahi Yusuf oo markaa ahaa Hoggaamiyaha Gobollada Woqooyi Bari oo
sannad ka dib u xuubsiiban doonay Puntland iyo Mudane Qanyare oo Wasiir ka ahaa
Dowlad aan la aqoonsaneyn madaxna u ah Jabhad hubeysan.
Mudane Cabdullaahi Yusuf iyo Mudane Silaanyo waxay u kaltameen
weerarka Qanyare iyo siyaasadda Caydiid ee uu markaa matalayay si darandoorri
ah.
Qanyare waxaa dooddiisa ka mid ahayd in uu weydiistay in la baro
soohdintu meesha ay tahay kala qeybineysa degaannada Cabdullaahi iyo Silaanyo
ay kala sheeganayaan in ay wakiil ka yihiin.
Laakiin Cabdullaahi Yusuf iyo Silaanyo waa ay fahmeen dabinka
Qanyare u dhigayo weyna ka boodeen. Iyagu isuma jawaabin laakiin nin waliba
dhankiisa ayuu ula dooday oo uu hadalka ku adkeeyay Qanyare.
Ugu dambeyntii Qanyare wuxuu labada mas’uul ku eedeeyay in ay
yihiin, nin dalka kala goynaya iyo mid ka aammusan oo macnaheedu yahay in uu
uga raalli yahay. Isaga oo taa cusknaya ayuu damcay in uu ku khasbo Mudane
Cumar Macallin in uu qaato mowqif uu labadaba uga soo horjeedo si uu u dhowro
waddaniyaddiisa.
Inkasta oo Qanyare lagu goobtay, haddana wuxuu doodda ka gaaray in
uu shaki weyn geliyo shir uu markaa Mudane Cabdullaahi Yusuf ka abaabulyay
Boosaaso in ay isugu yimaadaan Hoggaamiye Kooxeedyada ay isaga isku jaalka
yihiin si ay Dowlad u dhisaan.
Boosaaso beddelkeed, waxaa 1997 Hoggaamiyayaasha kooxaha la wada
geeyay Magaalada Qaahira.
Safari
Park, Nairobi
Mar isaga oo u marti ah aan Qanyare ku kulannay Safari Park Hotel oo
ku yaal Nairobi aniga iyo gabar ajenibi ah oo BBC ka tirsan wuxuu noo sheegay
in uu siyaaddiisa ku maalmgeliyay lacag badan o uu isagu leeyahay.
Wuxuu yiri ilaa iyo markaas in aanuu khasaare moogiye aanuu wax
faa’iido ah ka helin, welina ay lacagi uga baxdo.
Waxaan weydiiyay su’aal, talo-soo-jeedinna loo macneysan karo. Hadda
maad isaga baxdid si aan kharash kale kaaga bixin? ayaan weydiiyay Qanyare.
Su’aal ayuu uga jawaabay.
Ku ye, yaan uga baxaa ma hebel iyo hebel?
Qaybta Saddexaad waxaan uga hadli in aad u yar oo ka mid ah doorka
Qanyare ee shirkii Qaahira ee 1997 iyo kii El Doret ee 2004.
Mahadsanid mudane
ReplyDeleteMahadsanid Mudane Allah ha u naxariisto Halyeey Qaran Adeer Maxamed Qanyare Afrax
ReplyDeleteyusuf garaad aad ayaad u mahadsantahay
ReplyDeleteallaha unaxaristo Qanyare
Alla yaraxma ninkaan nin kaftama ma eheen
ReplyDeleteWar Yusuf garaadow ninkaasi hadduu waddani ahaa, mar horuu dalkiisa wax kusoo kordhin lahaa.
ReplyDeleteTeeda kale siilaanyo 1997 maxaa boosaaso geeyay?
Siilaanyo ma tegin bososaso ee waxa ay kuwada hadlaayeen barnaamij ay BBC da qabato ee Doodwadaag
Deletelallha unaxariisti
ReplyDeletemahadsanid mudane Wasiir.
ReplyDeleteMadaxii hore ee SNM, Mudane Cabdullaahi Yusuf intaa error ayaa ku jira mudane ee sax
ReplyDeleteWaxaad tiri hogamiyihii snm cabdulahi yusuf waxaad ula jedan fili ssdf meshaas iska sax
ReplyDeleteWaxaan xasuustaa barnaamijkii doodda ahaa ee BBC 1997 mar uu Qanyare oo u jawaabayay Col. C/hi Yuusuf in uu yiri hadal la micno ahaa "Haddii la horistaago dowladdi aan caasimadda ku dhisnay, C/hi Yuusuf mid (dowlad) ow 1,000 km ka xagga (shishe) ka keenay mihi ow gey lahaay aa rabaa ee qandiga jiridda ha ka dhigto"
ReplyDeleteWeedhaas ayaana barnaamijki u dambaysay oo lagu soo xiray.
Allaya Rahma wuxuu ahaa libaax aan lagan ban warkiisa
ReplyDeleteWadani ah geeesi aan shaqsi iyo koox toona ka cabsan
Masha Allah
ReplyDeleteWali waxaadan boshegin aqoontiisa inta ay gaarsanayd iyo culuumta siyaasada meesha uu ka bartay ?
ReplyDeleteAad baad u mahadsantahay sacaadatu waziir. Runti sheekada qaabka ay u qorantahay waa cajiib. Waxaan jeclaan lahayn inaad buug ka qorto waayahaagi saxaafadda oo run ahaanti noqon kara keyd jiilka dambe anfaca.
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteDadka qaar inta aysan qofka eedeyn ha iska fiiriyaan qoraalka hakadka iyo joogsiga , YG ma oran c/lahi yusuf hoggaamiyaha SNM.
ReplyDeleteNaxariis iyo janno Eebe ha siiyo inshaAllaah
ReplyDeletewell done, waxaynu ka baran doona Goaan adeega iyo somalinimoda
ReplyDeleteDhanka fikiradiisii siyaasadda ee waraysiyo qaarkood uu ku bixiyay Jaale Qanyare, meelo badan bay u aroori kartaa. Waxaa jirtay mar uu qiil uga dhigayay la dagaalanka maxaakiimtii weeraro lagu qaaday safaarado iyo Huteello ku yaalay waddamo kale; balse wariyuhu ku xujaysay- in aanay waddankiisa ahayn meelaha la weeraray.
ReplyDeleteHayeeshee,falanqayn Qanyare oo kale laga sameeyaa waa Soomaalida cidda warka saxda ka qori karto ooy andacayso xaqiiqdii. Ajanebi waxa ay ka qoreen qanyare iyo hoggaamiyeyaashii waqti la joogay Muqdisho waxa ay ahayd mid ku dhisan mandaq aad rakhiis u ah sida qormo jariirad af dheer oo Maraykan ka soo baxdo mar ay ka qoraysay hoggaamiye kooxeedyadii iyagoo ku waramayo hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho joogay in aanay kala adkaan karin si uu mid ugu haro cariga iyagoo u arkayay in sidaa dhibtu ku yaraan lahayd balse. Balse, warkoodu wuxuu ahaa boqortooyinkii Yurub ka jiray xilliyaddii jahliga ay qarnigan ka dhalataa Soomaaliya.
Waan kugu bogaadinayaa qoraalka aad samaysay.
Maxamed Qanyre, Ilaabay ha u naxariisto.
Xog waafi ah ayaad ka bixisay Qanyare oo din noo xasuusisay maalmihiisii
ReplyDeleteNiyahow xasuus fcn leedahay ee taariqda siyaasiyinta no joogtee aan ka faaideysanee
ReplyDeleteallaha u Raxmado adigana thanks
ReplyDelete