Dhallinyarada maanta qaarkood marka aan la sheekeysto waxay igu
yiraahdaan waxaa naloo sheegay in aad BBC ka shaqeyn jirtay. Markaa ma filayo
in ay yaqaannaan Axmed - Keyse oo Yurub Jaamacad uga qalin jebiyay ka hor inta aan Soomaaliya qaadan gobannimadeeda.
Laakiin taariikhda halyeeyada Soomaaliyeed waa muhiim in la barto.
Waxaana waajib ah in jiilba uu jiilka xiga u gudbiyo ilaa laga helayo Dowlad iyo hey’ado baaris
iyo aqooneed oo abaabula keyd la taaban karo ama Online ah ama labadaba oo laga
helo taariikh kasta oo mudan oo Soomaaliyeed, mid wanaagsan iyo mid kaleba.
Axmed Xaaji Ducaale, oo loo yiqiin Axmed - Keyse, ayaa Arbaca 8-da
January 2020 ku geeriyooday Tuscon, Arizona oo ah dalka Mareykanka.
Ahmed Xaaji Ducaale, oo loo yiqiin Axmed – Keyse, waxaa lagu
xusuustaa kaalintiisii Madaxbannaanida
Somaliland Midowga labada Gobol ee Soomaalida ee unkay, kuna Midoobay
Jamhuriyadda Soomaaliya sannadkii 1960.
Waxaan sadarradan hoose ee kooban ku soo qaadanayaa taariikhda dheer
ee quruxda badan ee Axmed – Keyse.
Waa kuma Axmed – Keyse?
Ahmed Keyse wuxuu ku dhashay Burco 1927. Aaabbihiis, Xaaji Ducaale
Abdullah, wuxuu ahaa aqoonyahan diinta Islaamka. Wuxuua Qaaddi ka ahaa Maxkamadaha Shareecada
berigii Ingiriisku maamulayay Somaliland. Hooyadiis, Xaliimo Abdi, waxay
geeriyooday isaga oo toddoba jir ah. Sidaa darteed waxaa soo korisay Oorida
Aabbihiis, Shariifo Sayid.
Axmed – Keyse 1938 ayuu iskuul ka billaabay Berbera. Laakiin waxaa
ka arbushay dagaalkii labaad ee adduunka,
Markii uu Talyaanigu ku duulay oo uu Ingiriiska ka qabsaday Berbera,
Axmed – Keyse iyo qoyskiisu waxay u qaxeen Cadan.
Dhowr sano ka dib markii ay soo laabteen, wuxuu Axmed Keyse ku
biiray Dugsiga taarikhiga ah ee Shiikh oo markaa cusbaa gacantana ay ku hayeen
saraakiil Ingiriis ah.
1948, Axmed – Keyse wuxuu ku guuleystay in uu Waxbarasho u tago
Machadka Handoub ee Sudan. Afar sano markii uu halkaa wax ku baranayay waxaa
loo diray Engaland si uu waxbarashadiisa u sii kororsado.
1956 ayuu ka qalin jebiyay Jaamacadda Keel ee woqooyiga England,
isaga oo bartay Siyaasadda Dhaqaalaha kuna baasay dhibacaha u sarreeya.
Somaliland ayuu ku laabtay waxaana loo magacaabay kaaliye Guddoomiye
Degmo. In yar ka dib markii laga warhelay howlihiisa Gobannimo-doonka ah, ayna
isku dheceen Ingiriiskii uu la shaqeynayay, wuxuu Axmed – Keyse u baxsaday
Ethiopia.
Ugu dambeyntii halgankiisa Gobannimo-doonka, Axmed – Keyse wuxuu ka
mid ahaa wafdi afar xubnood ka kooban oo damaanadda Gobannimada la soo saxiixday
Ingiriiska, ka dib markii ay booqdeen London.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Cali Garaad Jaamac
Xaaji Ibraahim Nuur
1960 wuxuu ka mid ahaa halyeeyadii horseeday wadahadalkii labada
Gobol ee Soomaalida ee unkay, kuna Midoobay Jamhuriyadda Soomaaliya.
Haddii aan soo koobo Axmed – Keyse wuxuu Soomaaliya ka noqday
Xildhibaan iyo Wasiirka Beeraha.
Ka dibna wuxuu noqday Danjiraha Soomaaliya ee Bonn, oo markaa ahayd
caasimadda Jarmalka Galbeed.
Wuxuu uga gudbay in uu noqdo Danjiraha Soomaaliya ee Qaahira iyo ka
dib Cadan.
Dowladda militerigu waxay u magacawday Danjiraha Soomaaliya ee
London halkaas oo uu nagu matalayay ilaa iyo 1975. Danjiraha London ayuu ahaa
xilkii ugu dambeeyay ee rasmi ah ee uu Axmed – Keyse u qabto Soomaaliya.
Danjire hore oo Soomaali ah oo aan wax ka weydiiyay Axmed – Keyse,
wuxuu qiray in uu ahaa nin aqoontiisu ay sarreyso, Soomaalinnimadu ay ku weyn
tahay, yaqaanna kaftan iyo erayo lagala haro.
Axmed – Keyse, waa Aabbaha dhalay Khadra Ducaale, oo ah Wasiirkii
Ganacsiga ee ugu horreeyay Dowladda hadda jirta.
Khadra oo aabbaheed iyo Soomaalinnimadiisa ku faanta, in badan ayay
iiga warrami jirtay Axmed - Keyse. Hadda markii aan uga tacsiyeeyay geeridana
waxay ii sheegtay in Aabbaheed uu in yar ka hor geeridiisa u duceeynayay
Soomaali oo dhan.
Allah ha u naxariisto Axmed – Keyse, ducadiisana Soomaali oo dhan
Allah ha u aqbalo. Waxaan rajeynayaa annagana in badan oo naga mid ahi in ay ugu
duceyso Naxariista Janno.
Waxaan geerida uga tacsiyeynayaa Wasiir Khadra, qoyska Axmed – Keyse
iyo Soomaali oo dhan. Waxaan Allah uga baryayaa in uu ka waraabiyo Naxariista
Janno.
Waxaan u mahadcelinayaa Cabdiraxmaan Cabdulqaadir, oo aan ka helay
inta badan xogta aan halkan ku soo gudbiyay.
Yusuf garaad beenaale ayaa tahay.
ReplyDeleteLabo gobol ma midoobinee labo dal ayaa midoobay.
Teeda kale magaca lagu midoobay muu ahayn j.soomaaliya,
Ee wuxuu ahaa j.soomaalida(Somali republic).
Ood qaadid iyo jiidid waa isla guri gayntii, huuno
Deletetacsi Iyo tariikhda
DeleteHalyey somaliyeed oo inaga dhintay ayaa meesha taal walal xushmee familka marxuunka Iyo umada somaliyeed
War qofkaan leh beenaale ma xanuunsan tahay, tacsi ayaan ku jirnaa xageed dadka marxuunka ugu dul xag xaganaysaa, meeshii lagaa rabay in aad aamiint tiraahdo ayaad caytamaysaa.
DeleteAlle how naxariisto janadiina haka waraabiyo
ReplyDeleteAllow u Naxariiso Marxuumka Janatul fardowsana ka waraabi..... Aaamin
ReplyDeleteAllah ha u naxariisto
ReplyDeleteALLAAH ha'unaxariisto isaga iyo intii umadda nabi Moh'ed (N.N.K.H)ee dhimatay . Ducadaasna ALLAAH haka dhigo tii la'aqbalo.
ReplyDeleteAllaha unnaxariisto, halyeey soomaaliyeed ayuu ahaa.
ReplyDeleteWalal yuusuf garaad adna ajar allaha kaasiiyo.wax badan ayaad inoo faa,ideysay.
Ilaahay haunaxariisto Marxuum Amb Axmed Keyse samir iyo iimaan alle haka siiyo qoyskiisa iyo guud umadda Soomaaliyeed oo dhan
ReplyDeleteAlle ha unaxriisto marxuun Axmed keyse janadii fardowsana alle haka waraabo
ReplyDeleteAlle ha u naxariisto halyey mar la arag ahbuu ahaa marka xogtaa lagu qiimeeyee
ReplyDeleteAllaah SW ha u anaxatiisto Marxuum Axmed Kayse egelkii iyo qaraabadii iyo Soomaali oo dhanna ilaahay Samir iyo iimaan haka siiyo isagana Ilaahay janadiisa ha ku casuumo
ReplyDeleteIlaahey ha unaxariisto.
ReplyDeleteAllaha u naxariisto halgamaga somaliyeed
ReplyDeleteAamiin Allaha u naxariisto marxuunka ehelkiina samir iyo iimaan Allaha ka siiyo aamiin
ReplyDeleteAllaha u naxariisto
ReplyDeleteMarka 1-aad allaah ha unaxariisto ,halyeyga soomaaliyeed jano iyo raxmo allaah haka waraabsho.
ReplyDeleteMarka 2-aad allaah hakaa abaal mariyo aqoonta iyo isu xilqaankana waa shaqo wanaagsan oo aad umada soomaaliyeed u hayso.
Mahadsanid walaal yusuf garaad.
Ilaah ha u naxariisto
ReplyDeletemasha ALLAH, waxan Axmed Keyse ugu duceynayaa inuu ALLAH u dambi dhaafo islamrkaasna Janatul Fardowso galiyo. Aamiin.
ReplyDeleteWaad mahadsantahay Ustaad Yuusuf waad na deeqsiisay taariihda marxuunka. Runtii waxaa taariikhdiisa iiga muuqada in uu ahaa hanti qaran alle ha u raxmado anagana hanooga daba naxariisto
ReplyDeleteAllaha ha u maxariisto
ReplyDeleteYousuf na yaan la caayin magayo cay iyo aflagaado toona
Amiin ilahow uu naxariiso
ReplyDeleteallaha unaxariisto halgamaaga soomaaliyeed
ReplyDeleteCidkasta oo dalkaan iyo dadkaba wax usooqabatay waxay naga mudanyihiin inaan uga mahadcelino una ducayno nolol iyo geeriba
Mahadsinid Mr Yusuf
ReplyDeleteThanks for sharing, nice post! Post really provice useful information!
ReplyDeleteHương Lâm chuyên cung cấp máy photocopy, chúng tôi cung cấp máy photocopy ricoh, toshiba, canon, sharp, đặc biệt chúng tôi có cung cấp máy photocopy màu uy tín, giá rẻ nhất.