Gaalkacyo 1952, faahfaahinta sawirka ka eeg dhammaadka |
Allaah ha u naxariisto Siciid Cabdisalaan oo ku geeriyooday Muqdisho. Wuxuu ahaa suxufi sare oo aqoon yahan ah. Muddo dheer dalka u soo shaqeeyay.
Wuxuu wax ku qori jiray Soomaali, Carabi iyo Talyaani. Wuxuu ka tirsanaa
Wargeysyada wuxuuna mudiic ka ahaa Laanta Carabiga ee Radio Muqdisho.
Dugsiga sare markii aan ahaa ayaan annaga oon
is arag hawada iska barannay. Waxaa iskeen baray qoraalladiisa. Ardaynimada iyo
ka dib ma dhicin in aan wargeyska ku arko cinwaan uu qoray Siciid Cabdisalaan
oo aan ka gudbo aniga oo aan akhrin. Haddii markaa aanan akhrin karin, waxaan
ku ridan jiray boorsadeyda, mana seexan jirin habeenkaas aniga oo aan akhrin
qormada Siciid.
Waxa ugu yar oo aan ka faa’iidaa waxay ahayd
in aan ku raaxeysto akhrinteeda, waxna ka kororsado curinta iyo fanka iyo
farshaxanka qoraalka.
Markii aan Warfaafinta ku biiray, inkasta oo
aynaan isku sheeko ahayn, haddana si shakhsi ah ayaan isu barannay. Nin aad
caato u ah, habeen iyo maalin mar kasta iyo meel kasta ay dhexdu u dhuuqsan
tahay, oo aad u lebbis qurxoon, timo weyn oo afro ah oo caddaan ah leh ayuu
ahaa. Nin ixtiraam badan, akhris badan, sheekoole ah, faraxsan oo xikmad iyo
qosol badan ayuu ahaa.
Allah ha u naxariisto Siciid.
Sheekooyinka Siciid
Siciid Cabdisalaan (bidix) iyo Amiin Yuusuf Khasaaro |
Waxaan xusuustaa waraaq uu
ku daabacay wargeyska Xiddigta Oktoobar oo uu kula hadlayo askariga
dagaallamaya ee dalka daafacaya.
Hadal guubaabo ah oo qurux badan oo uu qoray
wuxuu ku gunaanaday in aanuu sii wadi karin qoraalka. In ay qalinka ka qabatay
hooyadii ( ayaan u maleynayaa in ay ahayd) oo isaga ku careysan.
Waxay igu leedahay, ayuu yiri,
wax-ma-tareyahow, hadalka badan ka jooji oo ha iga mashquulin geesiga i
daafacaya.
Waxaa kale oo aan in yar ka xusuustaa sheeko
iyaduna qiiro lahayd oo uu ka qoray mar uu bas ka raacay Muqdisho isaga oo u
socda Baraawe.
Nin rakaabka ka mid ah oo ka soo laabtay
dagaalkii 1977 ayaa ka sheekeynayay. Dadkii baska la saarnaa ayuu si xamaasad
leh ugu warramay. Qiirada ninka ka muuqatay iyo sida uu u dareensiiyay dadka
baska saaran ilaa uu baska gudihiisa ka dhigay sida goobtii dagaalka, oo dadka
aad mooddo in qaarkood ay difaac ku jiraan, halka qaar kalena ay weerar yihiin
oo hub kala duwan ay ridayaan iyo sida Siciid qalinkiisu u muujiyay dareenka
dadweynaha baska saarnaa, waxay ahaayeen kuwo ka go’i waayay xusuusteyda.
Sheekada Siciid Cabdisalaan ee aan doonayo in
inta aan ka xusuusto iyo sida aan u xusuusto aan kula wadaago wuxuu cinwaan uga
dhigay:
Adeer ma Eey baa loo naxariistaa?
Xaawa Ottavio, Ottavio & Siciid |
Haddii ay haba yaraatee in yar aan ka weeciyo
waddadii uu marsiiyay, ma ahan ula kac ee waa xusuus xumo.
Wuxuu ku billaabay tilmaan isagu iska
bixiyay. In uu yahay nin madaxu caddaaday. Ay timihiisa inta yar ee weli uu
midabkoodu madow yahay ay marti u yihiin caddaanka ka tirada badan ee
hareereeyay.
In uu ka shaqeeyo Wasaaradda Warfaafinta. In
aanuu gaari lahayn. Shaqada marka uu ka rawaxo uu lugeeyo. In iyada oo ay
qorraxdu kulushahay marka uu albaabka Wasaaradda ka baxo uu waddada gooyo oo uu
midig ula leexdo hooska billowga ah ee galabnimo ee derbiga Taliska iyo guryaha
booliiska. In uu halkaa ka billaabo in uu ku lugeeyo isaga oo gidaarka isku
nabaya si uu hooska uga faa’iideysto. In sida uu hoosba hoos ugu dhiibayo asaga
oo marba wax ka fekeraya uu aakhirka tago gurigiisa oo uu ku yaalla Buurta
Wardhiigleey.
Wuxuu sheegay in isaga waddadaas ku jira oo
fekeraya kuna dhow meel ay laba waddo isku goyso uu arkay dhagxaan duuleysa oo
waddada ay ku soo tuurayaan cid aan markaa isaga u muuqan. In markii uu
dhagxaantii ka gambaday uu arkay eey dhegaha taagaya oo ka soo cararaya dhanka
dhagxaanta laga soo tuurayo. Eeyga marka ay is dhaafeen, ayaa waxaa igu soo
baxay, ayuu yiri, wiilal ceyrsanaya oo
tuuryeynaya eeyga.
Ciyaalkii ayaan joojiyay ayuu yiri,
weydiiyayna waxa ay ka rabaan eeyga.
Midkii ugu madax fiiqnaa ayaa ku jawaabay su’aal kale.
Adeer waa eey! Ma eey baa loo naxariistaa?
Waxay taasi igu kalliftay ayuu yiri in aan
ciyaalkii dib u celiyo, geeeyo beerta Daraawiishta. Aan geed hooskiis la
fariisto. Uga sheekeeyo faa’iidada eeyga, iyo in uu yahay saaxiibka Aaadanaha.
Qoraalkaas waxay dadka qaar ay u fasirteen in
Siciid uu ku dan sheeganayay. In uu sheegayo muddada dheer uu shaqeynay iyo sida loola dhaqmayay.
Anigu ma arkin Siciid oo fasiraya sheekadaas iyo cid fairaddaas isaga ka xaqiijisay.
Anigu ma arkin Siciid oo fasiraya sheekadaas iyo cid fairaddaas isaga ka xaqiijisay.
Siciid waxaan xusuustaa in dhowr jeer la
xiray. Wax uu qoray ama uu yiri, ayaan u qabaa in ay ahaayd sababtu, laakiin ma
hubo.
Aan u wada duceyno. Allah Jannada ha ugu
bishaareeyo. Qoyskiisa, ehelkiisa iyo inta qoraalladiisa ku xirnayd sabir Allah
ha ka siiyo.
Faahfaahinta Sawirka Sare
Waa Gaalkacyo. Waa 1953. Waa Dugsiga Leegada ama SYL. Waxaa Maamule
iyo Macllinba ka ah Cabdullaahi “Gacma-Dheere”. Iskuulka waxaa ku deeqay Ilmo
Xaaji Xasan. Waxaana kharashka joogto u bixinayay Saalax Jaamac Kaarshe oo
ahaa wakiilka SYL ee Gaalkacyo. Waa dufcaddii koowaad ee ka qalin jebisay
Dugsiga SYL.
Fadhi ka billow Midig: Aadan Jaamac Biixi, Macallin Cabdullaahi Xaaji Abubakar "Gacma Dheere" oo berigii dambe Danjire ka noqday Baqdaad, Saalax Jaamac Kaarshe, Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar oo macallin ahaa, markii dambe xubin ka ahaa Golaha Sare ee Kacaanka noqdayna Wasiirka Waxbarashada, Maxamed Amiin. Taagni ka billow Midig: Maxamed Cabdi Giir, Siciid Cabdisalaan oo noqday suxufi caan ah, Siciid Nuur Dirir, Maxamed Islaan Cabdulle, Cabdullaahi Axmed Karraanni oo Maareeye Guud ka noqday Wakaaladda Daaqa Qaranka, Axmed Cabdi Giir, Ina Adan Gaas. Sawirka waxaan ka helay oo aan uga mahadcelinayaa Cabdulfataax Gacma-Dheere, oo ii sheegay in dadka Sawirka ka muuqda uu u kala sheegay Siciid Nuur Dirir oo ardeyda ka mid ah hadda ku nool London. Allah ha u naxariistee Abdi Shakur Shahaad ayaa sawirka tayeyntiisa gacan iga siiyay.
Labada sawir ee kale, waxaan ka qaatay barta
Amiin Yuusuf Khasaaro.
|
Mahadsanid in aad akhrisay. Fadlan u ducee Marxuumka.
ReplyDeleteAlaha unaxariisto
DeleteALLAH UNAXARIISTO
ReplyDeleteIlaahah ha u naxariisto. Janatul Fardowsa Ilaahay ha geeyo Kitaabkiisana gacanta midig Ilaahay ha ka siiyo Aamiin Aamiin.
ReplyDeleteAllah u naxariisto. Janatul Fardowsa Ilaahay ha geeyo Kitaabkiisana gacanta midig Ilaahay ha ka siiyo Aamiin Aamiin
ReplyDeleteIlahow u naxariiso marxuumka.
ReplyDeleteYuusuf Garaad aad ayaad u mahadsan tahay.
Alle ha u naxariisto
ReplyDeleteAlla ha unaxaristo
ReplyDeleteAllaha u naxaristo
ReplyDeleteMashallah mahadsanid mudane
ReplyDeleteNaxariis waarta Eebe wayne Caza wajala Ha siiyo marti la jecelyahayna haka dhigo
ReplyDeleteAllah ha u naxariisto, marxuumka Siciid Cabdisalaam Habti qaran ayuu ahaa waa hubaa balse lama daryeelin.
ReplyDeleteYusuf Garaad Adiga Mahadi hakaa gaarto inaad markasta ku howlantahay ururinta iyo noolaysiinta dadka taariikhda iyo magaca ku leh soomaalida asaan iyagu isxusin.
allah ha naxiisto,adiguna waad mahadsan tahay sida wanagsan aad u soo bandhigtsy
ReplyDeleteALLAHA UNAXARISTO marxuumka
ReplyDeleteAlaha u naxriisto marxuumka
ReplyDeleteAllaha u naxariisto marxuumka
ReplyDeleteEEBBE ha u raxmado
ReplyDeleteAllaa yarxama raaximiin
ReplyDeleteAlaha unaxariisto marxuumka Aamiin Aamin adigana mahadsanid qofwalba waqtigiisa iyo waayahiisa waye anaguna Yusuf Garaad yaanu kaqori donaa inshallah qoraladada anagu waan xiiseynaa in badan sxb sare Yusuf Garaad Hassan.
ReplyDeletethanks brother