Sunday, 17 May 2020

Wareysi Meles Zenawi - BBC 2002

Ra'iisal Wasaare Meles Zenawi

Meles Zenawi wuxuu ahaa Ra’iisal Wasaarihii Ethiopia ee labaatan sano ka badan hareeyay siyaasadda Ethiopia, saameyn weyna ku yeeshay Soomaaliya, Eritrea iyo dalal kale.

Dowladda Ethiopia waxay sagaashameeyadii isu aragtay, dooneysayna in uu caalamku u arko in ay tahay dalka ugu saameynta badan Soomaaliya oo sannadahaas ahayd Dowlad la’aan. Sidaa darteedna ay tahay in ciddii Soomaaliya wax u qabaneysa ay Ethiopia isla qabtaan ama ugu yaraan ay isla ogaadaan.

Sannadkii 1999 ayaa Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu New York, Hoggaamiyayaasha Dalalka Adduunka hortooda uu uga dhawaaqday shir aanuu cidna uga fasax qaadan, kana wargelin.

Waa shirkii Carta.

Markii uu ku dhawaaqay ka dib ayuu taageero uga raadiyay Dowladaha Gobolka iyo kuwa caalamka.

Carta waxay ku guuleysatay in Soomaalidii qabaa’ilka oo dhan mataleysay ee ka qeyb gashay ay heshiiyaan. Ay dhistaan Baarlamaan oo ay doortaan Madaxweyne.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle
Toban sano ka dib ayay markii ugu horreysay Soomaaliya yeelatay Dowlad.

Waxaa aqbalay Dowladihii Gobolka Geeska Afrika. Ka dibna waxaa aqbashay Qarammada Midoobay.

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, markii uu New York kaga dhawaaqayay in uu Soomaalida heshiisiinayo, kursiga iyo calanka Soomaaliya ma uu fadhin Madaxweyne Soomaaliyeed oo ma jirin.

Sannadkii xigay, Madaxweynaha Djibouti wuxuu shirka New York ka jeediyay guusha laga gaaray Shirkii uu sannad ka hor halkan kaga dhaawaqay. Marka uu khubaddan jeedinayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynayaasha caalamka ee khudbaddiisa dhegeysanaya waxaa ka mid ah, Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad oo fadhiya kursiga Soomaaliya ee calanka Jamhuriyaddu ka babbanayo. Dabcan wuxuu ahaa guusha shirka Carta oo nool oo shirka Qarammada Midoobay ka marag fureysa.

Laakiin shirka Carta in ay ka qeyb galaan iyo in ay aqbalaan natiijadiisaba waxaa diiday Hoggaamiyayaashii kooxaha hubeysan marka laga reebo mid iyo laba.

Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan
Kooxahaasi waxay dhammaantood gacan saar la lahaayeen Dowladda Ethiopia.

Sannadkii 2002 ayaa la qabanqaabiyay in shir lagu qabto Kenya lagu dhisayo Baarlamaan Soomaaliyeed oo hor leh ka dib marka la abaabulo heshiisyo ay qeyb ka yihiin Hoggaamiyayaasha kooxaha hubeysan, Dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliyana ay aqbashay in ay ka qeyb gasho.

Shirka waxaa marti gelineysa Kenya, waxaana wadajir u qabanqaabinaya wax loo bixiyay dalalka safka hore. Djibouti, Kenya iyo Ethiopia.

Aniga oo safar hore ku tegey Muqdisho iyo Boosaaso ayaan bilihii Maarso, April iyo Meey 2002 waxaan safar shaqo ku maray Hargeysa, Addis Ababa, Djibouti iyo Nairobi oo intaba aan kula kulmay Madax Sare iyo diblomaasiyiin.

Hotel Sheraton oo aan degganaa ayaan subax ku wada quraacannay Peter Roble Gabriel oo markaa ahaa Danjiraha Ethiopia u fadhiya Brussels. Ka dibna waxaan keli ahaanteey u wada qaxweynay ganacsato Soomaali ah iyo Xildhibaanno Soomaaliyeed oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Ethiopia.

Waxaan ka war helay in niman Madax ah oo Soomaali ah oo aan filayay in ay joogaan gobol Ethiopia ah, ay hadda joogaan Addis Ababa.

Waa madaxda kooxaha hubeysan. Aniga oo mid keliyihi i og yahay ayaan ugu tegey Hotel Gion. Waxaan ahay salaan iyo wardoon.

Ayaga oo geed weyn hoos fadhiya ayaan mar qura ka soo dhex dhacay. Waa Cabdullaahi Yusuf, General Gabyow, Eng. Caddow, Maxamed Dheere, Shaati Guduud, Muuse Suudi Yalaxow, Eng. Xuseen Maxamed Caydiid, General Morgan, Hilowle Iimaan iyo qaar kale oo dhammaantood qaaddacsan Dowladda Soomaaliya.

Waa maalintii iigu horreysay Muuse Suudi oo aan fool-ka-fool isu aragno. Inta kale waxay ahaayeen rag aan wax badan iyo xaalado kala duwan isla soo marnay, qaarkoodna aan caasimado badan isku aragnay. Inkasta oo sidii aan jeclaa wada sheekeysigaasi aanuu u dhicin, haddana xog ayaan ka helay ku saabsan cabasho ay qabeen, qorshe ay damacsan yihiin iyo tan ugu badan sida xaaladdooda iyo mooraalkoodu uu yahay. Qormadani kuma saabsana wadahadalkii maalintaas na dhex maray mas’uuliyiintaas iyo wixii iiga baxay. Intooda geeriyootay iyo inta noolba Allah ha u naxariisto.

Danjire Cabdimajiid Xuseen
Hotel Sheraton ayaan ku soo laabtay oo aan ku wada qaadannay Cabdimajiid Xuseen oo ahaa Hoggaamiyaha Xisbiga Leegada Soomaalida Ethiopia, ahaana Wasiir Federaal ah oo awood badan. Laakiin markan ah Danjiraha Ethiopia u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York, isaga oo isla markaana xubin ka ah Golaha Wasiirrada. Waxay ahayd ayaan u maleynayaa markii ugu horreysay ee aan is aragno tan iyo markii uu ka badbaaday dhaawac ka soo gaaray mar Addis Ababa gudaheeda ay niman hubeysani oo la yiri waa Itixaad ay ku qaadeen weerar ay doonayeen in ay ku dilaan. Weerarkaas, siyaasadda Gobolka Soomaalida, xiriirka Soomaaliya iyo Ethiopia iyo gaar ahaan xiriirka meel xun gaaray ee isaga iyo Ra'iisal Wasaare Cali Khaliif Galaydh markii uu xilka hayay intaba waan ka dhegeystay.

Intaa ka dib, Cabdimajiid wuxuu i siiyay gaarigiisa, si ay iigu fuduaato in aan ku tago, Xafiiska Ra’iisal Wasaare Meles, oo aan galabta la leeyahay wareysi qabanqaabadiisa aan isaga u maray.

Wareysigu wuxuu ku soo beegmay dhowr bilood ka dib weerarkii loo bixiyay 9/11 ee al Qaacida ay qaadday New York iyo magaalooyin kale oo Maryekanka ah.


Sadarradani ma aha mala awaal, ma aha aragti, mana ahan taxliil. Waa waxa uu Ingiriisku u yaqaan from the horse’s mouth.

Lagama hadlayo Meles ee isaga ayaa hadlaya. Waa erayadiisa.


Wareysiga oo ay BBC daabacday Khamiis 4 April 2002 sidan ayuu u dhacay:

Gobolka Soomaalida khilaaf ayaa hareeyay. Madaxweynihii u horreeyay dalka wuu ka baxsaday, qaar ka dambeeyay waa la xiray. Caasimadda waxaa laga soo raray Godey, waxaana la geeyay jigjiga. Beryahaas siyaasiyiinta Gobolka qaarkood ayaa Jigjiga ku gaaray heshiis. 

Meles Zenawi waxaan weydiiyay bal in uu u arko in uu heshiisku horseedi karo in Gobolka Soomaalidu uu la jaanqaado Ethiopia inteeda kale?

Meles : Sidaas ayaan rajeynayaa. Dhacdooyinka dhawaan ka dhacay Gobolka Soomaalida ayaa ah kuwa rajadayada sare u qaadaya. Waxaan aaminsanahay in ay isku dayeen in ay xaliyaan dhibaatooyinka iyaga oo beegsanaya waxyaabaha ugu waaweyn ee  dhaliya khilaafka 

Waxaanan ku raja weynahay in aan helno dowlad adag oo uu yeesho Gobolka Soomaalida ee waddankayaga. Taasina waxaay muhiimad gaar ah u leedahay Dowladda Federaalka iyo Gobolka laf ahaantiisaba.

Ugu dambeeyntii kooxaha hubeysan oo saldhigyo ku leh meelo ka baxsan xadkayaga ma helayaan wax sabab ah oo ay u sii wadaan kacdoonka hubeysan. 

Haddii ay aaminsanyihiin in ay gooni isu taagaan, taageerana ka haystaan inta badan dadka ku nool Gobolkaas, waxaa ay sidaasi u sameyn karayaan si habsami ah iyaga oo aan cidna la dagaalamin. 

Dastuurka yaga waxaa uu dhigayaa in Goboladkii doona in uu madax bannaani helo loo yeelo sida uu doonayo haddii ay dadweeynaha Gobolkaasi ka mideysanyihiin go'aankaasi.

Ma arko wax sabab ah oo ay u sii wadaan dagaal, haddii aysan jirin wax u qarsoon iyaga oo liddi ku ah shacabka Ethiopia iyo kuwa Gobolkaba. Oo aan lagu fulin kareynin in loo maro tub siyaasadeed oo toosan.

Waxaan rajeyneynaa in ay hubka iska dhigaan oo ay ka qayb qaataan geeddisocodka siyaasadeed, sii diirranna waan u soo dhaweyneynaa.

Haddii ay go'aan noocaasi ah qaadan waayaan, annaga waxaa nala gudboon oo kiliya in aan sharciga fulinno oo aan baadigoobno.

YG: Waxaad sheegtay in aad diyaar u tahay in aad u dabacdo kooxaha dagaalamaya haddii ay

joojiyaan dagaalka oo ay ku soo biiraan hannaanka siyaasadeed ee Dalka. Laakiin taa iyagu ma aqbalin. Ma jirtaa tallaabooyin la taaban karo oo aad qaaddeen oo aad ku dhiiri gelinaysaan in dagaalka la joojiyo?



Meles: Annagu weli waan wadnaa in aan si cad ugu sheegno in ay joojiyaan howlgalada hubeysan oo ay ku soo biiraan siyaasadda. Waxaan in badanba ugu baaqnay cafis, waxaanan hore ugu ballanqaadnay in aan dhaqan celin ku caawinayno dadka dagaalada ka qayb gelay .

Marka aan xalino dhibaatada dhinaca maamulka ah waxaan mar kale u jeedin doonnaa dhammaan waxyaabahan aan sheegayo, sida ay rajadu tahayna qaar ka mid ah ayay soo jiidan doontaa haddii aysan soo jiidan dhammaantood.

YG: Cafiska aad u fidiseen qolyaha dagaalamaya weli ma jiraa mise wuu istaagay?

Meles: Cafisku weli waa sidaan ugu fidinay cid walba oo hubka iska dhigta.

YG: Aan u leexano dib u heshiisiinta Soomaaliya oo Ethiopia ay in mudda ahba ku lug lahayd. Maanta waxaan Hoteelka weyn ee Gion ee Magaaladan Addis Ababa kula kulmay qaar ka mid ah Hogaamiyayaasha Kooxaha Soomaalida oo siddeed ama ka badan gaaraya ayna ku jiraan kuwa ugu magaca weyn, maxay ka samaynayaan Addis Ababa?
Description: https://www.bbc.com/staticarchive/f542b9d0e1dc2d192860b54303f39445722bc6fe.gif

Dastuurka Ethiopia waa uu ogolyahay in ciddii doonayso madax banaani loo ogolaado rabitaankeeda 
Description: https://www.bbc.com/staticarchive/354579a004884649c88a8993275bbd97d2bb9774.gif
Meles Zenawi

Meles: Waxaan isku deynay in aan ku dhaadhicino kooxaha ku bahoobay golaha SRRC in ay ku soo biiraan howlaha dib u heshiisiinta, siiba shirka urur Goboleedka IGADD uu qabanqaabiyay ee lagu qaban doono Nairobi. IGADD ayaa go'aan ka gaartay in nabadda Soomaaliya la horumariyo.

Dhamaan waddamada ka tirsan Ururka waxaa loogu baaqay in ay isku deyaan in ay nabad ka aslaaxiyaan Soomaaliya, anagana tan ayaa ah caawimaadda aan u fidinayno shirka Nairobi.

YG: Marka ma wadahadal ayaa u dhaxeeya Ethiopia iyo xubnaha SRRC?

Meles:
 Waxaan yeelanay shir aad u ballaaran oo aan ku qabannay Dire Dawa. Xubnaha Golaha SRRC dhammaantood waxaa ay haatan ka mideysan yihiin in ay ka qayb qaataan dib u heshiisiinta iyo in ay la dagaalamaan argagixisada Soomaaliya.

YG: Waxaan maqlay in wadahadalka soo socda ee Nairobi aan lagu martiqaadi doonin Somaliland ma sidaasbaa?

Meles: Inta badan howlaha inta lagu jiro arrimaha dib u heshiisiineed ee Soomaaliya, xaaladda Soomaaliland waxaa laga dhigaa mid gooni ah.

Dadka arrimaha Soomaaliya indha indheeya waxaa ay aaminsan yihiin marka la xalliyo dhibaatooyinka Soomaaliya inteeda kale, ay tahay in loo galo arrinta Somaliland iyada oo markaasi waxyaabaha la isticmaali karo ay ka mid tahay in wadahadal loo furo Somaliland iyo Soomaaliya inteeda kale.

Waxaanan aaminsanahay in go'aankani uu yahay midka hadda la isticmaalayo, horena loo isticmaalay.

Description: https://www.bbc.com/staticarchive/f542b9d0e1dc2d192860b54303f39445722bc6fe.gif
Somaliland waxaa ka jirto dowlad xalaal ah oo xasilooni ku soo dabaashay dhulka ay ka taliso 
Description: https://www.bbc.com/staticarchive/354579a004884649c88a8993275bbd97d2bb9774.gif
Meles Zenawi
YG: Waan u soo laaban doonnaa shirka Nairobi laakiin hadda aan ka yara hadalno Somaliland. Waxaan dhawaan tegay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Ka sokow waxaan sii raacay oo aan soo raacay diyaarada Ethiopian Airlines. Waxaa kale oo aan maqlay in Ethiopia ay magacowday labo wakiil oo u fadhiya Hargeysa; mid waa xagga ganacsiga midna waxaa la ii sheegay in uu yahay dhinaca ammaanka. Waa maxay xiriirka idiin dhaxeeya Somaliland?

Meles:
 Soomaliland waxaa ka jirta dowlad xalaal ah oo dhul aad u ballaaran ka taliso, isla markaana xasillooni ku soo dabbaashay dhulka ay ka taliso. Maaddaama aanay jirin wax kale oo ka wanaagsan oo lagu doorsado, fikradda dad badan ayaa ah, in goobtaasi xasilloonidu ka jirto la dhiiri geliyo ay cid walba faa'iido u tahay. In laga caawiyo taliska Soomaliland in uu la dagaalamo arga-gixisada caalamkana waxaa ay faa'iido u tahay cid weliba.

Xiriir ganacsi oo wayn ayaa in badanba u dhaxeeyay Soomaliland iyo Gobolka Soomaalida ee Ethiopia. Si lagu joojin karana ma jirto. Waxaanan u aragnay in ay muhiim tahay in aan ganacsigaasi ballaarino oo aan ka dhigno mid sharciyeysan.

Waxaan hore ula yeelannay xiriir dhinaca amniga ah. Waxaan ka caawinnay ogaashaha kooxaha argagixisada ah. Waxaan la wadaagnay sir. Waanan la wadaagi doonaa mustaqbalka.

Inkasta oo aanan u aqoonsan Somaliland waddan madax banaan, haddana arintani waa mid ku saabsan nolol. Waayo Somaliland soohdin baan wadaagnaa, waxaanan arrimahan ula tacaalnay si aad u xeel dheer.

YG: Maaddama xaga ammaanka iyo sirdoonka aad iska kaashanaysaan maxaa idiin diiday in aad Somaliland aqoonsataan?

Meles:
 Waa su'aal ay dad badan oo ka yimid dhulkaas ka tirsan Soomaaliya in badan i weeyddiiyeen.

Annagu reer Ethiopia haddaan nahay arintaas waxaan u aragnaa in ay tahay mid uu ka dambeeyo dadaal firfircoon oo lagu doonayo gooni isu taag iyo Madax banaani. Annaga Dastuurkayagu waa uu oggol yahay arinkaas [go’itaan].

Dadka Reer Soomaliland waxaa ay sheegaan in annagu aan u oggolnahay dadka ku nool kililka shanaad ee Ethiopia in ay goostaan haddii ay doonaan. Balse iyagu aysan fursad taas la mid ah haysan maaddaama ay waddan kale ka tirsan yihiin.

Annaguna waxaan ugu jawaabnaa, shuruucdayada annaga ayaa sameeysanay, cid xadkayaga ka baxsanna kuma qasabno.

Su'aasha la is-weeydiin karo ayaa ah, sidee bay Gobolada kale ee waddanka Soomaaliya u arkaan Somaliland?

Waxaan u arkaa in qof walba ay la xuntahay in loo arko in uu sabab u noqdo kala go'a Soomaaliya. Waa haddii ay u aqoonsadaan Gobol ka mid ah waddanka, in uu yahay dhul ka madax bannaan waddanka intiisa kale. 

Arrintani aad ayay u khusaysaa Ethiopia laftirkeeda, maaddaama ay madaxdii talisyadii hore ay Soomaaliya ka lahaayeen hadafyo iyaga u gaar ah ah oo aan wax faa’iido ah u lahayn shacabka Soomaaliyeed.

Arrintani waa mid u taalla dadka Soomalida ah. Haddii ay aqoonsadaan Soomaliland annagu waxba kama qabno oo annaguna waan aqoonsanaynaa, balse waa in ay Soomaalidu iyagu hoggaanka noo qabtaan.

YG:
Haddii aan Somaliland uga sii gudbo Muqdisho, waa maxay xiriirka aad la leedahay Dowladda Ku Meel Gaarka ah ee lagu soo dhisay shirkii Carta?

Meles: Annagu waxaan u aragnaa in dadaalkii Carta uu ahaa mid horumar u keenay dib u heshiisiinta Soomaaliya balse aan dhameystirneyn.

Labo cilladood ayaan annagu ku dhaliilaynaa dadaalkii Carta.

Midda hore waxaa weeye iyada oo qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya aan laga qeyb gelin. Waxaana muhiim ah in laga qayb geliyo dadkii aan ka soo qayb gelin shirka si loo dhameystiro hawshani.

Arrinta xigta waa mid ku saabsan saameynta Al-itixaad. Waxaan ogeyn billoowgiiba in xubna sarsare oo ka tirsan Al-Itixaad ay ku jireen Baarlamaanka Ku Meel Gaarka ah.

Balse waxaan u argnay in fursad la siiyo dowladda annaga oo u haysanna in waqtiba ha qaadatee ku tiirsanaanshaha Al-Itixaad uu yaraan doono.

Balse nasiib darro markii ay aduudayeen Booliska Itixaadka ayaa mar kale fursad la siiyay. Waa ka dib markii ciidamada maxkamadaha Islaamiga oo qaarkood Itixaad yahay loo diiwaan geliyay Booliska. Meelaha qaar booliska maxkamadaha Islaamiga ah ayaa uga batay booliska caadiga ah.

Markaasi waxaa inoo caddaatay si ula kac ah iyo si aan ula kac ahaynba ha noqotee in Dowladda ku meel gaarka ahi ay gabbaad u noqotay Al-itixaad. Taasina waa arrin u baahan in wax laga beddelo. Siiba ka dib 11-kii Sebtembar waxaa mudan in Dowladda KMG ah ay iska nadiifiso eedeeyamahan.

YG: Arrimahan ma kala hadashay Dowladda ku meel gaarka ah?

Meles: Haa in badan ayaan ka wada hadalnay arintani.

YG: Wax horumar ma laga gaaray wadahadalkaasi?

Meles: Marka hore dhameystirka hawsha dib u heshiisiinta iyada oo lagu soo darayo kooxaha aan hore looga qayb gelin. In si shuruud la'aan ah loo wada xaajoodo. Tani waa mowqifka IGADD ee uu ku dhisanyahay shirka soo socda ee Nairobi.

Waxaa la aaminsan yahay in Dowladda Ku Meel Gaarka ah ay aqbashay arintani, waxaana la oran karaa waxaa la sameeyay horumar. 

Waxaan ka dhursugeynaa Shirka Nairobi, balse in Dowladda KMG ah iyo kooxaha mucaaradka ku ah ay ka soo qayb gelayaan shirka ayaa iyada lafteedu horumar ah.

Midda labaadna, IGAD ayaa go'aan ku gaartay in dhamaan kooxaha doonaya in ay ka qayb qaatan hoggaaminta Soomaaliya ay ka fogaadaan kooxaha iyo howalaha argagixisada. Go'aankaasi waxaa gaaray Ururka IGADD, madaweynaha Dowladda KMG ahna waa uu fadhiyay shirkaasi sida aan u maleynayana wuu aqbalay go'aankaasi ka dib dood dheer iyo wadahadal.

YG: Ma haysaan wax cadaynaya in ay Dowladda Ku Meelgarka ah ay ku lug leedahay falal argagaxiso oo ka dhacay Gobolka ama meel kale oo Caalamka ah?

Meles:
 Maaddaama Booliska Dowladda oo intiisa badan ka kooban dad ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah oo qaar badan oo ka mid ahi ay yihiin Al-itixaad. 

Maaddaama mudanayaal badan oo ka tirsan baarlamaanka KMG-ka ahi ay yihiin xubno sare oo ka tirsan al Itixaad, Ururkaasina uu yahay mid loo aqoonsaday argagixiso.

Markaa waxaa loo arki karaa in Dowladda KMG-ka ahi ay, ku tala gal ha ka ahaato ama uma kasayn ha ka ahaatee ay dowladdu aanay dooneyn in ay iska bari yeesho argagixisada.

YG: Dowladda Ku Meel Gaarka ah waa mirihii ka dhashay shirkii Carta ee ay Djibouti qabatay. Djibouti-na waxa ay ka mid tahay saddexda Waddan ee loo bixiyay dalalka safka hore waa Djibouti, Ethiopia iyo Kenya oo qabanqaabinaya shirka soo socda ee Nairobi. Marka isku si ma u aragtaan haddii aad tihiin dalalka safka hore wixii laga yeeli lahaa Soomaaliya?

Meles: Go'aankii shir madeexdkii IGADD ee Khartoum wuxuu ahaa mid si buuxda la isugu raacay. Intii aan go'aanka la gaarin dood ayaa dhacday laakiin go'aankii soo baxay waxaa uu ahaa mid loo dhan yahay. Hadda waxaad mooddaa in dhowr qodob oo wixii lagu heshiiyey ah ay doodi ka timid.

YG:Waxaa dhowaan jiray waraaqo xaga Diblomaasiyadda ah oo Djibouti ay qaybisay. Ethiopia iyaduna waxaa ay qaybisay waraaqo, taas oo muujinaysa sida aad isugu khilaafsantihiin arrimaha Soomaaliya. Waxaa kale oo jirtay in Kenya aysan ku farxin mowqifka Ethiopia ee shirka dhawaan ka dhaci doona Nairobi. Dadka siyaasadda u kuurgala qaarkood waxay dhawaanahan yiraahdaan dalalka loo xilsaaray in ay Soomaalida heshiisiiyaan, iyaga ayaaba u baahan in la heshiisiiyo. Taa Maxaad ka leedahay?

Meles: Horta waan fahmi karaa in Kenya aanay ku farxin in aan ka qeyb geli diidnay shirkii ay iyagu qaban qaabiyeen. Sababta aan u tegi weynay waxay ahayd in aynaan dareensanayn in aan u baahan nahay wadahadal wadajir loo abaabulo.

Hadda oo IGAD ahaan aan isugu af garannay in aan wadajir wax u wada qaban qaabinno, ayada oo ay Kenya ay guddoomineyso, dalalka safka hore oo dhamani ay ka qeyb qaadanayaan, waxaan u qabaa in is faham la'aantii hore laga gudbay.

Dhinaca Djibouti, sida la fahmi karo, daba socodka iyo isku deyga in ay meel mariso wixii Carta ka soo baxay waa mid Djibouti aad ugu weyn. Waanan qireynaa in geeddi socodkii shirkaa ka billowday uu yahay tallaabo hore loo qaaday, laakiin waxaan qabnaa in la dagaallanka argagixisadu uu xuddun u noqdo nabad raadinta Soomaaliya. Mana aqbali karno marka argagixiso la maldahayo.

Markaa waxay ila tahay Djibouti iyo Ethiopia waxay ku kala geddisan yihiin arrinta culeyska la saarayo.

Waxay ila tahay annagu in aan dooneyno in aan argagixisada ula dagaallanno si ka yara culus sida walaalahayaga Djibouti ay doonayaan.

YG: Waxaa tahay Hoggaamiyaha Dowladda Ethiopia. Soomaaliya iyo Ethiopia waxay ahaayeen labo dal oo isaga hor yimid dhowr dagaal. Soomaali fara badan ayaa shaki ka qaba mowqifka Ethiopia ee ku wajahan Soomaaliya. Dagaaladii hore awgood ama sida ay u arkaan xaaladda hadda taagan awgeed ayay dadkaasi u arkaan in aan Ethiopia daacad ka ahayn dib u heshiisiinta Soomaalida.

Haddaba maxaad u sheegi kartaa dadkaasi kaa shakisan si aad ugu qanciso in ay Ethiopia daacad ka tahay dib u heshiisiinta Soomaaliya?

Meles: Waxaan u malaynayaa in aarrinta ugu muhiimsan ay tahay in ay dastuurkeenna u fiirsdaaan. Waa dhab in Ethiopia iyo Soomaaliya ay aad isugu xumaayeen. Waxa la isku hayay waxay ahaayeen dadka Soomaalida ah ee Ethiopia.

Dowladihii hore ee Soomaaliya waxay dareensanaayeen in dadkaasi ay yihiin dad ay ayagu leeyihiin. Sidaa oo kale, ayaa Ethiopia waxay Soomaalida Ethiopia ay u arkeysay in ay iyadu leedahay. Hadda dastuurkeennu wuxuu qorayaa in dadkaas aan cidina lahayn.

Wuxuu qorayaa in dadkaasi haddii ay doonayaan in ay Ethiopia ka mid ahaadaan ay xor u yihiin in ay ku jiraan Ethiopia.

Haddii ay doonayaan in ay dal iyaga u gaar ah oo madax bannaan ay sameystaanna ay xor u yihiin. Si nabad ah oo sharci ah ayeey taas ku gaari karaan. Qodobkaas ayaa fikraddii gumeysiga ahayd ee Ethiopia meesha ka saartay.

Marka, sida aan hadda u aragno, maba jiraan wax ay Ethiopia iyo Soomaaliya isku hayn karaan maaddaama arrintii la isku hayn jiray ay meeshaba ka baxdy.

Sidaa darteed, ma jiro wax dhib ah oo aan ku qabayno dowlad Soomaaliyeed oo dhidibba adag ku taagan. Weliba waa taa cagsigeed, oo faa’iidooyin fara badan ayaa noogu jira in dowlad noocaas ah la helo.

Hadda waxaan nahay dal aan bad lahayn. Soomaaliya dekedaheeda Badweynta India way tiro dhaafeen.

Qaar badan dalkeenna ayeey aad ugu dhow yihiin. Markaa dowlad xasilloon oo ka dhalata Soomaaliya waxay noo abuureysaa fursado aan hadda jirin.

Webiyada muhiimka ah ee Soomaaliya maraa waxay ka billowdaan Ethiopia. Markaa sidii biyahaas loo wadaagi lahaa waxay abuureysaa dan mideysan oo naga dhexeysa.

Hadda iskuulladeenna iyo Maxkamadaheenna waxaan ku isticmaalnaa af Soomaali. Waxaan awoodi kari lahayn in aan is weydaarsanno macallimiin iyo buugaag.

Markaa wax noogu kordha ma ahane, ma jirayaan wax nooga dhinma haddii ay Soomaaliya yeelato dowlad dhidibbo adag ku taagan.

Waayo Soomaalida Ethiopia khiyaarkooda ama doonistooda ayeey hadda uga mid yihiin Ethiopia.

Mar kasta oo ay doonaan ayeey ka go'i karaan Ethiopia. Markaa xaaladda oo dhan ayaa is beddeshay.

YG:
 Geeska Afrika, waad aragtaa in Soomaaliya iyo Sudaan ay dagaallo sokeeye ka socdaan. Waad aragtaa colaadda u dhexeysa Ethiopia iyo Eritrea.

Haddaba sideed u aragtaa in ay ku hirgeli karto midnimada Afrika ee aad doonaysaan in aad ku dhawaaqdaan? Sideedse u arkeysaa in geeska Afrika uu ula saan qaadi karo Afrika inteeda kale?

Meles: Waa dhab in ay na soo gaartay xasillooni darro ka badan intii qeyb noogu soo aadi kartay. Laakiin waxay ila tahay in aan horay u tallabsaneyno. Ethiopia hadda way xasilloon tahay, waxaanan u maleynayaa in ay taasi muhiim tahay, maaddaama ay Ethiopia ku taallo bartamaha geeska afrika, tiro ahaanna aay dadkeedu ka badan yihiin kala bar dadka ku nool geeska Afrika oo dhan.

Waxay markaa Ethiopia ka cayaari kartaa kaalin muhiim ah oo ku wajahan wanaagga. Waxaana naga go'an in aan kaalintaas ka cayaarno.

Djibouti, waa dal arrimihiisa guduhu ay xasilloon yihiin, Kenya waa la mid. Hadda waxaa ka socda isbeddel, waxaanse rajeyneynaa in uu noqdo mid si nabad ah u dhaca, Kenya-na waxtar u noqda.

Sudan waxaa ka socda dhaqaaqyo dhinaca saxda ah u socda, kuwaas oo socday sannad ilaa iyo sannad iyo barkii na dhaafay.

Dagaalka sokeeye inkasta oo aanuu istaagin, haddana rajada laga qabo nabadda Sudan sannadkan ayeey ka badan tahay intii hore.

Soomaaliya arrinteeda haddaan u soo laabto, ma ahan dalalka geeska Afrika oo keliya, haddiise, ay dalalka caalamku dadaalka ay Afghanistaan ka muujiyeen nuskiis ay Soomaaliya ka muujiyaan, dhibaatada Soomaaliya waa ay xallismi lahayd.

Laakiin haddii ay sii socoto siyaasadda iska dhega tirka ah, waxaa dhicii karta in dhowr sano oo kale ay Soomaaliya ku sii jirto xasillooni darro.

Dhammaad 

105 comments:

  1. Fadlan wax ka dheh waxa aad akhrisay. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Aad iyo aad ayaan u soo aqriyey wax wayn ayaa iiga baxay, tusaale awala isma lahayn gobolka ay somalidu dagto ayaa fursad u haystaa ama Dastuurka Ethiopoia uu u ogalaanayaa inay iyadu ikhtiyaar u leedahay inay gooni isku taagi karto, taasi waxay fursad muhiim ah siinaysaa in somalidu aysan kala go'i karin si sharciga waafaqsan iyo si aan waafaqsanaynba, somalia inay dagto xal uma ah somalida oo kaliyah ama gobolka geeska Africa ee waxay xal iyo xasilooni siyaasadeed mid amin mid dhaqaale u tahay caalamka oo idil, gaar ahaan wadanada Asia,America oo ku haradama ganacsiga Africa laakiinse aan haysan fursad ay ay ku fuliyaan ganacsigaan oo fursad kasta ay ka hortaagan tahay arimaha gobolka baaxad badeed kiisu uu wayn yahay ee somalida oo inta badan ay ku fakaraan wadamadaas halkii ay wax u soo marsiin lahaayeen Africada inteeda kale. Hadda❗ aynu joogno xasilooni-darada ka jirta gobolkan(Somalia🇸🇴) waxaa sabab u ah dowladaha Khaliijka oo diidan in gobolkani uu la wareego istiraatiijiyada dhaqaale ee bariga dhexe (Middle east) ka kooban Somalia, Djabouti, Yemen, Emirate, Sacuudi,Bahrain, Kuwait, Falastiin, Siiriya. Taas ayaa ka dhigaysa somalia in ay kala taagaareen kooxo ama dalal carbeed somalida inteeda kale.

      DHAMAAD

      Delete
    2. Mudane yuusuf garaad aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay wax badan oo aanan ogaadeen ayaad noosoo gudbisay
      Waxa kale oo aan kaa codsan lahaa wixii taariikh hore ah ee aad haysid oo faaido u leh dhalinta dambe in aad noosoo gudbisid mahadsanid
      From hargeysa

      Delete
    3. Somalida ethopia hadiiba ee xor u yihiin inee ethopia ka go'i karaan ma aha inaan ku xiiqnaaa hadda ka dib

      Delete
    4. Mudane waa Qoromo qiimo badan waqti ku filane loo huray, sidaan qiyaasayo dadka inta wax akhrisa wey ka'faaiideysteen balse inbadan oo naga mid ahi wey ka qadsan yihiin.
      ii ogolaaw in aan maqal ama muuqaal ka sameeyo si'ay uga faaideytaan inta hababkaan wax ku fahamta oom qiyaasayo inay kabadan yihiin kuweena wax akhrista.

      Delete
    5. Runtii waa waraysi aad u xiiso badan waa taariikh la soo maray lagana kororsan karo waayo aragnimo. Males wuxuu ahaa jirjiroole siyaasadeed, aqoon fiicana u lahaa sida loogu ciyaaro siyaasiyiintii Soomaaliyeed xiligiisii uu gabaadka siinjiray, Waxa aanan marna ilaawi doonin dhibaatadii ciidamadiisii ka geysteen geyiga Soomaaliyeed Gaar ahaan Caasimadeena Muqdisho kuna laayeeb tobonaanka kun sidoo kale ku burburiyeen Balaayiinta doolar. Isku soo wada duuboo Males Sanawi wuxuu ahaa mid ka faa'iidaystay tafaraaruqii kala irdhoobidii ummadda Soomaaliyeed.

      Delete
    6. Aad ayad u mahadsantahy mudane yuusuf wax badan oo anan ogen aya noso bandhigtay

      Delete
  2. Mudane Yussuf Garaad waxaan ka faa'iideysadey casharo badan oo aan weliga qof kale aan ka helin waan kaga mahad celinayaa Hosha aad u heeso Umada Soomaaliyeed ma ahan shaqo yar run ahaantii sxb waxaan ku leeyahay hore u soco wad liibaani doonatay Alle haku barakeyo oo haku xafdiyo adun iyo Akhiro sxb lakiin waxaan jaceylan lahaa inaan si gaar ah kula xiriiro

    ReplyDelete
    Replies
    1. Walaalkeey waan kaaga mahadcelinayaa in aad akhrisay iyo in aad isku kalliftay in aad ii ila wadaagto in aad wax ka kororsatay. Taa oo lagu daray ducada, Allah ha inoo wada aqbalee, ayaa iigu filan farxad, iina noqonaya dhiirri gelin iyo shidaal aan ku sii socdo in aan walaalahyga Soomaaliyeed la wadaago xogta aan hayo inta aan is leeyahay waa dow. Guuleyso.

      Delete
    2. Ethiopia waligeedba somalia iyada Ku kala dhexjirtay

      Delete
  3. MAASH ALLAAH MUDANE AQOONYAHAN HORAY USOCO

    ReplyDelete
    Replies
    1. Aqris deganaan ah oo socday mudo ku dhaw 40 daqiiqo waresigaan aad la yeelatay meles wax badan ayaa iiga baxay waadna mahadsan tahay ustaad waxaan rejeeynayaa wax yaabo kale oo inaga horeeyay in aad sidaan oo kale aad qalinka u qaadato madaama aanan ujoogin dhacdooyinka oo aan nahay dad ka yar ama ka weeyn 2 sano iyo 3 sano mhdsnd ustaad

      Delete
  4. Guuleeyso rabina cadawgaaga ha qabto ustaad, rugcadaa wax badan usoo joogay rabi qalinka hakuu barakeeyo anagana allah naga dhigo kuwo wax badan kaa kororsada mhdsnd ustaad

    ReplyDelete
  5. Waxaan kadareemay in itoobiya gabi ahaanba ay ogolayn xiligaa in lalafariisto kooxaha itixaadka ama ay diidanayd inay kamid noqdaan nidaamka dhismaya ee somalida taasina ay ahayd maslaxada istobiya oo kaliya ... mahad badan yusuf

    ReplyDelete
    Replies
    1. Ethiopia Waxe Ogeyd Qatarta Ragaan Leeyihiin Sidaas Ayee U Diidaned Weena La Dagaalen 1992dii Dhinaca Somalia Ayee Soo Galeen Itixaadka

      Delete
  6. Ustaad wax badan baan ka kororosaday mahadsanid

    ReplyDelete
  7. Itoobiya waa cadow joogto ah, marna lama aamini karo. Waxaan ka fahmay inuu leeyahay, anaga waxaan rabno maahane waxkale somaaliya kama soconaayaan, waana mida halkaas na dhigtay. Kacaankii habaarnaa ayaa somaaliya halkaas dhigay. Hadaan ku socon lahayn 1960-1969 sidaan ahayn, maanta dal dimuqraadi ah ayaan ahaan lahayn. Mahadsanidin.

    ReplyDelete
  8. Siyaada Ethiopia Mar Kasta Waa Cadahy Lkiin Siyaada Somalida Ma Cado Mana Rabaan Inee Wax Qabsadaan Ama Dadka Wax U Qabtaan Badalkeed Dad Aan Waxba Ka Rabin Ayee Ula Ordaan Faaidoyinka Dalkeena Ayago Ka Tahy Kursi Jaceel Iyo Qabiil Kadidid Waxaana Ugu Wacan Taas Waa Fikirka Itixaadka Oo Rabaan Inee Dalkeena Uga Ganacsadaan

    ReplyDelete
  9. Mhdsanid mudane @Yuusuf garaad runtii wax badan baan ka faa'idey qormadaada qimaha badan runtii wax badan oo aniga mad madow igaga jirey baad ii faa'idey.thanks mudane raxmadda eebe iyo barakadiisu korkaaga ha ahaato.

    ReplyDelete
  10. Waraysi aad uxiiso badan runtii faham badana ku jiro wa mahadsantahy sxb.

    ReplyDelete
  11. Waxa iga baxay in waxa shacabka somaliyed aaminsanyihin iyo waqicu kala fogyihin wa hadii sida ow su alaha uga jawabay ey sax iyo niyad ka eheyde

    ReplyDelete
  12. Mudane Yusuf Garaad waad ku Mahadsantahay Dib u xusuusinta wixii la soomaray.
    Waana wax Alle loogu mahadiyo marka la eego shalay heerka la joogay iyo maanta halka la marayo.

    Waxaanse mudane kugu xoojin lahaa in aad waraysigii oo duuban maqal ama muuqaal soo gelisid si kalsoonidu u dhamaystiranto.

    ReplyDelete
  13. Masha Allah....Yuusuf Garaad wax badan baa iiga baxay qoraalkaada.

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  14. Males hadaladiisa odhan waxay u badan yihiin khiyaali lakin arinta Soomailand sida ay itoobiya qabto ayuu ka dhahay inkastoo sirta itoobiya aanan la ogaan karim

    ReplyDelete
  15. Ugu horayn waan bogaadinayaa maqaalkan qasatan Yusuf Garad oo waqti badan inuu galiyay aan jeclahay.

    Waxaan ka Helay wax badan oon u'baahnaa inaan ogaado siyaasada Ethipia ee Somalia waxaana waxbadan ii fududaatay inaan helo su'alo badan oon jeclaa jawabahoda helidoda waana helay.
    Shkrn ustad Yusuf Garad Hassan.

    ReplyDelete
  16. Mudane waad Ku mahadsantahy xogta aad nala wadaagtay, waana wareysi wax badan iftiiminaaya. SRRC yaa Ku midaysnaa? Sidokle al-itixaad waxa aan u aqaan firqo ka mida firqooyinka ka jira somalia. Al-tixaadkii waqtigaa ee melee uu leyahay waa argagaxiso faahfaahin naga sii?

    ReplyDelete
  17. Aad ayaad u mahadsan tahy mudane.
    Waraysigaan waxaa ka dhex muuqdo runtii inaysan ethopia si muuqato u hortaaganayn inaan dowlad adag helno, lkn ay tahy in Soomaali ahaan aan aayaheena ka tashano meermeersiga Iska dhaafno.

    ReplyDelete
  18. Masha allah muden Yusuf garaad waxa tahay tarikh yahan nool oo manta Dlakan leyahay aniga ahan waxa badan ba iga baxay tarikh iyo Argatid Ethiopia ee Ka qabto Dowladnimo somaliyed oo Hana Qaado in ay anay Doneyn waxa ay shegayana ay tahay afka Baarkisa.
    Mahadsanid mudane

    ReplyDelete
  19. Qormadaan waxan ka faaiiday taarikh aanan hora u ogeen! mahadsanid Yusuf.

    ReplyDelete
  20. Ustaad Yuusuf, adigoo mahadsan waxaan rabay inaad hal arrin iga dhaadhiciso. Intii aan qoraalkan mugga weyn akhrinayey, gaar ahaan qeybaha dhexe iyo inta dambe, waxaad ku soo celcelisay inay xilligaas jireen Maxkamado Islaami ah, wareysigana waxaad noo sheegtay in aad qaadday 2002, marka, Maxkamadihii Islaamiga (AKA Muqaawamo) ee 2006 dalka looga dhawaaqay kuwo aanan aheyn miyaa jirey oo ka horreeyey? Mar kale iyo malaayiin jeer ku mahadsanid sida cuddoon ee aad qalinka ugu qaadatay sooyaalkan, wax aan akhriyana waxaan ugu jecelahay sooyaalkeenna iyo dhigaallada humaagga (fiction) ah. Allaha ku barakeeyo, waan kaaga daydaa wanaagga iyo waxtarka aad bulshada u hayso.


    Tixgalin

    Ibraahim Nolosha, Muqdisho

    ReplyDelete
    Replies
    1. Dowladda Soomaaliya markii ay burburtay ka dib, markii iigu horreysay ee aan Muqdisho ku soo laabtay waxay ahayd Bishii 1-dii May 1994. Meelihii aan booqday waxaa ka mid ahayd Maxkamadda Shareecada oo ku taallay Istaadiyo Koonis. Waxay ahayd mid xukun adag oo dadka qaar gacan, lug ama laba is dhaaf ah ka jartay. Laakiin magaalada oo laba u qeybsanayd dhinaca woqooyi ay noqotay nabadgelyo buuxda cabsi laga qabo Maxkamadda awgeed.

      Maxkamaddaas waxaa Madax u ahaa oo aan wareystay Shiikh Cali - Dheere oo hadda deggan kana shaqeeya Muqdisho. 1994 waxay ahayd markii aan booqday laakiin ugu yaraan hal sano oo ka sii horreeyay ayay shaqeyneysay. Waxaan filayaa Maxkamadda Xararyaalle iyo Maxkamadda Ifka Xalan iyagana in wakhtigoodu sii horreeyay. Mid kastaa waxay ku saleynayd beel, laakiin kuma koobnayn.

      Adiga ayaan kuu deynayaa in aad baarto goorta ay billowdeen, sida ay u kala horreeyeen iyo xiriirka ka dhexeeyay.

      Delete
    2. Aad baad u mahadsan tahay ustaad. Intaas ayaa igu filan, intii dheeraad ahna waqtigeeda ayaan sii baari doonaa idanka Eebbe. Soonqaad suubban.

      Delete
  21. Dr Beyan waye
    Masha allh aad iyo aad ayaan ugu bogay xogtaas muhimka ah...aad ayaad u mahadsantahy mudane Yusuf Garaad cumar .....ani talo kugu darsanaaa Qormoyinkaan inaan ku daabacdo buug ..si dadka inaga danbeyo ku inti faacdaan ... ku dhiiri gali somalidu inay wax akhriyaan...

    ReplyDelete
  22. Waan wada akhryey qoraalka waaxana iiga soo baxday Malez inuu ahaa hogaamiye arimaha soomaliya aad ugu xeel dheeraa oo uga aqoon badnaa dad badan oo Somali ah. Xaga somaliland marka aynu eegno waxa uu siiyey fursad ah inay ictiraaf siiyeen oo uu meeqaam sare gaadhsiiyey marka uu leeyahay cid dhaanta oo aanu ku badalano ayaanu waynay taasi waxay ku tusaysaa kolsooni wayn inuu haystay oo xaalka soomaliya ayuu ogaa sida uu yahay.
    Adiga yuusuf garaad ahaan thnkz ayaan ku leeyahay sida aad noola wadaagtay xogta noocan oo kale ah.adiga laftgaaga ayaa xeel dheere arimaha soomilada ah.

    ReplyDelete
  23. Masha Allah waxbadan ayaan kufahanay

    ReplyDelete
  24. Qormadan iyo qormadii ka horreydayba waxan ka faa'iidey wax badan waana kaaga mahad celinayaa Ustaad dadaalka aad galiday qormadan si'an wax badan uga faa'idno
    Kun iyo kow jeer mahadsanid qormooyin kale oo xiiso iyo faa'iidoba noo leh waan kaa rajaynayna Ustad✋

    ReplyDelete
  25. MELES ZANEWI
    Waxan feker ahan ka heystay qormandan ka hor iyo kadib.

    Waxan ka haystay nin doonaya in somaliya inteeda kale qabsado kana dhigo kililka 10aad ee itoobiya.

    Kadib qormadan waxaa ii soo baxday inow ahay in iska ilaalinaya kooxa gooniya kuwa kalena gabaadsanaya somali oo idilna wanaag la doonayay hadalkiisa markan u xuno inkastoo anan arkin fekerna ka heysan dastuurka itobiya ee daliilsaday.

    ReplyDelete
  26. Ascwb Masuul Yuusuf Garaad... Waa mahadsan tahay walal, waana kuugu dhiiragalinaa hoowsha aad soomali usoo qabatay, una haysid hada... qoraaladada waa qoraalo dadka faa'iido u ah, su'aalo kaloo badan ku dhalinayso oo jawabtoda laga rabo inay baaran oo ay raadsadan... Thanks again i am a big fan of you keep doing the good work you are doing for your people..

    ReplyDelete
  27. Inkasto qoralku cogaa isaga kay dhexyacay hadana wax badan baa iga baxay dhinaca siyasada
    Oo aan labo u kala qadayo
    1. Dibada siyasadeena dibada waxaa modaa wayadii u danbeeyay inay faraheena ka maqnayd oo wadamada darisku isku haysteen somalida dhankeedana ay ku mashqulsanayd khilafka dhexdooda
    Tandibada waxaa kaloo mesha ku jiray in wadamada dariska siiba ethiopia ay aad uga walacsanayd Al Itaxaad ururkii ahaa oo aanba la tusi karin
    2. Siyasadeena gudaha waxaan ka fahmay kaliya inay wayadii danbe ay ku salaysnay is qabqabsi oo kaliya aan ujeedo fog lahyn waana arin nasiib daro inagu noqotay dadyow kaloo dano gaara inaka lahaa ay fursado helay ay say rabaan kayeelaan dibad iyo gudaba
    Waan kaga mahadcelinaya mudane
    Sida qurxoon ee aad xogaha muhiinka
    Jiilasheena kala duwan u ah aad nola wadagayso
    Cimri dheer iyo caafimad baan ku rajayn RAMADAN KARIIM

    ReplyDelete
  28. Waxa aan ka dhadhansadey wareysigan uu bixiyey Melez in arinta soomaaliya ee ah xal uhelideeda ay iyagu leeyihiin lkn dhinaca kale wuxuu sheegey in soomaalida itoobiya ey xor uyihiin iney noqdaan dowlad iskeed isku taagta dastuurka itoobiyana uu u ogolyhy ,lkn ma sheegin haddii ey soomaaliya ku biiraan uu ku qanci Karo.

    ReplyDelete
  29. Waad mahadsan tahay mudane waan wada akhriyay wax badan ayaana ka faa'iiday. Anigu itoobiya sanado ayaan waxbarasho usoo joogay (dugsiga sare iyo jaamacad). Waxaan ogahay in dadka itoobiyaanka ihi doonaynin in arkaan dawlad soomaaliyeed oo adag oo somalia ka dhalata ama Waqooyi iyo koonfur oo midooba. Madaxdoodana waxaan filayaa dareenkaas in ay qabaan yeelkeede hadba waxay ku xidhan tahay sida ay soomaalidu u fakarto iyo sida ay ugu dadaasho danteeda.

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  30. YG:Waxaa dhowaan jiray waraaqo xaga Diblomaasiyadda ah oo Djibouti ay qaybisay. Ethiopia iyaduna waxaa ay qaybisay waraaqo, taas oo muujinaysa sida aad isugu khilaafsantihiin arrimaha Soomaaliya. Waxaa kale oo jirtay in Kenya aysan ku farxin mowqifka Ethiopia ee shirka dhawaan ka dhaci doona Nairobi. Dadka siyaasadda u kuurgala qaarkood waxay dhawaanahan yiraahdaan dalalka loo xilsaaray in ay Soomaalida heshiisiiyaan, iyaga ayaaba u baahan in la heshiisiiyo. Taa Maxaad ka leedahay?

    Halkaas su'aal ee gudaheeda laga dheehan karo dhawr su'aalood waxa aan ka dareemay adiguba in aad xog ka hayso waxa aad waydiisay males. Si kastaba ha ahaate waxa aad ku mahadsanatahy in aad ila wadaagtay waraysigan oo aan 2 laba gu oo kaliya ka weynahay.

    Mahadsanid
    Yasin mohamoud toosane
    Yasinmohamoud41@gmail.com

    ReplyDelete
  31. Mudane Yusuf wareysiga waa aqristay waxa iiga baxay Meles inuu yahay qof sida uu u hadlayo iyo waaqica markaa jiray uu aad ukala duwanyahay!

    Waxa uu ku hadlay hadii “fact check” lagu sameeyo waa been waxa run ka ah ay aad u yaryihiin... sidaas darteed iima muuqato hadal xaqiiqo ahaan loo cugsan karo oo afka Meles kasoo baxay marka laga reebo dowladdii kumeel gaarka aheyd oo wadaado ku milansanaayeen!!!

    ReplyDelete
  32. Wax badan ayaan ka faaiidanay siiba dhalinayaro hadaanahay Taariikh la soo maray oo badan oo aan beri dadka waxkula qaybsan karno ayaan ka faaiidnay
    Mahadsanid ustaad

    ReplyDelete
  33. Mahdsanid mudane waan akhriyey wxna wan ka faaidy ay u horayso niyad wnaag hdii sidaa dastuurka ethopia uu qabo ay dhabtahy oo la hubo ay wx wnaagsantah alle ha ka abaalmariyo sidaa noola wdaagtay iyo juhdigaad ku bixisay

    ReplyDelete
  34. Aad baad u mahadsantahy mudane wax badan baan ka faaiday anigu waxan ka mid ahay dadki burburka kadib dhashay misane ku barbaaray isla burburkaas ilaa maantana u hamuun qaba inuu maruun arko dowlad soomaaliyed aad baad u mahadsantahy.

    ReplyDelete
  35. Qormo ka tarjumeeso wareysi faa'iida badan u lahaay soomaalida xilligaas iyo hadaba si ey wax badan ugu ogaadaan siyaasada Ethiopia ee ku wajahneed Somalia. Mahadsanid

    ReplyDelete
  36. Mahad balaaran ha kaa gaarto sida wacan oo aad nooga daba geysay wixii ina dhaafay ee ku saabsana gobolka oo ay somaliya ka mid tahay. Waxaana iiga baxay sida aan ufikireyno si ka badalan inay itoobiya ufikireysay una fikireyso wali waana fikir la aqbali karo hab fikirkaas wax wada qabsiga ah iyadoo la is ixtiramayo waase hadaan iska ilaaawno wixii horay noo dhaxmaray.

    ReplyDelete
  37. Jaalle mahadsanid.
    Waxaa iiga baxay.

    1. Sida Ethiopia ay had-iyo-jeer oogu dadaaleysay in ay daba dheeraato dhibta Somalia.

    2. In ay qorshe ahaan damacsaneyd si xeeladeysan in ay u la wareegto dekadaha Somalia qaarkood ayada oo usoo mareyso soomaalida irdhoowday ee waqooyi (somaliland) balse waxa ay ka baqeysay in ummadda soomaaliyeed ay u arkaan arrinkaa bililiqo iyo gumeysi hor leh is la markaana ay meesha ka baxdo nabad-doonnimadeedi ay kaga qeyb galeysay shirarka masiirka Somalia.

    3. Ethiopia in ay Somalia qaskaas iyo labkaas isaga jirto wey rabtay ayada oo ay oogu wacantahay.

    B) in madaxda Ethiopia ay u arkayeen guul qarankooda usoo hoyatay mar hadiiba cadawgoodi jabay oo iyada uu hoos joogo

    T) in ay fursad u hesho dib u habeynta iyo tayeynta sirdoonkeeda ayada oo ku dhex abuuraneyso shaqsiyaad yabyabka dawladnimada somalida si aysan ooga walwalin somaliya dhankeeda.

    4. Sidoo kale Ethiopia way rabi laheyd in Somalia wax un dawlad ah laga dhiso si ay sharciyad oogu hesho deked la'aanta ay ka sheeganeysay, dabcan maantadaan baan u joognaa.

    5. Waajib gudasho uu sameeyay saxafiga ahna muwaadinka la yiraahdo yuusuf Garaad oo adiga ah.

    Waa fahamkeyga.

    ReplyDelete
  38. Masha Allah waa tariikh naga wayn ama nadhaaftay aniga iyo intii ilamida
    Hadase mudane adiga ayaa nugusimay nagana dhigay sidii dad xiligaas siyaasada usoo joogay ALXAMDULILAH
    Aad ayaan kaaga mahad celinaynaa mudane

    ReplyDelete
  39. Mudane Yusuf Garaad Mahadsanid alle hakaa abaal mariyo la wadaagida aad nala wadaagtay xog naga qarsoneyd inteena badan waana ka faa'iidnay mowqifka Ethiopia ee ku aadanaa dowlad u dhisida SoMalia

    F.g waxaan si gaar ah kaaga codsanayaa adoo mahadsan inaad nogu soo xijiso qormo ka hadlaysa kulan kii idiin dhex marey adiga iyo Hogaamiye kooxeed yadii ku sugnaa Adis...!

    Raxmad eebe korgaaga ha ahaato...! ✋

    ReplyDelete
  40. Mugdi kuma jiro in Ethiopia tahay cadawgeena 1aad ee gobolka
    Isla markaana uu inaga dhexeeyo dagaal soo jireen ah ilaa axmed guray .
    Waxaanse ka xumahay ragii soomaaliya halkaas dhigay in ay maanta inoo yihiin senetero 😣

    ReplyDelete
  41. It was interesting to read it through
    wax cusub iigama bixin, tuhumadii hore ayeey sii xoojisay
    1. Ethiopia yadoo ku ganbaneeysa argagagixo somalia aaysan ka dhicin xukuumad aan iyada si toos ah u hoos imaan
    2. hadeey intaas kuguuleeysan weeydo aay kuguleeysato in somaliland buffer zone u noqotoh kanamadax banaan somalia inteedakale
    3. In caalamku uusan tacaal badan ku bixin sida dadalka kale dagaaladu aafeeyeeyn olatacaaleeyn
    4. in somalida galbeeyd xor yihiin kana go’ikaraan ethiopia hadeey doonaan......warkaasu wuxuu iila muuqday afgobaadsi iyo soo xera galin.

    ReplyDelete
  42. Somalida Ethiopia waa goosan karan oo dal madaxbanan waa noqon karaan hadii ay doonayaan ama waa kasii mid ahaan karaa Ethiopia ayagaa ikhtiyaar leh ayuu yiri malez.lkn madhihin somaliyana waa ku biiri karaan hadii ay rabaan meeshaas maxaa kujira dastuurkooda ma wuxuu siinayaa somalida Ethiopia labadaas option oo kaliya taasaan fahmin iftiimina aan ugu baahnahay.

    Hadii uu qabo dastuurka Ethiopia iney somaliya kusoo biiri karaanse maxaa ka hor taagan ayaan isweydiinayaa maxaa jira? Sheekadiisa gabi ahaanba waxaa igala buuxa wax badan oo kale

    ReplyDelete
  43. Haddii aan soo koobo waxa aan kafahmay Siyaasaddii Senawi in ay eheed seef qarsoon iyo in uu daaha gadaashiisa kamaamulayey Soomaalida

    ReplyDelete
  44. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  45. Aad iyo aad baad ugu Mahadsantahay Yusufow

    Qoraalkan waxaa iiga korartay in Meles Zenawi uu arkayay dhibaatadda soomaaliya baaxadeedda

    Sidoo kale in uu aad uga baqayay amniga Ethiopia hadii ay soomaaliya sidan kujirto iyo in uu arkayay in soomaaliya la dayacay ayagana aysan kufilneen in ay wax ka qabtaan

    Qoraalkan waxaa ku cad sidoo kale in Melaz Zenawi ay ka go’neyd in si un u xasisho caga badan yaysanba ku taagnaanine

    Sidoo in aysan jirin fikradda ah hadii soomaaliya ay noqoto quwad weyn waxay Ethiopia ka cabsanaysaa in mar labaad ay sheegtaan killil shanaad oo uu ba yiri Ethiopia yadii hore iyo dawladii hore ee soomaaliya waxay ahaayeen kuwa kuwada loolamaya in ay qolo waliba ay sheeganeyso in kililka shanaad leedahay
    Ayaguse ay garawsadeen in ay ku dhigtaan in dastuurku xaq usiiyo in Ethiopia inteeda kale ay ka go’i karaan haday doonaan taas oo biyo moos uga noqon karta dowlad soomaaliyeey oo dib u sheegata kililka shanaad


    Wax badan ayaa iiga kordhay waxaad mudan tahay in aad dadkan hogaamiso Yusuf Garad

    ReplyDelete
  46. N1 . Hogaamiye kooxeed/qabaail
    iyo calooshood u shaqeeste ayaa burburiyay oo kala geeyay somalia. (Dhibaatada gudaha)

    N2. Cadawga somalia waxey rabaan in fara galinta ay nagu hayaan ay socoto fiinaa wiito. Mowqifkooduna uu ka sareeyo mawqifkeena!(dhibaatada wadamada dariska)

    N3. Islam naceyb . Diin naceyb. (Waa dhibaatada caalamka) aan kala midka nahay.

    ReplyDelete
  47. assalamu caleykum

    Mudane Yuusuf Garaad.

    marka hore allah ayaa mahad leh oo ina siiyay qof adigoo kale ah oo wixii taarikh ah oo dhaxal gal ah inoo qora, taasoo inoo noqoto xasuus iyo la socosho wixii tagau sidey ahaayen, in aan ku kala saarno wixii saxan iyo wixii malawaal ah, aad Ayaan kugu mahad celinaa allah ka sokow mahad sanid, waxaaan jeclaan lahaa in aad inoo qorto buug, kaaso inoogu magacowdo xasuusaheygii geeska Africa, taaso aad ku lifaaqeyso wareysiyadan aad la yeelatay hogaamiyasha geeska Africa..

    ReplyDelete
  48. Mudane yuusuf garaad aad bad umhdsanthy inpdn waxyaabo aad umuhim ah oo noso gudbusay ban kaa faiday lin wxn ku waydin laha arinta Males shegay ee ah inay dowlad deeganka somalida ee Ethiopia ay khiyaar uleedahy inay Ethiopia ay kusi mid ahaato amaba ay ka goi karto oo ay dowlad madaxbann samysan karto dastuurkiduna ay ku qoranthy hadalkas ma runbaa mise wax u marka iska sheegay ahdy

    ReplyDelete
  49. Mudane yuusuf garaad horta waxa waxa tahay wariye xeel dheere ah marna siyasi rug cadaa ah aadba umahadsantahay qormadan aadka uxiisaha badan od nalawadaagtay waxana rajaynaya inaad nalawadagi donto qormoyinka nuucana o xog ogaalnimada lga faaidayo

    ReplyDelete
  50. Cajiib ad ban uga faiday qormadan
    waxana la helay sualo badan oo jawabtoda ubaha iyo sida Ethiopia ka yelayso sida gobolka somaligalbed ee ay xoga ku haysato iyo goni isutaga somaliland. Mahadsanid mudane yusuf garad tarikhda saxafada somaliya baldahaba ayad uga qormi donta I.a

    ReplyDelete
  51. Mundane Yuusuf Garaad aad aya u mhsanthy qormadaan wax bdn aya ka Faidy waxa kugu dhiiri galinaya xogaha nuucyadan oo kle ah ina umada la wadaagto.
    Hda fakir ku darsado Ethiopia wa dalka cadow ku ah Somalia uma malaynayo Midnimada somalia inay hormar u arkayan lkn Somali hday ha jiho jeelato midnimadeeda wax hor iskaagi karo mlhn ilhy Quluubtayna ha mideeyo Somalida Ethiopia haysatana ilama hana in lo ogolaan doobo inay ka godo Ethiopia inteeda kle..

    ReplyDelete
  52. Cajiiib!
    Runtii waa waraysi iyo warcelino yaab leh, inkasta oo aana hubin mellas iyo daacadnimadiisa hadana wax badan ban ka ogaaday arinta gaaska Africa iyo waxa uu ka qabay .
    Waxaa kale oo aad ii cajabisay arinta gobalkena somalida iyo xoriyada ay u leeyihiin inay go'aan dastuurka itoobiya ma run ba ma dhigaya sidaas?
    Ugu dambayn waxan bogaadinaya mudane yuusuf Garaad howsha muhiimka ah ee aan loo dirsan ee uu hayo runtii wa kayd nool o somalidu ledahay waxana ka codsan laha inuu wax badan reebo waan hubaa inay wax tar yeelan doonto e.

    ReplyDelete
  53. Laba arimood oo keliya oo iga baxay wareysagan 18 jirsaday hadaan ku soo koobo aragtideyda: Tan hore horta Ethopia yada hore ee meles madaxda u ahaa iyo xisbigaasi meesha wuu ka baxay, siyaasadii meles waxay aheyd siyaasad aad iyo aad ugu milan oo ugu faro dhuudhuuban guud ahaan Arimaha soomaalida, markaa koley qeyb kamida himilooyinkaas ethopia way dhinteen sida Aqoonsiga somaliland iyo waxbadan oo ku dhex jira wareysagan.

    Mida labaad, Ethopia strategy fog ayey ka leedahay danaha somalia gaar ahaan khayraadka dalkeena waana himilo iyo higsi ku weyn ethopia.

    ReplyDelete
  54. Xaqiiq waxan u fahmay ama ka fahmay oraahda melez in maxkamadaha iyo iskuulada loogu hadlo luuqada iyo in uu ahaa nin ad adag oo bulsho hogaamin kara balse
    Ka Somali ahaan inta uu ka hadlay wa mid hadaaq camal ah siyaasadeenana gacanta ugu jirtay inuu nagu burburiyo dadkeena doonayana ahaa
    Balse alxm dulillah ma aysan dhihin
    Tankale Somali Ethiopia wuxu dhahay iney go'do oo kaligeed gooni iskaga tagto iyo ineysan cidna Laheyn taasi wa yasmo cad aanan yeeleyn wa dadkeena iyo dalkeena
    Taariikhda sida uu u ogyahay waan u ognahay waxaana ka hormarina danteena tan dalka mudane yuusuf fadlan Somali baa ka badan ee kuwa waxtarka inoo leh oo haldoorka ah
    Iyo kuwa raba iney na qiyaameyan sidaan inoogu muuji
    Mahadsankd

    ReplyDelete
  55. Matka hore waad mahadsantahay Ustaad Yuusuf Garaad, hadaad wax ka dhaho.

    Runtii wax badan oo iga qorsoona ayaa ka faa'idaystay balse waxa layaabka leh ayaa waxa yihiin in Ethiopia ay ahad mid mar walba Xoog iyo Xeelad is bidaysa marka loo eego Dib heshiisiinta laga waday Soomaaliya dhowr sababood:-
    1 Ethiopia waxaad mooda inay Ururka IGAD iyadu xukuntay wax walba adeegsanaysay ururka IGAD ayaa sidaas qaba.
    2 Ethiopia waxa kale oo aad mooda inaysan Soomaaliya sifiican gacanta ugu dhigtay marmarka qaarna aad moodo gobol ka titsan Ethiopia.
    3 Dhowr siyaasi oo aad magacowday inta badan waxa hadda ku suntanyihiin SUMMAD AAN QIIMA LAHAYN, Waana mid kale oo aan ka faa'iday waxa loogu subtay.

    Masoo koobi karo waxa aan ka kororsaday waana waraysi dhaxal ii ah aniga iyo inta ila mid ka ah maadama xiligaan aad u yaraa, balse dhaxalkii aad ii kaydisay.

    Mahadsanid Ustaad

    ReplyDelete
  56. Qoraalka waxuu taabanaa dhinacyo bada waxaa iiga muuqda oo aan hoosta kaxariiqay inta aqriska aan kujiray.
    1. Dowlada jabuuti ee abaabushay dowladii lagu dhisay carte u hiilin soomaaliya in aay ka aheyd.
    2. Fashilkii ku yimid dowladii cabdi qaadim Madaxweyne ka ahaa waxaa sabab u ahaa, dagaal oogayaashii itoobiya ka amar qaadanaayey.
    3. Waxaa wareysiga iiga muuqday itoobiya in mareykanka u mataleysay ladagaalanka urur diimeedka sababtoo ah xiligaas waxaa taagnaa dagaalkii afgaanistaan ee kadhashay qaraxyadii loo geeystay mareykanka, waatii mareykanka uu yiri aduunka oo dhan waa in uu noqdaa laba midood qola naraacsan iyo qolo dagaal naga dhaxeeyo
    4. Waxaa iiga muuqda warwwysiga, itoobiya in dagaal ooga yshii mideysay si shirka neyroobi madaxweyne loogu doorto madaxweyne itoobiya taageersan, waane dhacday
    5. Wareeysiga waxaa iiga baxay itoobiya aqoonsiga soomaaliland in muhiim uusan u aheyn, laakiin soomaaliya in ay noqoto Gobolo itoobiya ku wada xeran iyagan is diidan
    Ugudambeyn waxaan u mahad celinaa al ustaad yuusuf xogta uu noo soo bandhigay, xiligaas waxaan aad ugu xernaa dhageysiga BBC, arinta soomaaliya waxbadan baa is badalay
    Shukran

    ReplyDelete
  57. Malaga yaabaa ina Deegaan soomaalia La midoobo soomaalida kale ama oo noqodo wand iskiisa utaagan?
    Mahadsanid Yusuf G.Cumar

    ReplyDelete
  58. Mahad sanid yuusuf garaad sida aad nooga ifisay xogo badan oo inaga daahsoona inbadana weynu kaa sugaynaa inaad inala wadaagto

    ReplyDelete
  59. Mahad sanid yuusuf garaad sida aad nooga ifisay xogo badan oo inaga daahsoona inbadana weynu kaa sugaynaa inaad inala wadaagto

    ReplyDelete
  60. Inkasta oon lawada rumaysan karin jawaabaha Meles zenawi hadana wuu ka duwan yahay sidii aan ka aaminsanaa.

    Waxaan la yaabi jiray sababta ethiopia uga caga jiidayso aqoonsiga somalilamd lkn si cad buu uga jawaabay Meles, waana isla sababta maanta Ethiopia uga gaabsato arinkaa.

    Waxaan kale oon ka faaiday waraysigan xaalada iyo mustaqbalka S/galbeed inuu fcn yhay xorayntiisuna hada wax huba u baahnayn ee ay doonis shacab ku xidhan tahay.


    Waxaan kale oon ka faaiday sababta Ethiopia ilaa maanta ugu tafaxaydan tahay Soomaaliya oo dawlad noqota inkasta oo ukeedo qarsoona jiri karto.
    Iwm

    Mahadsanid Guusuf Garaad

    ReplyDelete
  61. Horta waa waraysi aad ubfiican runtii oo waxyaabo badan oo qarsoomaa iftiimiyay lakiin qaybo kala duwan haddii aad ka dhihi lahahd aad buu dad badan u anfici lahaa sababtoo ah Soomaalidu waa dad dhegeysi ee dad akhris iyo qorid maahs.

    ReplyDelete
  62. Mahadsanid Exellence,Akhris dheer oo xiso badan leh kabacdi waxaa ka tahay
    ● In Ethiopia tahay dalka geeska africa ugu dad badan, Goob strategy ah oo baxad weyn ku taala dhamaana xuduud la leh (Kenya,Djibouti,Somalia,Eritrea, S Sudan,Sudan),sida awgeed ay laga ma maarmaan tahay in ay kow ka noqoto arin walba oo laso darista Geeska Africa.
    ● In Ethiopia Arinta ugu weyn ee ay somalia uga cabsi Qabta tahay islaamiyiinta mayalka fog,oo hogaanka u qabta si ay cadaawad hore loga gudbay uso noleeyaan.
    ●In Ethiopia saxiibo badan oo awod leh ku dhex leyihiin Somaliya.
    ● Dhamaan deeq bixiyayaasha, wadamada safka hore iyo cidkasta oo somalia dan ka le in ay ethiopia raali ahaansho la haystaan.

    ● Arrinta Somaliland oo hada 29 jirsatay iyo qoraalkan oo 18 sano laga joogo,markaan dhuxay hadalki PM Melez Senawi ee ahaa in somaliland arimeehada la fara gelin ila konfurta dowlad lo yagleelo iyo arimahan hada ka taagan Jubaland, khilaadka puntland oo aan hubo mid aan weligii dhamaaneen, xisada reer muqdisho iyo asxaabta isku baahaysta ka takhalusida Madaxweyne faramaajo iyo dowladaha Faraha badan ee ku hirdamaya somalia waxaa ii so baxday in 20 sano kale somaliland iskeed ahaaneyso ama ictiraaf barakeysan helidoonto

    ReplyDelete
  63. Mahadsanid yuusuf garad wax badan oo amaan aqoon ayaan ka bartay wareysigaan iyo xiliyadii Adkaa ay soo martay dowlada somalia ilaah somalia dowlad xoogan hasiiyo Amiin

    ReplyDelete
  64. Runtii waa qormo xiiso bdn oo taabaneso wax lasoo dhaafay wax la joogo iyo wax soo socdo intaba waa inoo farxad guul iyo fursad alle nasiiyey in aay nagu jiraan dad adiga oo kale ah sidoo kale qormooyinka noocaan ookale oo aad joogteyso waxaan kuheli karnaa fahan ka bdn inta aan ka heysano isbadalada gobalka iyo tan aduunka markaan waxaan filayaa hadii intaanba aad adigu isu xilsaartay in aad nala wadaagto dabcan ka badanna waad nala wadaagi doontaa mudane amb yusuf garaad guul iyo farxad ku nolow.

    ReplyDelete
  65. Runtii waa qormo xiiso leh oo xogbadan ay kuduugantahay

    ReplyDelete
  66. Runahantii waan akhriyay qormadaan aad ka uxiisaha badan
    Iyo tii shalay aad soo post gareysan Mudane waa dhaxal tariiqed oo muhim uah
    Qof walba oo daneynayo wax ka oganshaha mandiqadaan aan ku noolnahy ee geska africa garahan deganada eey dagto somalaida
    Iyo siyasada wadanka ugu tunka iyo faca tariiqed wayn mandiqada bariga africa itopia.

    Inkasta oo uu yahay qofka hadlayo hogamiye siyasaded af qurxinta iyo too sinya hadalkune uu uyahy waxa laga sugikaro

    Hdane waxa mesha yalo oo aadka iso jiitay ayaa ah arinta gobolka somaalida ee hoostaga Itopia iyo fursada uu
    Males shegayo oah awood sinta dasturiga ah eee khayargalinta ayakatashiga dadka kunol gobalkas
    Hadiba aythy fursad anan mu eken hadal ladhahy okaliya oay dhabtahy waxa lagudbon dadka gobalkas kunol in ay fursadas k faidestaan waliba siwayn oo ilbaxnimo leh

    Arimaha kle ee uu Males kashekeyay ee laxiriira somalia iyo dib uheshisinteda waxan kuso arkay ama an kuso qatay darsigeygi jamacdda book uu qoray Dr badiyow
    Amp Yusuf ne waa uu isi xojiyay

    Wad kumahd santahy so gudbinta dhacdonyinka tariqed ee ad surta galinteda ad horsed u ehed Mudane
    Wan jeclan lehen inad ino si wado so gudbinta dhacdoyinkan kuwo lamid ka ah
    Dhamad

    ReplyDelete
  67. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  68. Waaa qormo Qaaliyah, waxaanse ka fahmay inay Tikrooygu doonayaaan in siyaaasada soomaalya iyo tan gobalkaba ay maaamulàan.
    Sidookale inaynan dooneen in wada hadal ama heshiis lala saxiixdo argagixsada Al shabaaab. iyadoo danaheeda fiirsaneesa, danaha somaalida indhaha ka dooboolanaysa.

    ReplyDelete
  69. Yusuf Garaad Waa mahadsanatahay Ustaadii howshaad nala wadaagtay.

    ReplyDelete
  70. Run ahaanti Mudane Yuusuf Aad baan kaaga mahad celina Xogtaan Muhiimka ah aad nala wadaagtay ani ahaan wax badan ayaa iga baxay.

    1.in Dowlad goboleedka somalida ay xor u yihiin mowqifkooda go'ida ama kamid ahan shiyaha ethiopia
    Waloow aan wada ogeyn xiligaas aad wareysiga qadeysay males iyo mamulkiisa dhibatada ay kuhayen dhulkaas iyo dadki daganaaba.

    2.in kenya Danaha ay somalia kaledahay aysan hada bilaban lkn ay so jiren ahayd fursadna radineysay ila ay marki danbe Dowladi Imbagati kudo dhistay, wana sababta kentay inay isku fahmi wayan ethiopia qabka somalia ay umamuli lahayen .
    Mantana waan wada aragnayo siyasadi ethiopia way isbedeshay oo siyasiyintena waxay u weecsamen dhanka kenya.

    Mida xigta sida uu males ka dhawajiyay Badaas dheer ee kudhararsan badwaynta hindiya hunguri aya uga jira inay so tabtan qorina kuma so tabanayaan ee males kaartadu jexay ayay ila manta wadan oo waan wada aragnaa.

    Hadaba waxan kabartay maqalkan in Somalia sidi lala rabay aysan kudhicin waloow ay dhici karto qababkalo horleh in lala damacsan yahay.

    Waxana mooda inan xoga hurdadi kayara kacnay.

    Walow an qoraalkeeyga dheereyay, hadana wan kugu dhiira gelin inad noso badiso si wax badan aan uga barano wixi gobolka katagna si an casharkaas kusaxno hab nololedkena danbe markalena nalagu Gaadin.

    Mahadsanid Ustaad Yuusuf Garaad

    ReplyDelete
  71. Waad ku mahadsanymtahay xogta muhiimka ah eed nala wadaagtay mudane kuwa kale oo badana horay ayaan kaaga faaiidnay,markaan ku daro fikirkayga waxaa cad in dowladii carta melez curyaamiyay isagoo reer galbeed u adeegaya ,waxaan kaloo cad inuu ahaa aftahan beenbadan sida uu uga hadlay arinta qadiyada soomaali galbeed oo uu kabeensheegay ilaa maantana uu yahay qodobka uu cuskaday mid dastuirka iskaga qoran oo bulshada caalamka iyo saxaafada oo kali ah loosheego laakiin uu ahaa melez nikii cidkasta oo hirgali is dhahdaa khaarajinjiray sida dowladii shacabku doortay ee arimaha aftida soo hadal qaaday,ilaa maantana ethio fikirkii malas ayay xanbaarsantahay ee soo maaliyay yaan lagu dagmin, iyaga iyo anaguna(somali galbeed) waanu is naqaanaa idamka ale maalin unbaanu ka gu'i yahuuda geeska afrika.

    ReplyDelete
  72. Halkaa waxaa iiga baxay in dr abdiqaasim salaad iyo professor cali khaliif ay ahaayeen mulkiilayaasha dalka kuna suntan wadaninimo iyo dad jaceyl, halka dagaal oogayaashii qaar kood oo dhex fadhiyaan baarlamaanka hada jooga ay ahaayeen ragii ka masuulka ahaa in waqti dheer dhibka lagu sii jiro una adeegayay itoobiyadii aanu cadowga ahaan,

    ReplyDelete
  73. Arrinta Degaanka Somalida Madaxweynuhu Wuu Been Sheegay Sida Muuqatana Awood Uma Leh Iney Gooni Isku Taagaan.

    ReplyDelete
  74. Waad ku mahadsantahay ustaad yusuf garaad maqaalkaan tariikhiga ah oo sida iiga baxday muujinaya hiilka walalaheen reer djibouti in aanan ilaawin mid labaad Ethiopia waa dal weyn oo dad faran baban ku nool yihiin dhaqaalihiisana kordhayo noo nana saamayn kara xag siyaasadeed, amni iyo dhaqaalaba marka waxaa iiga baxay maqaalka in aan is la shaqayno hadii wanag iyo dan noogu jirto hadii kalana aan ka feejignaano waxyaabaha ay maagan yihiin.

    ReplyDelete
  75. Mudane #Y.Garaad aad baad u mahad santahay ilaahay ajir hakaa siiyo wax badan oo aanan ka ogayn arrimaha shirka carta, mawqifka Ethiopia ee arrinta somali galbeed iyo somaliland-ba, mowqifka kenya dib u heshiisiinta somalia.
    Arrinta dastuurka Ethiopia oo ah inuu ogolyahay in somali galbeed ay ikhtiyaar u leeyihiin inay goostaan ama kasii mid ahaadaan, in arrinta kooxaha islaamiga ah uu malez ahaa nin aragti fog uleh oo garanaya natiijada ka dhalan karta waana midda aan maanta caanaheedii maalayno haddii barigaas la iska cayrin lahaa dhibka somalia maanta waa yaraan lahaa, ugu dambaun aad baad umahad santahay mudane Y.Garaad

    ReplyDelete
  76. Mudane Y.Garaad aad baad u mahad santahay ru ahaantii xaqiiqooyin badan oo aanan ogayn ayaan ka ogaaday qormadaan oo ay ka mid yihiin, inaan malez ka haystay fikir kaas ka duwan oo ah inuu somalia doonayo inuu la wareego kana faa'iidaysto inta burburka lagu jiro,mowqifka Ethiopia ee somali galbeed iyo somaliland, in dastuurka Ethiopia ogolyahay goosasho oo ay somali galbeed xortahay imika se ay ku joogto rabitaan ugaar ah, in malez arrinta uu kasoo horjeeday ay ahayd arrinta kooxaha islaamiyiinta sida al-itixaad oo uu ogaa natiijada ay keenayaan oo aan maanta innagu u aayayno,mowqifka kenya ee dib u heshiisiinta somalia.
    ugu danbayn ajir allah hakaa siiyo qormooyinka noocan ah inaad soo badiso ayaan rajayn mudane wad mahadsantahay

    ReplyDelete
  77. Dadku waxa ay moodayaan dastuurka Ethiopia inuu ka dhab hadlayo waaqiciga Kira, No, wakhti abdi illey dhacay waxa ugu weyn uu eersaday waxay ahayd marka laga yimaado kacdoonada gudaha inuu ku dhawaaqay hamen midnight inuu fariisiyo gudiga fulinta xisbiga si ay ugu dhawaaqaan inay go'een balse markii go'aankaa laga war helay ciidanka military Ethiopia ayaa xoog ku galay magaalada jigjiga iyo goobihii dowlada, marka ama afti ha la qaado ama xisbigu ha go'aansado marnaba ma soconayso aragtida Ethiopia dastuurkeeda ku qoran oo ah inay go'aan cidii Rabta.
    Mahadsanid Ambassador Yusuf Garaad.

    ReplyDelete
  78. Asc yusuf Garaad aad iyo aad ayaad umahadsantahay. Waxaad tahay wariye kudayasho mudan. Fadlan hadaad haysid maad nalawadaagi kartaa waraysiga si jiilka nagasii danbeeya ay resource ugu noqoto.

    ReplyDelete
  79. Waan jeclahay wax akhrinta waliba marka aan akhrinayo qormo uu qoray nin yaqaan sida wax loo qoro sida Yusuf Garaad.
    Taariikhdana waxay muhiim u tahay wax ka barasho.

    ReplyDelete
  80. Asc,

    Arimaha somalida Ethopia sidii la rabay uma weydiin oo ah, xorriyada la'aanta, xabsiyada iyo dilka sharci darrada ah ee dadka maamulkiisa ka aragtida duwan lagula kaco.
    Labo dowladda ethopia maxay u daneyneysaa in arimaha somaliya iyada loo Soo maro, ama IGAD lagu wareejiyo arinta somaliya ? Taas ma weydiin, wixii umadda ka dhex guuxayay ma weydiinin masuul.

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  81. Abdinaasir abdirashid jooga Burco
    Salaan ka dib
    Waxa aan aad ula socdaa dhamaanba baraha kala duwan ee aad ku leedahay baraha bulshada.
    Alle Haku sharfo mudane
    Waxa aan aad ugu faraxsanahay anoon si fool ka fool ah kugu arag hadana aan xogtaada iyo waxa aad tahay aan aad ula socdo.
    Runtii waxa aad na tus ama naga jaahil saartay wax badan oo iga dahsoonaa
    Mahad celin ka dib Mudane waxaan kaa codsan lahaa in aad Waraysiyadan oo kale aad nala wadaagtid. Wax badana waan ka dhex faaiday kan u danbeeyay
    Mahad sanid
    Alle cilmiga iyo Cimriga iyo Caafimaadkaba hakuu siyaadiyo

    ReplyDelete
  82. ugu horeeyn mahadsanid ustaad
    waan wada aqriyay aad ayaana uxiiseeynay inta aan aqrinaayay qeeybaha dhexe wareeysiga males wuxuu kusheegay in dastuurka ethopia u ogolyahay in dadka soonliada ah ee degan gobolka soomaalida hadii isku raacaan eey xor uyihiin ineeyn noqdaan madax banaan run ahaanshaha arinkaas wax manooga sheegi kartaa ? mar kale mahadsan

    ReplyDelete
  83. Aad iyo aad ayaad unahadsantahay yusuf qoraalkaan waxaan u aqriayay si aan weligay qormo udul istaagin waa qormo taabanisay beelo badan maskax iyo danacyo badanina ay kujireen mahasanid

    ReplyDelete
  84. Aad ayaad u mahadsantahy ruggcadaa sare Yuusuf Garaad qormada waxaa iga baxay wax weyn oo ah arin aan waligeyba maanka ku heyn jiray oo ahayd in itoobiya ay u xil sarantahy lug jiidka hor marada soomalida meel kastoo ay jogtaba hadii aybo dowladii carrte lagu soo dhisay ay xiligaas umarti galin jirtay ragii qabqabla yaasha ahaa ee diidana mamulkii M. Abdiqasim. Tankle waxaa ku jirtay in ay dastuurka itoobiya uu ogolyahay iney go'do cidii dooneysa inee go'do. Arintaas waxey ilatahay waa iska af gobaadsi ee dastuurkii lagu soo qoray buuraha sare ee "Abbysinia waaka xaaran iney tuulo kamida go'do. Marka nuxurka warka melez la isku soo duubo waxa weeye in itoobiya ay daqiiqadna karali noqon midnimada iyo xasiloonida Soomaaliya, maxaayeelay warkiisa waxaaba ka muuqata in ay rabeen waqtigas isaga ah iney dekadaheena nalayeeshan oo wuxuuba yiri dekadaha farahee kabateen. Aniga warkiisa waxaan kala dhexbaxay in arintii barigii dhoweyd soobaxday ee ahayd in itoobiya ay dekado afar garaya maal gashan doona oo ay dowlada somali heshiish kula gaareen. Ileen xabashidu waligood bey manka ku hayeen iney dekaduhu naga bateen. Markale aad iyo aad baad u mahadsantahy waxey aheyd arin ogaashaheedu aanu maantayto wax noogoya misa la qiima ah aysan jirin.

    ReplyDelete
  85. waxaa ii bidhaantay somalida kalilka 5 aad in xornimo loo daarinkaro

    ReplyDelete
  86. Qaamuuska nool ee soomaalidu haysato waa yuusuf garaad.
    Run ahaantii waxaan bar hiloow ilaa dhmaaad u akhriyay qormadan si wanaagsan waxaana ka fahmay waxbadan oo run ahaantii iga maqnaa.

    Mahadsanid mudane

    ReplyDelete
  87. Runtii dhallinyara ahaan wa xog inoo muhiim ah si wax uga kororsanno qeeyba kamidane ugu waa jahno dhacdooyinka maanta ee aan wax badan ka badalneeyn kuwii maalmahaas

    ReplyDelete
  88. Waxyaabo badan ayaa ka faaiday ka shakhsi ahaantayda,waxaa naga dabagaysay taarikho ay muhiim tahay qafka kasta oo soomaaliyeed in uu ogaado,
    Xaqiiqdii damaca had dhaafka ah ee itoobina wuu cadyaha.
    Waad mahadsantahay inbadan kabiir Yusuf Garaad.

    ReplyDelete