Waxaan si naxariis leh ugu baaqayaa dadka xalay Muqdisho ku
afduubay kalkaaliye caafimaad oo ICRC ka tirsan in ay si dhakhsa leh oo shuruud la'aan ah u sii
daayaan samafalaha.
Waa ceeb in qof dadkaaga u soo gurmaday aad waxyeesho waana dembi.
Waxaan ku baaqayaa in Kalkaaliyaha Caafimaad oo xalay lagu afduubay
Muqdisho aan wax la yeelin.
Iyo in si shuruud la’aan ah loo daayo oo
xorriyaddeeda loogu soo celiyo sida ugu dhakhsiyaha badan.
ICRC waa hey’ad samafal oo caalami ah oo dalka Soomaaliya sannado
badan ka fulineysay howlo samafal ah oo waxtaray qoysas aad u badan oo Soomaaliyeed.