Total Pageviews

Friday 17 January 2020

Halista ba'an ee Muqdishooyinka 2020


Maaddaama xannibaadda magaalada dul saaran oo marba marka ka dambeysa ka soo dareysay ay hadda mareyso heerkii ay ugu liidatay uguna khatarta badnayd waxaa loo baahan yahay laba.

Maskax aan weerar ku ahayn Dowladda Federaalka iyo tan Gobolka, laakiin soo bandhigta runta isu socodka magaaladooyinka Muqdisho ayaa loo baahan yahay.

Sidoo kale, Dowlad aan iska dhegatirin shacabka, iska-caabbin iyo difaac uun la yuururin ee isku kalsoon oo wax hubsata, xaldoonna ah ayaa iyadana loo baahan yahay.

Muqdisho magaalo ma aha ee waxay noqotay magaalooyin isku ag yaal oo kala xiran. Khatar, xanuun iyo xanaaq is barkaday ayaa dhex jiifa. Xal, waliba dhakhsa ah ayay u baahan tahay.

Xal waa suurta gal haddii la is maqlo, la isku dayo in la is fahmo, ujeeddadana laga wada dhigto in xal la helo.

Madaxda Federaalka iyo xataa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isku Muqdisho shacabka kulama noola, iyaguna isku Muqdisho kuma noola.

Waddo u xiran ayay gawaari xawaareyneysa ku maraan. La iigama sheekeynayo oo Dowladdaan iyo tii ka horreysay iyo waliba mid aad uga sii wada horreysay, waddo xiran oo lagu xawaareynayo waan maray.

Madaxda fuushan baabuurtaa waddada xiran ku xawaareyneysa, xog marka ay u baahdaan waxaa u warrama kuwo u qaba in xaalku caadi yahay ama ayaga oo og dhibka jira haddana aan sheegin sabab kasta ha keentee.

Xataa haddii Madaxda la gaarsiiyo warka, isku mid ma aha wax lagaaga sheekeeyay iyo marka ay adiga ku qabsato.

Dhowr Muqdisho

Waxaan adeegsaday Muqdishooyin, sababta oo ah waddada wadnaha ayaa magaalada u kala qeybisay laba Muqdisho oo aan isu gudbi karin. Gaar ahaan Muqdishada Wadnaha ka sarreysaa aanay u gudbi karin Muqdishada badda ka xigta. Irdaha fara ku tiriska ah ee laga galo ayaa baabuurta dadka wataa telefoonno la taagan yihin si ay ula hadlaan saraakiisha fara ku tiriska ah ee u oggolaan kara in ay Muqdishada kale u tallaabaan.

Iyada oo taasi jirto ayay haddana qeybo badan oo magaalada ahi waxay awalba ahaayeen lama galaan u oodan hey’ado  Dowladda ah, Safaarado, Sharikado iyo ciidammo shisheeye.

Madaxtooyada oo ku oolli jirtay Wardhiigleey, waxay hadda noqotay Jaziirad fideysa oo waxay daafaha la gashay ama ilaaladeeda hordhaca ahi ay jidgooyo ka sameysteen Boondheere, Xamar Weyne, Waaberi iyo Howl Wadaag. Waxayna si joogta ah u naafeysay waddada ugu caansan magaalada, waa Waddada Maka al Mukarrama iyo waddooyin kale oo badan oo ay ka mid tahay Waddada Maxamuud Xarbi.

Shacab iska daa, xataa saraakiisha sare ee booliiska ayaanay u sahlnayn in ay Taliska booliiska tagaan.

Bartamaha Xamar Weyne iyo Shingaanni waxaa ku habsaday, nuurkana ka qaaday labada xeyndaab ee waaweyn ee midna uu ootay Gobolku midna ay ooteen Isbahaysiga Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe. Intuba waxay garan waayeen waddooyinka gaaggaaban ee hor iyo hareera mara in ay dayactiraan. Arrintaasi waxay naafeysay farasmagaalaha Muqidishadii loo yiqiin magaalada hoose.

Isla Xamar Weyne iyo Xamar Jajab waxaa waddada xeebta goostay Isbahaysiga Xabsiga Dhexe iyo Garsoorka, taas oo dhib ka dhigtay in uu dadweynuhu ka adeegto kawaanka kalluunka.

Isbahaysiga Gegida Dayaaradaha iyo duulka Xalane deggan waxaa u xiran aag aan labadaas xero ku koobneyn oo ay ilaaladoodu jidka dhex joogaan Xamar Jajajab, Waaberi iyo Wadajir. Aaggaasi wuxuu aad uga weyn yahay Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood.

Taliska Nabad Sugidda wuxuu Jaziirad ka sameysatay Shibis iyo Cabdalcasiis iyada oo Godka Nabadsugiddana aag dhan u xiran yahay Boondheere dhexdiisa.

Wasaaradaha iyo Safaaradaha qaarkood waxay goosteen waddooyin qaar laga dhex dhisay Ganjeello uu quful saaran yahay.

Tusaaleyaashu intaa ka badan. Laakiin hadda waxaa cusub in isu socodka magaaladu uu qarka u saaran yahay in uu gebi ahaanba xirmo.

Hal Waddo oo Keliya

Saddex waddo oo Number Afar iyo Cabdalcasiis ilaa Kaaraan isku xiri jiray ayaa midkood ay Dowladdu xiratay. 

Mid kale dayactir ayaa laga billaabay iyada oo dhiniciisa kale uu xiran yahay. Tusaale Kawaanka Kalluunka waddada tagta dhinac waa ay ka xiran tahay dhinacna dayactir ayaa ka socda. Caqliga Xamar ma qorin marka dhinac laga soo dhisayo dhinaca kale in gaadiidka loo furo.

Haddii aad joogto Xamar Jajab ama Waabberi oo aad u socoto Boondheere ma mari kartid waddada Xeebta oo ah tan aan tilmaamay. Ma mari kartid via Roma, Marwaas iyo Raqeyga oo Gobolka iyo Maaliyadda ayay u xiran yihiin. Ma mari kartid Tiyaatarka oo Madaxtooyada ayuu u xiran yahay.

Isu socodka magaalada ee labada dhinac ee aan tilmaamay wuxuu hadda isugu soo ururay hal waddo oo ciriiri ah, zigzag ah oo marba dhan u leexaneysa, boholo waaweyn leh, qashin badan, aan carfeyn siiba marka roob da’o, gaadiidka magaalada in badan oo ka mid ahina ay isku hor go’an yihiin.

Qeylada, hoonka, khatarta, xanaaqa uu xanuunku keenay oo lagu shaqlay kuleylka qorraxdu ay meel xun marayaan. Waa waddada luuqyada Ceel Gaab iyo Xamar Weyne isaga dusta ee ah waddada keliya ee isku xirta Liido iyo Number Afar iyo inta u dhexeysa.

Sida in aan intaasi ciqaab ugu filneyn, waxaa ku dhex socda shaxaadka, baadda iyo bahdilka goobaha qaar.

Waxaa in badan ka dhasha in ay baabuurtu isku xirmaan oo wakhti badan lagu xannibnaado. Taas oo amniga cid kasta oo waddada ku jirta ama hareera joogta halis ku ah. Sidoo kalena halis u ah in ay magaaladu kala go’do.

Caqligu ma keenin in waddo inta aan la xirin, la is weydiiyo gaadiidkii mari jiray waddada loo duwi karo. Haddii aanay jirin waddo loo duwaana in la is weydiiyo waddada loo furi karo xataa si ku meel gaar ah.


Qiimee Khasaaraha Waddada Xiran

Shacabka magaalada Muqdisho xorriyaddooda dhaqdhaqaaq beri hore ayay oggolaadeen in laga qaado.  Waxay isugu jiraan qaar ku beddeshay rajo ay ka qabaan in amniga la sugo iyo qaar aan ku qancin laakiin garan waayay wax ay awoodaan oo sidaa uga dhib iyo khasaare yar.

Cidi ma xisaabin khasaaraha dhaqaale ee waddooyinka xiran ay sababeen. Lama hubin sida ay u saameeyaan bukaanka iyo dhaawaca doonaya in Isbitaal lala gaaro. Lama oga inta dadka la xannibay ee nooc walba leh carada ay ka qaadeen ee ay Dowladda u qabaan inta ay gaarsiisan tahay.  Lama qiimeyn khasaaraha nooc kasta leh. 

La isma weydiin in cabsida intaa le’eg ee nolosha caasmiaddu ay socon la’dahay ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay cid kasta oo cadow ku ah dadweynaha Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Xal waa la heli karaa. Gobolka Banaaddir iyo Dowladda Federaalka oo magaalada kaliya ee aan amarkeeda laga dabahadal ay tahay Muqdisho, waxaa looga baahan yahay in ay xal la yimaadaan ama ay la tashi la sameeyaan dadweynaha Magaalada deggan.


Waxa la yiraahaa marka qof neefta lagu celiyo, wuu illoobaa xuquuqdiisa kale oo dhan. Keliya wuxuu weydiistaa in uu neefsado. 

Hadda shacabka Muqdisho waxa keliya oo uu codsanayaa waa waddo uu maro in loo furo.

Waan hubaa in ay jiraan reer Xamar badan oo iga xog ogaalsan, iyaga ayaan u deynayaa wixii kabid ama haddii aan khaldamay sixitaan ah.

Mas’uulka aan ogeyn inta aan sheegay ama shaki uga jiro, isagu ha soo hubsado. Mas’uulka og ama hadda hubsada ee ku qanca oo sidaa ku raalli ah, ma aqaan wax aan u sheego.

Midka aan ku qanacsaneyn, wax ha ka qabto, waxaana hubaal ah in dadweynaha Muqdisho ku-noolka-ah ay qaar badan oo ka mid ahi ay diyaar ula yihiin talo iyo waliba in ay gacan ka geystaan in magaalada laga dhigo mid amniga ilaalisa, lagu noolaado, laguna dhaqmi karo.


Saturday 11 January 2020

Danjire Axmed - Keyse, Allah ha u Naxariisto

Dhallinyarada maanta qaarkood marka aan la sheekeysto waxay igu yiraahdaan waxaa naloo sheegay in aad BBC ka shaqeyn jirtay. Markaa ma filayo in ay yaqaannaan Axmed -  Keyse oo Yurub Jaamacad uga qalin jebiyay ka hor inta aan Soomaaliya qaadan gobannimadeeda.

Laakiin taariikhda halyeeyada Soomaaliyeed waa muhiim in la barto. Waxaana waajib ah in jiilba uu jiilka xiga u gudbiyo ilaa laga helayo Dowlad iyo hey’ado baaris iyo aqooneed oo abaabula keyd la taaban karo ama Online ah ama labadaba oo laga helo taariikh kasta oo mudan oo Soomaaliyeed, mid wanaagsan iyo mid kaleba.

Axmed Xaaji Ducaale, oo loo yiqiin Axmed - Keyse, ayaa Arbaca 8-da January 2020 ku geeriyooday Tuscon, Arizona oo ah dalka Mareykanka.

Ahmed Xaaji Ducaale, oo loo yiqiin Axmed – Keyse, waxaa lagu xusuustaa kaalintiisii  Madaxbannaanida Somaliland Midowga labada Gobol ee Soomaalida ee unkay, kuna Midoobay Jamhuriyadda Soomaaliya sannadkii 1960.

Waxaan sadarradan hoose ee kooban ku soo qaadanayaa taariikhda dheer ee quruxda badan ee Axmed – Keyse.

Waa kuma Axmed – Keyse?


Ahmed Keyse wuxuu ku dhashay Burco 1927. Aaabbihiis, Xaaji Ducaale Abdullah, wuxuu ahaa aqoonyahan diinta Islaamka.  Wuxuua Qaaddi ka ahaa Maxkamadaha Shareecada berigii Ingiriisku maamulayay Somaliland. Hooyadiis, Xaliimo Abdi, waxay geeriyooday isaga oo toddoba jir ah. Sidaa darteed waxaa soo korisay Oorida Aabbihiis, Shariifo Sayid.

Axmed – Keyse 1938 ayuu iskuul ka billaabay Berbera. Laakiin waxaa ka arbushay dagaalkii labaad ee adduunka,

Markii uu Talyaanigu ku duulay oo uu Ingiriiska ka qabsaday Berbera, Axmed – Keyse iyo qoyskiisu waxay u qaxeen Cadan.

Dhowr sano ka dib markii ay soo laabteen, wuxuu Axmed Keyse ku biiray Dugsiga taarikhiga ah ee Shiikh oo markaa cusbaa gacantana ay ku hayeen saraakiil Ingiriis ah.

1948, Axmed – Keyse wuxuu ku guuleystay in uu Waxbarasho u tago Machadka Handoub ee Sudan. Afar sano markii uu halkaa wax ku baranayay waxaa loo diray Engaland si uu waxbarashadiisa u sii kororsado.

1956 ayuu ka qalin jebiyay Jaamacadda Keel ee woqooyiga England, isaga oo bartay Siyaasadda Dhaqaalaha kuna baasay dhibacaha u sarreeya.

Somaliland ayuu ku laabtay waxaana loo magacaabay kaaliye Guddoomiye Degmo. In yar ka dib markii laga warhelay howlihiisa Gobannimo-doonka ah, ayna isku dheceen Ingiriiskii uu la shaqeynayay, wuxuu Axmed – Keyse u baxsaday Ethiopia.

Ugu dambeyntii halgankiisa Gobannimo-doonka, Axmed – Keyse wuxuu ka mid ahaa wafdi afar xubnood ka kooban oo damaanadda Gobannimada la soo saxiixday Ingiriiska, ka dib markii ay booqdeen London.

Saddexda xubnood ee kale waxay ahaayeen:

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Cali Garaad Jaamac
Xaaji Ibraahim Nuur

1960 wuxuu ka mid ahaa halyeeyadii horseeday wadahadalkii labada Gobol ee Soomaalida ee unkay, kuna Midoobay Jamhuriyadda Soomaaliya.

Haddii aan soo koobo Axmed – Keyse wuxuu Soomaaliya ka noqday Xildhibaan iyo Wasiirka Beeraha.

Ka dibna wuxuu noqday Danjiraha Soomaaliya ee Bonn, oo markaa ahayd caasimadda Jarmalka Galbeed.

Wuxuu uga gudbay in uu noqdo Danjiraha Soomaaliya ee Qaahira iyo ka dib Cadan.

Dowladda militerigu waxay u magacawday Danjiraha Soomaaliya ee London halkaas oo uu nagu matalayay ilaa iyo 1975. Danjiraha London ayuu ahaa xilkii ugu dambeeyay ee rasmi ah ee uu Axmed – Keyse u qabto Soomaaliya.

Danjire hore oo Soomaali ah oo aan wax ka weydiiyay Axmed – Keyse, wuxuu qiray in uu ahaa nin aqoontiisu ay sarreyso, Soomaalinnimadu ay ku weyn tahay, yaqaanna kaftan iyo erayo lagala haro.

Axmed – Keyse, waa Aabbaha dhalay Khadra Ducaale, oo ah Wasiirkii Ganacsiga ee ugu horreeyay Dowladda hadda jirta.

Khadra oo aabbaheed iyo Soomaalinnimadiisa ku faanta, in badan ayay iiga warrami jirtay Axmed - Keyse. Hadda markii aan uga tacsiyeeyay geeridana waxay ii sheegtay in Aabbaheed uu in yar ka hor geeridiisa u duceeynayay Soomaali oo dhan.

Allah ha u naxariisto Axmed – Keyse, ducadiisana Soomaali oo dhan Allah ha u aqbalo. Waxaan rajeynayaa annagana in badan oo naga mid ahi in ay ugu duceyso Naxariista Janno.
  
Waxaan geerida uga tacsiyeynayaa Wasiir Khadra, qoyska Axmed – Keyse iyo Soomaali oo dhan. Waxaan Allah uga baryayaa in uu ka waraabiyo Naxariista Janno.


Waxaan u mahadcelinayaa Cabdiraxmaan Cabdulqaadir, oo aan ka helay inta badan xogta aan halkan ku soo gudbiyay.