Total Pageviews

Saturday 11 January 2020

Danjire Axmed - Keyse, Allah ha u Naxariisto

Dhallinyarada maanta qaarkood marka aan la sheekeysto waxay igu yiraahdaan waxaa naloo sheegay in aad BBC ka shaqeyn jirtay. Markaa ma filayo in ay yaqaannaan Axmed -  Keyse oo Yurub Jaamacad uga qalin jebiyay ka hor inta aan Soomaaliya qaadan gobannimadeeda.

Laakiin taariikhda halyeeyada Soomaaliyeed waa muhiim in la barto. Waxaana waajib ah in jiilba uu jiilka xiga u gudbiyo ilaa laga helayo Dowlad iyo hey’ado baaris iyo aqooneed oo abaabula keyd la taaban karo ama Online ah ama labadaba oo laga helo taariikh kasta oo mudan oo Soomaaliyeed, mid wanaagsan iyo mid kaleba.

Axmed Xaaji Ducaale, oo loo yiqiin Axmed - Keyse, ayaa Arbaca 8-da January 2020 ku geeriyooday Tuscon, Arizona oo ah dalka Mareykanka.

Ahmed Xaaji Ducaale, oo loo yiqiin Axmed – Keyse, waxaa lagu xusuustaa kaalintiisii  Madaxbannaanida Somaliland Midowga labada Gobol ee Soomaalida ee unkay, kuna Midoobay Jamhuriyadda Soomaaliya sannadkii 1960.

Waxaan sadarradan hoose ee kooban ku soo qaadanayaa taariikhda dheer ee quruxda badan ee Axmed – Keyse.

Waa kuma Axmed – Keyse?


Ahmed Keyse wuxuu ku dhashay Burco 1927. Aaabbihiis, Xaaji Ducaale Abdullah, wuxuu ahaa aqoonyahan diinta Islaamka.  Wuxuua Qaaddi ka ahaa Maxkamadaha Shareecada berigii Ingiriisku maamulayay Somaliland. Hooyadiis, Xaliimo Abdi, waxay geeriyooday isaga oo toddoba jir ah. Sidaa darteed waxaa soo korisay Oorida Aabbihiis, Shariifo Sayid.

Axmed – Keyse 1938 ayuu iskuul ka billaabay Berbera. Laakiin waxaa ka arbushay dagaalkii labaad ee adduunka,

Markii uu Talyaanigu ku duulay oo uu Ingiriiska ka qabsaday Berbera, Axmed – Keyse iyo qoyskiisu waxay u qaxeen Cadan.

Dhowr sano ka dib markii ay soo laabteen, wuxuu Axmed Keyse ku biiray Dugsiga taarikhiga ah ee Shiikh oo markaa cusbaa gacantana ay ku hayeen saraakiil Ingiriis ah.

1948, Axmed – Keyse wuxuu ku guuleystay in uu Waxbarasho u tago Machadka Handoub ee Sudan. Afar sano markii uu halkaa wax ku baranayay waxaa loo diray Engaland si uu waxbarashadiisa u sii kororsado.

1956 ayuu ka qalin jebiyay Jaamacadda Keel ee woqooyiga England, isaga oo bartay Siyaasadda Dhaqaalaha kuna baasay dhibacaha u sarreeya.

Somaliland ayuu ku laabtay waxaana loo magacaabay kaaliye Guddoomiye Degmo. In yar ka dib markii laga warhelay howlihiisa Gobannimo-doonka ah, ayna isku dheceen Ingiriiskii uu la shaqeynayay, wuxuu Axmed – Keyse u baxsaday Ethiopia.

Ugu dambeyntii halgankiisa Gobannimo-doonka, Axmed – Keyse wuxuu ka mid ahaa wafdi afar xubnood ka kooban oo damaanadda Gobannimada la soo saxiixday Ingiriiska, ka dib markii ay booqdeen London.

Saddexda xubnood ee kale waxay ahaayeen:

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Cali Garaad Jaamac
Xaaji Ibraahim Nuur

1960 wuxuu ka mid ahaa halyeeyadii horseeday wadahadalkii labada Gobol ee Soomaalida ee unkay, kuna Midoobay Jamhuriyadda Soomaaliya.

Haddii aan soo koobo Axmed – Keyse wuxuu Soomaaliya ka noqday Xildhibaan iyo Wasiirka Beeraha.

Ka dibna wuxuu noqday Danjiraha Soomaaliya ee Bonn, oo markaa ahayd caasimadda Jarmalka Galbeed.

Wuxuu uga gudbay in uu noqdo Danjiraha Soomaaliya ee Qaahira iyo ka dib Cadan.

Dowladda militerigu waxay u magacawday Danjiraha Soomaaliya ee London halkaas oo uu nagu matalayay ilaa iyo 1975. Danjiraha London ayuu ahaa xilkii ugu dambeeyay ee rasmi ah ee uu Axmed – Keyse u qabto Soomaaliya.

Danjire hore oo Soomaali ah oo aan wax ka weydiiyay Axmed – Keyse, wuxuu qiray in uu ahaa nin aqoontiisu ay sarreyso, Soomaalinnimadu ay ku weyn tahay, yaqaanna kaftan iyo erayo lagala haro.

Axmed – Keyse, waa Aabbaha dhalay Khadra Ducaale, oo ah Wasiirkii Ganacsiga ee ugu horreeyay Dowladda hadda jirta.

Khadra oo aabbaheed iyo Soomaalinnimadiisa ku faanta, in badan ayay iiga warrami jirtay Axmed - Keyse. Hadda markii aan uga tacsiyeeyay geeridana waxay ii sheegtay in Aabbaheed uu in yar ka hor geeridiisa u duceeynayay Soomaali oo dhan.

Allah ha u naxariisto Axmed – Keyse, ducadiisana Soomaali oo dhan Allah ha u aqbalo. Waxaan rajeynayaa annagana in badan oo naga mid ahi in ay ugu duceyso Naxariista Janno.
  
Waxaan geerida uga tacsiyeynayaa Wasiir Khadra, qoyska Axmed – Keyse iyo Soomaali oo dhan. Waxaan Allah uga baryayaa in uu ka waraabiyo Naxariista Janno.


Waxaan u mahadcelinayaa Cabdiraxmaan Cabdulqaadir, oo aan ka helay inta badan xogta aan halkan ku soo gudbiyay.

26 comments:

  1. Yusuf garaad beenaale ayaa tahay.
    Labo gobol ma midoobinee labo dal ayaa midoobay.
    Teeda kale magaca lagu midoobay muu ahayn j.soomaaliya,
    Ee wuxuu ahaa j.soomaalida(Somali republic).

    ReplyDelete
    Replies
    1. Ood qaadid iyo jiidid waa isla guri gayntii, huuno

      Delete
    2. tacsi Iyo tariikhda
      Halyey somaliyeed oo inaga dhintay ayaa meesha taal walal xushmee familka marxuunka Iyo umada somaliyeed

      Delete
    3. War qofkaan leh beenaale ma xanuunsan tahay, tacsi ayaan ku jirnaa xageed dadka marxuunka ugu dul xag xaganaysaa, meeshii lagaa rabay in aad aamiint tiraahdo ayaad caytamaysaa.

      Delete
  2. Alle how naxariisto janadiina haka waraabiyo

    ReplyDelete
  3. Allow u Naxariiso Marxuumka Janatul fardowsana ka waraabi..... Aaamin

    ReplyDelete
  4. ALLAAH ha'unaxariisto isaga iyo intii umadda nabi Moh'ed (N.N.K.H)ee dhimatay . Ducadaasna ALLAAH haka dhigo tii la'aqbalo.

    ReplyDelete
  5. Allaha unnaxariisto, halyeey soomaaliyeed ayuu ahaa.

    Walal yuusuf garaad adna ajar allaha kaasiiyo.wax badan ayaad inoo faa,ideysay.

    ReplyDelete
  6. Ilaahay haunaxariisto Marxuum Amb Axmed Keyse samir iyo iimaan alle haka siiyo qoyskiisa iyo guud umadda Soomaaliyeed oo dhan

    ReplyDelete
  7. Alle ha unaxriisto marxuun Axmed keyse janadii fardowsana alle haka waraabo

    ReplyDelete
  8. Alle ha u naxariisto halyey mar la arag ahbuu ahaa marka xogtaa lagu qiimeeyee

    ReplyDelete
  9. Allaah SW ha u anaxatiisto Marxuum Axmed Kayse egelkii iyo qaraabadii iyo Soomaali oo dhanna ilaahay Samir iyo iimaan haka siiyo isagana Ilaahay janadiisa ha ku casuumo

    ReplyDelete
  10. Allaha u naxariisto halgamaga somaliyeed

    ReplyDelete
  11. Aamiin Allaha u naxariisto marxuunka ehelkiina samir iyo iimaan Allaha ka siiyo aamiin

    ReplyDelete
  12. Marka 1-aad allaah ha unaxariisto ,halyeyga soomaaliyeed jano iyo raxmo allaah haka waraabsho.
    Marka 2-aad allaah hakaa abaal mariyo aqoonta iyo isu xilqaankana waa shaqo wanaagsan oo aad umada soomaaliyeed u hayso.
    Mahadsanid walaal yusuf garaad.

    ReplyDelete
  13. masha ALLAH, waxan Axmed Keyse ugu duceynayaa inuu ALLAH u dambi dhaafo islamrkaasna Janatul Fardowso galiyo. Aamiin.

    ReplyDelete
  14. Waad mahadsantahay Ustaad Yuusuf waad na deeqsiisay taariihda marxuunka. Runtii waxaa taariikhdiisa iiga muuqada in uu ahaa hanti qaran alle ha u raxmado anagana hanooga daba naxariisto

    ReplyDelete
  15. Allaha ha u maxariisto
    Yousuf na yaan la caayin magayo cay iyo aflagaado toona

    ReplyDelete
  16. allaha unaxariisto halgamaaga soomaaliyeed
    Cidkasta oo dalkaan iyo dadkaba wax usooqabatay waxay naga mudanyihiin inaan uga mahadcelino una ducayno nolol iyo geeriba

    ReplyDelete
  17. Thanks for sharing, nice post! Post really provice useful information!

    Hương Lâm chuyên cung cấp máy photocopy, chúng tôi cung cấp máy photocopy ricoh, toshiba, canon, sharp, đặc biệt chúng tôi có cung cấp máy photocopy màu uy tín, giá rẻ nhất.

    ReplyDelete