Total Pageviews

Friday 17 January 2020

Halista ba'an ee Muqdishooyinka 2020


Maaddaama xannibaadda magaalada dul saaran oo marba marka ka dambeysa ka soo dareysay ay hadda mareyso heerkii ay ugu liidatay uguna khatarta badnayd waxaa loo baahan yahay laba.

Maskax aan weerar ku ahayn Dowladda Federaalka iyo tan Gobolka, laakiin soo bandhigta runta isu socodka magaaladooyinka Muqdisho ayaa loo baahan yahay.

Sidoo kale, Dowlad aan iska dhegatirin shacabka, iska-caabbin iyo difaac uun la yuururin ee isku kalsoon oo wax hubsata, xaldoonna ah ayaa iyadana loo baahan yahay.

Muqdisho magaalo ma aha ee waxay noqotay magaalooyin isku ag yaal oo kala xiran. Khatar, xanuun iyo xanaaq is barkaday ayaa dhex jiifa. Xal, waliba dhakhsa ah ayay u baahan tahay.

Xal waa suurta gal haddii la is maqlo, la isku dayo in la is fahmo, ujeeddadana laga wada dhigto in xal la helo.

Madaxda Federaalka iyo xataa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isku Muqdisho shacabka kulama noola, iyaguna isku Muqdisho kuma noola.

Waddo u xiran ayay gawaari xawaareyneysa ku maraan. La iigama sheekeynayo oo Dowladdaan iyo tii ka horreysay iyo waliba mid aad uga sii wada horreysay, waddo xiran oo lagu xawaareynayo waan maray.

Madaxda fuushan baabuurtaa waddada xiran ku xawaareyneysa, xog marka ay u baahdaan waxaa u warrama kuwo u qaba in xaalku caadi yahay ama ayaga oo og dhibka jira haddana aan sheegin sabab kasta ha keentee.

Xataa haddii Madaxda la gaarsiiyo warka, isku mid ma aha wax lagaaga sheekeeyay iyo marka ay adiga ku qabsato.

Dhowr Muqdisho

Waxaan adeegsaday Muqdishooyin, sababta oo ah waddada wadnaha ayaa magaalada u kala qeybisay laba Muqdisho oo aan isu gudbi karin. Gaar ahaan Muqdishada Wadnaha ka sarreysaa aanay u gudbi karin Muqdishada badda ka xigta. Irdaha fara ku tiriska ah ee laga galo ayaa baabuurta dadka wataa telefoonno la taagan yihin si ay ula hadlaan saraakiisha fara ku tiriska ah ee u oggolaan kara in ay Muqdishada kale u tallaabaan.

Iyada oo taasi jirto ayay haddana qeybo badan oo magaalada ahi waxay awalba ahaayeen lama galaan u oodan hey’ado  Dowladda ah, Safaarado, Sharikado iyo ciidammo shisheeye.

Madaxtooyada oo ku oolli jirtay Wardhiigleey, waxay hadda noqotay Jaziirad fideysa oo waxay daafaha la gashay ama ilaaladeeda hordhaca ahi ay jidgooyo ka sameysteen Boondheere, Xamar Weyne, Waaberi iyo Howl Wadaag. Waxayna si joogta ah u naafeysay waddada ugu caansan magaalada, waa Waddada Maka al Mukarrama iyo waddooyin kale oo badan oo ay ka mid tahay Waddada Maxamuud Xarbi.

Shacab iska daa, xataa saraakiisha sare ee booliiska ayaanay u sahlnayn in ay Taliska booliiska tagaan.

Bartamaha Xamar Weyne iyo Shingaanni waxaa ku habsaday, nuurkana ka qaaday labada xeyndaab ee waaweyn ee midna uu ootay Gobolku midna ay ooteen Isbahaysiga Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe. Intuba waxay garan waayeen waddooyinka gaaggaaban ee hor iyo hareera mara in ay dayactiraan. Arrintaasi waxay naafeysay farasmagaalaha Muqidishadii loo yiqiin magaalada hoose.

Isla Xamar Weyne iyo Xamar Jajab waxaa waddada xeebta goostay Isbahaysiga Xabsiga Dhexe iyo Garsoorka, taas oo dhib ka dhigtay in uu dadweynuhu ka adeegto kawaanka kalluunka.

Isbahaysiga Gegida Dayaaradaha iyo duulka Xalane deggan waxaa u xiran aag aan labadaas xero ku koobneyn oo ay ilaaladoodu jidka dhex joogaan Xamar Jajajab, Waaberi iyo Wadajir. Aaggaasi wuxuu aad uga weyn yahay Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood.

Taliska Nabad Sugidda wuxuu Jaziirad ka sameysatay Shibis iyo Cabdalcasiis iyada oo Godka Nabadsugiddana aag dhan u xiran yahay Boondheere dhexdiisa.

Wasaaradaha iyo Safaaradaha qaarkood waxay goosteen waddooyin qaar laga dhex dhisay Ganjeello uu quful saaran yahay.

Tusaaleyaashu intaa ka badan. Laakiin hadda waxaa cusub in isu socodka magaaladu uu qarka u saaran yahay in uu gebi ahaanba xirmo.

Hal Waddo oo Keliya

Saddex waddo oo Number Afar iyo Cabdalcasiis ilaa Kaaraan isku xiri jiray ayaa midkood ay Dowladdu xiratay. 

Mid kale dayactir ayaa laga billaabay iyada oo dhiniciisa kale uu xiran yahay. Tusaale Kawaanka Kalluunka waddada tagta dhinac waa ay ka xiran tahay dhinacna dayactir ayaa ka socda. Caqliga Xamar ma qorin marka dhinac laga soo dhisayo dhinaca kale in gaadiidka loo furo.

Haddii aad joogto Xamar Jajab ama Waabberi oo aad u socoto Boondheere ma mari kartid waddada Xeebta oo ah tan aan tilmaamay. Ma mari kartid via Roma, Marwaas iyo Raqeyga oo Gobolka iyo Maaliyadda ayay u xiran yihiin. Ma mari kartid Tiyaatarka oo Madaxtooyada ayuu u xiran yahay.

Isu socodka magaalada ee labada dhinac ee aan tilmaamay wuxuu hadda isugu soo ururay hal waddo oo ciriiri ah, zigzag ah oo marba dhan u leexaneysa, boholo waaweyn leh, qashin badan, aan carfeyn siiba marka roob da’o, gaadiidka magaalada in badan oo ka mid ahina ay isku hor go’an yihiin.

Qeylada, hoonka, khatarta, xanaaqa uu xanuunku keenay oo lagu shaqlay kuleylka qorraxdu ay meel xun marayaan. Waa waddada luuqyada Ceel Gaab iyo Xamar Weyne isaga dusta ee ah waddada keliya ee isku xirta Liido iyo Number Afar iyo inta u dhexeysa.

Sida in aan intaasi ciqaab ugu filneyn, waxaa ku dhex socda shaxaadka, baadda iyo bahdilka goobaha qaar.

Waxaa in badan ka dhasha in ay baabuurtu isku xirmaan oo wakhti badan lagu xannibnaado. Taas oo amniga cid kasta oo waddada ku jirta ama hareera joogta halis ku ah. Sidoo kalena halis u ah in ay magaaladu kala go’do.

Caqligu ma keenin in waddo inta aan la xirin, la is weydiiyo gaadiidkii mari jiray waddada loo duwi karo. Haddii aanay jirin waddo loo duwaana in la is weydiiyo waddada loo furi karo xataa si ku meel gaar ah.


Qiimee Khasaaraha Waddada Xiran

Shacabka magaalada Muqdisho xorriyaddooda dhaqdhaqaaq beri hore ayay oggolaadeen in laga qaado.  Waxay isugu jiraan qaar ku beddeshay rajo ay ka qabaan in amniga la sugo iyo qaar aan ku qancin laakiin garan waayay wax ay awoodaan oo sidaa uga dhib iyo khasaare yar.

Cidi ma xisaabin khasaaraha dhaqaale ee waddooyinka xiran ay sababeen. Lama hubin sida ay u saameeyaan bukaanka iyo dhaawaca doonaya in Isbitaal lala gaaro. Lama oga inta dadka la xannibay ee nooc walba leh carada ay ka qaadeen ee ay Dowladda u qabaan inta ay gaarsiisan tahay.  Lama qiimeyn khasaaraha nooc kasta leh. 

La isma weydiin in cabsida intaa le’eg ee nolosha caasmiaddu ay socon la’dahay ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay cid kasta oo cadow ku ah dadweynaha Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Xal waa la heli karaa. Gobolka Banaaddir iyo Dowladda Federaalka oo magaalada kaliya ee aan amarkeeda laga dabahadal ay tahay Muqdisho, waxaa looga baahan yahay in ay xal la yimaadaan ama ay la tashi la sameeyaan dadweynaha Magaalada deggan.


Waxa la yiraahaa marka qof neefta lagu celiyo, wuu illoobaa xuquuqdiisa kale oo dhan. Keliya wuxuu weydiistaa in uu neefsado. 

Hadda shacabka Muqdisho waxa keliya oo uu codsanayaa waa waddo uu maro in loo furo.

Waan hubaa in ay jiraan reer Xamar badan oo iga xog ogaalsan, iyaga ayaan u deynayaa wixii kabid ama haddii aan khaldamay sixitaan ah.

Mas’uulka aan ogeyn inta aan sheegay ama shaki uga jiro, isagu ha soo hubsado. Mas’uulka og ama hadda hubsada ee ku qanca oo sidaa ku raalli ah, ma aqaan wax aan u sheego.

Midka aan ku qanacsaneyn, wax ha ka qabto, waxaana hubaal ah in dadweynaha Muqdisho ku-noolka-ah ay qaar badan oo ka mid ahi ay diyaar ula yihiin talo iyo waliba in ay gacan ka geystaan in magaalada laga dhigo mid amniga ilaalisa, lagu noolaado, laguna dhaqmi karo.


29 comments:

  1. Hadda ayaan dhammeeyay aarinta. Kunjeer mahadsanid mudane Yuusuf Garaad.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Adigaa mudan, kuna mahadsan in aad akhrisay kana falcelisay. Inta aan karo ayaan waajibkeyga gudanayay in aan soo bandhigo sida ay wax iiga muuqdaan oo ah in Muqdisho ay mudan tahay in laga neefiyo culeyska la dul dhigay.

      Delete
    2. Runtii was qoro cajiib ah oo xog ogaal uu qoray .
      Dhib badan ayaa lagu qabaa wadooyinka muqdishu dhamaan shacabka waa ay ligeynayaa,gamacsigu gadiidkiisu was xirxiranyahay,dhib badan ayaa jirta

      Delete
    3. Somalia meel uma socoto inta dayuusbaro talada hayaan oo inta manta wxii uu doono sameeyo bari ka duulo

      Delete
    4. Mahadsanid Ustaad Yuusuf Garaad, Masuul waxbadan og

      Delete
  2. Aad Iyo Aad Mudane Danjire Yusuf Garaad, Waa Sax Dhibaatadaan Wey Jirtaa [Baydhabo, Kismaayo, Dhuusamareeb,Jowhar,Kismayo iyo Garowe] Intaaba Dhibkaa Sheegtay Kama Jiro "Inta Canshuur Ah Ee Laga Qaado Shacabka Iyo Ganacsatada Reer Mogadishuna Lagama Qaado Intaa Kale Oo Magaalo Dadka Ku Nool" Haddaba Markeey Meeshaas Mareyso

    Dhanka Amaanka
    Ka Soo Bilaw Dowladdii Madaxweynihii Hore Abdullahi Yusuf, Tii Shariif Labaduba Magaalo Xeran Majirin "Qolada Dawladda Ka Soo Horjeedana Ka Xoog Iyo Xoola Badnaayeen Sida Eey Hadda Yihiin" Dowladdii Xassan Sheikh Waxaa Bilaawday Xiritaanka Wadooyinka Qaar Kadib Xeelad Badalasho Eey Sameeyeen Qoladdii Dowladda Ka Soo Horjeeday Oo Weeraro Ba'an Ku Qaaday Wazaarado Iyo Goobo Muhiim U Ah Dawladda Walool Dawladii Eeyna Isticmaalin Kaliya (حسار) Ama Dhufeys Eey Ka Gasho Weerar Ku Yimaado.kadib Isbadalkii Yimid 8 February 2017 Doorashadii Ka Dhacday Dalka Waxaa La Doortay M. Farmaajo Iyo Teamkiisa Oo Aad Markii Hore Ka Mid Eheyd [Aragtideyda Qolada Talada Heysa Kama Go'na Wax Ka Qabashada Amaanka Dalka Iskaba Daaye Waxa Kaliya Ka Go'an Ayaa Ah La' Dagaalanka Dadka Kaga Figirka Duwan Hanaanka Amni Ku Soo Celinta Magaalada Mogadishu] Amni Ahaashiyaha Magaalada Mogadishu Waxa Uu Caafimaad U Yahay Soomaali Oo Idin Qaasatan Reer Mogadishu.


    MAHADSANID MUDANE DANJIRE ��

    ReplyDelete
  3. Mahadin badan mudane, waa qormo kawaramaysa xaalada ciriiri ee magaalada ka jirta.

    Sida aad xustay ba, amni dartiis baa loo xiray, sidee caqabada wado xirowga loo xaliyaa ayado oo sidoo kale qatarta qaraxyada la yaraynayo?

    Suaasha haddaan koobo, see lagu xalin karaa bay kula tahay caqabadii keentay in wadooyinka la xiro?

    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  4. Mudane ad badumahadsantahay qormadan dher e ad ku ifisay xalada magalada muqdisho runti waxan ka mid ahay dadka muqishoyinka badan uso xadudaheda malin wiliba uso dhexlugeya ninki shalay dhahayey wado lama xerayo aya sidan dadki u dhi ayo talo shacab cid qadaneyso majirto hadi talo laqadanayo siyasiyinta aqonta leh aya lala tashan laha dhibta nucan o kale ma imadeyn
    Anna anna anna anna aya socoto

    ReplyDelete
  5. Qormo intii aan oran lahaay oratay mahadsanid yuusuf

    ReplyDelete
  6. Xafiiska madaxweynaha iyo guragiisa waxaa albaabkiisa taagan ciidamada Amisom Qofkasta oo Somali ahna ayagaa baara amaanka uu sugaya xagee ayaal Hadalki uu baarlamaanka ka yiri intaan la dooran ee ahaa hadaan amaan ka dhigi waayo magalada Gawaarida waaweyn ayaan dhexda ka galayaa ayuu sameeyey.

    ReplyDelete
  7. Waan dhammeeyay aqrinta maqaalka, waana mid xaqiiqda taabanaya oo qalin farshaxan leh si hagaagsan loogu qoray.

    Intii aan dhex mushaaxayay sadarrada qormada, waxaanba mooday in aan hadda Ku xannibanahay mid ka mid isgoysyada magaalada oo markii waddooyinkii kale la xiray inta baabbuurtii isugu soo aruureen ay jiq isku noqdeen, waana arrin caadiyan igu dhacda marka aan jaamacadda u socdo ama aan dano kale magaalada u aado.

    Dhibka ka jira muqdisho maahan wax qalin lugu soo koobi karo, inta aad adigu haatan tilmaantayna qof kasta oo magaalada jooga marqaati ayuu kaaga yahay.

    Ugu dambeyn, in aan kuu mahad celiyo waa igu waajib, maxaa yeelay waajib na wada saarnaa ayaad kaligaa isu xilqaantay. Mahadsanid! Mahadsanid! Mahadsanid!

    ReplyDelete
  8. Aniga waxay qor madani i kala baraysaa waax yaha ay magaalada Muqdisho ka kooban tahay iyo Waddooyinka Hal Bowlaha u ah

    ReplyDelete
  9. Mahadsanid masuul. Subax kasta ayaan u shaqo tagnaa agagaarka isgoyska Banaadir, waxaanna gaariga uga tagnaa meel aan ka fogayn koontaroolka ay ahayd in aan baaritaanka si nidaamsan u marno kaddibna nala fasaxo. Waxan mar kasta is waydiinnaa goorma ayay idiin suurta gali doontaa in aad si caadi xafiiskiinna ugu soo gudubtaan ayada oo la marayo baaritaan sax ah oo aan dan kale ku hoos duugnayn?

    ReplyDelete
  10. MUDANE MAHADSANID! WAAN AKHRIYEY WAANA KAA XIGTEY! SIDII AAD ADIGA U DHIGTEY AAN ANIGA U TABIYEY! WAAN KU QANCEY KHEYR ALLAH KU SIIYO!
    https://www.youtube.com/watch?v=NPdW4vmlAnE

    Haddi aad page kaaga ii dhigi kartidna Mahadsanid

    ReplyDelete
  11. mahadsanid mudane dhibaatadan waa jirtaa gobolkaan banaadir waa gobolka somalia ugu yar misena ugu dadka badan dhibaatada ugu badan isaga ayay ku dhacdaa dheefta ugu badan isaga ayay ka timaadaa laakiin sida i muuqata xal lagu nabadeeyo waa la weysan yahay dowladii timaadaba been ayay usheegee marka hore , kii damac siyaasadeed kasoo galaba waxa uu leeyahay jidadkaan iska xiran maxay yihin iyo hadalo kalo soo jiidasho leh oo bulshada u riyaaqda markii la doortana kadaranoo dibi dhal aya noqee bahasha isagii dhahaayay jidadka xiran maxaa waaye waa sii badinaa mana arkaayo dhibkaan umada haayo , marka ilaa laga helo masuul markuu xilka haayo iyo markuusan haynba isku si wax u dareemaayo muqdisho sidaan ayay iska sii ahaanaysaa ,ilaahay hanagu amaansado madax hanuunsan alle kacabsigana ku badan yahay oo habeen iyo maalin utaagan umadaan horurmarkeeda ilaahay hanoo keeno.

    ReplyDelete
  12. Mudane Danjire Mahadsand. Wax jira ayaad sheegtay, Wado la xiro Amni kuma imaan, lagana sugi maayo, Farmaajana nuu furo waayo waxaa lagu doortay waa inuu wadooyinka furayo sidaan u sugaynay inuu furo jidadka Ganjeelayaal iyo Dhismo shub ah ayuu laamiyadii saaray, Sida wadada hormarta Shineemo Xamar iyo Wadada Tarbuunka iyo KM4 isku xirta Ganjeelayaal ayaa saaran.Dhibka shacabka ay ku hayso wadooyinka go'an wax qoraal lagu koobi karo ma aha.Dhaqaale,Ganacsi, Gaadiidka dadka dad waynaha dadka iska lahaa waa ku biil la yihiin.isku socod rajo lagama qabo.

    ReplyDelete
  13. Qormo wax ku ool ah una baahan hirgalinta talooyinka ku lamaanan qormadan

    ReplyDelete
  14. Aad iyo aad baan ugu qancay sida quruxda badan iyo runta xambaarsan ee aad u soo bandhigtay qormadaan waase haddii Madaxda sare kugu waa faqdo walow shaki weyn aan ka qabo. Ma jiro masuul ka damqani dhibka shacabka Muqdisho qabaan sababtoo ah iya waxaa u furan waddo kasto.

    ReplyDelete
  15. Waa warbixin cajiib ah runtii t

    ReplyDelete
  16. Acww. Aad ayaad ugu mahadsantahay qormada Mudane danjire.
    Dhib jira oo muuqda aanna la inkiri Karin Ayad sheegay. Xalkiina hala tashado iyo halays fiiriyo Ayad ku gorfeysay.
    Haddii ad (Maanta) fadhiso kursiga madaxtooyada xaalkuna sida ad qeexday yahay maxad samayn Lahayd??

    ReplyDelete
  17. Yusuf Garaad dhabtii xaqiiqda saxda ah ayaad qortay. Waxaanba is iri meeqa mar ayuu Yusuf Wada xiran ku soo dhacay

    ReplyDelete
  18. Danjire Yusuf Garaad ,qoraal qiimo baan ayaad kusoo bandhigtay ,dhibaatada haysata dadka ree Muqdisho .
    Dadka ree Muqdisho dawladnimo inay helaan ayaan ugu ducaynayaa.

    ReplyDelete
  19. Ustaad waad mahadsanthy waxa aad ka hadashay arin in badan aan laga hadlin saxaafadna aysan soo hadal qaadin.

    Waxaa tahay diblomaasi soomaaliyeed saxafi,macalin iyo in kale oo aana halkaan ku soo koobi karin.

    Waxaan ku dari lahaa wadada N4 soo gali jirtay ee ka imaan jirtay dhanka tarabuunka taasi oo hada xiran wadada dhaxdeedana ay dagtay safaarad shisheeye oo ayba dhisatay.

    Xalku waxa uu ka imaan karaa dowlada shacabkana dulqaadku waa ka dhamaanayaa hadi ay sidaan ku sii socoto.

    ReplyDelete
  20. Waa mahadsanthay sida qiimaha leh ee aad nola wadagtay

    ReplyDelete
  21. Amb: Yusuf Garaad waa mahadsantahy xogta aad nala wadaagtay hadii aan nahay dadka ku nool magaalada Mogadishu waxaan xaqiijineynaa dhamaan inta aad sheegtay inaay tahay xaqiiq jiro noloshii magaaladane aay mid aad u ciriiri badan noqotay.
    Dowlada Somalia iyada ayaa dalka iyo dadka ka mas'uul ah waxaan talo u soo geedineynaa magaalada xamar waxey eheed magaalo leysku jimco tago oo leysisoo booqda hadda waxaas waa dhamaatay wadooyinka xiray raadka aay reebeen bey ka mid tahay qaraabadii inay sitoos ah isaga war qabin caqabadaha wadooyinka xiran darteed.

    ReplyDelete
  22. Mahadsanid Mudane, Amb, Ex Wasiir iyo Qoraa sare Yusuf

    ReplyDelete
  23. Mahadsanid ex wasir qormo cilmi eedaab ad uquruxbadan lagu Soo bandhigay

    ReplyDelete