Total Pageviews

Friday, 31 August 2018

Doorashada Guud ee 2020

Dhibaato ku hortaalla haddii aad si uun isu diidsiineyso xal wanaagsan uma heli kartid. Keliya marka ugu horreysa ee aad adigu shakhsi ahaan isugu qirto in ay  dhibaato jirto, adigana ay xal kaaga baahan tahay ayaad billaabi kartaa in aad deristo dhibaatada, si nadiif ahna uga fekerto xalkeeda.

2016 Doorasho ayaa la isku afgartay in la qabto sannadka 2020. Doorashada waxaa lagu heshiiyay in ay markaan noqoto qof iyo cod dalka oo dhan ah.

Weli dariiqaas ayaa lagu socdaa rasmi ahaan. Laakiin laba sano gudahood in shacabka Soomaaliyeed uu helo xuquuqda uu u leeyahay in uu Madaxdiisa soo doorto ma ahan wax sahlan. Intaas waa la wada qiran yahay. Xaqiiqada muuqata, laakiin afka laga dhowrayo oo sir loo ekeysiinayo waa in aanay suurta gal ahayn.

Sababuhu waa ay badan yihiin. Qaarkood waa sababo amni sida Shabaab. Qaar kale waa kuwo siyaasad sida Somaliland.

Waxaan qabaa in aan la joogin xilligii la qiran lahaa in aan doorasho cod iyo qof ahi ka dhici karin Soomaaliya oo dhan 2020. Xilligii taas la qiri lahaa waa la soo dhaafay.

Maxaa hadda nala gudboon?


Waxaa habboon in aan laga daahin in xaqiiqada horteenna taalla aan afka lagala xishoon. Doorasho qof iyo cod ahi Soomaaliya oo dhan kama dhici karto 2020.

Maalin kasta oo na dhaafta iyada oo aan taa la qiran, waa maalin ka lumeysa wakhtiga kooban ee doorashada loogu diyaar garoobi lahaa.

Dowladda waa lagula xisaabtami karaa intii ay howshaa ka qaban kartay in ay qabatay iyo in kale. Laakiin in Dowladda lagu eedeeyo wax awooddeeda ka baxsan, waxaa ka habboon in la wada goobo qaabka doorasho ee ugu wanaagsan ee suurta galka ah, haddii la waayo doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ah.

Doorashada 2020 waxaa khasab ah in ay baro dheereyso ama ay ka sarreyso doorashadii 2016. Waayo?

Si aan aan su’aashaas uga jawaabo waxaan si kooban u xusayaa wadiiqada ay soo martay Dowladnimada Soomaaliya ee casriga ah. Marka aan taa milicsanno ayaan filayaa in jawaabta su’aashan laga dheehan karo.

Waxaan eegayaa Baarlamaannada la dhisay tan iyo 2000 iyo sida isaga oo aan qof iyo cod ku imaan uu haddana mid waliba kii ka horreeyay uu uga sarreeyay marka ay noqoto matalaadda shacabka.

Carta, Djibouti, 2000

Sannadkii 2000 ayay ahayd markii dalka Soomaaliya oo aan Dowlad lahayn muddo toban sano ah, la unkay Baarlamaan Soomaaliyeed.

Waxaa xubnaha badankood soo xulay Madaxda Dhaqanka. Kooxaha hubeysan ee  ku hardamay dagaalkii sokeeye  marka mid iyo laba laga reebo lagama qeyb gelin Baarlamaankii 2000.

Ma jirin Baarlamaan ka horreeyay oo la barbardhigo. Waxaa guul ahayd in ay Soomaaliya yeelatay Baarlamaan.

Si awoodda loo ballaariyo, waxay Dowladdani aqbashay in ay Dowladda iyada beddeleysaa ay noqoto mid ay kula bahowday Hoggaamiye Kooxeedyada.

Nairobi, 2004,

Baarlamaanka lagu dhisay Nairobi wuxuu soo kordhiyay in Hoggaamiyayaasha Dhaqanka keligood aan loo deyn xulidda xubnaha Baarlamaanka ee ay Hoggaamiyayaasha kooxaha hubeysani ay ayaguna qeyb ku yeeshaan. Wadajir ayay u soo xuleen xubnaha Baarlamaanka.

Ka dib markii ay wadaxaajood la gashay, waxay Dowladdani suurta gelisay in ay awoodda la qeybsato oo ay Dowladnimada ku soo darto wadaaddo leh garab hubeysan iyo kooxo siyaasadeed oo la xulafo noqday.

Djibouti, 2009

Baarlamaanka lagu dhisay Djibouti wuxuu ahaa mid isaguna sii ballaariyay awoodda. Wuxuu ku soo daray koox ay wadaaddo hormuud u yihiin, oo leh garab hubeysan.

Dowladdani waxay suurto gelisay in doorashada 2012 aanay ka dhicin caasimad shisheeye ee ay ka dhacdo dalka gudihiisa. Waxayna soo afjartay xilligii Ku-Meel-Gaarka ahaa.

Muqdisho, 2012

Baarlamaankii lagu soo xulay caasimadda Soomaaliya iyo Xukuumadihii uu dhisay waxay meel wanaagsan gaarsiiyeen dhismaha Dowlad Goboleedyada iyo in xulidda xubnaha Baarlamaanka loo beddelo doorasho ay codkooda dhiibtaan xubno aad u kooban oo bulashada laga soo xulay.

Libinta kale ee ay Dowladdani gaartay waxay ahayd in doorashada xubnaha koobani ay codkooda ku dhiibanayaan ay ka dhacdo shanta caasimadood ee Dowlad Goboleedyada iyo caasimadda dalka.

Lix magaalo, Soomaaliya 2016
Ballantu waxay ahayd doorasho qof iyo cod ah in ay Dowladda hadda jirtaa dalka gaarsiiso 2020. Uma muuqato in ay taasi ahaan karto.

Haddii doorasho guud oo qof iyo cod ah ay na gaarsiin weydo, waxaa khasab ah in ay Dowladdu la timaaddo hab awoodda u soo dhoweeya dadweynaha si ka sii wanaagsan habkii 2016 lagu soo doortay Baarlamaanka hadda jira.

Taas lama heli karo ilaa marka hore lagu dhiirrado in la qirto yaqiinta ah in aanay suurto gal ahayn in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho guud oo qof iyo cod ah sannadka 2020.

Waxaan u rajeynayaa Dowladdu in aanay ku fashilin dhaqankii Dowladnimo ee Soomaaliya ee soo taxnaa tan iyo sannadkii 2000. Oo ah in mar kasta oo doorasho ay dhacayso ay ahaato mid dadweynaha uga dhow tii iyada ka horreysay. Ujeeddadu waa si ugu dambeynta loo gaaro matalaadda ugu wanaagsan oo ah mid ku timid doorasho ka dhacda Soomaaliya oo dhan, qof iyo cod ah, oo xalaal ah.