Taleyda Saxaafadda

In ay xafiddo warka oo ah ammaano uu war-curiyuhu u dhiibay ama aad
adigu ogaatay. Dhegeysiga, daawashada
iyo akhriskuna ay yihiin iyo kalsooni uu shacabku ku siyay oo ay tahay
in aad dhowrto.

In ay saxaafaddu kor u qaaddo aqoonta iyo tababbarrada ilaa heer
dururgsan oo u saamaxa in ay xaalad murugsan ay wakhti aad u yar gudihiis ay si
kalsooni leh uga qaadan karto go’aan
adag.
Xagga maamulka iyo milkaalayaasha Saxaafadda waxaan baaqay in ay
hey’ad kasta oo wareed ay is bixiso. Oo bixiso mushaar ku filan shaqaalaheeda,
haddii aanay awoodinna ay dib uga fiirsato xaaladda.

Weriye aan mushaar qaadan oo mikrofoon la aada magaaladu wax badan
kama khatar yara askari aan mushaar qaadan oo qori la siiyay oo magaalada lagu
sii dhex daayay.
Danta Qaranka

In aanay danta Guud u arag wax Dowladda oo keliyihi ay u xilsaaran
tahay. In saxaafaddu ay Dowladda ku daba gasho in ay hubiso in ay ka
shaqeyneyso danta guud waliba sida ugu habboon. Danta guud waxaa ka mid ah
ballanqaadyada iyo arrimaha aan la sii ogeyn ee dalka soo food saara.
In ay saxaafaddu kala garato in danta Qaranka iyo danta Xukuumadda
ama Xisbiga talada dalka hayaa ay kala yihiin laba is waafaqi karta ama iska hor
imaan karta. Saxaafaddana ay mas’uuliyaddeedu tahay in ay baarto dadweynahana
ku wargeliso marka xukuumad ay dayacdo ama ulakac uga baaqsato danta Qaranka.

Saxaafaddu in ay lahaato ajende u adeegaya danta Qaranka. Taas oo
macnaheedu yahay in aanay isku soo koobin ka warbixinta dhacdooyinka. Waxaan soo jeediyay in ay abuurto doodo,
falanqeyn iyo wareysiyo qoto dheer oo dadka diyaarinaya iyo kuwa qaadayaaba ay
ku saleynayaan baaris iyo xaqiiqooyin si aqoon ku dhisan loo ratibay.
Waxaan muujiyay farqiga u dhexeeya faallo oo ah ra’yi iyo falanqeyn
oo ah qiimeyn ku saleysan xaqiiqooyinka jira.
Saxaafaddu waa ay sheegi kartaa wax aan danta Qaranka u adeegeyn.
Laakiin waxaa khasab ah in ay ahaadaan kuwo aan ka hor imaaneyn danta Qaranka.
Saxaafadda waxaan ku bogaadiyay horumarka marba heer joogay ee ay sameysay tan iyo burburkii Dowladdii Kacaanka.
Taladeyda Dowladda

Siyaasiga iyo saxaafaddu ma ahan in ay saaxiib noqdaan isu jiibiya
oo la kala garan waayo codka siyaasiga iyo sowtka suxufiga.
Taa cagisgeed, ma ahan in ay cadow isku noqdaan oo ay isku aakhiro
seegaan.

Sidoo kale xiriirka mucaaradka iyo ka dhexeeya saxaafaddu waa in
aanuu col ahaan, noqonna saaxiibbo isku milma. Waa in uu la mid yahay xiriirka
ka dhexeeya Dowladda iyo Saxaafadda.
Dowladda waxaan u soo jeedinay in ay ila habboon tahay in Idaacadda
Qaranku ay ahaato mid Dowladda, mucaaradka iyo shacabka u dhex ah. Xaqiiqada ka
warranta, xaqiiqada oo dhan. In haddii ay isku daydo in ay war jira qariso, ay
iyadu markaas ku casuumeyso in dhegeystayaasheedu ay war ka doontaan idaacado
kale, waliba ayada oo warka loo sheegayo si aanay iyadu saameyn ku lahayn.
Mahadcelin

Waxaan u mahadcelinayaa dhallinyarada faraha badan oo munaasabadda
ka soo qeyb galay, sida sharafta leh ii dhegeystay ka dibna su’aalo iyo afkaar
ila wadaagay.

Macallimuu wuxuu gacan ka geystay qabanqaabada, Catoosh boggiisa taageerayaasha
badan ayuu ku lifaaqay oo toos looga daawaday, Yusuf Xasan tusaaleyaal ayuu
bixiyay qiimo badan, Socoto wuxuu qaabbilsanaa hadal qeybinta iyo gaasinka
madasha.
Waxaan si aad u diirran ugu mahadcelinayaa Saaxiibbadeyda Saxaafadda
Bulshada ee talooyinka iyo afkaarta qiimaha badan igula wadaagay markii aan
diyaarinayay mowduucan.