Weerarka Mareykanka iyo Israel ay ku qaadeen Iran iyo nooca cusub ee ay uga falcelisay; tirada dalalka ay weerarka ku qaadday; tirada dayaaradaha is wada iyo tirada gantaallada ay woqooyi galbeed, galbeed, Koofur galbeed iyo koofur ay u riddday; masaafada gantaalladeedu ay gaareen sida markii ay beegsatay Diego Garcia oo Iran u jirta qiyaastii 4000 km (inkasta oo tuhun la geliyay gantaalkaas); khasaaraha ka dhashay weerarrada iyo weerarceliska; ciriiriga ay gashay tamarta adduunku siiba qiimaha shidaalka iyo gaaska oo samada isku shareeray; Dagaalka Israel iyo Xisbullah iyo saameynta uu ku yeeshay Lubnaan; weerarrada iyo hanjabaadda Xuutiyiinta nala jaarka ah; xasuuqii Gaza iyo aqoonsiga Falastiin ee dalal badan oo reer Galbeed ah; soo qabashada Madaxweynaha Venezuela iyo afadiisa; dagaalka Yurub ee Ukrain iyo Ruushka; Yurub oo ku kala qeybsantay aragtida; dalal xulafo ahaa oo kala irdhoobay kala shakiga Gaaashaanbuurta NATO soo kala dhex galay oo xataa Mareykan iyo Ingiriis ay isku si wax u arki diideen; Afgemiyada Afrikada Faransiisku gumeysan jiray oo Faransiiska laga saaray: siyaasadaha Madaxweyne Trump ee xagga shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah, xag dhaqaale, xag militeri, xag socdaal iyo xag kaalmo; doorashada Xilliga Dhexe ee Mareykanka oo sannadkan 2026 dhici doonta lagana yaabo in ay waxa oo dhan saameyso, waxaa ay si xowli ah wax badan uga beddeleen waxa la filan karo xataa mustaqbalka dhow.
Xasillooni darrada siyaasadeed, midda amni iyo tan dhaqaale ee dhacdooyinkani sababeen, waxay dal kasta si dhakhsa leh u bartay in aan sidu sidii hore ahayn ee dunidu ay is beddeshay.
Dhacdooyinkani waxay dal kasta ku dhaliyeen in uu is weydiiyo su'aalo ka caawiya sida ugu habboon ee uu xaaladdan cusub ula falgeli karo si uu khatarteeda amni iyo teeda dhaqaale uga badbaado. Sidoo kale waxay qaar badani oo Mareykanku ku jiro ay is weydinayaan cidda ay xulafo ka dhigan karaan oo ay isku hallayn karaan.
Soomaali haddii aan nahay, dhibkaas dunida ayaan la qabnaa, waxyaabo noo gaar ahna waa ay jiraan.
Hawada macaan ee Soomaaliya ee badda ka soo dhaceysa waxaa ku soo biirtay saxasaxo yara sumeysan oo ka soo hormartay doorashooyinka Baarlamaannada iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada waqtigu ka dhacay, tan Baarlamaanka Federaalka labadiisa Aqal iyo midda Madaxweyne Federaal oo la filayo in ay qabsoomaan.
Maaddaama siyaasiyiinta iyo inta la shaqeysaa ay hadda aad ugu mashquulsan yihiin hardanka afartii sanaba mar ka soo hormara doorashooyinka Soomaaliya oo hadda qir iyo qir taagan, waxay ila noqotay in aan ifiyo laba arrimood oo Istaraateeji ah oo Soomaaliya caqabad ku noqon kara nabadgelyadeeda, Madaxbannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed.
Labaduba waa ay ka facweyn yihiin isbeddelka dunida ee xowliga ku socda, laakiin halistooda ayaa ka sii dari karta haddii ay ku dhex milmaan waxa hadda socda.
Labada mid kastaa iskeed ayay Soomaaliya ugu noqon kartaa caqabad Istaraateeji ah.
Dhanka kale, haddii midkood ama labadaba xal loo helo, waxay qeyb ka noqon karaan sidii aan uga badbaadi lahayn khataraha cusub ee dunida oo si dhakhsa leh noogu soo butaaci kara maaddaama aan leennahay marin biyood muhiim u ah ganacsiga adduunka, kaabigana aan ku hayno Gobolka Bariga Dhexe ee xuddunta u ah dagaalka iyo tamarta labadaba.
Gooni isu taagga Somaliland
Arrinta koowaad waa mid soo jiitamaysay tan iyo 1991. Waa gooni isu taagga Somaliland. Muddadaas dheer Somaliland waxay ku guuleysan weyday in ay Soomaaliya ku qanciso go’aanka ay keligeed qaadatay. Dowladda Soomaaliyana uma suurta gelin in ay Somaliland ku qanciso midnamadii ay iyadu hooyada u ahayd.
Kuma mashquulayo doodda taagereysa gooni isu taagga Somaliland iyo midda lidka ku ah toona.
Inta uu maqan yahay heshiis ay labada dhinac wax uun isla meel dhigaan, waxaan u arkaa dhaawac furan oo ku yaalla Soomaaliya. Dowlado, ururro ay argagixiso ka mid tahay, sharikado, shakhsiyaad iyo cid kasta oo danteeda ka dhex aragta xaaladda cakiran waa ay ka faa’iideysan doontaa si ay uga gaarto dano gurracan oo aan Soomaali u adeegeyn.
Markaa waxay ila tahay in la furo wadahadal qoto dheer oo ujeeddadiisu tahay in labada dhanba laga badbaadiyo khataraha hadda jira iyo kuwa la odorosi karo. Wadahadal khilaafka u wajaha si maskax furan, oo ka duwan sidii hore, oo aan ku koobnayn kala go’ dhammeystiran oo hadda la saxiixo ama midnimo buuxda oo isla maanta hirgasha.
Dowladaha adduunku hal qaab uma dhisna. Qaabab badan oo lagu midoobo - oo wax la wada leeyahay qaarna la kala leeyahay, oo lagu dayan karo ayaa jira. Kuwaas oo waliba midnimadoodu ay kala derejo tahay.
Nidaam aan hore adduunka uga jirinna Soomaali ayaa la imaan karta maaddaama Soomaalida qaarkeed, u badan reer Hargeysa ay arrinkaan ka fekerayeen in ka badan 30 sano.
Wadahadalku waa in uu ahaadaa mid leh billow iyo dhammaad oo mirodhala. Inta midnimo daafacaysaa waa in ay helaan dood ay Somaliland ugu qanciyaan Midnimo aan iyada laga xigin oo ay danteeda ka dhex aragto, ilaashatana.
Haddii kale waa in ay Somaliland oo is wadataa ay hesho tab ay Soomaaliya ugu qanciso in la isu faataxeeyo, aan la isku mashquulin, walibana la iskaashado.
Inta taa la gaarayo waxaa loo baahan yahay in la iska kaashado ka guuridda waxyaabaha caqabadda ku ah shucuubta labada dhinac, sida fudueynta socdaalka iyo ganacsiga xoolaha iyo badeecadaha.
Sida ay hadda xaaladdu tahay Soomaaaliya iyo Somaliland midna dani uguma jirto.
In ay sidaa ku sii socoto, waxna aan la iska weydiin ma ahan dow.
Waxay u dhigantaa in jiilka maanta ee haysta teknoolojiyada casriga ah, kana aqoon, ogaal iyo hanti badan jiilkii gobannimda iyo midnimada curiyay, ay yihiin kuwo ku fashilay in ay dhowraan dhaxalkii awoowayaashood sababtuna ay tahay in ay xallin kari waayeen khilaafaadkooda.
Waa in aan isku dan noqonnaa ama aan helnaa si laba dan ay isu garab socon karaan ee aanay is herdin.
Awoodda Soomaalida waxaa ka mid ah in xalka arrintan masiiriga ahi ay ku jirto gacanta Soomaalida.
Istaraatiijiyadda Ethiopia ee Badda
Arrinta labaad waa damaca Ethiopia ay ku dooneyso bad ay iyadu leedahay iyo dhul ay leedahay oo ay u sii marto.
Damaca Ethiopia ma aha wax qarsoodi ah. Dhowr jeer ayay kor u sheegtay iyada oo saxaafadda la hadleysa.
Kulammo diblomaasiyadeedna si hoose ayay ugu soo bandhigtay.
Damac keliya ma aha ee 2024 waxa ay sameysay isku day, markii ay MoU la saxiixatay Somaliland.
Marka MoU-da la saxiixay, waxay ahayd 100 sano ka dib markii 1924 uu Ras Tafari Mokonnen oo ka dib noqday Haile Selassie uu socdaal ku soo kala bixiyay dalal Yurub ah, wadahadalkii uu Paris iyo London ku yeeshayna uu ku weydiistay in Ethiopia ay bad hesho.
Waxaa la isku soo qaaday marsooyinka Asab oo Talyaanigu haystay, Djibouti oo Faransiiku ka talinayay iyo Zeylac oo uu Ingiriisku fadhiyay. Laakiin wuxuu Addis Ababa ku soo laabtay isaga oo fara maran.
Waxaan tusaalahaas u soo qaatay, in aan muujiyo in doonista badda ee Ethiopia aanay ahayn wax la billowday ama la dhammaan doona Dowladda Ethiopia ee hadda joogta.
Waa baahi soo jireen ah, Istaraateeji ah oo aan ka bixin ajendayaasha mudnaanta u leh Ethiopia.
Afka keliya ma aha ee Ethiopia waxay waddaa diyaar garow, oo qarsoodi ma aha in iyada oo aan bad lahayn ay haddana 2019 ku dhawaaqday in ay dhiseyso ciidan bad oo ay iyadu leedahay. Waa ay ka dhabeysay. Dowladda Faransiiska ayaa ka mid ah dalalka ciidanka badda ee Ethiopia ka caawiyay tababbarka.
Marka laga yimaado isku daygii Ethiopia ee MoU-dii ay la gashay Somaliland, waxaa xusid mudan in Ethiopia caddeysay damaceeda ah in ay bad yeelato, laakiin marnaba aanay afka ku dhufan dalka ay baddiisa u socoto.
Soomaaliya inkasta oo ay qaaradda Afrika ugu xeeb dheer tahay, jaarna la tahay Ethiopia, haddana ma aha dalka keliya ee Ethiopia uga gudban badda. Soomaaliya waxaa wehliya, Jamhuriyadda Djibouti, Eritrea, Sudan iyo Kenya oo intuba badda saaran, soohdinna la leh Ethiopia.
Inta Ethiopia ay ku celcelineyso in ay lama huraan tahay in ay bad hesho, Ciidan badeedna ay dhiseyso, waa gantaal cirka loo ganay oo aan la garaneyn dalalka badda ka xiga midka uu ku dhici doono iyo goorta.
Ethiopia annagu ma dooran in aan jaar ahaanno, iyaduna nama dooran, sidaa darteed waxaan nahay isma hurto. Markaa waa in aan helnaa hannaan nabadgelyo iyo iskaashi waara oo aan ku wada noolaanno.
Hadda waa khatar waxaanse u arkaa in loo rogi karo fursad. Waa haddii lala yimaado maskax deggan oo aragti fog leh, la sameeyo daraasad taariikh iyo sharci, mid amni iyo tu dhaqaale iyo in la helo damaanad.
Waxaan qabaa in dhan kasta laga eego.
Ka dibna Ethiopia si dhab ah wadahadal loola galo Ujeeddadiisu ay tahay in lala gaaro heshiis isu fura Soomaaliya Dekedaheeda iyo suuq weynaha Ethiopia, iyada oo aynaan lumin dhul iyo bad toona.
Heshiiskaasi wuxuu Ethiopia siin karaa fursad ah in ay adeegsato Dekedaha Soomaaliya kuwooda la isku af garto.
Waliba laga fekeri karo in dekedaha la asteeyay iyo waddooyinkooda ku xira Ethiopia ay si wadajir ah labada Dowladood u maalgeliyaan.
Arrimahan aan tooshka ku ifiyay wax ka qabashooda wax baa ka billaaban, laakiin taasi igama joojinseyso in aan siyaasi iyo muwaaddin kasta ku baraarujiyo ama aan xusuusiyo caqabadaha Dowladnimada Soomaaliyeed hor yaalla.
Maaddaama Dowladda iyo Mucaaradku ay isku diiddan yihiin wax ka beddelka Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka, Koofur Galbeed dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo is diiddan iyo kuwo ciidanba ay ka socdaan, ayada oo dushana ay ka ilaalinayaan ciidammo shisheeye, intaas oo dhamina ay xal u baahan yihiin, waxay ila noqotay in aan qalinkeyga u adeegsado in madaxa kor loo qaado si meel fog iyo hareerahaba aan wax uga aragno - maaddaama aan dhacdooyinka iyo isbeddellada dunidu cidna sugi doonin.
