Total Pageviews

Saturday, 24 May 2014

Weerarka Baarlamaanka maxaa Xiga?


Villa Somalia, Maxkamadaha, Baarlamaanka! 
Xaggee xigta?
Inqaasta Yusuf-Garaad
Allaha u naxariisto dadka maanta lagu dilay weerarka Baarlamaanka. Ehelkoodana Samir iyo Imaan Allah ha ka siiyo. Waa waddaniyiin naftooda u huray daafaca Qarannimada Soomaaliya. Ka sokow wixii qoysaskooda loo taro, waa in astaan magacyadoodu ay ku qoran yihiin oo lagu xasuusto lagu dhejiyaa Baarlamaanka meesha laga soo galo.

Inta ku dhaawacantay weerarka waxaan Allah uga baryayaa in uu caafiyo.

Waxaan taageero u dirayaa Guddoomiyaha iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ee naftoodu maanta halis ku gashay in ay gutaan howshooda Qaran.

Marka XIgta, 14-kii bilood ee na dhaafay Shabaab waxay ku guuleysatay in ay weerarto dadna ku disho saddexda hey’adood ee ugu sarreeya Qarank: Fulinta (Villa Somalia), Sharci Dejinta (Baarlamaanka) iyo Garsoorka (Maxkamadaha).

Waxaa habboon Madaxweynaha iyo inta ku dhow dhow in ay si niyad ah isu weydiiyaan meesha ay wax ka qaldan yihiin. In ay fahmaan in ay u baahan yihiin in ay la tashadaan Madaxdii dalka soo maamuli jiray iyo kuwii amniga gacanta ku hayay.

Madaxweynaha waxaa la gudboon in uu safarkiisa soo gaabiyo oo hadduusan Caawa ku laaban caasimadda uu berri subax ka quraacdo. Waxaa habboon in isaga oo waajibkiisa gudanaya, uu haddana u isticmaalo xaaladdan mid isu soo dhoweysa isaga iyo Xildhibaannada doonaya in ay xilka ka qaadaan.

Cambaareyn waxba ma xallineyso. In afka lagu aargoosto oo la yiraahdo Shabaab weerar fuleynimo ayay soo qaadday ma badbaadineyso ummadda. Kaba darane in wixii dhacay been laga sheego micno ma soo kordhineyso, waana been abuur iyo marin habaabin ummadda oo lafteedu dembi ah. Weerarradii hore ka dib sidii loo dhaqmay oo kale in loo dhaqmo ma keeneyso in weerarro soo socda la baajiso.

Mar haddii saddexdii hey’adood ee ugu sarreysay Qaranka la weeraray waxay u baahan tahay in la odoroso, lana xuuraansado meesha ku xigta ee Shabaab damacsan yahay in uu weeraro. Iyada oo aan talada laga saareyn in ay dhici karto in saddexdii hore ay u weerareen mid ka mid ah ay mar kale dib u booqdaan.

Dadka tuhunka gelinaya Madaxweynaha iyo saaxiibbadiis, waxaan u sheegi lahaa in sida aanan anigu uga warqabin cidda weerarka ka dambeysa oo kale aanay iyaguna uga warqabin. Midda kale cidda sheegatay in lagu daayo ayay ku habboon tahay. Caqliguna wuxuu na siinayaa in Madaxweynuhu xataa dayacaad ula kas ah aan lagu eedeyn karin, sababta oo ah hooygiisii iyo xafiiskiisii ayaa tan maanta dhacay mid ka darani ay ka dhacday. Marka dhibka dhacay yaan looga sii darin tuhun iyo been faafis yaan dadka lagu kala dilin.

Soomaaliya Ha Noolaato.



Friday, 23 May 2014

Deeq Jarmalku siinayo Puntland


Malaayiin Jarmalku ugu deeqay Puntland
Dowladda Jarmalka ayaa Puntland ugu deeqday 23.55 milyan oo Euro.  Lacagtaas waa deeq xagga horumarinta loogu tala galay. Warkaan waxaa faafisay Safaaradda Jarmalka ee magaaladan Nairobi.

Aad ayaan ugu hambalyeynayaa maamul wanaagga iyo afgaradka caalamka ee Puntland ay ku hanatay kasbatay deeqdaas. Waxaan rajeynayaa in sida ay u dhan tahay ay ku baxdo mahsaariicda loogu tala galay, oo kolley ah kuwo dan u ah bulshada Soomaaliyeed ee Puntland. Waxaa kale oo aan rajeynayaa marka hantidaasi ay ku baxdo meeshii loogu tala galay iyada oo aan caad saarnayn, in markaa ay horseeddo deeq intaas ka badan oo Jarmal iyo ilo kaleba ka timaadda.

Dhanka kale, waxaan is weydiiyay, Dowladda Federaalka oo dalka oo dhan metasha, wax lug ah ma ku leedahay lacagtan loo qoondeeyay Puntland? Mise ka warqabtaa? Ma jiraa lacago kale oo Jarmalku u soo wado meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah? Dowladda Federaalka iyada lafteeda lacagi ma u soo socotaa?

Hadday jawaabuhu haa yihiin waxaan dowladda Federaalka uga fadhinnaa faahfaahin in ay naga siiso.







Friday, 16 May 2014

Madaxweynaha Vs Xildhibaanno


ISGOYS
Yusuf-Garaad


Qarannimada Soomaaliya waxaa ku yaalla dakharro badan. Haddii Soomaali oo dhami ay u istaagto lama hubo in ay ku guuleysan karto badbaadinteeda. Sidaas ay tahay qaar badan oo naga mid ah ayaa si ula kac ah ama ogaal la’aan ah uga shaqeynaya waxyaabo lid ku ah Qarannimada,

Maanta halis weyn waxaa ku jira habsami u socodka Howlaha Qaranka Soomaaliyeed iyo weliba jirtaanka hey’adaha Federaalka ugu sarreeya.

Waxaa u sabab ah khilaafka Madaxweynaha oo aqool xumadiisu u keentay in mudanayaal boqol kor u dhaafay ay ka dalbaan in uu is casilo iyo isaga oo aan u diyaar ahayn in sida ay doonayaan uu u yeelo.

Arrintan oo aad mooddo in in badan oo wax ka tari lahayd ay isku fiirsanayaan, qaar kalena ay ka arkaan fursad ay lacag iyo dano kale oo shakhsi ah uga gaaraan ayaa ah mid horseedi karta khatar aad u weyn. Waxaa imaan karta in Baarlamaanku uu laba u kala qeybsamo oo uu markaa gudan waayo waajibaadkiisa.

Mudanayaasha Baarlamaanka waxaa ila habboon in si kasta oo ay u weyn tahay dhaliisha ay Madaxweynaha iyo Wasiirrada ku dhow dhow ay u qabaan, in ay habboon tahay in ay marka hore uga digaan falalka aan iyaga u cuntamin. Ka hor inta aanay u gudbin isku day xil ka qaadis.

Hadda oo xilligaa laga soo gudbayna, waxaa ila habboon in ay talada ku darsadaan, in ay dalbaan tallaabo kasta oo wax lagu sixi karo oo ka sokeysa in Madaxweynaha xilka laga qaado.

Madaxweynaha waxaan xasuusin lahaa in aanuu cadow u arag Xildhibaannada ka soo horjeeda. Waxaan Madaxweynaha xasuusin lahaa in Baarlamaankani uu yahay kii isaga ku doortay 190 cod. Welibana Madaxweyne xilka haya ka weecday oo isaga door biday.

Markaa Madaxweyne waxaa hubaal ah in xildhibaannadani ay ka biyo diiddan yihiin siyaasadaada oo ama qaldan ama aad ku guul darreysatay ama aad quursatay in aad iyaga u fasirto xilligii ay ku habbooneyd, si aad uga baaqsato tan maanta ku haysata.

Waxaa kale oo iyaduna suurta gal ah in ay kaaga xun yihiin waxyaabo ay ahayd in aad wax qabato oo aad ka baaqsatay.

Xusuusnow Madaweyne in xildhibaannadu ay yihiin kuwii ku doortay.  Waanan hubaa in aad qiran tahay in ay xilka kaa qaadi karaaan hadday dariiq qaanuunka waafaqsan ay u maraan. Laakiin xataa hadday ku guuleysan waayaan in ay xilka kaa qaadaan, laakiin ay caddaato in aqlabiyadda Baarlamaanku ay ku diiddan tahay, waa mid wiiqyesaa awooddaada Madaxweyne. Maaddaama adiga xilkaaga iyo dantaadu ay tahay in hey’adaha Fedraalka oo dhami ay shaqeeyaan, kulana shaqeeyaan. Xafiiskaagana waxaa dul fuuli doona calaamtu su’aal weyn oo dadka Madaxiisa ku sawiran.

Waxaad Madaxweyne maanka ku haysaa in aad dalka oo dhan iyo hey’adaha dalka oo dhan aad adigu mas’uul ka tahay. Baarlamaanka aqlabiyaddiisu hadday ku diidaan, laakiin aanay gaarin tiradii codka kaa qaadi lahayd, waxay taasi aad u wiiqeysaa welibana ay su’aal gelineysaa sidii aad xilkaaga ku gudan lahayd.

Ugu dambeyn Madaxweynaha waxaan xasuusin lahaa in mudanayaasha Baarlamaanka aan midna la soo xasuusan doonin magaciisa, laakiin dhaawac kasta oo soo gaara hey’adaha Qaranka iyo dib u dhac kasta oo dalka ku yimaada in cidda la xasuusan doono, mas’uuliyaddeedana qaadi doonta ay tahay Madaxweynaha.

Xilligani waa xilligii Madaxweyne Xasan Shiikh. Haddii aad Baarlamaankii ku doortay ka shaqeysan weydo, haddii aad dagaal la gasho, iyo haddii aad is afgarad la gaartaba taa ayaa lagugu qiimeyn doonaa. Waxaan jeclaan lahaa in aan xusuustaada dib u celiyo ololihii 2012 ee aad ku guuleysatay. Sidaaaad u xodxodatay xildhibaannada soo xusuuso, ooh ore noo dhaqaaji.

Waxaan kuugu duceynayaa in Ilaaheey kugu hago, kuuna sahlo waddada ay dantu ugu jirto Soomaaliya.

FG
Waxaan u mahadcelinayaa al fannaan, farshaxan Amin Amir, oo saacado kooban gudahood iigu soo sameeyay sawirka sare, ka dib markii aan anigu ka codsaday.



   






Laba Laab mise Laba Jibbaar?


Laba Laab ma aha Laba Jibbaar
Yusuf-Garaad

Laba laab iyo waxaa jira laba jibbaar. Haddii wixii aad bixin jirtay aad laba laabto waxay u dhigantaa in intii aad bixin jirtay in le’eg aad ku darto.

Si kale haddaan u dhigo 4 haddaad bixin jirtay, laba laab waa 4 + 4 ama 4 x 2 oo labaduba noqoneya 8.

Haddiise 4 la laba jibbaaro waxay u dhigantaa 4 x 4 oo noqoneysa 16.

Markaa labada eray oo dadka qaar ay isku si u isticmaalaan waxaa u dhexeeya farqi weyn marka loo fiiriqo aqoonta Xisaabta.

Laba jibbaar waxaa badanaa loo adeegsadaa marka laga hadlayo bed.

Dadka qaarna waxay u isticmaalaan isku wareeg.

Markaa Mareykanku wuxuu laba laabayaa kaalmadiisa militeriga Soomaaliya ee ma laba jibbaari doono.

Monday, 5 May 2014

Dhaarta Xusuusnow


Mudane Dhaarta Xusuusnow
Inqaasta Yusuf-Garaad

Waxaan maqlayaa in maanta ay kulmayaan Xildhibaanno Baarlamaanka Federaalka ka tirsan, oo la yiri kuma qanacsana Hoggaanka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ay iyagu horay u doorteen.

Waxaan maqlayaa in ay codsi u jeedan rabaan Madaxweynaha.

Waxaan maqlayaa in aan fadhigu ahayn fadhi Baarlamaan isla markaana aan la fariisan doonin Xarunta Baarlamaanka.

Inta kale ka sokow waxay arrintani ku soo beegantay iyada oo Shabaab u hanjabtay mudanayaasha Baarlamaanka, laba ka mid ah ay dishay saddex kalena ay dirqi uga badbaadeen.

Markaa hey’adaha amniga waxaa looga fadhiyaa in ay xaqiijiyaan bedqabka Mudanayaasha Baarlamaanka.

Waxaa iga xusuus ah in hey’adaha Qaranka, siiba Baarlamaanka ay waajib ku tahay in uu howlihiisa ku saleeyo Dastuurka dalka u yaalla.
 
Xildhibaannada aan la dooran ee la soo xulay waxaan xusuusinayaa dhaartii ay ku mareen kutubka Jaamaca ah. Taas oo fareysa in ay danta dalka ku shaqeeyaan.

Waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu ku duwo dariiqa ay danta Soomaalidu ku jirto.

Soomaaliya ha noolaato.

Akhristow, fadlan ku darso ra'yigaaga oo aan turxaan lahayn: