Total Pageviews

Monday, 16 June 2014

Lixdankii ayaan Xorownay


Kaana siib, Kanna Saar
Yusuf-Garaad

Soomaaliya waxay xorriyaddeeda qaadatay 1960.

Sax ilama aha in 2014 la yiraahdo waxaa la xoreeyay magaalo hebel? Oo waxaa xoreeyay ciidammada Ethiopia ama kuwa Kenya ama kuwa kale oo ay ka wada tirsan yihiin ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxay ila tahay weriyayaasha iyo tifatirayaashooda, siyaasiyiinta iyo diblomaasiyiintuba in ay marka ay xaaladdan ka hadlayaan ay ka dhowrsadaan adeegsiga ereyga “xoreyn”  oo ay doonaan eray uga habboon.

Malahayga waxaa la qaatay in la adeegsado ciidammada AMISOM ayaa Shabaab ka saaray magaala hebel.

Dalalka hadda la leeyahay ciidammadooda ayaa na xoreeeyay marka laga reebo Ethiopia waxaa dhammaantood xorriyadda uga horreysay Soomaaliya.

Halka ay Soomaaliya xorriyaddeeda gaartay 1960, Sierra Leone waxay xorriyaddeeda qaadatay 1961, Burundi iyo Uganda waxay xoroobeen 1962, Kenya 1963, Djibouti 1977.


Allaha u naxariistee Waddanigii Soomaaliyeed, Cabdullaahi Suldaan Timacadde, ayaa markii xorriyadda la qaatay 1960 ee weliba calanka Soomaaliyeed la taagay erayadiisii waxaa ka mid ahaa:

Soomaaloo calan taagta
Timacadde AUN
Saakay noogu horreyso
In sideyda tihiin iyo
In kalaanan saxaynine
Saddex wiig iyo maalmo
Haddaan soor cuni waayo
Safrad laygama yaabo
Sari mayso nafteydo e
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
An siduu yahay eego e
Kaana siib
Kanna Saar.

Thursday, 12 June 2014

Hooyo la dilay!


Hooyo waa Biri-Ma-Geydo
Yusuf-Garaad
Waxaan maqlay arrin aad iiga cajibasay oo murugo leh. Gabar reer Marka ah oo London aan isku aragnay ayaa ii sheegtay in labada dhinac ee isku dilaya Shabeellada Hoose uu midkood dilay hooyo Soomaaliyeed. Ka dibna loogu aaray hooyo kale oo Soomaaliyeed. Allah ha u naxariisto labadaba.

Anigu ma aqaan dembi qof bani’aadam ah laga galo oo ka weyn in nafta laga gooyo. Taas oo hadda Shabeellada Hoose aad uga socota.

Waxaase iga sii yaabiyey ninka u bareeray in uu qof nafta ka gooyo asaga oo is illowsiinaya in Ilaahii qofkan uumay uu isagana la xisaabtami doono. Ee haddana waliba qofka uu nafta ka goynayo ka ay tahay haween weliba hooyo ah.

Nimanka dagaalka ku jiraa haddaysan ayagu is nabad gelineyn, waa in ay nabad geliyaan dadka aan dagaalka ku jirin siiba haweenka, carruurta, waayeelka iyo bukaanka.

Ma jiro sharci iyo qaanuun ay ku bannaan tahay in la dilo qof rayid ah. Hooyana waa lama taabtaan.

Beri aan baarayay xeerarka, dhaqanka iyo sugaanta dagaalka Soomaalida oo aan Waamo ilaa Djibouti socday, ayaan ka sameeyay 20 barnaamij.

Magaalada Hargeysa ayaan aqalkiisa ku booqday Xaaji Dallaayad oo ahaa nin-karmeed, sheekoole iyo gabyaa. Gabay aan ka soo duubay ayaa erayadiisa waxaa ka mid ahaa:

Dhirtaba Geed malko ah baa jiriyo lama garaacaane,
Dadkuna Biri-ma-geydo ayuu leeyihiyo lama guhaadshaane.

Oo uu inta wax fahmeysa ku tusaaleynayo in xataa geedaha ay ku jiraan kuwa aan la jarin sida geedka hooska weyn ee la harsado.

Dadkuna ay leeyihiin qaar aan bir lagula dhicin iyo xataa dhib kale oo ay tahay in la dhowro.

Sida ugu wanaagsan waa in Aadanaha oo dhami uu kaa nabad galo. Ogow dadka Ilaaheey ayaa uuntay, haddaad dad dil noqotana isaga ayaa kula xisaabtami doona.

Sunday, 8 June 2014

Dhambaal iiga yimid Dhadhaab


Saaxiibkeey Jaamac
Yusuf-Garaad

Jaamac, oo ah wiil dhallinyaro ah oo aan saxaafadda bulshada saaxiib ku nahay ayaa ii sheegay in dhowaan laga soo qabtay Nairobi. Dhambaalkan ayuu iiga soo diray Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab. Farriinta saaxiibkeey Jaamac waxaan jecleystay in aan la wadaago Soomaalida, ka dib markuu sidaa iga oggolaaday. Waxba kuma darin marka laga reebo higgaadda oo aan saxay. Waxna kama reebin marka laga reebo qaar aniga shakhsi ahaan igu saabsanaa. Wuxuu yiri:

Mudane waad ku mahadsan tahay dhiiri gelintaada. Masiibo Qaran ayaa dhacday laakiin waxa lagaga bixi karaa Ilaahay oo aynu dembi dhaaf weydiisano iyo cafis.

Saaxiib anigu Dawlad Soomaaliyeed oo shaqaynaysa ma arag laakiin nasiib darro halaag baa dhacay, aan loo kala hadhin. Laakiin ku waari mayno oo ilaahay wuxuu sheegay in cadaab iyo janno uun lagu waarayo.

Dhibka ugu weyna dhalinta Soomaaliyeed buu ku dhacay oo jeelasha caalamka ka buuxa. Tahriib iyo badahana ku dhammaaday.

Anigu Nairobi baan college caalami ah ka dhiganayay, laakiin waa la I qabtay. Garoonka Kasaraani baa la igu xidhay. Xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa lay geeyey.

Dhibkaas i gaadhayna masuuliyiinta Soomaaliada ayaan dusha u saarayaa oo ah kuwo aan waddaniyiin ahayn, kana dhammaan la' khilaaf iyaga u dhaxeeya.

Saaxiib halkan kuma soo.koobi.karo sida uu dareenkaygu ahaa aniga iyo saaxiibbo badan 10/9/12 laakiin maanta rajadaydu ma wanagsana.

Saaxiib laakiin maxaa.hoggaamiyayaasha Soomaaliyed ugu wacan is qabqabsi, khilaaf iyo eexasho qabiil?

Danta guud iyo danta shakhsiga kee la horaysiiyaa?

Waxaa nasiib darro ah in labadii mas’uul ee.Soomaaliya ugu sarreeyey isku mashquulaan!

Iyada oo shacabkii Soomaaliyeed meel walba macaluul, abaaro iyo gaajo ku hayso. Qaarna qaxooti ku yihiin wadamo aan laga rabin, jeelasha caalamkana ay ka buuxaan.

Runtii shakhsiyaadka tirada yar ee xaalka Soomaaliya ee murugsan wax ka qaban kara ayaan aaminsanahay in aad ka mid tahay dhalinyaradana jaanis ayaad siin lahayd, waayo dhalinyaradu isbeddel dhab ah ayay keeni lahaayeen.

Been kuu sheegi maayo ee 7 dhalinyaro ah oo aan Muse Yusuf Secondry ka wada baxnay ayaa wiiggii ugu danbeeyey ku geeriyooday saxaraha Libiya iyo Suudaan.u.dhaxeeya.

Ilaahay quluubteena ha mideeyo. Ilaahay xaqa ha ina tuso.

Markaa saaxiib adigaa Soomaalidii hore iyo tan maantaba joogee maxaa sabab u ah waxan iyo dhibkan mise Somalidu weligeedba waddaniyiin ma’ahayn?

Inkasta oo gacmo shisheeye jiraan.
Ilaahay quluubteena ha mideeyo.

Haddii adiga uu kuu soo qori lahaa dhambaalkan, Jaamac maxaad ugu jawaabi lahayd? Fadlan Jawaabta hoos ku reeb.

Fasax ayay u yihiin Baraha Internetku, hadday doonayaan in ay sii daabacaan qormadan oo aan wax laga beddelin.

Friday, 6 June 2014

Ka Dhowrso Hantida Qaranka


Xuquuqda Ciidanka

Yusuf-Garaad

Maanta waa Jimco. Waxaan qiyaasayaa Madaxdeenna qaarkood in ay isu diyaarinayaan salaadda Jimcaha.

Waxaan qiyaasayaa in qaarkood ay ku lebbisanayaan khamiis, koofiyad iyo cimaamad.

Waxaan ogahaya qaarkood in ay xalay gurigooda bun ku dubeen.

Waa wakhti Ilaaheey loo towbad keeno, dembi dhaaf la weydiisto, dib loo eego usbuucii ku soo maray waxa aad qabatay. Iyo qaabka aad u dhaqantay.

Waa wakhti ay habboon tahay in la is weydiiyo shilin kasta oo aad cuntay, dad siisay, ama aad isticmaalkiisa aad fasaxday in uu si Ilaaheey raalli ka yahay ku baxay iyo in kale.

Waa xilli ay habboon tahay in qofku keligii ku xisaabtamo oo uu is weydiiyo in waxa uu kharash gareeyay ay ka mid ahaayeen mushaarka, sadka, saadka iyo saanadda ciidanku iyo in kale.

Sawirkani wuxuu tusaale kooban u yahay waxa ay ciidanku ka marayaan in dalku dib cagihiisa isugu taago.

Waxaa uu tusaale u yahay khatarta ay gelayaan iyaga oo aan waliba qalab xabbad ka daafaca aan haysan. Xabbad kasta oo baabuurkaas dushiisa lagu soo rido waxay u badan tahay in ay mid iyaga ka mid ah ku dhacdo. Iyaga oo naga og ayay u bareereen.

Xatooyo iyo si xun u maamulid labadubi waa lumin ama lunsasho hantida Qaranka.

Xaqooda faraha ha lagala baxo. Madaxda martiqaadka iyo sooryada u sameyneysa saaxiibbadood ha ogaadeen in hantidaasi ay tahay mid Qaran, meesha ugu habboonina ay tahay difaaca iyo amniga in ay gasho.