Total Pageviews

Saturday, 5 July 2014

Ii Dhis ka dibna ii Nadiifi


Arrad mise Uskag?
Yusuf-Garaad
Waxaan maqli jiray Arrad waa dan laakiin Uskag waa dadnimo xumo.

Turkey waxay noo dhistay waddooyin. Waxay u sameysay nalal aad u iftiin badan. Sax ma kula tahay in haddana loogu daro in ay qashinka iyagu ka qaadaan waddooyinka? Maxaan markaa isku tilmaannaa haddaan nahay Soomaalida Muqdisho ku nool? 

Waan qirayaa in ay jiraan Soomaali ka shaqeysa nadaafadda Muqdisho, xushmadna waan u hayaa. Laakiin weli waxaan arkaa Turki ka shaqeyneysa nadaafadda Muqdisho sidii in ay naga reer Xamarsan yihiin ama ay naga Soomaalisan yihiin.

Dad badan ayaan weydiiyay sababta. Kamase helin jawaab aan ku qanco. 

Waxaa jawaabta ii sheegay dhagxaan, loox iyo muraayado. Waa derbiyada dhaadheer ee shubka  ah iyo muraayadaha quruxda badan ee dhismayaasha magaalada ku yaalla iyo kuwa kale ee hadda la dhisayo.

Waxay ii sheegeen in dadka Muqdisho ay ku fara adeygaan, horumariyaan, aadna u naashnaashiyaan hantidooda gaarka ah.

Waddooyinka magaaladuna waxay ii sheegeen in dadka Muqdisho aanay dan ka lahayn waxa iyaga ka dhexeeya oo ay u arkaan wax aanay iyagu lahayn.

Haddii waddooyinka naloo dhiso, oo nalal nalookugu sameeyo, sow nalama gudboona in aan annagu nadiifsanno?

Friday, 4 July 2014

Ma af Soomaali baa?


Ma af Soomaali baa?
Yusuf-Garaad
Xildhibaan waa af Soomaali. Waa laba eray oo la isu geeyay oo ah xil iyo dhib.

Laakiin Xildhibaane waa maxay?

Nabad-doon la garay, waaba hadday dhab tahay oo uu nabad doonayee. Waxaa uu ka kooban yahay laba eray oo kala ah nabad iyo doonis.

Laakiin nabad-doone maxaa keenay?

Xildhibaane iyo Nabad-doone labadaba waan arkay dad adeegsanaya, xataa idaacado wareysi qaadaya ayaan ka dhegeystay.

Xarafka “e” ee laga daba marinayo magaca si dhadhan Talyaani loogu yeelo sida “dottore” oo kale, ma ilbaxnimaa la moodaa?

Ma garan waxa qofku isaga oo aan ka fiirsan uu uga qeyb qaadanayo in la dhalanrogo erayo af Soomaali ah.

Fadlan taladaada ku reeb xagga hoose. 

Thursday, 3 July 2014

Fadlan Xaqdhowr Marxuumka


Aan Xaqdhowrno Marxuumka
Inqaasta Yusuf-Garaad
Maalmahaan la sooman yahay ayay soo bateen dilalka Muqdisho.  Dhowr iyo toban ruux ayaa Muqdisho lagu dilay dhowrkii maalmood ee bishan Barakaysan ee Ramadan. Waxaa u dambeeyay, Xildhibaanka saaka la dilay. Dhammaantood Allah ha u naxariisto.

Qofku marka uu dhinto wuxuu leeyahay xuquuq ay ka mid tahay in sharafta iyo heybaddiisa la dhowro.

Waxaan sawir qaadayaasha oo ay ku jiraan weriyayaasha, booliiska iyo goobjoogayaasha  sita mobile-ka caaqilka ah aan u soo jeedin lahaa in ay ka fiirsdaan sawirrada ay qaadayaan iyo sida ay u adeegsanayaan.

Ma ahan in wax aanad raalli ka ahaateen in lagugula kaco ad adigu kula kacdo qofka dhintay oo aan isagu yac iska dhihi karin.

Ma ahan in sawirro laga qaado qofka oo dhiig dhex yaalla, indhuhu ay rogan yihiin, afka kala haya amaba dhambacaad u dhacay ama laga yaabo in uu si kale oo aan munaasab ahayn u yaal, meel aan munaasab ahayna dul yaal.

Haddii ay dhacdo in sawirro noocaas ah ama kuwo ka sii xun aad qaaddo fadlan ha soo dhigin baraha internetka.

Tan labaad waa in laga fiirsado goorta iyo sida loo sii deynayo ama loo shaacinayo magaca marxuumka.

Waa in la isku dayaa in ehelkiisa la wargeliyo, ka hor inta aan saxaafadda laga sii deyn magaca marxuumka.

Ilaaheey naguma keeno, ee bal qiyaas adiga oo internetka iska dhex mushaaxaya in uu kugu soo baxo sawirka aabbahaa, hooyadaa, walaal, xaaskaaga, ninkaaga ama saaxiibkaa oo ay haddaayay kuugu dambeysay laakiin hadda dhiig dhex yaalla aadna arkeyso in uu meyd yahay?

Mas’uuliyaddan waxaa iska leh saxaafadda, howlwadeennada caafimaadka, booliiska iyo dowladda. Sidoo kale shacabka oo dhan ayay tahay in ay ka qeyb qaataan xaq dhowrka marxuumka iyo ehelkiisa.

Tuesday, 1 July 2014

Oo Goormaan ku Biiray?


Muxuu Abbahaa kuu Dhalay?
Yusuf-Garaad
Sida aan lagaala tashan in aad dhalato iyo in kale. Sida aan lagaala tashan qarniga aad dhalaneyso. Sida aan meesha aad ku dhalaneyso lagaala tashan. Sida aan lagaala tashan gabar iyo wiil midka aad noqoneyso. Sida aan lagaala tashan in aad gaaban tahay iyo in aad dheer tahay. Sida aan midabkaaga lagaala tashan. Ayaan lagaala tashan qabiilka aad tahay ama aan isa saxee ay kula tahay in aad tahay. Sax?

Qabiilka iyo arrimahaas kale dadku astaanta kaaga dhigayo midkoodna adigu ma dooran. Mana beddeli kartid. Qof ka bixi karaana ma jiro.

Waxaan qiyaasayaa in aan ognahay in dadka gaa-gaaban oo dhami aanay isku aragti ahayn isku danna ahayn, marka laga reebo in dharkoodu ka gaa-gaaban yahay dharka dadka dhaadheer.

Markaa in qof lagu dulmiyo ama lagu dilo maxaad reer hebel u tahay, maxay uga duwan tahay in qof lagu dilo maxaad u dheer tahay ama u gaaban tahay?

Haddaan reer hebel nahay aan iska dhicinno reer hebel maxay uga duwan tahay haddaan nahay dadka gaa-gaaban aan iska dhicinno dadka dhaadheer?

Jawaabta ha la soo boodin. Fadlan wakhti sii oo u fiirso.

Dadka caqliga badan ee qabaa’ilka hor booda ee ku haga dagaal ka dhan ah beel kale, iyo kuwa ka sii caqliga badan ee dagaal aan lagala tashan oo dad aan wax galabsan lagu dilayo halkooda ka daafaca ha iga dhaadhiciyeen wax aan ka ahayn maxaa aabbahood u dhalay oo ay dadkaas ku dilayaan?

Haddii qofku wax aanuu ku biirin, goor lagu darayna aanuu ogeyn, kana bixi karin lagula dagaallamayo, maxay uga duwan tahay in lagula dagaallamayo Aabbahaa muxuu kuu dhalay?