Total Pageviews

Tuesday, 17 February 2015

Dowlad Wacdi Kama Rabo


Marka uu fal dembiyeed dhaco, kaalinta Dowladdu waa baaritaan iyo garsoor. Ma ahan wacdi iyo qalbi qaboojin keliya.

War maanta ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo Ku Xigeenka Ra'iisal Wasaaruhu uu soo saaray, oo daba jooga dilkii shalay ka dhacay isgoyska Nambar Afar ee Muqdisho waxaa cinwaankiisu yahay: “Geeridu waa xaq, qof walbana wakhtigiisa dhaafi maayo”. 

Warka oo saddex paragraph ahaa kuma jirin meel ciidanka lagu farayo ama shacabka loogu sheegayo in baaritaan la sameynayo weerarkii ka dhacay bartamaha magaalada ee afar muwaaddin oo madax iyo shaqaale dowladeed ah lagu dilay.

Ka muwaaddin ahaan, ima qancin in dilkii shalay ka dhacay Nambar Afar ay jawaabta Xukuumaddu noqotay in aan qofna wakhtigiisa dhaafeyn.

Waxay ila tahay in aan ognahay in Qofna aanuu wakhtigiisa dhaafeyn. Haddii ay tahay in la is wacdiyana, Masjidka ayaa Dowladda uga habboon.

Monday, 16 February 2015

Kala Maan


Waxaan daawaday barnaamij TV oo saynisyahan British ahi uu baarayo bal in nolol kale oo midda aan naqaan ahayni ay ka jirto dunida. 

Wuxuu badda hoos u galay 2 km si uu u eego qabowga iyo mugidiga meeshaa ka jira in ay nololi ka jiri karto.

Wuxuu eegay lama degaanka Atacama (Atakama) oo 50 jeer ka sii qallalan midka Sahara. 

Wuxuu booqday goobo kale oo ay ka mid yihiin buuro barafoobay iyo volcano aan demin oo ku yaal degaanka Cafarta Ethiopia.

Wuxuu adeegsanayay ereyga "ilbaxnimadeyda", asaga oo ula jeeda ilbaxnimada Aadanaha.

Gunaanadkii waxaa uu fasiray macnaha ay sameyneyso haddii nolol laga helo meerayaal kale oo ka tirsan carra edeg.

Waxaan soo xusuustay dood uu xilli aan fogeyn iila yimid mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu wakhti dhan geliyay in uu ii fasiro wax uu isagu u yaqaan “Ku dhashay” iyo “U dhashay” oo uu siyaasad ka dhigayo.

Barnaamijka baadi goobaya in Mars iyo Jupiter ay nololi ka jiri karto ee raba in uu i baro sida looga faa’iidi karo iyo wey isu key qaban waayeen Xildhibaanka raba in uu i baro “Ku dhashay” iyo “U dhashay” .

Fadlan ra'yigaaga xagga hoose ee isla boggan ku reeb. 

Monday, 9 February 2015

Khatar


Shalay subax waxaan Muqdisho ka raacay dayaarad Airbus ah. Markii ay damacday in ay kacdo oo ay foodda la gashay dhabbaha ay dayaaraduhu ku rooraan si ay u duusho, ayay markiiba soo kala wareegtay oo ay sameysay U-noqosho. Waxaan joojiyay akhriskeygii aniga oo isku dayaya in aan ogaado sababta aan ugu sulaaxeyno  jihadii aan ka nimid.

Waan naxay markii ay indhaheygu qabteen dayaarad kale oo bartanka u fadhida dhabbaha ay dayaaraddaan saarnaa ay damacday in ay ku roorto. Sawirka halkan ka muuqda ayaan ka gaarsiiyay markii aan ka fogaaneynay dayaaradda kale.


Xog buuxda kama hayo sida ay wax u dheceen. Ma ogi cidda khaladka leh. Mana ogi in ay iyaduna dooneysay in ay duusho iyo in ay soo degeysay. Laakiin daqiiqado yar ka dib ayaan haddana dib u soo noqonnay oo si nabad ah uga duulay isla dhabbihii.

Hadda oo ay soo badanayaan duullimaadyada Muqdisho kuma qanci karno wax ka yar in mar kasta dayaarad kasta oo degeysa ama kacaysa loo hago si 100% sugan oo badqabkeeda aan wax u dhimin.

Si taas loo xaqiijyo waa in shaqaalaha dadaalka badan ee duullimaadyada haga la  xaqiijiyo in ay tiro ahaan, aqoon iyo tababbar ahaan, daryeel ahaan, mooraal ahaan iyo teknoolojiyad ahaanba ay karaan, rabaanna in ay sida ay tahay u gutaan mas’uuliyadda culus ee saran. Waana in ay leeyihiin feejignaan si buuxda indhaha, dhegaha iyo maankaba ugu haysa howsha nolol ama geeri ah ee hortaalla. Waa in lagu kormeeraa lagulana xisaabtamaa.

Thursday, 29 January 2015

Kutlo xey tahay?

Kutlo waa eray asalkiisu carabi yahay oo loola jeedo kis, koox ama kabbo. Ereyga Kutlo wuxuu ku soo biiray qaamuuska aan rasmiga ahayn ee siyaasadda Soomaalida. Waxaa la baxay Mudanayaal Baarlamaanka ka tirsan oo danwadaag ah. Dantaasi waxay noqon kartaa dan guud ama mid gaar ah. Kutlad waxay ahaan kartaa danwadaag, carowadaag, aragtiwadaag, talowadaag ama intoo dhan. Kutladaha ugu codka dheer waxay kala yihiin.

Badbaado Qaran waxay u soo ifbaxday kuna midowday isku daygii fashilmay ee lagu badbaadin rabay Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed. BQ waxaa u madax ah, Cabdi Axmed Dhuxulow oo reer Ceel Buur ah. Waxaa laga yaabaa in ay tahay tan ugu xubno badan Kutladaha Baarlamaanka.

Toosinta Talada Qaranka oo loo soo gaabiyo TTQ. Waxay samysantay markii ay isu bahaysatay in ay is hor taagto Xukuumaddii laqmatay ayada oo shan maalmood jirta. Xukuumaddaas oo lagu dhici waayay in Baarlamaanka la hor geeyo waxay hadda fadhiyada siyaasadeed ee Muqdisho qaarkood u yaqaannaan Leef oo ha liqin. TTQ waxaa u madax ah, Cabdullaahi Jaamac oo ah Gaalkacyood.

PIP waa Kutlada magaceedu af Ingiriiska yahay ee loo soo gaabiyo PIP (Public Interest Platform). Waxay samaysantay markii ay damacday in ay badbaadiso Xukuumaddii Leef oo ha Liqin oo la siqiir suujiyay.

Sharciyad
Kutladdu ma ahan xisbi siyaasadeed oo diiwaan gashan, Haddana ma jiro qaanuun diidaya in ay Xubnaha Baarlamaanka ee danwadaagta ah ama isku aragtida ahi ay isku hal si u codeeyaan. Waa hab awood siinaya Xildhibaannada magaca qabiil ku galay Baarlamaanka oo haddii qabiil la aado aan heli karin codad tiro badan oo miisaan leh ku leh siyaasadda. Dadka qaar waxay ku tilmaamayaan in kutladuhu ay yihiin nidaam qabiilka looga gudbi karo oo u xuub siiban kara axsaab siyaasadeed. Dad kalena waxay la tahay in ay yihiin caqabad hor leh oo ku soo korortay siyaasadda Soomaaliya oo awalba waayadaan ku dabaalaneysay bad kacsan.

Dhinacyada qaar waxay tuhunsan yihiin in Kutladaha qaarkood ay ujeeddadoodu ka qoto dheer tahay waxyaabaha ay hadda idaacadaha ka sheegayaan.

Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay qormada. Fadlan aragtidaada isla boggan ku reeb. 

Thursday, 1 January 2015

Soomaaliya, Soomaali baa leh


Saaxiib maanta dareenkaaga la xisaabtan. 2014 maxaad u qabatay ama u tartay danta guud ee Soomaaliya? Lacag aad u baahan tahay ma ku bixisay danta guud? Aqoontaada ma gelisay? Wakhti ma u hurtay? Waxa aad adigu shakhsiyan qabatay ee mira dhalay ee aad sheegan kartaa waa maxay? 

Ninka ama gabadha madax ahow is weydii – wakhtigaaga gaadiidka, guriga iyo lacagta laguu siiyay in aad danta guud ugu shaqeyso, sida ay tahay ma u wada gelisay danta guud? Waajibkaaga ma gudatay? Sannadkan ma ka wax qabad wanaagsanaan kartaa kii hore?

Ma jiraan wax aad awooddo oo aad Soomaaliya u qaban karto 2015? Mid am
a laba ama ka badan ma jiraan oo aad libin ka dhigan karto in aad sannadkaan ku biiriso horumarka Soomaaliya?

Soomaaliya Soomaali baa leh. Qof aad ku halleysaa yey jirin horumarinteeda.

Tuesday, 30 December 2014

Caqligu ha Taliyo


Gobollada Dhexe maxay Dowlad u dhisan kari la’yihiin? Degmooyinka iyo siyaasiyiinta hor boodayaa maxay guul u yaqaannaan? Dantoodu ma in ay helaan baa waxa ay doonayaan? Mise dantoodu waxay ku jirtaa in ay is-hor taagaan waxa ay kuwa kale doonayaan?

Waa mowduuca aan jecel ahay in aan halkan ku qaadaa dhigo. Si ay noogu fududaato, waxaa habboon qolyaha is haya in mid kastaa uu is weydiiyo ujeeddadiisu waxa ay tahay. Ma adigaa wax doonaya? Mise cid wax isu rabta ayaad is-hor taageysaa?

Erayadeydu waxay ku socdaan labada degmo ee Dhuusa Marreeb iyo Cadaado. Waxaa hore loo go’aamiyay in shirka lagu dhisayo Dowlad Goboleedka lagu qabto Cadaado. Waxaa arrintaa diiddan Dhuusa Marreeb. Sabab? Waa baqdin ay ka qabto in caasimadda Gobollada Dhexe, oo ay iyadu dooneyso, laga dhigo meel aan Dhuusa Marreeb ahayn. Laakiin Dhuusa Marreeb uma ololeyn caasimadda sidii ay ku heli lahayd ee waxay ku dhawaaqday in uu shirku ka dhacayo Dhuusa Marreeb.

Haddii ay Dhuusa Marreeb si uun ay ugu guuleysato in ay Cadaado iska hor taagto in shirka ay marti geliso, is nacayb ka dhasha ka sokow, haddana macnaheedu ma ahan in Dhuusa Marreeb ay si ootomaatik ah u noqoneyso caasimadda.

Waxaan soo xusuustay nin telefoon ku dalbanaya Pizza (raashin muufada la bah ah) oo la iiga sheekeeyay. Wuxuu ka billaabay doofaar ha iiga darin, kalluun ha iiga darin, basal ma rabo iwm. Wuxuu tiriryay tax dheer oo ah waxyaabaha ay tahay in aan lagu darin. Liiskaasi wuxuu ka dheeraa waxa uu rabo in lagu daro. Sow ugama sahlaneyn in caqligu uu taliyo oo uu sheegto mid ama laba waxyaabood oo uu rabo in lagu daro.

Dhuusa Marreeb iyada oo aan waxba is-hor taagin, cadaawadna aan abuuran, ha raadsato waxa ay iyadu dooneyso. Uma qabo in ay dooneyso marti gelinta shirka - saa hore ayaa loo go’aansadaye. Waxay dooneysaa waa in ay noqoto caasimadda Dowlad Goboleedka.

Wey mudan tahay, sababo badan oo loogu dooran karaana wey jiraan. Oo ay ka mid tahay in caasimadda labada Gobol ee isku biiraya middood ay qeybsan tahay. Midda kalena ay tahay Dhuusa Marreeb. Taas waxaa ku taageersan degaanno kale oo badan oo Gobolka ah. Waa xarunta Gobolka waana mid ka mid ah labada fariisimood ee ay ugu badnaayeen militeriga Soomaaliya markii ay ahaayeen cudud Afrika ka tilmaaman. Ha ka faa’iideysato, hana muujiso soo dhoweyn, dulqaad iyo in ay dadku u sinnaan karaan magaalada, haddiiba ay caasimad u wada noqoto. Dhuusa Marreeb soo jiidasho wax ha ku doonato ee diidmo yaanay wax ku radin.


Cadaado waa magaalo si wanaagsan u dhisantay intii uu burburku jiray. Waana goob la go’aansaday in shirka lagu qabto. Cadaado iyaduna waxay u baahan tahay in ay fahamto in aan marti gelinta shirka loo diiddaneyn loona diidi karin. Laakiin tuhunku uu yahay in ay dooneyso in ay adeegsato fikradda ganacsiga ee ah - Mid gado midna lacag la’aan ku qaado. 

Markaa ha is caddeyso Cadaado haddii ujeeddadeedu ay tahay in ay caasimad noqoto. Oo ay xaq u leedahay. Haddii ay ujeeddadeedu ku eg tahay marti-gelinta shirkana, sidaa ha caddeyso.

Waxyaabaha xalka noqon kara waxaa ka mid ah, in ceeriinka wax lagu qeybsado. Hore waa loogu heshiiyay meesha uu shirku ka dhacayo waana Cadaado. Taas ha la aqbalo. Ka hor inta aan Cadaado la teginna ha laga heshiiyo meesha ay caasimaddu noqoneyso. Haddii taasi aanay suurta gal ahayn, waa in ugu yaraan lagu heshiiyaa sida Caasimadda lagu go’aansanayo, cidda go’aansaneysa, goorta iyo goobta lagu go’aansanayo iyo weliba magaalooyinka tartanka ku jira.

Ma garanayo waxa labada magaalo ay dooddan isugu koobayaan marka min Wabxo oo Hiiraan Saaran, Ceel Dheer iyo Hobyo oo xeebta Badweynta India ku yaal ilaa Caabbud Waaq oo ku dhow soohdinta Ethiopia iyo min Guri Ceel ilaa Gaalkacyo ay qeyb ka noqonayaan go’aanka meesha caasimad noqoneysa.

Ugu dambeyn, taladeydu waxay ku kooban tahay - yaan la is lug jiidin, yaanna la is tijaabin ee ha la is aqbalo, waxna ha la isu quuro si la isu kaashado.

Tuesday, 16 December 2014

Mahadcelin 30,000



Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibbadeyda Saxaafadda Bulshada oo tiradooda guud ay kor u dhaaftay 50,000. Gaar ahaan saaxiibbadeyda Facebook oo maanta tiradoodu ay gaartay 30,000 bartan oo keliya.

Waxaan idiin kaga mahadcelinayaa akhriska qoraalldeyda, ka faalleyntooda iyo wax ku biirnta ku dhisan cilmiga, aqoonta, waayo aragnimada iyo madaddaalada.

Waxaa kale oo aan idiinkaga mahacelinayaa wararka iyo macluumaadka aad ku soo bandhigtaan barihiinna oo wargelin, wacdi, aqoon kororsi, talo soo jeedin, ka fekersiin iyo madaddaalaba isugu jira.

Waxaan u mahadcelinayaa dadka barteyda ku taxan oo dhallinyarada u badan wiilal iyo gabdhaba. Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa aqoon yahannada ka faallooda qormooyinkeyga si aan wax uga kororsanno.
 
Waxaan gaar ahaan u mahad celinayaa Xildhibaannada, Diplomaasiyiinta, weriyayaasha, fannaaniinta iyo mas’uuliyiinta kale ee badan ee sida joogtada ah ugu xiran taladana uga dhiibta barteyda.

Wasiirrada, Xildhibaannada, Danjirayaasha, Sraakiisha Ciidanka, aqoonyahanna, dhallinyarada nooc walba leh ee bartaan  ra’yigooda ku dhiibta ayaan u wada mahadcelinayaa, waxaanna ku dhiirri gelinayaa kuwa kale eek u xiran laakiin aan talo dhiiban in ay ayaguna talo nagu biiriyaan.