Toddobaadkan waxaa loo dabbaaldegay 15–ka May. Anigu aad ayaan u qaddariyaa halgamayaasha
Soomaaliyeed ee u dhididay ama u dhintay in aan xorowno. Ka dibna aan midowno.
Waxaa aan u hambalyeynayaa iyagana inta dalka dhismihiisa u soo
halgantay iyo kuwa maanta u taagan, intooda ay ka dhab tahay.
Marka aan arkay hadal haynta Halgamayaashii Gobannimada
waxaa igu dhashay su’aalo badan oo haddii ayaga maanta la weydiin lahaa, aan is
leeyahay “haa” kuma ay jawaabeen.
Ma waxay u dagaallamayeen in dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku
guursadaan isla xeradii qaxooti ee lagu dhalay ayada oo Soomaali kale laga cararayo?
Ma waxay u dagaallamayeen in dhallinyaro Soomaaliyeed ay ka soo baxaan
qaar noloshoodu ay la qiimo tahay gumaca rasaasta oo maanta ay u nool yihiin oo
keliya in ay qof dilaan lana dhintaan?
Ma waxay sugayeen in dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku dhimato Saxaaraha iyo Badda Mediterranean-ka ayaga oo Soomaaliya ka cararaya una
hayaamaya dhul aysan aqoon lagana dooneyn?
Ma waxay u halgamayeen in qaar kale ay ku noolaadaan faqiirnimo iyo baqdin?
Ma waxay u dagaallamayeen in aan cudud shisheeye ku ahaanno Dowlad?
Ma waxay u dagaallamayeen in Madaxweynaheenna ay naga ilaaliyaan
ciidammo Ugandan ah si uu u nabad galo?
Ma waxay u dagaallamayeen in ciidan Ethiopian ah iyo mid Kenyan ahi
ay dalkeenna dhex degaan oo xeryo ka sameystaan si ay annaga noo kala
dhiciyaan?
Ma waxay u dagaallamayeen in caasimaddii u horreysay ee calan
Soomaaliyeed oo xor ah laga taago uu maanta ka babbanayo calan astaan u ah in
ay dooneyso in ay ka “xorowdo” dalkeeda intiisa kale, si ay uga nabad gasho.
Ma waxay u dagaallamayeen in qabiil kastaa uu Madaxweyne u gooniya
lahaado?
Ma waxay u dagaallamayeen in 2015 aan mareyno in qof uu madax ku
ahaado keliya qabiilka uu yahay iyo in uu af Soomaali ku hadli karo?
Ma waxay doonayeen in Gobolka Mudug uu yeesho laba Guddoomiye oo mid
waliba dadka qabiilkiisa ah oo keliya uu u yahay Guddoomiye?
Ma waxay u dagaallameen in Banaadir iyo Baydhaba ay ku doodaan
xudduuddooda Xeebta Jaziira meesha ay ahaaneyso?
Ma waxay u halgameen in muwaaddin Soomaaliyeed loo sheegto in dalka laga
leeyahay?
Ma waxay u dagaallamayeen in sida aad Soomaali ku ahaan karto codna ku yeelan kartaa ay tahay in aad xubin ka ahaato xisbi aadan adigu ku biirin, kana bixi karin oo magaciisa qabiil la yiraa?
Ma waxay u dagaallamayeen in dad badan oo Soomaaliyeed lagu xukumo
in ay qeyb u leeyihiin inta ay dadka la asaagga ahi helaan barkeed?
Ma waxay u halgamaayeen in Kenya ay derbi nagu meeriso?
Ma waxay u halgamayeen in baddeenna ciddii rabtaa ay ka adeegato?
Ma waxay u halgamayeen…
Bal isku day in aad ka jawaabto. Maxay u taagnaayeen dhallinyaradii
Gobannimo u dirirku?
Maxay u halgameen? Maxaanse ka haynaa?

