Total Pageviews

Friday, 19 June 2015

Buubbaa oo Calankiisa Beddelay


Mudane Ismaaciil Buubbaa
Goobtu waa Djibouti. Waa garoonka dayaaradaha Ambouli. Waa bisha April sannadkuna waa 1994. Kulaylka ayaa soo yara billaabanaya. Waa aroor hore. Waxaan ka imid London inkasta oo aan markaa magaalada dhowr maalmood joogay.

Waxaan goobta isku aragnay Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa, oo markaa lagu yiqiin siyaasadda SNM iyo Wasiir Maaliyadda ee Somaliland in uu noqday.

Wuxuu ii saray in war weyn oo xagga Somaliland ahi uu jiri doono. Inkasta oo aan aad isugu deyay in uu faahfaahin i siiyo, haddana wuxuu ku gaabsaday in uu warka ku dhawaaqi doono Guddoomiyaha SNM, Cabdiraxman Axmed Cali, waa Madaxweynihii koowaad ee Somaliland markii ay gooni isu taagtay. Waxaan weydiistay in aan la kulmi karo Cabdiraxman Axmed Cali. Wuxuu ii sheegay in uu hadda ka dhoofay garoonka oo uu qabtay Addis Ababa. Halkaas oo uu kaga dhawaaqi doono warka oo ah mid aad u culus.

Waxaa maalmahaa Djibouti joogay Maxamed Faarax Caydiid. Waxaan soo xusuustay in Caydiid ay toddobaadkii hore isku soo arkeen Addis Ababa Hoggaamiye Kooxeedyo dhowr ah oo uu ka mid yahay Cabdullaahi Yusuf oo markaa madax ka ahaa Gobollada Woqooyi Bari. Wuxuu ahaa safarkii ugu horreeyay ee Caydiid uu Dibadda u soo baxay ka dib markii uu Mareykanku ka joojiyay duqeyntii iyo baadigoobka dagaalkii la baxay Blackhawk Down. Caydiid oo baqdin ka qabay Mareykanka ayaa diiday shir ka dhici lahaa Addis Ababa in uu ka qeyb galo. Dayaarad khaas ah oo loo diray ayaa waxaa wadajir u raacay Wasiir Ethiopian ah iyo Cabdullaahi Yusuf Axmed si ay uga soo qanciyaan in uu shirka ka soo qeyb galo. Wuuna soo raacay.

Halkaas waxaa iiga soo baxday in sababta Caydiid loogu qanciyay in uu dibadda u soo baxo, is araggii isaga iyo Cabdullaahi Yusuf iyo Madax kale oo Soomaaliyeed oo badan ee Addis Ababa iyo kulanka Cabdiraxmaan Tuur, in laga yaabo in go’aanku noqdo mid wax ka beddela siyaasadda Soomaaliya.

Markii uu Buubbaa iigu daray in war weyni jiri doono waxaan billaabay in aan xaaladda darso, bal waxa aniga ka weriye ahaan ila gudboon. London iyadana xan ayaa iga soo gaartay ku saabsan qorshaha SNM. Subixii xigay waxaan ka degey Hargeysa iyada oo aan dadku dareen qabin. Fiidkii ayay ahayd mar aan makhaayad kala casheynayay saaxiibbo markii aan dhegeysannay BBC. Cabdiraxman Axmed Cali wuxuu ku dhawaaqay in laga noqday gooni isu taagga Somaliland.


Gen. Aideed oo diiday in uu ka jawaabo su’aasheyda,
Garoonka Dayaaradaha Djibouti 1994.

Sida ay magaaladu uga jawaabtay iyo bannaanbaxyadii ka dhacay ee rabshadaha iyo dhagaxtuurka watay ayaan Hargeysa ka soo tebiyay maalintii xigtay. Siyaasiyiintii aan la kulmay maalintaas waxaa ka mid ahaa Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Mudane Jaamac Maxamed Qaalib oo aan gurigiisa ku booqday.  

Intii ka dambeysay waa taariikh aanan dooneyn in aan hadda halkan ku faaqido.

Wixii berigaa ka dambeeyay inta badan Ismaaciil Buubbaa aad ayuu uga dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya. Mar uu Xildhibaan ahaa iyo mar uu xil Wasiir hayay. Sannadkii 2000, markii Cabdiqaasim Salaad Xasan lagu doortay Carta, Ismaaciil wuxuu ka mid ahaa raggii ugu cadcaddaa ee u taagnaa Ra’iisal Wasaare.

Dowladdii lagu soo dhisay Nairobi ee uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf hoggaaminayay, oo iyadu ka yara aqoonsi rooneyd dowladdii ka horreysay, wuxuu Ismaaciil Buubbaa mar ka noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Xilkaas intii uu hayay ayuu yimid goobteydii shaqada, Bush House, isaga oo ay wehliyaan Allaha u wada naxariistee Yusuf Dirir oo isaga dhowaan lagu dilay Muqdisho iyo Cabdikariin Faarax Laqanyo. Imey soo wargelin oo waxaa laga yaabaa in aanay dooneyn in la ogaado in lagu siday baabuur ay leedahay Safaaradda Ethiopia ee London, ballanatana ay iyadu u qabatay. 

Anigu markii aan ka war helay waxaan u qabanqaabiyay wareysiyo dhowr ah oo ka dheeraad ah midkii ay u yimaadeen, maaddaama aan ogaa afafka badan ee uu ku hadlo Buubbaa. Ka dib waxaan u qaban qaabiyay in aan la kulanno oo aan isbaro Madaxa Afrika iyo Bariga Dhexe ee BBC, Jerry Timmins, oo aniga madax ii ahaa. Maaddaama aan socdaalka Wasiirka cidi hore noogu wargelin, waxaan Jerry Timmins ka soo saaray shir uu ku jiray, ka dib markii aan ka codsaday in uu qaabbilo Wasiir Soomaaliyeed oo jooga Xafiiskeyga. Halkaas ayaan shaah ku wada cabnay. Marnaba ma sii ogeyn in Wasiirku uu fursaddaas uga faa’iideysan doono in uu aniga i dacweeyo.


2015

Hadda Salaadda subax inta aanan tukan ayaan dhegeystay wareysi taariikhi ah oo uu Ismaaciil Buubbaa siiyay Horn Cable. Wareysiga waxaa si wanaagsan u qaaday weriye Cali-Seenyo, oo ah nin cod kar ah.

Waxaan ka fahmay in Ismaaciil Buubbaa uu hadda ka noqday go’aankii uu in ka badan 20 sano ka hor waa April 1994 uu iigu sheegay garoonka dayaaradaha ee Djibouti.

Wuxuu si codkarnimo leh uu u fasiray sababta uu uga guurayo Muqdisho oo uu u qabanayo Hargeysa, isaga oo calankana beddelanaya.

Ismaaciil Buubbaa wuxuu ka gaabsaday in uu afka si buuxda ugu ballaariyo laakiin wuxuu erayo kala duwan ku sheegay in nidaamka Federaalku qaabka uu ku socdo aanuu isaga ugu muuqan mid haya dhabbihii lagu dhisi lahaa Qaran Soomaaliyeed oo hana qaada. Welibana uu halis u yahay in Soomaaliya uu u horseedo in ay kala burburto, oo ay noqoto dowlado yar yar oo iyagu isu cadow ah iskuna mashquulsan.

Anigu waxaan qabaa in Buubbaa go’aankiisa lagu qaddariyo. Soomaali guud ahaan, keennii jecleysta iyo midkeennii aan jecleysanba waxaa ila habboon in aan ku qaddarinno aragtida iyo go’aanka uu shakhsi ahaan u qaatay Ismaaciil Buubbaa.

Waxaanse qabaa in si aan laab-la-kac ahayn u faaqidno oo u miisaanno sababaha uu noo sheegay iyo sababaha kale ee muuqda laakiin aanuu carrabka ku dhufan.  Waxaan qabaa in aan wax iska weydiinno habka Federaalka. Waxaan qabaa in aan wax iska weydiinno dhaliisha uu u jeediyay Somaliland oo uu ku tilmaamay in dooddeedu ay ku saleysan tahay taariikh ee aanay mustaqbal ku saabsaneyn. Waxaan qabaa in aan wax iska weydiinno Mas'uuliyiinta Soomaaliyeed ee uu ku tilmaamay in ay oggol yihiin in la noqdo laba dal.

Ismaaciil calanka wuu beddeshay, hase yeeshee waa Soomaali, waa waaya arag, waa siyaasi miisaan leh, wuxuu ka dhawaajiyay waxyaabo Muqdisho iyo Hargeysaba aan weli si wanaagsan looga doodin. Waxaan qabaa in aan dooddaas hore u sii wadno. 

F.G. Dadka dhintay ee aan qormadeyda ku soo qaaday Allah ha u wada naxariisto.

Wednesday, 17 June 2015

La sheekeysi Bashiir Mursal Ciise Bootaan


Bash, waa sida uu jecelyahay in loogu yeeree, wuxuu igu qaabbilay goobtiisa shaqada oo ah Hotel Ibis, oo ku yaal bartamaha London. Shaah ayuu ii shubay. Miis gaaban oo na dhex yaallay wuxuu soo saaray baaldi ay xog kala duwani ku xardhan tahay. Waa baaldiga lagu ururiyo lacagta Walaal Afuri.

Sheekadeennu sidan ayay u dhacday:

'Walaal Afuri' waa maxay?
Walaal Afuri waa Barnaamij ku saabsan in lacag saddaqa ah laga ururiyo Soomaalida dibadda oo isla maaalinta la ururiyo loo diro Soomaaliya si maskiin soomman uu ugu afuro.

Sideed ku soo xushaan miskiinka aad lacag siineysaan?
Wakiillo gudaha Soomaaliya jooga ayaa noo soo sheega.

Lacagta aad siisaan halkii qof waa meeqa?
Waxaan bixinnaa ugu yaraan $100 ama $150.

Guud ahaan lacagta aad ururisaan ee aad sii qeybisaan waa meeqa?
Sannadkii noogu horreeyay oo ah 2013 waxaa soo xarootay 21,000 oo doollarka Mareykanka ah. Dhammaanteeda waan bixinnay. Sannadkii 2014 waxaa soo xarootay in ka badan 72,000 oo dollar. Sidaa oo kale waan wada qeybinnay.

Sannadkaan meeqa ayaad is leedihiin qabta?
Waxaa noo qorsheysan $150,000 oo dollar, laakiin waxaan rajeyneynaa sidii sannadihii ka horreeyay in aan bartilmaameedkeenna ay aad uga badnaan doonto lacagta noo soo xaroota.

Waa lacag aad u tira badan. Maxaad caddeyn haysaan in lacagtaasi ay gaartay dadka loogu talo galay?
Waxaan nahay hey’ad samafal oo ka diiwaan gashan dalkan UK. Qof kasta oo lacag ururinaya baaldiga uu sito waxaa ku qoran nambarka hey’adda, isaguna shakhsi ahaan nambar ayuu leeyahay iyo aqoonsi. Waa sanduuq xiran. Goobta uu keeno saddex ruux oo kale ayaa fadhiya iyaga ayaa tirinaya lacagta. Isla maalintaasna waa la dirayaa. Lagamana bixin karo wax ka badan khidmada Xawaaladdu ay ku direyso.

Qaabkee howsha u Agaasintaan si la idiin aammino?
Lacagta midna baaldi ayaa lagu guraa midna Online ayaa lagu bixiyaa. Annaga waxaa noo yaalla in aan lacagta la soo qabtay wax kale laga bixin marka laga reebo khidmada Xawaaladda. Inta kale toos ayaan u dirnaa. Kharash kale oo laga jaraa ma jiro. Waxaa kale oo xeer noo ah in isla maalintii la diro lacagta maalintaas la qabtay.

Habkaasi waa sida aad u shaqeysaan. Laakiin caddeyn ma haysaan dadkii lacgta loogu talo galay in ay gaartay?
Annagu waan diidnay in video laga duubo ama sawirro laga qaado dad masaakiin ah oo lacag saddaqo ah loo qeybinayo. Gobollada Soomaaliya oo dhanna wey noo siman yihiin. Dadka saddaqada la baxayaa annaga ayay na aamminaan. Qaar tiro yar oo qof iyo laba ah oo dacaayad naga sameeyaana ma ahan kuwa saddaqo la baxa.

Dad shaqeysta ayaan nahay. Sabab annaga oo soomman aan dariiqa u wareegno oo lacag u uruurinno ma jirto oo aan ka ahayn saddaqo nalaku aamminay in aan masaakiin gaarsiino.. Waxaan haynaa sheekooyin badan sida nin makhaayad aan dooneynay in aan dadka jooga lacag ka ururinno buuq nagu furay. Markii dambe inta aan meel gooniya ula baxay ayaan u sheegay waxba yuu bixin laakiin in uu i siiyo magaca qof miskiin ah oo Soomaaliya jooga. Nin sabool ah oo indhana la’ ayuu nambarkiisii i siiyay. Ka dibna markii uu ogaaday in aan ninkii lacag u dirnay aad ayuu u farxay. Hadda wuxuu ka mid yahay ragga lacagta soo ururiya Ramadaan kasta.

Wakiilladiinnu waa meeqa ruux?
Waxaan leennahay 55 danjire oo ku baahsan dalal fara bada. Oo mid waliba uu leeyahay mutaddawaciin la shaqeeya.

Dowladda Soomaaliya hey’ad aad la shaqeysaan ma jirtaa?
Maya.

Marka laga tago danjirayaasha iyo wakiillada Soomaaliya, ma jirtaa cid kale oo gacan ku siisa?
Farayre, Fiska, Bashiir, Maxamed Yaxye (Fadhi Liibaan)
Fanaanniinta badan ayaa gacan ka geysta sida heesta furitaanka. Farxiya Fiska ayaa hadda ka hor hees noo qabatay. Sidoo kale Abwaan Maxamed Yaxye, Cabdixakiin Farayare iyo Abwaan Koofiyow ayaa ayaguna ka qeyb qaatay. Dhammaantood waan u mahadcelinayaa waayo heesuhu kor ayay u qaadeen lacagta aan qabaneyno.

Heesta Furitaanka! Furitaanka maxay?
Xayaysiinta TV – ga ee Walaal Afuri.

Mustaqbalka maxaad damacsan tihiin?
Haddaan nahay diaspora, waxaa jira xaflado waaweyn oo ay dadka qaar abaabulaan, oo ay u sameeyaan madaxda dalka ee dibadda socdaal ku yimaada. Kharash badan ayaa ku baxa xafladahaas. Qaar ayaa jaakado, kabo iyo lebbis kale u iibiya madaxdu marka ay halkan soo booqato.

Rajadeydu waxay tahay waxaas maalaayacniga ah dadka abaabula in aan ku dhiirri gelinno in ay wakhtigooda iyo lacagtooda ay saddaqeystaan oo ay masaakiinta Soomaaliyeed gaarsiiyaan. Waxaan rabaa in ay ayagu barnaamijkan nagala wareegaan ka shaqeyntiisa, annaguna aan dusha ka ogaanno, wixii talo loo baahan yahayna aan bixinno.

Maxaad ka baratay howshaan?
Waxaan ka bartay in dadka Soomaaliyeed ay gacan furan yihiin. Saddaqo bixintana ay jecel yihiin. Waan ku faraxsan ahay waana uga mahadcelinayaa. Waxaan rajeynayaa in ururrada badan ee Soomaaliyeed ee ka jira Yurub iyo Woqooyiga Ameerika ay nagu soo biiri doonaan. Howsha Walaal Afuri waxay socotaa bil keliya sannadka oo dhan.

Dhammaad

Friday, 12 June 2015

Iswareyso oo Run isu Sheeg


Waa Jimcadii u dambeysay Ramadan ka hor. Aan is xusuusinno in qof waliba uu keligiis si deggan isu xisaabiyo. Adiga oo aan qofna ku xumeyneyn, qofna iska dhicineyn, qofna is maqashiineyn, qofna ugu roonaaneyn. Keligaa isu warran.  

Waxaa habboon in aan ka dhowrsanno aadanaha. In aan isu axsaan falno, gaar ahaan, aan u axsaan falno Soomaalida faraha badan ee saboolka ah, agoonta, waayeelka taakulada u baahan, qaxootiga iyo guud ahaan dadkeenna Soomaaliyeed.

Qofka cibaadeysta iyo midka aan cibaadeysan, Ilaaheey ayay kala dhexeysaa.

Midda na wada khuseysaa waa sida uu qofku ula dhaqmo inteenna kale. Kan hantida dadweynaha qori ama qalin ku dhacaya, midka awoodda dowladda si gurracan u adeegsanaya, kan shaqada loo diray dayacaya, midka aan ammaanada xafidin, midka u bareera in uu qof dilo, kan dilka amraya, midka fududeynaya iyo qof kasta oo mid kale waxyeelaya.

Waa xilli ay habboon tahay in uu qofku isagu is qabto oo joojiyo xumafalka. Haddii uu samafal ku beddeli karana kaba sii wanaagsan.

Is wareyso oo si dhab ah isugu warran. Is xisaabi inta aan lagu xisaabin.

Thursday, 11 June 2015

Kufsi


Dhinac kasta oo aad u qaaddo kufsi waa dembi aad u culus. Waan ognahay in uu dalkeenna ka dhaco. Soomaali ayaa sameysa. Sidoo kale AMISOM ayaa mid foolxun ku eedeysan. 

Dowladdu waxay u dhowaan u digtay waxa ay ugu yeertay hey’ado ku qaraabta kufsiga oo ka been sheegaya. Dowladu ma sheegin hey’adda sidaa sameysay midda ay tahay.

Waxaa macnaheedu noqonayaa nooc ugu yaraan shaki gelin kara hey’adaha howshaas qabta. Haddii kale waxayba u fasiran karaan baqdin gelin iyo cagajugleyn. Dhinaca kale, hadalkan hanjabaad-ka-warqabka ahi ma dhiirri gelinayo gabadhii lagu xadgudbo in ay soo dacwooto.

Waxaa habboon in dhibbanayaasha kufsiga arrimahooda si xasaasi ah oo miyirqab ah loo eego, loo baaro, looga tashado aadna looga taxaddaro oo si xirfadeysan loogu soo bandhigo bulshada.

Hey’adaha iyo shakhsiyaadka geesiyaasha ah ee adeegga u fidiya dhibbanayaasha kufsigu, waa hey'ado bulshada u haya adeeg xasaasi ah oo aadminnimo. Waxay shacab iyo Dowladba naga mudan yihiin in kaalintooda la qiro, gacan lagu siiyo laguna dhiirri geliyo. Adeeggoodu waa mid ay ahayd in ay dowladdu fidiso hase yeeshee ay ka gaabisay.

Haddii uu qof ku dhex dhuunto oo been abuur sameyo, waa fal dambiyeed. Waa in isaga la qabto, caddeyn la keeno Maxkamadna lala tiigsado. Laakiin waa in aan la dhaamin sharafta kuwa kale, oo aan dhammaantood buste shaki ah la huwin.