Total Pageviews

Tuesday, 12 January 2016

Aayaha Soomaaliya mise Aayaha Koofurta?

Soomaaliland yaa uga wakiil ah ama ku matalaya madasha Kismaayo?

Haddii ay Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya ee Kismaayo ku shiraya oo kulligood reer Koofureed ah ay keligood fadhigaas ku gooyaan saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka iyo habka loo soo xulayo Xildhibaannada 2016, maxay uga duwan tahay in iyaga oo aan afka ka dhihin ay haddana muujinayaan in Somaliland iyo siyaasiyiinta ka soo jeedaa aanay talada dalka wax ku lahayn?

Sow taas macnaheedu ma noqon karo Somaliland waa dal gooni ah? Sow falkoodu ma noqonayo billowga aqoonsiga Jamhuriyadda "aan jaarka nahay ee" Somaliland?

Miyaan laga baqeyn in Soomaalida woqooyi ee Midnimo-doonka ah uu ku dhasho dareenka ah nin laga tashayadow tasho?

Miyeysan caqliyadda noocaan ahi markhaati u noqoneyn eedeyntii Dr. Cali Khaliif Galaydh (masawirka) uu ka jeediyay Cadaado 2015 ee ahayd in kala go’a dalka laga wado Koofur?

In khalad la timaamo, haadaanta laga digo, caddaalad darradana farta lagu fiiqo macnaheedu ma ahan in la jabo in la jecel yahay.

Madasha Kismaayo waxaan u rajeynayaa in ay ku dhammaato is afgarad ayna ka soo baxdo soo jeedin nidaamka siyaasadeed ee dalka hore u marin karta marxaladdan xasaasiga ah ee Kala-guurka ama Kororsiga. Taariikhduna weyn qormeysaa.

F. G.
Sawirka Cali Khaliif waxaa uu ka tarjumayaa in aan soo xigtay hadalkii uu ka jeediyay Cadaado 2015.

Saturday, 9 January 2016

Min 4.5 ilaa Qof iyo Cod

Haddii loo fekero anigu maxaan helayaa, ama reerkeygu muxuu helayaa waa mid aan isku dan la ahaan karin. Waxaa ka habboon in la garto in danta shakhsiga ah iyo danta reerku sida keliya ee xalaasha ah ee ay ku jiri karaan ay tahay in ay qeyb ka ahaadaan danta guud ama aanay ka hor imaan.

Si aan u garanno jihada ay tahay in aan uga  dhaqaaqno meesha aan hadda joogno waa in aan isla garaannaa meesha aan ka nimid iyo sida aan halkan ku soo gaarnay.

Dowladnimada Soomaaliya ee aan maanta haysannaa waa mid curdun ah oo weli aan tallaabada isla helin. Waxay dhalatay ka dib markii 10 sano 1991 – 2000 aan ahayn Dowlad la’aan.

Waxaa na kala geeyay dagaal sokeeye oo ujeeddo-badan ah, mararka qaarna uu ajnebi ka qeyb qaatay welina uu ku lug leeyahay. Marar badan ayaa koox diineed, qabiil ama qabaa’il isgaashaan buureystay oo dagaal ku lug leh waxaan anigu weydiiyay sababta ay hubka u qaateen. Jawaabta ugu badan oo igu soo noqnoqotay waxay ahayd in ay ka dagaallamayaan caddaalad darro.

Dagaalka sokeeye xabbaddiisii inta badan wey istaagtay laakiin dadkii lagu laayay, hantidii lagu kala dhacay, cuqdadadihii uu reebay weli si buuxda oo heer Qaran ah looma turxaan bixin. Is aamminaad buuxda oo gees ka gees Soomaaliya oo dhan la helay iyo mid loo dhan yahay oo Dowladda la siiyay ma jirto.

Xataa Dastuurka uu dalku ku dhisan yahay ee ku meel gaarka ah waxaa uu ku saleysan yahay kala shaki iyo is aamminaad la’aan haddana la rabo in la wada shaqeeyo. Bal eeg awoodaha Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha. Bal eeg awoodaha Federaalka iyo waxa uu Dastuurku u yaqaan Dowladaha xubnaha ka ah Soomaaliya, laakiin dadku ugu yeero Dowlad Goboleedyo. Bal eeg xilalka Hoggaamiyayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Soomaaliya ay la baxeen waa Madaxweyne, oo eeg jagooyinka Wasiirrada ee heer Gobol iyo Guddoomiyayaasha Baarlamaannada.  Bal eeg salaan qaadashada calammo aan la aqoon ay ka daba babbanayaan Madaxda Gobollada ee isbooqanaya, muusig loo garaacayo, oo salaanta ka qaadanaya ciidanka dowladda xubinta ka ah dowladda Soomaaliya. Bal eeg nidaamka 4.5 ee xilalka siyaasadda lagu qeybsanayo.

Waxaas oo dhan ma ahan in ay yihiin habka Dowladnimo ugu wanaagsan adduunka, mana ahan in ay yihiin habka ugu habboon Soomaaliya in lagu dhaqo. Waxay ahayd habka keliya ee la isku af garan karay in wax lagu billaabo bal si marka hore talo iyo Dowlad wadaag loo noqdo oo dalka la isugu soo celiyo.

Inkasta oo aad is dhihi karto Dowladnimada Soomaaliya tan iyo Carta 2000, marba marka ka dambeysa kor ayay u sii socotaa, haddana weli lama hayo dal Soomaaliyeed oo mideysan, lamana hayo Dowladnimo si buuxda u hanaqaadday oo dalka oo dhan gacanta ku haysa ama ka shaqeysa.

Waxaa hore loogu heshiiyay oo la qoray habka looga gudbayo nidaamka 4.5 oo ah in dastuurka afti la geliyo doorashaduna ay noqoto qof iyo cod. 

Dowladda Federaalka oo iyada ay mas’uuliyaddeedu ahayd in ay labadaas qodob meelmariso waxay la soo taagan tahay doorasho qof iyo cod ah ma awoodno in aan qabanno.

Maaddaama aan la hayn doorasho qof iyo cod ah ayaa waxaa la soo jeediyay hab ka duwan kan hadda Baarlamaanka lagu soo xulo. Iyaga oo sabab uga dhigaya in ay tahay in laga gudbo nidaamka 4.5 oo ay dad badani ku dulman yihiin, ayay dhinacyada qaar soo jeediyeen in degaan lagu soo xulo Xildhibaannada Baarlamaanka. Dadka qaar ayaa iyaguna diiddan in 4.5 laga guuro.

Degaanku ka wanaagsan Hayb

Ra’yiga ah in degmo wax lagu qeybiyo aan qiyaasno waxa uu soo kordhin karo ama uu u dhimi karo xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.

Waa run in degaan ka wanaagsan yahay qabiil. Nidaamka degaan ku saleysan waa mid ka sarreeya kan haybta. Waa mid siyaasadda heer Qaran iyo midda heer degaan isku xiraya oo Xildhibaan kasta ku xiriirinaya degaan ay tahay in uu ka warqabo baahidiisa, rabitaankiisa iyo aragtidiisa.

Waa mid haddii ay xaaladdu caadi tahay oo aan Somaliland gooni isu taaggeedu aanuu jiri lahayn la dhihi kari lahaa dalka oo dhan ayay koobeysaa oo isu keeneysaa, laakiin hadda Somaliland degaannadeeda intooda badan lagama fulin karo howshaan.

Degaan mise Beel gashan shaar Degaan?

Su’aal muhiim ah waxay tahay, marka la soo jeedinayo in 4.5 laga guuro runtu ma tahay in degaan lagu fekerayo? Mise qabiil ayaa lagu fekerayaa, si degaan ah wax loogu doonayo? Oo sida qabiilka ay ugu badan karaan kuraasta Baarlamaanku ayaa la eegayaa oo ay tahay ujeeddada oo dhami?

Haddii aad u fiirsato Madaxda dooneysa degaan waa kuwo u haysta in degaan ahaan ay qabiilladooda ugu badanayaan kuraasta ay hadda Baarlamaanka ku leeyihiin oo ay u arkaan in ay ku dulman yihiin.

Madaxda diiddan haddii aad eegtana waxaad arkeysaa in ay yihiin kuwo u arka in Degmooyin haddii la aado ay dhimi doonto tirada kuraasta uu reerkoodu ku leeyahay Baarlamaanka.

Haddii ay arrintu sidaa tahay, ma dhihi karnaa in Soomaaliya loo fekerayo? Mise waa mid leh reerkeyga sidan ayaa u roon iyo mid kale oo leh aniga reerkeyga sidani uma roona?

Markaa waa qabiilka meesha laga qiyaas qaadanayo ee ma ahan degaan.

Si kale haddii loo dhaho waa reerihii dagaallamay, Dowladdoodii dumiyay, sida keliya ee ay heshiis ku noqdeen si Dowlad ay u yeeshaanna ay tahay in ay si siman u qeybsadaan kuraasta Baarlamaanka iyo kuwa Wasiirrada oo hadda uu qaarkood leeyahay maya ee annaga ayaa badsaneyna oo idinka degmooyin badan.

Muqdisho Vs Hargeysa

Sida cad tirada dadku degmo iyo degaan kuma xirna. Haddii Degmo lagu saleeyo kuraasta Baarlamaanka,  waa wax khilaafsan mabda’a Dimuqraaddiyadda ee ah in ay dadka intii isla tira le’egba ay kuraas isu dhiganta ka helaan Baarlamaanka. Waayo Degmooyinka lama tiro koobin, ismana tiro le’eka dadka degmooyinka ku nool.

Degmooyinkeennu waa kuwo la sameeyay berigii xorriyadda la qaatay qaar kale oo bandanna uu Taliskii militerigu ku daray, kuwaas oo aan ka tarjumeyn tirada dadka ku nool degaan kasta hadda oo la joogo 2016. Magaalooyin badan oo ka dad badan Degmooyinka qaarkood ayaa sameysmay kuwaas oo aan degmooyin ahayn, Degmooyin hore u jireyna hoos ayay u dhaceen saami ahaan marka loo eego kororka tirada dadka Soomaaliya.

Waxaan tusaale u soo qaadanayaa magaalada Hargeysa oo iyadu aan raalli ka ahayn in ay qeyb ka ahaato Baarlamaan Soomaaliya, laakiin kolley ay dad Xamar jooga ama imaan doonaa ay ku qeyb qaadan doonaan.

Nidaamka Degmooyinka haddii la raaco waxaa la rabaa in Hargeysa la yiraahdo waa Degmo oo waxay heleysaa 3 kursi ama 3 Xildhibaan ayaa ka soo baxaya.

Laakiin dhinaca kale waxaa la rabaa in la yiraahdo Muqdisho waa 16 Degmo oo waxaa ka soo baxaya 48 Xildhibaan.

Caddaalad darrada ay Somaliland sheegtay in ay ka goosatay iyo middaan hadda la rabo in la jideeyo tee weyn weyn?

Jannaale iyo tuulooyinkeeda oo ka badan tuulooyinka Gobollada qaarkood ku yaalla oo dhan, dadweynaha faraha badan ee ku nool wuxuu codkoodu noqonayaa 0, kuwo aan hal kursi ku lahayn Baarlamaanka. Sababtu maxay tahay? Hadde Jannaale Degmo ma ahan.

Misaanka Beelaha

Dhinaca kale, in Degmooyin lagu saleeyo awood qeybsigu waxay horseedi kartaa in kuraasta ay qabaa’ilka qaarkood ku leeyihiin Baarlamaanku ay kororto. Ogow tirada guud ee kuraasta Baarlamaanka lama kordhinayo, sidaa darteed qofka hoos u soo xisaabtamay ee ku fekeraya in ay kuraasi ugu kordheyso nidaamka degmooyinka ha is weydiiyo xaggee ka imaaneysaa kuraastaasi?

Waa kuraas qabaa’il kale ay hadda ku fadhiyaan oo laga qaadan rabo iyada oo aan tirokoob, codeyn iyo doorasho xalaal ahi dhicin.

Markaa si kale haddii loo dhigo waxay noqoneysaa nidaamka hadda jira ee shaqeynaya aan beddelno. Aan ku beddelno mid noo kala badiya kuraasta Baarlamaanka. Aan ku beddelno mid in uu shaqeynayo aan la hubin. Waa tijaabo hor leh aan galno.

4.5 waxay noqon doontaa 4.0

Beelaha sida gaarka ah ay tirada kuraastoodu 0 ama tiro u dhow ay noqon doonto waa Beelaha awalba dulmanaa ee 0.5 saamigooda laga dhigay. Bal hadda qiyaas meeqa Degmo ayay Guddoomiye ka yihiin dadka 0.5 loo bixiyay?

Waa mid aad arki doonto in afarta qabiil ee waaweyn uu Baarlamaanku ku koobnaado maaddaama dadka aan hubeysneyn ee lagu xaqiray caasimadda, indhaha caalamka iyo saxaafadda hortooda aan cidina u hadli doonin marka kuraas qeybsashada lala tago Gobollada iyo degmooyinka ay beelaha hubeysan malliishiyadoodu ilaalineyso.

Caddaalad ma tahay Baarlamaan aan 0.5 ku jirin iyo Gole Wasiirro aanay xubin ka ahayn in dalku u baahan yahay?

Tan kale, waxaan maqlaa iyada oo la leeyahay Degmo waliba wey is yaqaannaan qabaa’ilka wada deggani. Waa run oo dhowr iyo tobanka qabiil ee Hiiraan deggani wey is yaqaannaan, laakiin ma isu yaqaannaan sida ay u kala tiro badan yihiin? Ma isla oggol yihiin beelaha ay tahay in ay kuraas helaan iyo kuwa ay tahay in la qadiyo? Kuwa kuraasta helaya ma la isla oggol yahay inta kursi ee ay helayaan? Isqabqabsi hor leh ayaa billaaban kara.

Laba qabiil oo hadda kuraas ay tiradoodu is le’eg tahay ama ay iska daba dhowdahay ayaa noqon doona in mid uu kan kale aad uga badsado kuraasta Baarlamaanka. Kaba darane waxay dhali doontaa in laba beelood oo hadda min hal Wasiir ku leh Golaha Wasiirrada ay noqon doonto in beeli ay weydo Wasiir, meesha ay beesha hadda la simani ay ka heli doonto laba ama saddex Wasiir.

Waa mid abuuraya in Degmooyinka Somaliland badankood aan dad laga soo xuli kari doonin oo markaa Xildhibaannada Baarlamaanku ay noqon doonaan qaar Degmo laga soo “doortay” oo markaa iskala weyn Xildhibaanno la soo xulay oo Baarlamaanka la fadhiya. Macnuhu kala sarreyn ama kala mudnaan Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa soo bixi karta.

Nidaamka Degmooyinku waa mid horseedi kara in kuraasta Baarlamaanka ay beeluhu u kala badsadaan si aan sharci ku saleysneyn, horena aan loogu heshiin.

In beeluhu ay kala badsadaan kuraasta Baarlamaanka iyada oo aan waliba ku saleysnayn tirada dadku waxay horseedi kartaa qalalaase soo gala Dowladnimada Soomaaliya iyo is aamminaad la’aanta oo sii kororta.

Haddiiba ay dhacdo in Degaan wax lagu qeybsado waa in la helaa damaanad ah in saamiga ay Baarlamaanka ku leeyihiin beelaha aan hubeyneyn ee 0.5 in aanuu hoos u dhici doonin.

Gunaanad

Ugu dambeyntii talada Degmooyinku haddii ay hirgasho waxay sii fogeyn doontaa xilliga doorasho qof iyo cod ah la qaban lahaa. Waayo dadka ku fadhin doona inta badan kuraasta Baarlamaanka iyo inta badan kuraasta Golaha Wasiirradu ma rabi doonaan in laga buriyo sadbursiga ay heleen.

Qof iyo cod ma yaqaan degmo iyo tuulo iyo qabiil, mana yaqaan 0.5. Ma yaqaan qof hubeysan iyo mid aan hubeysneyn ee wuxuu kuraasta u badinayaa meesha ay tirada dadku ku badan tahay. 

Meesha aan ka nimid waa dagaal sokeeye iyo 10 sano oo Dowlad la’aan ah. Meesha aan joogno oo ah dolwadnimo waxaan ku soo gaarnay nidaamka foosha xun asii noo shaqeeyay ee aan hadda heysanno oo ah kan 4.5. Jihada ay tahay in aan uga dhaqaaqno oo hore loogu heshiiyay Dastuurkana ku qoran waa qof iyo cod.

Inta aan taas ka gaareyno waa in aan doonta la gilgilin, socodkeeda gaaban aan hore ugu sii siqnaa jihada ay naga jirto doorasho qof iyo cod ah.

Go’aan kasta oo la qaato waa in lagu jimeeyaa cabbirka ah in aanuu xasilloonida wax u dhimi karin, Dowladnimada aanuu dhaawici karin amaba nafta yar ee ku jirta ka saari karin.

Afeef
Inta aan ka warqabo Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Koofur Galbeed waxaa ay isku af garteen in Degmooyin lagu qeybsado kuraasta Baarlamaanka.

Tuesday, 5 January 2016

Geerida Mascuud

Allah ha u naxariistee waxaa caawa qabri u hoyanaya walaalkeen Maxamed Cabdi Mascuud. 

Ilaahow Janno ugu bishaaree. 

Wuxuu ahaa nin dhallinyar, dabeecad wanaagsan, xushmad badan, bulshaawi ah sida darteedna ku xiran dad badan oo ay saaxiib ahaayeen. Weriyayaal, fannaaniin, cayaaryahanno, saraakiil ciidanka ah, ganacsato, siyaasiyiin iyo noocyo kale oo bulshada ahba wuxuu ku lahaa saaxiibbo. 

Dadaal badan ayuu ka muujiyay saxaafadda iyo warfaafinta oo uu ka shaqeynayay muddo. Howlo bandan ayuu qabtay qaar ka sii bandanna qeyb ayuu ka ahaa. Hadda wuxuu la shaqeynayay Wasaaradda Amniga qeybteeda Faafinta.

Wuxuu ahaa nin dhallinyar oo howlo badan oo tabarruc iyo samafal ah ka qeyb qaatay. 

Aad ayuu u adeegsan jiray saxaafadda bulshada. Wuxuuna si gooniya u xiiseyn jiray sawirrada oo uu qaadistooda ku fiicnaa iyo video-ga oo uu asagana edit gareyn jiray. War uu soo dhigo Facebook waxaa ugu dambeeyay bishii Novembar 2015 kaas oo uu ugu hambalyeeyay Ilwad Elman iyo Hooyadeed Fartun C. Adan oo ku guuleystay Abaalmarin.


Lama dilin Mascuud. Xanuun ayaa soo riday, Isbitaalka Digfeer (sida weli loo yaqaan) ee magaalada Muqdisho ayaa la dhigay qiyaastii laba usbuuc ka dibna wuu ku geeriyooday. Allah ha u naxariisto.

Saaxiibbo badan ayaa maanta ku soo bandhigay saxaafadda Bulshada sida ay uga murugoodeen Mascuud geeridiisa, in ay ka tacsiyeynayaan iyo in ay Allah u baryayaan. Dabcan waxay raaciyeen wanaaggiisa oo ay Soomaalidu inta badan u qirto qofka, keliya marka uu dhinto ka dib!

Sida qof ay ehel yihiin uu ii sheegay, Mascuud wuxuu ku jiray Isbitaal aan xaaladdiisa caafimaad waxba ka qaban karin. Dowladda uu u shaqeynayay iyo saaxiibbadiisa faraha badan midkoodna kuma guuleysan in uu geeyo Isbitaal xaaladdiisa oo kale lagu daweeyo.

Mascuud oo dhallinyarada da'diisa ah kuwa ugu dhaqdhaqaaqa iyo firfircoonida badan ka mid ahaa, xiriirro fara badan lahaa, Dowladdana u shaqeynayay, markii uu xanuunsaday ma helin cid u gurmata oo geysa isbitaal xaaladdiisa wax ka qaban kara. Bal qiyaas ninka ama gabadha isaga ku fac ah ee aan shaqeyn ee aan xiriirrada uu leeyahay oo kale aan lahayn.

Geerida Mascuud waxay tahay in aan iska weydiinno dhowr su’aalood.

Ujeeddadu waa in aan dalka fahamno, waxa ay tahay in ay Dowladdu u qabato shaqaalaheeda iyo dadka tabarruca ay raalliga ka tahay kula shaqeeya aan is weydiinno, waxa bulsho ahaan iyo saaxiibbo ahaan ay tahay in aan isu qabannana aan is xusuusinno.

Jawaabaha qaarkood waa lagala dhex bixi karaa qormadeyda, laakiin jawaabaha oo dhan anigu ma hayo. Qof kasta isaga ayay mas’uuliyadi ka saaran tahay in uu raadiyo siiba suxufiyiinta Soomaaliyeed gudo iyo dibadba.

Maxay tahay tayada adeegga caafimaad ee dalku? Gaar ahaan Muqdisho, oo Saaxiibkeen ku geeriyooday, heerkee ayay gaarsiisan tahay?

Waxaa laga yaabaa in aad is leedahay su’aalhaas jawaabahooda hadda kuma khasbanid in aad baarto oo aad ogaato. Sababta oo ah mashquul ayaad tahay ama waxay kula ahaan kartaa in aanay jirin wax kugu kallifaya.

Laakiin haddii aad Xamar ku nooshahay ama aad ehel iyo saaxiibbo ku leedahay sida ay Soomaalidu u badan tahay ama aad mar uun dooneyso in aad booqato, ogow waxaa laga yaabaa in aad jawaabaha su’aalahaas aad u baahato in aad daqiiqado yar gudahood ku ogaato. Go’aanka aad gaartana waxaa laga yaabaa in uu noqdo go’aan geeri iyo nolol ama mid ka daba dhow.

Nasiibkaas waxa aad heleysaa oo keliya haddii adiga oo xiskaaga qaba aad u baahato Isbitaal. Dad badan waxaa go'aan loo gaaraa oo Isbitaal loola cararaa ayaga oo aan talada wax ku lahayn xaaladda ay galeen awgeed. Xataa dadka go'aanka u gaaraya waxaa laga yaabaa in aanay is aqoon maaddaama aad ku dhaawacmi karto ama aad xanuun dartiis ku miyir beeli karto waddada ama meel kale oo aan ahayn gurigaaga ama goobtaada shaqada ama waxbarashada.

Waxaa kale oo aan u baahan nahay in aan is weydiinno qofkii xanuunkiisa ama dhaawiciisa aan wax looga qaban karin dalka gudihiisa, waxa ay soo kordhineyso in isbitaal la dhigo si xanuunka uun loo sii illowsiiyo qalbigana lagu qabowsado in uu isbitaal ku jiro?

Maxay tahay muhiimadda ay leedahay in tayada Isbitaallada kor loo qaado, la is waafajiyana nooca uu dalkeennu ugu baahi badan yahay iyo adeegga caafimaad ee laga heli karo?

Inta taas la gaarayo, yey mas’uuliyadi ka saaran tahay qofka aan xaaladdiisa dalka wax looga qaban karin in Isbitaal dibadda ah loo qaado? Saddexda dal ee xagga dhulka soohdinta nala leh, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya saddexduba way nooga horreeyaan adeegga caafimaadka? Turkiga, Imaaraadka, Sucuudiga iyo Masar iyagana dhowr jeer ayaa dad dhaawac ah ama xanuun hayo loo qaaday. Qofkii isagu awooda ama ehelkiisa ama saaxiibbadiis ay ka bixinayaan India iyo Malaysia iyagana caafimaad waa loo tagaa.

Qofka xanuunsan ama dhaawaca ah hadduu yahay shaqaalaha Dowladda Isbitaallada guduhuna aanay wax ka qaban karin, maxay tahay mas’uuliyadda hey’adda uu ka tirsan yahay ka saaran in bukaankaas isbitaal dibadda ah la geeyo? Wakhti intee le'eg ayay tahay in hey'adda laga warsugo.

Isbitaallada Muqdisho lix ka mid ah ayaan booqday. Qaarkood dadaal badan ayaa ka socday oo loogu adeegayo bulshada inkasta oo mid kasta adeeggiisu uu lacag ahaa, dadkuna aanay wada haysan. Anigu baaritaan ma sameyneyn ee qof xanuunsan ayaan booqday ama saaxiibbo booqanaya aan la socday. Inta ay isheydu qabatay iyo tayada adeegga uu helay bukaanka aan booqday oo keliya marka aan ku qiimeeyo lixda Isbitaal midkoodna anigu kuma qancin. Weliba qaar ka mid ah fayadhowrkooda ayaan aad u saluugay.

Waxay ila tahay in qormadeydu ay soo bandhigtay su'aalo ka badan kuwa ay ka jawaabtay. In aan isu kaashanno jawaabaha ayaan u baahan nahay.

Mascuud waxaan isku barannay Mombasa, inta badanna waxaan isku arki jirnay Nairobi. Sanooyinkii u dambeeyay wuxuu u soo laabtay dalkiisa oo Muqdisho ayuu ka shaqeynayay.

Saaxiibkeen Mascuud Allah ayaan u baryayaa waxaanna saaxiibbadiis iyo saaxiibbadeey oo dhan aan ka codsanayaa in ay u duceeyaan oo Allah u baryaan in uu naxariista Janno ka waraabiyo. 

Monday, 4 January 2016

Farriimo Mahadcelin ah

2015 waxaan bloggeyga ku qoray 100 maqaal oo xambaarsan macluumaad kala duwan oo aan ugu talo galay soo ifbixin waxyaabo dahsoonaa ama sida loo arkayay dhinac aan ahayn aan ka eegay, dhiirri gelin in uu akhristuhu su’aalo is weydiiyo oo si keli keli ah iyo si wadar ah labadaba loo fekero, wacyi gelin, dood iyo ra’yi wadaag.

Facebook iyo Twitter iyaga waxaan ku qaray intaa in ka badan oo gaa-gaaban oo qaar badan oo ka mid ahi ay yihiin isla noocaas. Baraha internetka, wargeysyada iyo idaacadaha oo aan u fasaxay in ay qaadan karaan ayaa aad u sii faafiyay qaar badan oo qoraalladeyda ka mid ah.

2015 dhammaadkeedii iyo sannadkan cusub waxaan akhristayaasheyda qaarkood ka helay farriimo ay ii soo direen oo isugu jira mahadcelin, bogaadin iyo dhiirri gelin. Waxaa si gooniya ii taabatay farriin qoraal ah oo ay ii soo dirtay Canab oo aynaan si toos ah isu aqoon:

“Haddii sanadka 2015 Award (Jaa’izad) la bixin lahaa Qoraallada kuwa ugu fiican oo lagu bixin lahaa Billad dahab ah, adiga ayaan ku siin lahaa. Aniga oo og fikraddaan in ay dad badani ila qabaan, haddana miskiin aan ahay oo aan waxba bixin karin. Laakiin xaggayga waxaan jeclaystay in aan ku dhaho Mahadsanid Yusuf Garaad halkaas nooga sii wad Insha Allaah. Waan hubaa Taariikhda ayaa ku xusi doonta”.

Sunday, 3 January 2016

Muslimka iyo Yuhuudda India

Mohammed oo mas'uul ka ah Synagogue ku taalla Kolkata
India, inkasta oo khilaaf ba’ani uu marmar ka dhex dhaco, haddana dadka India ee diimaha kala duwan waxaa ku badan dulqaadka.

Magaalada Kolkata oo xarun u ah Gobolka West Bengal oo ay ku nool yihiin in ka badan 90 malyan oo ruux, waxaa 250 sano ee u dambeeyay ku dhex noolaa dad Yuhuud ah oo ka soo waxay Ciraaq.

Dadkaas oo markii ay ugu tira badnaayeen ahaa agagaarka 100 kun oo ruux, waxay sannadihii dambe billaabeen in ay u guuraan Israel.

Nazes Afroz
Synagogue oo ah meelaha ay diintooda ku caabbudaan oo shan ah ayay ku lahaayeen Kolkota. Saddex ka mid ah ayay tagaan Yuhuudda tirada yare ee ku soo haray Kolkota. Labadii Synagogue ee kale waxay u dhiibeen dad Muslimiin ahi in ay u hayaan oo ay iyagu mas’uul ka ahaadaan.

Ninka sawirka sare ka muuqda  oo la yiraahdo Maxamed Kahliil ayaa ka mas’uul ah Synagogue-a uu dhex taagan yahay.

Nazes Afros oo ah reer Kolkata, oo aan wadashaqeyn jirnay oo isagu sawirka qaaday ayaan weydiiyay sababta Yuhuuddu u doorbidday Muslimiinta. Wuxuu ii sheegay in ay u arkaan in ay ayagu fahamsan yihiin diinta Yuhuudda.

Waxaan xusuustay in Soomaalidu intii aanay Yurub ku soo badan oo aanay makhaayado ku yeelan, gaar ahaan kuwa jooga dalalka ay ku yar yihiin makhaayadaha hilibka xalaasha ah laga helo ay tegi jireen makhaayadaha Yuhuudda ee gada hilibka Kosher oo ah xoolo sida muslimka loo gowracay.

Waxaa kale oo aan xusuustay in meelaha aan muslimku ku badnayd ay Soomaalida wiilasha u gudi jireen Yuhuuddu.