 |
1971 qalabkaan ayaa wax lagu qori jiray.
Waa xafiiskii aan ku lahaa Madaxtooyada Soomaaliya. |
Cabdi Xaaji Gobdon oo xalay ku geeriyooday Muqdisho, Allaha u
naxariistee wuxuu ahaa Macallin sannadihii kontomaadkii inta aanuu ku biirin
Radio Muqdisho billowgii lixdanaadkii.
Cabdi Xaaji Gobdon wuxuu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta
markii aan anigu ku biiray Radio Muqdisho horraantii siddeetanaadkii. Waxaan ka dib ka warhelay in uu dabayaaqadii kontonaadkii Macallin ka noqday Dugsiga Leegada, ka dibna Golweyn, inta aanuu horraantii lixdamaadkii ku biirin Radio Muqdisho. Horraantii lixdanaadkii iyo mar kale dabayaaqadii lixdaamaadkii wuxuu ka shaqeeyay
Laanta Af Soomaaliga ee Radio Moscow.
Waxaan xusuustaa yaraanteydii aflaam Ruushku dhigi jiray oo af
Soomaali ku codeysnaa in qaarkood codka ku duubani uu ahaa kan Cabdi Xaaji Gobdon.
Waan ogaa inta aanuu noqon Agaasime Guud in uu ahaa weriyaha
Gaarka ah ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Warfaafinta ka dib waxaa uu noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Dhallinyarada iyo Sportiga.
Cabdi Xaaji Gobdon, Allah ha u naxariistee, wuxuu ahaa weriye cod
hallaasi ah leh, aadna u af Soomaali wanaagsan. Markii aan ahaa arday soo
koraya isaga iyo Yaasin Xaaji Ismaaciil Jirde waxay ka mid ahaayeen weriyayaal
aan ka kororsado eryada af Soomaaliga ah gaar ahaan kuwa siyaasadda, dhaqaalaha
iyo militeriga.
Gobdon shakhsiyaddiisa waxaan bartay ka dib markii ay burburtay
Dowladdii Soomaaliya. Waxaan u arkay in uu yahay nin Dowlad ku nool ah, dadkana
aan iskala weyneyn siiba dhallinyarada.
Waxaa kale oo aan u arkay nin ku kalsoon mihnaddiisa, xoog
furan, jecel in aqoonta laga dhaxlo oo uu u gudbiyo jiilka isaga ka da’da yar.
Isaguna ma ahayn nin ay da’du ka hor istaagto aqoon kororsiga siiba xagga la
qabsiga teknoolojiga cusub. Wuxuu adeegsan jiray talefoonka caaqilka ah iyo
iPad wuxuuna qoraal iyo sawirro ku soo bandhigi jiray saxaafadda bulshada.
Gobdon wuxuu ka mid ahaa mas'uuliyiintii badbaadiyay keydka cajaladaha ee Radio Muqdisho sannadihii faraha badnaa ee laba ama ka badan kooxood ama dowladood ay ka dagaallamayeen Muqdisho.
Cabdi Xaaji Gobdoon wuxuu qoray buug ku saabsan aabbihiis iyo culummo kale oo Soomaaliyeed.
Wuxuu la soo shaqeeyay Dowlad kasta oo dalka ka curatay xataa
xilliga burburka marna wuxuu ahaa la Taliye ama Af hayeen Madaxweyne, Ra’iisal
Wasaare ama Wasaaradda Warfaafinta.
2002 waxaan Djibouti uga wadaqeybgalnay 3 usbuuc oo la isu keenay qorayaal, weriyayaal, abwaanno iyo xeel dheerayaal cilmi afeedka yaqaan. Waxaan dadkaas ka mid ahaa Hadraawi, Gaarriye, Aw Jaamac Cumar Ciise, Cabdiqeys, Yamyam, Idaajaa, Xasan Cilmi, Ismaaciil Dugsiiye, Riiraash, Cabdi Xaaji Gobdoon, Axmed Cali Askar, Axmed Xasan Cawke, Siciid Faarax Yare, Cali Seenyo iyo aqoonyahanno badan oo reer Djibouti ah. Waxaan halkaa ka soo saarnay qaamuus ay ku kooban yihiin eraybixinta ay warbaahintu u baahan tahay si ay wararka ugu adeegsato. Qaar badan oo mid ah khubaradaasi wey dhinteen ee Allah ha u naxariisto.
Howlihii ugu dambeeyay ee aan Gobdon ka wadashaqeynay waxaa ka mid ahaa xeerka saxaafadda oo aan talo bixin ku lahayn. Iyo qaban qaabada xuska maalinta Afka Soomaaliga 2015 iyo
talo ka bixinta howlaha ay tahay in la qabto si afka loo horumariyo iyo cidda
ay tahay in ay qabato. Howshaas waxaan galnay ka dib markii ay Madaxtooyadu na weydiisatay in koox kale oo aqoonyahanno ah aan kala shaqeyno.
Cabdi wuxuu ugu weynaa dhowr walaalo ah oo Jaamiciyiin u badan
oo ka shaqeeya Warfaafinta Qaranka, Radio iyo TV. Aabbahoodna sidoo kale wuxuu
ka tirsanaa idaacadda oo uu wacdi diini ah ka jeedin jiray. Sidaa darteed
wuxuu ka soo jeedaa qoys diineed, isaguna waxaa uu ahaa nin aan ku tilmaami
karo Suufi ku dhow Ahlu Sunna wal Jameeca.
Saaka aroortii markii geeridiisa la ii sheegay, waxaan goostay
in aan soo bandhigo sawirro dhowr ah oo aan ka soo guuriyay bartiisa Facebook,
oo aan is leeyahay waxay ra’yi ka bixin karaan taariikhdiisa.
Sawirrada waxaa la socda fasiraadda uu qaarkood Gobdon ka
bixiyay oo sidii uu isagu u qoray ah oo aan soo minguuriyay marka laga reebo
saxitaan ama habayn aad u yar oo aan ku sameeyay. Fasiraadda farta waaweyn ee tan le'eg waxaa qoray Cabdi Xaaji Gobdon. Fasiraadda farta yaryar ee sawirka ku hoos taallana aniga ayaa qoray.
Cabdi Xaaji Gobdon marka taariikhdiisa laga hadlo, waxaa laga dheehan karaa taariikhda warbaahinta Soomaaliya iyo heerarka ay soo martay iyo weliba heerarka uu soo maray Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.
Waa xaafiis aan ku lahaa Madaxtooyadda Soomaaliya, waana waqtigii
aan ahaa waryihii gaarka ah ee Madaxweeyne Maxamed Siyad Barre. Taariikhdu waa 1974.
Waa Madaxweyne Maxamed Siyad Barre iyo Gudoomiyihii Ururka Dhalinyarada
aduunka ee nabada jecel iyo aniga oo wakhtigaas ahaa waryaha gaarka ah ee Jaalle
Siyaad Barre. Taariikhdu waa 1975.
Waqtigaan waxaan wareeysi ka qaadaayay Madaxweyne Maxamed Siyad
Barre oo uu wehliyo xoghayihii guud ee Midoowga Afrika. Sawirkaan waxa uu ahaa 1976
goobtuna waa Addis Ababa.
Sawirkaan waa shirkii Madaxweeynayaasha Dowladaha Islaamka ee
lagu qabtay Xaramka. Taariikhdu waa 1978.
Waa xarunta VOA ee dalka USA. Waqtigaan waxaan ka codsanaayay
madaxda VOA in la sameeyo Laanta Af Soomaaliga ee VOA, aniga oo xiligaas ahaa
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta. Taariikhdu waa1983.
Waa WAR-SIDE (Journal) ka soo bixi jiray magaalda QUBRUS magaciisana la yiraahdo
(الا ثنين ) ama AL ITHNENYN waxuuna iga wareysanayay asaaskii TVgii qaranka ee hawada galay 1983.
Waxaan Mar dhaw bulshada Soomaliyeed u soo gudbin doonaa Buug
aan ka qoray Aabbaheey Xaaji Maxamed Gobdon iyo qaar ka mid ah Culimada
Soomaaliyeed ee Aabbe ay saaxibbada dhaw ahaayeen sida: Sh. Macallin Nuur, Sh.
Mukhtaar Sh. Maxamed Cali Maye, Sh. Maxamed Cali Maye, Shiikh Cali Cusmaan Naalleeye
iyo Culimo kale oo bulshada Soomaaliyeed ku weyn. Bugga waxaa lagu magacaabaa Agoonkii
Cabsida Alle Dugsaday. Qormadiisii Labaad (Second Edition).
Waxaa sharaf inoo ah in aan Magaalada Muqdisho ku soo dhaweyno
Madaxweynaha Dalka JABUUTI Walaalkeen Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Hiildoonka
Afka Hooyo iyo Xasilloonida Dalkeenna.
 |
| Gobdon waa kan bidix safka hore |
 |
| Gobdon waxaa lagu tirayaa in uu aad ugu dhowaa Madaxweynaha. |
 |
| Gobdon oo adeegsanaya iPad. |
 |
| Gobdon oo cayaaraya Kubbadda Miiska |
 |
| Lugabaxsi iyo neecowsi xeebta Liido |